Skip to main content

Saturday 19 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

“Dawladnimo Weysaysata!”

15 March, 2024
Image
Dawlad
Xuquuqda sawirka: Réka Pisla
Share

Waxaan dhawaan daawaday waraysi uu bixiyay Negeeye C Khaliif oo dhawaan inta uu diiwaan dardaaran u eg Soomaalida ku dhex faafiyay dhuumasho u dhaqaaqay. Sida uu sheegay wuxuu ka soo dhex hadlayaa saldhigyo ay “diyaarado dul marayaan” oo al-Shabaab leedahay. Buuggiisa Debedwareeg oo uu markii isaga oo pdf ah la baahiyayba aan akhriyay sida uu ku sheegay, wuxuu go’aansaday in uu xalka ka raadiyo middiyaha xiiraya iyo maskaxaha seetada loo gaabiyay ee duurka ka ugaadhsada cid ay jannada ku galaan.

Laakiin qodob xiise leh buu waraysigiisan ku sheegay. Isaga iyo qofka aan wejigiisa la ina tusayn ee hor fadhiyaa waxay is wayddiiyeen Negeeye haddii uu waddaniyadda (oo ah fahan cilmaani ah) rumaysnaa, oo uu taas Xamar u tegay, sababta uu iminka ugu biiray—ama aan dhahno erayga uu jecel yahay e, “ugu guuray”—koox gebi ahaanba taas lid ku ah oo qabta fasir diineed. Ka dib wuxuu isku taxallujiyay in uu taas u jidbixiyo. Wuxuu xusay in asalkiisaba uu u socdey oo uu Kaam Buraale ugu dhashay, Hargeysa ugu kacaamay, Addis Ababa wax ugu bartay, Hargeysa uga shaqagalay, Muqdisho ugu wareegay, sidii uu u heli lahaa ama, sida uu yidhi, u dhalin lahaa “dawladnimo weysaysata.” Waa noocma? Astaanta “ugu horraysa ee dawladnimada aynu raadinaynaa waxa weeye in ay ilaahay taqaanno...oo weysaysato,” ayuu ku faahfaahiyay. Haddaba sidee bay dawladi u noqon kartaa mid weysaqaadata oo istijoota?

Hadalkani wuxuun buu inagu celinayaa dabuubta tabta hadaaqa ay u soo celceliyaan kooxaha iyo canaasiirta jihaaddoonka iyo islaamdoonka isku qeexa ee dunidu. Waa fekradda isku lammaanaysiisa in dadka la xukumo iyadoo aan dad la isu haysan iyagana dad loo qabin, ee madaxdana loo arko in ay Eebbe wakiil ka yihiin, dadkana raciyad sanku ugu daloolo in ay “umarada” u raacaan tabta Rabbiga loogu tukado. Hasayeeshee dawladnimadu jannada ma geli kartaa?

Haddii siyaasadda la diineeyo, diintana la siyaasadeeyo, labaduba way fadqalaloobaan oo dikhoobaan. Maxaa yeelay, waxa meesha ka baxaya islaxisaabtankii dadka ka dhexayn lahaa. Ma ilaah ama doonyaqaadkiisa ayaa lala xisaabtami karaa? Tuduca gabayga ah ee Hadraawi uu maansadiisa “Dhahar” ku daray, ee Negeeye (oo mar kasta magaca “abwaan” loogu yeedhayaa) uu khaldayo kana kala tegayaa wuxuuba ku marag furayaa ujeeddada uu ku jujuubaya: “Inta qaran dhiskiisiyo / dhidibkiisu taagnaa / dheeraad nin dooniyo / nin ku dhega xaqiisoo / dhacsanaayay baa jiray.” Qof derajada rususha ama ilaahyada isku wada iyo shacab u halgamaya in ay dadnimadooda ilaashadaan oo ku dhegaan ayaa is hor taagan.

Dawladnimada weysaysataa waa ta uu Waa’il Xallaaq ku tilmaamay “Dawladnimo aan suuragal ahayn,” ee uu Daariq Fataax ku qeexay “dhaandabaggaale.” Waayo? Erayga dawladnimo (oo ah fahanbixin kale oo cilmaani ahi) wuxuu ku lid yahay waxyaabaha kaynta lagu hayo ee dawddarnimada iyo dawdarrada ah. Dadka ayaa weysaysata ama qubaysta, tukada ama taariigooba, qada ama cuna, dhasha ama dhinta, haddii qiyaamaha la tagana janno gala ama cadaabma. Laakiin dawladnimadu ma aha sidaas. Waana fahan u fudud sida nolosha aygaas uu eraygu inagaga yimiba u sahlan tahay.

In arrimuhu sidaas yihiin waxa inoo sii waaddixinaysa maahmaahda uu Negeeye is lahaa qodobkaaga ku xooji, balse sababtay in aynu muuqaalka hakinno oo bal ka fekerno sida odhaahdaasi isaga laftiisa iyo “mabda’a” ay isu ekaadeenba wax inooga sheegayso. “Habaw badan waa lagu dal bartaa,” ayuu ku halqabsaday mar uu ka jawaabayay waxa uu “Wilaayaadka” ku arkay. Sida dhabta ah ee dhayda ka cadi waxay tahay in aragtidan “weysaqabka dawladeed” baadigoobaysaa ay tahay habaw la is leeyahay waa intoo dal san ay geeddigiinna ku furtaa. Haddii la habaabo dadka qaarna waa ay qirtaan in ay lumeen oo dhacmeen, dabadeed cid iyo jid in loo bixiyo ayay niyaystaan kana hawlgalaan. Qaar kalana waxay iska dhaadhiciyaan in ay ku jiraan hawlgal u eg tii uu gelayay jilaaga sheekada “Sahankii Waxyiga” ee Ibraahin-Hawd uu qoray: iska daa in ay garawsadaan ambadnimadooda e, qiil bay u raadiyaan oo in uu “waxyi” ahaa inta ay iska dhaadhiciyaan ayay iyagoo eedaysan ku sii adkaystaan. (“Amuuraha ilaahay ha eersan / waxba ha ku afgobaadsan / adigoo eedaysan / ha ku sii adkaysan,” ayuu Cabdillaahi Qarshe luuqdii Caasha Cabdo Malaayka inoogu soo dhiibay qarnigii tegay). Kolkaa, waxa inoo muuqanaysa in kooxdan jihaaddoonka ahi ay iyadoo habawsan oo lunsan ay isu haysato in ay baadinnimadaa ku liibaanayso. Mindhaa waaba rag rumaysan in foolhabawga lagu badhaadho! Dawlad weysa qabta ama ugu yaraan gebagebaysatayna lagu helo!

Haddii aan hadalka la is dul taagin, waxaan ka cabsi qabaa in Negeeye aanu fahansanaynba ciddan uu u gacan galay. Dabcan, haddii aad ambato dhul waad “baran” kartaa, waa se dal aanad u muraadin kolkaagii horaba. Taas baan ka dareemay waraysiga (iyo buugga diiwaanka ahba). Waxaad sawirataa qof u muraad lahaa in uu gaadho Kismaayo, laakiin habaabay oo Xamar uga baxay waqooyi. Dabcan, dhul badan oo Dayniile leh, oo Jawhar leh, oo Beledweyne leh, oo ilaa iyo Mudug leh, wuu sii jibaaxayaa. Waa la odhan karaa magaalooyinkan iyo gobolladanba wuu “bartay.” Waxa se is wayddiin mudan, miyay Kismaayo ka mid tahay meelahan? Maya. Haddaba, hadalku waa mid illeen e, qofkaasi waa tacab khasaaray. Qarda-xoogsade ayaynu u naqaannaa. Waa qof daal uun kororsaday. Waxa se ay arriniba sii ribbanaysaa kolka uu u qaato in degaankan cusub ee uu yimi uu run ahaan yahay Kismaayadii uu rabey!

Kaftan-dhable waaqican fahankiisa inoo soo dhawaynaya aan ku soo xidho. Waxa la yidhi waxa is mutay nin baaddari ah oo wadaad weyn ka ah kiniisadda iyo saynisyahan madax ka ah maxad weyn oo cilmiga ixtiraama. Wadaadkii ayaa saynisyahankii ku yidhi: “Waad lunsan tahay. Markaad leedahay caqli iyo cilmi baa igu filan, waxaad la mid tahay nin indhaha ka xidhan oo qol mugdi ah ka dhex raaraadinaya bisad madow oo aan joogin.” Saynisyahankii wuxuu ku jawaabay, “Kaba dhig. Laakiin adigu saw ma ogid in aad iga daran tahay? Maxaa yeelay waxaad la mid tahay nin indhaha ka xidhan oo qol mugdi ah ka dhex raaraadinaya bisad madow oo aan joogin...dabadeed isagoo qaylinaya leh bisaddii waan helay!”

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Gacmo (iyo Caqli) Geeljire

Masrax

Fan Kale

Buug

Nolol baa la aasay