Wednesday 9 October 2024
Dhaqannada adadag ee duunka qofka iyo bulshada Soomaaliyeed ku xididaystay waxa ka mid ah in ay jiraan waxyaabo “aan afka la soo marin karin” oo ay tahay in laga sarriigto. Waxyaabahaas jiritaankooda, badiyaa, la isku ma diiddana. Hasayeeshee waxa jab ka joogaa sheegsheegistooda. In lagu sayaxo, oo wixii hadoodilnaa la feydaa waa dhegxumo iyo ceeb loo badheedhay. Marka la faqayo waa la isugu garaabaa oo la isla jiibiyaa, balse fagaare in lala soo istaagaa waa wax reebban.
Arrimaha jinsiga iyo galmada la xidhiidha ayaa ka mid ah. In xidhiidhada jinsi ee bulshada ka dhex jira ay qayb bulshada ka mid ahi ku dhibban tahay, waa laga yaabaa in la isla qaato. Bilmetel, waa denbi la isla yaqaan in qof aan wax kala garanayn oo sebi ama xiska ah duruuftiisaa looga faa’idaysto, ama in qof weyn oo aan raalli ka ahayn la xoogo. In gabadh yar oo aan xanuunku wuxuu yahayba kala baran maddane iyo sakiin daxalaystay lala dul istaago oo laga dhiijiyo maanta dad badan baa dhib u arka. Laakiin waxaas oo dhan in la soo hadalqaado, oo fadhiyada gaargaarka ah ay dhaafaan, mahwigana lala yimaaddaa waa dhaqan aan ammaannayn. Waayo waxa laga baqayaa in belaayo iyo baas fidaan oo afku inaga barto waxyaabo aan ku habboonayn—Sidaas baa la isugu garaabaa.
Dhanka kale, waxyaabahaas sheegsheegistooda waxa loo arkaa waqtilumis in le’eg inta loo arko dhaqanbi’isnimo. Caqliyadda taasi ku salaysan tahay haddii la raadgurana waxay inagu ridaysaa xera-geel oodan oo ay waalo ku dhex tumanayaan rag geeljirayaal ah oo gacmaha boodh ku leh, habeeddii geelooduna ka soo kankamayso, burxabaal ay samaysteen iyo caano geella wadaagaya, maskaxdana geeljirannimo uga buuxdo. Baadiddoon baynu nahee markaynu raggaa la yar fadhiisanno, waxay inagu soorayaan sheekooyin iyo hidde loo arko ab-ka-soo-gaadh oo ay dhextaal u yihiin in hanka, dhegta, iyo sumcadda la ilaashado. Haddaynu wayddiinno waxyaabaha sumcadda dilana, waxa ay inagu la soo degdegayaan, “ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteed baa lagaa hayaa?” Markaynu is hubsanno, ee aynu ku jawaabno in labadaa midkoodna aanu ina hayn, waxa la inoogu warcelinayaa: haddaba, rag hortii ha caban! Qof aan ciil sokeeye qabin, ama ciddi hoosteed cad huruushooday waliilayn, waxa uu sheegsheegaaba waa iska sahalo. Wuxuu raadsanayaa waa iska fidno.
Haddii aynu xeradii ka yar kacno, oo aynu darka istaagno, waxaynu arkaynaa geeljirihii oo waxyaabo ay og yihiin in ay isku maandhaafsan yihiin qarsanaya oo leh: gacmo geeljire hoos baa loo dhaqaa. Oo waayo? Oo haddaad kor u dhaqdo saw habeeddii suxulladaada ka soo dareertay iyo uskaggii kugu ma soo da’ayaan oo jidhkaaga hallayn maayaan! Sidaas oo kale weeyoo, wixii aan ciil sokeeye iyo ciddi kaaraysa ahayn waa lala aamusaa, wixii bulshada kaaga dhex hallaabana adiga oo sanqadhtiranaya ayaa aayar oo dhalatay la doontaa ama waaba la iska tanaasulaa adiga oo “danta guud” iyo “wax-isu-ahaanshaha” tixgelinaya. “Wixii sharafka dhaawaca / ha sheegsheeginaan idhi” saw kelitaliye Maarkoos inagula ma dardaarmin!
Caqliyaddaa geeljirannimada ah ee aynu xera-geesha ku soo aragnay ayaa soo sadcaashay. Waxay geeljiraha soo safrayay uga soo dheeraysay magaaladii uu ku soo abbaarnaa. Dabadeed halkan bay iyadoo sideedii ah ka arrimisay. In wax la xeeriyo, la isu xilqariyo, wax la denbabaso, la is asturo, oo aan qofka laga maqal “wax aan u cuntamin,” ayaa xeer guud noqday. Dabadeed ilaa siyaasadda, diinta, iyo macaamilka kale ee bulsheed ayay caqliyaddaasi ka adeegtay oo ka calanwalaysay. Tanina waxay qayb weyn ka ahayd inqilaabka geeljirannimadu ay ku afgenbiday reer-magaalnimadii iyo dawladnimadii.
Taas baa caawa halkaa ina dhigtay. Meel kasta oo nolosheenna ahna, sida ay u badan tahay, saamaysa oo saameesha.
Tusaale u soo qaado arrintii 2020 taagnayd ee xeerarka kufsiga ee Hargeysa iyo Muqdisho lagu hadalhayey. Dad badan oo sida fiinta uga qayliyay wax kale may diiddayn. Dad badani ma ay boorrinayn in la is kufsado oo ciddii la doono la xoogo. Waxay se ilaalinayeen “sooyaal” iyo “dheg” ummadeed. Sooyaalkee? Dhegtee? Sooyaalkii ilaa dura soo taxnaa, ee geeljiruhu qeexay, ee ceebta u yaqaannay in wixii dhib ah afka lagu la dhiirrado. Iyo dhegtii la dhawri jiray ee uu ku sifaysnaa qofkii mushkiladaha aan sheegsheegi jirin ama/ee, isla markaana, afka kaga soo boodi jiray ciddii sheegsheegta. Labo doodood oo aynu aad u arkayney/maqlayney waa “xeerkani anshaxii guud iyo taariikhdii umadda ayuu ka hor imanayaa”, iyo “xeerkan debaddaa laga keenay.” Qodobka hore waa qaarka hore ee doodda, oo wuxuu u xilanayaa in laga tegayo sooyaalkii gacmo geeljire hoos u dhiqi jiray ee wixii soo kala gaadha “si hoose” ku dhammaysan jiray; qodobka danbana waa qaarka danbe ee doodda oo wuxuu iska yuraynayaa cid uu u arko in ay isaga ka dhaqan duwan tahay oo iyadu taqaan in wixii dhibaato bulsheed ah aan la qarsan e, lagu sannaadho isla markaana aaminsan in wixii aad qarsataa ay kuq qudhunsadaan. Kolkaas, qofka dooddaa la imanayaa wuxuu ka soo qaadayaa in sooyaalkeennu wada ceeb-ka-saliim ahaa, wixii debadda inooga yimaaddaana aanay waxba ina tarayn maaddaama “ay debadda ka yimaaddeen.”
Waa dhab, oo “ood kaa fogi ku ma dhaxantirto,” laakiin, malaha xisaabta lagu ma darsan e, ooddii kaa fogayd ayaad soo dhawaysan kartaa! Waa dhab, oo “midho geed saaran kuwo guntin ku jira loo ma daadsho,” hasayeeshee malaha xisaabta lagu ma dsrsan in midhahan guntiga kuugu jiraaba ay mar geedkaa saarraayeen!