Skip to main content

Geeska Website

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Somaliland oo ballanqaadday inay door weyn ka qaadato sugidda Baab al-Mandab

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato sugidda amniga Marinka Baab al-Mandab, iyada oo arrintaas kala shaqaynaysa saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee saameeyey isu-socodka maraakiibta Badda Cas. Haariye waxa uu sheegay in Somaliland ay sii xoojinayso awooddeeda dhinaca badda iyo wada-shaqaynta ay la leedahay dhinacyada ku hawlan amniga gobolka. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta…

Wacaal
Faahfaahin Ka Soo Baxday Qodobbada Is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan

Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo la sheegay in uu dhigayo joojinta colaadda iyo bilowga hannaan lagu gaadhayo heshiis kama-dambays ah. Bloomberg ayaa sheegtay in ay heshay qodobbo ka mid ah heshiiska dhex maray labada dhinac, sida ay soo gudbisayna waxa ay u dhigan yihiin sidan: • ​Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ku dhawaaqayaan in ay si degdeg ah oo rasmi ah u soo afjareen dagaalkii ka socday furimaha oo dhan. • ​Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ballanqaadayaan in aanay qaadi doonin wax tallaabo colaadeed ah, kana…

Wacaal
​Somaliland iyo Israa’iil: Kulan Heer Sare ah iyo Heshiisyo Iskaashi

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay mar kale, xidhiidhka labada dal iyo in ay hore ugu sii soconayaan wada shaqeyntii u bilaabantay wixii ka dambeeyey 26kii Diseembar, 2025 oo ay dawladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo ku…

Wacaal
Madaxweynaha Somaliland oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagaya Israa’iil

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho taariikhi ah ku tagaya Israa'iil, waana booqashadii u horreysay ee heer Madaxeed oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, tan iyo markii ay is aqoonsadeen, dhammaadkii sannadkii hore. Marka laga tago in booqashadani ay leedahay mudnaan marxaladeed, haddana muhiimadda ugu weyn ee booqashada ayaa la filayaa in ay dhacdo fiidnimada Isniinta, sida ay tabisay The Jerusalem Post, marka si rasmi ah loo furo safaaradda Somaliland, taas oo calaamad u ah samaynta xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo u dhexeeya labada…

Wacaal
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil oo laga digayo inuu dalka u rogo furin dagaal goboleed

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu ka gudbay arrimo diblomaasiyadeed, isla markaana uu yeeshay waji amni iyo mid milatari oo xasaasi ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqdeen aag ay si xooggan ugu loollamayaan Israa’iil, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Sida lagu sheegay warbixin baadhitaan ah oo ay dhawaan daabacday shabakadda Maraykanka ee CNN, Somaliland ayaa lagu xusay inay qayb ka ahayd shabakad ballaadhan oo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil u adeegsatay…

Faaqidaad

Faaqidaad
Doorashada Knesset-ka Israa’iil ee 2026-ka

17-kii Julaay ee 2026, baarlamaanka Israa’iil (Knesset) waxa uu u codeeyey in la golaha la kala diro, arrinkan oo gogoldhig u ah doorashooyinka guud ee la qorsheeyey inay ku qabsoomaan xilligoodii dastuuriga ahaa. Tallaabadan waxa loo arkaa horumar weyn, sababtoo ah, tan iyo 1988-kii, waa markii koowaad ee Knesset-ku dhammaysto muddo-xileeddiisa, sidoo kalena xukuumadda Netanyaahu waa xukuumaddii koowaad ee tan iyo wakhtigaas dhamaysata muddo-xileeddeeda. Ka sokow dhibaatooyinka xukuumadda isbahaysiga ah soo waajahay, sida in mucaaradku ku eedeeyeen guuldarrooyinka la xidhiidha dhacdooyinkii…

Faaqidaad
Isbeddelka Isbahaysiyada Waqooyiga Itoobiya

Muddadii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, TPLF waxa ay dagaal qadhaadh kula jirtay Xukuumadda Federaalka Itoobiya iyo xulafadeeda oo ahaa Eretariya iyo jabhado Amxaarada ah oo loo yaqaan Faano. Muddo afar sanno ka yar ka dib, Xukuumadda Federaalka Itoobiya waxa ay saaxiibbadeedii xulafada la ahaa ay ku eedaynaysaa inay TPLF taageeraan, dhaliishan oo dib u qaabaynaysa khariidaddii iskaashiga iyo is xulufaysiga ee waqooyiga Itoobiya. Haddaba, waxa is weydiin mudan, waa ayo dhinacyada hadda kasoo horjeeda Xukuumadda Federaalka Itoobiya, dagaalkan cusboonaaday? Bishii Maaris 2025, dagaalyahanno ka mid…

Faaqidaad
Isbahaysiga Badda Cas ee uu Sacuudigu Hoggaaminayo

Boqortooyada Sacuudigu waxa ay shaacisay hindise lagu abuurayo isbahaysi difaaca badda ah oo dalal badan ka kooban, ujeedkiisuna yahay in lagu xoojiyo nabadgalyada Badda Cas iyo ilaalinta iskusocodka badda. Waa tallaabo kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan hanjabaadaha lagu hayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga iyo jidadka la isugu gudbiyo tamarta caalamiga ah ee mara mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida. Sida ku cad shaacintan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Sacuudigu, oo ay Wakaaladda Reuters soo tebisay faahfaahintiisa, waa hindise ujeedkiisu yahay xoojinta amniga Badda Cas,…

Faaqidaad
Afrika ma u Baahantahay Tamar Nukliyeer?

Afrika waxa ay waajahaysaa gaabis xooggan oo ku jira korontadeeda, oo saamaynaya horumarkeeda dhaqaale iyo bulsho, xayiraadna ku ah awoodda ay ku gaadhi karto dunida kale. Waxa lagama maarmaan ah in qaaraddu ay kordhiso waxsoosaarkeeda koronto, si ay u gaadhsiiso 600 milyan oo qof oo aan koronto haysan, sidoo kalen ay u wanaajiso tayada adeegga la siinayo malaayiin qof oo la dhibaataysan korontada go’da. Horumarka dhaqaale ee qarniga 21aad waxa uu si xooggan ugu tiirsanyahay dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo garaad-gacmeedka, labadooduna waxa ay u baahanyihiin xaddi badan oo koronto. Tobankii…

Faaqidaad
Maxaa uu Turkigu la Damacsan Yahay Saldhiggiisa Cusub ee Soomaaliya?

Laga soo bilaabo bishii Aktoobar ee 2025, Turkigu waxa uu si aan hadalhayn badan lahayn Soomaaliya uga waday fulinta mashruuc ballaadhan oo badhtamaha Soomaaliya ka socda. Waxa la go’aamiyey in magaalo xeebeedda Warsheekh oo 70 kiiloomitir waqooyi ka xigta Muqdisho ay martigeliso mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee barnaamijka hawada sare ee Turkiga: xarun laga diro dayax-gacmeedyada iyo xarun laga tijaabiyo gantaallada baalastiga ah ee warshadaha difaac ee Turkigu dhisayaan. Walow aanay xukuumadda Turkigu mashruucan shaacin wixii ka horreeyey Diisambar 2025, haddana waa shaqo sannado soo…

Aragti

Somaliland: Saddex Xisbi Qaran mise Hal Xisbi oo Saddex Magac Leh?

Dimuqraadiyadda casriga ahi waxa ay ku dhisan tahay hal mabda' oo aasaasi ah, kaas oo ah: in muwaadiniintu awood u yeeshaan in ay si xor ah wax ugu kala doortaan aragtiyo kala duwan oo taabanaya noloshooda, kuna salaysan sida loo maamulayo dalkooda. Doorashadu sidaas darteed ma aha uun keliyaata hab lagu kala saaro musharraxiin, hoggaamiyeyaal iyo xisbiyo siyaasadeed; waa hannaan lagu kala doorto aydhiyoolajiyado, mabaadi' iyo siyaasado lagu gaadhaayo rumeynta himilooyinka bulsho ama qaran leeyahay. Haddii aanay jirin kala duwanaansho aragtiyeed, doorashadu waxa ay luminaysaa qayb ka mid ah…

Qulqulkii Weynaa ee Sebta: Maxaa Dhab Ahaan Sababay?

Marna hore looma arag qulqulka muhaajiriin sharci-darro Morookaan ah iyo dalal kaleba oo gaadhay heerka tiro ee dhacay intii u dhexaysay habeenkii 29-ka ilaa 31-ka Julay, waxa ay ku sii jeedeen Sebta, oo ah magaalo ay Isbayn haysto. Tirada dadka galay Sebta waxay kor u dhaaftay konton kun, halka tirada ku dhimatayna kor u dhaafeen boqol qof ilaa xilliga maqaalkan, kuwaas oo si rasmi ah loo shaaciyey. Waxaa intaas dheer dadka weli la la’yahay, saamaynta caalamiga ah ee dhacdadani ku yeelatay Isbaanishka iyo Yurub, iyo walaaca laga qabo cawaaqibteeda. Arrintu waxay gaadhay xitaa Xoghayaha Guud…

Doorka Hay'adaha Maaliyadeed ee Horumarka

Hay'adaha maaliyadeed waxay door weyn ka ciyaaraan horumarka dhaqaale ee dal kasta. Waxay ka kooban yihiin bangiyada ganacsiga, bangiyada horumarinta, hay'adaha maaliyaddeed ee maalgeliya ganacsiga yar-yar (microfinance), ururrada iskaashatooyinka amaahda (credit unions), shirkadaha caymiska (Insurance Companies), iyo hay'ado kale oo bixiya adeegyada lacag-bixinta, kaydinta, amaahda, iyo maaraynta khatarta. Dalalka soo koraya, helitaanka raasumaalku wuu xaddidan yahay isla markaana suuqyada ayaan si buuxda ugu adeegin bulshada saboolka ah, hay'adaha maaliyadeed waxay noqdaan kuwo aad…

Somaliland: Baahiyaha Aasaasiga ah Yaa Siyaasadda ku Matala?

Waxa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa cabashada dadka kelyaha loo sifeeyo iyo dhibaatada ku xeeran adeegga kelyo-sifaynta, oo ay baahida iyo adeeggu kala badanyihiin. Xukuumadda uu Cabdiraxmaan Cirro gadhwadeenka ka yahay waxay ballanqaaday in ay tabashadan wax-ka-qabanayso, oo mishiinno dheeri ah la keeni doono, adeegyada kale ee ku mataanna wax-ka-qabashadooda xisaabta ay ugu jirto. Ilaa hadda, arrintu iyada oo ah ballanqaad kaliya, oo ay fulinteeda iyo mushkiladda furdaaminteeda bulshadu ka dhursugayso, haddana, hawshani ma aha mid ku kooban cabashada…

Reer Puntland & 100 Sano Kadib (Puntland 1927-2026)

Deegaannadan ay ku dhisantay Puntland waxa ay 100-kii sano ee u dambeysay soo mareen baaxaa-deg dhaqan-dhaqaale iyo xasillooni-darro siyaasadeed. Boqol sano ka hor waxaa dumay saldanadihii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobonimo-doonka ahaa ee gobolka. Sannadkii 1920-kii, Ingiriisku wuxuu burburiyey dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Saldanadii Warsangali ee uu hoggaaminayay Suldaan Maxamuud Cali Shire ee Gobolka Sanaag, kadib markii la duqeeyey xarumihii Daraawiishta ee Mirishiiyo Taleex. Suldaan Maxamuud Cali Shire, Ingiriiska ayaa ku xiray Jasiiradda Seychelles, halka…

Dhaqan

Masrax
“The Odyssey”: Gabaygii Homer oo Waji Faneed Cusub Lagu Soo Bandhigay

Inkasta oo bandhiggiisii ugu horreeyay ee filinka taariikhiga ah ee miisaaniyadda weyn “The Odyssey” oo uu soo saaray agaasimaha Maraykanka ah ee Christopher Nolan, uu ku guulaystay in uu adduunka oo dhan ka sameeyo rikoodho cusub oo xagga dakhliga ah (box office) haddana isla jeerkaas wuxuu baraha bulshada, saxaafadda iyo sidoo kale caamada Giriigga ka dhex abuuray falcelinno kala duwan. Iyadoo isticmaalayaasha baraha bulshadu inta badan ku mashquulsan yihiin qiimaynta go’aanka agaasimuhu ku doortay atariisho maqaar madow si ay u matasho doorka Helen of Troy, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiin…

Masrax
Ordinary Love: shaneemo u adeegaysa dareenka cabsida

Waxaa jira filinno kansarka u soo bandhiga halgan ku dhammaada guul ama guuldarro. Waxaana jira kuwo kale oo cudurka ka dhigta marriin lagu ciil kaambiyo laguna kiciyo caadifadda dadka. Hase yeeshee, filinka "Ordinary Love" (Jacayl Caadi Ah) oo la soo saaray sannadkii 2019-kii, ayna wada agaasimeen Lisa Barros D'Sa iyo Glenn Leyburn, halka sheekadiisana uu qoray qoraaga riwaayadaha ee Irish-ka ah Owen McCafferty, ayna jilayaasha ugu waaweyni yihiin Liam Neeson iyo Lesley Manville, wuxuu qaaday waddo ka gadisan. McCafferty wuxuu sheekada ka soo dheegtay waayo-aragnimadiisii gaarka ahayd intii…

Feker
‎Suugaan & Falsafad

Ma suuragal baa in maanso kooban ay xambaarsanaato falsafad ka qoto dheer mid ku jirta buug falsafadeed? Sidee ayay sheeko ama maanso, iyaga oo aan si toos ah u qeexin falsafadda, haddana maskaxda ugu abuuri karaan su'aalo ku saabsan runta, jiritaanka, caddaaladda, xorriyadda iyo macnaha nolosha, si la mid ah falsafadda? Maxaa isu soo dhaweeya suugaanyahanka sawira wadciga ay ku nool yihiin goortaas aadamuhu iyo faylasuufka u guntada baadigoobka xaqiiqada? Maxaa ka dhexeeya faylasuuf iyo suugaanyahan? Halkee iska shabahaan, halkeese ku kala geddisan yihiin? Faylasuufku ma noqon karaa abwaan,…

Masrax
Muuqaalka Dawlad Islaami ah: Timbuktu

Tan iyo burburkii Boqortooyadii Cusmaaniyadda waxaa dhagaha bulshada muslimiinta ah iyo guud ahaan dadwaynaha dunida ku soo noqnoqnayay ereybixinta "Dawlad Islaami ah" oo lagu kabay weedha caanka ah ee "Xalku waa shareecada". Inkasta oo aan ereybixintan iyo adeegsigeeduba ku cusbayn dhagaha bulshada, haddana waa yartahay cid sawiran karta muuqaalka ereybixntaasi ay waaqaca nololeed ku leedahay marka si dhab ah loo dhaqan geliyo, iyo sida ay xalka u noqon kartaba! Guud ahaan dadka weedhan ku soo celceliya, marka laga yimaado dhowrka wadaad ee ka dhigta jaranjarada ay awoodda ku soo fuulaan,…

Buug
Affey: Baadigoobkii Nabadda Geeska

Toban sano ayay Soomaaliya ka maqnayd saaxadda dunida oo aanay jirin dawlad rasmi ah oo caalamka ku matasha, muddadaasna waxaa dalka ka aloosnaa dagaallo iyo xaalado qarriban oo ka dhashay qaran-jabkii dalka ku dhacay 1991-kii. Waxaa muddadaas socday dedaallo lagu doonayo in dawladnimo lagu yagleelo, lana sameeyo dib u heshiisiin ummadda u dhaxaysa, nasiibdarrose badidood waa ay fashilmeen. Carta ayaa noqotay meesha uu ibafurku ka bilowday, waxaana xigtay Mbagathi. Shirarkaas dhacay waa ay yar yihiin dadka goobjoogga ahaa ee ka sameeyay qoraallo dhaxalgal ah, kuwaas oo fadhiyay miiska wada…

Buug
Falanqaynta Buugga Eexaysiga Addoonnimada

Eexaysiga Addoonnimada waa buug uu qoray Étienne de La Boétie, turjumaaddiisana uu sameeyey Cabdicasiis Guudcadde. Waa buug falsafadeed oo si qotodheer u baaraya xidhiidhka ka dhexeeya xorriyadda, awoodda iyo dabeecadda bulshada. Ma aha buug ku kooban dhaleecaynta kelitalisnimada ama soo bandhigista taariikhda hoggaamiyeyaal dulmi ku caan baxay, balse waa daraasad tilmaamaysa sababta bulsho xor ahi ay ugu hoggaansamaan dulmi iyaga oo tiro ahaan iyo awood ahaanba ka badan kuwa xukuma. Halkii uu indhaha ku jeedin lahaa qofka talada haya, qoraagu wuxuu eegayaa bulshada la xukumo, isaga oo ku…

Feker
Jalaal Ad-Diin Ruumi: Jacaylka, Suufiyadda iyo Falsafadda Suugaantiisa

Intii la uunku jireyba waxa dunida soo maray dadyow aan la qiyaasi karin tirada buugaagta ay qoreen ama baaxadda aqoonta ay ka tageen, balse la cabbiri karo saamaynta ay ku yeesheen in ay beddelaan hab-fikirka bini’aadamka iyo sidoo kale qaabka ay isu fahmi lahaayeen nafsad ahaan. Qaar ka mid ah dadyowgaas waxa ay reebeen dhaxal aan tirmayn sida: falsafad, cilmi iyo suugaan. Hase yeeshee, waxa jira dad yar oo faro-ku-tiris ah oo haddana, seddexdaas dhinacba hal meel isugu keenay, kuwaas oo ka dhigay bar-kulan ay ku kulmaan caqliga, qalbiga iyo ruuxdu. Jalaal Ad-Diin Muxamed Balkhi (30…

Feker
Sheeko Diineedka Ibraahiimiyada iyo Sharciyaynta Addoonsiga Madowga

Ugu horrayn, maadaama oo saddexda diimood ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yahuudiyaddu ay asal ahaan ka soo unkameen diintii nabi Ibraahin (CS), isla markaana ay nuxur ahaan diintaas iskugu biyashubanayaan waxa aan iskuqaadka saddexdooda suugaanoodba soo wada hoosgaliyay cinwaanka Sheeko Diineedka Ibraahiimiyada, taas oo ka dhigan in uu mawduucu ka wada warramayo suugaanta diineed ee saddexdaas diimood. Dhanka kale, micnaha suugaan ee halkan soo galaya loogama jeedo macnaheedii xarfiga ahaa ama akaademiga ahaa, waxa looga jeedaa dhammaan sharraxaadaha iyo fahannada ay dadku kala soo baxeen…

Galal

header icon

Aqoonsiga Somaliland

Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.

header icon

Arrimaha Soomaalida

Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.

header icon

Falastiin iyo Afrika

Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.

header icon

Colaadda Suudaan

Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.

Maltimiidhiya

Hannaanka Dhaqaale ee Somaliland: Suuqa Xorta ah, Macaashka Xad-dhaafka ah iyo Xakamaynta Dawladda

Hadal-jeedintan waxa lagu falanqaynayaa hannaanka dhaqaale ee Somaliland, sida uu suuqa xorta ahi u shaqeeyo, macaashka xad-dhaafka ah ee ka dhasha marka aanu jirin nidaam dawli ahi, iyo kaalinta ay dawladdu ku yeelan karto ilaalinta tartanka, xuquuqda macaamiisha iyo danta guud. Barnaamijkan waxa marti ku ahaa Axmed-Xiis Dharbaan, isaga oo kaga hadlay caqabadaha ka jira dhaqaalaha Somaliland, saamaynta ay suuqyada aan la nidaamin ku yeeshaan bulshada, iyo sida loo heli karo hannaan isu dheellitira xorriyadda ganacsiga iyo masuuliyadda dawladda. …

Geeska Podcast: Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan | Qaybta 3aad

Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan saddexaad waxa lagu sii falanqaynayaa aragtiyaha ku duugan buuggiisa The Politics of Cain, gaar ahaan samaysankii haldoorka siyaasadeed, adeegsiga qabiilka iyo awoodda dawladda, iyo sababihii burburkii Jamhuuriyadda. Waxa kale oo lagu eegayaa kala duwanaanshihii habkii siyaasadeed ee Cigaal iyo Siyaad Barre, lumitaankii adkaysiga iyo isku-filnaanshaha bulshada Soomaalida, iyo doorkii Prof. Bulxan ka qaatay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo aasaaska…

Geeska Podcast: Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan | Qaybta 2aad

Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan labaad waxa lagu falanqaynayaa aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa In-Between Three Civilizations iyo The Politics of Cain. Waxa kale oo lagu eegayaa doodihiisa ku saabsan asalka Soomaalida, wixii ay rumaysnaayeen ka hor diinta Islaamka, isdhexgalka xaddaaradaha, saamaynta gumaysiga, siyaasadda qabiilka, dawladdii gumaysiga laga dhaxlay iyo haldoorkii siyaasadeed ee dhaxlay dawladnimadaas. …

Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan | Qaybta 1aad

Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan koowaad waxa lagu eegayaa taariikh-nololeedka Prof. Bulxan, sooyaalkiisa waxbarasho iyo waxdhigis, aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa iyo qoraalladiisa, iyo doorkii ballaadhnaa ee uu ka soo qaatay aqoonta, fikirka iyo bulshada Soomaalida. …

Faallo Buug: Siyaasadda Dhagar-walaal

Hadaljeedintan, Cumar Xasan waxa uu ku gorfeeyay buugga Siyaasadda Dhagar-walaal: Boqol Sano oo Soomaalidu ku Jirtay Qalaalaso Siyaasadeed iyo Mid Bulsho. …

Waraysi

Waraysi
Marka Sharcigu Xadgudbayo

Waxa uu waraysigani qayb ka yahay wada-sheekaysiyo taxane ah oo daarranaa mas’alladda cunfiga oo lala yeeshay aragti-curiyayaal, faylasuufyo, iyo naqdiyeyaal. Waxa lagu waraystay muggan Gayatri Chakravorty Spivak oo bareefasar ka ah aqoonta aadanaha Jaamacadda Kolombiya. Waxa ka mid ah wax-soo-saarkeeda buugga, An Aesthetic Education in the Era of Globalization (2012). Brad Evans: Waxa aad badi wax-soo-saarkaaga kaga hadashay waayaha haysta looma'ooyaanka dunida, gaar ahaan kuwa ku nool Hindiya, Shiinaha, iyo Afrika. Sidee ayaynu falsafadda ugu adeegsan karnaa in ay kaalin ka geysato…

Waraysi
Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika

Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…

Waraysi
Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?

Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…

Waraysi
“Al-shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay leeyihiin iskaashi Istaraatiiji ah oo firfircoon”, Xuseen Sheekh Cali

Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…

Waraysi
“Dastuur dimuqraadi ah ma shaqeyn karo haddii aysan jirin kala-duwanaansho siyaasadeed” Nathan Brown

Muddooyinkii u danbeeyay mandaqadda ay dhacaan dalalka carbeed waxa ay la kulantay isbeddello waaweyn oo natiijadii ka dhalatayna ay sababtay in dalal badan oo Carbeed dastuurradooda dib u qoraan. Waddamadaas waxa aynu ka xusi karnaa Masar, Tuunis, ilaa ugu danbayn Suuriya oo uu dhammaadkii 2024 ka dhacay isbeddel la yaab leh. Xidhiidhka ka dhexeeya badanka qoraalka dastuuriga ah iyo waaqaca siyaasadeed ee mandaqadda Carbeedi waxa uu ka mid ahaa arrimaha ugu murugsanaanta badan. Iyada oo dastuurka loo dhigay in uu noqdo heshiis bulsheed oo dabar u ah suldada, ilaaliyana xuquuqda dadka, ayey…