Tuesday 10 December 2024
Waxaa habboon in aannu ka la qaadno qofka aqoonyahanka ah iyo qofka indheergaradka ah. Aqoonyahanku waa qofka la qabsaday in uu wax ku saleeyo waxa la gu shubtay, waana xagjir dabafadhiya qolada ay is ku aragtida yihiin. Se indheergaradku waa qof u laabfuran fikir kasta oo cusub, u na naqdin kara si miyirqabta.
Cali Alwardi, buuggisa Alkhawaariq Al-laashucuuriya
Indheergaradnimadii waxa ay noqotay sifo la gu la duldhaco cid kasta oo sheegta wax aanay garanahayn intaas madasha joogta ama wada doodaysa. Waana sifo ay inta badan ay innoo geyso naflacaaridnimo iyo in ul la qaataa aanay ka jirin deegaanka. Waa hasteeriya la kowsatay goorihii la bartay in kulanno loo qabto suugaan yahannada iyo mashaayiikhda, oo ahaa ilaha keliya ee ay bulshada xooladhaqatada ahi wax uun garasho ah ay ka kororsan jireen—marka la ga yimaaddo tacliinta caadiga ah ee la ga soo qaato dugsiyada. Sifadaas waxaa aad loo gu tilmaami jiray gabyaaga balaayada ah, ee u illan danta reerkiisa, ee u guntan is ku xidhnaanshiyaha reerka iyo tolnimada qabaliga ah.
Berigaas maaddaama oo la wada ahaa xoolodhaqato dhaqan abkasoogaadh ah weli u garabaduuban, tolnimada ilaalinteedu waxa ay ka dhigan tahay summadda qofka gobta ah ee garaadka wanaagsan. Haddii sifooyinkaas dhaqanka ah ee ay u weyn tahay tolnimada iyo danaha reerka uu qofku ku darsado tirinta suugaanta, waxa uu ka dhignaa qof lamahelaan ah, oo ah sanam muqaddasa. Sababta indheergaradnimada sidaas ah ay u tahay hasteeriya la gu hadray oo aan maangal ahayn, waxa uu ku jantay darajadaas dareen caaddifi ah iyo taxliil eexasho ah. Waxaana u dheer taas, oo aanay maanagal u ahayn doorkiisa indheergaradnimo, maaddaama oo uu ku seesay waxa uu yidhaahdo iyo waxa uu ku taliyo dareen soojireen ah oo anaani ah, oo hal dhan u janjeedha.
Haddaba, fahankii oo aan dhaqmin oo aan la shaandhayn ayaa magaaladii soo galay iyo saaxadihii loo ga gol lahaa tusin magaalow iyo isbeddel sal iyo baar ah, oo ay u gu horreeyaan kulannada doodda iyo sababta maangalnimada la gu seesayo. Sidii ayaa uu abwaanku ku yahay indheergarad danta bulshada (oo danta reerka ah) u heellan, oo wadaadku u yahay indheergarad og wax aysan caammadu ka warrami karin, aqoonyahankuna intaasba u gu tunweyn yahay maaddaama oo uu u hadlo sidii cajalad mawsuuco la gu duubay. Hasteeriyadaas indheergaradnimadu, waxa ay sababtay in la isu buunbuuniyo dad caadi ah, oo adeegsaday garashada uu insaanku ku yahay insaan, oo aan xataa dun la lahayn indheergaradnimada la is la garansan yahay.
Taariikhda insaanka waxaa la ga soo helayaa in insaanku soo mooday marxaladdan aan ku sugan nahay ee ah in aanay jirin ul la qaato. Dadku waxa ay u asteeyeen indheergaradka si taqliid ah ama si aan ka fiirsi lahayn, oo beri ayaa suugaanyahanku, dhakhtarku, injineerku, siyaasigu iyo ganacsataduba ahayd indheergaratada bulshada iyo guurti aan loo ga dabadhufan.
Qaddiyadda ‘qeexista indheergaradku’ waxa ay ahayd mas’alo soojireen ah, oo kolkii insaanku bilaabay in uu fekero la kawsatay. Kobaca fekerka insaanku waxa uu ku tolan yahay oo ku dabran yahay luuqadda, mar kasta oo luuqaddu horumaraysay oo ay qormaysay, waa mar kasta uu insaanku si qoddadheer u taxliilinayay dabiicadda, jiraalka, fahanka deegaankiisa, waxa maangalka ah, waxa bulshada u roon, sida bulshadu ku samaysanto, maxaa akhlaaq ah maxaase ahayn, iyo kummanaan daraf oo la xidhiidha indheergaradnimada.
Weyddiimaha ah“indheergaradnimadu maxay tahay? Maxaase indheer loo garanayaa?” waxa ay gundhig u ahaayeen xaddaaradihii muggaweynaa ee horumarku ka soo sullamay; sidii xadaaraddii Musebteemiya iyo tii Giriigga. Muddadaas waxa ay ahayd kolkii insaanku uu mooday isa samatabixin iyo bursasho gabbaad iyo oon—sida antaraboolajiiste Istiifan Mithiin yidhi: “Waxa ay ahayd ilbidhiqsigii kobaca fekerka insaanku hanaqaaday.”
Muddadaas waxaa shaki galay wax kasta oo dan la ga geli jirin. Waxaa qormay dhiganaha faca weyn ee Balaato The Rupblic, oo ah dhiganihii u gu horreeyay ee la ga ga doodo mas’alada ‘waa ayo indheergarad’ ama sida Balaato u yaqaan ‘waa ayo boqorka xikmaddu/philosopher-king.’
Waqtigu ma taagganayn, oo isbeddello ayaa dhacay oo wax kasta dhaska ka hufay. Kalashaandhayntaasi waxa ay u soo taxnayd si taariikhi ah, oo sifada indheergarad la mariyay taxliil maangal ah.
Intii la gu jiray waagii Maanfurka, in la qeexo indheergaradka oo loo helo macne habboon iyo tilmaan tolmoon oo la gu asteeyo cidda indheergaradka noqon karta waxaa la la soo maray heerar kaladuwan. Heerarkaasi waxa ay ka dhigan yihiin kobaca iyo isbeddellada ballaadhan ee ku yimi bulshada, dhaqanka, iyo fikirka insaanka. Waagaas Maanfurka, waxa uu taariikhda ummadaha ka ga soocan yahay maaddaama oo ay ahayd goor bur iyo biyo la ka la miiray, oo wixii maangalka ahaa dhanka dheefta loo qaaday, wixii khuraafaadka dhaqammada iyo diimaha la xidhiidhay loo soocay dhanka waxbayahaynimada.
Waagaas, oo ahayd waagii Faransiiku ka hoosbaxay cabbudhinta kaniisadaha iyo handadaaddii boqortooyada, ayaa la galay ammin dibuhabayn nololeed ah, taas oo la ga taransaday curin mafhuumyo waxkuool ah, dhan kasmabulsheed iyo kasma-insaaniyeed ba.
Waxaa dib loo habeeyay wax kasta oo lamataabtaan ahaa waagii cabbudhka iyo afjigidda, waxyaabahaas dib loo gu noqday waxaa ka mid ahaa tibaaxbixinta sifada ah “Musaqaf/indheergarad.” Waa ayo cidda ay bulshadu hiran karto, gabbaad ka dhigan karto, indhaha u furi kara noqonna kara hiilka danyarta?
Waxgaradkii waagii Maanfurka—oo ah falaasifadii Faransiiska—ayaa door muhiim ah ka qaatay qeeixsta indheergaradkaas, oo ay u gu tunweyn yihiin Foolteer, Didrooyt, iyo Ruuso; waxay si qoddodheer u taxliiliyeen qeexidda doorka indheergaradka maaddaama oo ay u arkayeen horraantii in uu yahay udubdhexaad, marka xigtana noqon kara horseede horumar.
Marxaladihii hore ee waagii Maanfurka, indheergaradka waxaa loo arki jiray in uu yahay aqoonyahanka leh waxoogaa aqoon mihnadeed ah, garashadiisaas mihnadeed waxoogaa ku yar faaqidi kara arrimaha bulsheed, la ga na yaabo in uu waxoogaa xalal ah u helo caqabadaha tuuran ee bulshada. Goortaasina waxa ahayd goortii kacaankii cilmiga ama saynisku dib u qaabaynayey fahamka dabiicadda kawnka, ee la ga mudhuxsaday kutirikuteentii abkasoogaadhka. Markaasna ereyga "indheergaradka" si weyn loo ma adeegsan jirin, laakiin fikradda la ga qaadan karo sifada indheergaradnimada sidaas loo ma sii dhuuxin, ee indheergaradku waxa uu ahaa qofka leh aqoon mihnadeed.
Waayadii dhexe ee waagii Maanfurka waxaa la iswarsaday horta maxaa aannu ku qeexnaa indheergaradka? Dabadeed waxaa billowday in qeexidda sifada indheergaradka aad loo faaqido, faylasuufyadii waxa ay gaadheen gunaanad ah: in adeegsiga sayniska oo keliya aan la gu gaadhayn sababaynno maangal ah, oo ay tahay in aad loo dhexgalo dhammaan dhinacyada nolosha insaanka sida siyaasadda, akhlaaqda, iyo arrimaha bulshada.
Imaanuweel Kaant, Jaan Jaak Ruuso iyo Moontesko, waxa ay is la qaateen in indheergaradnimadu tahay in la fikiro. In aan la sugin dadyow isu yaqaan ama suuqa gashaday in ay in dheer garanayaan. Waagaas maaddaama oo la gu guulwadayn jiray indheergaradnimada, ahaydna aalad wax la gu xagliyo, waxa ay yidhaahdeen sida Kaant oo kale: “Bal car wax garta oo waxbarta\ Sapere aude!”
Ruuso ayaa ka mid ahaa faylasuufyadii qabay aragtidaas. Waxa uu si qoddadheer u tibaaxay doorka indheergaradka sida ku cad waxqabaddadiisa: "Heshiiska Bulshada" iyo "Emile," in indheergaratadu aysan ku mashquulin oo kaliya fikrado aan la taaban karin ama aan door u ahayn taaganta bulshadooda, beddelka taas waxa ay tahay in ay tixgeliyaan taxliilinta qaayasoorrada bulsheed oo saamayn toos ah la leh nolosha insaanka. Ruuso waxa uu rumaysnaa in dadka indheergaradka ahi ay waajib ku tahay in ay faaqidaan oo naqdiyaan qaayasoorrada bulshada, iyo in ay u guntadaan dhisidda bulsho la jaanqaadaysa xorriyadda dabiiciga ah ee insaanka iyo sinnaanta.
Marxaladdan iyo faaqidaadda Ruuso waxa ay jid u furtay in aad loo sii dhexgalo cidda indheergaradka noqon karta. Raggii aadka u gorfeeyay mafhuumkaas waxaa ka mid ahaa Foolteer iyo Kaant. Kaant waxa uu ku yidhi buuggiisa “Critique of Pure Reason[1]” isa ga oo qeexaya indheergaradka ama aannu dhahno carrabdhabaya tilmaamaha indheergaradaka:
Waa qofka ku biirin kara mafhuum hore u jiray wax aan hore loo ga fikirin, oo awood u leh in uu mafhuumkaas ku dabbaqo mawduuc.
Si fudud, Kaant waxa uu ku qeexay indheergaradka qof garaadkiisa u adeegsada si uu u la falgalo caalamka, oo aan intaas ku ekaanin ee fahankiisa ku ladhi kara mawduucyada taagan iyo tagtadaba, si uu mafhuumka indheergaradkaasi u noqon karo garasho cusub oo ah wax ka soo dhilmay ama la ga dhaliyay wixii hore oo la gu dabbaqay waxa taagan taas oo ah xal iyo taxliil dhababbaar u noqon kara mawduucaas.
Sida oo kale, waxa uu ku sheegay buuggiisa Critique of Judgment [2]: indheergaradku waa qofka wax abla-ablayn kara isa ga oo aan ku saamoobin awoodo dibadda ah. Foolteer qudhiisu sidaas ayaa uu qabaa, oo uu u aqoonsan yahay indheergaradka qof aanay saamayn ku yeelan cabbudhinta guud ee ka jirta deegaan ay bulshadu u hoggaansan tahay xeerar abkasoogaadh ah iyo diimaysnaan.
Haddaba, maxaa ay ka dhigan tahay ‘saamaynta’ dibadda ka ah fiirada indheergaradka? Yacni qofka indheergaradka ah ma waxa uu ku dhashaa garasho ka tayaysan tan qaalibka ah? Sidee yacnihii saamaynta iyo indheergaradnimadu u ka la taggan yihiin, maaddaama oo garashada la ga taransado saamaynaha bulsheed, iyo saqaafada guud ee bulshada iyo waxbarashada caadiga ah.
Weyddiimahaasi waxa ay inna la galayaan qaladfahnka labaad, ee ah kaladuwnaanshaha aqoonyahanka iyo indheergaradka. Waa mas’alo aad loo ga dooday qarniyadii dambe ee loo gaadho qarnigii labaatanaad, iyo goortii horumarka fikir uu bullaalay, saamayntii xoogganayd ee fikirka waagii Maanfurkuna xididaystay.
Mufakiriin ay ka mid yihiin Antooniyo Garaamishi, Jaan Bool Saartar, Edhwardh Saciid iyo Misheel Fuuko ayaa dibueegis iyo dibuqeexis ku sameeyay cidda uu yahay indheergaradku. Midiba dhan iyo daraf saamayn leh ayaa uu ka eegay, sida xilka indheergaradka, suldada iyo saamaynta ay ku lee dahay indheergaradka—oo u taagan saamaynta barbaarineed ee bulshadu ku lee dahay indheergaradka dhan habfikireed iyo waxbarasho—iyo u dhuundaloolidda saamaynaha jiheeya qaabdhismeedka bulshada iyo fogaanaraggeeda.
Aantooniyo Garaamishi qeexista uu u dhigay mafhuumka indheergaradka waxa ay bixinaysaa faham qoddodheer oo ku saabsan isdhexgalka kakan ee u dhexeeya fikirka shakhsi ahaaneed iyo saamaynta dibadda. Uma arko in indheergaradku yahay qayb ka go’an ama ka go’doonsan bulshada ee waxa uu u arkaa in indheergaradku ku dhex milan yahay qaab-dhismeedka dhaqandhaqaale ee bulshada iyo xidhiidhka ka dhexeeya awoodda ama suldada iyo habfikirka bulshada. Waa indheergaradka uu u gu yeedhay indheergaradka dhaladka ah/The Organic Intellectual.
Garaamishi waxa uu u qaybiyay indheergaradka laba waaxood oo ka la ah: indheergarad dhaqameed iyo indheergarad dhalad ah. Indheergarad dhaqameedku waa kuwa isu arka in ay yihiin koox u madaxbannaan si iskood ah, oo inta badan ku ilaaliya heerka ay taagan yihiin ama doorka ay u gu doorran yihiin bulshada, mabda’a markaas shaacsan. Waa indheergarato badanka iyagu is magaacaaba, oo tusaalaha u gu mudan waxaa noqon kara booska uu wadaadku iskii isu gu magaacabay, siyaasiga boos ku haysta nidaam dad gaar ah iyo mutacallimka ama aqoonyahanka leh aqoon mihnadeed.
Ka labaadi waa indheergaratada dhaladka ah oo loo la jeedo indheergaradka sida xooggan u gu dhuundaloola xaaladda bulsho iyo siyaasadeed ee bulshadiisa. Indheergaradka dhaladka ahi ma aha kuwo ka soocan dadka, balse waa qayb ka mid ah bulshada oo ay is ku dan, tabasho iyo halgan wada wadaagaan.
Si loo kala saaro fikradaha dhabta ah ee indheergaradku la golayimaaddo iyo saamaynta dibadda u ga timid indheergaradka, waa in marka hore la fahmo in fikirka indheergaradka uu had iyo jeer ka soo dhilmado xaaladda taariikheed ee bulsho. Fikradaha dhabta ah, marka la gu eego fiirada Garaamishi, waa kuwa sida dhabta ah u la falgalaya xaaladda markaas jirta, oo ka madhan fikradaha abkasoogaadhka ah ee u taagan xaqiiqo biyakamadhibcaan ah oo aan ku seesnayn nidaamka amarkutaaglaynta.[3]
Saartar, waxa uu la qabaa Garaamishi. Indheergaradku waa in uu ka mid yahay bulshada, oo aanu ka safan. Mas’uuliyadda saaran indheergaradka waa in uu ilaaliyo mafhuumka ah: in ay faran tahay insaaka xorriyad iyo madaxbannaani. Mafhuumkaasi waxa uu tibaaxayaa mas’uuliyad ah in indheergaradka xil ka saaran yahay ka gadoodista gabboodfallada, cabbudhinta bulshada, xaddidda xorriyadda qofka iyo wax kasta oo ka dhan ah karaamada qofka. Ahaanshaha indheergarad ka ma turjumayso in aad wax dheertahay bulshada.
Misheel Fuuko, isa gu waxa uu ka taagan yahay qeexista indheergaradka dhanka saamaynta awoodeed ee ka ga timaadda indheergaradka nidaamyada bulsheed. Waxa uu qabaa Fuuko in indheergaradku yahay qofka u heellan goor walba in uu qaawiyo nidaamyadaas. Ma qabo in uu indheergaradku, sida oo kale, uu ka soocan yahay nidaamyadaas bulsho. Mas’uuliyadda indheergaradka saaranna, waa in uu faaqido sida nidaamyadaasi bulsheed u la falgalaan aqoonta, oo ay u saameeyaan garashada insaanka ku hoos kora.
Edhwardh Saciid, qeexistiisu waxa ay is ku dhafaysaa qeexitaannadii hore ee Saartar, Garaamishi, iyo Fuuko. Edhwardh Saciid waxa uu qabaa in indheergaradku ka xuubsiibto nidaamyadaas awoowdeed ee bulsho, had iyo gooraalena uu yahay hiilka looma’ooyaanka, garabna u yahay iyo cod xorriyadda iyo caddaaladda.
Halkaasna waxaa ka baxaya is ku qaladka aqoonyahanka iyo indheergaradka oo iskii u ah qodob xasaasi ah marka indheergaradka la ga hadlayo iyo marka aqoonyahanka la qeexayo.
Badanaa, is ku qaladka labadaas sifo ayaa ah waxa dhaliyay asalkaba in ay saaxadda timaaddo doodda ah WAA AYO INDHEERGARADKU… maaddaama oo loo dhexmaro abuurista fikirrada gurracan iyo iskudhexdaadka bulshada. Kolka ay bulshadu marayso marxaladda aan ku sugan nahay, ee ah “yaa haya wax aan ahayn abtirsiinyo iyo qabyaalad” waxa ay isa ga suntantaa indheergarad cidda markaas ka yara aragti duwan, aragtidiisuna—marka samaanka iyo makaanka loo eegona—ay is ka yara maangal tahay.
Hadda oo kale waagii dagaallada sokeeye haddii wadaad ama siyaasi dhahay ‘war ha la ga waantoobo colaadda, sababta oo ah ilaahay waa inna ga reebay ama dhaqan u ma aannaan lahayn,’ maaddaama oo ay maangal tahay marka xaaladdaas la joogo, caadi ahaanna ay tahay wax garaad insaan walbaa xal u arko, ma ka dhigaysaa wadaadkaas indheergarad goor kasta fiiradiisu tahay xal? Sidii aannu soo sheegnay, waxa aannu nidhi, indheergaradku waxa uu adeegsadaa sababayn la ga soo dhiraandhiriyay ogaal ka tiran saamayn dibadeed, oo ku sal leh maangalnimo saafi ah oo aan sababta u celinayn cid kale ama wax guud oo ay bulshaweyn u aamminsan tahay run badhaxtiran.
[1]: B 18
[2]: Section 40, p. 176
[3]: Garaamishi nidaamka “amarkutaaglaynta/hegemony” waxa uu u la jeedaa siyaabaha ay kooxda xukunka haysa u gu ilaaliso xukunka bulshada, iyaga oo adeegsanaya aydhyaloojiyad soojireen ah sida hoggaan dhaqameed, qaayasoorrada akhlaaqeed ee dhaqanka iyo wixii la mid ah.