Skip to main content

Friday 17 May 2024

Fan

Hibotep: Muusig Reer-guuraannimo

24 April, 2024
Image
Hibotep, Afrobeat, Afro trap music, DJ, hip hop
Hibotep
Share

Haddii inta aad yuutuubka gasho, “Hibotep” ku qorto kadibna natiijooyinka kuu soo baxa mid ka mid ah ku dhufato, wax yar kadib waxa aad is arki doontaa adigoo ku dhex lunsan codadka iyo muuqaalka hortaada ka daaran. Muuqalladu waxay u badan yihiin meelo magaalada ka baxsan, ama meelo u eg warshad laga guuray oo cidlo ah. Dad ayaa isku urrursan dadkaas bartankooda waxa taagan gabadh aad wajigeeda markiiba ka garanayso inay Afrikada Bari, gaar ahaan Soomaaliya, ka soo jeeddo. Arrintaas se waxaa kaa shaki galinaya kartida ay dadkaas oo dhan dhaqdhaqaaqooda ku xakamaynayso iyo kalsoonidda ay ku qabaan kartideedaas.

Codadka ay sida waalidnimadu ku jirto faraheeda ugu kala bedbeddalayso waxaad ka dareemaysaa isu eekaansho la’aan, kala gaddisnaan iyo khilaaf si farshaxanimo leh loogu dul heshiisiinayo teembo ay intooduba ka midaysan yihiin.

Hibo Cilmi oo ku caan ah magaceeda masraxa ee Hibotep, waa raabar, muusig-samayso, filin soo saare, dhiijeey iyo waxyaalo kale oo badan. Waxay Hibo ku dhalatay magaalada Addiis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay reerkoodu u qaxeen xilligii ay dagaalladda sokeeye Soomaaliya ka jireen. Hibotep muusiggeedu waa mid xambaarsan aragtiyo iyo falsafad faneed oo dhaafsan xayndaabka maaweelinta iyo murtida. Hibo waxay aaminsan tahay in uu muusiggu noqon karo buundo xidhiidhisa kala duwanaanshaha goobeed iyo xilliyeed; waliba haddii si daacadnimo ah loola falgalo waa mid xidhiidhin kara geerida iyo nolosha.

Waraysi ay majalladda Nataal la yeelatay, waxay Hibo ku sheegtay in qoyskeedu ahaa mid ku adag dhaqanka, laakiin hooyadeed ahayd qof nolosha aad ugu furfuran kuna dhiirrigalin jirtay in iyada iyo mataanteeda Hodan, oo hadda iyana sidoo kale dhiijeey ah, ay xor u noqdaan qaabaynta haybtooda si ka madax bannaan qabiil iyo xagjirnimaba. Laakiin arrintaasi waxay keentay in Hibo iyo mataanteeduba dhex gali kari waayaan Soomaalidii kale ee ay isku magaalada ahaayeen: “Af-Soomaaligayagu muu fiicnayn, iyaguna wey naga maadsan jireen oo na canjili jireen,” ayay waraysi kale ku sheegaysaa Hibo iyadoo ka hadlaysa xidhiidhka ay la lahaayeen Soomaalidii ay isku degaanka ahaayeen. Taasina waxay noqotay sabab ka mid ah waxyaalihii ku qasbay inay jid u gaar ah jeexato iskeedna u tallaabsato.

Si kasta oo ay Hibo jacayl weyn ugu haysay suugaanta, muusigga iyo fanka si guud iyo qaybihiisa kala duwanba, haddana ma aysan haysan albaab ay ka gasho. Arrintani waxay is beddeshay markay go’aansatay in ay magaalada Kambaala ee dalka Yugaandha ku booqato mataanteeda oo halkaas waxbarsho u joogtay xilligaa.

Kambaala markii ay sannad joogtay, waxay heshay dad ay dareen iyo ujeeddaba wadaagaan, waxaanay ku biirtay koox faneedda lagu magacaabo Ngeye Ngeye. Halkaas waxay ka samaysatay hoy ay iyadu is tahay si xornimo lehna wax ugu abuuri karto. Intaas kadib waxay bilawday barashada hannaanka dhiijeennimo, kaas oo ay ka heshay fursad ay ku kala barato codadka kala duwan, macnaha ay u taagan yihiin iyo waliba xidhiidhka ay codadkani wada leeyihiin iyo kay dadkaba la leeyihiinba.

In kasta oo la hoos keeni karo qaab muusigeedka Elecro Dance loo yaqaanno, haddana Hibo muusiggeedu kuma xaddidna qaab gaar ah ama cod soocan, balse waa mid socod joogta ah ku jira. Waa mid aad dhadhansigiisa dhulka badankiisa iyo xilliyo kala duwan ku mari karto, adiga oo deagaha oo keliya isticmaalaya. Habdhacyo seddexley ah iyo qaar afartaba buuxa inta ay ku dul saarto ayay Afrika afarteeda gees iyo dunidaba ku soo dawaafinaysaa: Adigoo Soomaaliya jooga ayay mar qudha kanaawaha (Gnawa) Morookaanka kuu kaxaynaysaa; adigoon waxba joogin ayaad haddana maqlaysaa dubsteb-kii Landhan; haddana halkaas iyo Jamayka ayaad raageyga (Reggae) u raacaysaa; intay ku yar dajiso iyadoo teembada ku xakamaynaysa garaaca wadnahaaga, ayay mar qudha kuula boodaysaa Bariga Dhexe kuguna raaxaynaysaa codad ay ka soo muunadaysatay muusigga hiddaha Carabta, laxanno Hindi ah iyo dhawaaqyo Mangooliyaan ah; dabadeed dhankaas iyo koonfurta Ameerika ayay codadka hibhobka kugu daaddihinaysaa. Sida ay iyaba sheegto markay nafteeda ka hadlayso, Hibotep muusigeedu waa reer-guuraanimo jaadgooni ah.

Hannaankeeda muusigeed waxaa loo qaybin karaa laba qaybood oo ay geerida hooyadeed kala badhayso. Intii ay hooyadeed noolayd muusiggeedu waxa uu ahaa mid dhulmareennimo iyo tijaabin ku astaamaysan. Hibo su’aalaha ay haybta iyo ahaanshaha ka qabtayna waxa jawaab u ahayd hooyadeed. Balse, markay hooyadeed geeriyootay, Hibo waxa ay gashay xilli kalaguur ah oo aad u adag, waxaana ay dib ugu noqotay su’aalaheedii haybdoonka ahaa.

Halkaas ayaanu ka bilaabmayaa wajiga labaad ee hannaanka Hibotep. Waraysi ay Sourdoreille la yeelatay siday ku sheegtay in horraantii Ingiriisi kaliya ay wax ku qori jirtay, taasna waxay ku sheegtay in uu ku qasbayay kakanaanta qaab dhismeedka iyo miisaanka maansada Soomaaliga. Laakiin hayb-raadiskii ay ku jirtay waxa ka dhashay inay luuqaddeedii Soomaaliga wax ku qorto. Heesihii ugu horeeyay ee ay Soomaali ku qortana waxa ka mid ahaa heesta la yidhaah “Pink Elightment” oo uu halhayskeedu yahay “Waan ku maqlaa”. Heestaasi waxay ka dhalatay xilligaa ay murugada ku jirtay. Maalin ayay maqashay codkii hooyadeed oo ku leh “Ma i maqashaa?” Dhacdadaasina waxay ku dhalisay in ay aragti muusig oo cusub la timaaddo, taas oo muusigga ka dhigaysa mid awood u leh in uu xidhiidhiyo nolosha iyo geerida.

Aragtidaasi ma saamayn sida ay muusiggeeda u aragto oo kaliya, balse sida ay u samaysana wax weyn ayay ka beddeshay. Waxay la timid farsamo ay u bixisay Industrial Shamanism oo ah hab ay codad hore iyo qaar cusub isugu tallaalayso, saarka iyo teeknaha isku barayso, tagtada iyo joogtada meel isugu keenayso, kuwa mootan si ay kuwa nool ee wali hiyiga ku haya hal mar ula cayaarsiinayso, iyadoo geerida uga fasax qaadaysa. Qaabkani waxaa uu fannaanadda shaqooyinkeeda ka buuxshay dareen qariib ah oo si maaddanimadu u buuxisay, si kalena rooxaani u ah. Waxaad heesaheeda qaar ka maqlaysaa codad ka imanaya habdhacyada mingiska, saarka, xadrada suufiyida, mezmuurka ortodhogaska kuwaas oo lagu tolayo baysaska traabka ee guuxa wayn (eeg heesaha Lunar Ritual iyo Maraakame). Heesaha Hibo waxay marmar u dhawaadaan in ay noqdaan nooca loo yaqaan “psychedelic” oo badanka lala xidhiidhiyo tajribooyinka jidh-ka-baxa iyo rooxaaniga ah.

Qaabkan ay la timid waxa uu Hibotep u noqday summad lagu garto muusiggeeda. Goobaha muusigga aan caanbaxsanayn (underground music) lagu daaro ee Afrika ku yaal badankooda waxay ku leedahay magac weyn. Soomaaligana qaab aan hore loogu heesin ayay Hibotep bilawday inay ugu heesto, taasina waxay si wayn uga caddahay heesaha ay samaysay sannadihii u dambeeyay sida AmberAncestry iyo walibana heestii aynu hore u sheegnay ee “Pink Elightenment”. Intaas waxa dheer in fannaanaddu heesahii hore ee Soomaaliga dib u samayso ama intay muunadaysato heeso kale ka sii dhanbasho, taasina waxay keentay in ay dad badani fankii Soomaaligee dagaalka ka horreeyay sababteeda ku bartaan. 

Majalladda faneed ee Residence ayaa sannadkii hore Hibotep ku dartay 15ka fannaan ee Afrikada Bari ugu dhagaysiga mudan. Halka ay majalladda Mixmag Hibo ku dartay 17ka haween ee gacanta weyn ku leh qaabaynta codadka Muusig-cayaareedda (dance music) Afrika. 

Maalinba maalinta ka dambaysa codadka ay Hibo hindistay koone kale oo caalamka ah ayay gaadhayaan. Hasayeeshee Hibo iyo muusiggeeduba ma aha mid laga yaqaanno geyiga Soomaalida, xitaa kuwa xiiseeya qaabka iyo codadka ay iyadu badiyaaba isticmaasho. Si kaste oo uu Hibo muusiggeedu u yahay mid reer-guuraanimo ay ku jirto, haddana waxaa laga arkayaa, gaar ahaan shaqooyinkeeda u dambeeya, in aanay codad qalaad goobo iyo xilliyo kala duwan kaliya ka doonan ee ay codadka iyo luuqadda ay haybta u leedahayna ku saydhiso lana falgaliso codadkaas qalaad ee ay u guurto. Waxay tani ku caddahay heesteeda “Pushing”. Arrintaasina waxay luuqadda Soomaaliga iyo habdhaceedaba u furaysaa albaab cusub oo ay ka galaan muusigga adduunka ee casriga ah. Waa arrin istaahisha in la dhiirrigeliyo. Habka ugu wanaagsan ee shaqo fan ah lagu dhiirrigeliyaana waa in la hadal hayo lana faafiyo inta la awoodo, taas oo suuragalinaysa in ay shaqadaasi yeelato koox taageerta iyo qaar naqdiya, labadaas fal ayaana gacmaha u wayn ku leh sii jiritaanka shaqo faneedda.

Hibo iyo walaasheed Hodan, oo loo waqaanno DJ Houdini, waxay hadda ku nool yihiin magaalada Kambaala, hannaankooduna hadda ayuu dhabbaha cagta saaray.

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Sooyaalka Fanka Hibhobka