Thursday 5 December 2024
Turjumaadda Buugga Maxamed Aadan Sheekh ee dhowaan soo baxday waxay ka dhigantahay waa cusub oo u beryay dadka Afsoomaliga wax ku akhriya. Waxa afkeeda kula hadlaya mid ka mida ah innamadii ugu wanaagsanaa ee soomaaliyi dihato, haddii aynu adeegsanno weedhii tifatire Biyeetro Batruuji. Kuma filla eryada ammaanta ah ee cagtu ku badatay in ay muujiyaan waxtarnimada xusuusqorka Maxamed Aadan Sheekh. Cidkasta oo akhrida, dabadeedna, doonta in ay wax ka tidhaahdo, waxa hubaal ah in ay la kulmi doonto cakirnaanta ah baaxadda mawduucyada buugga iyo qotada qoraaleed ee uu leeyahay. Marka hordhaca iyo gogoldhigga tifatiraha laga tago, wuxuu ku bilaabmayaa maqaalka ashaqaraarka leh ee uu ciwaan uga dhigay “Xusuus Dhantaalan”. Waa qoraal soo baxay saddex sano ka dib markii Jamhuuriyaddii Soomaalida ee inta badan warraaqaysay ay naf baxday. Maxamed, isagoo masuuliyad akhlaaqeed oo saaran dareemaya ayuu isku deyeyaa in uu si furan u warramo. Wuxuu isku deyeyaa in uu ka jawaabo weyddiin soomaali kasta oo xilkas ah maankiisa ku jirtay oo ahayd “Maxaa innagu dhacay?” Wuxuu weyddiinta kaga warceliyey waayo aragnimo ay indheergaradnimo shidaalinayso.
Wax badan oo ku saabsan waayo aragnimada sannadihii badnaa ee kelitalisku waddanka haystay ee dil ahaa ama xabsi ama talomaroorsi ah oo buuggu ka warramayo wuxuu kala simanyahay soomaali badan oo waayahaas qallafsan soo martay. Waxa se buugga Maxamed dheeryahay waa sheekada ka bilaabmaysa maragfurka Baasil Dheefidsan. Waa sooyaal yididdiilo lahaa oo ay qarqoomiyeen waaqaca foosha xun ee ka danbeeyey. Waa taariikh meel cidhiidhi ah duruufuhu ku gufeeyeen oo cid si faahfaahsan uga hadashaa aanay jirin marka laga tago Maxmed Aadan Sheekh, oo ahaa afhayeenkii dhaqdhaqaaqaas taariikheed ee jiraalka Soomaalida qaybta ka ahaa. Dhaqdhaqaaqaasi Maxamed afhayeenka u ahaa wuxuu qayb ka ahaa waayihii guumaysi-ka-bixidda Afrika oo dabcan Soomaalidu na ku jirtay.
Sannadihii lixdamaadkii, Afrika oo dhan waxa ka aloosnaa mawduuca guumaysi-ka-bixidda iyo sidii dawlad qarameed waxtarlihi uga hanaqaadi lahayd qaaradda. Dhaqdhaqaaqaasi, wuxuu dhaliyey weyddiimo ay adagtahay in si fudud looga jawaabo iyo xitaa meelaha qaar in lagu baraarrugo muhiimadda arrintu leedahay Maxamed Aadan waxa uu ka mid ahaa dadkii ku baraarrugay muhiimadda guumaysi ka bixidda isaga iyo saaxiibbadii na waxa ay isku dayeen sidii ay Soomaalidu u heli lahayd dawladnimo ay leedahay.Waxa taa innooga markhaati kacaya taariikhyahanka reer Ingiriis Baasil Dheefidsan oo inna leh: “badhtamihii 1970nadii waxa jiray waqti aan caadi ahayn oo jawaabaha Maxamed Aadan Sheekh iyo saaxibadii natiijo wax-ku-ool ah dhaliyeen. Xilligaa oo aad uga geddisanaa waxa maanta dhacaya, dadka Soomaaliyeed waxay geeddi u ahaayeen dedaal bulsheed iyo mid akhlaaqeed oo midnimo abuuri kara una saamixi kara in ay ka fakadaan dabinka is-eexaysiga qabiileed”.
Aynu ku noqonno geeddigaasi halka uu ka soo bilawday. Maxamed Aadan wuxuu la waayo iyo duruuf ahaa soomaalidii waagaas waxbaratay. Miyiga ayuu ku dhashay. Muqdisho ayuu waxbarasho u tagay. Muddo ka dibna Talyaaniga ayuu marar isxigxiga waxbarasho u doontay oo markii ugu danbaysay uu shahaado xirfad caafimaad ah ka soo qaatay. Muddo ayuu xirfaddiisa dhakhtarnimo ku shaqayeeyey isaga oo barbar wada dhaqdhaqaaqyo kale. Waxa la soo gaadhay sannadkii 1969 markaas oo ciidamadu inta ay xeryohoodii ka soo dareereen taladii dalka xoog ku qabsadeen. Halkaas ayuu kaga soo darsamayaa Maxamed geeddisocodka taariikhda siyaasadeed ee soomaalida. Janaraalada talada dalka xoogga ku qabsaday ayaa u yeedhay isaga iyo rag kale. Laakiin sabab? Isagaa innooga jawaabaya: “Janaraalada iyo Gaashaanlayaasha sare, ayaa na lagu yidhi waa rag qumman oo qoomiyiin ah oo wanaagga ugu sarreeya Soomaaliya la raba. Laakiin way ku baraarrugsanyihiin in aanay waddanka maamuli karin oo aanay xallin karin mushkiladaha kala daran, haddii aanay garab ka helin cududda bulshada rayidka ah. Waxayna isku raacsanaayeen si aan kala reeblahayn, in aan la soo celin karin dadkii ugu cadcaddaa xukuumaddii hore maaddaama aan lagu aamini Karin dadka taladooda. Waa sababta wax yar ka dib inqilaabkii guulaystay ay u diyaariyeen liistada hordhaca ah ee qiyaastii labaatan “Mihnadlayaal” oo ay gacan weyddiisanayaan. Shuruuddu waxa ay ahayd: da’yar, aqoon u leh meesha loo dhiibayo, xukuumaddii hore aan ku milmin, ka-go’naan siyaasadeed iyo mid bulsheedna lagu yaqaan…”
Halkaas ayay ka bilaabmaysaa cutubka taariikheed ee Maxamed iyo saaxiibbadii afhayeenka u ahaayeen. Markaas askartu gacanta waydiisteen, laba jid midkood baa u furnaa: in ay ku gacansaydhaan oo diidaan iyo in ay aqbalaan oo qayb ka noqdaan Soomaaliyada cusub ee tuutaha gashan. Marka lagu xisaabtamo duruufihii markaas jiray, sida Maxamed inna leeyahay, waxa xilkasnimo ahayd in ay waddankooda ugu shaqeeyaan awooddooda insaannimo iyo mihnaddooda, waana sida ay doorteen. Laba toddobaad ka dib kolkii ay aqbaleen ayay keeneen mashruucoodii khuseeyey casriyeynta iyo hore-u-socodsiinta Soomaaliya. Waa marka ay doorteen dhabbaha hantiwadaagga. Waxa xusidda mudani waa in mashruuca hantiwadaagga iyo inqilaabku kala madax bannaanaayeen. Hantiwadaagga dhalinyaradii xoghayayaasha ahaa ayaa keenay askartuna way la qaadatay. Qodobka kale ee malahayga muhiimka ahi wuxuu yahay sababta ay hantiwadaagga u qaateen. Ma doorasho aydiyoolajiyadeed buu ahaa mise doorasho duruufuhu khasbayeen. Sida Maxamed Aadan innoo sheegayo sababtu ta danbe ayay ahayd. Dhaqaale xumadii iyo musuqii baahay sagaalkii sannadood ee rayidka sida kaliya ee wax lagaga qaban karayey waxay ahayd in la qarameeyo ilaha tacabsoosaarka waddanka.
Halkan waxaynu ka dheehan karnaa tijaabo qosol iyo qarracan wadata oo khusaysa sida niyad wanaaggu marmarka qaar uu haadaan kaaga tuuri karo. Sida dadku u soo dhaweeyeen askarta talada la wareegtay ugu na niyadsamaayeen iyada oo waxa ugu weyn ee askarta dabada ka waday ahaa damac shakhsiyadeed iyo xukundoon. Muddo ka dib, iyadoo waxkastaa isbeddeleen ayuu Maxamed ka warramayaa sida saddex maalmood ka dib inqilaabka markii askartii xeryohoodii ku laabteen waddankiina kala danbayni iyo amni ka hirgalay ay ugu niyadsamaadeen ee u maleeyeen in waxkastaa halkaas ku dhammaadeen.
Waxa timaaddada iman doona cidina war uma haysato. Taariikhdu, sideedaba, waa doorashooyin dhawr ah oo qofku ku khasbanyahay in uu mid doorto, dabadeedna marka middaas uu ku dhaqaaqo wixii ka dhashay dib laga faalleeyo. Waxa sida ugu caqiibada badan arrinka innoogu sharraxaya xusuusqorka Maxamed Aadan Sheekh. Waxa bilaw ah xukunkii askarta. Doorashooyin dhawr ah ayaa la haystaa oo midkastaa natiijo gaarkeed ahi ka dhalan doonto. haddaba, innaga oo akhrisanayna xusuusqorkan, waxaynu fursad u haysannaa in aynu si qumman u qiimayno bal fursadaha bannaanaa maalintaas ee halkan maanta la joogo meel aan ahayn inna geyeysiin lahaa. Waxaynu arkaynnaa koox dhallinyaro ah oo xoghayayaal rayida oo la tacaalaysa sidii ay waddo kaadi-dibi ah ugu dulsocon lahaayeen si ay u gaadhaan ujeeddo fog oo ay higsanayaan. Waa in ay askarta iyagu iska ilaaliyaan oo aanay barabixin iyo faramadhnaan dareensiin. Sidoo kale, waa in ay iyaga kala ilaaliyaan oo inta qabytood ay isku keliyaystaan, aanu waddanku u gelin inqilaabbo tusbax furtay noqda sidii Afrika oo dhan maalmahaas caadada ka ahayd. Mar saddexaad, haddii labadaas la helo inta suurtagalka ah, waa in xasiloonidaas looga faa’iideeyo in wax uun laga wanaajiyo xaaladda nololeed ee bulshada. Ilaa intee in le’eg bay suurtagelsysaa hawshaasi? Waa sheeko dheer oo aynu buugga uun kaga bogan karro.
“kelitalisnimo cidina kuma dhalato, umana baahna in aad cid ka dhaxasho e, wuxuun baad u baahantahay in ay kaa go’antahay in aad xukunka sii xejisato iyo in aad hesho koox ay iyana ka go’antahay in ay ku camal falaan sharcidarrada dawladda” ayuu inna leeyahay Maxamed Aadan Sheekh. Markale, isaga oo qodob kale oo muhiim ah inna xusuusinaya wuxuu odhanayaa “ waxaan daraaseeyey asalkii midawgii Soofiyeedka iyo tallaabadii Lenin. Waxaan sidoo kale fiiriyey taariikhda dhow ee Jamaal Cabdinaasirkii Masar xukumayey, dabadeed waxa ii soo baxday natiijo qalbijab leh oo ah in aanay jirin awood kacaan, bidix iyo midig midda ay tahayba oo ka waantowday shaqaalaysiinta “Mihnadlayaashii cabudhiska” ee ay taliskii hore ka dhaxashay. Taa beddelkeeda waxa shaamareer ah sidii isla raggii taliskii hore sida indho la’aanta ah ugu adeegayey ay judhiiba iyagoon isba dhibayn ugu wareegeen in ay u adeegaan kooxdii ay taliskii hore is hayeen ee imminka taladu gacantooda gashay”. Si guud, dabciga kelitaliska iyo dhabbihii ay qaadeen Siyaad Barre iyo askartiisii si ay Soomaalida halkan u keenaan ayuu si caqiibo leh uga warramayaa.
Haddii aynu xasuusqorka Maxamed Baaruud Cali ee Weerane ku aragnay sheekada ku saabsan Maxamed Baaruud oo caruusa inta habeen gurigiisa laga qabto siddeed sano oo maxbuusnimo ahi u xigto, halkanna waxaynu ku arkaynnaa Maxamed kale oo xildhibaan ah, xil kale oo dawladeedna haya oo isna inta uu magaalada Baydhabo si caadi ah nasasho ugu baxo ay u xigayso lix sano oo xadhig ah. Xadhiga iyo cabudhisku waa u dhaqan keligiitaliska. Maxamed Aadan Sheekh lix sano ayuu ku soo qaadanayaa Seelooyinka xabsiyadii dadka lagu gumayn jiray. Lixdaas sano qaybo badan oo buugga ah ayuu si caqiibo leh ugaga warramayaa. Wuxuu inna barayaa macnaha dhabta ah ee ay leedahay in aad tahay “Maxbuus siyaasadeed”. Waxbadan oo ku saabsan waxa ka socday gudaha Seelooyina xabsiga oo wada qalbi jab ah ayuu innooga warramayaa. Qisada ugu xanuunka badan ee sida ba’an dareenkaaga u carinaysa inta aad xabsiga dhex wareegayso waa geeridii argagaxa iyo axmaqnimada lahaydee Warsame-Juguf oo xabsiga dhexdiisa jidh dil dartii ugu dhintay.
Maxamed Aadan Sheekh, markii xabsiga laga soo daayey, muddo ka dib, ayuu Talyaaniga tagay. Halkaas ayuu nolol cusub ka bilaabay isagoo markan ah muwaaddin Talyaaniya. Xusuusqorka qaybahan ayaynu ka dheehanaynaa dhabnimada kartidii iyo haladaygii Maxamed. Wuxuu Talyaaniga ka noqday muwaadin firfircoon oo kaalin ku leh waxa ka socda waddankan cusub ee uu dhalashadiisa qaatay. Waxaynu arkaynaa sida Maxamed u ahaa feker curiye garasho firficoon leh. Waxaad arkaysaa sida uu uga hadlayo ee badheedhihiisa uga dhiibanayo mawduucyada xasaasiga ee guud ahaan Yurub ka taagnaa maalmahaas sida masalada Soogalootiga, Islaam nacaybka iyo haybta labaalayda ee dadka soogalootiga ah. Halkaas ayuu degganaa oo xildhibaan gole degaan ka noqday ilaa uu dhimanayey 1dii Oktoobar2010. Xusuusqorka Maxmed Aadan Sheekh, wax qoraal yar lagu soo kooboaad buu uga weynyahay. Waxaanse hubaa in aanan ku denbaabayn, haddii aan idhaahdo, waa xusuusqorkii abid ugu wanaagsanaa ee qof Soomaali ahi qoro.