Skip to main content

Friday 17 May 2024

Aragti

Muqdishaynta Dhiillada Qasa

12 April, 2024
Image
Soomaaliya
Huteel Curubo oo ka mid ahaa kuwa ugu bilicda san Muqdisho oo burburkiisu ka ag taagan yahay xeebta. Sawirka waxa laga qaaday Oktoobar 2012. Xuquuqda sawirka: AU-UN IST PHOTO/TOBIN JONES
Share

Xaalad siyaasad-degeleed in ay ka dartay waxaad ku garan kartaa marka dadku bilaabo in uu barbardhigo xaaladda Soomaaliya.

 

Dabcan, lix bilood oo ay si isdabajoog ah u socdeen duqaymaha aan noocooda hore loo arag ee ay ciidanka Israa'iil iyo mashiinnadooda tegnaloojiyadda ku shaqaynayaa ku wadeen Qasa, oo “nadaamkii madaniga ahaa” lagu daray “daadxoorta,” dillaallada awoodda ee hamuunta qabaana ay u soo kala dheereeyeen in ay “meelaha bannaan” buuxiyaan, ayaa ka dhigay masraxii ugu danbeeyay ee dagaallada dunida ka oogan ka mid ah ee dadka sida muddaysan hawlaha gargaarka insaannimada uga shaqeeya ku riixay in ay Qasa barbardhigaan caasimadda dagaalku dishooday ee Soomaaliya, Muqdisho. Waxa ka mid ah maqaal dhawaan lagu baahiyay jariiradda Guardian. Indha'indheeyayaal badan ayaa, iyaga oo ka qayladhaan diraya in Marinka Qasi uu si ugu shalwanayo xaalad u eg mid ka dhigaysa “Muqdishadii Badda Cad ee Dhexe,” afka gacanta gelinaya iyaga oo ka walaacsan heerka uu gaadhay jabka insaannimo ee la marinayo shacabka reer Falasdiin, iyaga oo ku salaynaya sawir in badan la daaliyay oo Soomaaliya loogu soo qaato in ay tahay tusaalaha ugu fiican ee “dawlad faashil ah.” 

Maaddaama aan aqoon ahaan iyo hawl ahaanba muddo toban sannadood ka badan dersayay siyaabaha kala duwan ee halabuurka leh ee Soomaalidu ay uga falceliso xaaladdeeda “dawlad-la’aanta” ah, waxa xilku i farayaa in aan hadalka ku bilaabo in isbarbardhigga caynkaas ahi—iyada oo laga yaabo in uu tirtirsi iyo dheef dhanka falceliska siyaasadeed ah keeno—uu yahay uun il kale oo ay ka mid ah siyaabaha Istishraaqiga ah ee aan waxba xaaladda ka tarayn ee dadyawga iyo dalalka qaar uga hadlo sidii oo ay iska yihiin “xaalado bushqad ugu jira.” Intaa waxa dheer, sida lagu yaqaan dabuubta siyaasadeed ee qosol-ku-jabka ah, tusaala-qaadashadani waxay isku mar ku gefaysaa cidda laga tusaale qaadanayo (oo markan ah Muqdisho) iyo cidda loo dan leeyahay (oo markan ah dhiillada weli ka oogan Qasa), iyadoo inta badan ka dul boodaysa farqiga siyaasadeed ee daruuriga u noqon lahaa in la fahmo labada waaqac ee kala geddisan.

Qodobka se aan u socdaa wuxuu ka tallawsan yahay in aan isku xiijiyo baaqa ku aaddan in aqoon ahaan dhan kasta arrimaha laga eego ama dhanka akhlaaqda lagu yoto’o, in kasta oo labadaas qaddiyadoodba ay sidooda xaq u yihiin. Taa beddelkeeda se, waxa ii muuqda khatar aqooneed oo taagan oo labada xaaladood gadhka isu gelinaysa. Ma aha in aragtidaasi ay buunbuuninayso ba’naanta labada xaaladood—dabcan Muqdisho waa goob khatari ka jirto oo xaalkeedu culus yahay, Qasa burburka ku socda ee loo kala jejebiyay aagag la isku baado oo ay gaafwareegaan maleeshiyaaad hubaysanna si baa loogu soo sooci karaa maalmihii ay ugu darnayd caasimadda Soomaaliya xaaladdeedu—ee mushkiladdu waxa weeye in aragtidani ay indhaha ka lalinayso sababaha siyaasadeed ee kala duwan ee ka danbeeya natiijooyinkan siyaasadeed ee isu eg. Si aynu masaladan uga gungaadho, aynu dulmar ku samayno taariikhda Soomaalida.

Kolkii Dagaalkii Qaboobaa uu gebagebo ku dhawaa sannadihii 1980nadii, Soomaaliya oo ka mid ahayd waddamadii Afrika ee gumaysiga ka baxay kuwoodii ugu cadcaddaa, ayay u bilaabmeen burbur iyo kala-daadasho. Tijaabintii fashilantay ee “hantiwadaagga cilmiga ku dhisan” (oo iska ahaa nidaam dhaqaale oo ceedhin isla markaana urursan) oo lagu daray dagaalkii khasaaraha badan reebay ee Itoobbiya lala galay, ayaa dalka ka dhigtay mid dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba fadhiid ah. Kutiirsanaantii Soomaaliye ee quwadaha waaweyn ayaa liiqliiqad gashay, oo Maraykanka iyo Midawga Soofiyeedba way ka xiise jabeen, taas oo kelitaliskii Soomaaliya haystay ku riixday in uu dan moodo siyaasadda eexaysiga iyo cadaadiska siyaasadeed si uu hiil uga helo qabiillada, kuwa diiddanna uu u ciqaabo. 

Xeeladahaa qaybi-oo-xukunta ahi aragti-gaabni ayay isugu dhurteen, taas oo horseedday mucaaradnimo hubaysan oo aakhirkii dalkaba liqday. Wixii loo gaadho 1991, hoggaankii waa la rujiyay oo laga adkaaday, Muqdishana waxay goob dagaal u noqotay maleeshiyaad is haysta oo aan si midhadhal lahayn ugu loollama awoodda dalka. Faragelintii Maraykanka iyo xulafadii ay Qarammada Midoobay ansixisayna way uga sii dareen uun halaaggii jiray, oo waxa soo baxay “dagaaloogayaal” badan oo ka macaasha dirirta iyo kaalmooyinka ku soo qulqulayay, taas oo inta ay hodmisay ka dhigtay dillaallo iyo dhexboodayaal siyaasadeed. 

Ilaa maanta, dhaqaalaha siyaasadeed ee goobtan waxa gacanta sare ku leh boobka iyo dhiigmiiradka uu cunfigu ku lammaan yahay, in kasta oo ka heer hooseeyo halkii ay wax marayeen xilliyadaa hore ee qalaalasaha iyo qaabdarrada weyn lahaa. Waayaha caynkaas ah ayaa sii jira oo marba abuura xaaladaha degdegga ah ee insaannimo, sugnaan-li’ida cunto ee daran, iyo xagjirnimada maleeshiyaadka, iyadoo xataa degaannada kale ee Soomaaliyeed ee ka durugsan Muqdisho—sida Soomaalilaan iyo Buntilaan—ay ka xasilloon yihiin.

Haddii aynu Qasa u soo laabanno, ugu horraynba waxa mudan in hoosta laga xarriiqo in, si kasta oo sheekadaa sare u argagax badan tahay, haddana dhinacyo badan marka laga eego ay masiibada la badayo Falasdiiniyiintu ka sii daran tahay oo ka sii hoog badan tahay. Sida dhabta ah, Alex de Waal, oo ah khabiir u ka faallooda arrimaha gargaarka insaannimada, nabadda iyo khilaafyada, ayaa inoo sharraxay: “Qasa waxa ka socda waxa lagu sheegi karaa aafo gaajaysiin ah tii ugu darnayd ee tobannaankii sannadood ee u dhacday ina soo marta,” haddii aan si weyn wax looga beddelin qaabka ay Israa’iil u maamusho dhulkaasna, waxa ka dhalan doona dhimasho iyo waxyeello macaluul la xidhiidha oo fadhiiso ku odhanaya macaluushii Soomaaliya ka dhacday 2011, oo Guddiga Lasocodka Macaluulaha (Famine Review Committee) ugu diiwaangashan “macaluushii ugu ba’nayd ee buugga inoogu taal.”  In kasta oo dagaallo xooggan oo googoos ah oo Muqdisho soo maray, tobannaan sannadoodna socday, ay wax u dhimeen muuqaalkii magaalannimo ee ay ku suntanayd, haddana Qasa waxa ku dhacay in 63% guryihii ku yaallay iyo 84% xarumihii caafimaadka la waxyeellay ama la dumiyay muddo bilo yar gudahood ah. Xawaaraha iyo xoogganaanta burburka iyo baabba’a ah ee meesha ka socdaa waa wax uu Alex de Waal u tilmaamay in falalka Israa’iil ay yihiin “olole dhulka loogu simayo wax kasta oo muhiim u ahaa in nololi sii jirto.”

Kolka waayahaa lagu dhex fiiriyo, dedaallada caalwaaga ah ee dad isku sheega kuwo “indho fiiqan” oo “waaqiciiyiin” ah oo laynta iyo gaajaysiinta ay israa’iil ku hayso rayidka kaga jawaaba in “dagaalku shar yahay” iyo in dhimashada rayidku ay tahay “lamahuraan,” waxay inoo muujinayaan in ay dhagar qabaan oo talo xun yihiin: maxaa yeelay waxan horteenna ka dhacayaa wuu ka weyn yahay xeelad dagaal, fursadgaadnimo dhaqaale, iyo talo la isku eryanayo – waxaynu ku jirnaa xilli ku suntan aaminaadda “badbaadiyaha maqan,” arxandarro macnadarro ah, iyo xasuuq.

Waa halkan meesha uu tusaalaha Muqdiyayntu ku banjarayo. Kolka xaal sidaa yahay, burburka baaxadda leh ee lagu wado nidaamka bulshada, isaga oo aan ahayn lamahuraan, wuxuu ka dhashay siyaasado isa soo tarayay. Halkaas, dalabaadka siyaasadeed ee isbeddelka ku aaddani wuu ku cuslaaday taliska aan waxba xaalaynin ee tigtigan, taas oo horseedday in uu ku dumo cullaabta uu lahaa fashilkiisa maamul, bannaankana u soo saartay tamar siyaasadeed oo aan cawaaqibta kaba fekerin oo tan iyo dura xannibnayd. Waxa aynu u jeedno in ay Qasa ka dhacayaan, dhanka kale, in kasta oo ay sidaas oo kale ka dhasheen bugto siyaasadeed oo aan la bogsiin, ma aha qarax gudaha ka yimi oo ka dhashay isdiiddo iyo ismaandhaaf gudeed ee waa tamar bi’iso ah oo dadka dusha lagaga keenay si xoog ah oo nidaamsanna loogu socodsiiyay.

Haddii aynu doodda hore u sii wadno, waxa la odhan karaa, halka dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu qarxay kolkii loollanka siyaasadeed ay dadyaw danley ah oo aan waxba dhawranayni isku gacansaydheen (kuwaas oo ahaa dagaaloogayaal iyo qabqablayaal qabiil), in waxa Israa’iil ay ku waddo Qasi uu yahay iskudday kas ah oo ay ku rabto in ay wax alla wixii “siyaasad” sheegtaba ku majaxaabiso oo isku kaba raaciso. Tani waxay muujinaysaa isgeddiga ku dhacay tabaha Israa’iil ee hagardaamaynta dhaqdhaqaaqa gobannimaddoonka reer Falasdiin, oo berigii hore ku xeeli jiray in ay dadka u kala qaybiyaan ururro siyaasadeed oo badan isna wada haysta oo ka kala hawlgala Qasa iyo Daanta Galbeed (heer ay Israa’iil dabada ka riixday hanaqaadka Xamaas), iminka maraya wejigiisan hadda taagan ee ah in ay si joogto ah u abuuraan xaalad siyaasad la iska illaawo oo samatabax uun laga fekero oo fawdo ah, iyadoo ay jiraan dadyaw hubaysan—sida Muqdishaba ka dhacda—oo ka faa’idaysta qalalaasaha ee aan dan iyo heello toona ka gelin baadigoobka isbeddel siyaasadeed. Halkaas buu ka yimi damaca uu caddaysto maamulka Netanyaahu ee ku aaddan in marka ay Xamaas jebiyaan ay ku beddeli doonaan “baho-baho saamays leh” oo “aan siyaasi ahayn” oo ay iyagu soo dhabar taabteen, taas oo ah istaraatjiyad ina xasuusinaysa maamulkii dadbanaa ee waagii gumaystaha (sida ka dhacday dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumaysan jiray).

Iyadoo Muqdishada dhabta ah xaaladdeedu ay tahay shil taariikheed, Qasa—oo lagu tilmaamayo kasoonoqotadii Muqdisho—waxay asalka ula macaamilaysaa in uu yahay raad. 

Waxaas oo dhan inaga oo maanka ku hayna, aynu is wayddiinno: Waayaha Soomaaliya ee burburkii ka dib muxuu inaga bari karaa aayaha Qasa? Aniga waxay ila tahay in casharka ugu weyni uu yahay, haddii Israa’iil teedu u hirgasho oo ay dadweynaha Qasa u kala jejebiso aagag aan nidaam ka jirin (gudaha iyo debadda Faladsiin meel ay noqotaba), dunida waa u hoog. Sababtuna ma aha uun waxyeellada taasi reer Falasdiin u geysanayso—taas oo dabcan ah sabab ku filan in ay inagu qanciso in aynu ka wada hor nimaadno ololaha militari ee ay Israa’iil waddo, oo aynu cadaadis ku saarno in ay xabadda joojiso—ee sidoo kale waxa ay taabaynaysaa mustaqbalka nabadda iyo amniga caalamka. Maxaa yeelay, haddii siyaasaddu—si kasta oo ay uga dhex jiri karaan musuqmaasuq iyo curyaamin kale—ay ugu yaraan ina siinayso suuragalnimada lagu dhalin karo yididdiilada aaye kan dhaama, lidkeeda oo macnadarrada wadata qaaya-burburinta iyo dadnimatirku wuxuun bay sii bacriminaysaa argagaxa iyo fasaadka.

Hubaal waxa ah, isla tabtii faragelinihii hore ee ku magacawnaa gargaarka caalamiga ah ee insaannimada iyo dawlad-dhiska ee Muqdisho lagu galay ay u dhiciseeyeen jid kasta oo kale oo siyaasadeed oo dhab ahaa oo la heli karey, dabadeed ay saaxadda ugu banneeyeen kooxaha argagaxisada ee al-Shabaab iyo Daacish ka mid yihiin oo fursad u helay in ay meelmarsadaan mashruucyadooda macnadarraynta ah, sidaas oo kale ayaa laga yaabaa in aynu ku baraarugno in wax kasta oo ka soo dhex baxa burburka Qasa lagu wadaa uu sidaas oo kale u ba’naan doono, haddiiba aanu ka darnaan.

***

Waxa turjumay Cabdicasiis Guudcadde.