Wednesday 9 October 2024
Soomaalida iyo Itoobbiya xidhiidh middi middi ku taag ah baa ka dhexeeya, is’afgaradka cusub ee Somaliland & Itoobbiyina wuxuu uga sii daray walaacii taariikheed ee dhex yaallay.
Maalintii Sannadka Cusub aad baa Addis Ababa looga farxay kolkii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, iyo ra’iisalwasaaraha Itoobbiya, Abiy Axmed, ay wadaxaajood u gaar ahaa ka soo baxeen dabadeed inta ay miiska shirka jaraa’id yimaaddeen ay iclaamiyeen in ay saxeexdeen is’afgarad, sida lagu sheegay, labada dhinacba himiladooda u soo dhawaynaya.
Muuse Biixi oo qudha ayaa faahfaahinta ugu badan ee heshiiskan ku saabsan bixiyay. Wuxuu sheegay in Itoobbiya laga kirayn doono saldhig ciidammadooda baddu ku yeeshaan Gacanka Cadmeed, isla markaana ay Somaliland ka heli doonto wixii ugu weynaa dawladnimadeeda oo ah in Itoobbiya ay u aqoonsato dal ka madax bannaan Soomaaliya. RW Abiy oo heshiiska soo dhaweeyay wuxuu madaxdii goobta fadhiday u sheegay: “Waa warka wanaagsan ee aannu ugu bishaaraynayno dadweynaha Itoobbiya, Somaliland iyo dhammaan inta jecel nabadda iyo horumarka, maanta oo sannad cusub bilanayo.”
In kasta oo aan ilaa hadda la shaacinin is’afgaradkan, haddana warsaxaafadeedyo kulankaa ka danbeeyay ayaa lagu sheegay in Somaliland ay oggolaatay in ay bar 20 km ah oo badda ah ay Itoobbiya ka kirayn doonto si ay saldhig ciidammada badda ah uga dhistaan, taa beddelkeeda ay Hargeysi saami ku yeelan doonto shirkadda duullimaadyada Itoobbiya ee Ethiopian Airlines. Biixi ayaa intaa ku daray in Itoobbiya noqon doonto “dalkii kowaad ee Somaliland aqoonsada,” taas oo haddii ay dhabawdo Soomaaliya si rasmi ah uga goynaysa saddex meeloodow meel ka mid ah. Itoobbiya waxay sheegtay in kiradani ay “abadi” tahay, taas oo laga yaabo in ay tahay sababta madaxda Muqdisho ku riixday in ay tallaabadan ku tilmaamaan dhul-qaadasho, halka Somaliland sheegtay in kiradu ku eg tahay 50 sannadood oo keli ah.
Wasaaradda warfaafinta ee Somaliland waxay heshiiska ku tilmaantay “mid ciyaarta wax ka beddelaya,” halka wasaaraddeeda arrimaha debadduna ay ku qeexday “yool diblomaasiyadeed oo la xaqiijiyay.” Dhanka kale, wasiirka waraabka ee Itoobbiya ayaa bartiisa Tiwiitar/X soo dhigay: “Ictiraafku waa lacag!” Bakhaanbakh iyo dabbaaldeg ayaa Addis Ababa iyo Hargeysaba jidadka is qabsaday.
Hasayeeshee, caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa ka soo dhabanaysay dabaylo xooggan oo ku gooddiyayay in ay hilfaha u laabi doonaan heshiiskan cusub ilaa ay Itoobbiyi ku qasbanaato in ay ka laabato. Isla fiidnimadii maalintaasba waxay Soomaaliya ku dhawaaqday in golaha wasiirradu shir degdeg ah isugu iman doonaan, labada aqal ee barlamaankuna ay kalfadhi aan caadi ahayn yeelan doonaan. Aroortii ku xigtayba, Soomaaliya waxay heshiiskaa ku deedifaysay in uu yahay “wax-kama-jiraan” waxayna ku tilmaantay “xadgudub” ay Itoobbiyi ku kacday, marin kasta oo diblomaasiyadeed oo ay saaxiibbadeeda caalamka taageero kaga helaysayna way martay.
“Qayladhaanta Soomaalida, meel ay joogtaba, ka soo yeedhay way xooggan tahay,” ayuu diblomaasi mandiqadda ka hawlgalaa u sheegay Geeska. Urur-goboleedka IGAD in kasta oo uu soo saaray bayaan isu dheellitiraya danaha dalalka xubnaha ka ah, oo taxaddar badani ka muuqda, haddana Midawga Yurub iyo Jaamacadda Carabtuba si cad bay u taageereen karaamada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna aad uga digeen iskudday kasta oo xuduudda wax lagaga beddelayo. Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna taas oo kale yeelay, oo ka digay in heshiiskani uu dan u noqon karo al-Shabaab, kolka ay sidaas leeyihiinna waxay dhaafi kari waayeen in ay arrimaha Afrika ku eegaan indho aan kuwo amni ahayn.
Heshiiskan oo aan weli rasmiyoobin, labada dhinacna aan weli qaanuun ahaan sandulle ku noqoni xiisad buu ka kiciyay Geeska Afrika, wuxuuna kala qaybiyay dadweynaha ku nool Soomaaliya, Somaliland, iyo Itoobbiyaba. Meelaha taas laga arki karey waxa ka mid ah nin heshiiska difaacayay oo iyadoo kamaraddu hayso uu mid kale gacanta ula tegay, taas oo muujisay sida ay u debacsan tahay dunta diblomaasiyadeed ee isku haysa Itoobbiyaanka iyo Soomaalidu.
Soomaaliya iyo Itoobbiya waxa ka dhexeeya taariikh ay hadheeyeen iskudhacyo militari oo soo noqnoqday, inta badanna Soomaalida ayaa dalka ay deriska yihiin ku ee ka weyn ku eedaysa in uu leeyahay damac dhul-ballaadhsi oo soojireen ah oo uu ku rabo in uu dalkooda ku liqo si uu badda u gaadho; Itoobbiyana waxay ka cabsataa damaca midnima-raadiska ah ee Soomaaliya oo ay uga baqdo Soomaalida deggan gobollada bari ee Itoobbiya.
Falceliskii ay Muqdisho arrintan ka bixisay aad buu u ba’naa, waxayna kicisay jibbo waddaniyadeed iyo mid qoomiaydeed oo Geeska oo dhan taabatay; taas oo xataa Muuse Biixi ka galaafatay xubin wasirradiisa ka tirsanayd. Wasiirkii gaashaandhigga ee Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, kolkii uu is casilay wuxuu sabab uga dhigay wax uu ku tilmaamay damaca Itoobbiyi ay ku rabto in ay qabsato dhulalka Soomaaliyeed. Waraysi uu siiyay telefishanka Horyaal TV, ayuu intaa ku daray, “Cadawga kowaad ee umaddan Soomaalida ah ee ilaahay Geeska Afrika ku uumay in ay Itoobbiyaanka tahay cid wal oo Soomaali ahi, yar iyo weynba, way og tahay.”
Khudbad uu Xasan Sheekh masjid ka jeediyay salaaddii Jimcaha ka dib ayuu sidoo kale soo carrabaabay xaqiiqada ah in Itoobbiya iyo Soomaaliya aanay xataa weli isku waafajin jaangoynta xarriiqa xadka u dhexeeya koonfurta Soomaaliya iyo Itoobbiya, xadkaas oo weli kumeelgaadh ah, isaga oo dib u soo noolaynaya ruuxdii dagaalkii 1977. Xataa lataliyayaasha Xasan Sheekh midkood baa tibaaxay in dagaalku uu ka mid yahay doorashooyinka miiska saaran, kol uu waraysi siinayay jariiradda Guardian.
Way yar yihiin falanqeeyayaasha warkan hanjabaadda ah u qaadanaya in ay ka dhab tahay; waxay u haystaan in Soomaaliya oo dagaal ku hanjabtaa ay la mid tahay nin waalan oo ku gooddiyaya in uu lugta iska toogan doono haddii dadka gacanta ku hayaa aanay u yeelin waxa uu rabo. Laakiin maaddaama ay al-Shabaab isku dayayso in ay xaaladdan ka faa’idaysato, Xasan Sheekh jid kale u ma furna. Afhayeenka al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage “Dheere”, wuxuu Soomaalida ugu baaqay in ay “u kacaan difaaca dalka.” Sida Aadan Aw Xirsi oo golaha wasiirrada ee Soomaaliya ka tirsani uu ku sugay qoraal uu ku baahiyay degelka East African, “al-Shabaab durba waxay bilawday in ay xaaladda ka faa’idaysato, waxayna ku talagalsan tahay in ay da’yarta ku duufsato magaca diinta iyo Soomaali-weynta.”
Tallaabadan ay Itoobbiya qaadday waxay wiiqaysaa dedaalladii iskaashiga ahaa ee ka dhexeeya laamaha amniga ee Soomaaliya ee lagu cidhibtirayay al-Shabaab oo ah urur argagaxiso oo Addis Ababa qudheeda halis ku ah. Waxay u badan tahay in uu Abiy Axmed khammaarayo, kolka lagu xisaabtamo in jiritaanka al-Shabaab lafteedu uu qayb ahaan ka dhashay in ciidammo Itoobbiyaan ahi Soomaaliya soo galeen bilawgii – sida uu RW-xigeenka Soomaaliya afka ku dhuftay – iyo in haddii ciidammadaas ay la soo baxdo ay taasi hiil u noqonayso al-Shabaab. Si ka duwan waxyaabaha ay madaxda Soomaaliya sheegayso, in al-Shabaab la jebiyaa ma dhadhawa, Itoobbiyana kolleyba way sii wadi doontaa dagaalka argagaxisada ka dhanka ah, wixii dhacaba.
Itoobbiya u ma eka in ay isku sii lurayso in Soomaaliya ay u habarwacatay xulafadeeda Ankara iyo Qaahira, si ay taageero uga hesho quwadaha ugu waaweyn Bariga Dhexe. Labadaa dawladoodba waxay caddeeyeen in ay Soomaaliya garab taagan yihiin, Turkiguna wuxuuba Soomaaliya la saxeexday heshiis difaac. In yar ka dib kolkii heshiiskaa qalinka lagu duugay, wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, wuxuu sawir la soo galay Haluk iyo Selcuk Bayraktar oo ah maskaxda ka danbaysa diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Bayraqdaar, taas oo ahayd farriin toos ugu socotay Abiy Axmed.
Hasayeeshee, meesha taladu ku adag tahay waa Somaliland. Haddii Muuse Biixi loo caddaalad sameeyo, wuxuu ku soo beegmay xilli aad u adag. Fac dhan oo reer Somaliland ah ayaa kacaamay iyagoo naawilaya gobannimo aan iman; Somaliland waxay gashay siyaasad xisbiyeedka Maraykanka, waxayna xidhiidh la samaysatay xagjirka Jamhuuriga Donald Trump taageersan, iyadoo sadqaysay xidhiidh ay la yeelan kartey Dimuqraaddiyiinta; in maamulka Hargeysi uu la kala saftay dhinacyadii isku hayay Dhiilladii Khaliijka, iyo dagaalka qabow ee Maraykanka iyo Shiinaha u dhexeeyaa waxay Somaliland u soo jiidday cadaw xoog badan oo aanay u baahnayn in ay samaysato; sadhadii Koofidh-19 ayaa noloshii hakad gelisay, dhaqaalihiina wiiqday; sidii qarribnayd ee uu Biixi u wajahay khilaafkii Laascaanoodna wuxuu Somaliland waasiiyay saddex meeloodow meel ka mid ahayd.
Muuse Biixi wuxuu siyaabo kala duwan ugu fashilmay in uu dejisto higsi wax-ku-ool ah oo u dhigma hannaankii madaxdii ka horraysay oo iyagu ku dhaqmi jiray hannaan wax xeerinaya, diiwaankiisuna ma xooggana. Ma haysto wax uu olole ku galo oo ka badan dekadda Berbera in horumarin lagu sameeyay, u mana eka in uu ku qanacsan yahay in uu noqdo madaxweynihii doonta ku tuuray badda kacsan. Soodaan iyo Itoobbiya midina muddaxileeddii Trump ka ma ay soo waaqsan – midi wuu dumay, midka kalana colaado sokeeye ayuu muquurtay. Haddii Biixi uu feker taariikheed oo qotadiisu ridan tahay lahaan lahaa wuxuuu eegi lahaa sidii loo badhqaban lahaa waxa Somaliland u qabsoomay ee aan looga sii kala daadiyeen.
Go’aanka uu Meuse Biixi ku gaadhay in uu is’afgaradkan saxeexo waxa loo arki karaa in uu leeyahay bartilmaameed muhiimad degel-siyaasadeed beegsanaya. Balse waa god-seeg. muddaxileeddii la doortay labo sannadood ayuu ku mudda dhaafay, gudahana waxa kaga socda cadaadis isa soo taraya oo ku baaqaya in doorasho la qabto, waqtigaa uu xilka hayayna waxay u badan tahay in aanay wanaag ku xasuusan doonin reer Somaliland-ta ku hungoobay rejadii ay ka qabeen in gobannimo iyo dawladnimo la hanan doono.
Go’aankiisan sidoo kale waxa ka dhashay mucaaradad ballaadhan oo Somaliland gudaheeda ah, taas oo wax cusub ku ahayd jamhuuriyad in muddo ah ku naaloonaysay nabad iyo shacab taabacsan. Bannaanbaxyo ballaadhan ayaa Boorama ka bilaabmay toddobaad ka dib kolkii heshiiska la soo saxeexay, waxana qayb ahaan ugu shidaaliyay warar ay badanka madaxda Soomaaliya faafinaysay oo sheegayay in Itoobbiya sidoo kale la siinayo marin ay u marto badda oo ilaa xadka isku xidhan. Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Somaliland ayaa ka hor yimi heshiiska. Warsaxaafadeed wadajir ahoo ay xildhibaanno Awdal ka soo jeedaa qabteen, oo qodobbadiisa uu Nuur Cumar Rayaale oo Guurtida ka tirsani akhriyay, ayay ku sheegeen in “shacabka Awdal iyo Salal aanay oggolayn in Itoobbiya laga siiyo dhul, bad iyo marin toona geyiga Somaliland.”
Khatarta ugu weyni se waxa weeye haddii Itoobbiya ay ka laabato qodobka ugu xasaasisan heshiiska oo ah aqoonsiga. Madaxda Itoobbiya qaarkood way tibaaxeen in ay ayidsan yihiin, laakiin ilaa hadda ma jiro masuul sare oo xaqiijiyay in ay sidaa samayn doonaan. Waxa ugu weyn ee aynu dhankooda ka haynaa waa qoraal yar oo uu wasiirudawlaha arrimaha debadda, Mesganu Arga Moach, soo dhigay bartiisa Tiwiitar/X, oo uu ku sheegayay in uu “soo dhawaynayo” bayaanka ka soo baxay Somaliland oo ku andacoonayay in Itoobbiya ay dammaanadqaadday in ay ictiraafayso. Wasiirka arrimaha debadda ee Somaliland, CIise Kayd, wuxuuba sheegay in qodobkan aqoonsigu asaasi yahay oo haddii aan taas la hor samayn aan wax kale loo gudbayn.
Haddii Biixi arrintan ku guulaysto, wuxuu qaadi doonaa mid ka mid ah caqabadihii Somaliland ku horgudbanaa ee geliyay qoqobka caalamiga ah – qodobkaas oo xoojin doona xasuusta uu ku yeelan doono taariikhda Somaliland iyo mandiqaddaba. Haddii se uu ku fashilmo, waxay taasi uga sii daraysaa kalaqaybsanaanta Somaliland gudaheeda ka jirta ee aayaha ku saabsan, waxayna sii xoojin doontaa dhul-ballaadhsiga quwadda ugu xooggan Geeska Afrika. Sida uu Nuuradin Faarax ku xusay curiskiisii caanka ahaa ee “Baddu xaggee inaga xigtaa,” “Jilaayada ku loollamaya saaxadda siyaasadeed ee Soomaalidu waa laga yaabaa in ay kala duwanaadaan. Hasayeeshee, rejada Itoobbiya ee ku aaddan in ay mar uun si uun u gaadho xeebtu way sii jiraysaa.”