Skip to main content

Sunday 14 July 2024

Waraysi

Meel Kalgacaylku Dawlad Dhiso: Dr. Mathew Gordon iyo Xaaladda Somaliland

26 March, 2024
Image
Somaliland
Photo: Alamy via The Economist
Share

Dr. Matthew Gordon ayaa Geeska uga warramay isbeddellada ku dhacay Somaliland tan iyo intii ay "Jamhuuriyadda" ku dhawaaqday iyo halisaha talada soo ururaysaa ku leedahay nabaddii geyiga oo dhan.

 

Matthew B. Gordon waa cilmibaadhe muddo dersayay siyaasadda Soomaalida, kuna takhasusay Somaliland.  Tiisada uu ku qaatay shahaadada PhD oo cinwaankeedu yahay “The Somaliland Social Covenant: An Experiment in Non-State Coexistence” ayuu ka dhammaystay Maxadka SOAS ee raacsan Jaamacadda Landhan, wuxuuna ku baadhayaa dhaqanka bulsha-siyaasadeed ee Somaliland yaalla. Tiisada Gordon waxay kulansanaysaa tafaasiishii lagu yaqaannay caalin bulsho iyo garaysiga waxa aragtidu inooga sheegi karto dunida aynu ku nool nahay.

Waxqabadkiisu wuxuu nalka ku ifiyay hababka talada uga dhex go’do Somaliland, sida qabiilladu isugu yimaaddaan nidaam ay iskood u doorteen oo isxidhiidhin ah, iyo sida taasi isu beddeshay kolkii waddanku uu galay kalaguur lagaga hayaamayo geeddisocodkii nabadaynta oo lagu higsanayo mid qaran-dhis ah.

Isbeddelkani, ayuu ku doodayaa, wuxuu sal u yahay arrimo badan oo ay Somaliland maanta wajahayso. Tani waxay “khalkhalisay dheellitirankii ka jiray heshiiska nabad-isla-qaadashada, oo qofaf, kooxo iyo reero gaar ah ayay u suuragashay in ay si isdabajoog ah oo khatar keeni karta uga faa’idaystaan awooddii haayadaha iyo ciidammada dawladda,” ayuu ku yidhi waraysigan uu Geeska siiyay. Gordon wuxuu ku dooday in Somaliland ay maanta taagan tahay isgoys oo ay wajahayso “xilli adag.”

Madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee Muuse Biixi wuxuu labo sannadood ku darsaday muddaxileeddii la doortay; mucaaradka xaalkiisu ma saaloona; markii kowaad baa jabhad abaabulan oo doorasho ka kacday ay qoryaha qaadatay oo weliba xabbado dhaceen;  magaalada weyn ee bariga dhacda ee Laascaanood ayaa ka farabaxday taladii Hargeysa; is’afgarasho ay horraantii sannadda 2024 wada saxeexdeen Itoobbiyana wuxuu sababay in dadku ku sii kala fogaado.

Muuse Biixi wuxuu siyaabo kala duwan ugu fashilmay in uu dejisto higsi wax-ku-ool ah oo u dhigma hannaankii madaxdii ka horraysay oo iyagu wax uun xeerin jiray. Sida uu Gordon sharraxayo, kolkii taladii Somaliland ay xuddunta ku soo ururtay, waxa isla markaa la garbiyay bulshada ku dhaqan degaannada lagu sheego “darafyada,” ciddii talada haysayna waxay si isdajoog ah isugu hallaysay quwado shisheeye oo, sida uu Gordon ka digayo, “mararka qaar cidhibxumo aan loo aayin keeni karta.”

Wuxuu qabaa in haddii asalkii lagu laabto oo laga faa’idaysto xalalka asaliga ah ee mandiqaddu hiddaha u lahayd, ay taasi noqon karto jid dib loogaga fekero nidaamka maamulka ee qudhqudhsan dawlad-dhiska reer Galbeedka, oo loo geeddiyo hir cusub oo ku dul dhisma waaqica dhabta ah ee nolosha dadka. Maaddaama tiisadiisa PhD ay hadda faafsan tahay, xaalado badanina ay iska soo tarayeen gudaha Somaliland iyo hareeraheedaba, wuxuu Geeska siiyay waraysi ballaadhan oo taabanaya socdaalkiisii cilmibaadhiseed, xaaladaha hadda ku gedaaman Somaliland, iyo sida uu u arko in “wadajirka aan dawliga ahayn” ee Somaliland ka jiray loogu dabbiqi karo waayaha Geeska Afrika iyo dunida kalaba.

 

Cabdicasiis Guudcadde (CG): Aan ku bilaabo e, waxa xiise gaar ah ila leh socdaalkaaga aqooneed iyo sida aad ku soo gaadhay in aad wax Somaliland ku saabsan cilmibaadhid. Ma nooga sheekayn kartaa sidii aad safarkan ku bilawday?

Matthew Gordon (MG): Si aanan qorshaynin baan Somaliland iyo caalamkeeda ugu soo dul dhacay. Kolkii aan shahaadada maastarta ku diyaariyay cilmibaadhista khilaafyada, waxaan shaqo ka bilaabay urur la odhan jiray Independent Diplomat (ID), oo xaruntiisa dhexe ahayd magaalada Niyuu Yoog ee Maraykanka. Ururku wuxuu ka shaqaynayay taageerista bulshooyinka la midka ah Somaliland ee siyaasadda dunida wax ku leh haddana laga reebay geeddisocodka go’aangaadhista ee ka maqan madalaha caalamiga ah sida Qarammada Midoobay. Dabadeed mashruucii Somaliland ku saabsanaa ee ururka ayaan ka hawlgalay aniga oo Niyuu Yoog jooga, waxana aad ii soo jiitay sheekada nabad-dhiska iyo wadajirka ee ku saabsan dalkan aan mucaawino debadeed helin. Kolkii uu ururku u baahday qof saldhiggiisu noqdo Hargeysa oo wadashaqayn dhow la yeesha Wasaaradda Arrimaha Debadda, aniga ayaa si dabiici ah jagadaa u buuxiyay. Halkaas bay iiga bilaabmeen saddex sannadood oo aan la shaqaynayay laamo kala duwan oo dawladda Somaliland iyo bulshada rayidka ahba ka tirsan, halkaas oo aan wax badan ka bartay sida maamulka iyo siyaasaddu uga shaqeeyaan gudaha. Kolkii danbe waxaan uga wareegay dhanka kale ee miiska oo waxaan ka shaqagalay haayadaha caalamiga ah mashruucyadooda horumarinta ee si u khuseeya Somaliland (iyo mararka qaar Soomaaliya), oo ay ku jiraan dawladaha hoose iyo siyaasadda dhulka.

Wadar ahaan shantaa sannadood, waxa igu beermay dareen ah in Somaliland leedahay qiso ay tebin kartey oo ku aasantay suugaanta qoran ee jirta, taas oo qiso iska fudud oo nabad iyo qaran la dhisayo uun aan ahayn, ee sidoo kale taabanaysa ismaamul daadegsan oo hadba taagtii tallaabsada oo aad uga dabci duwan sida dawladnimadu u shaqayso, sidaas oo tahayna shaqaynaya dawlad-la’aantan oo jirta (ama iyada darteedba). Kolkaas baan go’aansaday in aan derajada PhD sii wato, oo aan ku dersay sida uu u shaqeeyo nidaamka maamul ee aan dabciga dawladeed lahayn misana ah ee Somaliland.

CG: Haddii aad dulucda cilmibaadhistaada u soo koobtid akhristayaasha, maxay yihiin gungaadhyada ugu waaweyn ee deraasaddaada kaaga soo baxay?

MG: Sannaddii aan cilmibaadhista ka wadey Somaliland—oo dabcan ay kabayaan muddooyinkii hore ee aan waaya’aragnimada ka helay intii aan ka shaqaynayay—waxa iiga soo baxday in waxan Somaliland ka jira ee lagu dhayalsado in ay yihiin “siyaasad qabali ah” ama “suldada dhaqanku” ay dhab ahaan tahay arrin kakan oo hawlgal ah, guud ahaanna ah iskaashi casri ah oo qabiillada dhex maray oo nidaamsan. Iyadoo Somaliland ay muddooyinkii u danbeeyay (siiba tan iyo 2001) isku deyaysay in ay hannaan dawladeed ku dul dhisto nidaamkaa qabiillada, haddana Dawladdu marna ma ahayn waxa dadka isku haya, mana ahayn cidda ka garnaqda ummuuraha siyaasadda. Taa beddelkeeda se, waxa kaalintaa ku jiray qodobbada heshiiskii nabadeed ee dhacay xilligii kalaguurka ahaa ee ay Somaliland ka soo baxaysay dagaallada oo ahaa waxa hagaya xidhiidhada bulsheed ee dhex maraya beelaha (qabiillada). Xidhiidhadaas, sida aan ku dooday, waxa saldhig u ahaa saddex mabda’ oo waaweyn: (1) ballacnimada oo aan ka wado in qabiil kastaa uu ka kale si toos ah ula macaamilo, isaga oo aan u baahan in suldo sare ay uga ergayso ama go’aanka u gaadho; (2) xidhiidh shardiile ah oo ah in sababta qabiilladu ay u wada jiraan aanay ahayn in ay jirto hayb ummadeed oo ay wada dhaaddan yihiin kuna wada dhaataan, ee ay tahay in ay dheef ku wada qabaan iskaashigooda oo hakan kara haddii dheeftaasi meesha ka baxdo; iyo (3) kalgacayl oo aan ka wado xigtannimada, taariikhda la wadaago, iyo wadaxaajoodka fool-ka-foolka ah ee uu saamaxayo in beeluhu ay wada-xidhiidh leeyihiin, oo ah wax ka duwan fekerka geedsarawaabka ah ee muwaaddinnimada.

Intaa waxa dheer, xidhiidhadani waxay ku salaysan yihiin dheellitiranka ka jira dhanka awoodda ee qabiillada, oo aanu ka dhex jirin hab qabiileed oo ka xoog bata ka kale, ayna u eg tahay in dhinacyada oo dhami ay isla qaateen in sida keli ah ee ay bedqab, nabad iyo xasillooni dhaqaale ku dareemi karaan ay tahay in ay, ugu yaraan ilaa heer, is kaashadaan oo is waafaqaan. Cilmibaadhitaydu waxay sidoo kale diiradda saartay sida xidhiidhkan qabiillada (oo aan ku magacaabay Heshiiska Bulsho ee Somaliland) iyo Dawladda u dhexeeyaa uu isu bedbeddalayay. Xidhiidhada ballaca ah ee isu dheellitiran ee qabiillada ka dhexeeya ee qeexa heshiiska nabad-isla-qaadashada, haddana siyaasadda Dawladdu waxay isku daydaa in ay awoodda iyo suldada ku ururiso gacanta in yar oo xul ah. Tani way ka dhacday Somaliland, waxayna khalkhalisay dheellitirankii ka jiray heshiiska nabad-isla-qaadashada, oo qofaf, kooxo iyo qabiillo gaar ah ayay u suuragashay in ay si isdabajoog ah oo khatar keeni karta uga faa’idaystaan awooddii haayadaha iyo ciidammada dawladda. Cunfiga aynu beryahan danbe ka arkayno Somaliland, sida aan qabo, wuxuu la xidhiidhaa dheelligaa, iyo hoggaanka Somaliland oo is dareensiiyay in aanay ku qasbanayn in ay tanaasul iyo iskaashi ka dhex raadiyaan qabiillada deriska, halkii ay u habarwacan lahaayeen quwado shisheeye ayna isku hallayn lahaayeen cududda dawladda in ay wax ku muquuniyaan, taas oo mararka qaar gacankahadal dhasha.

Cunfiga aynu beryahan danbe ka arkayno Somaliland, sida aan qabo, wuxuu la xidhiidhaa dheelligaa, iyo hoggaanka Somaliland oo is dareensiiyay in aanay ku qasbanayn in ay tanaasul iyo iskaashi ka dhex raadiyaan qabiillada deriska, halkii ay u habarwacan lahaayeen quwado shisheeye ayna isku hallayn lahaayeen cududda dawladda in ay wax ku muquuniyaan, taas oo mararka qaar gacankahadal dhasha.

CG: Aqoonyahanno iyo qoraayo badan oo aan Soomaali ahayn ayaa wax ka yidhi waayaha Soomaalida, iyagoo mararka qaar lagu eedeeyo xaglin ama fahandarro waaqica ku aaddan. Sidaas oo ay tahay, waxqabadkaaga waxaan u arkay in uu aad ugu dedaalayo sidii uu xaqiiqa’abbaar u noqon lahaa oo uu uga soocnaan lahaa sooyaalkaa jiray. Kolka lagu xisaabtamo sida mawduucan aad wax ka baadhaysay uu muranka u dhaliyo, maxaa adiga kaa duwaya sidii hore ee wax looga qori jiray? Horta ma isuba aragtaa in waxqabadkaagu duwan yahay?

MG: Taasi waa qiimayn togan, in kasta oo aan qabo in aanay suuragal ahayn in qofku uu ka baaqsado xaglin uu u deexdo, si kasta oo uu isaga dhawro. Wuxuun baan odhan karaa si ka duwan cilmibaadhayaal badan oo Somaliland dersayay, gaar ahaan kuwa ka socda xarumaha feker-curinta ama haayadaha caalamiga ah, anigu xaglinta aan ku dhici karaa ma aha mid ku saabsan isu-danayn qayaxan ama in Soomaalida loo sawiro in ay yihiin “dad aan la maamuli karin”—taas oo ah in ay yihiin wax aan halis ku ahayn Galbeedka.  Sidaa awgeed, waxa ii suuragashay in aan ka tallaabsado mawduucyada la buunbuuniyay ee ay ka mid yihiin argagaxisada, budhcad-badeedda, fashilka dawladeed, barakaca, iwm. ee madaxmaray cilmibaadhayaal badan oo reer Gabeed ah, dabadeed aan siyaasadda Soomaalida u arko sida ay dhab ahaan tahay—sida Soomaalida laftoodu ay u micnaystaan qaabdhismeedyadooda bulsheed—aniga oo aan natiijooyinka ii soo baxaya ku cabbudhinayn meelo cidhiidhi ah oo ii sii diyaarsanaa.

Soomaaliduna geeddisocodkan barasho ee gaabiska ah ee murugsan way ii fududeeyeen, oo keli ah noloshooda igu ma ay soo dhawayn oo fekerkooda iyo qisooyinkooda ila may wadaagin e, sidoo kale waxay ii noqdeen bulsho isku baraarugsan siyaasad ahaanna wax fahansan, oo sheekaysi kasta oo na dhex maraa wuxuu taabanayay hadalhaynta siyaasadeed ee markaa taagan. Waxaan si adag u rumaysanahay in bulsho kasta sida ugu fiican loo fahmo kolka la kulansiiyo si-u-aragga gudaha iyo indho debadeed oo u fiirsada, oo aanay cidina kooto ku haysan xaqiiqada, iskaashiga dhex mara cilmibaadhayaasha shisheeye iyo kuwa dalkuna uu cid kasta faa’ido u leeyahay. Arrintu waxa weeye in aynu ku nool nahay duni awoodda iyo khayraadkuba aanay si siman ugu qaybsanayn, kolkaas cidihii shisheeyaha ahayd iyo kuwii dhaladka ahaa isku garoonba ka ma duulayaan, taas oo kolal badan horseedda dheelli ku yimaadda aqoon-dhalinta, kala-sarrayn dhanka meeqaanka ah iyo sharciyad la kala bursado, iyo tashuush ku furma dabuubtii sideeda loo soo bandhigi lahaa. Anigu, qof ahaan, waaqicaa ka ma dul boodi karo ama xididkiisa ma beddeli karo (ugu yaraan mustaqbalka dhow), laakiin waxaan intii karaankayga ah ku dedaali karaa in aan yareeyo eelka ugu xun ee uu ka tegi karo. Waxa ka mid ah in aan xooggii kasta ee mashruucayga lagu taageeray ka bixiyo cawilnaq (haddii ay yihiin dadka aan waraystay ama kaaliyayaashii cilmibaadhista ee ila shaqeeyay), oo aan aqoonyahannada Soomaaliyeed ka gacansiiyo kolka ay doonaan in waxqabadkooda cid faafisa lala raadiyo, in aan oggolaado in ciddan aan cilmibaadhayaa ay ila xisaabtanto oo aan siiyo fursad ay fasiraadahayga wax isaga wayddiiyaan, iyo guud ahaan in aanan waxsoosaarka aqooneed u arkin tartan ninkii rooni reerka u hadhayo oo ku saabsan yaa codkiisu ka dheereeyay cidda kale, ee aan u arko in uu yahay geeddisocod baahsan oo tacabdhal leh oo mar kasta oo codadka ugu badan la maqlaa uu yahay mar kasta oo la liibaanayo.

Waxaan si adag u rumaysanahay in bulsho kasta sida ugu fiican loo fahmo kolka la kulansiiyo si-u-aragga gudaha iyo indho debadeed oo u fiirsada, oo aanay cidina kooto ku haysan xaqiiqada, iskaashiga dhex mara cilmibaadhayaasha shisheeye iyo kuwa dalkuna uu cid kasta faa’ido u leeyahay. 

CG: Waxaad tiisadaada in badan kaga hadashay fahanbixinta “tijaabinta wadajir aan dawli ahayn” (an experiment in non-state coexistence). Horta maxaa taas laga wadaa? Sidee bay se fahanbixintani uga dhex muuqataa waayaha Somaliland iyo guud ahaan saaxadda Soomaalida ee gumaysigii ka dib?

MG: Sida aan kor ku sharraxay, waxaan rumaysanahay in waxa Somaliland isku hayay, ee loo aanayn karo nabadgelyadeeda sarraysa iyo nolosheeda ilaa heer dimuqraaddiga ah (oo aan ahayn uun doorashooyinka ee sidoo kale gaadhsiisan xorriyadda iyo madaxbannaanida ay dhinacyada siyaasaddu ku naaloonayeen ilaa beri dhawaa) uu yahay nooc wadajir ah oo aan ku salaysnayn Dawlad ee ka dhismay iskaashi qabiileed (“heshiis bulsho”). Waa “tijaabo” maxaa yeelay ma aha wax bilawgiiba lagu talagalsanaa—cidina intay soo istaagtay ma ay odhan “eeg, aynu dhisanno nidaam siyaasadeed oo ay qabiilladu intay isugu yimaaddaan shirweyne ballaadhan oo odayada reeruhu gadhwadeen ka yihiin ay kaga xaalaan dhammaan arrimaha taabanaya xaqsoorka, nabadgelyada iyo murannada siyaasadeed—ee kolkii danbe ayuu noqday bar la isugu yimi iyo hab halabuur leh oo dadkii nabaddoonnada ahaa ay ay adeegsadeen qodob kasta oo bulsheed, dhaqameed, iyo siyaasadeed oo ay heli karayeen oo ay dagaallada ku joojin karaan, umaddana dib isugu soo dumi karaan. Intaasi markii ay dhacday ayaa dabaqadda talisa ee Somaliland ay u tafaxaydatay sidii ay sharciyad ugu heli lahayd baadigoobka ay ugu jirto dawladnimada (iyo aqoonsi caalami ah), ka dibna tijaabooyinkii la soo maray oo dhami waxay u ekaadeen geeddisocod nabad-dhis ah oo looga guurayo qaran-dhis, halkii loo arki lahaa in ay yihiin wax gebi ahaanba cusub oo xiise leh.

In qisadan aadka xalladda u leh ee duwan la tirtiraa waxay u darnayd siyaasadda Soomaalida, haddii ay tahay gudaha Somaliland iyo geyiga Soomaaliyeed ee kalaba. Waayo kolkii meesha laga saaray, fahanka dawladnimada laga haysto ayaa noqday in ay jawaab u tahay mushkilad kasta, taasina waxay cudurdaar u noqotay kalasarrayntii, qalaanqalkii siyaasadeed, cunfigii iyo wixii la midka ahaa ee lagu galay magaca “dawlad-dhiska.” Wax kasta oo “dawlad-la’aan” ah waxa loo arkay Khalkhal, iyadoo xataa Somaliland ay cunfiga iyo xasilloonidarradu ku sii bateen kolkii dawladda dhexe ay sii xoogaysatay (ee ay dabadeed gacantii la xisaabtami lahayd ka farabaxsatay, taladeedana gooni la noqotay), waxana ka dhashay in xidhiidhkii Somaliland iyo Soomaaliya uu noqdo gacmadaalis aan labada dhinac midna hadh u jiidayn, oo loollanka himiladooda ku aaddan madaxbannaanida iyo karaamada qarannimadu uu kala’irdhoobid iyo kalaqaybsanaan ku dhex beeray labada bulsho oo haddii loo sii dhabbagalo waaqic isu soo dhow oo isku xidhan ku nool.  Suuraysiga iyo dhabaandhawga siyaasadeed ee Soomaalidu wuxuu inta badan ku oodnaa doodo ku dul wareegaya nooca dawladeed ee wanaagsan—ma federaal mise dawlad midnimo, ma dawlad dhexe oo xooggan mise mid daadegsan, ma dawlad “reer Galbeed” mise mid isku dhafan—halkii uu qodobku ka noqon lahaa in lagu noqdo qaababka iskaashi iyo wax-isweydaarsi ee dhulalka Soomaaliyeed sida maalinlaha ah uga shaqeeya, ee dabadeed halkaa inta laga duulo wax lagu dul dhisi lahaa; tanna waxa ugu wacan raadkii gumaysiga iyo gumaysiga ka dibba ee siyaasad-dejiyayaasha iyo aqoonyahannada reer Galbeedku ku lahaayeen umaddan. Kooxda al-Shabaab oo keli ah ayaa la timi qodob duwan oo la sheegi karo, keedaasina waaba mid ka arxan daran oo ka cadaadis xun siyaasadda dawladnimada Soomaalida—waxa laga yaabaa in la gaadhay waqtigii ay soo bixi lahaayeen waaqicyo cusub oo aad u nabdoon oo isticmaar-ka-danbays ahi.

CG: Dadka qaar baa ku dooda in Somaliland iyo mashruucii siyaasadeed ee qeexayayba uu haadaan ka shalwanayo. Deraasaddaaduna waxay diiradda saartay heshiiska bulsho, mabda’yada saldhigga u ah, iyo kaalinta uu kalgacaylka la isu hayaa ka qaatay geeddisocodkii dibuheshiisiinta. Kolka aad u fiirsato xidhiidhadaa isku murugsan, halkee baad u malaynaysaa in Somaliland, mashruuc siyaasadeed iyo xidhiidh beeleedba kolka loo eego, ay u jihaysan tahay? 

MG: Waa dhab in mashruucii Somaliland uu xilli adag galay, kolka dhinacyo badan laga fiiriyo, sababaha keenay qaarkoodna ay gacmaheenna ka baxsan yihiin sida arrimaha la xidhiidha doorsoonka cimilada, dagaallada sokeeye ee dalalka jaarka iyo faragelinta siyaasaddegeleed oo Geeska Afrika ku soo badanaysay. Hasayeeshee, sida aad adigu sugtay, Dawladda Somaliland aad bay u wiiqday xidhiidhadii kalgacaylka iyo jiidhnaxa ku dhisnaa ee qabiillada ka dhexeeyay oo ilaa intaasba nabadda Somaliland gaadhka ka hayay. Hubaal waxa ah, doorashooyinka, loollanka awoodeed ee dabaqadda talisa, kala-bursashada khayraadka iyo dhulka, iwm. wuxuu sii kala fogeeyay oo uu kala qaybiyay beelaha wada deggan, arrintaas oo nidaamkii qabiilka ahaa u rogay qabyaalad ama qabiilnimo. Haybti qabaliga ahi maanta ma aha astaan u taagan taariikho iskaashi iyo iskudhacba leh, ee waxay calaamad u tahay kala-gurasho iyo legdan keli ah. Waxa maanta ina hor taalla xaqiiqo ah in iskutiirsanaantii laba-geesoodka ahayd ee u dhexaysay qabiillada Isaaqa ah iyo kuw aaan ahayni ay meesha ka baxayso oo ay gebi ahaanba fagmayso, iyo in dabaqadda talisa ee Isaaqu ay dan mooddo in ay u gacanhaadsato dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Itoobbiya si ay ala dhisaan dawlad kooban oo ku urursan degaannada gooni’isutaagga laga taageersan yahay. Waxaan ka cabsiqabaa in tani horseeddo khilaaf riiq dheeraada oo aan keliga “dhexda” iyo “darafyada” ka qarxin ee sidoo kale ka dillaacda Isaaqa dhexdiisa, maaddaama uu meesha ka sii baxayo xooggii dheellitiri jiray ee gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag, oo ay gacanta isula tagaan dabadeed la waayo cid kala dhex gasha. Taas baan ka cabsiqabaa.

Waxaan filayaa arrinkan ku saabsan aqoonsiga Somaliland, ee is’afgaradkii ay dhawaan la saxeexatay Itoobbiya uu mar kale ifka u soo saaray, in uu yahay dhaan dabaggaale. Fekradu waxa weeye in Somaliland ay xaqiiqadeeda ah in ay is maamusho siisato aqoonsi dhammays ah oo dawladnimo. Anigu, si kasta oo aan u dhaliilsanahay, waxaan qabaa dadka reer Somaliland in ay u qalmaan in ay is maamulaan, oo aanay cidina—Muqdisho ama beesha caalamka midina—ku jujuubin in ay ka mid noqdaan mashruuca federaalka Soomaaliya ee fashilmay. Sidaas oo ay tahay, xilliga iyo sida ay Somaliland iminka ku heshay suuragalnimada ku aaddan aqoonsigu waa mid aan u caddaalad falayn qaddiyaddeeda. Maaddaama beryahan ay Afrika faraha ka qaadeen haayadihii hawlaha samafalka dadnimo u joogay, oo quwadaha Khaliijku ay u soo kala dheeraynayaan qabsashadeeda, ayna waaxyaheedii kala jiidanayaan dagaallo, barakac iyo doorsoon degaankii ku yimi, waxa aad u qiimabeelay micnihii aaya-ka-taliska iyo madaxbannaanida qarannimo. Waa laga yaabaa in waqtigan la kala fogaaday ee lagu jiro dartii ay Somaliland ku qasban tahay in ay xulafo muhiim ah ka dhigato, iyadoo indhaha isku haysa, dhinacyo ay ka mid yihiin Itoobbiya iyo Imaaraadku, xataa haddii taasi ka dhigan tahay in ay aayaheeda gacanta u geliso cido aan lala xisaabtami karin oo ay usheeda u dhiibato cid aanay ka qaadan karin—hasayeeshee waa wax laga xumaado.

CG: Waxaynu wada naqaannaa in doolaaladii ay Somaliland ugu jirtay dawladnimadu ay ahayd falcelis ka dhan ah kelitalisnimadii Soomaaliya ka taabbagashay iyo dalkii oo noqday mid aan lagu ixtiraamayn dimuqraadiyadda iyo xuquuqda insaanka. Laakiin waxaynu muddooyinkii danbe arkaynay in dabaqadda talisaa ay ka weecatay mabda’yadii Somaliland lagu asaasay. Kolka aad u fiirsato waxyaabihii arlada ka dhacay tan iyo intii aad tiisadaada qalinjebinta qortay, ma kula tahay in xaalku sidaas yahay? Waayaha hadda ay Somaliland ku jirtaa sidee buu kula yahay?

MG: Sida aynu ka arki karno Somaliland iyo Israa’iilba, haddii ummadi silic iyo gumaad soo marto taasi ka ma dhigto dhibbanayaal abadi ah, sidoo kalana mararka qaar ayaa dadkii la kulmay xadgudubyada iyo cabbudhiska ugu darani ay markooda geystaan hadimo iyo shar kii lagu falay u dhigma. Sababta taasi u dhacdo u ma arko in ay tahay in umaddaasi aanay casharradii saxda ahaa baranin ama laba-wejilaynayaan, laakiin taa beddelkeeda awoodda aan xadhig qabta lahayn baa ah mid soojiidasho leh, oo sumaysan, dunta hoosana ku wadata cunfi iyo khilaaf jiitama. Sidaa awgeed, ilaa dulmanayaashu ay ka waantoobaan in ay jagadii dulmiyaha uun beddelaan oo ku fadhiistaan, oo ay u qalabqaataan sidii ay isbeddel gun iyo baar ah ugu samayn lahaayeen kalasarraynta awoodeed ee labadooda kala soocda, weligeen sidaas baynu ugu jiraynaa meertada dulmiga ee marba cidi calanka u qaadayso. Waa sababta uu yididdiilada ii geliyay Heshiiskii Bulsho ee Somaliland, maaddaama uu ahaa hab la isku laabxaadhanayay iyo aayo la wada dhisanayay oo cid kastaa ay si siman—siyaasad ahaan iyo mooral ahaanba—uga qaybqaadatay, cid kastaana ay mashruuca Somaliland dhankeeda haysay (“Somaliland la wada leeyahay”). Laakiin Dawladdu mabda’yadaas ku ma dhex shaqayso, oo ugu yaraan ku ma camalfasho. Taasina madaxdii iyo shacabkii ayay kala fogaynaysaa, taladii iyo ciddii raaci lahaydna way kala irdhaynaysaa, waxayna u turjunmaysaa kala-tagganaan qabiileed oo soo celinaysa ismuquunintii reeraha. Xaaladdii Laascaanood waxa la odhan karaa waxay ahayd natiijada cunfiga leh ee dhalata marka daadka lagu daro mabda’yada islaabxaadhashada iyo isdheellitirka.

CG: Gebagebadii, maaddaama aad tahay aqoonyahan culuunta siyaasadda raacda, iminka maxaad ku shuqlan tahay? Miyaad qorshaynaysaa in aad ummuurahan ku sii gondadegto oo aad u sahan tagto qaddiyadaha ku xeeran, oo aad cilmibaadhis iyo qoraallo dheeraad ah ka samaysid? Maxaannu kaa sugnaa?

MG: Waxaan aad isugu taxallujinayaa in aan fahanbixintaydan ku aaddan Heshiiska Bulshada sii balballaadhiyo oo ku dul dhiso aragti cilmiyeed oo ka ballaadhan oo ku saabsan sida aynu uga fekeri karno siyaasadda Dawladda ka gudubsan. Waxa aan buug ka qori doonaa sida casharradii aan ka soo bartay xaaladda Somaliland ay wax uga tari karaan latacaalidda dibugurashada dimuqraadiyadda, sinnaan-la’aanta isa soo taraysa, iyo hoobadka akhlaaqadeed iyo kan haayadeed ee maanta laga arki karo siyaasadda dunida oo dhan. Waxa aan jecelahay in aannu is kaashanno aqoonyahannada, siyaasad-dejiyayaasha iyo suugaanleyda Soomaaliyeed ee aannu jaalka nahay, si aan u sii baadho jidbixinaha kale ee laga baran karo sooyaalka siyaasadeed ee Soomaalida.

 

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Nolol baa la aasay

Feker

Waxtarka Baryada

Waraysi

Sida socodku siyaasad u yahay