Skip to main content

Friday 17 May 2024

Buug

Noofalkii Abaaday ee Gabriel Garcia Marquez

23 April, 2024
Image
Until August by Gabriel
Share

Ana Magdalena Bach waa gabadh da’ dhexaad ah. Sannad kasta, bisha Ogost, waxay u socdaashaa jasiiradaha Kareebiyaanka, si ay u soo siyaarato xawaalkii hooyadeed oo halkaas ku yaalla. Siddeed sannadood ayay siyaaradaasi xidhiidh tahay si ay xusuusteeda ugu waariso geerida habartii dashay. Sannadka siddeedaad ee siyaaradaas, habeen habeennada ka mid ah, hudheelka ay deggan tahay baar yar oo ku yaalla ayay ku arkaysaa nin keligii fadhiya. Si aan qorshaysnayn oo faduulinimo ku jirto ayay ninkii qolkeeda ugu martiqaadaysaa dabadeedna la seexanaysaa. Ma garanayso, wax tixraac ahna kama hayso. Subaxda marka ay hurdada ka toosto ayay ku war helaysaa in ninkiii aanu joogin. Labaatan doollar ayuu barkinta hoosteeda u gelinayaa. Iyada faduulinimo ayay ka ahayd isaguna wuxuu u qaatay in badeecad jaban laga iibiyey. Ana Magdalena, waxay caado ka dhiganaysaa sannad kasta in siyaarada xawaalka hooyadeed ay ku lammaanayso gogoldhaaf ay nin cusub oo ajinebi ah la sii samayso. 

Qaybtaas yar ee sheekada ahi waxay udubdhexaad u tahay buug dhowaan la daabacay. Bishii Abriil badhtankeedii, sannadkii hore ee 2023, ayaa aad la isla dhex maray in la daabici doono buug abaaday oo uu maalmihii noloshiisa ugu danbeeyey qoray Gabriel Garcia Marquez (1927-2014). War xiise leh ayuu ahaa oo dunida oo dhan dadkii Gabriel Garcia Marquez waxsoosaarkiisa suugaaneed hore ugu xidhnaa qof waliba si isaga u gaar ah ayuu u xiiseeyey. Buuggii sannadka ayaa la daabacay. Ciwaanka “Until August/Waa Inoo Ogost” ayaana loogu wanqalay. Gabriel Garcia Marquez, xusuusta oo ka luntay darteed, wuxuu wiilashiisa ka codsaday in  aan buugga la daabicin, balse toban sannadood ka dib ayay go’aansaden in ay buugga soo saaraan. 

Gabriel Garcia Marquez (oo “Gaabo” lagu naanayso), tuulada Aracataca ee waddanka Kolombiya ayuu ku dhashay lixdii Maarij, 1927. Halkaas ayuu joogay ilaa siddeed jir uu gaadhayey. Siddeed jir markuu gaadhay ayuu aabbihii ula guuray degmada Since, halkaasna waxbarashada nidaamiga ah ka bilaabay. Waayadii uu degmada Since dugsiga kaga jiray ayay soo ifbaxday nafsadda halabuurnimo ee Gaabo ku jirta. Markuu dugsiga ka baxay, Jaamacadda Umadda ee Colombia ee magaalada Bagota ayuu kulliyadda qaanuunka ka galay sannadkii 1947. Waxbarashadii jaamacadda isaga oo aan dhammaysan ayuu shaqo suxufinimo bilaabay ugu danbayna iyada u go’ay oo barashadii qaanuunka faraha ka qaaday.  Gabriel Marquez saxaafadda ayuu muddo ka shaqaynayey, wargeyso dhawr ahna maqaallo u qori jiray. Shaqada suxufinimadu waxay fursad u siisay in uu wax qoro. In halabuurkiisu godlado oo waaya’aragnimadiisii dhallaannimo oo lagu aslay taariikhda Kolombiya, si gaar ah, iyo, midda Ameerikada Laatiinka si guudba, ay noqoto mid ka mid ah waxsoosaarkii suugaaneed ee qarnigii labaatanaad maskax aadame ka soo maaxata kuwii ugu qiimaha badnayd.

 

Buuggiisa “Hundred Years of Solitude/Boqol Sano oo Goonisocodnimo ah(1968)”, in kasta oo aanu ahayn midkii ugu horreeyey waxsoosaarkiisa, haddana waa ka ku lammaan magiciisa. Sheekada buuggu waxay si taxane ah u werinaysaa qisada qoyska reer Buendia, laga soo bilaabo asaaskii tuulada khiyaalka ah ee Macondo. Faca ugu horreeya ee reer Buendia ilaa ka ugu danbeeya sheekadoodu waxay astaan u tahay baxaadegga nolosha dadka gobolka ku nool, ba’ooda taariikheed iyo bugtada duunka kaga jirta halka ay daaran tahay. Sida uu buuggu u faafay, haddii aynu ku qiimayno, ku dhowaad 50 milyan oo nuskhadood ayaa laga daabacay. Waa waxsoosaar suugaaneed oo ay tahay aadamaha oo dhami in ay akhriyaan sida uu sheegay qoraagii iyo saxafigii reer Maraykan, William Kennedy.  Sannadkii 1982 ayuu Gabriel Marquez abaalmarinta Nobeesha ee Suugaanta ku guulaystay, 2014 ayuuna ku geeriyooday waddanka Mexico.  

Gabriel Eligio waa Gaabo awowgiis hooyo. Wuxuu ahaa  oday asalraac ah oo aad u xidhxidhan. Markii inantiisa ay is caashaqeen Gabriel aabbihii, aad buu uga soo horjeestay oo laba cidood oo aan isu qalmin ayuu u arkay. Inantiina wuu ka masaafuriyey carradii ninka aan u qalmini ku caashaqay oo meel kale ayuu geeyey. Gabriel aabbihii jacaylkiisa odayga asalraaca ahi ku cunaduuban yahay kama calool go’ine gabayo calaacal ah iyo waraaqo cabasho ah ayuu isku dabiibay aayahana kaga wardhawray ilaa ugu danbayn odaygii ka daalay in uu kala ilaaliyo gabadhiisa iyo ninka uu gunta u arko ee ay is calmadeen. Sidaasna ay isu guursadeen. Sheekada Gabriel ee “Love in the Time of Cholera/Caashaqa waagii koleeraha (1985)”  ayaa dib u werinaysa sheekada jacaylkii aabbihii iyo hooyadii ee awowgii ku cunaduubnaa.   

Tiro buugaag ah oo kale oo ay ka mid yihiin Chronicle of death foretold (1981), Memories of my Melancholy (2004), Of Love and other demons (1994), Strange pilgrims (1992), iyo waxsoosaar jiraaleed oo kale  ayuu Gabriel leeyahay. Suugaantisu waxay ibafur u tahay jaad suugaaneedka ‘Magical realism’ oo isagu aabbe u yahay. Af Isbaanishka uu wax ku qori jirayna wuxuu noqday dadka waxoosaarkiisa loogu akhris iyo turjumaad badan yahay.  Labo buug oo Gabriel leeyahay ayaa Af Soomaali loo turjumay. Waa sheekada uu isaga laftiisu sheegay in ay dookhiisa tahay guud ahaan qoraalkiisa ee Kornaylka Cidina Waxba uma Soo Qorto (No One Writes to the Colonel, 1961); iyo sheekada kale ee Saacad Baas (In Evil Hour, 1962).

Buugga cusub ee Gabriel Garcia Marquez, waa waxsoosaarkii ugu danbeeyey ee uu qoro. Xanuunka xusuus lunka (dementia) isaga oo la ildaran ayuu qoray, sidaas darteed ayuu inammadiisa uga codsaday in aanay buugga daabicine ay baabi’iyaan. Sheekada buuggu kama xiisa badna waxsoosaarkiisii hore, wax se dhadhanka u yeelay waa in Gabriel Garcia Marquez oo toban sannadood mootan akhristayaashiisu khaanadaha maktabadaha dunida ku  arkaan buug aan hore loo arag oo uu qoray. 

Falka Ana Magdalena  caadaysanayso mar kasta oo ay xawaalka hooyadeed booqato mid kasta sheeko gaar ah ayaa ku lammaan. Sidii waxsoosaarka Gabriel Garcia Marquez lagu yaqaannay, waa suugaan degaamaysan. Cimilada roobban ee habeenka ugu horreeya jawiga baarka yar ku gadaaman, nolosha dadka tuulada, kaymaha Xawaalka hooyadeed ku yaallo, isbeddelka ku dhacaya degaanka iyo sida dadka dhaladka ah aanu noloshooda u saamaynayne ay faqriga iyo darxumada u xejisanayaan, hoyga ay Ana Magdalena ka soo kicitintay, wiilka muusigyahanka ah ee ay u dhaxday iyo werwerka ay ka qabaan inantooda yare ee doonaysa in ay wadaadda noqoto ayay sheekadu isaga gudbaysaa. Waa daaqad cusub oo Gabriel mar kale dhushinka hoose nolosha aadamaha inaga barayo. Sidoo kale waa daaqad cusub oo aynu ka baranayno wax cusub oo ku saabsan waxsoosaarkii Gabriel Garcia Marques. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Madhaafaanka Fanka