Skip to main content

Monday 13 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Fan

Fan Jirraday

11 May, 2024
Image
Hooballada Waaberi
Hooballada Waaberi
Share

Bishii hore dabayaaqadeedii ayuu wargeyska The Economist faafiyay qoraal si qayaxan looga dhex arki karo doorka madaxbannaanidu ku leedahay bullaalidda fanka, iyo sida cabbudhintu u riiqdo hal-abuurnimada. Qoraalku waxa uu isbarbardhigayaa dhaqanka dadweynaha (pop-culture) ee labada Kuuriya, iyo sida uu waxsoosaarkooda faneed adduunka u saameeyay.

Labadan waddan muddo shan kun oo sanno ah ayay isku taariikh ahaayeen, dan iyo duruufna ka midaysnaayeen, ilaa laga soo gaadhayay dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, kolkaas oo ay noqdeen laba dal oo kala madaxbannaan. Sidaas oo ay tahay, maanta waxsoosaarka faneed ee Kuuriyada Koonfureed wuxu isaga gudbay afarta jiho ee adduunka, sida ay baabuurta iyo moobillada ay sanceeyaanba adduunka ugu baaheen.

Tobankii alban ee adduunka ugu iibsiga badnaa sannadkii hore, sida qoraalka lagu sheegay, kala badh waxay ka yimaaddeen Kuuriyada Koonfureed, guud ahaanna waxsoosaarka faneed iyo dhaqanka dadwaynooda ee ay adduunka u iibgeeyaan sannadkii 2022-kii waxa lagu sheegay 13 bilyan oo doollar. Waa lacag ka badan agab iyo adeegba waxa ay Waqooyigu adduunka u dhoofiyeen.

Fannaanka iyo hal-abuurka Koonfurtu waa u xor waxsoosaarkiisa, oo cidina ma cabbudhin karto, wax dan ahna kama laha maamulka dawladdu siday u arkayaan fankiisa. Tusaale ahaan filinka “The Parasite” oo 2022-kii abaalmarinta Oskarka ee sawirka ugu fiican ku guulaystay, wuxu toosh ku ifinaayay sinnaan-la’aanta ka jirta Kuuriyada Koonfureed. Sidoo kale hiboolayda dalku waxay soo ergisan karaan cid kasta oo waxsoosaarkooda ka kaalmaynaysa, sida qoraalka lagu faahfaahiyay. 

Si taa ka duwan, Kuuriyada Waqooyi kama jirto guud ahaan madaxbannaani uu qofku fankiisa ku soo bandhigi karo. Ruux kastaaba wuxu xor u yahay kaliya inuu dhaleeceeyo Koonfurta. Sidoo kale, in fankooda dunida kale saamayn ku yeesho iska daaye, muwaaddiniinta ayaan la oggolayn in fikir laga soo qaato. Kalitaliyaha iyo qoyskiisa ayuun bay ka iman karaan fikirradaha wacani. 

Waxa aynu si wacan uga dheehan karnaa isbarbardhigga wargayskaas sida ba’an ee kalitalisku u curyaamiyo hal-buurka, iyo sida uu fanku guud ahaan ugu dararo xorriyadda.

Innaga oo cabbirkaas sidanna aynu ku eegno fanka Soomaalida oo labadaa marxaladoodba maray; mar uu xorriyad haystay iyo mar uu cabbudhsanaaba sida kaa Kuuriyada Waqooyi. Intaa ka dib, labadaa meerto fanka ay iska dhaleen, oo dabcan ah kan maanta, ayaynu isla qiimayn doonnaa.

Fanku waa muraayadda bulshadu ka dhex aragto noloshooda, sida uu hoobalkii Maxamed Mooge ku sheegay waraysi laga qaaday 1982-kii. Wixii ka horreeyay Kacaanka, Soomaalida iyo fankoodu inta la og yahayba waa isla jaanqaadayeen, oo duruufta iyo heerarka nolosha Soomaalidaba waxaynu in badan oo ka mid ah ka dhex akhrisan karnaa suugaanta iyo sheeko-xariirooyinka jiilba jiil u soo gudbinaayay. Gabayadii Raage Ugaas, Cali-Dhuux, Salaan Carrabey, Cabdi-Gahayr iyo kuwii la midka ahaaba waxay si qayaxan inoo tusayaan noloshii dhaqan-dhaqaale ee bulshadii ay ku dhex noolaayeen. 

Gobonnimo-doonkii, xorriyaddii, ilaa dawladihii rayidka ahaa, kolkaas oo fanka casriga ahina dhegaha bulshada ku sii faafayay, hoobalku wuu madax bannaanaa, heesaha iyo riwaayaduhuna waxay isu dhigayeen in ay soo tabiyaan dareenka bulshada ka dhex aloosan. Sidoo kale maansayahanku waxa ay tirinayeen gabayo ay maamul-xumada, iyo eexda dawladihii rayidka ahaa ay kaga hadlayaan, mana jirin cid fikirkooda u soo raacaysay.

Qoraa Maxamed Daahir Afrax oo buuggiisa Fan-Masraxeedka Soomaalida isku dul taagay waayihii fanka ee xilligii dawladaha rayidka ah wuxuu yidhi: “Riwaayadihii, heesihii iyo maansadii toban-sannadlahaasi waxay wada sawiri jireen arrimaha taagan, ahna kuwa kor ku xusan. Inta ugu qiimaha badani waxay ahaayeen tarjamaad dhab ah oo cabbiraysa dareenka dadweynaha ee mirihii gobonimada.” 

Kolkii ay ciidanku afgambiga talada kula wareegeen 1969-kii, waxay xoog iyo xeeladba isugu geeyeen sidii ay u kala furi lahaayeen fanka iyo nolosha bulshada. Halkan waxa ka bilaabmi doona meertada labaad ee fanka.  Dhammaan kooxihii fanka, iyo cid kastoo hibo hal-abuurnimo lahayd ayaa la qarameeyay si ay u noqdaan codbaahiyayaal wixii maamulku rabo uun soo gudbiya, iyadoo la hirgaliyay nidaam lagu faafreebaayo waxsoosaarka hal-abuurka. 

Waxa abuurmay oo dhegaha bulshada la la qabadsiiyay fan aan la socon nolosha bulshada. Fan aan afka dadweynaha ku hadal ee afka taliska ku hadla. Fan mushkiladda ugu weyn ee uu soo bandhigaa tahay, jacayl wiil iyo gabadh u dhexeeya. Fan jirran oo xanuunkii uu dawayn lahaa isagu isu beddelay. Fan sawirka kaliya ee bulshadu ka haysataa yahay mid dareen jinsi iyo guulwadayn uun ka shaqeeya.

Sidaas oo ay tahay haddana hoobalka Soomaaliyeed qaabkaas ma wada noqon, ee waxa jiray mar walba hal-abuurro iyo fannaaniin u istaagay in ay hibadooda ku soo bandhigaan fankii bulshada la dhanka ahaa ee caafimaadka qabay. Qaarkood waa la dilay, qaarna xabsiyadaa lagu guray, kuwo kalena firdhad dibadmeer ah ayay noqdeen. Intaa uun lagaga ma hadhin ee waxa lagu shaambadeeyay inay yihiin shisheeye-kalkaal. Waa iska kalitalis iyo caadadii inuu shacabka u qaybiyo muwaaddiniin isaga daacad u ah iyo khaa’imiin ku lid ah.

Kolkii talada laga tuuray Maxamed Siyaad iyo askartiisii, Soomaalidu waxay dhex muquuratay mawjado colaad iyo dagaallo sokeeye ah, Haddaba fankii Soomaalida iyo hal-abuurkiiba burburka ka dib, wuxuu ka dhimbiil qaatay fankaas jirranaa ee Kacaanku dhalanrogay.

Halkii fanka iyo masraxa leelleelaya laga dawayn lahaa, waaba laga barakaystay, dabadeedna waa kaas ilaa maanta bukaansocodka liita ah, isaga oo waliba sii milmay. Sidii Afrax uga cabsida qabay masrax-dikhawgii ku habsaday riwaayadaha Soomaalida dhammaadkii toddobaatanaadku in uu halleeyo dookha dadweynaha oo ay aaminaanba in riwaayaduhuba yihiin kuwan liita uun, ayaa ku dhacday guud ahaan fankii iyo hal-abuurkii Soomaalida. Maanta badi bulshadu fan marka la soo hadalqaado, waxa ugu horreeya ee maskaxdooda ku soo dhacayaa waa kan macnadarrida ah ee dhegaha inaga barjeeyay.

Siduu u itaal yar yahay uma Alle la’a fanku, ee waxa mararka qaar soo bidhiiqa fan caafimaad qaba oo bulshada la dareen ah. Tusaale ahaan, riwaayadihii bulshada aadka ugu dhex faafay ee Sooraan iyo Jawaan ee qaab-maarixiyeedka u soo gudbinaayay dhibaatooyinka dhaqan, dhaqaale iyo maamul ee dadwaynuhu la nool yahay.

Mar kale u fiirso heestii fannaanka da’da yar ee Sharma Boy, erayadeedana ay ka midka ahaayeen: “Shahaadadu macne ma leh, ha loo yeelo” sida ay bulshada u saamaysay, jeer ay ka gaadhay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya. Sidaas ayuu fanka dhaladka ah ee caafimaadka qabaa bulshada muraayad ugu yahay ay waayaheeda ka daawato, talisyadana jeedal ugu noqdaa. 

Ugu dambayn, dhibaatooyinka Soomaalidu la nooshahay tiro ma leh, sidaa awgeed waxa lamahuraan ah in fanku noqdo ilaysnoqodka bulshada. Tusaale ahaan waa in la helaa, fan shaqo la’aanta, colaadda, maamul-xumada, nacaybka iyo musuqmaasuqa ka hadlaaya. Intaas oo dhanna waxa ka horreysa in marka hore la dhiso wacyiga fannaanka iyo hal-abuurka si looga cuudiyo fankan jirran, taas oo keeni doonta in dookha dadweynaha ee marinhabaabay loo soo bandhigo fan ay iska dhex heli karaan, oo maankooda godliya.

Qoraallada kale ee qoraaga