Skip to main content

Friday 17 May 2024

Waraysi

Leyla Abul Calaa’: Taariikhdeenna aynu dib u qoranno

25 April, 2024
Image
Leyla Abul Calaa'
Xuquuqda sawirka: Getty Images
Share

Waraysi laga qaaday Leyla Abul Calaa’ oo ku saabsan noofalkeedii u danbeeyay (River Spirit) oo ay dib ugu eegayso go’doomintii Khartuum ee 1884-tii, ayna ugu kuurgalayso yagleelidda taariikhayn ka geddisan ta gumeystaha.

 

Ugu horrayn waxaan kuugu hambalyaynaynaa waxsoosaarkaaga suugaaneed ee cusub. Waxaan jeclaan lahayn in aan wax ka ogaanno waxa kugu riixay in aad buuggan qorto. Waxaad nooga warrantaa siday fikraddiisu ku bilaabantay?

Leyla Abul Calaa’: Waxaan ku barbaaray Khartuum. Gurigayagu 4km ayuu u jiray qasriga saaran Niilka Buluugga ah, halkaas oo kolkii la soo weeraray ee la hareereeyay Janaraal Gordon uu isa soo taagi jiray saqafka qasriga isagoo quus ah oo diiraddiisa ku eegaya in ay soo dhawyihiin gurmadkii Biritishku. Khartuum waxa markaa go’doomiyay ciidankii Mahdiga. Sheekadaa Mahdiga ee xiisaha badan oo ah mid hoog ku dhammaanaysaa, waa sheeko aan waligayba xiisayn jiray. Waa sheeko aan taariikhdeeda dugsiga iyo jaamacaddaba ku dhigtay, goobta ay ka dhacdayna aan si wanaagsan u aqaanay. Taas ayaa ii sahashay in aan ka dhigto mid noofalkayga sal u noqota. Fekraddii koowaad ee uu noofalka River of Spirit ku bilaabmay waxay ahayd: nin dhallinyar ah oo ka soo jeeda Edinburge oo imanaya Soodaan waqtigii isctimaarka. Wuxuu u bogayaa dhismayaasha hiddaha ah ee dadka degaanka. Wuxuu sawir farshaxan ah ka samaynayaa Niilka oo waxa uu bilaabayaa in uu u lebbisto sida dadka degaanka. Markuu sawiro xaaska mid hoggaan beeleedyada ka mid ah, ee laga war helo sawirka aslan ee uu ka sameeyay, waxaa khatar gelaya shaqadiisii iyo amnigiisiiba. Markaan halkaa qoraalka marinayo ayaan ka leexday fekraddaan ku bilaabay sheekada. Farshaxamiistihii sheekadu ku socotay waan ka leexday oo gabadha uu sawirka ka sameeyay ayaan ka dhigtay shaqsiyadda udub dhexaadka ah.

 

Buugga waxa aad ugu soo noqnoqnaysa shaqsiyadda Akwaani, oo ah gabadh yar oo agoon ah oo addoon ahaan loo iibiyay. Halkee bay fekradda shaqsiyaddani ka timid?

LA: Arkiifiyadda Soodaan ee jaamacadda Durhaam ayaan ka helay warqad qaansheeg ah oo lagu kala iibsaday gabadh magaceedu ahaa Samsam. Xogtani waxay ahayd mid amakaag igu beertay. Waan ka warqabay in addoonsigu ka jiray Soodaan qarnigii sagaal iyo tobnaad, balse waxaa fajac igu noqotay in aan gacantayda ku hayo qaansheeg ay ku taal xaddi lacageed iyo magacyada dadkii uu iibkani khuseeyay. Waxaan sidoo kale helay warqad dacwad ah, oo ka warramaysa kiiska gabadh addoon ah oo ka baxsatay gabadhii mulkiyaddeeda lahayd, taas oo ay alaabna ka sii xadayso. Gabadha addoonta ahi waxay u baxsatay mulkiilaheedii hore, kaas oo dacwaddani ka dhan tahay. Waxay iila muuqatay xaalad yaab leh oo murugsanaan i soo jiidatayna leh. Dabadeed waxaan isku dayay in aan sheekada meelaha dhiman mala’awaal ku dhammaystiro. Waxaan bilaabay in aan baadho ganacsiga addoonta ee Afrikada Bari, heerka uu gaadhsiisnaa, wuxuu kaga duwanaa kii Afrikada Galbeed ee Badweynta Atlaantikada laga gudbin jiray iyo siday Soodaantii qarnigii sagaal iyo tobnaad albaab ugu ahayd Qaahira iyo Itaanbuul oo ahaa laba suuq oo waaweyn oo addoonta la geeyo.

 

Akwaani ma aha codka dheddig ee qudha ee buugga ku jira–shaqsiyaad kale oo leh Faadumo, Yaasiin hooyadii, iyo xaaskiisa Saalixa—ayaa sidoo kale ku jira. Waa mid lagu diirsado in aad soo gudbisay codadka dheddig tiradaa leh, iyadoo waliba buuggu ka warramayo taariikh codka ragga inagu soo gaadhi jirtay. Arrintan ma nooga sii warrami kartaa?

LA: Waxa nasiibdarro ah in aan dumarku keydadka taariikhda ka muuqan, oo waxaan ku qasbanaa in aan in yarba meel ka raadiyo oo isku tosho. Waxa hubaal ah, in aanan haba yaraatee helin tiraab ay gabadhi ka qortay qisadeeda iyo aragtideeda. Tan iyo intay socdeen dagaalladii Mahdigu, dumarku ciidankiisa kamay maqnayn, oo iyagaa wax u karinayay, kalkaalisooyin caafimaad u ahaa, meel walba oo ciidanku ku hakadana ka samaysanayay dabakaayooyin ganacsi. Dumarku sirdoonka qayb ayay ka ahaayeen, xog ururinta iyo soo gudbinta door weyn ayay ku lahaayeen – qodobkani isagaa igu dhaliyay doorka ay Yaasiin hooyadii noofalka ku leedahay. Xamaasad ayaa igu abuurantay kolkaan ogaaday in Mahdigu ambaasaddoor gabadh ah u diray qasriga Khartuum; dhacdadan lafteeda noofalka waan ku soo qaatay. 

Noofallada taariikhda ku salaysani waa kuwo Afrika hadda aad looga xiiseeyo oo sii koraya. Maxay tahay aragtidaada ku aaddan mustaqbalka halabuurka sheeko ee Afrika?

LA: Taariikhda shaacsan waxaa qoray gumaystayaasha, oo waa mid aragtidooda ku salaysan. Waxaa la soo gaadhay waqtigii aynu teenna soo tebin lahayn. Marka qof Afrikaan ahi qoro taariikh, taasi kama dhigna in uu wax ka sheegayo waaqaca adduunka ee maanta. Waxa ku riixayaa waa rabitaanka in aan soo tebinno sheekada bulshooyinkeenna. Noofalka taariikhda ee Afrikaanku waa mid aan u jeel qabo. Noofalka caynkan ahi hadda waa mid ay diiraddiisu saaran tahay kulankii Afrika iyo Yurub. Mustaqbalkana waxaan rejaynayaa in laga gudbo taas, oo loo kuurgalo taariikhda ka shishaysa gumeysigii Yurubiyaanka. Waxa halkaa ku duugan taariikh qani ah oo in la soo tebiyo u baahan.

Fadlan, waxaad nala wadaagtaa waaya’aragnimadaad ka dhaxashay cilmi-baadhista iyo qorista noofalkan? In kastoo shaqsiyaadka gundhigga ah ee buuggu yihiin shaqsiyaad taariikheed oo dhab u jiray; shaqsiyaadka kale ma waxay ahaayeen kuwo aad gabi ahaan hal-abuurtay, mise waa isu geyngeynta shaqsiyaad aad baadhistaada kula kulantay, mise waxay u taagan yihiin shaqsiyaad jiray oo aadan rabin in aad magacawdo?

LA: Ma jiraan shaqsiyado cid kale u taagani. Shaqsiyaadka taariikhiga ah ee noofalka ku jiraa waa: Mahdiga, Gordon, Sheekh Amin Al Dariiri iyo Rabiixa. Wax badan ayaa laga qoray Mahdiga iyo Gordonba. Waxaa sidoo kale la helayaa xasuus qorradiisii, kuwaas oo munaasib ku ah marka la soo tebinayo codka Gordon. Qoraallada tiro badan ee aan gacanta ku hayay caqabad ayay ahaayeen, oo kala xulasho ayaan ku jiray. Si ka geddisan labadaa hore, Al-Dariiri isaga wax badan lagama qorin. Al- Dariiri waxa uu ahaa hoggaanka culimada Khartuum, oo isaga wax badan oo ku saabsan mala’awaalkaygaan ku tiirsanaa. Rabiixa diiwaannada taariikhda meel danbe ayay kaga jirtaa – oo waxay ku tilmaaman tahay uun gabadhii iyadoo adhigeeda iska raacanaysa maqashay qolyo xukuumadda ah oo hadalku ka dallacmay, dabadeed habeenkii u soo afarqaadday si ay qolyihii kacaanka uga digto weerarka talisku la maaggan yahay. Marar dhawr ah ayay diiwaannada dacal yar kaga taal iyadoo aan waxay tahay laga warbixin. Waa shaqsiyad aan halabuuristeeda iyo koryeelidda doorkeeda ku raaxaystay.

Ma noo faahfaahin kartaa ‘Mahdiga’ iyo islaamka waxa uu uga dhigan yahay?

LA: Mahdiga qur’aanka laguma xusin, balse waxaa si faahfaahsan loogu soo gudbiyay xadiisyada nabiga. Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay badbaadiye hanuunsan oo soo bixi doona qiyaamuhu kolkuu soo dhawaado, si dunida oo ay ka jiraan dhulgariirro, kelitalisnimo iyo dulmi, uu ugu soo dabbaalo caddaalad iyo badhaadhe. Magaciisu waxa uu noqon doonaa Maxamed Cabdillaahi. Wuxuu talin doonaa muddo toddoba ilaa siddeed sannadood oo baadhaadhe ah. Sannadahaa waxaa dhici doona calaamadihii waaweynaa ee qiyaamaha. Tan iyo intaa taariikhda islaamku soo taxneyd ilaa soddon nin ayaa sheegtay in ay yihiin Mahdigii la sugayay.

Waxaad xustay in aad ku kortay meel 4km u jirta qasriga Gordon. Miyay jiraan meelo kale oo taariikhda qoyskaaga ah oo aad noofalka ku dartay?

LA: Awoowgaygii labaad oo ka soo tacabbiray koonfurta Masar, ayaa shaqaale u ahaa taliskii gumeystaha. Waxa uu ahaa mid aad uga soo horjeeda Mahdiga, oo si walba oo uu awoodo wuu u mucaaraday. Markii Mahdiga iyo ciidankiisu soo galeen Umdurmaan, awoowgaygaasi god weyn ayuu ka qoday daaradda gurigiisa, waxaana uu ku qariyay shan gabdhood oo uu dhalay, isagoo uga cabsi qaba in la kufsado. Fikraddaas godka ayaan ku isticmaalay noofalka oo anigu waxaan u isticmaalay in aan nin ku qariyo.

Marka la eego sidaad ugu tiirsanayd arkiifiyadda gumeystaha, ma aaminsan tahay in ay muhim tahay in loo furo arkiifiyadda reer Galbeedka qoraayada aan awoodin helidda diiwaannada taariikhda ee dalalkooda? Weydiintan waxa dhalinaya halganka dhawaanahan loogu jiro la soo noqoshada agabka iyo farshaxankii hiddaha ah ee Afrika laga xaday. Miyay kula tahay in loo baahan yahay in halgankaa lagu soo daro arkiifiyada, oo arkiifiyada gumeystahana lagu soo celiyo Afrika?

LA: Labada luuqadood ee aan ku hadlaa waxay ii saamaxeen in aanan ku tiirsanaan arkiifiyada Biritishka oo kali ah. Qayb baadhistayda ka mid ah waxaan ugu tiirsanaa diiwaannada Carabiga. In kastoo diiwaannadan qaar ka mid ah Ingiriisi loo turjumay, oo akhriskayga Ingiriisiduna ka degdeg badan yahay, haddana asalkoodii Carabiga ahaa ayaan ku akhriyay. Diiwaannadan waxa cajiib ka dhigayaa waa sida ay u soo bandhigeen nolosha maalinlaha ah ee dadka caadiga ahi ku dhaqnaayeen xilligii dagaalladani socdeen. Diiwaannadan ayaan ka bartay noloshu caynkii ay ahayd waqtigaas, sidii ay dadku wax u cuni jireen, u safri jireen, ee u wada xidhiidhi jireen, rejooyinkay lahaayeen iyo walaacyadii haystay. Weydiintaada haddaan u soo noqdo in arkiifiyada gumeystaha la furaa waa muhim, halganka dib u la soo noqoshada agabka hidduhuna waa xaq. Waxaan sidoo kale boorrin lahaa in diiwaannada ku dhigan luuqadaha Afrikaanka la turjumo waayo aragtida Afrikaanku afkooda hooyo waxay ku qoreen ayay ku duugan tahay. Waxaa wax laga naxo ah, tusaale ahaan in xasuus qorka Abuubakar Badri (The Memoirs of Babiker Badri) oo dhashay 1861, oo ah mid Carabi ku soo baxay oo lagu daabacay Soodaan, uu hadda turjumaaddiisa Ingiriisuda khadka ka baxday. Turjumaaddan oo qabsoontay horraantii 1960-nadii, waa mid lafteedu isaga baahan in dib loogu yar noqdo. Buuggani waa mid taariikhda Afrika aad ugu muhim ah, haddana waa mid ay adag tahay heliddiisu, sababo la xidhiidha turjumaaddiisa awgeed. Waan hubaa in ay jiraan qoraallo kale oo ku qoran luuqadaha Afrika, oo u baahan in la turjumo oo la baahiyo.

Ugu danbayn, waxa aan rabnaa in aad wax nooga sheegto cilmi-baadhistaad galisay ganacsigii addoonta ee boqortooyadii Cusmaaniyiinta, taas oo ahayd mid halakaysay degaannada Geeska iyo Afrikada Bari. Muxuu yahay raadka waaraya ee ay kaga tagtay gobolka, hareerihiisa iyo qurbajoogtiisaba?

LA: Ta iga yaabisay waxay ahayd in aanan xog waafi ah ka helin addoonsiga xeebaha Afrikada Bari. Hubaal, waa goob u baahan in la galiyo cilmi-baadhis dheeraad ah. Waa ismageydee, Biritishku iyagoo muddo dheer qayb ka ahaa ganacsiga addoonta ee Atlaantikada la isaga gudbin jiray, ayay dagaal yaab leh ku qaadeen ganacsiga addoonta ee Cusmaaniyiinta iyo Carabta. Mamnuucidda iyo la dagaallanka ganacsigan ayay sabab ay isku ballaadhiyaan ka dhigteen, waana ta sababta u ahayd in ay Soodaan qabsadaan oo gumaystaan. Taas baa ka dhigtay badanka waxa laga qoray ganacsiga addoonsiga boqortooyadii Cusmaaniyiinta mid ay ka buuxaan aragtiyaha Yurubbiyaan isla qumman oo cadhaysan kuwaas oo yoolkooduba yahay in ay gumaysigooda ugu qiil dayaan la dagaallanka ganacsiga addoonta ee xeebaha Bariga. Marka ay dadku maqlaan addoonsi waxaa ku soo dhacda kii Badweynta Atlaantikada, iyo beerasho uga faa’idaysigii addoontaas iyo dhaqankii ku lammaanaa ee cunsuriyadda xididdada adag lahayd. Ganacsiga addoonta ee xeebaha Afrikada Bari wey ka duwanaayeen, oo hantigoosigu ma ahayn waxa dabada ka riixaya ganacsiga addoonta ee Carabta iyo Cusmaaniyiinta. Oo si sidaa ka geddisan, ragga badanaa waxaa loo addoonsanayay in ciidan laga dhigto, dumarkana shaaqiyado guryaha ka shaqeeya. Raadka uu ka tagay ayay weydiintaadu daarneyd. Markaan arko askari Soodaani ah oo qayb ka ah dagaalka Sucuudiga ee Yemen, ama jaariyad Itoobiyaan ah oo tacaddiga ku maraysa Lubnaan dhiiggaa i fadhiista!

***

Waraysigan waxa qaadday madasha African Argument, waxaana soo turjuntay Bahda Geeska.