Skip to main content

Thursday 16 May 2024

Aragti

Waan ku khaldanaa Soomaaliweyn

22 April, 2024
Image
Somaliweyn
Himilada Soomaaliweyn waxay dhereran tahay Geeska Afrika inta ay Soomaalidu ka degto in dal la isaga dhigo
Share

Aayaha Soomaalida waxaa si yaab loogu maray fikradda Soomaaliweyn. Aragti dhalanteed ah oo aan ilaa hadda nuxurkeeda la aqoon. Kolkii la xoroobay waxaa yar iyo weyn hal mar loo wada guntaday raadinta Soomaaliweyn, iyada oo si dhab ah aan la isu wayddiin, loogana doodin, waxa ay tahay, dhibteeda iyo dheefteeda, halka ay inaga jirto iyo dhabbada loo marayo. Waa aragti lagaga kaaftoomay ka hadlidda waaqaca ina horyaalla oo daroogo ahaan loo liqo kolka la xasuusto gabaahiirta la dhex yuururo iyo xaaladda rajabbeelka ah ee lagu sugan yahay. Soomaalidu waa dad jecel inay ka hadlaan waxyaalaha aanay wax ka qaban karin, kana gaabsada waxyaalaha la gudboon ee xalkoodu dhow yahay. Iskuhaynta labadii gobol ee dantu midaysan waxaa laga doorbiday raadinta Shan Soomaaliyeed oo aanay bidhaantoodu markaa muuqan. Run ahaantii ma jirin cid is wayddiisay maxaynu ku biirin karnaa, innagii baa liidanna oo ishu inaga lulataa e! Waxaana ina indhatiray qabka oo ah cudur halaaga ummadaha uu asiibo. Taas oo ah mushkilad ilaa hadda taagan, jiilba jiil ka dhaxlat oo la isu laqimo. Khalad kuma lihid in yaraantaadii lagugu soo shubay aragtiyo khaldan, balse waxaa gef ah in ilaa maanta aad haysatid aragtiyo gaboobay oo madhalays ah. Waxaana mudan in si dhab ah la isu wayddiiyo aragtiyo badan oo aynu gundhig uga dhignay dowladnimadeenna—helidda nolol toolmoon iyo dowlad hagaasan daraaddood. 

Dhallinyaranimadaydii ayaa, sida Soomaali kasta ku qasban yahay, waxaa afka la iigu tiray midnimada Soomaalidu waa muqaddas—aragtidaa weligayba waan saluugsanaa oo dhab ahaan ma aamminin. Marka aan maqlana waxaa igu soo daadan jiray fikir ku saabsan foolxumada guri kasta oo Soomaaliyeed taalla ee maarada loo la’yahay. Waxaana igu soo dhici jirtay maxay soo kordhinaysaa in Shan Soomaaliyeed midoobaan, haddii labadii midoobayba ay sidan yihiin! Waxaan ahaa qof hortaagan gurigiisii oo gubanaya balse doonaya inuu u gurmado guri ka fog oo cid aanu garanayn u soo werisay in uu gubanayo—mooji wax ka run ah gubashadiisa e. Dhallinyarada Soomaaliyeed oo dhami way ila qabaan e, waxaan ahaa qof farta loogu fiiqay dhaandabagaale oo la yidhi caydhso oo ha ka hadhin ilaa aad gaadhid! Suuragal ma aha in dhaandabagaale la gaadho. Midnimada Soomaalidu waa dhaandabagaale! Mar kalena waa: “Xaajadii haag diiddayee lagu heshiin waayey”.

Fikradda Soomaaliweyn dhibteeda iyo dheefteeda waxaynu ku cabbiraynaa muuqaalka labadii gobol ee midoobay. Waxay ahayd in dadaalka lagu baadidoonayo himilada Soomaliweyn, uu ugu yaraan Jamhuuriyadda u horseedo nolol toolmoon oo barwaaqo lagu naaloonayo. Ma dhicin, taas oo muujinaysa inaan marnaba loo hagarbixin, himilada Soomaaliweynna ay ahayd afka baarkiisa. Haddii maanta ay qurux badnaan lahaayeen labadii gobol ee lixdankii midoobay, doodda Soomaaliweyn waa loo garaabi lahaa. Waxayna samayn lahayd macno la fahmi karo. In lagu dhegganaado wax aanay waxba ka soo naasacaddayn waxay muujinaysaa ilbaxnimadarro. Inaad ka guurtid godka aad ku guuldarraysatay waa ilbaxnimo iyo qaangaadhnimo umaddeed oo aynu xilligan aynu baahi weyn u qabno. Sababta ugu weyn ee aan fikraddaa u dhaliilsanahay waa in ummad u oomman horumar dhaqaale iyo adeeg dowladeed lagu suuxiyey raadinta gobollo maqan—taas oo ah mushkilad la abuurayo, iyada oo dabcan indhaha laga lalinayo dhibaatooyinkii bulshada haystay. Bilowgii xornimadeenna waxaynu dowladnimadeennii sees uga dhignay caqliyad collaysi iyo cadaawad ku dhisan, taas oo ugu danbayntii keentay in sidii arxandarrada ahayd la isu cunno, ilaa maantana aynu isu cunayno ee aanay isu arki karin laba qof oo kasta oo kala reer ahi.

Iyada oo lagu sugan yahay xaalad jawahawareer ah oo la isku dhinac wado waxyaalo aan is qaadanayn ayaa la burburay oo taxadka la soo taabtay. Dabadeed, halkii laga raadin lahaa sababihii burburka keenay iyo siyaabaha looga bixi karo ayaa lagu wada hadaaqay: midnimo; Soomaaliweyn, israac! Taas oo la micno ah, socon kari weynay e, aynu orodno! Waxaan filayaa waa xaalad ka dhalatay jugtii inaga soo gaadhay burburka. Qoraaga buugga The Sane Society ee Enrich Form wuxuu tilmaamayaa in bulshada ay ragaadiyaan dagaalladu ee qaranjabku ku dhacaa ay u waalan karaan sida uu qofku u waasho. Waxa uu xusayaa inay jirto waalli-wadareed wada asiibi karta bulsho iska dhan, ayna ka halis badan tahay hal qof oo miyirkiisa waaya. Dhinaca kalena wuxuu sheegay in bulshooyinkaasi ay caado u leeyihiin isdifaac nafsadeed iyo mid sharafeed. Malaha waa sababta aynu u maqalno weedha qudheedu madhan ee qabka beenta ah xanbaarsan: “Soomaalinnimadaan dadka kaga sarreeyaa!”

Muqdisho oo xarun u ah fikradahan dhaandabagaala ah ayaa haddana ah goob gadhwadeen ka ah kala dilka iyo kala dirka Soomaalida joogta. Iska daa Soomaali halkaa laga mideeyo e, magaaladaasi waxay u kala fadhidaa xaafad aanay xaafadi u wareegin. Mar waa caasimadda ummadda Soomaaliyeed, marna waa goof reereed! Hal qof ayaa hal mar ku wada odhanaya Shanta Soomaaliyeed inay midowdaa waa muqaddis iyo Muqdisho unnukaa leh. Qabqable haysta xaafad Xamar ku taalla oo aan u tallaabi karin xaafadda ku xigta ayaa hammigiisu ahaa isu keenidda “Soomaliweyn.” Taas oo tusaale u ah sida cajiibka ah ee qofka Soomaaliga ahi isugu wadi karo aragtiyo aan is qaadanayn. Isdiiddooyinkaa waxaa laga dhaxlay in sannadba, sannadka ka danbeeya dib loo socdo oo aan horumar la samayn. Aayihii ummadduna uu baylah noqdo oo aan la soo hadalqaadin. Isla markaana, loo wada godoboobo talaxumadaa Xamar taalla ee la doonayo in magacii iyo dowladnimadii Soomaaliyeed laga dhigto agab yar oo dad yari adeegsadaan. Waxaa qumman in la kala danaysto, halkii la isku danaysan lahaa. Waa halkii Muuse Aaye e: “Ninyahow labada gini een is geyin jeeb isugu geeyay / Wallee laba gacmoodshoow anigu kaama guro sheeko.”

Haddii lixdankii la raadinayey Soomaaliweyn Shan Gobol ahayd, maanta waa Laba Gobol oo iyaguna ku sugan xaalad tafaraaruq ah. Xitaa ma jiro hal gobol oo iskii u midaysan, hal waxna doonaya. Meelaha qaarkoodna waxaa ka arrimiya kooxaha argagixisada ah oo ay adkaatay in dalka laga suuliyo, kuwaas oo iyaguna himiladoodu tahay Muslin midaysan— ama dheh Islaam-weyn! Intaa waxaa dheer shisheeyaha ujeeddooyinka kala geddisan ugu sugan dalka, isla markaana, dhaqaale ahaan, loogu tiirsan yahay. Haddaba, maadaama xaaladi sidaa tahay, maxaa Soomaalida la gudboon?

Wayddiintaa jawaabteedu ma fududa. Balse anigu waxaan qabaa inay habboon tahay gobollada xalkoodu dhow yahay in la siiyo aqoonsi dowladeed, lagana madaxbannaaneeyo Xamar. Dabadeedna, xal loo raadiyo inta soo hadhay oo la yeelo hadba sidii laga fursan waayo. Sababta aan sidaa u leeyahay waa in aan la isla hadhin ee la kala hadho, oo la kala badbaado. Sidoo kalena, la saxo gefkii lixdankii la galay ee loo xasulduubay Shan Soomaaliyeed oo midaysan, iyada oo si sax ahba aan loo midayn, loogana shaqayn wax midaynaya labadii is raacay.

Waxaan qabaa in dowladnimo hagaagsan la helo waxaa ka horraysa in la helo doodo iyo aragtiyo cusub oo shidaal looga dhigo dowlad-dhiska Soomaalida. Afar iyo labaatankii sanno ee ugu danbeeyey waxaa lagu fashilmay helitaanka dood la isku raacsan yahay oo ku aaddan helitaanka dowladnimada.

Muddo ku siman nus qarni, Soomaalida wuxuu waqtigu kaga lumay muran madhalays ah. Waraysi uu danjire Maxamed Cabdi Afeey siiyey warbaahinta Hanoolaato, wuxuu kaga sheekeeyey dhacdooyin qof kasta oo dhiig leh ka dagiigaxanayo oo ka naxayo. Wuxuu sheegay in shirkii saddexda sanno ay Soomaalidu jilbaha isu aasteen aanay isku hayn wax weyn oo la sheegi karaba—waa shirkii wadaheshiisiineed ee ugu muddada dheeraa adduunka! Doodaha la isku mari la’aa ee la isku diiddanaa wuxuu ku sheegay afar qodob: in la qaato hannaan federaali ah; tirada xildhibaannada; hannaaka soo xulista ergooyinka; iyo meeqaamka Muqdisho iyo sida ay caasimad u noqonayso. Murankaa micnadarrada ah ee saddexdaa sanno lagu lumiyey waxaa kaaga daran in uu weli taagan yahya! Waa muranno soo noqnoqday. Khilaafka siyaasadeed ee maanta taagani wuxuu ku arooraa isla qodobbadaa oo soo hoos gelaya doodda dastuurka. 

In laga heshiin waayey waxaa u dheer in hadba qofka talada joogaa doonayo inuu keligii maroorsado arrintii dadka ka dhaxaysay—talamaroorsigaas oo ah waxyaalaha ay Soomaalidu eedday ee halkaa dhigay. Marka sooyaalka la derso waxaa soo baxaysa inaanay suuragal ahayn hal calan oo la wada hadhsado iyo hal magaalo oo talada dalka laga go’aamiyo. Marka xaajada indho caafimaadqaba lagu eego, waxaa soo baxaysa in Shantii Soomaaliyeed, saddexdii maqnaa ay dhaamaan labadii midoobay. Jamhuuriyaddii burburtayna maanta ka bedqabaan labada gobol ee Buntlaan iyo Soomaalilaan oo siyaabo kala geddisan uga madaxbannaan talada lagu hayo Muqdisho. Sidaa daraaddeed, waxaa kuu muuqanaysa in liibaanta Soomaalidu ku jirto talada kala madaxa bannaan. Nasiibdarro iyo nasiibwanaag kii ay doontaba ha noqoto e. Sidaas oo ay tahay, Farmaajo iyo Xasan Sheekh waxay mugdi geliyeen rejo in badan la soo dhoodhabayey oo lagu doonayey in Soomaaliya ay ka hirgasho dowlad cagaheeda ku taagan oo la wareegta masuuliyadaha la dayacay ee shisheeyuhu maaanta u hayo Soomaaliya. Yeelkadood e, marka laga tago in ummad tabaalaysan oo u hammuun qabta dowlad ka lumiyeen wakhti, taladoodu kama fusho meelo badan oo dalka ah, nidaamka federaalka dartii. Nidaamka federaalku waa nidaamkii ugu wanaagsanaa ee ay Soomaali qaadato ilaa xornimadii, ciddii doontaa ha keento e. Lixdankii waxaa laga diiday xisbigii DIgil iyo Mirifle ee beesha Raxanweyn oo nidaamkan quuddaraynaysay, balse dib ayaa looga aayey—kol la burburay dabadeed. Dhinaca kale aragtida gooni-isu-taagga Soomaalilaan waxaan la dafiri karin inuu u horseeday badhaadhe la majeeran karo. In kasta oo waayadan danbe ay la ciirciirayaan talaxumo baahsan oo burbur u horseedi karta. Hasayeeshee, xalkoodu ma foga oo si fudud ayay u soo kaban karaan.

Midnimada la saranseerayo waxaa ka sed roon kala madaxbannaanta sareedada leh. Asalka midnimada iyo kala taggu muhiim ma aha. Waxaa muhiim ah helitaanka horumar waara iyo in dowlad loo sameeyo Soomaalida ku silcaysa Geeska Afrika, iyo sidii loo badbaadin lahaa aayaha danbe ee Soomaalida. Iyada oo dhawr dowladood la kala yahayba waa la is garabsan karaa oo la is kaashan karaa. Balse haddii midnimadii wax lagu waayey waa in loo jihaysto aragtida ka soo horjeedda taa oo aan halkii la taagnaan. Mana habboona in doodaha ku saabsan masiirka umaddeed la kala dhaxlo oo lamataabtaan laga dhigo. Soomaalidu ilaa xormimadii waxay dhibbane u ahayd in mabda’yada siyaasadeed la caqiideeyo. Waa in mar kasta la waafajiyaa duruufaha markaa taagan. Marar badan haddii talo la seegay yaan hadda la seegin. Waa in sooyaalka la dhugtaa oo dhacdooyinkii la soo dhaafay laga duulaa. Taladu waxay ku jirtaa gedgeddoonka waayaha.

Ma habboona in doodaha ku saabsan masiirka umaddeed la kala dhaxlo oo lamataabtaan laga dhigo. 

Fikradda Soomaaliweyn waxay in muddo ah ahayd gaashaan loo adeegsado halis Soomaalida kaga soo fool leh, guud ahaan, shisheeyaha, gaar ahaanna Itoobbiya. Halistaa waxaa loo adeegsaday in lagu khuukhiyo qof kasta oo keena dood ka duwan doodda midnimada. Dadka rumaysan aragtidaasi waxay si ulakac ah isu moogaysiiyaan in dowladnimadan yacyacoodka ah qudheedu ay halis shisheeye abuuri karto. Soomaalidana u nuglayn karto in lagu soo duulo oo la qabsado. Kaaga darantana waxay sawirtaan dal dhalanteed ah oo shisheeye aanu maanta joogin. Xilligan oo Soomaaliya u kala qaybsan tahay gobollo yaryar ma jirto cid ka hortaagan cadowgaa shisheeyaha ah. Haa, waa run waxaa jirta faragelin shisheeye. Balse faragelinta waxaa keenay fashilkeenna, waxayna ka faa’idaysteen khilaafka joogtada ah ee u dhexeeya Soomaalida—hadba waxaa lagugu qalaa shillalka aad is dhigtay. Haddii la tashan waayey waa gar in laguu taliyaa. Maanta ayay Soomaalidu ugu baylah badan tahay halis shisheeye oo haddii dowlado kala madaxbannaan laga dhigo, siiba Soomaalilaan iyo Buntlaan, oo la dhammeeyo dhibaatooyinka iyo tabashooyinka gudahooda ka jira, waxaan ku kalsoonahay inay dhaami lahayd sida maanta la yahay. Sidaas ayaa halis shisheeyana la iskaga difaaci karaa, mustaqbalkana lagu midoobi karaa. Tusaale ahaan Jarmalka oo gobollo u kala qaybsan waxaa markii danbe dagaal ku mideeyey boqorkii Frederick William IV oo ka talinayey Prussia oo ahaa gobol ay ka jirtay boqortooyo madaxbannaan. Gobolkani wuxuu markii hore ku guulaystay inuu si gaar ah u soo dhiso hannaankiisa maamul, dastuur dowladeed, cudud ciidan iyo awood dhaqaale kolkaas ayuu u soo jeestay Jarmalkii kale oo maamullo yaryar oo taagdarani ka arriminayeen.

Xaaladdan taaganta ah waxay kale oo horseedaysaa xilligan in kooxaha argagixisadu xoog kula wareegaan dalka oo dhan, sidii ka dhacday Afganistaan. Halista ugu weyn ee maanta Soomaaliya wajahaysaa ma aha in dal shisheeye soo duulo oo qabsado e, waa in kooxahaasi la wareegaan dalka. Cidda keliya ee maanta ka horjoogtaa waa ciidamada shisheeye ee Koonfurta Soomaaliya jooga. Haddii ay baxaanna ma jirto cid hor istaagaysaa, maadaama aan hore looga tabaabushaysan. Ifafaalaha muujinaya khatarta kooxahaas waxaa ka mid ah sida ay beryahan danbe u helayaan dhallinyaro badan oo ku biiristooda dan u arka iyo meel laga sixi karo qallooca dowladeed ee jira. Inay helaan taageeradaa waxaa u wacan niyadjabka ay ka qaadeen dowladnimada dibusoocelinteeda lagu daalay. Qolooyinkaas oo kolkii ay ku fashilmeen inay cusboonaysiiyaan afkaarahooda nafahooda halligay, umaddii kalena galaaftay. Mar kastaba, in afkaaraha la isku dhejiyo waxaa laga dhaxlaa hoog iyo baaba’.

Lahaashiyahu waa u muhiim dowladnimada. In muwaadiniintu oggol yihiin nidaamka ayaa lagu heli karaa dowlad hanaqaadda. Sannaddii 1961 oo tabasho ay qabaan Gobollada Waqooyi ay isku dayeen inay taladoodii dib ula noqdaan waa la dhayalsaday oo dheg jalaq looma siin. Waxaana lagaga jawaabay ismoogaysiin iyo in iyagii la handado, halkii ay ka ahayd in la turxaanbixiyo tabashada ay ka cabanayaan. Waa tusaalaha ugu yar ee aynu keeni karno ee ina tusaya sida aynu uga arradannahay fahamka dowladeed. Sidaa daraadeed, waa in la dhegaystaa gobollada ismaamuli kara oo loo oggolaadaa—dabcan, iyaguna, raadsadaan—xaqa ay u leeyihiin aqoonsi buuxa.

Haddaba, waxaan qabaa in mar labaad la tijaabiyo nidaam kale. In la iska illaawo in Soomaalidii jamhuuriyadda la isugu keeno hal calan oo gobollada is maamuli kara loo aqoonsado dowlado madax bannaan. Sababta oo ah waa lagu guuldarraystay in Soomaaliya dib dowlad looga dhaliyo. Waa in la qirtaa fashilka oo la tijaabiyo aragti kale.

Hor- iyo daba-diidka Soomaaliyeed waxay ku guulaysteen inay bulshada tiir ku xidhaan oo aanay nuuxsan, hareeraheedana aanay jalleecin, isla markaana u bahalageliyaan wax kasta oo ka soo horjeeda taaganta lagu sugan yahay.

Ma habboona in la isku afjigo heestii  Saado Cali Warame ee “kala tegimayno ee tabtaas ayay inoo ahaanaysaa,” siiba kolka ay joogto dan ummadeed. Inay tashan weyday waa sababta shisheeyuhu ugu bixiyey qaran fashilmay. Sababta oo ah, haddii la kufo oo la kaco ma aha guuldarro e, in la kici waayo oo halkii lagu dhacay la hawaaro ayaa fashil foolxun ah. Ugu danbayntii aan ku soo gunaanado meeriskii Dhoodaan e, “takartaa maroodiga liqdaan soo tuf leeyahay!”

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Maxaynu Qornaa!

Aragti

Lacagta iyo Sicirbararka

Buug

Falsafadda Dagaalka

Aragti

Burjuwaasiyadda iyo Busaaradda