Skip to main content

Friday 17 May 2024

Aragti

Sannad ka dib colaadda Soodaan ka huraysa

24 April, 2024
Image
Sudan
Qaaca goobo dagaalku saameeyay oo ka mid ah xaafadaha Khartuum. (Sawirka: AFP/Getty Images)
Share

Xamiid Khalafalla oo ah qoraa, cilmi-baadhe Soodaani ahi wuxuu dib u milicsanayaa dagaalkii Soodaan, barakacii ka dhashay iyo saamaynta guud ee uu bulshada dalkaas iyo qof ahaanba ku yeeshay.

 

Meeye, haddaba, xididdadii ku abaaday tagtadu? Xasuusihii geerida iyo nolosha halkay ku libdheen? Maxaa haleelay geeddigii iyo beeshii? - Dayid Saalix, Xilligii hayaanka Waqooyiga

 

Abriil 15, 2023 ayay ahayd kolkaan, anigoo caways farxad lahaa ka soo hoyday, aroortii ku waabariistay dananka xabbadaha iyo onkodka qaraxyada. Dagaal muddoba la filayay ayaa ka dhex qarxay Ciidanka Soodaan iyo maleeyshiyaadka birmadka. Saacado yar gudahood, Khartuum waxay isu beddeshay aag dagaal. Ilikuwareentayda magaalada waxaa qabsaday holac, oo dhimbiilo iyo qiiq ayaa is xidhay. Codadkii magaaladu caanka ku ahayd waxaa liqay codadka xabbadaha iyo qaraxyada. Magaaladaan jeclaa ee aan aqaanay waa la dooriyay. Colaaddii Khartuum cirka ayay isku shareertay; si degdeg ah ayay dalkoo dhanna ugu baahday.

Waxaa ka dhashay anfariir oo dadkii meel ay u dhaqaaqaan wey garan waayeen. Waxay noqotay in dadku kala doortaan mid daran iyo tu baas. Horraantii, qoyskayga iyo anigu waxaan go’aansannay in aannaan ka bixin gurigayaga oo Baxri ku yaallay, taas oo dhacda waqooyiga Khartuum. Waxaan isku daynay in aan saadaalinno muddaduu dagaalku ku idlaanayo. Saadaashaydii baasaysiga ahayd oo aan hadda dib ugu majeerto sida qalbiwanaagii carruurnimada dadku dib ugu majeertaan, waxay ahayd saddex toddobaad. Sababayntaydu waxay ahayd in beesha caalamku ku soo faragalin doonto toddobaad gudihii, oo ay wada fadhiisin doonto labada dhinac. Dabadeedna ay laba toddobaad oo kale qaadan doonto in la gaadho heshiis xabbad joojin ah. Sidaasna uu ku idlaan doono dagaalku, oo loo gudbi doono gorgortan siyaasadeed. Waxaan aaminsanaa in dalku u baahan yahay nidaam siyaasadeed oo cusub, kaas oo muhiimadda siinaya ka qayb gal loo dhan yahay oo aan ku koobnayn kaadarradii hore. Dib u habaynta laamaha amniga ayaa sal u ahaa colaadda ka dhex qaraxday Ciidanka Soodaan iyo maleeshiyaadka birmadka. Balse, saadaashaydii ma dhaboobin, oo saddexdii toddobaad ka dib, waxaan ku qasbanaanay in aan ka yaacno guryahayaga oo lafahayaga badbaadsano.

Sannad ka dib, dagaalku wali wuu socdaa, rejo ah in uu dhawaanahan dhammaanayana ma muuqato, dadaallo dhawr ah oo colaadda lagu joojinayo oo xal siyaasadeed lagu raadinayayna quus ayay ku idlaadeen. Baaxadda rafaadka iyo saxariirta ka dhashay dagaalkani waa mid yaab leh, oo ay adag tahay in la dhaado; oo waxaa ka dhashay barakacii gudeed ee u weynaa adduunka: in ka badan 8 milyan ayaa u barakacay gudaha iyo debadda Soodaan. Aad bay u adkaatay helidda baahiyiha asaasiga ahi, siiba caafimaadka, oo in ka badan boqolkiiba 70 goobaha caafimaadka bixiya ee Soodaan wey burbureen ama albaabbada ayaa loo laabay. Carruur kor u dhaafaysa lix iyo badh malyuun ayaan awoodin in ay dugsiyo aadaan, sababtoo ah dagaalku cirka ayuu isku shareeray guud ahaan dalka.

Dagaalku wuxuu uga sii daray xaaladdii bini’aadantinimo ee ka taagnayd Soodaan, waxaana uu ku dhow yahay in uu dalka ku riixo in ay ka dhacdo macaluushii dunida ugu xumeyd; 18 milyan oo qof oo ah saddex meeloodow meel dadweynaha dalka ayaa qarka u saaran macaluul daran. Iyadoo aafada intaa le’egi jirto, haddana ilaa hadda boqolkiiba 5.8 oo taakulooyinkii loo baahnaa ah ayaa bulshada la gaadhsiiyay. Madaxa Qaramada Midoobay laanteeda gargaarka bini’aadantinimo, Martin Griffith, wuxuu ku tilmaamay xalladda Soodaan mid ah “xaalad bini’aadantinimo oo ba’an” taas oo dhacayso iyadoo caalamku iska indhatirayo, oo in wax laga qabto iska dhaafe, aan loo dhug lahayn.

Sida yaxyaxa leh ee aan wax gurmad bini’aadantinimo loogu fidin dhiillada Soodaan, waxaa ku ladhan sida warbaahinta caalamku uga gaabisay, iyo maqnaanta dadaallo dublamaasiyeed oo abaabulan. Ka warbixin la’aanta warbaahinta ee xaaladda Soodaan, waxay ka dhigtay mid la mooggan yahay, oo dagaalkan ba’an ee Soodaan ka taagani waa mid caalamku ka war la’ yahay, iyadoo ay ka taagan tahay burbur iyo balanbal aan la suuraysan karin.

Taa waxa dheer, dhexdhexaadiyaasha is garab yaacaya ee qaybsan oo u saamaxay in aan dhinacyada dagaallamayaa u hawlgalin nabad abuurid iyo xabbad joojin, oo waxay ku mashquuleen kala xulashada gogollada nabad raadinta. Sababaha iyo saamaynta dagaalku waa mid aan ku koobnayn xuduudda dalka. Dagaalka Soodaan waa mid gacmo shisheeye oo badani hurintiisa qayb ka yihiin, kuwan oo ka dhex raadsanaya dano siyaasad-degeleed. Dalalka ku gacanta leh waxa ka mid ah: Iimaaraadka, Masar, Iiraan, Ruushka iyo Yukrayn. Iyadoo sidaas ah haddana waxaa loo baahan yahay in beesha caalamku xaaladda Soodaan si weyn ugu soo jeedsato, haddii kale waxa dhacaysa in ay ka noqdaan “markhaatiyo aamusan” dhiillada aafada ah ee halkaa ka oogan. 

Ka gaabinta beesha caalamka ee xal u raadinta arrinta Soodaan iyo taakuleynta bulshada reer Soodaan ma aha mid cusub, ee waa mid soo noqnoqotay. Dagaalka ka hor xidhiidhkay la sameeyeen kooxaha militariga ayaa damacooga siyaasiga ah u jid bixisay. Waxay sidoo kale garab mareen kooxaha madaniga ah kuwaas oo ay bulshadu u arkaysay in ay iyaga matalaan oo ay xalaal yihiin, oo waxay isku koobeen in ay xidhiidh la sameeyaan qoorweynta siyaasadda. Dagaalku kolkuu bilaabmayna wey sahashadeen oo ka gaabiyeen, umanay adeegsan saamayntooda in ay soo afjaraan dagaalka. Hadday beesha caalamku dhegaysan lahaayeen codadka madaniga ah oo ay dhiillada uga falcelin lahayeen si degdeg ah oo isku dubaridan halkan arrintu may soo gaadheen. Isbarbardhigga falcelinta caalamiga ah ee dagaallada adduunka dhawaanahan ka dhacay sida kii Yukrayn iyo dagaalka Soodaan waa kuwo aan shaqo isku lahayn, taas oo tilmaan weyn ka bixinaysa sida loogu kala mudan yahay ajendaha caalamiga ah.

Shacabka malaayiinta ah ee reer Soodaan ee dagaalkani saameeyay, sannadkaa bishan afraad ku buuxaa waxa uu u ahaa mid wata khasaare aan la qeexi karin, oo culays iyo hubanti li’i ku astaysan. Sannadkaas rejadii ay ku mintidayeen waxay ahayd in masiibadani mar uun dhammaan doonto, oo ay guryahoodi ku noqon doonaan. Kolkay hooyaday u qaxday Masar, bilo dhan ayay shandaddeedu u xidhxidhneyd oo ay ka biyo diidsaneyd in ay kala gurto alaabteeda: waxay u diyaarsaneyd in ay hoygeeda ku noqoto kolka dagaalku istaago. Hadda, sannad ka dib rejadaasi waa mid sii fogaanaysa maalinba maalinta ka danbaysa, dhabbadii Soodaan nabad waarta iyo dibudhis u mari lahaydna waa mid sii libdhaysa maalinba ta ka danbaysa. Hadda, kuwo badan oo naga mid ahi waxay ku qasban yihiin in ay wajahaan barakac aan ka soo noqosho lahayn oo aannaan indho danbe saari doonin hoygayagii – waxa na hortaal in aan ka fekerno mustaqbal guryahayagii iyo magaaladayadii ay ku koobmayaan sheeko tagtada ah oo la soo tebiyo. Oo ay noqoto ammin kale iyo goob kale oo aan la aqoonsan karin.

Maanta bilawgii dagaalka sannad baa ka soo wareegay. Waxaan dareemayaa sidii geed la xidid siibay. Waxaan u halgamayaa in aan nolol cusub yagleelo, anigoo intaa ku hamiyaya in aan dhulkii hooyo ku noqdo. Markii aan lafahayaga la soo cararaynay ee aannu shandadaha xidhxidhanaynay, waxaan ku fekeraynay in aan toddobaadyo yar gudahood ku soo noqon doono. Waxa u muhiimsan ee u yar ayaan soo qaatay. Waxaan soo qaatay dukumentiyo muhim ahaa. Halkaan ka soo qaadan lahaa buugaggii aan u jeclaa, waxaan soo qaatay laba buug oo aanan markaa hore u akhrin (Why Civil Resistance Works iyo River Spirit). Waxaan soo qaatay dhawr shay oo aan ku soo xushay in ay safarka u wanaagsan yihiin, halkaan ka soo qaadan lahaa dharkii aan ugu jeclaa. Waxaa si kedis ah iigu soo duxday muhiimadda caaddifiga ah ee walxahaygii, balse ma soo qaadan, oo waxaan is arkay anigoo mid kasta laabta gelinaya oo isku dayaya in aan ku shaanbadeeyo xasuustooda maankayga.

Anigoon ku baraarugsanayn ayaan sagootinayay. Waxay ahayd ammin dareemo culus ku ladhan yihiin, balse waxay ahayd mid xawaare sare ku socota. Ma jirin waqti caaddifad lagu lumiyo. Xaafadaha nagu hareeraysan oo dhan ayay xoogagga Birmadku qabsadeen, goor aan dheerayna xaafaddayada wey soo gelayeen. Waxaan qaadan karayay ayaan xaraystay, waanan baxnay. Waxaan ka tagay saacaddaan ugu jeclaa, oo uu awoowgay ii hadyeeyay. Waxaan ka tagay sawirro, hadyado xasuus ah oo aan ka helay dad aan jeclahay. Waxaan ka tagay sawirradaydii aslanaa (paintings). Waxaan ka tagay noloshaydii. Waxaan ka tagay asalkaygii!

Sida ay doonto ha noqotee, waxaan sannadguurada dagaalka Soodaan rabaa in aan uga faa’idaysto in ay noqoto mid aan ku cusboonaysiino rejada ah in aan mar uun dib u noqon doono; taas baa ah badbaadadayada. Dib ayaan u dhisi doonnaa guryaheenna, nolosheenna iyo dalkeenna. Waxaan rejaynayaa in diiradda adduunka ay dib ugu noqoto Soodaan, si loo hubiyo in beesha caalamku ka jawaabto masiibadan bini’aadantinimo intaanay galaafan in ka badan inta ay galaafatay. Soodaan wey geydaa taas, weyna ka mudan tahay adduunka.