Tuesday 5 November 2024
Haweenay da’ dhexaad ah ayaa, maalin, soo gashay goob daawooyinka lagu iibiyo oo aan ku sugnaa. Waxa ay inankii haystay weyddiisatay ‘daawadii kelyaha’. Dalabkeeda oo la-yaab lahaa awgeed, waxa aan u fiirsaday falcelintiisa. Halkee ku bugta? Ayaa uu weyddiiyay waxana ay u sheegtay ‘kelyaha’, isna waxa uu tiigsday daawada ‘Amoxiclav’ oo uu weyddiiyay: Imisaad rabtaa? Waxa ay u sheegtay; labo midh. Waxa aan inankii weyddiiyay sababta uu daawadan ugu siiyay kelyaha iyo waxa laga yaabo in ay kelyaha ka hayaan ee ay daawadani wax ka tari karto. Jawaabtiisu waxa ay ahayd mid ku dhisan, keliya, suuqa ganacsiga iyo raalligalinta macmiilka. Waxa uu ii sheegay hadal uu nuxurkiisu ahaa in dadku ay, inta badan, daawadan u qaataan cabashooyinka noocan ah, haddii uu, isagu, siin waayana uu farmasiga ku xigaa siin doono. Dhacdadaasi waxa ay soo koobaysaa xaaladda daawo bixinta dalkeena oo lagu sunti karo ‘mashaqo’ sababta oo ah wax kaste oo meeshaa ka dhacay waa ay qaldanaayeen; waxa qaldanaaa qofka daawada ka ganacsanaya iyo goobta u furan oo aanay ehel isu ahayn, waxa qaldanaa qofka daawada iibsanaya iyo sida uu u iibsanayo, waxa qaldanayd daawada laga iibiyay, waxa kale oo qaldanayd oo halis caafimaadna leh inta laga iibiyay iyo muddada ay qaadanayso. Waxa intaa dheer in daawada uu meesha ku iibinayaa aanay lahayn qaab la hubiyay oo ay dalka ku soo gashay iyo wax caddeyn u ah tayadeeda daawanimo.
Waxa jirta weyddiin muhiim ah oo nuxurkeedu yahay; daawadu, haddii aan lagu beegsanayn cudur gaar ah, miyaa ay tahay daawo? Warcelinta ugu habboon ee aqoonta caafimaad cuskani waa in daawooyinku ay yihiin ‘maaddooyin kiimikeed’ oo keliya magaca daawo ku qaata in ay cudur loogu talagalay bogsiinayaan ama ladneysiinayaan. Sidaas oo ay tahay, daawooyinku waxa ay yeelan karaan waxyeello caafimaad oo aan loo qasdiyin (side effects) iyo waxyeello saameyn ku leh mustaqbalka cudurrada qaar. Sidaa awgeed, isticmaalka daawooyinka waxa shardi u ah ‘xakameyn – regulation’ iyo ‘isticmaal maangal ah – rational use’. Waxa ay ka dhigan tahay in daawooyinka dalka soo galayaa ay yihiin kuwo tijaabsan oo tayadooda la hubiyay lana aqoonsaday, markii dalka gudihiisa loo fasaxana waa in la xakameeyo qaabka ay ku gaadheyso dadka; goobta lagu bixinayo, cidda bixinaysa iyo qaabka loo bixinayaaba waa in ay xakameysan yihiin. Isticmaalka maangalka ah ee daawadu, isna, waa qaab kale oo xakameyn ah kuna qotoma in bixinta daawadu leedahay sabab cad oo caafimaad, inta laga qaadanayo iyo muddada ay soconaysana lagu go’aamiyo aqoonta loo leeyahay cudurka iyo daawada ee ku dhisan tijaabooyinkii lagu meelmariyay daawada. Waxa intaa dheer in hannaanka lagu soosaaro daawadu uu maro nidaam xakameyn ah oo aad u dheer una adag.
Ujeeddada sidaa adag loogu xakameeyo daawadu waa in la hubiyo daawonimadeed, la yareeyo waxyeelladeeda, isla markaana la xaddido isticmaalkeeda oo keliya loo isticmaalo baahi caafimaad. Sidaas oo tahay, waxa jira daawooyin kooban oo loo oggol yahay in uu qofku iibsado, haddana kama dhigna in aanay xakameysnayn. Hannaanka isticmaalka daawada ee Soomaalidu waa mid ka madhan intaas oo nidaam oo xakameyn ah. Daawooyinka dalka yimaaddaa, inta badan, ma aha kuwo la hubiyay daawonimadooda, lama baadho tayadooda lamana siiyo aqoonsi gudeed, goobaha lagu iibiyo iyo cidda iibisa, midna, lama xakameeyo. Qaabka loo bixiyo iyo cidda go’aaminaysa bixinteedu, iyana, ma nidaamsana. Sidaa awgeed, dhulka Soomaalida waxa ay daawooyinkii oo dhami noqdeen kuwo u furan rabitaanka qofka iibsanaya iyo sheegashadiisa (over-the-counter medications), oo aan lahayn hannaan xakameeya dhammaan heerarkaas nidaaminta daawada ee aan kor ku xusnay.
Waxa beri aan fogeyn faafay muuqaal uu ka hadlayo mid ka mid ah ganacsatada daawadu oo uu ku difaacayo soo-dhoofinta daawooyinka tayada liita. Waxa uu ku dooday in bulshadu aanay iibsan karin daawooyinka leh tayada wanaagsan, isla sida aanay u iibsan karin baabuurta cusub ee tayada leh oo loogu soo dhoofiyo baabuur liidata oo ay iibsan karaan. Sababtaas ayaa uu u cuskaday in ay u soo dhoofiyaan daawo liidata tayo ahaan, se qiime ahaan la iibsan karo. Waxa uu hadalkaasi muujiyay dhawr mashaqooyin oo isbarkan; waxa ay ganacsatada daawadu u arkaan daawooyinka badeecad ‘faakihaysi’ sida baabuurta loo kala doorto. Waxa ay, sidoo kale, u arkaan badeecad ay jaangooyaan, keliya, suuqa kala-iibsiga iyo degdegsiimaha socoshadeedu (iibsiga badan). Marka laga tago gurracnaanta ku jirta garashadaa daawada ku qiimeynaysa jabnaanteeda lacageed iyo in ay tahay badeecad faakihaysi, waxa hubaal ah in qiimaha lacageed ee ay dalka ku joogto daawo aan tayo lahayni uu aad u sarreeyo. Isticmaalka jiitanka ah ee daawo aan lagu raysanayni waxa uu qofka ugu kacaa qiimo lacageed oo ka badan midka ay ugu kici lahayd daawo tayo leh oo uu muddadii loogu talagalay ku qaato kuna bogsado. Waa intaas oo ay u dheer tahay qiimaha dhaqaale iyo midka nololeed ee uu qofka galiyo cudurka jiitamaa.
Daawooyinka aan tayada lahayn waxa la hubaa in aanay waxtar lahayn, laakiin kama dhigna in ay waxyeelladoodu u yar tahay sida uu waxtarkoodu u yar yahay. Waxyeellooyinkii aan loo qasdiyin iyo waxyeellooyin kale oo ka dhalan kara hubaal la’aanteeda kiimikeed ayaa, labaduba, noqon kara dhibaatooyin caafimaad oo qofka ka soo gaadha daawooyinka noocan ah. Waxa jira oo kale khatar aad u weyn oo ku lammaan daawooyinka qaar; daawooyinka lagula tacaalo bakteeriyada iyo cudur-dhaliyeyaasha kale waxa ay sababi karaan soo ifbaxa noocyo ka mid ah cudur-dhaliyeyaashan oo awood u leh in ay iska caabbiyaan daawada. In ay awoodda noocan ah yeeshaan waxa u suuragalinaysa daawada oo aan tayo lahayn, daawada oo laga qaato in ka yar intii loo baahnaa ama muddo ka gaaban middii ku habboonayd, iyo daawada oo si aan maangal ahayn loogu isticmaalo cudurro kale amaba ay dadweynuhu isaga iibsadaan si furan. Bakteeriyada iska-caabbinta leh (resistant bacteria) waa halis dunida oo dhan werwer ku haysa, waxa sii kordhinaya isticmaalka aan habbooneyn ee daawooyinka lagu dilo ama lagu xakameeyo noocyada bakteeriyada. Ilaa hadda waxa dunida ka caanbaxay noocyo kala duwan oo bakteeriya ah oo iska-caabbin u yeelatay daawooyin dhawr ah, haddana waa caqabad mug leh oo hortaalla cilmiga iyo adeeg-bixinta caafimaadka. Khatarta bakteeriyada iska-caabbinta lehi kama yara midda isbeddelka cimilada adduunka iyo heer-kulka isa sii taraya. Haddii dalalka warshadaha waaweyn lehi ay kaalinta u weyn ka qaataan dikhowga hawada iyo dunida sii kululaanaysa, waxa ay Soomaalidu kaalin mug leh kaga jiraan dhalashada bakteeriyada iska-caabbinta leh oo ah halis caalami ah.
Xakameynta iyo nidaaminta daaweyntu, si loo furdaamiyo mashaqada daawo bixinta ee hadda jirta, ma aha arrin u adag sida aan la isugu hawlin. Waxa, keliya, loo baahan yahay in lagu baraarugo mashaqadan ka dibna lagu nidaamiyo heerarka siyaasadeed iyo farsamo ee adeegbixinta caafimaadka. Labada dhibaato ee ugu weyni waa xakameynta daawada imanaysa dalka, iyo habka lagu gaadhsiinayo dadka (bixinta). Waxa jira shirkado sameeya daawooyinka oo ay tayadooda hubiyeen hay’ado caalami ah oo looga-qaateen, sida Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), sidaa awgeed waxa ganacsatada la fari karaa in ay daawooyinka ka soo iibsadaan shirkado hore loo ansixiyay laguna kormeero keenista daawada iyo duruufta lagu ilaalinayo ilaa ay gaadhayso goobta lagu kaydiyo ama lagu iibiyo. Waxa kale oo ay tahay in habraacyo dhaqangal ah loo sameeyo rukhsad-bixinta ganacsiga daawada oo lagu xidho liisanka aqooneed ee cidda furanaysa, iyo habraacyo kala xadeynaya daawooyinka lagu bixin karo qoraal iyo kuwa uu qofku ka iibsan karo miiska goobta daawo bixinta (farmasiga).
Xakameynta daawada ma aha in loo huro qiimaha iibsiga daawada. Sideedaba, daawadu ma aha wax ay dadka badankiisu isticmaalaan maalin kaste, haddana qiimaha daawada waxa lagu xakameyn karaa adeegga caafimaadka ee ay dawladdu bixiso oo la xoojiyo iyo in ay dawladdu keensato daawooyinka lagu socodsiinayo xarumaheeda oo aan faa’iido doon ahayn. Nidaaminta adeegga caafimaad, oo ay daawo bixintu ku jirtaa, waxa uu u baahan yahay fikir aqooneed oo loo rogo ajende siyaasi ah oo laga daacad noqdo, si loo badbaadiyo ummadda iyo dunidaba maaddaama oo mashaqada bixinta daawooyinka ee dhulkeenna ka jirtaa ay tahay khatar caalami ah oo aanay saameynteeda xuni innagu koobnayn keligeen.