Skip to main content

Friday 17 May 2024

Siyaasad

Heshiisyada Qarsoon ee Soomaaliya

30 April, 2024
Image
Hassan sh. Mohamoud, president of Somalia, Xi Jinping, president of China
Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Shiinaha. Sawirka: barta X ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya
Share

Heshiisyada Soomaaliya la gasho dawladaha qalaad ee badda ku saabsani waa kuwo qarsoodi lagu hirgaliyo. Taasi sidee bay u saamayn kartaa waayahan lagu jiro iyo loollanka cusub ee gobolka?

Sida ku cad warbixin uu maxadka Heritage ka diyaariyay kalluumaysiga Soomaliya 2019-kii, intii u dhexeysay 1978-kii illaa 1990-kii, xeebaha Soomaaliya in ay ka jillaabtaan waxa ruqsad u haystay dhawr shirkadood oo ka kala socday waddamada: Masar, Isbayn, Kuuriyada Koonfureed, Talyaaniga, Giriigga iyo Taylaan. 

Intaa ka dib, kolkii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannaddii 1991, badaha Soomaalidu waxay noqdeen baylah cid waliba ka muraadsato: mid qashin ku daadiya iyo mid si sharcidarro ah uga jillaabtaba. Humaagga xeebta Soomaliyana beydadkan Hadraawi ayuu u eekaa:

“Hal la qalay raqdeed baa
Lagu soo qamaamoo,
Qalalaasihii baa
Ninba qurub haleeloo,
Laba waliba qaybteed
Qorraxday ku dubatoo,
Qoloftiyo laftii baa
Lagu liqay qallaylkee” — Hadraawi, Hal la Qalay, 1973.

Sannad walba dakhli ka badan $300 milyan ayay Soomaaliya ku waayaysay kalluumaysigaa sharcidarrada ah. Sannadkii 2013-kii oo kaliya waxa la tilmaamay in Soomaaliya laga xaday xeebeheeda kalluun lagu qiyaasay 132 kun oo tan, sida ay Heritage tilmaantay.

Iyaga oo biyaha Soomaaliyi sidaa u dayacan yihiin, ayaa dabayaaqadii 2018-kii dawladda federalaaku 31 shirkadood oo Shiinaha laga leeyahay siisay ruqsad ay ku jillaabtaan kalluunka tuunaha iyo kalluumada la bahda ah. Shirkadahan ayaa ka tirsan dalladda “China Overseas Fisheries Association” oo sannadkii 2012-kii loo asaasay si uu Shiinuhu u dardargaliyo tartanka uu ugu jiro kalluumaysiga badaha waddankiisa ka dheer. Taa beddelkeeda, dawladda Soomaaliya waxay ka qaadatay lacag 1 milyan oo doollar ah bixinta ruqsadahaas, oo sannad walba la cusboonaysiin doono. 

Sideedaba, waxa jira noolaha badda qaar ka caaggan in la jillaabto, sida xeerarka caalamiga ah iyo xeerka kalluumaysiga ee Soomaaliyaba (2018) qeexayaan. Iyada oo ay sidaa tahay, haddana badda Soomaaliya loo ma kala aabbo yeelo kalluumaysiga oo mid la oggol yahay iyo mid aan la oggolaynba waa la dabtaa, sida lagu sheegay deraasad lagu sameeyay kalluumaysiga sharcidarrada ah ee Soomaaliya.

Haddaba, Soomaaliya awood ma u leedahay in ay sharciga ku ilaaliso shirkadahan adduunka dabadiisa ka soo shiraaqday? Jawaabtu way iska caddahay oo waa “maya,” kol haddii ay sidaa tahayna wax sidaa u sii weyn kaga ma duwana doonyihii iyo maraakiibtii kale ee sida sharci la’aanta ah xaalufinta ugu waday badda Soomaaliya. 

Ta labaad, sida laga warqabo kalluumaysatada Soomaalida ee ay awal dhibka ku hayeen doonyaha iyo maraakiibta sida sharcidarrada ah badda uga jillaabta, waxa ugu biiray dhibkoodii hore, mid labaad oo dawladda ruqsad ka haysta. 

Mar kale Nofeember 16, 2022, bilo ka dib markii Xasan Sh Maxamuud la doortay, dawladda Federaalku waxay heshiis hal sanno ah la saxeexatay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Beijing Chaoyang Holding company iyadoo sheegtay in heshiiskani wax ka taraayo kalluumaysiga sharcidarrada ah, isla markaana shirkaddu ay hirgalin doonto meelo kalluunka lagu habeeyo, si Soomaaliya uga faa’idaysato mallaayga baddeeda ka buuxa. 

Shirkaddana waxa la siiyay ruqsad ay tuunaha kaga la soo bixi karto biyaha Soomaaliya, iyada oo sidii aan hore u sheegnay, aanay jirin cid alle cid ku ilaalinaysa in ay raaceen xeerka kalluumaysiga ee Somaaliya. Waa uun isafgarad la mid ah kii ninkii alaabta u dhiibtay duqii sigaarka cabbaayay ee ku yidhi “Af-ku-dabloow adaan ku aaminay!” 

Sida laga warqabo qodobbada heshiiska waa la qariyay, oo si daahfuran loo ma soo bandhigin, marka laga tago inta uu Wasiirka Kalluumaysigu ummadda la wadaagay warka ku saabsan in heshiis caynkaas ahi jiro. 

Waxa cajiib ah qaabka heshiis noocaas ah loogu tilmaami karo in uu kalluumaysiga sharcidarrada ah wax ka tari doono! Sidoo kale wax isweydiin mudan dheefta Soomaalidu ka heshay heshiiskaa malaayiinka doollar lagu kala saxeexday, iyo waxa ka hirgalay horumarintii kalluumaysiga Soomaaliya ay shirkaddu ku samaynaysay. Hore ayaa loo yidhi “wax la qariyo qudhun baa ku jira,” sidaa awgeed in aanay weli bulshadu ka helin dheef la tibaaxi karo saxeexaas, waxa la odhan karaa waa qudhun ka dhashay heshiiskaa ummadda qodobbadiisa rasmiga ah laga qariyay. 

Sannaddii 2023 ayuu Wasiirka Kalluumaysiga ee dawladda Federaalku dib ugu cusboonaysiiyay shirkaddaa Shiinayska ah ruqsaddii kalluumaysiga, ka dib markii uu la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya. Weli sidii ayay u taagan yihiin labadii mushkiladood ee hore, laakiin dawladdu way cusboonaysiisay heshiiskan aan la aqoon wuxuu ummadda ugu fadhiyo.

Is'afgaradkii Soomaalilaan iyo Itoobbiya wada saxeexdeen sannadkan horraantiisii ka dib (oo laftiisa aynaan ilaa hadda haynin qodobbada uu ka kooban yahay),  dawladda Soomaaliya waxay heshiis 10 sannadood soconaya, oo ay ku tilmaantay in ay baddeeda ku ilaalinayso, la gashay dalka Turkiga, kaas oo kama dambaystiina uu ansixiyay golaha sharcidajintu bishii Febraayo.

Si duuduub ah ayaa golaha lagu dhaafiyay heshiiska, iyadoo aan guud ahaanba la soo bandhigin qodobbada rasmiga ah ee uu hashiisku ka kooban yahay, si la mid ah kii hore ee Shiinaha. Caaddifadda bulshada oo aad loo kiciyay awgeed, heshiiskaas tobanka sannadood soconaaya xukuumadda iyo madaxweynihii looga fadhiyay in ay bulshada hor keenaan qodobbada rasmiga ah ee heshiisku, waxay goob walba la istaageen, In Soomaaliya ay guul gaadhay, maanta laga bilaabana “cadawgii” Itoobbiya aanu badda Soomaaliya soo hawaysan doonin, si shacabka loogu abuuro guul mala’awaal ah. 

Halkan waxa laga garan karaa in isla tabtii heshiiskii hore loogu eekaysiisay in uu kaalmayn doono joojinta kalluumaysiga sharcidarrada ah, kanna qaab la mid ah bulshada loogu soo bandhigay, iyadoo oo labada heshiisba ay ka siman yihiin in nuqulkooda dhabta ah shacabka laga qariyay. 

Turkigu in uu ciidanka badda Soomaaliya dhisayo, ayay sidoo kale xukuumaddu sheegtay. Laakiin cidina ma oga, Intee in le’eg buu dhisayaa? Qalab intee le’eg ayuu siinayaa? Tiradooda iyo aqoontooda halkuu gaadhsiinayaa? Awood intee le’eg ayuu yeelanayaa ciidanka uu dhisayaa? Berri-ka-maalin marka uu heshiisku dhammaado ma jirto wax cayiman oo bulshadani kaga xisaabtami karto kulana xisaabtami karto Turkiga.

Iyada oo ay sidaas tahay, haddana waxa aan lagu kala baydhin in maslaxadda ugu weyn ee Turkigu heshiiskan ku qabaa in ay tahay sidii uu kheyraadka badda Soomaaliya uga dheefi lahaa, haddii ay kalluumaysi tahay iyo haddii ay shidaal tahayba (sida laga warqabana, badda Soomaaliya shidaalka aan la taaban ee ku jira waxa lagu qiyaasay 30 bilyan oo foosto), si la mid ah sidii shirkadaha Shiinaha gacanta loogu galiyay kalluunka badda Soomaaliya.

Mid ka mid ah waxyaabaha huursan ee laga filan karaayay heshiiskan la qariyay ayaa durtaba bishan dibadda u soo baxay, ka dib markii markab dagaal oo dawladda Turkigu leedahay oo waddamo dhawr ah maraayay uu soo istaagay dekadda Muqdisho, laakiin dawladda Soomaaliya ay sheegtay in uu qayb ka yahay heshiiskii badda. Xafladdii markabka dushiisa lagu qabtay oo Turkidu uga dan lahayd xuska Maalinta Carruurta iyo madaxbannaanida Turkigana, xukuumaddu shacabka uga gadday in ay tahay mid ibafur u ah heshiiska.

Waxa xusid mudan, dhanka kale, in Turkiga laftiisu uu sannaddii 2021 heshiis iskaashi oo ballaadhan la galay Itoobbiya. Waxa soo hoos gelayay iskaashi dhanka ciidanka ah oo culus oo ay wada saxeexdeen wasiirrada gaashaandhigga ee labada dal. Weliba heshiiskan barlamaanka Turkigu ayaa meelmariyay labo sannadood ka dib, bishii Abriil 2023.

Ugu dambayn, laba sannadood iyo dheeraad uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka hayay, Turki iyo Shiinahaba badda ayuu u saxeexay, iyada oo weliba uu jiro heshiis kale oo kan Turkiga ay isku mid yihiin laakiin lala galay Imaaraadka isla muddadan uu Xasan Sheekh joogay, waliba qaabkaa madmadawga leh ee ka fog sifaha dawlad xilkas ah, oo si daahfuran shaqadeeda shacabka ugu soo bandhigta. Dhammaan heshiisyadani waxay u eg yihiin kuwo aanay is lahayn saamayntooda iyo sida fudud ee looga hadlo ama loo wajaho.  Waxayna u eg tahay in Faannoole aanay weli fari ka qodnayn!