Skip to main content

Thursday 16 May 2024

Xuquuqda Dhammaanteed Dhawrsan

1. Hordhac


Ku soo dhawaada Siyaasadda Kaydgalka (Cookies) ee Degelka Geeska. Siyaasaddan waxa loo qaabeeyay in ay xog qeexan ka bixiso sida aannu degelkayaga ugu adeegsanno kaydgallada iyo farsamooyinka lasocoshada ee la xidhiidha. Haddiiba aad degelkayaga soo booqatid, waxaad oggolaanaysaa in kaydgalka loo isticmaalo sida siyaasaddani dhigayso.

2. Waa Maxay Kaydgalku?

Kaydgalku (Cookies) waa galal-qoraaleed yaryar oo marka aad degel booqato gelaya qalabkaaga (kambayuutar, telefoon, ama taablat). Waxa inta badan loogu talagalay in ay degelka ka caawiyaan in uu si hagaagsan u shaqeeyo oo uu macluumaad siiyo mulkiilayaasha degelka.

3. Noocyada Kaydgallada ee aannu isticmaalno

Waxa aannu degelkayaga ku adeegsannaa noocyadan kaydgallada ah ee soo socda: A. Kaydgallada Aadka Daruuriga u ah: Noocyadan kaydgalka ahi waxay muhiim u yihiin in degelku sii shaqeeyo la iska mana xidhi karo. Waxay inta badan ka dhashaan tallaabooyinka aad qaaddo, sida in aad dejisato doorbidka khusuusiyaadkaaga (privacy preferences) ama aad marka aad gashid. B. Kaydgallada Lafagurka/Habsamisocodka: Noocyadan kaydgalka ahi waxay naga saacidaan in aannu aqoonsanno oo tirinno inta qof ee degelkayaga soo booqda iyo in aannu aragno hadba meesha ay booqdayaashu ka tagaan degelkayaga. Tani waxay naga gacansiinaysaa in aannu horumarinno sida

uu degelkayagu u shaqaynayo oo aannu xaqiijinno in adeegsadayaashu ay si fudud u helaan waxa ay raadinayeen. C. Kaydgalka Hawleed: Noocyadan kaydgalku waxay noo suurageliyaan in aannu kor u qaadno hawlgalnimada iyo sahlidda in degelka uu qofku gaarkiisa u adeegsan karo. Waxa keeni kara annaga ama cid saddexaad oo aannu boggayaga u darsanno. D. Kaydgallada Bartilmaameedda/Xayaysiiska: Noocyadan kaydgalka ah waxa aannu degelkayaga ugu saamixi karnaa cidaha aannu dhanka xayaysiiska iska kaashanno dartood. Waxa loo adeegsanayaa in lagu koobo waxyaabaha aad danaysid oo ka dib degellada kale lagaa dhex tuso xayaysiisyo xidhiidh la leh waxyaabaha ku cajab geliyay.

4. Maaraynta Doorbidkaaga Kaydgalka

Waxaad doorasho u haysataa in aad maaraysid doorbidkaaga kaydgalka. Waxaad sidaa ka samayn kartaa in aad tagtid wax-ka-beddelka (settings) webka. Fadlan ogsoonow in xannibadda ama xayiraadda aad ku samayso kaydgallada qaarkood waxay saamayn karaan sida aad ula falgelaysid degelkaya.

5. Kaydgallada Dhinaca Saddexaad

Waxa aannu shirkado dhinac saddexaad ah u oggolaan karnaa in ay kaydgallo dhigtaan degelkayaga. Kaydgalladan waxa hagaya siyaasadaha khusuusiyaadka ee dhinacaa saddexaad, waxana aannu ku talinaynaa in aad fiirisaan siyaasadahaas.

6. Isbeddellada Siyaasadda Kaydgalka

Way dhici kartaa in aannu in markii aannu doonno wax ka beddelno Siyaasadda Kaydgalka si ay uga turjumaan isbeddellada ku yimaadda adeegsigayaga kaydgallada. Wixii isbeddel ah ee aannu ku samayn waxaannu kugula socodsiinaynaa in aannu ogaysiis kuu dhex dhigno degelka ama aannu wargelin kuu soo dirno.

7. Nala soo xidhiidh

Haddii aad haysid su’aal ama talo ku saabsan Siyaasadda Kaydgalka ama sida aannu u isticmaalno, fadlan nagala soo xidhiidh iimaylka: [info@geeska.com].