Tuesday 10 December 2024
Tom Gardner oo Economist uga soo warrama Afrika ayaa Geesku kala sheekaystay siyaasadda Itoobbiya iyo buuggiisa cusub ee ku saabsan “Mashruuca Abiy Axmed”.
Markuu Abiy Axmed xukunka yimid 2018, gariirkii siyaasadeed ee horseeday imaatinkiisa, gilgiladkiisii waxaa laga dareemay dhammaan gobolka. Abiy oo markaa 42 jir ahaa, waxa uu ahaa hoggaamiyaha ugu da’da yar Afrika iyo hoggaamiyihii u horreeyay ee Oromo ah ee Itoobiya soo mara. Ishaa lagu wada hayay, waayo wuxuu ballan qaaday isbeddello waaweyn, wuxuuna wacad ku maray in uu Itoobbiya dhabbe cusub u jihayn doono, hadday noqoto arrimaha gudaha iyo xidhiidhka debaddaba.
Mid ka mid ah dadka degaanka ku ah caasimadda oo la hadlayay Tom Gardner oo markaa Economist uga soo warramayay Addiis Ababa, ayaa isbarbar dhig ku sameeyay baanaha Abiy iyo baanihii lagu yaqaanay Baraak Obaama.
Abiy wuxuu dejistay halbeegyo aad u sarreeya oo aan isaga iska dhaaf ee cid isku dhererin kartaa jirin, “dawladda Itoobbiya burbur ayay qarka u saarneyd intaanu xukunka qaban 2018,” ayuu Tom yidhi. Xisbigii talada hayay ee Jabhadda Dimuqraadiga kacaanka ee Shacabka Itoobbiya (EPRDF), wuxuu wajahayay muddaharaado joogto ah iyo cunfi ka taagan degaamo dhawr ah, in kastoo kobaca dhaqaaluhu rejo fiican lahaa (oo Itoobbiya markaa waxay ahayd dalka dhaqaalihiisu ugu koboca sarreeyo Afrika) balse, haddana waxa uu ahaa koboc warqadda ku kooban oo aan ka muuqan qaybo badan oo dalka ah.
Dedaallaa Abiy sidoo kale waxaa murgiyay cudurkii safmarka ahaa ee Covid-19, xukuumaddii Trump oo gabi ahaanba Afrika ka sii jeedday, iyo hirarka guud ee gobol la hardamaya colaado, cimilo gaddoon, iyo xasillooni darro siyaasadeed. Hadda muddo 6 sanno ah oo uu xilka hayay indho ka duwan kuwaa hore ayaa saxafiyiinta iyo falanqeeyayaasha arrimaha gobolku ku dhugtaan Abiy Axmed. Colaaduhu way ku baaheen gudaha Itoobbiya, dad badanna waxay walaac ka muujinayaa dhanka hoggaankiisu dalka u jiheeyay.
Tom Gardner, oo saldhiggiisu ahaa Afrika tan iyo 2016 (in badan oo ka mid ahna ku qaatay Itoobbiya), waxa uu si dhow ula socday raysal wasaarannimada Abiy Axmed tan iyo markii uu talada qabtay, wixii uga soo baxay dhugashadiisaas iyo u kuurgalkiisaasna wuxuu ku ururiyay buuggiisa The Abiy Project: God, Power and War in the New Ethiopia. Gardner, oo hadda majaladda Economist Afrika uga soo warrama ayaa Geesku kala sheekaystay qabashadii xilka ee Abiy, hanaanka hoggaankiisa iyo waxa uu u doortay in uu buug ka qoro.
Faysal Cali: Maxaad u dooratay in aad Abiy buug ka qorto, oo aad u dooran weyday Afewerkiga duqa ah ee dhagarta badan, oo u soo joogay wax badan, ama Uhurru Kenyaata oo dhicistiisu saamayn ballaadhan ku yeelatay Kiiniya?
Tom Gardner: Jawaabtu waa iska bacaadyaal: saldhiggaygu Itoobbiya ayuu ahaa, Abiy Axmed ayaanan uga xogogaalsanaa hoggaamiyayaasha kale ee gobolka. Haddaynu eegno hoggaamiyayaasha kalena, Afewerki qoraallo door ah waa laga sameeyay. Uhuuru Kenyaatana in kastoo uu yahay hoggaamiye muhiimad u leh siyaasadda Afrika ee qarniga 21-naad, haddana doodda buugaygu waxay tahay in aanuu jirin siyaasi Abiy Axmed oo kale ah, marka la eego saamaynta uu ku leeyahay Itoobbiya iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu gabi ahaanba geddiyay nidaamkii Itoobbiya ka jiray, wuxuu tirtiray hay’ado dalka maamulayay soddon sanno. Waxaan sidoo kale aaminsanahay in loo arki doono hoggaamiyaha ugu muhiimsan ee Afrika xilligan dalal badan madaxa la soo kaceen ee aan adduunka hal awood ka talin.
FC: Ma jiraan wax khuseeya horraantii nolosha Abiy Axmed oo cilmibaadhista buuggaaga kaaga soo baxay oo kaa yaabiyay?
TG: Waxaan arkay in uu sii joogteeyay aragtiyo iyo halkudhegyo qaabeeyay fekerkiisa siyaasadeed, kuwaas oo ammin sii horraysay dib ugu noqonaya, ilaa horraantii 2000-yadii. Tusaale ahaan, aragtidiisa Barwaaqosooranka, ee ku salaysan in dedaalka iyo aragtiyaha shaqsiga ahi qaran dhan beddeli karaan, iyo in faqrigu yahay xaalad maskaxeed. Aragtiyahani waa kuwo dood badan dhalinaya. Abiy dadka ka soo horjeedaa waxay ku dhaleeceeyaan in aysan jirin wax uu aaminsan yahay ee uu yahay danayste, iska sheegaya wax kasta oo uu dadka markaa la jooga ku qancin karo, taas baa igu riixday in aan u kuur galo muddada ay halkudhegyadani noloshiisa qayb ka ahaayeen.
FC: Abiy Axmed wuxuu ku soo shaacbaxay hoggaamiye firfircoon oo dib u qaabayn wada. Wuxuu cudurdaar ka bixiyay jidh-dilka, wuxuu kordhiyay matalaadda golaha wasiirrada ee dumarka iyo kooxaha laga tirada badan yahay, fallaagooyin dhawr ah ayuu heshiisyo nabadayn ah la galay, wuxuu asaasay komishanka xuquuqda dadka, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Nobeesha Nabadda, wuxuu bilaabay in uu waaxo muhim ah oo dhaqaalaha Itoobbiya ah u furo maalgelinta gaarka loo leeyahay, waxaa la sheegay in uu kulanno gaar ah oo uu wakiillo Ameerikaan ah la galay in uu ku cambaareeyay xisbiga “bilaa ilaaha” shuuciga ah ee Shiinaha, iyadoo Shiinuhu uu yahay dal aad muhim ugu ah ganacsiga Itoobbiya. Caalamka kaliya muu tusin waxay rabeen, balse, sidoo kale wuu daraandariyay. Balse, aakhirkii runtu si ka duwan ayay u soo baxday. Taas oo dadka ku riixday in ay is weydiiyaan in uu yahay xariif dadka wada siraya, oo raadinaya dhabbe uu taageero ku helayo, sidoo kalena u saamaxaysa in uu mucaaradkiisa ka takhalluso, ama in uu yahay mid uu hiraalku ka dhab yahay oo la halgamaya rooxaanta aan dhiman ee tagtada Itoobbiya ee uu halganka ka takhallusideeda ku jiro. Maxay tahay ishaad ku akhriday adigu?
TG: Qiiradaas markhaati baan ka ahaa, waxaanan ka qayb qaatay shaacbixinta ereybixinta “Abiymania” [buunbuuninta iyo ku mamidda Abiy], waa erey aad u qeexaya sida uu ahaa dareenka ay ku dhuganayaan taageerayaashiisu, gaar ahaan marka la eego Addiis Ababa iyo degaannada Amxaarada iyo Oromada. Buuggayga cutub ammintaa ka warramaya ayaa ku jira, waxaanan isku dayay in aan dib u sawiro dareenku siduu ahaa markaa.
Ilaa heerkee ayaa matalaaddan ama dahaadhkani qariyay ujeeddadiisa dhabta ah? taas ayaa ah wareerka u weyn ee ku gadaaman mashruuca Abiy. Dooddaydu waxay tahay in labada doodoodba wax ka jiraan. Abiy wuxuu aaminsan yahay in uu yahay rasuul ilaahay soo diray. Wuxuuna isu arkaa in uu lamahuraan u yahay mustaqbalka dalka, hiraalna wuu leeyahay. In kastoo ayna jirin aydhiyoolajiyad cad oo uu ku socdaa, haddana, aragti buu ka leeyahay halka uu rabo in uu Itoobbiya u raro. Wuxuu rabaa in uu Itoobbiya casriyeeyo, oo dhaqaalaheeda kobciyo, una gudbiyo mustaqbal ka xuubsiiban qoqobka qawmiyadeed. In uu u geddiyo shacabka Itoobbiya ummad allahooda ka cabsanaysa oo hawlkar ah. Hadduu qofku iska dhaadhiciyo in uu yahay rasuul loo soo diray ka dhabaynta aragtidiisaas, waxay taasi keeni kartaa in aan waxna ka reebbanaanin si uu uga dhabeeyo yoolkaas. Tan ayay ka dhalanaysaa in uu dadka kale oo dhan u arko kuwo danaystayaal ah oo aan danta guud wadin, taas oo ku riixaysa in uusan cidna u aabbo yeelin ee uu jujuub wax ku wado. Yoolkiisu wuu u cad yahay, in kastoo laga dheehan karo debecsanaan iyo furnaan dhabbaduu u marayo ka dhabaynta yoolkiisaas.
FC: Mararka qaar habka ugu wacan ee lagu fahmi karo caqliyadda siyaasi gaar ahi waa in loo kuurgalo cidda tusaalaha iyo macallinka u ahayd. Waxaad sheegtay in Minase Woldegiorgis (Abaaduula) Abiy tusaale uu ku daydo u yahay. Muxuu ahaa xidhiidhka kala dhexeeyay Minase, saamayn caynkee ah ayuuna ku lahaa bay kula tahay?
TG: Minase waxa uu ahaa hoggaamiyaha Ururka dimuqraadiga ah ee bulshoweynta Oromada (OPDO), sidoo kalena waxa uu ahaa aabbaha siyaasadda casriga ah ee Oromada. Wuxuu ahaa shaqsiyad weyn oo ka tirsan xisbigan oo ah xisbiga ugu weyn degaanka Oromada. Dhallinyaro badan ayuu soo saaray, oo ay ka mid yihiin Lema [Megersa], Shimbelis Abdiisa iyo Abiy, dhamaantood ardayda Abaadulaha ayay ahaayeen.
Ilaa heerkee ayuu Abiy yahay hoggaamiye Oromo ah, halkan ayay imanaysaa saamaynta Abaaduuluhu. Siyaalo dhawr ah ayaa Abaaduula u saameeyay Abiy. Abaaduuluhu waa qawmi Oromo ah, oo ay se ka go’an tahay dawladnimada Itoobbiya, oo ku hawl jira in ay Oromadu isku fidiso bartamaheeda oo door weyn ku yeelato xukunkeeda. Abaaduula sidoo kale wuxuu ka shaqeeyay isku dayga in uu ka dhigo OPDO urur saamayn ballaadhan ku leh siyaasadda Itoobbiya. Mashruuca ka xoraynta hoggaanka Oromada saamaynta TPLF-tu waxaa bilaabay Abaaduula, waxaana hore u qaaday Abiy iyo Lema Megersa. Abiy waxa uu u weecday waddaniyad Itoobbiyaanimo, oo waxaad mooddaa in qawmiyiintii ay Oromanimada wada haysteen ay si u kala leexdeen.
FC: Waxaad sheegtay in uu Abiy isu arko wax u dhexeeya imbaraadoor weyn oo Eebbe doortay iyo haldoor shirkad tiknoolajiyadeed hormuud ka ah. Tusaale ahaan, isku tallaalka boqor Tewedros iyo Jeff Bezos, asaasaha iyo hormuudka shirkadda Amazon. Haddaba, sidee baa aragtidan uu naftiisa ka haystaa uga duwaysaa hannaanka hogagankiisa, hoggaanmiyayaashii ka horreeyay, sida, Xayle Meryam Desalgn iyo Meles iyo raggii ay isku ayniga ahaayeen sida Afwerki?
TG: Abiy waa isu geynta saamaynahan oo idil, taas oo ka dhigaysa mid in qorigiisa la qabtaa adag tahay. Taas oo ah arrin halisteeda leh. Abiy iyo Afewerki labaduba waxay haabka ku hayaan nidaamkii boqortooyanimo ee Itoobbiya. Labaduba waxay adeegsadaan maxkamado qarsoodi ah oo ay u adeegsadaan shirqoolidda iyo ka takhalusidda cadawgooda. Shaxdaas labaduba way ka siman yihiin.
Xayle Meryam isagu waxa uu ahaa teknokaraat niyad wanaagsan, ma ahayn nooca siyaasiga nidaamka Itoobbiya ku gacan dhigi kara, Abiy se waa siyaasi kartidaa leh. Balse, Xayle Meryam nin diini ah ayuu ahaa oo aaminsan in uu ku socdo rabitaanka Eebbe, isagoon isla mar ahaantaana aan ka xuubsiibanayn hannaankii cilmaaniga ahaa ee xisbiga talada haya ee EPRDF. Xayle Meryam iyo Abiy waxay ka sinnaayeen dhanka caqiidada oo labaduba waxay ku taxnaayeen kiniisadaha injiilka iyo aaminaadda xoogga saarta mannooyinka Eebbe ee shaqsiyaadka uu ku mannaysto awoodo ruuxi ah iwm, oo waxay wadaagaan fahan diimaysan oo ku aaddan siyaasadda. Xayle Meryam waxaa loo arki karaa mid hordhac u ahaa oo jidka u sii xaadhay rasuulnimada Abiy ama isaga laftiisa ayaa muddo sidaa isu arkayay.
FC: Islaamku maanta waa mid nolosha caamka ah ee Itoobbiya aad uga muuqda, marka loo barbardhigo waqtiyadii ka horreeyay, in kastoonan rabin in aan qodobkan ku talaxtago maadaama oo ay dalka wali ka jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda dadka, haddana waxaan rabaa in aan ogaado sidaad u aragto in uu arintan u maareeyay?
TG: Meles Senaawi wuxuu bulshada muslimiinta kula falgalay diiradda la dagaallanka argagaxisada, markaa waxaa hagayay hannaan amni sugid iyo farogalin ba’an ah. Wuxuu rabay in uu ku soo rogo islaam la aqbali karo oo qunyar socod ah. Abiy Axmed isaga weydiino badan oo carruurnimadiisii iyo aabbihii daarran ayaa mugdi ku jira, balse, waxaa hubaal ah in uu waxbarasho islaami ah soo qaatay yaraantiisii. Markuu doobka ahaana wuu ka ag dhawaa sheekha tuulada uu ku soo barbaaray, markaa waa mid fahan ka haysta islaamka.
Wuxuu qaatay diinta kiristanka goor danbe, ka dib markii uu shil ka badbaaday, kaas oo dhacay waagii ay oognayd colaaddii xuduudda ee ay Eretariya kula jireen. Waa nin leh barbaarin-diimeed oo kala geddisan, saddexda diimood ee Itoobiya ugu ballaadhanna waa nin xidhiidh la leh. Hooyadii waxay ahayd Ortodhagas (Orthodox), aabbihiina muslim, isaguna waa barotastan (Protestant, Pentecostal). Tan ayaa ku riixday bay ila tahay in uu diinta u arko agab uu tiir uga dhigayo siyaasadda uu naftiisa ugu sawirayo mideeye. Balse, kooxo ay isku caqiido yihiin waxay ku eedeeyaan in uusan ahayn siyaasi barotastan ah. Afur wadareed ayaa lagu qabtaa barxadda Meskel oo ah summad muhim ah, dabbaaldegga Ireeja (Irreechaa) oo ku salaysan diimihii qadiimka ahaa ee Oromada ayaa sidoo kale lagu qabtaa. Qodobbadani waa kuwo mudan in hoosta laga xarriiqo.
FC: Sida loo arkayaa waa mid muhim u ah Abiy. Nidaamka Itoobbiya kolka ay timaaddo cid walbaa wax bay isku suuq geysaa, oo summad u gaar ah bay tolataa, Abiyna wuxuu jecel yahay in uu wax u sawiro sidii oo uu kacdoon dhacay, oo ilaa hadda kacdoon ka socdo Itoobbiya. Balse, qaybo badan oo Itoobbiya ah waxa wali ka taagan colaado bilawgoodu xukunkiisa ka horreeyay, in kastoo uu ballanqaaday in uu dalka xasillin doono, waa tii 2020 colaad cusub ka qaraxday degaanka Tigreega. Maxaad ku tilmaami lahayd sababta uu ugu guuldarraystay xasillinta dalka?
TG: Waxaa muhim ah in hoosta laga xarriiqo in ay dawladnimada Itoobbiya sii kala daadanaysay intaanu xukunka qaban 2018. Amnigu gacanta xukuumadda wuu ka baxay, oo si loo daba qabto waxaa loo baahnaa in gacanta dib loogu dhigo. Abiy wuxuu u baahnaa in uu jawaabo u helo dhibaatooyin ka jira dhiska nidaamka, kuwaas oo degaannada kala duwan ee dalka uga soo muuqanayay sababo kala geddisan.
Abiy waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in uu lamahuraan yahay; oo uu isagu hayo xalka dhammaan dhibaatooyinka Itoobbiya haysta. Taas oo isaga uga bilaabmaysa caqliyad cusub, oo ah in laga dheeraado hab fekerrada waqtigoodu dhacay. Tiro badan oo shacabka Itoobbiya ahi lama qabaan waxa uu arko in ay yihiin dhibaatooyinka Itoobbiya ku gadaaman, mana aaminsana in uu isagu hayo xalka dhibaatooyinka Itoobbiya. Haddaynu eegno kacdoonkii Oromiya ee 2018 ee uu xukunka ku yimid, xalalkii uu soo jeediyay may noqon kuwo wax ku ool ah oo dhibkii halkaa ka jiray meesha ka saara.
Waxaynu aragnaa in aan Abiy waxba kaga duwanayn hoggaamiyayaashii ka horreeyay marka la eego cunfiga xad ka baxa ah ee uu ugu jawaabayo mucaaradkiisa, gaar ahaan kuwa khatar galiya xukunkiisa.
FC: Isbeddal yaab leh waxa ah degaanka Soomaalida ee Itoobbiya in uu hadday yahay degaannada ugu xasilloon, halka degaannadii talada Itoobbiya ka soo go’i jirtay ay colaado ka oogan yihiin (Amxaarada iyo Tigreega). Haddaba, sidee buu isu beddalay xidhiidhka ay dawladda dhexe la leedahay degaanka Soomaalida iyo si guud degaannada xukunka ka fog, muddadii uu Abiy xukunka hayay?
TG: Aan dib kuu xasuusiyo isdiiddooyinkiisa mar kalee, tanna waa mid ka mid ah. Abiy waa markasi raba in uu talada ku ururiyo gacanta dawladda dhexe, Mustafe Cagjarna waxa uu fahmay in haddii uu u hoggaansamo dawladda dhexe, uu u heli doono madaxbannaani door ah oo uu ku maamulo degaankiisa; waxaanu helay madaxbannaani aan hore degaanku u arag. Waa door u baahan in uu xukuumadda federaalka gacansaar sare lala yeesho, waana ta keentay in Mustafe loo arko in uu yahay gacan yaraha Abiy ee degaanka Soomaalida, taas oo saamayn ku yeelatay saamayntiisa, oo ilaa mucaaradkiisu qirsan yihiin in ay saldhigtay oo baahday.
Mustafe waa siyaasi dangarad ah. Wuu oofin doonaa dalabaadka Abiy, kamana hor iman doono xukunkiisa, balse, sidoo kale awooddiisa degaanka Soomaalida wuu isku dubbaridan doonaa.