Skip to main content

Friday 17 May 2024

Waraysi

Sida socodku siyaasad u yahay

29 April, 2024
Image
Matthew Beaumont
Share

Matthew Beaumont, oo ah aqoonyahan suugaanta Ingiriisiga ka dhiga Jaamacadda UCL, ayaa waraysi qoto dheer Geeska ka siiyay buuggiisa cusub ee ku saabsan Faanon, cunsuriyadda iyo sida socodku siyaasad u yahay.

 

Filasoofkii qarnigii 18aad ee Jean-Jacques Rousseau wuxuu buuggiisa Confessions ku qoray: “Wuxuun baan si saafi ah u fekeri karaa kolka aan socdo. Haddaan istaago, fekerkuna wuu iga joogsadaa; maankaygu lugahayga uun buu la shaqeeyaa.” Sidoo kale filasoofkii Nietzche oo da’ yar baa samaha socodka ka faallooday, isaga oo ku tilmaamay—kolka lagu daro muusigga Schumann iyo qoraallada Schopenhauer—in uu yahay isha ugu weyn ee uu nayaayirada ka helo. Qoraayadda reer Maraykan, Rebecca Solnit, waxay buuggeeda Wanderlust ku xustay: “Jeremy Bentham, John Stuart Mill, iyo mufakiriin la mid ahiba aad bay u lugayn jireen, oo xataa filasoofkii Thomas Hobbes wuxuu qaadan jiray ul uu ku tukubo oo afka ku leh ubbo yar oo uu khad ugu jiro si uu isla markiiba u qorto wixii fekrad ku soo dhaca inta uu lugaynayo.” Qoraaga reer Jabbuuti ee Cabdiraxmaan Waaberina sheekadiisa u danbaysay ee Why Do You Dance When You Walk (oo ku saabsan nolosha naafannimada) wuxuu ka soo dhinbiilqaatay mar uu la lugaynayay inantiisa.

Socodku wuxuu weligii kaalin laxaad leh ka soo qaadan jiray taariikhda basharka kolka laga tago hawsha caadiga ah ee uu inoo hayo, isaga oo mufakiriintii ugu waaweynaa ee insaanka siin jiray fursad ay, kolka ay lugaynayaan, kaga fekeraan su’aalaha ugu waaweyn ee ku taagan. Hasayeeshee, socodku sidaas uun ma aha ee sidoo kale waxa ku jirta siyaasad, ayuu qabaa Matthew Beaumont, oo ah aqoonyahan suugaanta Ingiriisiga ka dhigay Jaamacadda UCL, isaga oo arrintan kaga faallooday buuggiisa cusub ee How We Walk/Sida aynu u soconno. Beaumont wuxuu inagu carinayaa in aynu dib u eegno muhiimadda socodka, isaga oo gungaadhkiisa ku dul dhisaya saddex qodob: Qaadaadhiggii Frantz Fanon ee ku aaddanaa siyaasadda socodka iyo lugaynta dadka madow, fekraddii Reich uu ku rumaysnaa in qaabka aynu u fadhinno/taagannahay/soconnaa ay wax badan inaga sheegayaan, iyo aragtidii Bloch ee ku aaddanayd in socodku astaan u yahay xoroobidda; ka dibna wuxuu inagu martiqaadayaa in aynu dib uga fekerno fahankeenna ku aaddan falkan socodka ee u eg mid “iska dabiici” ah. Beaumont wuxuu inooga digayaa in aynu socodka ka soo qaadno wax iska caadi ah oo aynu dammaanad u haysanno, isaga oo hoosta ka xarriiqaya sida dhaqdhaqaaqeenna ay u qaabeeyaan qodobbo ku arooraya bulshada, dhaqanka iyo hiddasiduhu.

Cilmibaadhista Beaumont way ka gudubsan tahay in mawduucan si caaddifad ka madhan loo derso oo keli ah; wuxuu inagu boorrinayaa in aynu ka hortagno cunsuriyadda iyo faquuqa dabaqadeed ee ku laxaamadsan nolosheenna innaga oo ku eegayna indho u fiirsanaya falkan socodka ee u eg wax aan sii ridnayn. Maaddaama aan ahay nin madow oo ka soo jeeda Afrika, aniga wadasheekaysigan aan la yeeshay Barofeesar Beaumont wax weyn buu iiga dhignaa, oo indhafur iyo awoodsiinba waan ka helay. Waxaanan qabaa in, kolka aynu u dhug yeelanno waxqabadyada uu buuggan How We Walk ka mid yahay, aynu falawgeeda geli karno sidii aynu daaha uga feydi lahayn xidhiidhka ka dhexeeya jidhkeenna, haybteenna, iyo caalamka inagu hareeraysan.

Waraysigan aan idiin soo gudbinayno, wuxuu barofeesar Beaumont si qoto dheer ugu eegayaa buuggiisa cusub ee ku saabsan Faanon, cunsuriyadda iyo sida socodku siyaasad u yahay.

 

 

Cabdicasiis Guudcadde (CG): Kolka akhristuhu uu u gondadego buugaggaaga ku wada saabsan socodka (sida Nightwalking, The Walker, iyo kan ugu danbeeyay ee How We Walk), wuxuu is wayddiin karaa: oo socodkana? Maxaa socodka, oo u eg ficil aanba sii ridnayn, ka dhigaya mawduuc la derso oo la isku hawlo? Maxaan socodka ka dhigayn wax iska caadi ah?

Matthew Beaumont (MB): Waa su’aal habboon! Socodka waynu isa siinnaa. Tabta neefsiga. Waxaynu ka soo qaadnaa in falalka caynkan ahi ay “dabiici” yihiin. Waa run in ay “dabiici” yihiin, oo ay qayb ka yihiin waxa uu Kaaral Maarkis ku magacaabay “jiraalka isirkeenna.” Hasayeeshee, iyagoo sidaas ah, waxa dabbaalsiiya dhaqanka. Kolkaa marna ma aha wax iska “dabiici” ah. Caalinkii antaraboolajiga ee reer Faransiis, Marcel Mauss, oo Faanonna uu qaddarin jiray, ayaa tibaaxay wax uu ku magacaabay “farsamooyinka jidhka,” oo socodku uu ka mid yahay. Sida qofku u socdo waxa qaabeeya waayaha bulsheed iyo dhaqan ee uu ku nool yahay, iyo sidoo kale hiddasidihiisa. Sida uu Mauss u dhigayna, “sida aynu u laafyoonno kolka aynu soconaynaa waxay inoo yeelaan jaadgooninnimo bulsheed, ee ma aha maxsuul gebi ahaanba ka dhashay gaarnimada shakhsiga iyo sida jidh ahaan aynu u qaabaysannahay.” Waxa aan danaynayaa aragtidan ku aaddan sida aynu u laafyoonno ee gacmaha iyo lugaha isu daba dhigno iyo sida ay u abuuri karaan “jaadgoonnimo bulsheed.” Maxay jaadgoonnimadani inooga sheegi kartaa bulshada?

Faanon, sida aan u arko, wuxuu danayn jiray siyaasadda jidhka, sarajoog iyo socodba. Waxayna, sida dhabta ah, taasi la xidhiidhaa xiisihiisii ku aaddanaa neefsiga. Neefsigu, sida aan xusay, waa fal dabiici ah, laakiin qudhqudhsan dhaqanka,sidaa darteedna ah fal siyaasadeed. In uu sidaa yahayna waxa muddooyinkan danbe inoo caddeeyay labo dhacdo oo caalami noqday. Midi waa sadhadii Koofidh-19. Filasoofka siyaasadda ee reer Kamaruun, Achille Mbembe – oo si weyn u akhriya Faanon – ayaa mawduucan ka qoray maqaal aad u xiise badan oo cinwaankiisu yahay ‘The Universal Right to Breathe.’ Wuxuu, isaga oo ka fekeraya caqliyadda hantigoosiga cunsuriyadda ku dhisan, ku baaqayaa in la naqdiyo “wax kasta oo insaanka ku qasbaya in uu si dhicisnimo ah u neefqabatoobo, oo ah wax kasta oo asalkaba wareemaya neefmareenka.” Xalaaddan cabbudhiska ah oo lagu yaqaan nidaamka hantigoosiga cunsuriyadda ku dhisan, dabcan waxa uga sii daraya sadhadan dillaacday. Kaasi waa qodob. Dhacdada labaadina waa dilkii George Floyd loo geystay 2020, oo sarkaal boolis oo cunsuri ah oo taliska Miniyaabolis ka tirsani intuu luqunta kaga jilba-joogsaday uu sidaa ku dilay, erayadiisii ugu danbeeyayna ay ahaayeen: “Ma neefsan karo/‘I can’t breathe’.” Odhaahdaasi markii danbe waxay halkudheg u noqotay dhaqdhaqaaqa Nolosha Madowgu Tirsan (Black Lives Matter).

Haddiiba neefsigu siyaasad yahay, sida dhacdooyinkaa kala geddisan haddana isa soo gelayaa inoo muujiyeen, markaas socodkuna waa la mid. Faanonna, maaddaama uu dhakhtar dhimir iyo halgamaa siyaasadeedba ahaa, si gaar ah buu u danayn jiray arrinka uu ku magacaabay “neefsiga la haysto/occupied breathing” – oo ah neefsiga lala hoos joogo heeryada gumaysiga – iyo sidoo kale wax aan odhan karo socodka la haysto. Marka la joogo bulsho cunsuriyad ama gumaysi ka jiraan, sida qofka la gumaysto ama la cunsuriyeeyaa u socdo waddooyinka waxa qaabeeya baahida uu u qabo in uu dagaal-u-joog ahaado oo uu iska difaaco, ha ku baraarugsanaado ama yaanu ku baraarugsanaanba e, booliska ama ciidanka haysta, ama ugu yaraan nidaamka sirdoonka iyo ilbaadsiga oo qudhiisu ah gacan ay quwadahaas dulmigu leeyihiin. Sida uu Faanon carrabka ku adkeeyay, la-gumaystuhu wuxuu mar kasta ku nool yahay xaalad murqihiisu tigtigan yihiin, taasina waxay jidhkiisa ku daabacaysaa gumaysiga iyo dhaqdhaqaaqa uu ku suntan yahay.

 

CG: Waxaad si xiise leh u soo bandhigtay siyaasadda dabci ahaan ku lammaan falka lugaynta. Hadal ka ma taagna in aynu, dad ahaan, noolayaal siyaasi ah nahay. Haddaba, sidee buu dhaqdhaqaaqeennu—jidhkeenna duleed—uga turjumi karaa una meteli karaa haybteenna siyaasadeed?

MB: Aan faahfaahin ka sii bixiyo. Aan soo xiganno waaya’aragnimada saxafigii reer Jamayka, Garnette Cadogan, oo 2016 qoray maqaal aad u faafay oo cinwaankiisu yahay ‘Walking While Black’. Wuxuu kaga sheekeeyay wixii ay uga dhignayd in uu ka soo guuro Jamayka oo intii uu joogay aanu weligii u fiirsan jirin sida uu u soconayo jidadka, ee uu u yimi Maraykanka. Degmada New Orleans ee New York, iyo magaalooyinka kalaba, wuxuu si kedis ah ugu dhex dareemay in socodku uu yahayba fal siyaasad leh. Iminka wixii ka danbeeya, is ma siin karo ficilkan markii hore caadiga la ahaa ee ah in uu labo lugood is daba dhigayo iyada oo aanay cidina sidaas u eegin. Maxaa yeelay, maaddaama uu nin madow yahay, waxaba uu denbi ku mutaysanayaa in uu jidadka si xor ah u lugeeyo. Waa loo handadi jiray, la huruumi jiray, lana xidhi jiray markii la rabo.

Maqaalkiisaas wuxuu Cadogan waaya’aragnimadiisan ku sifaynayaa “carruurayn”—cabsidan uu ka qabey in loo booliseeyo oo la beegsado ayaa kaga tagtay raad ah in ay ku celiso tagtadiisii, gaar ahaan waagii uu isaga oo ilme yar socodbaradka ahaa. Waayo? Maxaa yeelay, socodkii ayaa mar kale ula noqday arrin uu aad ugu baraarugo tabta ilmaha yari ugu baraarugsan yahay in uu soconayo, ee uu ula kacaakufayo, khatarina ay u sii dheer tahay. “Aniga oo weynaaday laakiin dubkaygu madow yahay,” ayuu Cadogan ku xusayaa qoraalkiisa, “waxa mar kasta la igu celiyaa marxalad dhallaanimadii ah oo aan socodbarad ahaa. Sidii waagaas ayaan mar kale dhiifoonahay oo aan dig ku jiraa.” 

Nafsadda qofka madow, sida uu qabo Cadogan, waxa “walaxeeya” qofka cad ee waddada ka tallaabaya ee indhaha ku gubaya; ama, ta ka sii daran, wakiillada dawladda iyo farsamooyinkeeda ilbaadinta iyo sirdoonka. Kolka si fudud loo dhigana, nafsadda qofka madow laga ma xarrimo uun isku-baraarugsanaanta e, waxa sidoo kale looga dhaartaa in uu “is” lahaadaba oo uu iskii u jiro. Waa la dayriyaa oo xaalad dullinnimo ah lagu tuuraa.

Nafsad-tirkani—ama dulliyayntan, haddii aan dhaho—waxay ku daabacantaa jidhka qofka. Dabadeed qofka madow halkii uu si xor ah uga socon lahaa ee uu kalsooni ku laafyoon lahaa, dhaqdhaqaaqiisa waa la xaddidaa oo la xarrimaa. Murqahiisuna, sida uu Faanon dhawr mar ku soo celceliyay, way giigsamaan oo tigtigmaan.

 

CG: Ilaa hadda Faanon waa la dersaa oo laga ma daalo. Waxay danayntaasi isugu jirtaa aqoonyahanno uu ka mid yahay Xuseen M Aadan “Tansaaniya” oo ku tilmaamay aragticuriye siyaasadeed oo dimuqraaddi ah, ilaa Faaduma Seek oo dul istaagtay mawduuca “Faanon iyo timaha.” Adiguna si jaadgooni ah baad doodahan wax ugu darsatay, adiga oo is dultaagay siyaasadda jidhka iyo socodka oo lagu eegayo indho Faanonaysan. Haddaba, sidee baynu Faanon ugu arki karnaa in uu dhaafsiisan yahay indheergarad ballaadhan, oo uu yahayba mawduuc aqooon ahaan loo dersi karo?

MB: Sida hadalkaagaba laga fahmi karo, Faanon waa shakhsiyad shaacsan. Taasna ugu ma wacna uun in uu siyaasad ahaan noqday qof laga dhinbiilqaato, ee sidoo kale qoraalladiisa ayaa dhinacyo aad u kala geddisan lagaga iman kara. Dabcan tan waxa ku lammaan khatar. Faanon waxa laga qoray kumannaan maqaal oo cilmi ah, buugag, iyo tiisooyin lagu qalinjebiyay, oo ugu yaraan qaar ka mid ahi—kas iyo kama’ ka ay ka tahayba—Faanon “dhufaanaya” kana siibaya “xididka siyaasiga ah.” Laftaydu waan dhaaddanahay in deraasaddan aan ku sameeyay Faanon iyo siyaasadda jidhku—oo dabcan ku tiirsan aqoon hortay soo taxnayd—aanay dhaliishaas oo kale ka tallaalnayn ee ay yeelan karto. Waanan ku baraarugsanahay in, maaddaama aan ahay nin cad oo wax ka qoraya werintii Faanon ee ku aaddanayd baadiyaynta iyo kharribidda jidhadhka la cunsuriyeeyay ee gumaysiga iyo imbiryaaligu ku hoos jira, aanan marna sheegan karin in aan waaya’aragnimo i soo martay wax ku dul dhisayo. Hasayeeshee, sida aan gogoldhigga buuggaygaba ku sheegay aniga oo tixraacaya gorfeeyihii Nicholas Mirzoeff, anigu u ma hadlayo waaya’aragnimada madowga ee waxaan ka hadlayaa oo aan ka soo horjeedaa duudsinta madowga.

Laakiin waxaan ku abdo weynahay in aan, kolka dhinacyo badan laga istaago, caabbiyo siyaasad-tiridda Faanon ee uu dabada ka wadey mad’habkii bunyawiyada ka dib (post-structralism) ee sannadihii 1980nadii iyo 1990nadii. Waxayna tani qayb ka tahay dedaalka dib loogu laabanayo jidhka—jidhka aan ahayn ka ay u ololeeyaan qolyaha casriyawga ka dib ee shahwadu madax martay ee ah jidhka dhidida ee hawlgalka ah. Waxaan buugga ka damacsanaa in uu jasad iyo dub lagu garto siiyo luuqadda Faanon iyo siyaasaddiisaba. Waxay sidoo kale arrintani qayb ka tahay wadahadalka aan buugga ku dhex marsiiyay Faanon iyo mufakiriinta kale ee Bidixda, oo ay ugu horreeyaan mufakirkii Maarkisiga ahaa ee reer Jarmal, Ernst Bloch, iyo caalimkii lafagurka nafsadda ee reer Ustariya, Wilhelm Reich. Weliba shakhsiyaddan danbana waa sii muhiim, sida aan u arko, waayo xataa Faanon baa akhrisan jiray. Fekradda Reich ee ku aaddan “dahaadhka shakhsiyadda” oo ah habka ay baadiyoobiddu u qaabayso jidhkeenna iyo nafsaddeennaba, sida ay ila tahay aad bay Faanon muhiimad agtiisa ugu lahayd, in kasta oo aan inta ogahay aanay cid hore xidhiidhkan caddaynin.

 

CG: Baadhitaankaaga kafiirsiga lihi wuxuu inoo muujinayaa in qofka madow socodkiisu uu mar kasta siyaasad yahay. Ma noo sii faahfaahin kartaa xidhiidhka jinsiyadda (iyo dabaqadda) iyo ka dhexeeya socodka, xilli aynu ku nool nahay duni ay kalaqaybsanaan labaaley ahi hadhaysay, sida uu Faanonba ku qeexay?

MB: Dabcan – sida qofku jidhkiisa ula dhex maro dunida ay ka muuqdaan duruufaha hantigoosiga cunsuriyadda ku dhisan, waxa qaabeeya dabaqadda iyo sidoo kale sinjiyadda (iyo, dabcan, siyaasadda jinsiga). Arrintan Maarkis iyo Eenjelisba way dhaaddanaayeen. Bilmetel, Maarkis wuxuu buuggiisa Capital ku suntayaa cudurrada iyo iimaha uu nidaamka wershadawgu qaadsiiyo xoogsatada ku hoos nool, wuxuuna arrinkaa ku magacaabay “bugtada wershadawga.” Eenjelisna wuxuu buuggiisa The Condition of the Working Class in England, ku taxayaa wax badan oo cilladahaas ka mid ah, sida “cagaha oo fidsama,” kalagoysyada oo barara, iyo xididdada oo higaagma.

Faanon hiddahaa ayuu ka dabqaadanayaa, sida aan qabo. Wuxuu aad uga hadlay baahida loo qabo in Maarkisiyadda la “fidiyo,” siyaabaha taas loo samayn karana ee uu qudhiisu yeelayna waa in fekradaha Maarkisiyadda lagu baahiyo oo lagu horumariyo jidhka dulman, iyadoo mabda’ ahaan la sahaminayo raadka ay jidhka kaga tagaan gumaysiga iyo hantigoosiga cunsuriyadda ku dhisani. Maaddaama oo uu ahaa dhakhtarna, meel uu hawshaa kaga soo dhalaali karo ayuu joogay. Tusaale ahaan, qudhiisu wuu soo hadalqaadayaa xididdada higaagma ee barara. Buuggiisa Black Skin, White Masks, wuxuu si adag u weerarayaa dhakhtarradii Faransiiskaa ahaa ee xididdada higaagma u arkayay in ay keliya yihiin natiijo ka dhalatay daciifnimo qaabdhismeedka jidhka. Sidaas ma aha, ayuu Faanon ku doodayaa, ee eelka waxa dhigay duruufaha tacabsoosaarka ee ay shaqaalaha, gaar ahaan kuwa la gumaysto, ku qasba in ay maalin kasta toban saacadood sarajoogga ku shaqeeyaan. Kolkaa, macquulba ma aha in masalooyinka jinsiyadda iyo dabaqadaha laga dhex siibo doodaha ku saabsan hawlgalka ama hawlgabka jidhka. 

 

CG: Waxa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo inooga digaysa in aynu ku xarragoonno lugo aynaan lahayn, taas oo xoogga saaraysa muhiimadda ay mulkiyaddu leedahay. (Waxay dhahdaa: Laafyo aan loo dhalani lix tallaabo ma dhaafaan). Kolka la isla akhriyo buugga Faanon aad iminka xustay ee Black Skin, White Masks, iyo kaaga How We Walk (gaar ahaan cutubbada 1aad ilaa 4aad), waxa ka dhalanaysa su’aal: Maxaa dhacaya haddii aynu ka xuubsiibanno ahaanshaheenna oo aynu qaadanno laafyo aynaan u dhalan oo uu weliba dulmiye leeyahay? Sidee buu falkani u saameeyaa haybteenna iyo madaxbannaanideenna?

MB: Waa odhaah cajiib ah! Waan u bogay sida ay madaxbannaanida iyo ahaanshaha xoogga u saarayso. Waa run haddii la qaato lugaha dulmiyaha in, sida aad adiguba u dhigtay, naafannimo laga dhaxlayo. Oo ah haddii la iska dhaadhaciyo caqliyadda dulmiyaha ee socodka, ama socod-li’ida. Buugga waxaan kaga hadlay qodob ku saabsan “abaabul-ka-saarka” oo aan ugu horrayn ka wado socod-li’ida ay hantigoosiga cunsuriyadda ku dhisan iyo gumaysigu ku soo rogaan cidda ay baadiyaynayaan ama dhiigmiiranayaan; mar-labaadkana aan ka wado naafaynta siyaasadeed ee ku lammaan ciidan la abaabul-saaray ama la amray “in ay hubka dhigaan.” Hantigoosiga cunsuriyadda ku dhisani cidda ay afka la hesho labadaa habba way u wiiqdaa.

Dhanka kale se waxa jira qodob aan ku diiddanahay odhaahdaa aad soo qaadatay. Waxaan qabaa in uu jiro mar aynu, si aynu u soconno, u baahannahay in ay cid kale lugaheeda ergisanno. Bal ka feker ilme yar oo socodbarad ah, oo ay tahay in uu cuskado cududda waalidkii ama gacmahooda. Ama qof gaboobay oo u baahan taageero uu ku tukubo. Waxa laga yaabaa in mararka qaar aanay ceeb ahayn in aynu madaxbannaanida odhaahdan ka dhadhami karta weynayba. Waxa laga yaabaa in mararka qaar ay tahay in aynu cuskanno—ama ugu yaraan isku hallayno—laafyo aynaan u dhalan, si aynu lix tallaabo u dhaafno. Siyaasad ahaanna, isku-tiirsanaantaasi waa waxa seeska u ah isgarabsiga iyo wada-guulka.

 

CG: Haddaba, intii aan dhex qaadayay bogagga buuggaaga, wayddiin baan maankayga marna ka bixin: Dunidan ay buuxdhaafiyeen dulmiga iyo dadnimatiranka marka aynu eegno, socodku ma noqon karaa hab loo adeegsado dib-isu-xoraynta iyo dib-isu-helidda? Haddii aynu filasoofkii Albert Camus eray-xayirno, ficilka iska fudud ee socodku ma noqon karaa hab awood badan oo lagu wajaho dunidan xorriyadda daran, taas oo tallaabo kasta oo aynu qaadno ka dhigaysa ficil fallaagannimo wata?

MB: Socodka laftiisu ma aha barnaamish siyaasadeed. Waxaan jecelahay dooddii uu soo bandhigay qoraa André Breton ee ahayd in tallaabadii la qaadaa ay summad u tahay “maalin xor ah,” sida dhabta ah se falka socodku, si kasta hubanti ama halabuur u leeyahay, uu si xun u dabranaan doono ilaa lala xidhiidhsiiyo dhaqdhaqaaqa ballaadhan ee xoroobidda. Haddiiba uu dhaqdhaqaaqa caynkaas ah la xidhiidhsamana, uu noqon karo mid aad iyo aad mintidnimo uga turjumaya. Bal ka feker taariikhda dheer ee ay soo mareen dadyawga dulman ee iska diiday in ay ku go’doonsanaadaan goobo ay dawladdu, si rasmi ah ama aan rasmiba ahayn, ugu qoqobtay. Mararka qaar waa laga yaabaa in arrinkan la moodo far keliya oo fool dhaqaysa, hasayeeshee falka noocaas ahi wuxuu si nidaamsan u cabbirayaa fallaagannimo wadareed.   

Soo xasuuso ninkii fallaagannimada ku madiyoobay ee istaagay Fagaaraha Tiananmen sannaddii 1989, ee maalin uun ka dib gumaadkii loo geystay boqollaalka qof ee bannaanbaxayay inta uu si halyeynimo leh uga hor tegay kolonyo kaarayaal ah jidka ka xidhay. Wuxuu la istaagay, oo la socday dad kale oo badan, laakiin keligii baa yeeshay geesinnimada iyo suuraysiga siyaasadeed ee daqiiqaddaas kamaraduhu hayeen, ka dhigay mid sheeggan isla markaana khatarta u nugul. Laga yaabee, kolka aynu sida maalinlaha ah u lugaynayno, in aynu isku dayno in falkaas oo kale la nimaadno, si kasta ha uga halis yaraadee. Dabadeed aynu ku gacansaydhno oo ka tallaabsanno duruufaha dulmiga iyo baadiyoobidda ku lammaan, oo—adiga ayaaba si habboon u dhigay e—aynu tallaabo kasta oo aynu qaadayno ka dhigno ficil fallaagannimo wata.  

 

CG: Gebagebadii, intii aan baadhitaanka ugu jiray waraysigan, waxa ii soo baxday in aad qudhaadu socodka aad u jeceshahay. Haddii aan ku wayddiiyo, miyay dhacdaa in aad marar iska socotid adiga oo aanay dani kugu qasbayn; haddii ay sidaas tahayna, maxaa kugu riixa in aad sidaa yeeshid?

MB: Aad iyo aad! Mar kasta waan lugeeyaa! Inta badan ee macquulka ah, maba waayo sabab aan u lugeeyo. Kolka ay ugu yar tahay degaanka waa u dan, jidh ahaan caafimaad weeye, sidoo kalana, malahana waa ta ugu muhiimsan e, maanka ayuu cariyaa socodku. Aad baan u rumaysanahay xidhiidhka wejiyada badan ee ka dhexeeya socodka iyo fekeridda. Socodku waa bilaash sidoo kalana wuu ku xoraynayaa. Filasoofkii Nietzsche ayaa qodobkan wax inagaga taraya, maxaa yeelay wuxuu qabey—haddii aan erayadiisa soo dheegto—in falsafadda qudheeda la qoro iyada oo la lugaynayo. Wuxuu ku daraya, “ama, waana tu ka fiican e, iyada oo la jaasayo”; laakiin kolley haddii aad dhex jaastid jidadka magaalada Landhan, oo aan ku noolahay, indho aanad u baahnayn baad isku soo jeedinaysaa, taas oo ah xaalad aan u roonayn fekeridda! In la lugeeyaa waa in caalamka loola falgalo maaddinnimadiisa iyo bulshannimadiisaba, iyo sidoo kale in khayaalka dabarka laga furo oo la fasaxo. Waana hab lagu wajahi karo dunida aan xorta ahayn, sidii fiicnayd ee aad adiguba u dhigtay, iyadoo lagu hubaysan yahay halbeeg kooban oo xorriyad shakhsiyadeed ah.

Qoraallada kale ee qoraaga