Skip to main content

Sunday 14 July 2024

Waraysi

Guuleed Dafac: “Carruur badan ayuu sharcigu qaran tiray”

5 June, 2024
Image
Guuleed Dafac
Xigashada sawirka: Frontline Defenders
Share

Dr. Guuleed Dafac wuxuu waraysigan uu Geeska siiyay kaga warramayaa cilmibaadhistiisa carruurta ku nool dawladaha aan la aqoonsanayn, isaga oo diiradda saaray Soomaalilaan, wuxuuna ku faallaynayaa aayahooda.

Maanta, carruurtu meel ay joogtaba waxay wajahaysaa caqabado si weyn u saamaynaya bedqabkooda iyo korriinkooda. Haddii aynu dulmarno dhibaatooyinka caalamka ka haysta, waxa ka mid ah:

- Qiyaastii 200 oo malyuun oo carruur ah ayaa maanta ku nool goobaha dunida ugu khatarta badan, tiradaas oo 20% ka badan tii kal hore. Carruurtani waxay inta badan la kulmaan cawaaqibxumada daran ee khilaafyada, sida dhaawacyo jidhkooda nugul soo gaadha, doog dareenkooda ku hadha, barakac iyo qax jujuub ah, iyo geeri. Tusaale ahaan, dagaalka ay Israa’iil ku hayso Falasdiin, gaar ahaan Qasa, oo keli ah waxa ilaa hadda ku geeriyooday in ka badan 15,000 oo carruurah, halka dagaalka labada sannadood iyo dheeraadka ka socda Yugraynna ay ku naf waayeen qiyaastii 2,000 oo carruur ahi.

- Sannaddii 2022, tiro afkalaqaad ah oo gaadhaysa labo malyuun oo carruur ah oo ka yar da’da shan-jirka ayay soo foodsaareen dhibaatooyin la xidhiidha gaajo iyo oomataxumo. Qodobbo ay ka mid yihiin sadhadii Koofidh-19, doorsoonka cimilada, iyo qaxa/barakaca jujuubka ah ayaa kor u qaadaya faafidda sugnaan-li’ida maceeshadda. Nafaqadarraduna keli ah ma wiiqdo horumarka jidhka iyo garaadka e, sidoo kale waxay eel xun kaga tagtaa bedqabka guud ee ilmaha.

- Qiyaastii 117 malyuun oo carruur ah ayaa dunida ku waxbarasho la’, iyada oo ay ugu wacan tahay sadhooyinka dhulka meeraya, taas oo uga sii daraysa 260 malyuun oo carruur ah oo awelba intii aanu Koroonuhu dillaacin aan dugsiyo aadi jirin.

- Dugsiyada xidhmaa waxay si gaar ah u sii taabtaan hablaha oo u sii nuglaada in ay tacliinta ka hadhaan, iyada oo badanka ay taas ugu wacan tahay guurka saqiir-suujinta ah ee degdegga ah. Waxbarashada oo ka maqnaataa ilmaha aayihiisa iyo fursadaha mustaqbalkiisa uun ma saamayso, ee sidoo kale waxay sii waarisaa meertada saboolnimada.

- Carruurta lala qaxo, gaar ahaan kuwa ay sitaan waalid aan si sharci ah u diiwaangashanayn, waxa soo gaadha caqabado dhanka garaadka iyo horumarka luuqadda ah. In aanay sharci ahaan diiwaangashanayni waxay ilmaha oo 2 ama 3 gu’ jira ka saamayn kartaa kartidiisa garasho, taas oo horseedda in aanu diyaar u noqonin dugsi’aadis. Ilmaha oo aan helin barnaaamishyada guud ee daruuriga ah, sida waxbarashada carruurta ee guyaasha hore, waxay iyaduna sii wiiqdaa korriinka ubadka lala qaxo.

Caqabadahani waxay hoosta ka xarriiqayaan baahida weyn ee loo qabo in si abaabulan wax looga qabto, caalamkuna isu kaashado, isla markaana loo ololeeyo, dhawrista xuquuqda iyo bedqabka carruurta dunida oo idil, gaar ahaan kuwa ku nool dawladaha aan la aqoonsanayn oo u sii nugul.

Ubadka ku nool dawladaha aan la aqoonsanayni waxay la kulmaan caqabado u gaar ah oo aanay inta badan dunidu ka garaabin ama kaba warqabin. In kasta oo ay deggan yihiin dhulal aan aqoonsi sharci iyo mid siyaasadeed haysanin, haddana ubadkani waxay leeyihiin xuquuq dhalad ah oo ay tahay in la garaysto lana ilaaliyo. Fahanbixinta ku aaddan xuquuqda carruurta ku nool degaannada caynkan ah waxa hoos imanaya mabda’yada asaasiga ah ee karaamada iyo sinnaanta, iyada oo aan loo eegayn meeqaanka dawladaha ay ku nool yihiin.

Dawladaha aan la aqoonsanayn marka la joogo, xaqiijinta hirgelinta xuquuqda carruurtu waa masalo murugsan. Waxay u baahan tahay in lala kaashado qaanuunka caalamiga ah, ismaamullada hoose, iyo iyo waayaha bulsha-siyaasadeed ee degaannadaa qaabeeya. Xuquuqda carruurtanina ma aha uun aragti fahan ahaan baxsan e, sida oo kale waa qodob lamahuraan u ah korriinkooda, bedqabkooda iyo aayahooda.

Cilmibaadhisyada iyo doodaha arrintan ku saabsan, sida kuwii ka soo baxay Shiweynihii Caalamiga ahaa ee Xaqiijinta Xuquuqaha Carruurta ku nool Dawladaha Ismaamulku ka jiro, waxay hoosta ka xarriiqaan baahida daruuriga ah ee loo qabo in la iska kaashado xaqiijinta in carruurta oo dhami ay u sinnaadaan xuquuqaha korriinka iyo horumarka, si kasta oo uu u jiro khilaaf sharci iyo mid siyaasadeed. Waxa soo hoos gelaya xuquuqaha asaasiga ah ee waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo ka-dhawrista halisaha, oo lagamamaarmaan u ah korriinkooda iyo bedqabkooda guud.

Caqabadaha ay wajahayaan carruurtan dawladaha aan la aqoonsanayn ku nooli waxay si weyn inoogu baraarujinayaan in xuquuqaha carruurtu ay ka tallawsan yihiin soohdimaha iyo murannada siyaasadeed. Waa baaq cilmibaadhayaasha, xubnaha xuquuqaha u dhaqdhaqaaqa iyo siyaasad-dejiyayaashaba cod dheer ku gaadhsiinaya in ay u midoobaan sidii xalal curin leh loogu heli lahaa taabbagelinta xuquuqahan, ilme kastana fursad loogu siin lahaa in uu koro oo kaalin galo.

Haddaba, mudane Guuleed Axmed Jaamac “Dafac,” oo ah qareen macruuf ah oo xuquuqda insaanka si dhiirran ugu dooda, ahna asaaasaha Xarunta Xuquuqda Insaanka ee Madaxa Bannaan ee Soomaalilaan, ayuu Geesku waraystay. Xarunta Xuquuqda Insaanku waa haayad madax bannaan oo xuquuqda insaanka heegan u ah, iyada oo isku darta galaangal, qareemid, ka-warhayn iyo diiwaangelinta waxyaabaha ka soo kordha xaaladda xuquuqda insaanka ee Soomaalilaan.

Dr. Guuleed Dafac wuxuu dhawaan shahaadada PhD ka qaatay Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Maastricht. Cilmibaadhista uu ku qalinjebiyay, oo cinwaankeedu yahay “Ubadkeennu Xuquuq ma leeyihiin? Xuquuqaha Carruurta ku Nool Dawladda aan la Aqoonsanayn ee Soomaalilaan,” waxay u gondadegaysaa qaddiyadda xuquuqaha carruurta ee Soomaalilaan gudaheeda, iyada oo ka duulaysa xayndaabka xeerka caalamiga ah ee xuquuqda insaanka.

Maaddaama aan Soomaalilaan dawlad madax bannaan loo aqoonsanayn, loona tixgeliyo qayb weli ka mid ah Soomaaliya, waxa aan qeexnayn sida qaanuunka caalamiga ah ee xuquuqda insaanku u qabanayo. Hubanti-la’aantani waxay abuurtaa jewi ay ku iman karaan marar badanna ku yimaaddaan weerarro ka dhan ah xuquuqda cabbiraadda, xadgudubyp jinsi, iyo noocyo badan oo takoor ah, iyada oo culayska ugu badani uu carruurta ku dhaco. Cilmibaadhista Dr. Guuleed Dafac waxay higsanaysaa in ay abbaarto su’aasha lamahurtada ah ee “Sidee xeerarka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahiba u ilaaliyaan xuquuqda carruurta ee Soomaalilaan?”

Dr. Guuleed Dafac, oo iminka ah agaasimaha xarunta heer gobol ee garyaqaannada, Xaqdoon Law Firm, ayaa waraysigan uu Geeska siiyay kaga hadlaya cilmibaadhistiisa ku aaddan tabaha loo ilaalin karo ubadka ku nool dawladaha aan la aqoonsanayn, isaga oo diiradda sii saaraya Soomaalilaan, sidoo kalana ku faallaynaya xalalka macquulka ah iyo tallaabooyinka loo qaadi karin sidii aaggan wax looga qaban lahaa.

***

Cabdicasiis Guudcadde (CG): Ugu horrayn, aad baan kuugu bogaadinayaa cilmibaadhistan qaayaha leh ee aad ku samaysay mawduuc inta badan la dhaafdhaafayay tan iyo intii Soomaalilaan ku dhawaaqday in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day. Waxa aan is wayddiinayaa sida aad ku gaadhay go’aanka ah in aad mawduucan tiisadaada qalinjebinta ku diyaarisid. Maxaa kugu shidaaliyay in aad dhabbahan qaaddo?

Guuleed Dafac (GD): Mahadsanid. Soomaalilaan uun ma aha e, dunida oo dhan ayay cilmibaadhista iyo qareemidduba hagrataa mawduucan xuquuqda carruurta iyo insaanka guud ahaanba ee dawladaha aan la aqoonsanayn. Si gaar ahna, xuquuqaha carruurta ku nool Soomaalilaan, xataa haddii laga eegi lahaa xeerarka maxalliga ah, ma aha aag ay aqoonyahannadu inta badan daneeyaan.

Toban sannadood ka badan ayaan ahaa qareen u dooda xuquuqda insaanka. Qareemidda xuquuqda insaanku waa hawl dabdemis ah. Waxa aad la tacaalaysaa xadgudubyo, waxaanad isku deyaysaa in aad wax ka dhahdid. Fursadna badanka u ma helaysid inta aad dib u fadhiisatid in aad mawduuca diiradda saartid. Cilmibaadhistani, markaa, waxay fursad ii siisay in aan su’aal u dhabbagalo. Waa mawduuc aad ugu dhow mihnaddayda garyaqaannimo, waana dareen jidh u dubaaxiyaa igu yaal haddaan ahay qareen u dooda/difaaca xuquuqda insaanka.

CG: Sannaddii 2022 ayuu Golaha Wakiillada ee Soomaalilaan meelmariyay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurta. Ma noo faahfaahin kartaa waxyaabaha uu xeerkani dhigayo, ma se qabtaa in uu ku filan yahay ilaalinta xuquuqaha carruurta ku hoos nool inta Soomaalilaan taladeedu ka fusho?

GD: Geeddigii lagu qorayay Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurtu wuxuu soo bilawday sannaddii 2014. Qayb baan ka ahaa bilawgii hawsha diyaarinta xeerka. Hasayeeshee, nuqulkan uu Barlamaanku ansixiyay waa mid wax badan laga beddelay, waxa taas ugu wacan dad awood si uun leh, wadaaddadu ha u bataan e, ayaa dabada ka riixayay in sidaa laga yeelo. Wuxuu ka kooban yahay lix cutub: qodobbo guud, masuuliyado, xuquuqaha carruurta, daryeelka gaarka ah ee carruurta, xaqa helidda kaalmo sharci oo bilaash ah, iyo denbiyada iyo ciqaabtooda. Xuquuqaha uu Xeerku dhigayo waxa ka mid ah, xuquuqda muwaaddinnimada, magaca iyo diiwaangelinta, xuquuqda nolosha iyo waxbarashada.

Ansixinta Xeerkani war wanaagsan bay ahayd, waxayna ka marag kacaysaa in haayadaha dawladda ay ka go’an tahay ayna rabaan in ay ilaaliyaan carruurta. Waa markii kowaad ee Hindisa-sharciyeedkii Xuquuqda Carruurta ee Soomaalilaan xeer buuxa laga dhigay. Dastuurka Soomaalilaan wuxuu leeyahay qodobbo xuquuqda ka hadlaya oo aan laakiin soo hadalqaadayn xuquuqda carruurta. Markaa, xeerkani fakaaggaas ayuu buuxinayaa. Sidaas oo ay tahay, xeerka waxa ku jira madmadow iyo goldaloolooyin. Waxa laga dheehan karaa iskudhaca mararka qaar ka dhex qarxa nadaamka iskudhafan ee shuruucda Soomaalilaan oo isu keena Xeer-dhaqameedka, Shareecada iyo sharciga dawladnimada; waana loo wada joogi doonaa bal sida loo dhaqangeliyo. Soomaalilaan, farqi baa u dhexeeya xeerku sida uu ugu qoran yahay iyo sida loo fuliyo. Inta badan xeerarka waa la meelmariyaa laakiin way yar tahay in lagu camalfalo.

CG: Cilmibaadhistaada qalinjebintu waxay muujisay in xeerarka Soomaalilaan aanay af qeexan kaga hadlin xadgudubyada carruurta; waxa ku sheegtay in “xeerarka Soomaalilaan aanay qeexin waxa noqonaya xadgudub jinsi oo carruur ka dhan ah.” Waa arrin walaaceeda leh, siiba marka lagu xisaabtamo bulsho sida teenna uu saayidcaleeyo xeer-dhaqameedku, oo masalooyinka sidan oo kale in laga hadlaba loo arko ceebaal. Sidee bay kula tahay arrintan waa looga hadli karaa si loo sugo inta ubadka yaryar laga ilaaliyo xadgudubyada jinsiga?

GD: Xadgudubka jinsiga iyo wax kasta oo la xidhiidha waxa loo arkaa ceebaal aan afka la soo marin karin. Xeerarka iminka dawladda u degsani waa kuwo is burinaya oo madmadow leh, marka ay timaaddo sida ubadka looga ilaalin karo xadgudubyada jinsiga. Waxaan qabaa in xeerarka khuseeya xadgudubyada jinsiga ay ka muuqata culayska uu wato nadaamka sharci ee iskudhafka ah ee Soomaalilaan, oo saddex nadaam oo kala duwani ay isku hirdiyayaan. Waxa sidoo kale muuqda in fasirka Islaamka ee xarfiga ahi uu raad ku leeyahay fahanka Shareecada laga qaadanayo, taas oo iyaduna siyaabo badan hawl u leh.

Tusaale ahaan, wax-ka-beddelka la soo jeediyay ee Xeerkii Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga oo haatan laalani wuxuu isku mid ka dhigayaa galmada raallida la iskaga yahay iyo tan xoogga ah ee kufsiga. Taasina waxay caqabad ku noqonaysaa in qof kufsi lagu caddeeyo maaddaama, sida la dhigayo, markhaatiyo loo baahan yahay. Golaha Wakiilladu wax-ka-beddelkaas wuu ansixiyay, waxana uu hadda hor yaallaa Guurtida.

CG: Xeerka muwaaddinnimada ee Soomaalilaan (iyo Soomaaliyaba) u degsani wuxuu u qoran yahay si hooyada ka xarrimaysa in ay heli karto dhalashada ilmaheeda iyo saygeedaba, si la mid ah sida aabbaha loogu oggol yahay. Sidee baad is leedahay kala-tagganaantani way u wiiqaysaa xuquuqdii carruurtu u lahayd muwaaddinnimada, siiba marka la joogo dawlad aan la aqoonsanayn?

GD: Luuqadda jinsiyada u kala eexanaysa ee xeerarka muwaaddinnimadu ku qoran yihiin waxay qaran-la’aan dhigaysaa carruurta aan aabbayaashood qaadan karin dhalasho Soomaalilaan ama Soomaaliya ah. Xeerarkan muwaaddinnimada waxa ku dhafaan caadooyinkii qabiiliga, oo ninka uun baa qabiilka u tirsan ee haweenaydu ma tirsana, sidaas ayuu xeerkii dawladdana ugu jiraa. Sidaa awgeed, carruur badan ayuu sharcigu qaran tiray. Waxana arrinta sii culaysinaya in muwaaddinnimada Soomaalilaan ay markeeda horaba qirinqiir ku jirtay maaddaama aanay aqoonsi caalami ah haysanin. Soomaalilaan iyo Soomaaliyaba waxay u baahan yihiin in ay sharciyadooda muwaaddinnimada dib ugu noqdaan, kana saaraan qodobbadaa takoorka wata.

Dhalashada ay Soomaalilaan bixisaa gudaha ayay wax ka tartaa. Hasayeeshee debadda wax qiime ah ku ma laha. Xaashiyaha dhalashada ee baasboorradu ka mid yihiin waxay u baahan yihiin aqoonsi ay dalalka kale ka haystaan si ay qiime ugu sameeyaan meelaha ka baxsan goobta laga soo saaray. Waana taas waxa dhalashada Soomaalilaan muhiimka ka dhigaya marka gudaha Soomaalilaan la joogo, laakiin micnatiraya marka debadda looga baxo. Dadka lacagta iyo martabadda sare haystaana inta badan dhalasho kale ayay doontaanba. Aqlabiyadda dadweynaha waxa si taban u saameeyaa aqoonsi-la’aanta, xorriyaddoodii dhaqdhaqaaqana taasi caqabad ayay ku noqotaa. 

CG: Muranka ka dhexeeya Soomaalilaan iyo Soomaaliya ee ku saabsan madaxbannaanidu raad weyn ayuu ku leeyahay aayaha ubadka ku dhashay ee ku barbaaray Soomaalilaan. Sidee baad u aragtaa in doodahan aragtiyaha ku saabsani ay u saamaynayaan waaqica dhabta ah ee nolosha ubadka?

GD: In Soomaalilaan ay dabeecad is’haysad ku jirto ayaa wax kasta oo ku saabsan ka dhigaysa is’haysad. Xuquuqda carruurtu caalami ahaan ma dhawrna. Xaqii carruurta ee muwaaddinnimada waa la isku haystaa. Debadda ugu ma safri karaan ujeeddo waxbarasho, kolka ay koraan aayahoodu sida uu noqonayaana ma cadda. Waana in aynaan hilmaamin in is’haysadku uu cunfi keeni karo. Dhawrkii sannadood ee u danbeeyay, dawlado badan oo aan la aqoonsanayn ayay dagaallo ka qarxeen. Horraantii 2023, dagaal baa ka qarxay magaalada Laascaanood, halkaas oo ay carruur lagu laayay laguna dhaawacay, dugsiyadoodiina ay ka xidhmeen. Qaybtii dhallaanka ee Cisbitaalka Weyn ee Laascaanood duqaymo ayaa lala beegsaday, sida uu ku warramay Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayni.

Magalaada Qasa, kumannaan carruur ah ayaa lagu laayay; degaanka Nagorno Karabaakhna waxa xoog kula wareegtay dawladda Asarbijaan. Dhammaan tusaalayaashan iyo kuwo la mid ah, sida khilaafka dib uga soo cusboonaaday Saxaaraha Galbeed [Jamhuuriyadda Sahraawi], waxay muujinayaan sida ay u nugul yihiin dhulalkan hubanti-la’aantu hadhaysay, siiba marka la eego heerka uu ka dhaqangeli karo xeerka caalamiga ahi.

Waxaan xasuustaa in toddobaadyadii u horreeyay ee dagaalka Laascaanood, uu madaxa xuquuqda insaanka ee Qarammada Midoobay (QM) uu soo saaray bayaan uu kula hadlayo Soomaaliya laakiin uu kaga hadlayo falal ay Soomaalilaan geysatay. Soomaaliya suuragal u ma ahayn in ay wax ka qabato, haddana haayadaha xuquuqda insaanka ee QM way ka muquuranayeen in ay wixii gef ah ee meesha ka dhacay toos u saaraan dawladda joogtay, oo Soomaalilaan ah.

CG: Waxa si weyn iiga walaaciya carruurta hoyla’aanta ah iyo ubadka wajahaya caqabado dhanka caafimaadka dhimirka ah, oo inta badan aynu ku aragno iyaga oo jidadka wadhan wax ilaaliyaana aanu jirin. Waa hubaal in Soomaalilaan aanay lahayn xeerar ku filan in ay ilaaliyaan guud ahaan dadka la nool caddibaadaha caafimaadka dhimirka. Maxaad arrintan talo ka soo jeedisay ama ka soo jeedinaysaa?

GD: Cilmibaadhistaydu ma ay taaban xaaladda carruurta hoyla’aanta ah ama dhibaatooyinka dhimirka la tacaalaya. Hasayeeshee, cilmibaadhista guud ee aan ku sameeyay xuquuqaha carruurta ee Soomaalilaan iyo xeerarka khuseeya waxa ka cad in Soomaalilaan ay tahay in ay sidan dhaanto. Waxaadba mooddaa in dawladdu aanay xilka saaran si dhab ah u garawsan. Dawladda ayaa ka masuul ah ubadka hoyla’aanta ah. Haddana marka aad aragtid wararka iyo hadallada siyaasiyiinta, waxayba u hadlaan sidii oo waxani sadaqo ka tahay, ee u ma arkaanba in ay tahay masuuliyad dumaddooda saaran. Waxaanan qabaa in sababta sidan madaxdu ugu fekertaa ay ku daba leedahay fahanka Soomaalida ku dhex faafsan ee ah in ubadku uu yahay hanti waalidku iska leeyahay. Waa se in ay gartaan in ubadku ay xuquuqdooda iyagu leeyihiin, wakaaladna isu yihiin. Dawladda ayuu masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta carruurta.

CG: Reer Soomaalilaan waxa aqlabiyadda la xisaabiyaa Muslim, taas oo ka dhigan in guur-la’aan la uuraystaa ay xaaraan tahay. Waxa aan is wayddiinayaa sida xeerarka madaniga ah ee heer gude iyo heer caalamiba ay u xaqiijin karaan xuquuqda carruurta aan guurka ku dhalan, gaar ahaan marka la joogo ummad diin ahaan asalraac ah.

GD: Waa qodob aad muhiim u ah. Tusaale ahaan, xeerka dhalashadu muwaaddinnimo toos ah oo dhalashadiisa ku timi siin maayo ubadka aan meher ku dhalan. Nadaamka ayaaba sharcidarro ka dhigaya carruurta aan guur ku dhalan. Sidoo kale, carruurtani ka ma qaybgeli karto dhaxalka, nafaqada iyo waxyaabaha la halmaala ee ilaalada u noqon lahaa. Arrinkaasina ilmaha ka ma hadho ee wuu la koraa. Wuxuuna caqabad ku noqon karaa fursadaha uu ku heli karo, waxbarasho, shaqo, guur iwm.

CG: Dhanka kale, guurka xilliga qaangaadhnimada ka horreeya iyo guursiga carruurtu guud ahaan, iyo sidoo kale in carruurta lagu shaqaystaa, waa arrimo ka taagan Soomaalilaan. (Ubadka waxa looga faa’idaystaa meherado badan, sida in ay muddalab ka noqdaan maqaaxiyaha/hudheellada, in ay noqdaan baalashlayaal aan wax ilaaliyaa jirin, in ay gaadhiyaasha dadweynaha kirishbooy ka noqdaan, iyo mararka qaar in la askariyeeyo). Maxaa laga yeeli karaa arrimahan sida xal loogu soo dabbaalo?

GD: Ayaandarro, xeerarka Soomaalilaan ma mamnuucayaan guursiga carruurta. Shareecada ayaa lagu dhaqaa arrimaha guurka. Sida shareecada iminka looga fahansan yahay Soomaalilaanna waa in carruurta oo la guursadaa ay bannaan tahay. Qabya-qoraalkii kowaad ee Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurtu wuu mamnuucayay guursiga carruurta, laakiin markii danbe waa laga saaray.

Waxaan filayaa fahanka ah ku-shaqaysiga carruurtu waa mid murugsan oo aan sidaa u fududayn. Xeerku wuu mamnuucayaa in carruurta lagu shaqaysto. Laakiin maxaa noqonaya ku-shaqaysi carruur? Taasi sharci ahaan ma cadda, bulsho ahaanna sidoo kale ma qeexna. 

Waxaan filayaa qodob aynaan badanka ku baraarugsanayn, ay se tahay in ay ku baraarugsanaanno, waxa weeye carruurta—hablo ha u bataan e—guryaha adeegtooyinka ka ah. Waa hablo qoysas aad danyar u ah ka soo jeeda. Qaarkood baa miyiga looga soo diraa xigto magaalada deggan, iyada oo la is leeyahay waa intaas oo ay waxbarasho helaan. Taa beddelkeeda se, waxay ku danbeeyaan xaalad aad khatar ugu ah oo reeraha axmaqiinta ahi ay dhiigmiirtaan, waxayna u nugul yihiin xadgudub galmo. 

CG: Haddii la maago in hore loo socdo, adiga oo ku xisaabtamaya xaaladda xuquuqda carruurta ee Soomaalilaan, tallaabooyin maxay ah ayaa loo qaadi karaa si loo ilaaliyo bulshada qaybteedan nugul?

GD: Waxaan u malaynayaa jawaabta wayddiintani in ay heerar iyo weji kala duwan yeelan karto. Waa daruuri in xeerka caalamiga ah uu noqdo mid loo dhan yahay oo xisaabta ku darsanaya xuquuqaha carruurta ku nool dalalka aan la aqoonsanayn. Waxa sidoo kale jira jidad u furaya haayadaha xuquuqda insaanku in ay ku xisaabtamaan xuquuqaha carruurta ku nool dalalka aan la aqoonsanayn. Waxaannu dhawaan booqannay Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta si aannu ugala soo hadallo heerka looga baahan yahay in ay noqdaan gole loo dhan yahay. Dabadeed, guddoomiyaha ayaa bayaankiisa gunaanadka markii kowaad ee taariikhda Guddigan ku soo hadalqaaday xaaladdan. Waa tallaabo hore loo qaaday, waana intaas oo looga sii dhawaado.

Cilmibaadhistayda qalinjebinta waxa ku jira talooyin arrintan ku saabsan, ciddii danaynaysaana waxay ka sii daalacan kartaa degelka jaamacadda.

Soomaalilaan waxay fursad u haysataa in ay wax dib ugu laabato xeerarkeeda, oo ay la jaanqaadsiiso Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta, isla markaana ay hirgeliso nadaamyo sharciyaysan oo xooggan oo carruurta lagu ilaalinayo. Bulsho ahaanna, waa in wacyigelinta kor loo qaado. Carruurtu iyaga ayaa xuquuqdooda leh, waana in sidaa loo garto oo heer bulsho iyo heer dawladeedba fahankaas loo qudhqudhiyo.

Waxaan sidoo kale qabaa in loo baahan yahay cilmiobaadhisyo badan oo dhinacyo kala duwan ka eegaya xuquuqaha carruurta ee Soomaalilaan. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Nolol baa la aasay

Feker

Waxtarka Baryada

Waraysi

Sida socodku siyaasad u yahay