Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo ku saabsan cunfi arxandarro ah ayaa dhaliyay cadho iyo cambaareyn ballaadhan, ka dib markii la daawaday koox dad ah oo si xun u jidh-dilay, ka dibna gubaya nin la sheegay in uu xanuun dhimirka ah qabay, duleedka degmada Wallaweyn ee Shabeellada Hoose, Soomaaliya. Muuqaalka, ayaa lagu arkayay dhibbanaha oo xidhxidhan, la jidh-dilayo, ugu dambeynna la gubayo isaga oo nool. Bayaan rasmi ah oo ay arrintan ka soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya, ayaa ay falkaas ku sheegtay inuu yahay “denbi aad u fool xun” oo…
Iyada oo uu ka sii darayo dagaalka hawada ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, ayaa ay Somaliland maanta soo saartay warsaxaafadeed ay u dirtay daneeyeyaasha caalamiga ah kaas oo ay kaga digtay 'dhibaatooyinka' ay Soomaaliya ka waddo hawada Somaliland iyo Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay, oo khatar amni ku ah bedqabka duulimaadyada rayidka ah. Baaqan oo ka soo baxay kulan ka dhacay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland oo uu guddoominayay Madaxweyneha Somaliland, qaybna ka ahaayeen xubnaha ugu muhiimsan Goleha Wasiirrada, ayaa ay mar kale ku caddeysay Somaliland in…
Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badda ee Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in aroortii Khamiista ay budhcad badeed weerartay markab shidaal oo marayay meel ku beegan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaa aagga Eyl, una jirtay 560 mayl oo cabbirka badda ah. Budhcadda ayaa qoryaha fudud iyo galtaalaha RPG ku weerartay markabka ka hor inta aanay korin. Markabka ayaa markii dambe gurmad ka dalbaday ilaalada badda ee ka hawlgasha aaggaas, sida ay sheegtay xaruntan Ingiriisku. Dhanka kale, shirkadda leh markabka ahaa xaqiijisay dhacdadan. Shirkadda Latsco Marine Management oo ka diiwaangashay, sidatayna…
New York oo ah magaalada ugu muhiimsan ee Maraykanka ayaa maayir u dooratay Zohraan Mamdaani oo ah Muslim ka soo jeeda Hindiya kuna dhashay Ugaandha, isaga oo helay 50.4% codadkii la dhiibtay. Waxa uu ka badiyay murashax madaxbannaan, se uu taageerayay Madaxweyne Trump, oo helay 41.6%. Madaxweyne Trump ayaa si xooggan isugu dayay in uu ka hortago guul uu gaadho Mamdaani, isaga oo ku hanjabay in uu dhaqaalaha federaalka ka jari doono haddii ay magaaladu doorato Mamdaani. Inta aanay natiijadu soo bixinna, waxa uu sheegay in aanu la socon wararka codeynta laakiin uu u badinayo in Mamdaani uu…
Taliyeha Guud ee Ciidanka Itoobiya, Birhaanu Juula, ayaa uga digay Jabhadda Shacbiga ah ee Xoreynta Tigree – TPLF dagaaal kale oo ka dhan ah. Isaga oo ka hadlayay xuska sannadguurada 5aad ee dagaalkii ka qarxay gobolkaas, 2020-kii, xilligaas oo xoogagga Tigreeygu ay weerar xooggan ku qaadeen, kuna qabsadeen, Taliskii waqooyi ee Itoobiya, arrintaas oo horseedday dagaal labo sannadood socday oo geystay khasaare ba’an. Isaga oo farriin toos ah u diray ururka TPLF, waxa uu Birhaanu Juula yidhi: “Keligayo kama baaqsan karno dagaal” arrintaas oo u muuqatay hanjabaad dagaal oo ka dhan ah…
Madaarka Boosaaso ee maamul-goboleedka Buntilaan, Soomaaliya, waxa dhinacyada magaalada is qabsada maqalka guuxa diyaarad weyn oo soo cagadhiganaysa. Daqiiqado ka dib cagadhigashada, waa la aqoonsan karaa diyaaradda; waa diyaarad cad oo ah nooca IL-76 ee lagu raro shixnadaha waaweyn, oo garab taagan diyaarad kale oo u eeg. Laba sanno ka hor, dadka deegaanku uma baran guuxan oo kale, kolkaas oo markii koowaad diyaaradda noocan ahi bilawday inay madaarkan timaaddo. Hadda se lala qabsay oo arrinku sidii hore ma aha. Muddo yar ka dib hakashadeeda, waxa la arkaa alaab culus oo aan la aqoon oo…
Hordhac Dagaallada iyo rabshadaha marka la eegaayo adduunka dhibaatooyinka ay dhaliyaan, dhallinyaradu waxa ay noqdaan kuwa ugu nugul dhibaatooyinkaasi ee ku waxyeelooba ama ku nafwaaya, iyaga oo inta badan noqda kuwa loo adeegsado ama janallada lasoo dhex mariyo farriimaha kacdoonnada iyo rabshadahaba. Sidaa darteed, sida lagu sheegay warbixin, ku saabsan dhallinyarada iyo nabadda oo ay soo saartay Qaramada midoobay sannadkii 2023-kii adduunka oo dhan, mid ka mid ah afartii dhallinyaro ah ayaa la kulma saamaynta dagaalka iyo rabshadaha. Codka dhallinyaradu inta badan waa mid aan qayb ka…
Adduunku sannadihii dambe waxa uu la taacalayey hannaan cusub oo kacdoon ah, oo ka faa’idaysanaya fursadaha kacaanka dhijitaalku wato, oo ka dhigaya mid ka duwan sidii hore loogu yaqaannay kacdoonnada. Faca koraya, ee lagu magacaabo Faca Z, ayaa hoggaamiyey dhaqdhaqaaqyo baraha bulshada kasoo abaabulmay bilawga, se ugu dambayn kacdoon fagaarayaasha la keeno noqda, oo ka dhacay meelo badan oo dunida ah. Laakiin, waxa la arkayaa in arrinkani aad ula falgalay dalalka Koonfurta Dunida, laga soo bilaabo Ameerikada Koonfureed, iyadoo lasii marayo Afrika, illaa laga gaadhayo dalalka Eeshiya. Si ka…
Isaga oo ku sugan xafiiska mugdiga ah ee ku dhex yaalla kiniisadda. Wadaadku, waxa uu xusuustaa sidii loo jidh dilay. Askarta wardiyeyaashi ah waxa ay labadiisa jilbood dhex gelin jireen loox si aanu kor ugu hinqan dabadeed sida uu sheegay waxa ay ku garaaci jireen tuunbooyin caag ah. Labaatankii sanno ee ka horreeyey ee uu ku sugnaa Eretariya inta aanu qoyskiisa ula firdhan Itoobiya sannadkii 2020-kii, siddeed sanno oo ka mid ah waxa uu ku jiray Xabsi. Jeelasha lagu hayey qoorkood, waxa ay ahaayeen kuwo hawadu ka xidhantahay, oo ku yaalla dhulka hoostiisa aad na u ah cidhiidhi oo aan lahayn…
Laga bilaabo roboodadda wadasheekaysiga ee aynnu u adeegsanno nolosha maalinlaha ah, kuwa aynnu u adeegsanno hagidda iyo jihooyinka, ilaa kuwa kale ee aynnu u adeegsanno xasuusinta ballamaha, farsamooyinka cusub ee garaadka macmalka ahi waxa uu si deggan u beddelayaa nolosheenna maalinlaha ah. Sidaas oo ay tahay, lama odhan karo kacaankan farsamo waa mid gebi ahaan ammaan ah, oo aan wax dhib ah lahayn, sida dad badan oo adeegsadaa u maleeyaan in farsamadani ay saxartiran tahay, la iskuna hallayn karo. Dalal ay ka mid yihiin Shiinaha (83%), Indooniisiya (80%) iyo Taylaan (77%), inta u badan…
Suudaan, dagaalkii ka qarxay 15-kii Abriil 2023-kii waxa uu galay sannadkiisii labaad waxaanu weli ka socdaa jihooyin kala duwan. Sidaas oo ay tahay, isbeddelka ugu weyn ee ku saabsan dagaalkani ma aha dhinaca dagaalka laftiisa ee waa isbahaysiga ay galeen Xarakada Dadweynaha /waqooyi ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xilwa iyo dhanka kale Ciidamada Gurmadka Degdegga Ah oo ugu fadallo cad cad Xukuumadan fadhigeedu yahay magaalada Niyaala ee Koonfurta gobolka Kurdufaan. Isbahaysigan oo ay badi siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha siyaasaddu indhaha ka laliyeen ayaa waxa uu astaan u yahay is goys muhiima…
Aragtida Sigmond Foroyd ee halmaanka (Freudian slip) waa mid soojiidasho leh. Halmaanku, sida uu ku macneeyay Foroyd, waa xaqiiqada dareenka gudeed iyo waxa uu dhab ahaan ku saabsan yahay ujeedka erayada ee qofku, arrintaas oo burinaysa odhaahdii Soomaalida ee ahayd ‘halmaan hadal kuma jiro’. Malehayga se isma diidayaan oo waxa la odhan karaa halmaanku waa tilmaamaha dareen xaqiiqo oo gudaha ka jira, kuma se jiro hadalkii ay ahayd in lagu tiraabo ama uu ku talagalsanaa qofku. Si taas ka duwan, la se ujeeddo ah, wacyiga guud ee bulsho ee ku aaddan mawduuc ama laan kaste oo nolosha ah waxa si…
Mararka qaar ka fursan mayso in qofku is wayddiiyo: suurogal ma tahay in dhaleecaynaha qabow ee laga soo saaro gaboodfallada Dagloo se aan wax raad ah ku lahayn dagaalka, ay ka dambayso ka helid reer Galbeedka, siiba Maraykanku, ay ka heleen Jeneraalka Suudaaniga ah ee fallaagoobay, Maxamed Xamdaan Dagloo “Xamiidti”? Sidan baan ka fekeray, anigoo u fiirsanaya jawaabaha laga bixiyo falalka fallaagada RSF ku kacayaan, sida bartilmaameedsigoodii Masaajidka al-Faashir, ee tobannaanka qof lagu dilay. Maraykanka iyo dalalka Yurub oo aan indhaha ka laaban karin dhacdo sidan oo kale ah, ayaa…
Korriinka dhallaanku waa geeddi-socod isku dhafan (complex) oo dhinacyo badan leh. Korriinkaas waxa ka mid ah mid jidheed oo uu ilmuhu jidh ahaan u kobcayo, mid maskaxeed oo ay kobcayso awoodda ay maskaxdu u leedahay maamulidda jidhka iyo barashada, iyo korriin uu weheliyo dareen bulsheed oo ilmuhu horumar ka sameeyo fahankiisa dunida iyo bulshada ku hareeraysan oo uu hanto waayo-aragnimada nolosha oo uu si tartiib ah u sahaminayo ugana kaydsanayo qaab-fahan iyo aragti uu ku shaqeeyo. Dhallaanku waxa ay maraan marxalado kala duwan oo korriin ah oo sidaas isugu dhafan, mid kastaana waxa ay…
Dhiiqowga yeedhmada "NAAYAA" waxa ku sidkan dadnimotirka naagta. Eraygu waa awood xanbaarta macnaha shay, magac, goob ama dad. "Naayaa" ama "Naa" waa yeedhmo asalkuna waa "naag", naagnimadu waa ciqaab lagaaga jaro denbi aadan gelin oo xaqiijinta in aad QOF tahay ayaa nafhur kaaga baahan. Waxaad ka doodaysaa, wax walba oo qofka QOF ka dhiga; sida maskaxdaadu ma kortaa? Naftaada masuul ma ka noqon kartaa? Ballankaaga ma oofin kartaa? Jidhkaaga ma adaa leh? Markhaatigaaga ma la rumaysan karaa? Go'aannadaadda XAQ ma u leedahay in aad gaadho? Maradaada ma dooran kartaa? Wax yar iyo wax weyniba…
“Qofna hoygiisa kama dhaqaajiyo illaa hoygu noqdo af libaaxbadeed" – Warsan Shire.…
Doorka Suugaanta ee xaaladda Qasa Gumaadka, xadgudubka iyo xasuuqu ma aha wax siyaasiyiintu keligood sameeyaan. Intan buu Pankaj Mishra ina xasuusinayaa isagoo u kuurgalaya suugaanyahankii iyo mufakiriintii ka qayb qaatay dib u qaabaynta wacyiga Galbeed ee ku saabsan Falasdiin iyo Israa’iil. Suugaantu, marka halkan la joogo, ma aha sirmaqabto ama dhexdhexaad, ee waxa ay kaalin ka qaadatay soo saaridda sawirro Falasdiiniyiinta ka dhigaya dad aan la arkayn amaba aan mudnayn diirnax iyo damqasho. Wayddiinta uu halkan Mishra keenayaa keliya ma aha siyaasad ee xitaa waa aqoon: sooyaalka yaa qora?…
Waxaynnu gorfayn, soo koobid iyo iyo akhris ku samaynaynaa buugga Pankaj Mishra ee “Dunida Qasa Ka Dambaysa”, oo aaminsan in aanay xaaladda Qasa ahayn dhibaato Falasdiin ku kooban, se ay tahay dhacdo caalami ah oo daaha ka qaadaysa burburka ismoodsiiskii “insaaniyad la wadaago”, ee dhashay wixii ka dambeeyey 1945-kii. Waxa uu buuggu caddaynayaa sida xusuustii Gumaadka Naasiga looga dhigtay halbeeg la xushay oo loo adeegsado u kala qaybinta aadamaha “dhibbaneyaal mudan diirnax” iyo “dhibbaneyaal looma ooyaan ah”, sidoo kalena loogu adeegsaday u jidbixinta xadgudubka gumeysi cusub oo…
Heerkulka intaa sii kordhaya ee aynnu wada aragno, iyo cimilada intaas soo xumaanaysa ee xaalufka keentay, lagana yaabo in ay belaayo ka soo jiijii leedahay, waxa aad moodaa in ay nolosha aadmigu sugayso dhacdo kedis ah oo mar si ba’an u gilgisha, tolow maxaa laga yeeli doonaa? Abwaankii Faransiiska ahaa ee Maarseel Boroosti, waxa uu leeyahay: “Waxa aan aaminsanahay haddii wax geeri innagu handadayaa jiro, in ay noloshu si kedis ah u fiicnaanayso, bal idinku waxaad ka fekertaan, inta mashruucyo, safarro, xidhiidho jacayl, iyo waxbarasho ay nolosha inaga qarisay, iyaga oo ilmaqabatay ahaa oo…
Laga soo bilaabo xarun tebisa wararka dagaalka oo keliya ilaa fagaare hodmin iyo saqaafadeed, Idaacadda Hargeysi waxa ay sidan ku noqotay sameecadda soo gudbisa heesaha bulsho, riyadooda iyo baraaruggooda.…
Musuqmaasuqu wuxu dumin karaa bulsho dhisan oo figta sare joogta, halka la dagaallankiisu uu gobeyn karo bulsho kacaakufaysa oo sagxadda taalla. Sidaas awgeed, curiskan koobani waxa uu iftiiminayaa sababaha qofka iyo bulshada ku riixa in ay ku kacaan falal halis ku ah noloshooda.…
Darxumo badan ayaa foolkaaga ka muuqata. Macaluul baa ku daashatay, xanuun iyo xumad baana kuu dheer. Dhawrkii beri ee la soo dhafay oomato la sheego maad helin, haddii aad heshayna nafsad uma aad hayn. Ileen gaajo waa cudur. Weligaaba waad dhuubnayd oo dheerayd, waxa se aad ahayd wayd caafimaad qabta. Jirro ma aad qabin. Cudurku waxa uu kuu bilawday subaxdii aad ciidanka is qortay; Ciidanka Xoogga. Xiiso aad u haysay iyo camal la'aan baa kugu riixday ficilkaas. Filashadaadu waxa ay ahayd in aad hesho awooddii aad weligaaba u oomanayd ee aad hamuunta u qabtay. Imisa jeer baad ku seexatay oo…
Masraxiyadda “Codad Dabaylo Sidaan”, ee uu qoraaga weyn ee reer Ivory Coast, Bernard Dadie, soo saaray 1970-kii, waxa lagu tiriyaa dhaxalka suugaaneed ee ka markhaati kacaya kadeedka hoggaamineed iyo kelitalisnimo ee Afrika, xornimadii ka dib. Waxa ay dhaliilo dhiirran u jeedisaa faca hoggaamiyayaasha ah ee xukunka ku gaadhay qaab aan dimuqraaddi ahayn, isuna beddelay gaboodfalayaal bulshadooda ku haya cagajuglayn iyo cabudhin. Dhaliishani waa habdhaca seeska u ah masraxiyaddan ku dulwareegaysa shakhsiyadda Naahuubo, oo iska beddelay nin darxumaysnaa, noqdayna madaxweyne gacankulul oo uu…
Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo? Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay baraha bulshadu u weyneeyaan muuqaallada iyo caannimada halkii ay weynayn lahaayeen xirfaddaha dhabta ah iyo aqoonta. Waxaa kale oo lagu falanqeeyey dib usoo celinta qiimaha aqoontu leedahay si loo gaadho daacadnimo iyo hal-abuur dhab ah oo dhiirigelinaya kartida iyo wax soo saarka qofka iyo bulshada. Barnaamijka waxa marti ku ahaa Saddaam Xuseen Carab, oo ah khabiir tiknoolaji. …
Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Milicsiga Somaliland: Siyaasadda, Qabiilka, Dhaqaalaha iyo Kaalinta Dawladda. Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay isku dhexgalaan siyaasadda xisbiyada, dhaqanka qabiilka, xuurtaysiga suuqa dhaqaalaha, kaalinta dawladda iyo si guud waxa ay dhamaan arrimahani uga dhigan yihiin jihada mustaqbal ee dalka. Waxaa barnaamijka marti ku ahaa aqoonyahan Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. …
Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay muxaadiro cinwaankeedu ahaa: Gabowga & Hab-nololeedka – muxuu jidhkeennu degdeg ugu gaboobaa? Maxaan se ka qaban karnaa? Barnaamijkan waxa lagu lafa-guray xidhiidhka ka dhexeeya gabowga iyo hab-nololeedka maalin kasta. Waxa si gaar ah diiradda loogu saarey doorarka ay ka ciyaaraan cuntooyinka, jimicsiga, hurdada, maaraynta walbahaarka, iyo xidhiidhada bulsheed ee caafimaadka iyo cimriga dheer. Waxa kale oo lagu eegay waxa uu saynisku ka yidhaahdo gabowga dabiiciga ah iyo kan degdega ah, iyo xeeladaha caafimaadka iyo nolosha wanaagsan lagu ilaalin…
Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay dood furan oo cinwaankeedu ahaa: Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika: Somaliland iyo Istiraatiijiyadda Cusub. Barnaamijka waxa lagu lafa guray kaalinta Somaliland ee Geeska Afrika, ujeedooyinka Maraykanka, saamaynta istiraatijiyadda cusub, aragtida caalamiga ah ee Somaliland, daldaloolada diblomaasiyadeed, diyaar-garowga siyaasiyiinta Somaliland, iyo doorka haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay ee saameynaya siyaasadda dibadda iyo rajada wada hadalada Maraykanka. Waxa barnaamijka marti ku ahaa Amb. Barkhad Kaariye oo ah diblomaasi iyo…
Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Maxay Siyaasiyiinta Haldoorka ah Qaarkood Dib ugu Curiyaan Siyaasadda ku Dhisan Qabiilka? Barnaamijka waxa lagu lafa guray sababta siyaasiyiintu ugu baahdaan olole ku dhisan qabyaalad si ay doorashada ugu guuleystaan iyo qaababka olole ee ay musharrixiintu adeegsadaan. Waxa barnaamijka marti ku ahaa aqoonyahan Jaamac Yuusuf oo ah aqoonyahan Ph.D ka diyaariya Culuumta Siyaasadda iyo Xidhiidhada Caalamiga ah, ee Jaamacadda Royal Holloway, Landhan. Sidoo kale Jaamac waa cilmi-baadhe ka tirsan Xarunta Islaamka iyo Daraasaadka Galbeedka…
Qaybta 2aad (2/2): Dawlad-Dhiska iyo Dabeecadda Soomaaliga …
Qabyta 1aad (1/2): Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Waxyaabaha Saameeya…
Wadasheekaysigan uu Geesku la yeeshay Najax Haaruun oo ah farshaxamiiste, waxa uu ku arooraa kolka hore isbarashada Najax iyo Bulshada ay farshaxanka u asasho. Kolka xigta, wuxuu qaadaa dhigayaa guud ahaan farshaxanka iyo aydhiyooliyaddiisa, si gaar ahna waxa uu u sii guda gelayaa farshaxanka Najax iyo aragtida uu u taagan yahay. Kol kale, wuxu daaran yahay kaalinta farshaxamiistaha ee bulshada Soomaalida iyo si gaar ah haweenka iyo kaalintooda. Wadasheekaysigu, waxa uu ku biyo shubanayaa hilaadinta mustaqbalka farshaxanka, iyo waxa uu baahan yahay fankani si loo abuuro danayn hor leh oo ku…
Inta badan, sheekooyinka soojireenka ah ee ku saabsan samaysanka dawladnimada cusub ee laga soo bilaabo Heshiiskii Nabadda Westifaaliya, sannadkii 1648-kii, waxa loo arkaa bar kala qaybin, sababtoo ah waa dagaalkii ugu dambeeyey dagaalladii diineed ee Yurub, waana dagaalkii Soddonka Sanno. Sida sheekadani tibaaxdo, dawladnimada cusub kaalinteeda udubdhexaadka ah waxa loo arkaa ta dammaanadqaadaysa nabadgalyada rayidka, iyadoo u maraysa istixgelinta diineed. Hase ahaatee, Maxamuud Mamdaani, mufakirka caanka ah ee reer Yugaandha, waxa uu aaminsanyahay in sheekadani sidato weji ku kooban gudaha…
Isaga oo cunug yar ah, ayaa uu Dabindiid Yuusuf qolka akhriska ee aabbihii ku arkay sawirka oday weyn oo fareem dhalaalaya ku jira. Waxa uu dareemi jiray in indhaha odaygaasi ay mar walba hoos u soo eegayaan, waxa ay u muuqdeen qaar ay garasho badan u laabnayd. Garashada waxyaabo ay dadka waaweyn oo keli ah garanayaan. Yuusuf ma fahmin erayada magaca hoostiisa ku qornaa ee sheegayay odaygaasi qofka uu ahaa, laakiin sawirkaasi mar walba waxa uu dareensiin jiray sidii in caloosha lagaga dheggan yahay, “mid aad u weyn oo aan la iska indhatiri karin," ayaa uu Dabindiid ku sheegayaa…