Skip to main content

Friday 17 May 2024

Nagu Saabsan

Geeska - Hir cusub 

Geeska oo la asaasay horraantii 2023 waa madal dhaqameed oo isu xilsaartay la-socodka isbeddellada siyaasadeed, dhaqameed, dhaqaale iyo amni ee mandiqadda Geeska Afrika, iyadoo xoogga la saarayo arrimaha Soomaalida. Waxa lagu soo bandhigaa faaqidaad, baadhitaanno, aragtiyo iyo qoraallo la halmaala oo ku diyaarsan afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga. Madashani waxay higsanaysaa in ay noqoto cod ay iska leeyihiin dadyawga ku abtirsada mandiqadda, oo ay gacan ka geysato qaabaynta suuradda warbaahinta dhaqameed ee Geeska Afrika.

Madashu waxay ku bilaabantay ilaa haddana ku salaysan tahay dadaal isxilqaan ah, oo lagaga jawaabayay baahida aynnu u qabno gole furan oo aan eex, reeraysi, gobolaysi, kooxaysi, cunsuriyad, iyo wax kale toona ku dhisnayn ee u furan cid kasta oo xaqiiqada sugan iyo maangalnimada ixtiraamaysa. Waa madal faafisa waxsoosaarka halabuurka, faaqidaadda iyo naqdinta, si simanna u soo bandhigta aragtiyaha kala duwan ee ku qotama dood-wadaag, furfurnaan iyo feker is-waydaarsi. 

Madasha Geesku waxay isku taxallujisay, inta itaalkeeda ah, abuuridda fagaare aqooneed oo ka duwan dayowga ka aloosan Baraha Bulshada. Madashani waxay higsanaysaa in ay ibo-fur iyo sahan u noqoto hir cusub oo loo raro saxaafadda qoran ee cusub. 

Madashu oo ka duulaysa kala-duwanaanta dhaqannada, diimaha, caadooyinka iyo waxsoosaarka taariikheed ee dadyawga Geeska Afrika ku dhaqan, waxay isku deyaysaa in ay Soomaalida iyo ummadaha Geeska Afrika u horseeddo hir cusub, iyo madal salka ku haysa aqoon isweydaarsi iyo isfaham ballaadhan oo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, iyo dhan suugaaneedba leh. Madashu waxay ka shaqayn doontaa in ay hawl galiso qoraayada u mudan ee Geeska Afrika oo la sameeyo hal-abuur aqooneed oo dhan walba daaran, warbixino, waraysiyo iyo suugaan.

Qoraallada aannu baahin doonno waxaanu ku xulanaynaa qotadheerida aragtiyeed iyo farshaxaneed, heerka ay xaqiiqada sugan u soo dabbaalan yihiin, iyo sida hadba loo waafajiyo xeerarka anshaxa iyo maangalnimada ee qoraalka.

Si rasmi ah ayuu qof kasta oo tilmaamahaas isku ogi ugu martiqaadan yahay madashan. Sidii Gaarriye yidhi: “Hir baa laga guurayaa, mid baa lagu geeddi yahay!” 

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa, haddaad qoraal haysid iyo haddii aad talo ama tusaale nagu kaabaysidba, ciwaankan: info@geeska.com