Friday 17 April 2026
Nadiifa Maxamed oo ah qoraa Biritish-Soomaali ah waxay sheeko-faneeddeeda ku lafagurtaa halkudhegyo caalami ah, sida qaxa, barakaca, jacaylka, halganka ilaasashada hiddaha, iyo xanuunka ay leedahay dhumintoodu. Buuggeedii u danbeeyay oo u sharraxnaa abaalmarinta Booker, isagana waxay ku soo qaadatay halkudhegyo kale oo daarranaa caddaalad darrada iyo cunsuriyadda. Sheekadu waa mid ku salaysan dhacdo dhab ah oo lagu ladhay kuwo mala’awaal ah, oo ku saabsan badmaax Soomaaliyeed oo la odhan jiray Maxamuud Mataan.
Waxyaabaha ku jeclaysiinaya akhrinta sheeko-faneeddeeda iyo qoraalladeedu waa sida ay si qiiro leh ugu tosho halkudhegyada calaamiga ah sheekooyinka shaqsiyaad Soomaali ah, oo nool marxalad taariikheed oo isbeddello waaweyn dhacayaan.
Haddii ay wax ka qorayso xilligii imbiriyaaliyadda Biritishku xoogganayd iyo kolkii ay sii dhacaysay, iyo haddii ay wax ka qorayso waagii bilashada kacaankii kelitaliska ahaa ee Siyaad Barraba, shaqsiyaadka ay mala’awaashaa waa kuwo iyagoo bulshooyin kale la falgalaya, ay siiso dhadhan Soomaalinimo oo miid ah, kaas oo aad ka dheehanayso sida looga warraminayo; waa qaab isku darsaday quus, iyo maad calooladayg ku lammaan yahay, oo qofka ku qasbaysa in uu ka tanaasulo qabka ku riixi kara in uu qaadan waayo in ay jiraan waxyaabo awooddeenna ka baxsan. “Waa falsafadda udubdhexaadka u ah mad’habta makhaayadda…” ayay ku sheegtay buuggeeda The Fortune Men. Balse, haddana markuu Maxamuud Mataan sii dhimanayo wuu ashahaadanayaa, taas oo ay kaga marag kacayso in wax walboo dhaca ereyga ugu danbeeyaa gacanteenna ku jiro.
Waxay Geeska uga warrantay wax qorista, suugaanta iyo waayaheeda kolkii ay u soo wareegtay ee ay degtay Ingiriiska.
Nadiifa Maxamed: Waxaan qabaa in buugtu wehel ii noqdeen dhallaannimadii. Markaan Ingiriiska imid, anigoon waxba ka garanayn luuqadda Ingiriisiga ayaa la igu soo dhex tuuray dugsiga, buugta ayaa dabadeed ii noqday hage gacanta ii qabta oo aan kaga galgasho noloshan cusub. Sheeko-xariirooyinkii aan dugsiga hoose ku akhrisannay waxaan ka bartay wax ka badan sheekooyinka ay tebinayaan, oo waxay fure iigu noqdeen dhaqan igu cusub iyo hab feker.
NM: Ma jiro buug gaar ah oo hawshan igu riixay; markaan qorayay sheeko-faneeddaydii kowaad oo ahayd mid ku salaysan taariikh-nololeeddii aabbahay waxaan u qoray qaab mala’awaal ah taasna waxa sabab u ah saamaynta ay igu lahaayeen buugta taariikhda iyo sadcaalka ku saabsani. Inaad meel cusub tagto oo waxa aad ku aragto wax ka qortaa waa sooyaal qadiim ah oo abaadaya. Waxaan socdaalka aabbahay ku maray Afrikada Bari iyo Bariga dhexe wax uga qoray sidii oo uu yahay halyey la mid ah Odysseus iyo Aeneas, halkaan u sawiri lahaa sidii mid dhibbanne u ah taariikhda.
NM: Buugta sheeko-xariirooyinka aad baan u jeclaa. Markii koowaad iyagoo sawirro ku lifaaqan yihiin ayaan akhrisan jiray, kolkii danbena iyagoo bilaa sawirro ah. Qoys Soomaaliyeed oo sawaxan badan ayaan ku dhex koray, buugtuna waxay ii ahaayeen qaab aan ku naaqusinayo buuqaas, naftaydana aan dib ugu guranayo oo aan dhaqaaq la’aan safrayo. Waxaan jeclaa sheeko-xariirooyinka Roald Dahl ee uu dhacdooyin qadhaadh qaab maad ah ugu soo gudbin jiray, iyo sheeko-xariirooyinka ay ka mid yihiin The Worst Witch iyo Vlad the Drac. Waxaan ka heli jiray shaqsiyaadka laarriga ah (naughty) kuwaas baanan iska dhex arki jiray; Vlad the Drac oo kale wuxuu ahaa mid la kadeedan barashada xeerarka dal ku cusub.
NM: Ilama ah in ay buugtu isbeddel sidaa u degdeg badan abuuraan, balse noofalladaan akhriyay iyagaa abuuray ama xoojiyay adduun-arag gaar ah. Qoraayadaan jeclahay oo dhan, sida Toni Morrison, Arundhati Roy, Junot Diaz, Percival Everett;waa kuwo xiiseeya adduun-arag ka geddisan kii ay ku barbaareen ama ka shaacsanaha ah, halka Soomaalideenna la inagu soo ababiyay in aan ka digtoonaanno wax kastoo sooyaalkeenna ka baxsan. Noofalladu waxay i bareen in aan qaddariyo runta qayaxan, mayal-adayga iyo isahaanshiyaha qofeed.
NM: Nolol gudeed oo munaasib ku ah qorista suugaanta ayaan haystaa, waanan ku faraxsanahay in aan helay qaab nololeedkan ama in isagu i helay. Waxaan qoraa sheeko-faneedda, sidoo kale waxaan qoray maansooyin, riwaayado iyo maqaallo. Markaa waxaan dareemayaa in aan wali korayo oo aan kobcayo. Bulshada aan ka soo jeedaa in ay tahay mid taariikhdeeda suugaaneed ay curdin weli tahay, waa mid i dhiirrigalinaysa, waayo waxa jira wax badan oo aan hore wax looga qorin; waxa jira sheeko odhaaheedyo badan oo aan maqlo oo munaasib ku ah in sheekooyin mala’awaal ah lagu sii abqaalo.
NM: Bilaw ilaa dhammaad waa hawl aan jeclahay; waxaan jaamacadda ka bartay taariikhda iyo siiyaasadda oo qaabkaan ugu hawlgalo fahanka nolosha iyo adduun-araga shaqsiyaduhu waa mid akaademi ah oo nolosha qofka ku xidhaysa waaqaca guud ee siyaasadeed ee ku xeeran shaqsiyadda. Maxamuud Mataan oo ah shaqsiyadda igu riixday in aan qoro buugga The Fortune Men, waxaan buuggan diiradda ku saaray noloshiisa iyo waayihii Soomaalidu kala kulantay tacabbirka iyo xoogsi-tagga. Waxaan sidoo kale buuggaas sawir kaga bixiyay waayihii Ingiriiska ka taagnaa dagaalweynihii labaad ee adduunka ka dib. Waxa kale oo aan ka warramay nidaamkeeda caddaaladda iyo dhammaan dalalka uu Mataan soo maray. Noofalladayda dhammaan wax baan ka bartay waxayna kordhiyeen waxbarashadayda.
NM: James oo uu qoray Percival Everett. Waa qiso cajiib ah oo addoonsiga uga warramaysa si aanan wax la mid ah hore u arkin.