Skip to main content

Friday 17 May 2024

Aragti

Burjuwaasiyadda iyo Busaaradda

16 April, 2024
Image
Burjuwaasiyad
Dheelliga burjuwaasiyadda iyo danyarta (Sawirka: Tim O'Brein - irishtimes.com)
Share

Burjuwaasiyiintu waa dabaqadda ladan ee hantida iyo waxsoosaarka gacanta ku dhigta. Waa dabaqad aan ka daalin xoolo urursiga, dadka kalena aan u oggolaan in ay noolaadaan.

In kasta oo lagu doodo inay adduunka horumar dhaqaale gaadhsiiyeen, haddana waxaa xaqiiqo ah inay dalal badan ku rideen dalluun dheer. Nidaamka dhaqaale ee Hantigoosiga oo dhalay dabaqaddan tadhahday wuxuu caalamka ku soo kordhiyey sinnaan la’aan dhaqaale oo baahsan. Wuxuu keenay in 20% dadka adduunku ay ku naaloodaan 80% hantida adduunka. Wuxuu abuuray caalam aan fursadaha dhaqaale aan loo sinnayn. Taas oo ah in masiirkii adduunku gacanta u galay dad kooban oo caadaystay inay ku tuntaan xaqa dadka. Burjuwaasiyaddu waa aafo dhaqaale oo ku habsata bulshada. Haddii aan la basrinna waxay sababaan musiibooyin ay maarayntoodu adkaato. Waa gafanayaal ku naaxa dhiigga saboolka. Waa damiirlaawayaal aan u damqan danyarta. Dabaqaddani waxay hormuud u tahay kadeed badan oo adduunka ka taagan oo saboolnimada iyo busaaradduba ay ka mid yihiin.

Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa sida burjuwaasiyaddu ay bulshada ugu horseeddo busaaradda, siiba Soomaalida. Burjuwaasiyiinta Soomaalidu waa ka xun yihiin burjuwaasiyiinta caalamka kale. Maxaa yeelay, waxay fursad u heleen ummad burbursan oo dhan walba ka baylahsan. 

Shirkadaha macaashdoonka ah waxay sii ballaadhiyaan farqiga u dhexeeya hantiilayaasha iyo waxmahaysatada. Hammiyada dhaqaale ee ummaduhu dhigtaan waxaa kaalinta koowaad geliyaan yaraynta sinnaan la’aanta dakhli ee u dhaxaysa shacabkooda. Si ay hammigoodaa uga midhadhaliyaan ayay u dejiyaan siyaasado iyo xeerar arrinkaa wax lagaga qabanayo. Haddii bulshadu, dhaqaale ahaan, u kala tagto ma halabsadaan horumar dhaqaale oo la sheegi karo. Dhaqaaluhuna wuxuu ku ururaa gacmo kooban, kuwaas oo ugu danbaynta jaangooya siyaasadda guud ee dalka. Kolka ay afduubtaan masiirkii umaddana waxay keenaan inay saboolka ka saaraan bulshada, codkoodana la maqli waayo. Ugu danbaynta u diidaan inay iska furfuraan xadhkaha ay saboolnimadu ku xidhay. Waxayna ka yeelaan kuwo iyaga ku tiirsan oo aan sinaba aan uga madaxbannaanaan karin.

Waxaana dhici karta in ummadaha ay la soo gudboonaadaan kala tagsanaantaasi ay ku dhacaan hog dheer oo aanay si sahal ah uga soo bixi karin. Taas oo gaadhsiisan inay dadkaa ka dhex qarxaan colaado dabadheeraada oo u dhexeeya dabaqadaha loollamaya.

Kolkii ay Soomaalidu burburtay waxaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ka hanaqaaday shirkado ganacsi, kuwaas oo galay suuqyada: isgaadhsiinta, xawaaladaha,  korontada, waxbarashada, warshadaha yaryar, waxdhoofinta iyo wax-soo-dejinta, caafimaadka iqk. Shirkadahaas ku dhex tanaaday burburku waxay bulshada ku noqdeen culays dhaqaale oo cidhiidhi geliyey nolol–maalmeeddoodii. Dhinaca kale, shirkadahaa waxay la kowsadeen bilowgii islaamiyiinta oo waxay ganacsiyadooda oo dhan ku wada ladheen magaca Islaam—bangi islaami ah, waxbarasho islaami ah, badeecad islaami ah iwm. Aragtidaasi waxay u horseedday inay bulshadu ku dagmaan, isuna dhiibaan. Lana arki waayo dhagartooda dahsoon iyo dibindaabyada ay dadka ku hayaan. Maadaama Soomaalidu u nugushahay arrimaha diinta, waxay xeelad ay ku ganacsadaan ka dhigteen halkudhigyo diimaysan.  Magaca Islaam waa daah ay ku qariyaan dhaqannadooda fooshaxun ee ay u maraan xoola urursiga indhahatiray. Ismaaminta ganacsigu waa xeelad lagu xalaashado xantoobsiga xoolaha umadda. Sidaa daraaddeed, maadaama ay caan ku yihiin adeegsiga erayga “Islaam” waxaynu ugu yeedhi karnaa “burjuwaasiyiinta islaamiga ah”. Kuwaas ah dabaqad isku dhex wadda diin iyo ganacsi.

Shirkadahaasi waxay isku fidiyeen dhammaan suuqyadii, waxayna ku guulaysteen in keligood macaashaan, keligoodna noolaadaan. Bulshadii badnaydna waxay badeen inay ku dhex dhintaan burjuwaasiyad iyo busaarad.  Siyaasiinta calooshood-u–shaqaysataayasha ahi ayaa ku gacan siiya damacooda ku aaddan hanti urursiga.  Mararka qaarna siyaasiintu waa ganacsadayaal, ganacsadayaashuna waa siyaasiin. Haddii siyaasadda, ganacsiga iyo diintu ay midoobaan waxay umadda u horseedaan halaag aan laga soo waaqsan oo busaaraddu ka mid tahay. Arrintaa lidkeedna rakaadka koowaad ee horumarka waa kala fogayntaa saddexdaa dhardhaarood.

Shirkadahaa Soomaalidu waxay suuqa ka saareen, kana saaraan ilaa hadda, ganacsadayaashii yaryaraa, iyaga oo u adeegsanaya awoodda raasumaal ee ay leeyihiin. Waxayna shirkad kasta oo suuqa soo gasha ka dhinac furaan shirkad, si bilaash ah, ama qiimajaban, ku bixisa adeeg la mid ah adeegga shirkaddaa cusub soo kordhisay. Arrinkaas oo ganacsadayaasha yaryar ku qasba inay suuqa ka baxaan, maadaama aanay u babacdhigi karin awoodda shirkadahaa waaweyn. Sida aynu soo sheegnayna ma jirto dowlad ka qabata keligood–noolayaasha ku mamay maalka. Qaar ka mid ah dowladaha adduunku waxay jideeyaan xeerar u diidaya shirkadaha waaweyn inay wax kasta ka ganacsadaan, si ummadda la iskugu hayo oo aanay u kala tegin. Taa beddelkeed, deegaannada Soomaalida oo dhan, maamulku wuxuu taageeraa shirkadahaa. Waa mar e, waxay badeecadaha qaarkood ugu xidhaan kooto. Waa mar labaad e, waxay u sameeyaan cashuurdhaaf.

Xeeladaha kale ee ay ku macaashaan shirkadaha Soomaalida ee culayska ku ah, guud ahaan bulshada, gaar ahaanna danyarta waxaa ka mid ah inay midoobaan, si ay meesha uga saaraan tartanka shirkadaha, isla markaana cirka ugu shareeraan sicirka adeegyadooda. 

Waayadan danbana waxay caado ka dhigteen inay aasaasan shirkado waraaba–u–taag ah oo ay uga dan leeyihiin inay suuqa ka ilaaliyaan shirkadaha cusub. Taas oo siyaabo badan awgoodba uga hor imanaysa suuqa xorta ah, meeshana ka saaraysa tartankii suuqa looga baahnaa. Caqabadahaa ay burjuwaasiyiintu ay abuurayaan waxay saboolka ka dhigayaan sabool, maalqabeenkana, maalqabeen. 

Burjuwaasiyaddu waxay ku tanaaddaa dhiigmiirashada shaqaalaha. Jiritaan la’aanta ururro shaqaale oo u dooda xuquuqda shaqaalaha iyo nidaamka dowladeed ee u dullaysan ayaa keenay duudsiga ay ku hayaan shaqaalaha ay shirkadahoodu ku tiirsan yihiin. Waxay marar badan is hortaagaan dhisidda ururro shaqaale. Tacaddiyadda ay u geystaan shaqaalaha waxaa kow ka ah mushaharaadka hooseeya ee aan ka kafaynayn nolol–maalmeedkooda iyo saacaha shaqada oo badan ama aan waafaqayn xaddiga mushahar ee ay saacaddii ay bixiyaan. Haba sheegin xuquuq kale. Nidaamkaasi wuxuu abuuray maalqabeenno tadhahay iyo danyar tabaalaysan, kuwaas oo ku nool luflufka ay u tuuraan. Ma jirto cid saboolnimo kaga baxday mushahar ay shirkad ka qaataan. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaa caddaadiska shirkadaha uga sii daray jiritaan la’aanta xaddiga mushahar ee ugu yar ee la bixin karo, kaas oo dowladuhu jaangooyaan, si aan loo baqsin shaqaalaha, baahidoodana looga faa’idaysan. Dulmiga ay burjuwaasiyiintu ku hayaan shaqaalaha waxaa si wanaagsan u sharraxaya sheekada Sandareela. Taas oo aayadeed iyo walaalaheed ku addoonsanayaan gurigooda, una diidayaan hantidii ay dhaxashay, iyaga oo ku qasbaya inay gurigooda jaariyad uga ahaato. Guud ahaan, shaqaalaha Soomaaliyeed wuxuu ku sugan yahay xaalad ka liidata taa Sandareela. Xalka keliya ee ay hayaanna waa inay, sidii Sandareella, sawirtaan iyaga oo ku biiray dabaqadda burjuwaasiyiinta ah.

Siyaabaha ay burjuwaasiyiinta Soomaaliyeed u abuuraan saboolnimada waxaa ku soo kordhay barakicinta danyarta. Iyaga oo kaashanaya dadka xilalka ka haya dowladda waxay si xoog ah ula wareegaan xaafadaha danyartu deggan tahay. Xaafadahaas oo ay maalgashadaan guryo waaweyn iyo ganacsiyana ka furtaan. Waa mar e, danyarta waa u musiibo oo waxaa laga qaaday dhulkoodii iyo hantidoodii, iyaga oo aan wax naf leh aan loogu beddelin, lana dejiyo dhul magaalooyinka ka fogfog oo go’doon ah, kuwaas oo habayaraatee aan lahayn kaabayaashii dhaqaale ee lagamamaarmaanka ahaa. Waa mar labaade waxay nolosha ku qaaligareeyaan xaafadaha deriska la ah, kuwaas oo ay si dadban ugu sandulleeyaa inay ka guuraan guryahoodii. Taas oo laba jeeralaba ka dhigan jiritaanka busaarad baahsan oo xadhkaha goosatay. 

Bujuwaasiyiinta Islaamiga ahi siyaabaha ay lacagaha ku sameeyaan waxaa ka mid ah bangiyada Islaamiga ah. Burjuwaasiyiinta oo dhami waxay ka siman yihiin ka macaashidda raasumaalka. Hasayeeshee kuwa Islaamiga ahi waxay dheer yihiin dhibaatada ay ku hayaan dadka. Nidaamka ay isticmaalaan bangiyada islaamiga ah ee Muraabaxada loo yaqaan waa nidaam ay ku dhacaan maatada. Dadka soo miciin bida waxay saaraan lacago “dulsaar” ah oo dhabarjab ku ah. Erayga “dulsaar” way ka raadgataan oo waxay ku andacoodaan in maalgelintayadu Islaami tahay. Balse dulsaarkoodu wuxuu ka badan yahay, kana shuruudo adag yahay dulsaarka bangiyada kale. Haddii aad, tusaale ahaan, u baahatid gaadhi, waxay ku odhanayaan gaadhiga na tus, dabadeedna, iyagaa soo iibsanaya oo kaa iibinaya qiimihii gaadhiga oo la saaray dulsaar, 20% ah—boqolkii doollarba waxaa u saaran 20 doollar, waa xaddi lacageed oo aad u badan. Halka bangiyada kale dulsaarkoodu yahay 2%. Dhinaca kale, lacagta la dhigto waxyaalahaa ay bangiyada ula baxeen way ku shaqaystaan oo maalgashadaan oo lacag kale ka sii sameeyaan. Halka bangiyada kale kolka ay lacagta dadka kale ku shaqeeyaan ay dulsaar u saaraan.

Sida ay qabaan aqoonyahannada ku takhasusay horumarinta dhaqaalahu, siyaabaha loo yareeyo ama looga takhalluso saboolnimada waxaa ka kow ah, maalgelinta ganacsiyada yaryar.

Burjuwaasiyiinta islaamiga ah oo nidaam iyaga u gaar ah u bixiya deyntan waxaa la ogaaday inay iyagu fashiliyaan dadka ay siiyaan. Sababta oo ah waxay dulsaaraan deyn culays ku ah meherad cusub oo dakhligeeda maaliyadeed aanu badnayn. Dheefta laga helo ganacsiyadaas waxaa labajeer ka badan xaddiga lacageed ee sannadkii ay bangiyadani ka doonayaan. 

Hasayeeshee mar kasta burjuwaasiyiintu waa u faa’ido. Maadaama ay suuqa keli ku yihiin cid kale oo la tartantaana aanay jirin. Meelaha qaarkood waxay si badheedh ah u hor istaageen in laga hirgeliyo bangiyada caadiga ah oo macaamil ahaan ka macquulsan kuwooda.

Asalkaba ganacsigu ma laha xalaal iyo xaaraan e, wuxuu u baahan yahay xeerar lagu nidaamiyo laguna xakameeyo. Jiritaan la’aanta xukuumad xakamaysa oo aan u habran waa sirta ka danbaysa guushooda. Meel kasta oo ay joogaan burjuwaasiyiintu waxay ka faa’idaystaan dadka xukunka haya. Tusaale ahaan, adduunka oo dhan waxay dabaqaddani caan ku tahay in aanay bixin cashuuraha dowladda oo siyaabo sharciga baalmarsan uga dhuuntaan. Badiyaa waxay si hoose u naasnuujiyaan dadka xukunka haya, kuwaas oo u fududeeya damacooda xoolo urursiga daaran. Xilka dowladdu ma aha inay la safato dhinac bulshada ka mid ah—burjuwaasiyiinta. Balse waa inay u caddaalad samaysaa bulshadeeda, isla markaana, qabataa cidda gardaran. Dowladda wanaaagsani waa ta danyarteeda daryeesha ee dayaca ka dhowrta. Waxaa dowlad looga baahan yahay waa sidii ay dadkeeda uga saari lahayd saboolnimada ee ma aha inay sabaaliso waxyaalaha sababaya.

Suuqa xorta ah ee soo saara dabaqaddan aan waxba xeerinayn waa waxba kama jiraan. Waa in la helaa xeerar lagu xakamaynayo suuqa, kuwaas yoolkooda koowaadi yahay sidii loogu sinnaan lahaa fursadaha dhaqaale ee jira. Waa in dabaqaddan laga dagaallamo inay gacanta ku dhigaan ilaha dhaqaale ee dalka iyo adeegyada danta guud ee caafimaadka, waxbarashada, cuntada, biyaha iyo korontada—waa in waaxyahan si gaar ah looga ilaaliyaa—si looga nabadgalo busaaradda ay sababaan. Busaaradda waa u dan burjuwaasiyiinta oo ilahooda dhaqaale ayaa ku tiirsan. Balse waa in la helo awood abaabulan oo ka hortagta. Inta aan la helin ganacsi xor ah waa in la helaa xeerarkii lagu xukumi lahaa.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Maxaynu Qornaa!

Aragti

Lacagta iyo Sicirbararka

Buug

Falsafadda Dagaalka

Aragti

Waan ku khaldanaa Soomaaliweyn