Skip to main content

Tuesday 10 December 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Waxtarka Baryada

25 May, 2024
Image
Duco
Diimaha oo dhan baa ka siman in dhaqanka ducadu xoog leeyahay
Share

Wadaad baa ka kacay masjid aannu joognay. Waxa uu u holladay in uu xoogay waano ah nagu dul akhriyo. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday “ducada wanaagsan” iyo shardiyadeeda. La iska ma ducaysto e, basarkeeda iyo rukunnadeeda ayaa la oofiyaa, ayuu yidhi. Tiirarka ducadu in ay dedaal u baahan yihiin, ayuu carrabka ku adkeeyay. Waxa ka mid ah, ayuu taxay, in aad xalaal-miirad tahay, in aad weyso qabto, in aad qiblada u jeeddid, in aad niyadwanaag la timaaddid, in aad ugu horrayn Eebbe ammaantid, nebigana ku sallidid, dabadeed ducadaada cod hoose ku sheegatid, adiga oo gacmaha kor u taagaya, wejigana dhulka eegsiinaya. Intaa kolkii uu si qiiro leh isugu xidhay, ayuu ku duceeyay: “Ilaahay ha ina waafajiyo shuruudda ducada iyo asluubkeeda!”

Dabcan sidaas buu ku ducaystay. Waxaana laga yaabaa in aad isu eegtid ducadiisan danbe iyo in uu buuxiyay shardiyadii uu sheegayay. Qiblada muu eegayn, gacmihiisu kor may u taagnayn, Eebbe muu ammaanin, nebigana ku muu salliyin. Niyaddiisa, weysadiisa, iyo xalaalmiiradnimadiisa war u ma hayno. Maad ayay u eekayd in uu wadaadku ku ducaystay in ducooyinka danbe u hagaagaan! Shardiyada ducada waa loo shaqaystaa, ayuu mar dhawaa lahaa, isaga oo aan wax hawl ah qabanna waa kaa ducada bilaabay!

Haddii aad wadaadka la yaabban tahay, keligii ma aha. Ducada, ama codsiga Eebbe loo diraa, waxay ka mid ahayd weligeed qodobbada daruuriga u ah in diini hirgasho, oo hanato dad macmiil u noqda. Waayo, waa rejagelin iyo xadhig mala’awaal ah oo isku xidhaya qofka iyo Ilaaha ay tahay in uu rumeeyo. Haddii qofku is wayddiiyo “maxaan ka faa’idayaa rumaynta Eebbe?” diintu waxay u haysaa jawaab degdeg ah: “Ducaduu kaa aqbalayaa!” Aayado badan oo Quraanka ah ayaa Eebbe u sawiraya in uu aad ugu fiican yahay ka-jawaabidda araajida uga timaadda dadka taabacsan. Xataa kuwo uu sii og yahay in aanay rumaysnayn, oo daruufaha ku raadganadaya, ayuu Eebbe ka aqbalaa ducadii, si aan loogu eedayn in uu inta rumaysan uun u gacal miso.

Sawirashadaasi waa ka caan diimaha badankood: Islaam, Yuhuud, Kiristanba. Xataa tacliimaadka Hinduuska iyo Buudiyiinta ayaa laga soo helayaa tibaax muujinaysa in uu Eebbe (ama eebbayaashu) uu naftiisa ka ballanqaaday in uu ducada aqbalo—xataa haddii qof damac kale lihi uu iska dhigo qof lillaahi ah. Ducadu waxay diimaha ugu jirtaa halka waaxda Xidhiidhka Dadweynuhu (Public Relations) ugu jirto xafiisyada shaqada. Waayo, waxay leedahay faa’ido nafsi ah, oo dadka ducaysanaya waxay si aanay dhaaddanayn ugu suuqgeysaa kalsoonida diinta iyo Eebbe.

Qofka marka khasaare duleed soo gaadho, ee uu quus ka istaago kalsoonidii uu ku qabay awooddiisii qofeed (ama bulsheed), ayay ducadu u noqotaa meel uu magansado, oo u sheegta in awoodda Eebbe u jirto si ay u ilaaliso. Sababta oo ah, ducadu waa caalwaa, waxaana lagu tirin karaa qaababka nafsiga ah ee maskaxda dadku qofka rumaysan uga ilaaliso quwadjabka iyo qarracanka.

Maskaxdu mar waxay qarracankaa kaga dhuumataa in ay dafirto waaqica, oo ay ka soo qaaddo in aanay waxba dhicin. Tusaale ahaan, haddii qofka loo sheego in uu soo ritay xanuun dilaa ahi, markan oo kale maskaxdu waxay qofka u sheegtaa in ay iska hadlayaan dadku, oo aanu xanuunkani jirin, haddii uu jirana aanu dilaa ahayn. Waa is’indhatir. Kol kale, maskaxdu way is ciyaalaysaa, oo waaqic u baahan in qaangaadhnimo lagu wajaho marka qofku uu qaabbili kari waayo, ayay maskaxdu ka muquurataa oo carruur iska dhigtaa, lana soo baxdaa habdhaqanno lagu yaqaanno keli ah dadka da’doodu yar tahay. Tusaale ahaan, haddii qof xil muruq u baahan loo dhiibo, sida in uu askar qaran ku biiro, balse aanu ku niyadsamayn, si niyadxumaanta ay uga badbaadiso, waxay maskaxdu jidhka amartaa in uu saacaddaa laga bilaabo yahay sebi yar oo aan waxba kala garanayn, dabadeed waa kaa dhulka gelgelimaystay ee iska ooyay, saxaradiisa qooshtay, ficillada ilmo yar lagu yaqaan intuu ka gaadhi karayayna sameeyay. Waa kolalka aynu dhahno qofku wuu is nasaqayaa.

Mar kale, uu qofku ku fashilmo in uu qayb nolosha ka mid ah ka soo dhalaalo, si aanu isugu arag qof hadhay oo liita, waxay maskaxdu kaga hortagtaa in ay qofka ku mashquuliso sidii uu qayb kale oo nolosha ah isaga dhisi lahaa, si uu ugu qariyo qaybtaa uu ku guuldarraystay, oo qaybtan cusubi cawilnaq ugu noqoto. Tusaale ahaan, arday ku dhacay imtixaannadu si uu uga badbaado in la wada naco, wuxuu iska dhisaa kubbadda cagta si uu iskuulkiisa kaalmaha hore ee ciyaaraha fudud uga galo, dabadeed haddii cidi soo xasuusiso in uu tacliinta ku hooseeyay, wuxuu tusaa billadaha uu ka helay muddadii uu horyaallada iskuullada ku metelayay dugsigiisa! Intani waa tusaalayaal, balse hababka isdifaacu (defence mechanisms), oo uu kasmanafeedda ku soo daray Sigmond Froydh, waxay dhammaantood ina barayaan sida maalinlaha ah ee maskaxda dadku uga badbaadiso qofkeeda niyadjabka, qarracanka, iyo qulubka. Waxaana lagu doodi karaa, ducaduna shaqadaa nafsiga ah oo kale ayay haysaa. Sidee? Hoos ayaynu ku sharrixi doonnaa.

Quraanka, oo ah tixraaca diin Islaamka, waxa ku taalla Eebbe oo nebigiisa u soo dhiibaya farriin toos ugu socota dadkiisa, oo ah: I barya, waan idin ka aqbali e. Tani waxay Eebbe u sawiraysaa in uu aqbalidda ducada u dheganugul yahay, dhanka kalana waa xodxodasho diintu ku xoodaaminayso kalsoonida dadka, si ay ugu arkaan in ducadu tahay xisaabta furan ee Eebbe mar kasta laga helayo. Dadku marka ay ducaystaan, si aanay uga niyadjabin xaqiiqada ah in aanay markiiba helin wixii ay durraansadeen, waxa diintu u alliftay hadallo qalbidhayid ah, oo sheegaya in ducada aqbalaaddeedu saddex qaab ku timaaddo: iyadoo markaa lagu siiyo, iyadoo lagaaga xirsixidho belaayo ka weyn midda aad ka ducaysanaysay, ama iyadoo dib laguugu kaydiyo maalinta aakhiro si laguu siiyo wanaag ka weyn kii aad ku baryootantay. Marleyba Eebbe waa ka nasahan yahay la-xisaabtan. Qofkana waa laga soo ooday in uu wax iska wayddiiyo ducadii uu dirtay hadduu jawaabteeda raagsado, oo waxa horyaalla labo suuragal oo kale oo aan cayinnayn goorta ay yihiin: xilliga belaayada tan uu ka ducaysanayay ka weyni dhacaysaa ma qeexna, waqtiga ay aakhiro imanayso ee uu samaha kii uu ku ducaystay ka weyn helayaana ma cayinna. Sidaa darteed, halxidhaalahaa ayaa lagu hantay kalsoonidii qofka.

Waxa xiise leh in erayga “salaad – الصلاة”  ee af Carbeedka ahi, xididkiisu yahay “duco.” Afka Ingiriisida, oo lagu turjumay badi kutubta diiniga ah, erayga “duco” waa “pray”, erayga “salaad” isaguna waa “prayer.” In ay isku xidid yihiin labada eray ayaa laga dhadhansan karaa. Wadaaddada Islaamkuna waxay sheegaan in nebigu uu salaadda ku tilmaamay xilliga uu qofku Ilaahiisa ugu dhow yahay. Nuxurka ugu weyn ee salaadda dhexdeeda la qabtaana waa in la akhristo ducooyin, allabari ah, iyo Quraan duco u badan. Weli waxaynu arkaynaa in diintu abbaarayso nafsadda qofka, iyada oo u maraysa xayaysiiska ducada, si ay u kasbato taageerada qofka, iyo kalsoonidiisaba.

Halkaas ayay taallaa faa’idada ducada, ee aynu ku soo sheegnay in ay ka mid tahay siyaabaha nafsiga ah ee qofku iskaga difaaco in uu qarracmo ama niyadjabo. Faa’ido duleed oo la arki karo ma laha, balse dheef nafsi ah oo la dareemi karo ayay leedahay. Tusaale ahaan, haddii uu qof ku dulmiyo, oo ay shantaada iyo sharciga midina kaa celin karin, oo aad dabadeed si taagwaa ah u ciirsatay duco, maxaa dhacaya? Ducadii oo inta ay jidhaysmato, oo weji halyey yeelato, xaqaaqii kuu soo dhicisa ma arki doonno; balse waxaynu arki doonnaa adiga oo niyad ahaan aan is ciilkaanbiyayn, qarracmayn, oo marka dhacii kugu dhacay lagu la soo qaadaba si fudud u leh: Ilaahay baan ku xawilay!

Jilaagii reer Maraykan, ee Edo Philips, ayaa ku kaftamay: “Markii aan yaraa, waxaan Ilaahay wayddiisan jiray in uu baaskiilad i siiyo. Kolkii danbe ayaan se ku baraarugay in xikmadda Eebbe aanay sidaa u shaqayn. Dabadeed inta aan baaskiilad soo xaday, ayaan Ilaahay denbidhaaf wayddiistay!” Hadalka Philips, maad ha iska ahaado e, wuxuu si dadban inoogu gudbinayaa ducada iyo dulucdeeda diiniga ah. Ducada ma yeelato saamayn duleed (baaskiilad in ay kuu soo xaddo), balse waxay leedahay raad nafsi ah (in ay kaa baajiso culayska nafsi ee uu kugu hayn lahaa dareenka ah in aad wax xadday).

Kol kale, ducadu waxba ka ma beddesho xeerarka dabeecadda, ee waxay wax ka beddeshaa dareenka iyo niyadda lagu qaabbilayo dabeecadda. Tusaale ahaan, haddii abaari dheeraato, oo dabeecaddu gadooddo, doorsoon cimilo awgii, dadku way ducaysan. Balse ducadaasi inta ay samada u kacdo, ma soo noqonayso iyada oo gelbanaysa daruuro ay soo sasabtay. Waayo xeerarka dabeecaddu (oo lala xidhiidhin karo waxa uu Quraanku u yaqaanno caadooyinka kawniga ah), ma gedgeddismaan. Taa beddelkeeda, dadka baraadkooda iyo wacyigooda ayay ka celisaa in ay is dhiibaan, oo saca nugul raacaan. “Naxariista Eebbe ha ka quusanina,” ayuu Quraanka dadka taabacsan ugu laabqaboojinayaa. Ka dibna, taasi waxay keeni kartaa in uu niyad ahaan iska faraxsanaado, oo uu ku noolaado niyaysiga ah in mar uun xeerarka dabeecaddu dartii isu doorin doonaan. Dabcan, xaglo laaban oo xoolo sugayana way keenaysaa ducada jaadkan ahi.

Qiyaastiina taas buu salkeeda soo taabtay abwaankii Soomaaliyeed ee yidhi:

Salaadaha haddaan tukado soonna ku harraado

Samawaadka khayrka leh haddaan sacabbadaw taago

Anuun baa sallaxa jiidhayee lay sanqadhi maayo!

 

Saamaynta noocan ah, ee aynu sheegnay in ay ducadu yeelan karto, waxa ugu wacan raadka balaasiibo (placebo effect), oo ah in qofku wacnaansho ku dareemo filashadiisii hore ee ahayd in uu ku wacnaan doono tallaabadan, balse aan ka iman tallaabada la qaaday (tusaale ahaan, waa qof kiniin soo iibsaday, oo fishay in uu ku ladnaan doono, dabadeed ladnaan ka dareemay filashadiisii ee aan ka dareemin kiniinka, waayo, tusaale ahaan, kiniinka oo aan lahayn saamayn dawo). Raadka balaasiibadu waxa uu ku guulaystaa dadka ku kalsoonaa ficilkan ay samaynayaan, ee is lahaa waa intaas oo aad il iskaga garataa. Waxay dadkaasi hodan ku yihiin xejishada aragtida ay marka hore ka sii haysteen meesha iyo ficilkan ee ku daabaqnayd intaanay ficilka samayn ka hor (idée fixe). Oofka ducaysanayaa sababta uu u dareemayo degganaanshaha nafsadeed, ee uu iskaga dhegamarinayo qarracan kasta, waa in hore kalsoonidiisii loo hantiyay, oo filashadiisuna tahay Eebbe mar kasta jooga oo jira, oo ducadiisa u aqbalaya. Waxaana ku filnaata in uu si sahlan iskaga dhaho: Ilaahay baa ina la jira! Xeeshaa oo xataa nebiyadu isticmaaleen, si kalsoonida taageerayaashoodu faraha uga bixin.

Dadka dersa sida diintu xidhiidhka xooggan ula leedahay dareenka iyo laxawga qofku, waxay ku doodaan in diintu ay guulaysato mar kasta oo ay caaddifadda dadka hanato, balse ay karaarjabto mar kasta oo ay caqliga is mutaan. Tusaale ahaan, buuggooda Sociology and Religious Emotions, ayay Ole Riis iyo Lind Woodhead ku deraaseeyeen qodobkan. Waxay, iyaga oo indho iyo agab cilmibulsho wax ku eegaya, ku andacoodeen in diimuhu ay ku raadayn bataan dadka aan diin mooyee wax kale baran, ama diinta oo keli ahi ku maqal badatay. Waa dadka diintu yeelatay. Diintu dareennada dadka ayay sida birlabta ugu dhegtaa, sidaana waxay ku lahaataa dad aad u badan oo niyad u haya. Haddii la soo koobo, diini waa dareen.

Si aynu qodobkan u faahfaahinno, waxaynu u baahanaynaa in aynu is dul taagno ducada iyo cabsida, iyo sida ay labadoodaasi ugu adeegaan diinta. Cabsidu waa awoodda kowaad, ugu doorroon, ee rumayn idilkeed ku dhisan tahay. Waa hubka dareennada isaga gudba. Haddii aan la baqayn, waxba la ma rumeeyeen. Waxaana inoo cad in rumaynuhu yihiin baqamaal. Mustaqbalku waa mugdi, waxna laga ma yaqaan. Dadkana taasi werwer bay ku haysaa. In ay soo baxdo cid sheeganaysa in ay mustaqbalkii mugdiga ahaa war ka siddo, waa loo dhegtaagayaa, waayo waxay dadka ka furatay hawl. Kolkaas haddii ay tidhaahdo, “waxa yaalla dab iyo dahab, oo haddii aad i raaci weydaan, dabkaad ku shalwan doontaan,” waxay u badan tahay in la wada raaco. Waayo, wuxuu meesha keenay wax laga cabsado (dab), iyo wax la jecel yahay (dahab). Dadkuna go’aannadooda, xataa haddii aanay dhaaddanayn, waxay u qaataan si ay u helaan dheefta u badan, ugana baaqsadaan dhibka ugu badan. Sababtaas ayaynu u arkaynaa in diimuhu ka walaaloobeen cabsikumacaashka. Haddii aad booqatid goobaha fatwada ee interneedka ka furan ee wadaaddada wax lagu wayddiiyo, waxa aad markiiba arkaysaa in dadka la barayo siyaabaha Eebbe looga baqo!

Dhanka kale, ducadu waa tiir kale oo muhiim ah. Haddii cabsidu ay ahayd baqagelin, tanina waa rejagelin. Waxaanay xidhiidh qoto dheer leeyihiin cabsida. Qofku marka uu baqayo waxa laga yaabaa in uu aad u ducaysto. Waxa taariikhda diineed werisaa nebi Maxamed oo dagaal ku soo socda ka warhelay, dabadeed duco u fadhiistay, jeer oo go’iisii ka siibtay. Waayaha colaadeed iyo cabsida ku lammaani in ay nebiga sidaa u kellifeen waa la arki karey, waayo, waxay sheekadu ku daraysaa, markii uu cabbaar fadhiyay ayuu istaagay oo sheegay in ducadiisii laga aqbalay, kalsoonina ay dagaalka ku geli doonaan. Eebbe, isaga oo ina dareensiinaya cabsida iyo sida ay daruuriga ugu tahay in qofku uu wax rumeeyo, dabadeed ducaysto, wuxuu Quraanka ku xusay dadka badan oo ku kufriyay, balse markii masiibo ku habsatay inta ay cabsoodeen “soo laabtay,” iyaga oo ay ku jirto cabsi ka haysa duruufta ay ku jireen, rejaynayana in ducadooda la aqbalo. Eebbe wuxuu ku daray intaa in uu ka aqbalay ducadii, si uu kaadibadane ugu gogol badiyo.

Sida aynu sheegnay, ducadu waxay qofka ducaysanaya siisaa awood nafsadeed oo uu ku illaawo culays nafsadeed oo ku iman lahaa, iyo dareen denbi oo geli lahaa. Tusaale ahaan, maalmo 2018 ka mid ahaa baan aad u xanuunsaday. Waxa la iga helay qandhada Tayfoodha. Dad baa igu la taliyay: “Ilaahay baa kuu keenay xanuunkan, Ilaahay baana kaa qaadi kara e, bal isaga bari.” Balse, saw su’aal weyn ma noqonayso: Muxuu markii hore Eebbe xanuunka iigu keenay, intaanu iga qaadin, saw muu ogayn in aanan xammili karin? Waa wax iska cad in aanu Eebbe ku eedaysnayn xanuunkayga, oo aanu isagu soo maleegin. Taa beddelkeeda, waxa cudurkan keentay koox bakteeriyo ah, oo arxan daran, oo la isku dhaho Salmonella typhi. Markaa, ma jirto sabab aynu Ilaahay, xumaan ka nasahan e, ugu tuhunno in uu dadka xanuun aanay qaadi karin iskaga rido. 

Dad kale oo akhyaar ah, oo ka war helay in aan buko, ayaa ii soo duceeyay. Waxa xiise iyo soojiidasho leh qaabka ay u dhigeen ducadooda, oo ah hab caan ah. “Ninyahow dhib baa kugu dhacday. Bal wax kale oo aan sameeyo garan maayee, Ilaahay ha ku shaafiyo.” Weedha ah “dhib baa kugu dhacday,” waa arxan iyo dareenwadaag uu qofkaasi ii muujinayo. Halka weedha “wax kale oo aan sameeyo garan maayee,” ay si yaab leh u soo koobayso sababta uu qofkani iigu ducaynayo: sababta oo ah “wax kale” oo uu sameeyo garan maayo. Kolkaa ducadu waa hubka keli ah ee kaydkiisa ku hadhay. Ciirsi caalwaa weeye. Oo ducada waxa la cuskadaa marka aan la garanayn “wax kale oo la sameeyo.”

Balse ducadu xummadda iga may jarayn. Waayo, meel hoo u baahan hadal waxba ka ma taro. Hadal kasta oo la dhaho xilli waxqabad loo baahan yahay, waa biyo col dhaanshay. Hooda ay halkan oo kale u baahnayd waxa ka mid ah: hoo lacagtan oo cisbital tag (oo ay ehelku huraan); hoo dawadan qaado xilligaa iyo xilligaa (oo uu dhakhtarku huro).

Dhakhtarku sababta uu u hananayo kalsoonidu waxa weeye in uu garanayo “wax kale oo uu sameeyo.” Dhakhtar aad lacag ka bixisay in uu inta kuu soo duceeyo, madaxa kuu soo salaaxo, ka ma yeelaysid. Sababta oo ah, ducada waxa iska leh dadkaa kale ee aan wax kale oo ay sameeyaan garanayn, balse isagu waa in uu ficil (hoo) keenaa. Malahayga, hadalka keli ah ee nidaamka dawaynta raaci karaa waa mid imanaya marka hoodu dhammaato, oo u badan talooyin, sida “biyo badan cab, naso, wax hagaagsan cun, dawada waqtigaa qaado…” Sida muuqata, xataa hadalka hooda ka danbeeya, ee wax tarayaa, ma aha duco. Iminkaynu xasuusanaynaa wadaadkii aan qoraalka ku bilaabay iyo sababta uu ducada iskaga bilawday, isaga oo aan hubin shardiyadii uu taxayay. Wadaadka waxa u danta ahi may ahayn in uu shardiyada ka soo baxo, balse waxa uu door roon siinayay in uu kurbada iska rido oo uu muujiyo in uu Eebbe ku xidhan yahay, oo uu xataa shardiyada yaryar waafajintooda ku baryootamayo. Waayo, ma uu garanayn wax kale oo uu sameeyo!

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Gacmo (iyo Caqli) Geeljire

Masrax

Fan Kale

Buug

Nolol baa la aasay