Saturday 18 April 2026
Geeska Afrika waa gobol muhiimad siyaasad-degeleed oo weyn leh, waana marin ganacsiyeed Bariga iyo Galbeedka isku xidha. Waa gobol istraatiijinimadiisu soo jiidato loollanka awoodaha qalaad. Waa gobol goljilicyo siyaasadeed oo badan leh. Goljilicyadiisa waxa ka mid ah kalaqaybsanaanta qawmiyadeed iyo qabiil ee dalalka gobolka gudahooda ka jirta. Dalalka gobolka bulshooyin badan baa ku dulman oo muquunin dalweynaha qayb uga sii ah, taas oo ka dhigaysa iin ay awoodaha qalaadi adeegsan karaan si ay u gaadhaan danahooda siyaasadeed.
Dalalka gobolku waa kuwo kala shaki qaba oo mar walba ku hawlan isqulub. Dalalkan oo ay mid kasta gudihiisa ka jirto maamulxumo, musumaasuq, qalalaase amni iyo mid siyaasadeed, iyo muquunin shacab.
Gobolka ay waxaas oo dhani ka jiraan ayay Soomaalilaanna tahay xaqiiqo soddon sanno jirsatay iyo mid ka mid ah qodobbada beera xasilloonidarrada gobolka, oo Soomaalilaan in kastoo ay tahay maamul ay ka jirto xorriyad door ah, dimuraadiyadi iyo xasilooni amni, haddana Soomaalilaan waa mid mar walba u diyaarsan iyadoo baadigoobaysa yoolkeeda aqoonsiga in ay noqoto bartilmaameed dalalka qalaadi ka soo farogaliyaan arrimaha gobolka, iyo waliba agab ay adeegsadaan dalalka gobolka ee is bidaya in ay yihiiin awood goboleed. Waxaa taas tusaale u ah is’afgardkii horraantii sannadka ay Itoobiya iyo Soomaalilaan wada galeen.
Jan. 01, 2024 ayay ahayd Soomaalilaan iyo Itoobiya wada saxeexdeen is’afgarad mugdi ku gedaaman yahay qodobbadiisa labada dhinac ku kala duwanaayeen; in saldhig milatari oo Badda Cas ah cabbirkiisuna yahay 20km laga kireeyo muddo xaddidan, waa sida ay u sheegtay Soomaalilaan e, halka Itoobiyi sheegatay in ay dhankeeda helayso saldhig milatari iyo dekad oo aan muddadoodu xadidnayn. In ay Soomaalilaan dhankeeda saamiyo ka hesho shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ama shirkadda isgaadhsiinta Itoobiya ee Itiyo Telekom, sidoo kalena Soomaalilaan in ay aqoonsi rasmi ah ka hesho Itoobiya, mayee, Itoobiyi “in ay qiimayso go’aanka ay ka qaadan lahayd dadaallada aqoonsi-raadinta Soomaalilaan.”
Is'afgaradkan oo dhaboobaa wuxuu rumayn lahaa himilooyinka labada degaan ay in muddo ahba ku taamayeen. Haddaba heshiis caynkan ah wey caddayd cidda dagaalka ku qaadaysaa in ay Soomaaliya tahay, oo isla maalinkii is’afgaradka ay wada saxeexdeen Abiy Axmed iyo Muuse Buuxi, Muqdisho waxay bilawday in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho sidii ay uga hor tagi lahayd heshiiskan oo ay u arkaysay mid khatar ku ah madaxbannaanideeda iyo sugnaanta xuduudaheeda. Waxay Itoobiya ku eedeeyeen in ay qayb dhulka Soomaaliya ka mid ah rabto in ay qaadato. Soomaaliya is’afgaradkan aad bay ula dagaalantay, cid walbana wey uga dacwootay. Taageerada dalalka danta ka leh gobolka wey ka raadsatay. Sidoo kale, xukuumadda federaalku wey diidday in ay la fadhiisato Itoobiya, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh sheegay: “gacmaha ka laaban mayno annagoo arkayna iyadoo madaxbannaanidayadii lagu xadgudbayo.”
Judhiiba waxa isgarabtaagga Muqdisho u soo degdegtay Masar, oo iyadu halis u arkaysay Itoobiya oo rug ka hesha Badda Cas. Masar iyo Itoobiya muddaba xurguf siyaasadeed ayaa ka dhaxaysay, taas oo ka dhalatay habka loo manaafacaadsanayo biyaxidheen koronto laga dhalinayo oo ay Itoobiya ka dhisatay Niilka Buluugga ah, kaas oo qodobbadiisa khilaafka dhaliyay ay ahaayeen muddada lagu buuxinayo, iyo biyaha ay u soo daynayso Itoobiya haddii ay abaaro dhacaan. Madaxweynaha Masar wuxuu sheegay, isagoo Itoobiya la hadlayay, in aan cidna oggolaanayn in dhulkeeda la qaato, wuxuu sidoo kale sheegay in aan Masar oggolaan doonin in la khalkhal galiyo amniga Soomaaliya. Iyadoo Itoobiya dhankeeda arrintan ka biyo diidday in ay goosanayso qayb Soomaaliya ka mid ah, balse arrintu tahay in ay heshiis laga wada faa’idayo la galayaan maamul leh awood sharci oo uu heshiis ku gali karo, iyagoo tusaalana u soo qaadanaya heshiiskii DP World ee siduu qorshuhu ahaa Itoobiya qaybta ka ahayd.
Turkiga ayaa iyaguna sheegay in ay garab taagan yihiin madaxbannaanida iyo sugnaanta xuduudaha Soomaaliya. Bishii Febraayo ayaa xukuumadda federaalku cod aqlabiyad ah kaga ansaxsatay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya heshiis ku saabsanaa iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha oo Turkiga lala galay, heshiiskan oo aan qodobbadiisa—sida kii Addis iyo Hargeysa dhex maray—aan la shaacinin isla markaana la hor keenin baarlamaanka, ayaa ahaa mid gadhweennada federaalku ku tilmaameen mid taariikhi ah oo Soomaaliya u saamaxaya in ay dhisato ciidan badeed, kana faa’idaysato “dhaqaalaheeda buluugga” ah.
In kastoon Itoobiya aanay si rasmi ah uga noqon heshiiskii ay Soomaalilaan la gashay, haddana waxa soo baxay war sheegaya in ay qorshaynayso in ay qodobka aqoonsiga ka laabato. Sida Soomaalilaan hore u sheegtayna isafgaradkani ma aha mid soconaya aqoonsi la’aantii. Haddaba weydiinta meesha taallaa waa is’afgaradkii miyuu fashilmay?
Waxa muuqdaa waa in waqti xaadirkan aanu suurogal ahayn is’afgradkani, oo beesha caalamka ayaa si adag uga biyo diidday. Balse, labadii qodob ee curiyaha u ahaa imaatinka heshiis caynkan ahi wali waa kuwo taagan. Itoobiya waxay bad badigoobaysay taariikhdeeda cusub tan iyo markii ay ku weyday baddeedii Eretariya oo ka goosatay 1993. Horraantii waxay ku isticmaali jireen dekadaha Eretariya bilaa tacriifad iyo qiimo jaban, iyagoo waliba adeegsanaya lacagta birta ee Itoobiya. Balse, dagaalkii labada dal ka kala dhex qarxay 1998 ka dib, Itoobiya waxay ku tiirsanayd dekadda Jabuuti, oo ay sannadkii ku kharash-gareeyaan 1.5 bilyan oo doolarka Maraykan ah.
Haddaba, dalka oo sannadihii danbe dhaqaalihiisu soo korayay, waxay ula ekaatay in rug ay ka helaan baddu in ay awooddooda dhaqaale kobcinayso, helidda saldhig milatarina ay kobcinayso awooddooda milatari siinaysana door ballaadhan oo ay gobolka ku yeelato.
Somaalilaanna weli kamay tanaasulin gooni-isu-taaggeeda iyo baadigoobkeedii aqoonsiga. Haddaba, inta labadan qodob jiraan heshiisku waa mid suuragalnimo uu ku soo laba kacleeyo leh. Oo Itoobiya waxay u eeg tahay in ay ciidda madaxa galinayso inta suuragalnimo ka macquulsan uu helayo is’afgarad caynkan ah ama ay helayso fursad kale oo badda u dhaweysa.
Itoobiya hadda waxay ku jirtaa xaalad qalalaase siyaasadeed iyo mid amniba leh. Abiy Axmed waxa ku furan furino dhawr ah. Markaa Itoobiya ma rabto in uu xidhiidhka dalalka jaarku faraha ka baxo si aan jabhadaha guduhu ayna uga helin dalalka jaarka taageero hub iyo saldhigyo ay kaga soo duulaan.
Sidoo kale dalka kaa soo horjeedaa markuu yahay Soomaaliya oo kale in aad ka dhur sugto inta ay cagta iska tooganayaan ma aha talo xun. Oo muddo yar ka dib, markii ay Buntaaln ka biyo diidday qorshihii uu Xasan Sheekh ku beddelayay dastuurka, waa ta Buntlaan oo Xamar ka falcelinaysaana Addiis Ababa isku shubtay.