Skip to main content

Friday 17 May 2024

Fan

Saado Cali Warsame: Astaantii Fanka & Siyaasadda

26 April, 2024
Image
Sado Ali warsame
Sado Ali warsame
Share

(I)

Dharaartii ay bisha Jannaayo 11 ahayd, sannaddii 1989, ayay Saado Cali Warsame u baxday masraxa qaranka ee Xamar, oo ay ka socotay munaasibad lagu xusayay warbaahinta iyo doorkeeda; waxay rabtaa in ay heesteedii caanka noqotay ee Laangaruusal ka hor qaaddo madashaa laga buuxo ee uu xataa joogo madaxweynihii dalka, Maxamed Siyaad Barre, iyo badi madaxdii xukuumaddiisu. Erayada waxa lahaa abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Cabdi Muxummad Amiin. Maalintaa waxa afaafka masraxa tubnaa baabuur nooca laangaruusalka ah oo qiyaastii 150 gaadhi gaadhaya oo ay wateen masuuliyiintaa iyo qoorweyntaa Soomaali xilka u haysa.

Sannadihii 1980nadii, dawladda Soomaaliya waxa ku furnaa qulqulatooyin, mucaaradka hubaysanina dalka aad buu ugu soo badanayay oo waxa laga gedoodsanaa siyaasadda taliska ee jaantaa-roganta noqotay. Abaaro ayaa degaannada badankooda halakeeyay, waxana ka sii dartay xaaladdii qaxootiga iyo barakacayaashii ka dhashay dagaalkii Soomaaliya & Itoobbiya ee 1977-78. Sicirbararkii ayaa xadka ka baxay, dalkuna wuxuu si aan kalahadh lahayn ugu tiirsamay gargaarka shisheeye. Fulintii dawladdu way isa soo dhimaysay, waxayna ku soo ururaysay caasimadda Muqdisho, oo waxa suququl iyo mashaqo ka taagnayd biyaha iyo korontada. Isaga oo xaal sidaa yahay, ayay dabaqadda talisa iyo ciddii ka ag dhawiba caadaysteen in ay jidadka magaalada ku xarragoodaan baabuurta Laangaruusallada. Waagaa Laangaruusalku wuxuu astaan u ahaa in qofku ladan yahay oo fulin leeyahay.

Erayada heestu waxay ku jeesjeesayaan maanka gurracan iyo garashada jaan ee qofka baabuurkan raaxada iska soo iibsanaya isaga oo haddana dunida u dawersi tegaya si uu uga soo helo raashin uu dadkiisa u keeno; waxayna heestu su’aal gelinaysaa micnaha uu Laangaruusalku ku samayn karo magaalo korontada iyo biyuhuba ka go’an yihiin.

Masrixii waa la wada aamusay. Saado, maalintaa, waxay si xarrago leh dhabannaano iyo dharbaaxo xooggan ugu dhufatay siyaasiyiintii meesha joogtay, waxayna ka maadsatay siyaasaddooda iyo baabuurradoodaba. Fiidnimadii ayaa se xubno ka socda haayaddii Nabadsugidda Soomaaliyeed (NSS) ay u soo daateen gurigii Saado oo ay kala baxeen. Waxay geeyeen xaruntii haayadda ee degmada Beexaani, oo muddo lagu hayay.

Saado iyada oo xidhan ayay haddana sii wadaysaa in ay siyaasadxumada taliska ka sii maadsato oo qaawiso. Iyada oo xafiiskii denbibaadhaha joogta ayay hadallo yoolbaadh ah kaga dhex gelaysaa. Marka kowaad waxay ku dhahaysaa, “Waa kulayl, ee mukeefka ma shidi kartaa fadlan?” Wuxuu ugu jawaabayaa in korontadiiba maqan tahay. Haddana mar kale ayay ku odhanaysaa: “Waan oomay, ee koob biyo ah ma idin ka helayaa?” Denbibaadhuhu mid kaaliyayaashii ka mid ah ayuu warsanayaa, “War horta biyihii ma soo laabteen mise weli sidii bay u go’an yihiin?” Saado kolkaas bay si amakaag leh u wayddiinaysaa: “Oo walaal, haddaa maxaad igu haysataan intaas uun baan ku heesaye!” Denbibaadhuhu inta uu is madax maro ayuu amrayaa in Saado lagaga celiyo qolkii ay ku xidhnayd.

In kasta oo heesta midhaheedu iska fudud yihiin, misana waxay ka mid noqotay heesihii ugu caansanaa ee sida ugu weyn u faafay sannadkaa, maxaa yeelay waxay taabatay xaaladihii ka sii darayay ee waddanka waxayna isku soo aadeen xilli shacabku aad u gedoodsanaa.

Waxa ismageydo ah in iyadoo sidaas ah, haddana Saado Cali Warsame lagu sharfay munaasibaddii sannadkii cusbaa ee 1990 oo loo doortay fanaanaddii ugu fiicnayd sannadkii tegay ee 1989. Xafladdan waxa soo agaasintay wakaaladdii idaacadaha iyo telefishanka Soomaaliyeed waxana xulashada lagu saleeyay dhanbaallo ay dadweynuhu u soo codeeyeen fannaanka ay kaalintaa siinayaan.

 

(II)

Sooyaalka faneed ee Saado Cali wuxuu ka soo bilawday Muqdisho iyo macallinkii fanka iyo suugaanta ee kulliyaddii Lafoole, Siciid Saalax Axmed. Macallin Siciid wuxuu ka warramay xasuusta kulankoodii kowaad oo ku beegan bishii Oktoobar ee 1973, iyada oo markaa lagu jiro diyaargarawga riwaayaddii Tusmo iyo Tawaawac oo uu allifay Maxamed Ibraahin “Hadraawi,” oo maalmahaa ku maqnaa Rooma oo uu kaga qaybgelayay bandhigga filinkii Soomaaliyeed ee Dan iyo Xarrago. Siciid Saalax wuxuu ka sheekeeyay in riwaayaddaa ay dhigi lahaayeen uu ka bannaanaaday boos jilaa oo ay ka baxday mid ka mid ah fannaaniintii ku qornayd [Canab Diiriye]. Dabadeed qof ay saaxiibbo yihiin ayaa u kaxeeyay qol yar oo ku yaallay xaafadda Hodan. Waxay u galeen Saado oo giitaar loo tumayo si dareen lehna u heesaysa. Dabadeed wuxuu wayddiiyay “ma rabtaa in aad masrax ka heesto?” Kolkaas bay si aan labaclabac lahayn haa ugu jawaabtay. In kasta oo riwaayaddaa la mamnuucay oo dawladdu ay si rasmi ah u joojisay, haddana waxay taasi ahayd waaya’aragnimadii kowaad ee toos ah ee Saado ku xidhay fanka, iyo markii kowaad ee ay la falgashay bahda fanka iyo mu’llifiinta reer Lafoole, oo ay jaalnimo iyo wadashaqayni dhex mari doonto tobannaanka sannadood ee soo socda.

Saado waxay hooballadii Waaberi ku biirtay 1974, oo waxa soo jeediyay in kooxda lagu daro: Maxamed-Cali Kaariye; Maxamed Ciise Cabdi oo ahaa maareeyihii Masraxa Qaranka ee Muqdisho; iyo Idiris Cigaal oo ahaa maareeyihii Masraxa Qaranka ee Hargeysa.

Lixdii Jannaayo, 1974, ayay Saado qaadday heesteedii kowaad ee Cunnaabi oo ay talantaallinayeen Muuse Ismaaciil "Qalinle." Laga bilaabo dharaartaa ay masraxa heestaa ka qaadday, waxsoosaarkeeda faneed toobiyaha ayuu qabsaday, ilaa ay muddo gaaban gudaheed kaga mid noqotay hablaha fannaaniinta ah ee ugu caansan uguna muhiimsan saaxadda faneed ee dalka. Waxay sidoo kale ka qaybqaadatay riwaayado iyo bandhigyo waaweyn oo ka dhacay waddanka gudihiisa, iyo debaddiisa sida Ruushka, Kuuriyada Waqooyi, Nayjeeriya iyo dalal kale.

Dhammaan dadkii ay soo wada shaqeeyeen oo isugu jira halabuurro iyo suugaanley kala duwan—oo ay ka mid yihiin Maxamed-Cali Kaariye, Maxamuud Cabdullaahi Singub, Siciid Saalax Axmed—waxay isku waafaqsan yihiin jaadgoonnimada fanka Saado iyo awoodda ay u leedahay in ay heeso dhaadheer dusha ka qabato isla markaana ay micnaha erayada ku soo gudbiso hab iyo hannaan ku habboon oo wata luuqdeeda macaan, jinniyadaha foolkeeda, iyo luuqaddeeda jidheed oo ay si xarriifnimo iyo xallad leh isugu midayso inta ay masraxa saaran tahay.

 

(III)

 

Saado waxay lahayd hubqaad aragga soo jiidanaya: dherer iyo hilboonaan ayay u dhalatay, indhaheeda midabka lawska leh ee jinniyadaha lehna waxa wehelinayay dhoolacaddayn indhadaraandar leh. Haddii la daawado muuqaallada Saado oo ka heesaysa munaasibado 1970nadii iyo ‘80nadii ah, waxa si cad u muuqanaya habboonida ay ku sifaysnayd, iyo maryaqaadashadeeda oo marka iminka la barbardhigo dad badan ula muuqan kara wax caadadhaaf ah, laakiin wax inooga sheegaya sida habluhu xor ugu ahaayeen dharka ay gashanayaan.

Riwaayaddii Hablayahow hadmaad guursan doontaan? ee ay Saado qaybta ka ahayd, guulo waaweyn ayay soo hoysay sannadihii siddeetannadii. Saado waxay ku jilaysay kaalinta gashaanti furfuran oo jecel bulshaynta, oo guursanaysa wiil la ciyaari kara oo nolosha la qaadan kara, maxaa yeelay waxay qabtaa in xooluhu aanay mudnaanta kowaad lahayn.

Waxay riwaayaddaa gashan tahay maro gacmo gaab ah iyo surwaal ku dheggan oo canqawga ka sarreeya, iyo suun cad. Timaha inta ay gaabsatay ayay midab widhwidhaya u yeeshay. Madaxana biin yar ayaa timaha u hayay, qalabkuna wuu u dhammaa. Waxay u ciyaaraysaa qaab nololi ka buuxdo, dhaqdhaqaaqeeduna si heer sarreeya ayuu ula jaanqaadayay habdhaca muusigga. Waxa la sheegaa in metelaaddeedaasi ay buuq iyo muran dhalisay oo dharkeeda loo arkayay dhiirranaan badan, waxa se aan qabaa in Saado ay riwaayaddaa ku soo bandhigtay xasuus faneed Soomaaliyeed oo aan weligeed guurayn oo ku aaddan muuqaalka quruxdu leedahay.

(IV)

Shakhsiyadda Saado waxa jaadgooni ka dhigayaa ma aha uun qaabka ay u heesi jirtay iyo wacdaraha ay masraxa ku soo bandhigi jirtay, muuqeeda bilicdu ku ladhan tahay, iyo soojidashadeedii birlabta ahayd—in kasta oo qodobbadan oo dhami ay hubaashii ka qaybqaateen korranaanta iyo jaadgoonnimada ay ku hirgashay—ee sidoo kale waxa ay lahayd shakhsiyad kakan oo aanu qofina ku soo koobi karin xayndaab cidhiidhi ah oo gaar ah.

Gabayaaga iyo suugaan-dhaadhiga Soomaaliyeed ee Ibraahin Cusmaan Axmed wuxuu, isaga oo qodobkan ka hadlaya, sheegay in Saado ay ku tilmaamnayd isudheellitirka dheddignimo debecsan iyo dhanka kale qaadashada kaalmaha ragga u kootaysan. Tusaale ahaan, hablaha fannaaniinta ah ee xilligaasi waxay ku koobnaayeen in ay qaadaan heeso ay allifeen raggu oo ku saabsan jacayl iyo waddaniyadda, halka raggu ay isku darsan jireen in ay masraxa ka heesaan, heesaha laxameeyaan, curiyaan, gabayo tiriyaan, riwaayadana allifaan. In kasta oo jewiga fanku uu sannadihii ‘70nadii iyo ‘80nadii ahaa mid furfuran oo ay haweenku si nool uga qaybqaadan jireen, haddana si aad u qeexan ayay kaalmuhu ugu kala soocnaayeen ragga iyo dumarka. Sidaas oo ay tahay, Saado xeerkaas hablaha jebiyay ayay ka mid tahay, oo waxay ku suntanayd in ay tahay haweenay curisa maansooyinka, xarakada fanka iyo suugaantana kaga qaybqaadata qaadhaankeeda halabuurnimo. Waxay curisay oo ay qaarkood xataa laxamaysatay, heeso badan oo ay ka mid yihiin Yaa Kuu Warrama iyo Naftaydaa Kuu Jirraban

Kolkii silsadaha maansooyinka ahi shaac baxeen, waxay abuureen doodo kulkulul oo ku saabsan qaddiyado siyaasadeed iyo kuwo bulsheedba; dawladduna si gaar ah ayay isha ugu haysay sida ay maansooyinkaasi kudalka u saamayn karaan, waxayna isu soo ururisay halabuurro Soomaaliyeed oo dalka ku sugnaa oo ay ka mid yihiin: Maxamed-Cali Kaariye, Maxamed Ibraahin “Hadraawi,” Cabdiqaadir Xirsi “Yamyam,” Axmed Faarax Cali “Idaajaa,” iyo kuwo kale oo ay ka dalbatay in ay ka jawaabaan. Silsaddii Deelleyda ayaa ka mid ahayd kuwii dhashay, oo sida beryahaa dhici jirtay maansadu waxay adeegsan jirtay agabyada ay ka mid yihiin afmaldaha, sarbeebta iyo hummaagyada aan saafnayn, oo ay ku dedi jireen dhaliisha ama ammaanta ay xukuumadda u hayaan. Saado haddaba waxay silsiladdii Deelley kaga qaybgashay, oo ay gabadha keli ah ku ahayd, labo maanso oo ay tirisay: Kaa Qaad Dadwaynuhu iyo Diiwaanku hay dhigo.

Saado waxay lahayd ruux fallaago ah oo aan mar keli ah liicin muddadii ay noolayd. Sidaa darteed, kolkii ay halabuurro dawladda taabacsani bilaabeen weerar qaabdarro ah oo qabiil ku salaysan, ee ay arrimihii la isku hayay oo dhan ka dhigeen muran qabiilaysan oo u dhexeeya Daaroodka iyo reeraha kale, Saado—oo ka mid ahayd fannaaniin iyo abwaanno kale oo ay isku mooqif ahaayeen—si weyn ayay u deedifaysay in la siyaasadeeyo fanka iyo suugaanta, oo sunta qabyaaladda lagu afuufo. Saado waxa lagu qaddariyaa in ay ahayd haweenayda keli ah ee ku jirtay afartan fannaan iyo abwaanno ahaa oo arrintan meel uga soo wada jeestay, haddana talisku keligeed ayuu xidhay oo ay jeelka ku qaadatay lix bilood oo xaqdarro iyo xanuun badnaa. Waa markii kowaad ee ay Saado iyo talisku isku dhaceen, ee la xabbisay, intii aan sannado badan ka dib mar kale lagu xidhin heesteedii Laangaruusal ee ay ka dhex qaadday masraxa qaranka oo uu odaygii dawladduna fadhiyay.

Kolka ay Saado sidaa uga hor imanaysay taliska, waxay burinaysay fekradda qaldan ee dhigaysay in rag iyo dumarba ay hooballada Waaberi yihiin afhayeenka dawladda, waxayna horseed ka noqotay in ay codkeeda faneed ku qaadato mooqifyo ay raggii iyo dumarkii kale ee ay fanka ku wada jirin badankoodu ka gaabsan jireen, iyada oo aan ka werwerayn cawaaqibta kaga iman karta.

Saado waxay ka heestay laxawga jacaylka, macaanka jeelqabka, iyo dhadhansiga nolosha. Sidoo kale waxay u heestay dalka hooyo iyo dadkiisa, waxayna ku dhiirratay kahadalka waxyaabo aan lagu badnayn iyo cadaabta la marsiinayay jasadka qarankii Soomaaliyeed. Kolka laga yimaaddo heesteeda caanka ah ee Laangaruusal, Saado waxay ka heestay duqayntii ‘80nadii ay dawladdu ku waddey gobollada waqooyi, waxayna afkooda ku heestay shacabkii sida aan aabayeelka lahayn ay ciidammadii ilaalada Madaxtooyadu ugu rasaaseeyeen garoonka kubadda cagta ee Muqdisho bishii Luulyo 6, 1990, ka dib kolkii shacabkii taarabbuunka fadhiyay ay ku fooriyeen judhii ay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre garoonka ku arkeen. 

Saado markii danbe Muqdisho ayay ku soo laabatay oo qurbihii Maraykanka way ka soo noqotay, halkaas ayayna degtay markeedii kowaad tan iyo intii dagaallada sokeeye qarxeen 1990nadii. Waxay ku talagalsanayd in ay ka qaybqaadato geeddisocodka dibudhiska qaranka. Dareenkeedii waddaniyadeed dartii ayay ugu biirtay Golaha Shacabka, laakiin kooxda argagaxisada ayaa dishay Luulyo 23, 2014. Sidaasna waxa ku soo gebageboobay socdaalkii nololeed ee astaan faneed oo dadweynaheeda garab taagnayd xilliyadii duruuftoodu ugu adkayd, noqotayna tusaale gaar ah oo mudan in la deraaseeyo, la gorfeeyo oo la muuneeyo.