Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Faallo Buug: Jidka Isbaabbi’inta Soomaaliya

10 May, 2024
Image
Book cover, the road to zero, Somalias self destruction
Share

Buugga The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction ee uu qoray Danjire Maxamed Cusmaan Cumar waa buug heer sare ah oo qoraagu kaga warramayo waayihiisii nololeed ee muddadii dheerayd ee uu u shaqaynayay dawladdii Soomaaliya laga soo bilaabo 1957 ilaa 1991. 

Sheekada buuggu werinayo waa mid xiise iyo niyadjabba leh qoraaguna si qalbitaabasho leh ayuu u soo gudbinayaa. Iyada oo aad qalinkiisa ka dhadhansanaysid run sheegnimo iyo waddaninimo ayuu qoraagu ku bilaabayaa isaga oo ilmo yar oo ardaya ah oo marqaati ka ah dalkiisii oo labo dawladood oo shisheeye ahi milkiyaddiisa ku kala wareegayaan, isaga oo dawladdii daakhiliga u shaqaynaya ka dib xorriyaddii 1960kii waxa uu noqonayaa mas’uul sare oo wasaaradda warfaafinta u shaqeeya ka dib isaga oo arday ah oo Shiinaha jooga una doodaya xuquuqda ardayda Afrikaanka ee Shiinaha joogtay, isaga oo qabanqaabinaya muddaaharaad looga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya ku haysato dhulka Soomaaliyeed iyo dawladdii Shiinaha oo ka soo horjeesatay, ugu dambayn waxa uu noqonayaa diblomaasi u shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda iyo Danjire Soomaaliya u joogay dalal badan ilaa Soomaaliya lagu kala yaacay 1991. 

Danjire Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu Muqdisho ku dhashay sannadkii 1937, London ayuuna ku dhintay 2014. 

Sannadkii 1950kii isaga oo arday ka ah iskool uu maamulayay maamulkii millatariga Ingriiska ee Soomaaliya xukumayay 1941-1950kii ayaa macallimaddii iskoolka u dhigi jirtay oo Ingiriis aahayd isaga iyo ardaydii kale subax u soo dareerisay barxadda guriga dawladda (aqalka dawladda hoose ee Muqdisho hadda ku shaqayso) si ay goobjoog uga noqdaan xafladdii maamul-wareejintii Ingiriisku talada dalka ugu celinayeen dawladda Talyaaniga iyada oo la fulinayo go’aankii Qaramada Midoobay ee 1949kii kaas oo go’aamiyay in maamulka koofurta Soomaaliya loo dhiibo Talyaaniga muddo 10 sannadood ah Qaramada Midoobayna ku korjoogtayso. Qoraagu waxa uu sheegay in isagu uusan waxba ka fahamsanayn waxa dhacayay balse ay xusuus gaar ah ku reebtay ilmadii ka dhibcaysay indhaha macallimaddiisi markii ciidanka baambaydu garaaceen astaanta calanka Boqortooyada Ingiriiska markii calanka boqortooyada la dejinayay kan jamhuuriyadda Talyaanigana la surayay figta sare ee guriga dawladda. Ka sokow saamaynta ay qoraaga ku yeelatay in indhihiisa oo shan ah dalkiisa dawlado shisheeye iska dhaxlaan, taas oo uu dabcan la qabay Soomaalida kale, waxa isaga si gaar ah saamayn ugu yeeshay isbeddalka ku dhacay waxbarashadiidi maadaama maamulkii iyo macallimiintii iskoolku horay u raaceen taliskii ciidanka Ingiriiska ee talada wareejiyay. Intaas oo kaliya maahane xataa afkii uu wax ku baranayay (English) ayaa la beddelay oo af Talyaani ayaa laga dhigay. 

Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu nasiibdarro wayn ku tilmaamay go’aankii Qaramada Midoobay ku go’aamisay in koofurta Soomaaliya dib Talyaaniga loogu soo celiyo, waxa uu na doorbidi lahaa in dawladda Ingiriisku sii maamusho dhulwaynaha Soomaalida marka laga reebo Jabuuti oo Faransiisku gacanta ku hayay. Sida la og yahay, qoraaguna buuggan ku xusay, sannadkii 1947dii xoghayihii arrimaha dibadda Ingiriisku waxa uu soo jeediyay qorshe lagu midaynayo dhulalka Soomaalida marka Jabuuti laga reebo ka dibna loo dhisayo hal maamul oo Ingiriiska hoostaga. Qorshahaas oo ku caanbaxay “Bevin Plan” ma suurtagalin ka dib diidmo kaga timid Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti, iyo ururradii siyaasadda ee Soomaalida oo ayaguna ka cagajiiday in ay Ingiriiska doortaan. Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu is waydiiyay sababta xisbigii Leegada (SYL) oo Soomaliwayn midaysan u dagaallamayay uu u dooran waayay qorshihii Ernest Bevin. Danjiruhu waxa uu ku dooday in dawladda Ingiriiska oo ka caraysan diidmadii qorshaheeda ay Soomaalidu ku diideen ay aargoosi ahaan dhulalka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed iyo NFD u gacangalisay Itoobiya iyo Kiiniya. Waxaa xusid mudan in Leegadu diiddanayd Ingiriiska iyo Talyaanigaba ay doonaysay xorriyad buuxda.

Qoraagu sannadkii 1954 isaga oo arday 17 jir ah ayuu shaqadii ugu horraysay ka bilaabay waaxda tirakoobka dadweynaha ee dawladda. Waxa uu sheegay in waaxda tirakoobka uu nin Talyaani ahi madax ka ahaa markii uu shaqada u dirayayna uu ninkaas Talyaaniga ahaa faray shaqaalihii tirakoobka Muqdisho ka samaynayay in soo tiriyaan dadka magaalada, guryaha iyo hantidooda balse aysan tirakoobka ku darin dadkii Hindida ahaa ee waqtigaas magaalada si wayn u degganaa. Qoraagu waxa uu leeyahay "ma garanayo sababta Hindida tirakoobka looga reebay." Intaa dabadeed, qoraagu waxa uu ka shaqo bilaabay xafiiska boostada halkaas oo uu ka noqday maqalhaye (cashier). Intii maqalka uu joogay qoraagu waxa uu ka sheekeeyay labo dhacdo oo ku qabsatay halkaas kuwaas oo xorriyaddii ka dib dhaqan ka noqon doono xafiisyada dawladda. Qoraagu waxa uu yiri: “Maalin ayaa waxaa dhacday in nin maqalhaye ahaa uu 4000 oo shilin siiyay nin watay aqoonsi (ID) askari boliis ah. Balse qofka aqoonsiga sitay ma ahayn askarigii aqoonsiga lahaa. Maalmo dabadeed ayaa la ogaaday in askarigii aqoonsiga lahaa uusan magaaladaba joogin taas oo qasabtay in boostadu lacagtii guddo. Warkii ayaa gaaray Cabdullaahi Ciise oo ra'isul wasaaraha ahaa markaas ayuu soo saaray wareegto faraysa in dadka lacagaha iyo alaabaha kale boostada ka qaadanaya faro laga qaado. Markii amarkaasi dhaqangalay ayaa waxaa boostada iigu yimid nin Soomaali ah oo si fiican u labbisan. Markii aan aqoonsi ka qaaday oo alaabtii miiska u soo saaray ayaan ka codsaday in uu suulkiisa khadda daro laakiin ninkii inta uu xanaaqay ayuu yiri ‘ma anigoo diktoor hebel hebel ah oo 20 sannadood wax soo baranayay ayaad i leedahay suulka khad darso?’ Si deggan ayaan mudanaha ugu sheegay in amarkaani yahay mid ra'iisul wasaaruhu soo saaray yahayna mid hantida ummadda lagu ilaalinayo. Laakiin diktoorku waxa uu yiri ‘xataa Cabdullaahi Ciise igu ma amri karo in aan suulka khad darsado.’” Dr. Hebel hebel waxa uu ka soo noqday Talyaaniga oo uu sharciga iyo qaynuunka ku soo bartay. 

“Maalin kale askari boliis ah oo yunifoomkii ciidanka labbisan ayaa boostada yimid. Markii aan aqoonsiga waydiiyayna si xanaaq ah ayuu iigu yiri ‘u ma jeeddid miyaa in aan yunifoomkii ciidanka qabo?’ ‘Yunifoomka waa lagaa xadi karaa’ ayaan ugu jawaabay. Markii aan shaqada dhammeeyay askari ayaa bannaanka igu sugayay iguna wargaliyay in saldhigga boliiska la iga rabo. Markii aan saldhigga tagay waxaan ugu tagay sarkaalkii oo xafiis fadhiya. Qaylo iyo handadaad ayuu dhagaha ii saaray waxaana uu ii raaciyay ‘reer Xamarkiinaan xorriyad ayaan idiin keennay markaas baad askartii bahdilaysaan.’ ‘Boostada ayaan mardhow kuugu imaanayaa’ ayuu ii sii raaciyay. Markii uu xafiiska yimid waa ku qasbanaaday in uu aqoonsigiisi dhiibo.”

Qoraagu waxa uu sheegay ayaamo ka dib uu ka shaqo bilaabay aqalka baarlamaanka, shaqadiisuna ahayd qoridda iyo tarjumaadda qoraallada iyo khubadaha baarlamaanka. Balse waxaa la yaab ahayd in wasiirka dastuurku ahaa ninkii diiday in uu u hoggaansamo xeerkii ra'isul wasaarihiisa. Qoraagu waxa uu sheegay in sarkaalka boliiska ah oo laga yaabo in uu noqdo taliyaha boliiska qaranka xorriyadda ka dib iyo sharciyaqaankii wasiirka dastuurka noqday ahaayeen labadii qof ee xeerarka dalkooda difaaci lahaa balse ay cagsigeeda ku dhaqmeen. 

Dhammaadkii sannadkii 1960kii Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu waxbarasho u aaday dalka Shiinaha. Danjiruhu waxa uu buuggaan ku xusay dhacdo xusid mudan oo dalka Shiinaha ku qabsatay. Waqtigaas uu waxbarashada Shiinaha u joogay waxay ahayd kol gobonimodoonka Afrika iyo Eeshiya oo cirkaas marayay dawladda Shiinaha oo galbeedku go'doomiyeenna si wayn bay u taaageersanayd gobonimodoonka dadyowga dhulalkooda caddaanku dulsaarnaa. Sidaas darteed ayaa dawladda Shiinuhu arday badan Afrikaan ahaa oo dalkeeda joogay u abaabushay bannaanbax wayn in ardaydu dhigaan kaas oo laga ga soo horjeedo gumaysiga cad ee dalalkooda haysta balse ardaydii Soomaaliyeed ee Shiinaha joogtay bannaanbaxana wax ka abaabulayay waxay gumaysiga lagu bannaanbaxayo ku soo dareen Itoobiya arrintaas oo dawladda Shiinuhu qalad u aragtay. Dawladdu waxay u yeertay ardaydii Soomaaliyeed u na sheegtay in aan arrimaha Afrikaanka dhexdooda ah bannaanbaxa lagu soo darin. Dabcan Shiinuhu bannaanbaxa waxay ku magacdilaysay dawladaha Yurub ee dagaalku ka dhexeeyay khilaafyada xudduudaha ee dalalka Afrika sida Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyana wax wayn u ma aysan arkayn ama jaahilnimo ayaa ka haysay oo ma aysan ogayn in Itoobiya gumaystihii Yurub kala shaqaysay qaybsiga Afrika dhulka Soomaaliyeedna ay sidaas ku qabsatay. Yeelkeed e, ardaydii Soomaalidu waa ay ku adkaysteen go’aankoodii ahaa in ay bannaanbaxa la yimaadaan boorar iyo halkudhigyo Itoobiya ka dhan ah. Iskudayo badan oo ay sameeyeen ardaydii Afrikaanka ahayd kuna doonayeen in ay Soomaalida uga dhaadhiciyaan in bannaanbuxu yahay mid laga ga soo horjeedo gumaysiga cad waa fashilmeen markii Soomaalidu ku doodeen in gumaysi gunaysi un yahay midabna uusan lahayn. Sidaas ayaana ardaydii Soomaalidu kaga baaqdeen ka qaybgalka bannaanbaxaas. 

Sannadkii 1968 Maxamed Cusmaan waxa uu ka shaqo bilaabay safaaraddeenna magaalada London oo markaas uun dib loo furay ka dib xiriir kala furashadii Soomaaliya iyo Ingiriiska 1963dii ka dib markii dawladda Ingiriisku iska indhatirtay aftidii Soomaalida NFD ku go’aansadeen in ay walaalohood Soomaaliya raacaan ayna ku dartay Kiiniya taas oo Soomaaliya si wayn uga caroortay ka dib na xiriirka u jartay Boqortooyada Ingiriiska. Danjire Maxamed Cusmaan ilaa iyo 1972 ayuu London joogay. Isaga oo London jooga ayaa na la dilay madaxweynihii dalka, Cabdirashiid Cali Sharma’arke (Eebbe ha u naxariistee). Danjire Cusmaan waxa uu buugga ku sheegay in dilka Cabdirashiid uu ka ogaaday telefishanka BBC. Isla 1972 ayaa Danjiraha xukuumaddii kacaanku u wareejisay safaaraddeenna Bayjiin, Shiinaha ka dibna waxa uu noqday madaxa baratakoolka ee wasaaradda arrimaha dibadda xilkaas oo uu hayay muddo lix (6) sannadood ka badan.

Waxyaabaha kale ee qoraagu buugga ku xusay waxaa ka mid ah musuqmaasuqii iyo kutagrifalkii awoodda ee maamulkii askarta ee Maxamed Siyaad hoggaaminayay. Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu buuggiisa ku qoray in 1981dii isaga ka mid ah wafti madaxweyne Maxamed Siyaad Barre horkacayay oo booqanayay magaalada Room ay qabsatay dhacdo uurkutaallo ku reebtay. Waxa uu yiri “aniga oo sii galaya hoteelka Hilton oo madaxweynuhu degganaa ayaa askari ka mid ahaa ilaalada madaxweynuhu feer sanka igu jabiyay bilaa sabab. Waan wareeray balse dhulka ku ma aanan dhicin. Inta aan wajiga soo mayrtay ayaan madaxweynaha u galay. Markii aan u tagay ayuu madaxweynuhu ii sheegay in uu maqlay waxa igu dhacay balse madaxweynuhu iga ma raalligalin khaladka ilaaliyihiisu igu sameeyay in uu ka xun yahayna xataa ii ma muujin. Askarigii feeray sarkaal sare oo wasaaradda arrimaha dibadda ka tirsan wax tallaabo ah ka ma uusan qaadin.” Danjiruhu waxa uu sheegay in falka askarigaasi ahaa mid dhaqan u ahaa maamulkii Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya u beddelay “police state" ku xadgudubka muwaaddiniintu caado u yahay. 

Dhacdooyinka uurkutaallada leh ee qoraagu maamulkii askarta ka weriyay waa badan yihiin waxaan se ka soo qaadanayaa dhacdo ka dhacday mar aan ka fogayn burburkii maamulkii Maxamed Siyaad markaas oo qoraagu ahaa danjireheenna Hindiya. Waxa qoraagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibaddu safaaraddeenna Hindiya ku amartay in baasaboorka safaaraddu bixiso qiimihiisa ay ka dhigto $100 iyada oo Muqdisho baasaboorka looga qaato qiime $20 ah. Waxa kale oo wasaaraddu amartay safaaradda in lacagta doolar ahaan lagu qabto ka kibna lagu diro akoon bangi oo ka furan magaalada Dubaay taas oo ahayd sharcidarro qaawan. Waxa kale oo iyaduna sharcidarro dalka Hindiya ka ahayd in doolar wax lagu kala iibsado, sharcigaas oo safaaradaha dalalka shisheeye ee Hindiya ku yaal qabanayay. Danjiruhu waxa uu buugga ku qoray in arrintaasi u cuntami wayday fulinteedana uu ka cagajiiday go’aansadayna in uu Muqdisho tago arrintana u sheego madaxweynaha dalka. Markii uu madaxweynaha la kulmay arrintiina u sheegay madaxweynuhu waxa uu ugu jawaabay “u tag wasiirka wasaaradda.” Balse Danjiruhu waxa uu madaxweynaha ku yiri “madaxweyne wasiirku adiga ayuu igu kaa soo celinayaa oo madaxweynaha u tag ayuu igu leeyahay, aniguna waqti ma haysto oo waan noqonayaa.” “Dhawr maalmood ka dib igu soo noqo” ayuu madaxweynuhu Danjiraha ku yiri. Danjiruhu waxa uu yiri “saddex maalmood ka dib markii aan madaxweynaha ku soo noqday oo arrintii aan xusuusiyay madaxweynuhu waaba xusuusan waayay arrinta aan kala hadlayo oo maba uu xusuusto in aan dhawr beri ka hor u imid iyo wixii aan kala hadlay.” 

Dhacdo kale oo xiise leh waxa ahayd markii uu Maxamed Cusmaan ahaa danjireenna dalka Suudaan bartamihii 1980aadkii. Waxa uu danjiruhu sheegay in ay xafiiskiisa safaaradda si keli keli ah ugu soo booqdeen danjirayaasha dalalkii bariga iyo Yurub ee shuuciga ahaa iyo kan dalkii Midowgii Soofiyeeti dalalkaas oo xiriirkii aan la lahayn xumaa tan iyo 1977. Waxaa se ugu xiise badan booqashadii uu danjiraha Soofiyeetku ugu yimid danjire Maxamed Cusmaan. Danjiruhu waxa uu yiri “markii aan is nabdaynay oo fariisannay ayuu danjihii Soofiyeetku si qayaxan iigu yiri ‘maxaad Itoobiya ka rabtaan?’” Danjire Maxamed Cusmaan oo buugga ku sheegaya in waydiinta danjiraha Soofiyeetku ahayd mid ka baxsan luqadda diblomaasiyadda ayaa yiri "waxba ka ma rabno Itoobiya, waxa keliya ee aan Itoobiya ka rabnaa waa in ay ka guuraan dhulkeenna ay gumaystaan. Waxaan nahay dal hantiwadaag ah, Itoobiya na waa dal hantiwadaag ah. Gardaadiyeheennii Lenin waxa uu na baray in ay xaaraan tahay in dal Sooshaliiste ahi uu dal kale oo Sooshaliiste ah gumaysto. Jaalle Danjire waxa aan filayaa in aad taas la qabtid Jaalle Lenin. Haddaad Raashiyaan tihiin xaqiiqo ahaan faylasha ciidankiinna iyo kuwa saaxiibbadiin Kuuba waxaad ku aragteen itaalka Soomaalida iyo waxa ay samayn karaan. Haddii ciidankiinna iyo khubarradiinna Soofiyeetka iyo saaxiibbadiina Kuuba aysan Itoobiya garabsiin lahayn, waad og tihiin oo qirsan tihiin sida aan Itoobiya u gali lahayn. Marka labo qolo isdagaasho dabcan mid ayaa guuldarraysanaya, maanta idinka ayaa Itoobiya la jira, markaas waxaan kugu leeyahay u sheeg Itoobiya in ay gobonimo siiso dadka Ogaden. Idinka ka hor gumaysi kale oo hadda tagay ayaa geyiga joogay, idinkuna jidkii kuwaas hore mareen ayaad ku joogtaan. Waxaad la mid tihiin iskoobbe, Soomaaliduna waxay la mid tahay sagxaddii iskoobbaha lagu nadiifinayay, sida iskoobbaha oo kale ayaad intaad rifantaan u dhammaanaysaan halka Soomaaliya u jirayso oo u joogayso sida sagxadda.”

Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu  sheegay in intaas ka dib uu danjirihii Soofiyeetku yiri “waxaad tahay nin isla wayn,” aniguna waxaan ugu jawaabay “maya, mudane, waxaan ahay nin qab leh.”

Danjire Maxamed Cusmaan waxyaabaha kale ee uu buugga ku xusay waxaa ka mid ahaa nidaamka shuuciyadda ee taliskii ciidanku dalka ku soo rogay iyo qabyaalad la dirirkii afka baarkiisa ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Danjiruhu waxa uu uu ku dooday in qaadashada shuuciyaddu ahayd go’aan qaldan oo taliskii Siyaad Barre ku kacay isaga oo sheegay in Maxamed Siyaad iyo raggii kale ee hoggaanka hayay aysan nidaamka shuuciyadda ee ay dalka ku soo rogeen waxba ka aqoon wax aragti ahna aysan ka haysan. Sidaas oo kale qoraagu waxa uu Maxamed Siyaad ku eedeeyay in aysan waxba ka jirin la dirirkii qabyaaladda ee taliskiisu sheegan jiray bal e Maxamed Siyaad ahaa nin qabyaaladda ku dhaqma dadkana ku kala qaybiya. Waxa uu qoraagu yiri “Maxamed Siyaad habeenkii odayaasha qabiillada ayuu u wacan jiray isaga oo qaarkood lacag siinaya qaar kalana hub.”

Danjiruhu waxa kale oo uu taliskii Maxamed Siyaad si wayn ugu dhaleeceeyay dilkii culimadii ka soo horjeesatay xeerkii qoyska sanandkii 1975tii xeerkaas oo ahaa mid lid ku ah aayado Qur'aanka ka mid ah. Danjiruhu waxa uu maalin madow oo murugo ku tilmaamay maalintii culimadaas la laayay.

Ugu dambayn, buuggani waa buug qiime badan ahna kayd iyo waxsoosaar muhiim u ah baarayaasha sooyaalka siyaasadeed ee dalkeenna iyo dadka jecel barashada sooyaalka iyo siyaasadda dalkeenna. Sida oo kalana waa buug gacansiinaya dadka ku hawllan xal u heliidda mushkiladaha dabada dheeraatay ee dalkeenna ka taagan.

Qoraallada kale ee qoraaga