Tuesday 5 November 2024
Soofiya Samatar waxa dhalay Barafasoorkii weynaa ee Siciid Sheekh Samatar, hooyadeedna waxay ahayd macallimiintii wax ka dhigi jiray Kiniisadaha Menonaytka ee Muqdisho, Soofiya oo hooyadeed ka soo jeeddo gobolka Dakota, waxay ku dhalatay gobolka Indiyaana ee Maraykanka. Labadeeda waalid waxay ahaayeen macallimiin, akhriska iyo luuqadaha qalaad aad u jecel. Soofiya aabbaheed waxa uu ahaa baresare oo dhiga taariikhda Afrika, waxaana uu wax ku qori jiray, tifaftirena ka ahaa joornaallo cilmiyeed oo dhawr ah, hooyadeedna waxay ahayd macallimad luuqadda Ingiriisida barta dadka aan u dhalan. “horraantii ma garanayn wax aan bare ku noqdo, balse, sida dhaqanka qoyskayagu ahaa waajib aan laga baxsan karin ayay ahayd. Ugu danbayntii waxaan gartay in suugaantu tahay habka kaliya ee waxa aan jeclahay ku gaadhayo, in aan noloshayda u beddelo madal akhris wadareed oo ballaadhan.”
Soofiya waxay dugsigii sare ka dhigatay dugsi Minonayt ah, ka dibna waxay ku biirtay koolajka Gooshen oo ku yaal Indiyaana, kaas oo laftiisu hoos yimaada kiniisadda mad’habta Minonaytka. Waxay shahaadada labaad ee jaamacadda ka qaadatay Jaamacadda Wiskoonsan, waaxda Maadisoon ee Luuqadaha iyo suugaanta Afrika. Waxay is guursadeen qoraaga Kiit Millar, waxayna degeen Suudaan (qaybteeda madaxbannaanaatay ee hadda ah Suudaanta Koonfureed), waxay halkaa ku dhaqnaayeen saddex sanno, kadib na Masar ayay sagaal sanno ku dhaqnaayeen, waxay ka dhigi jireen luuqadda Ingiriisida, dabadeed waxay ku noqotay jaamacaddeedii Maadisoon oo ay ka billawday shahaadada saddexaad, PhD ayay ku qaadatay suugaanta Carabida, cilmibaadhisteediina waxay ku daraasaysay qoraalada Dayib Saalax.
Soofiyi waxa ay sidoo kale ku soo noolaatay Tansaaniya iyo magaalooyinka Landhan, Niyuu Jeersi, Bensalfeyniya, dhawaana waxay u guurtay Firjiiniya, halkaas oo ay baro suugaaneed ka tahay Jaamacadda Jaymis Maadisoon, gaar ahaan suugaanta Afrika iyo ta Carabida: “gobolkan waxaa ku yaalla Dooxada Shenandoah, oo ah dooxo aad u qurux badan. Mid aan baran lahaa ma ahayn, haddaan ruux aanu isku dhaw nahay i geeyeen, markaan halkaa isku raacnay waan jeclaaday goobta iyo shaqadaydaba.”
Soofiyi 2012 waxay faafisay saddex sheeko oo gaagaaban oo ay ka mid tahay sheekada “Honey Bear”, isla sannadkaas waxay faafisay noofalkeedii koowaad “A stranger in Olondria”, kaas oo ku guuleystay abaalmarinta Crawford ee mala-awaalka iyo abaalmarino kaleba. Sidoo kale 2014 waxay ku guulaysatay abaalmarinta Astounding oo la siiyo qoraaga ugu wanaagsan qoraayada cusub. Noofalkeedu waxa uu ku soo baxay liiska 100 noofal ee khiyaaliga ah ee ugu wanaagsan ee ay samaysay majaladda Taym, iyo 50 noofal ee khiyaaliga ah ee ugu wanaagsan ee ay samaysay Esquire. Intaa wixii ka danbeeyay waxay joogtaysay baahinta sheekooyin gaagaaban oo ay akhristayaashu aad ula dhaceen, waxaana ka mid ahaa sheekada, Selkie Stories are for Losers, oo ay ku daabacday 2013 madasha Strange Horizon, waxaana ay qayb ka noqotay sheekadani xulka sheekooyin u tartamayay abaalmarino kala duwan oo la siiyo sheekooyinka khiyaaliga ah, sida Hugo.
Noofalkeedii labaad waxa ay daabacday 2016, kaas oo ay ugu wan qashay ‘The Winged Histories’, buuggan laftiisa falanqeeyayaashu aad bay u soo dhaweeyeen, abaalmarino dhawr ahna waxa uu soo gaadhay liiska gaaban, waxay ku xigsiisay 2017 buug ururis sheekooyin gaagaaban ah “Tender: Stories” sheekadanna abaalmarino badan ayaa loo sharaxay, balse, ururiskeeda kale ee la magac baxay ‘Monster Portrait’ xamaasad laguma soo dhaweyn. Waxaa se ammaan kala dul dhacay madasha gorfeynta buugta ee Los Angeles iyo Shikaago, waxayna ku tilmaameen mid ka mid ah buugta u wanaagsan ee ku jira liiska NPR ee sannadka 2018, waxayna noqotay tartamayaashii gebagebada u soo gaadhay abaalmarinta Calvino.
Sidoo kale waxaan kolkuu soo baxay sida buugteeda kale u muuqan buuggeeda sooyaal reebka ah ee “The White Mosque” oo soo baxay 2022, in kastoo markii danbe uu aqoonsiyo dhawr ah helay. Halka buuggeeda kale ee “Tone” oo ka warramaya cilmibaadhis ay ku wada samayeen iyada iyo cilmibaadhe kale codka sheekotebinta ay soo saartay daabacaadda Jaamacadda kolombiya sannadkii 2023. Hawlqabadkeedii ugu danbeeyayna oo ay u bixisay, 'Practice, Horizon, and Constraint' waxaa la filayaa in uu dhawaan soo baxo.
Maya, marka laga reebo mid toddobaad soconayay oo aan galay waagii aan koolajka ku jiray oo maanso curinta ku saabsanaa. Maansayahan la odhan jiray Nik Linsi oo dhawr sanno ka hor dhintay, ayaa daadihinayay, cajiib ayuu ahaa. Maansadu si kama’ ah ayay uga qubanaysay afkiisa, isagoo kor iyo hoos u boodboodaya, kolna giitaar la soo haadaya (kaas oo aad moodday in uusan tumi aqoon, sawaxan uun bay dhegtu qabanaysay), dabadeed si yaab leh ayuu ugu heesayaa, bayd yaab leh oo aan la fahmayn, “When I am broken on the rack of life, from that arises my life’s work!”
Dayib Saalax ayaa aad ii saameeyay – cilmibaadhistayda qoraaladiisa ayaan ku sameeyay, sheekadiisa Season of Migration to the North, dhawr jeer ayaan casharro ka bixiyay. Waa buug agab badan oo sheekotebineed kulansaday sida: waqtiyada dhacdooyinka ee isku murugsan, codadka sheekotebinta ee kala duduwan, qulqulka hadalgudeed ee shaqsiyaadka, xigashada suugaan kale iyo sheekobaraleyda, qeexitaanka cimilada iyo ilayska. Agabkan suugaaneed ayaad sidoo kale ugu tagaysaa qoraallada qoraayada modernist-ka ee aan jeclahay, sida; James Joyce iyo Virginia Woolf, sidoo kale waxaa agabka adeegsada qoraayada samankan loogu jecelyahay ee ay ka mid yihiin Kate Zambreno, Carole Maso iyo Bhanu Kapil.
Sidoo kale waxaa saamayn igu leh qoraayada sheekooyinka khiyaaliga ah qora, kuwaas oo ku ciyaara cidhifka xaqiiqada, sida; Jorge Luiz Borges, Carmen Maria Machado, Jeff VanderMeer, Kelly Link.
Waxay ila tahay in ay ilaa heer dhammaantood ka muuqan doonaan, balse, buugta maankayga aad uga dhex guuxayay kolkaan qorayay waa Baybalka iyo sheekooyinka William Faulkner. Buuggayga; The practice, the Horizon, and the chain, waa mid ku saabsan sidaan sheekobaraleydu waligeed u suulin, xataa kolka laga warramayo timaaddada fog, shaqsiyaadka buuggu waa kuwo ku xabisan sheekooyin duug ah oo ku saabsan awoodda iyo kala sarraynta, oo sidoo kalena dhex heehaabaya riyooyinka xornimada ee aan abaadin. Markaan waday qoraalka buugga waxaan aad u akhrinayay sheekooyinka William Faulkner (waxaan rabay in aan ka salgaadho sida isla hal qof u qori karo sheeko u xun sida; Soldier’s Pay, sidoo kalena u qori karo saddex sanno kadib, sheekada yaabka leh ee, (The sound of the fury), waxaan la dhacsanaa hab qoraalkiisa habdhaca wanaagsan ee kolal dhawaaqa dheer ee aad mooddo in ay ka soo burqanayaan Kiniisadaha Madowga. Waxay iila ekaatay in uu tibaaxayo sida qoraayadu luuqadda dhaaxdeeda u maalaan, iyagoo ku baraarrugsan amaba aan ku baraarrugsanayn. Waxaan rabay in aan ku qoro luuqad habdhacan oo kale leh sheeko ka duwan ta uu Faulkner qoray, sheeko ka warramaysa timaaddo yididiilo leh (utopian).
Waxaan ku faraxsanahay oo wanaag ah in aanay igu qaadan muddo intaa le’eg iyo mid u dhaw toona! Fikraddu waxay igu dhalatay mar aan ka qayb galay shir ka dhacay Jaamacada Boston, oo cinwaankiisu ahaa, Yagleelida Akaadamiyad Firdhad ah, halkaas oo ay ka hadleen aqoonyahan badan oo isku darsaday cabqarinimo iyo mayaladayg, waxay ka warrameen beddelida goobaha waxbarashada iyo suureysashada duni cusub. Shirkan waxaan ka qayb qaatay 2021, isla sannadkaas ayaan buuggana qoray, dhawr sanno ayaan waday dib u qaabayntiisa, waa kaa.
Doorashadani waxay ku timid xaaladda ka taagan markabka ay shaqsiyaadkani ku noolyihiin. Dadku waxay u qaybsan yihiin saddex dabaqadood oo kala duwan, dabaqadda sare oo kali ah ayaa magacaan adeegsata, ee magaclaawanimadu kuma koobna wiilka iyo gabadha- dhammaan dadka qaybta ka ah dabaqadsa dhexe iyo ta hoose waa magaclaawayaal. Waxaa lagu tilmaamaa waxyaalo kala duwan sida; ilaalada, shaqaalaha, ardayda iyo waayeelka iwm. Hubaal, magacawnaan la’aantu kama dhigna magaclaawanimo. Qaybtaa waxaan u dhaafayaa in uu akhristuhu u kuurgalo.
Wiilku waxa uu ka imanayaa gunta markabka oo lagu magacaabo, Reeba. Dadka halkaas ku jira waa kuwo silsiladaysan. Arrintani waa mid sawir ka bixinaysa xaaladda Ameerika, waa mid si cad u tilmaamaysa dhoofintii addoomaha iyo taariikhda addoonsiga. Markaa, iyadoo duruufta wiilku aad u adag tahay, haddana, sheekadu waxay diiradda saaraysaa jacaylka iyo danaynta uu ka helayo dadkiisa duruuftaa kula jira, oo wiilku waxa uu leeyahay saaxiibo, bulsho, iyo tababare ilaaliya oo waxbara. Kolka laga soo saaro Reeba si uu wax u barto, in kastoo ay taasi duruuftiisa nololeed wanaajinayso, haddana dareen ahaan waa mid dhaawac ku ah.
Wiilku waa farshaxamiiste riyo ku nool ah. Gabadhuna waa mutacallimad bare jaamacadeed ah oo tabcaan ah! Lafteedu riyooyin ay ku taamayso ayay leedahay, balse, way noogtay. Waxaan ku jeclahay shaqsiyadahan siday ay uga samaysteen deegaan laga helayo waxbarasho daacad ah oo adduun dhisaysa, gudaha nidaam cadaw ah oo aan nolosha u ogoleyn. Waa kuwo halabuur leh, oo diyaar u ah in ay noqdaan daacad-miskiin, in adduunkoodaa laga dhex saaro miyaanay ahayn mid yaab leh?
Waa hadal maqalkiisu dhegaha u roonyahay, wacnaan lahaydaa in aan jawaab ku habboon u hayo weydiintaada! Haddaan garanayo qaacido ama farsamo arrintaa qeexaysa anaa adeegsan lahaa, balse, ma garanayo. Waxaan soo jeedin lahaa in wax la akhriyo, ilaa aad gaadho heer aadan ka fursan karin in aad wax qorto. Markaa ka dib wax qor.
Buuggani waa mid ku habboon cid kasta oo jecel sheekooyinka mala-awaalka ah. sidoo kalena, waa mid ku munaasib ah dadka la xidhiidha mu’asasaadka waaweyn, sida jaamacadaha, kuwaas oo ay quus ku abuurto sinaan la’aanta goobahaa ka jirtaa, iyadoo waliba dad badan halgan adag ugu jiraan in ay isbeddel dhaliyaan. Markaan sheekada qorayay, waxaan niyada ku hayay in uu noqdo buug yar oo aad boorsada gashan karto, una qaadan karto shirarka maalayacniga ah ee goobta aad ka shaqayso, nooca shirar ee niyadjabka iyo waqti lumiska ah ee aan waxba soo kordhin, dabadeed buuggan ayaad ku gacan dhigaysaa, waxaanad dareemaysaa in qof kula arkayo waxa kuu muuqda. Dabadeed waxay kuula muuqanaysaa in ilays hareerahaaga buuxshay. Sababtaas baa sheekadu u leedahay dhan yaab leh oo khiyaali ah. Waa sheeko maad ah oo qofka kaxaynaysa, waxaa loogu talagalay dadka nasashada u baahan.
Isuma arko in aan maansayahanad ahay, in kasta oo aan qoro maansooyin, balse, haddana maansada waan jecelahay – maalin walba xoogaay maansooyin ah ayaan akhriyaa. Waxaa i cajab galiya xidhiidhka maansayahanku la leeyahay luuqadda. Waxaan aaminsanahay in dareen yaab leh ku duugan yahay qorista badaha qoraal ee gaagaaban, waayo, waxay inoo saamaxdaa in aan dhuuxno qaab dhismeedka qoraalka. Qorista sheekooyinka gaagaabani waxay kor u qaadeen dhadhansigayga qaabka iyo naqshadda qoraalka, xataa kuwa dhaadheer.
Waxaan jeclaan lahaa in ay dhadhansadaan codadka kala duwan. Sheekooyinka gaagaaban waxaan u arkaa shaybaadh, meel aad tijaabooyin ku suubin karto. Waxaan jeclaan lahaa in akhristuhu dareemo isbeddeladaas, tijaabada ah – in uu u fiirsado farqiga u dhexeeya faagagga muxibadu camirtay ee sheekada “Wolf Tones” iyo toonka rasmiga ah iyo toonka akaadamiga canjilaya ee “Fairy Tales for Robots”.
Waxaan soo wadaa buug aan sheeko ahayn oo aan filayo in uu Ogos soo baxo. Waxaan ugu wan qalay Opacities: On the writing life, waa qoraallo taxane ah oo aan kaga fikirayo qorista, daabacaadda iyo saaxiibtinimada.