Thursday 23 January 2025
In ka badan tiriliyoon doollar ayaa sannad kasta laga soo xadaa waddamada adduunka ugu saboolsan, taas oo ah xaddi aad u badan oo ay adag tahay in la suuraysto.
Lacagta intaas le’egi waxa ay kuu jari kartaa shirkadda Apple, baaqiga soo hadhana waa ku filan yahay in aad ku gadato lacag kasta oo Sterling ah (bir iyo waraaqba) oo suuqa ku jirta.
Inaad tiriso tiriliyoon doollar oo waraaqaha doollarka ah waxa ay kugu qaadanaysaa 32,000 oo sanno. Haddii banii’aadamkii ugu horreeyey ee qaabdhismeed ahaan casri ahaa ay bilaabi lahaayeen tirinta isla judhii ay Bariga Dhexe uga gudbeen Yurub, hadda waxa ay tirinta marin lahaayeen ku dhawaad hal tiriliyoon.
Laakiin haddii aad ku nooshahay waddan hodan ah, waxa laga yaabaa inay kugu adag tahay inaad arrintan danaysid.
Cid kale yeelkeed e, badi lacagtaasi waxa ay ku danbaysaa inay qayb ka qaadato shaqooyinka hay’adaha dawliga ah, iibsashada qiimayaaasha saamiga shirkadaha soo saara badeecadda fakaahaysiga, iyo inay siyaasiyiinteenna u sahasho inay safarro kharashaadkooda oo dhan la bixiyey ku tagaan Baku, Baxrayn ama Bamako.
In kasta oo musuqmaasuqu dadka kale u xun yahay, innaga si fiican ayuu inoogu habboon yahay, soo ma ahan?
Ha ka yaabin! Musuqmaasuqu waa dhibaatada qof kasta, halkanna waxaad ugu tegaysaa afar sababood oo ay tahay inaad u danayso fashilka adduunku ku fashilmay in uu si sax ah wax uga qabto xaaladdan.
Musuqmaasuqu waxa uu sababaa dhiig-daadasho
Waa inaan ka digtoonaannaa rumaysashada hadalka kooxaha hubaysan ee dawladaha ku eedeeya musuqa. Waa gacan-ku-dhiiglayaal, wax kastana waa ay odhanayaan si ay taageerayaal badan u soo jiitaan.
Laakiin waxa aan u baahannahay inaan dhegaysanno digniinaha jeneraalladeenna.
Caalamka oo dhan, dadka inoogu badiya la-dagaalanka argagaxisadu waxa ay inoo sheegaan in musuqmaasuqu yahay cadawgooda ugu xun.
“Wakhti dheer, waxa aan awooddayada isugu geyney Taalibaan oo aan u arkayney inay halis jirta ku yihiin Afgaanistaan. Iyagu se waa saleelo marka la barbardhigo baaxadda iyo ballaadhnida musuqmaasuqa,” waxa sidaas sannadkii 2014 yidhi Jeneraalka ciidanka Badda Maraykanka John Allen, oo hore u ahaa madaxa xoogagga caalamiga ah ee Afgaanisaan jooga.
Digniinno kuwaa la mid ah ayaa laga maqli karaa Boko Xaraamta Nayjeeriya, Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam ee Bariga Dhexe, iyo dhaqdhaqaaqyada u dhigma ee meelo kale.
Musuqmaasuqu waxa uu ka cadhaysiiyaa muwaadiniinta, taas oo sababta inay la tacaadufaan cadawga dawladda xitaa haddii ay argagaxiso yihiin, iyo inay hoos u dhigaan awoodda dawladdu dib ugu dagaallami karto.
Wakhiga fog, dariiqa ugu fiican ee loo dhufaani karo halista argagaxisadu waa in la suurtageliyo helitaanka dawlad daacad ah oo dhex ah.
Tani waa mushkiladda qof kasta, maxaa yeelay argagaxisadu waxa ay si xor ah iskaga gudubtaa xuduudaha—dhaqdhaqaaq ka bilawday Ciraaq ayaa inagu soo weerari kara Manchester, Paris ama Brussels.
Musuqmaasuqu waxa uu fidiyaa cudurrada
Sannadkii 2017, Ruushku waxa uu diiwaangeliyey in ka badan 100,000 oo kiisas aydhis (HIV) ah, tan oo wadarta guud ee kiisaska dalkaas ka dhigaysa ilaa 1.5 milyan.
Boqolkiiba labo ka mid ah dadka reer Ruush ee ku jira da’da soddoneeyada ayaa xanuunkan qaba, taasina waa arrin aan laga filanayn waddan Yurubiyaan ah, koboca xanuunkanina uma muuqdo mid isdhimaya.
Waxa uu[xanuunkani ku fidaa isticmaalka daroogada, jidh-ka-ganacsiga iyo hannaanka caafimaadka oo liita—dhammaantoodna waa natiijada musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dalka.
Arrintan Ruushku keli kuma aha. Musuqmaasuqu waxa uu qayb ka qaatay laba-kaclaynta cudurka dabaysha ee dalka Yukrayn, waxa uu Aasiyada dhexe ku fidiyey qaaxada oo ah daawo-iska-caabbiye, waxa uuna caqabad ku noqday la-dagaalanka Ebola ee Laybeeriya.
Fayrasyada iyo ilimaqabataydu ma ixtiraamaan xuduudaha dalalka. Haddii aynaan ku caawin waddamadan inay dhistaan hannaan caafimaad oo waxtar lehna, dhammaanteen cawaaqibta waan la qaybsan doonnaa, oo waynu jirroon doonnaa.
Musuqmaasuqu waxa uu wiiqaa dimuqraadiyadda
Waa lagu kala aragti duwan yahay in lacagta Ruushku ay Donald Trump ku caawisay ku-guuleysiga madaxnimada Maraykanka. Laakiin, cidina isla diidi mayso in murankani (controversy) aad u dhaawacay sumcaddii siyaasadda Maraykanka.
Sidan ayaa dhacda marka fayraska lacagta aan sharciga ahayn, ee ku qarsoon kanaallada sirta ah ee shabakadda maaliyadeed ee adduunka, uu wax yeeleeyo hannaanka dimuqraaddi ee ku dhisan is-aaminaadda.
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku arrintan madi kuma aha.
Dimuqraaddiyaddii Ruushku 1990-yadii ayay u dhimatay musuqmaasuq, halka nidaamyada siyaasadeed ee Nayjeeriya, Koonfurta Afrika, Malaysiya, Kiiniya, Yukrayn iyo kuwo kale ay il daran yihiin, haddii aanayba dhimasho qarka u saarnayn.
Wadahadal furan iyo codaynta xorta ahi kama barbar jiri karaan hannaan go’aamada loo gaadho lacag darteed, xilalka sarana la gato ama la iibiyo.
Musuqmaasuqa waxa ka adag dimuqraaddiyadda, oo dadka musuqmaasuqayaasha ahi waxay weligood isku dayaan wiiqidda sarraynta sharciga si ay nafahooda ula baxsadaan. Haddii aynu rabno in aynu nidaamyadeenna siyaasadeed ka ilaalinno xanuunkan, waa in aynu is difaacnaa.
Musuqmaasuqu waxa uu kordhiyaa sicirka guryaha
Cilmibaadhis ayaa muujisay in lacagta dibadaha ka timaaddaa ay kordhiso qiimaha guryaha London. Waana arrin aad macquul u ah in isla shaacsanahan—ku saabsan dadka maalqabeenka ah ee lacagtooda kala soo baxaya meelaha lagaga qaadi karo, kuna hubsanaya meel ammaan ah—uu saamayn ku leeyahay dhammaan magaalooyinka caalamka horumaray.
Sidaasi darteed, mid ka mid ah sababaha kirada kugu qaaliyeeyay waa in shisheeye waddankaaga maalgashanayo, sababtuna ma aha in uu faa’ido fiican raadinayo e, waa in uu doonayo inuu lacagtiisa ka badbaadiyo masuuliyiinta musuqa u saaxiibka ah ee dalkiisa.
Magaalooyin dhowr ah—oo laga xusi karo London iyo New York, iyo sidoo kale Miami, Los Angeles iyo kuwo kale—ayaa lagu arkay guryihii qaaliga ahaa oo laga macaashayo, halkii ay hoy ka ahaan lahaayeen.
Tan ayaa xaafado dhan dadkii ka saartay isla markaana ka cadhaysiisay dadka awoodi waayey inay magaalooyinkoodii ku noolaadan.
‘Cidhifyada Mugdiga’
La-dagaalanka musuqmaasuqu ma aha in uu noqdo wax adag. Dadka badankoodu wax may xadeen haddii aanay ilaashan karin hantida ay lunsadeen. Sidaas si la mid ah, masuuliyiinta ahlu-musuqmaasuqa ahi ma lunsadeen lacag badan, haddii aanay aad ugu sahlanaateen inay lacagtooda ku soo xalaaleeyaan cidhifyada mugdiga ah ee adduunka, dabadeedna ku maalgashadaan meelaha ay ku badbaadayaan sida UK, Switzerland ama Maraykanka.
Hubka aynu kula dagaallami karno lacagtan madoobi waa fudud yahay: waa iftiin. Waa inaan daaqadaha u furnaa dhammaan cidhifyada dhaqaalaheenna si aan u arki karno meesha lacagta laga keenay, iyo cid kasta waxa ay leedahay. Marnaba masuuliyiinta kama hor istaagi karno inay noqdaan kuwo aan daacad ahayn, laakiin ma aha inaan noloshooda u sahalno. Waxaan u baahannayay in dawladdu diiwaangeliso lahaanshaha hantida iyo shirkadaha, si aan u aragno meesha lacagtu ka imanayso.
Sidoo kale waxaynu u baahannayay in hay’adaheenna dhaqangeliya sharciga aynu siinno lacag ku filan si ay u dabagalaan khaa’imiinta adduunka. Keliya dhowr xukun oo guuleysta ayaa lacagta bililiqada ah ka saaraya waddamadeenna, dabadeed taas ayaa ilaalin doonta dhaqaalaheenna iyo nidaamyadeenna siyaasadeed, oo caawin doonta xulafadeenna caalamka oo dhan.
Waxa soo turjumay Ilyaas M Xuseen