Skip to main content

Friday 17 May 2024

Tix

Marti cidi marti u tahay

18 April, 2024
Image
Qof
Xuquuqda sawirka: Olivier Otelpa/Flickr
Share

MAANSO

Waxaan dunida maansada
Madxafkeeda dhigayaa 
Maahmaahyo laga qoray
Maalmahan filkayga ah 

Waxan magacyadoodiyo 
Macluumaadyadoodiyo 
Martabkiyo xilkoodiyo 
Mawaadiic u gaariyo 
Midhahooda qorayaa 
Malyuumaadka basharka ah

Waxa madashan dunida ah
Mayeedhaan ku nool kow
Bashar maamulaan ahay 

Balse ka ma macaashino
Maba madax bannaaniye 
Waxan ahay miskiin iyo 
Masuul laga masuul yahay

Masanuunin iyo hadal 
Male iyo is-moodsiis 
Ku ma gudo masuuliyad 
Madaxayga saarane

Waxan ahay mijiyo lugo 
Qof ku meehannaaboo 
Ku mutuhiya noloshiyo 
Maqal iyo muqaal qudha

Xilka laygu magac dhabay
Wax macaash ah ku ma qabo
Amar ku ma muquunniyo 
Margi hawsha noqotee

Waxan ahay mudducigiyo 
Maddaacale iska hor yimi
Sayid aan macno lahayn 
Mulki boqorka ka arradan 

Daruur uu ku dhimo milic
Cirka muuqda ku ma kabo
Dhulka ooman madhaxiyo
Miciin wali u maan noqon 

Waxan ahay madluunkii
Isagoon midh qaban karin
Manfac oo dhan cunay iyo
Hummaag iyo maqaarsaar
Marti cidi marti u tahay

Waxa koonka midho yaal 
Qofka mood iyo nool cuna
Ee haddana mihiimka ah
Lana magac dhabaan ahay

Waxan ahay maqaadiir
Duni soo makalay iyo
Magan yadi la magansado

Waxan ahay masaabiir 
Lagu daadshay marinnada 
Xayawaanku marayaan 
Isna mawd ku daba jiro 

Waxan ahay maqsuudkiyo 
Musdambeedka aradkiyo 
Duni macallinkeediyo 
Mufti nolol agnaan ka ah

Waxan ahay manneeniyo
Mukur iyo makeekiyo
Maya iyo sir iyo been 
Macnayaal iska hor yimi

Waxan ahay madowgiyo 
Mugdigiyo shucaac iyo 
Maqsad lama’awaalna ah
Runta mala’awaalka ah

Qalbigayga malagyaa
Ku macmiishay qalinoo 
Ku markhaati furayoo 
Waxan saarnay miisaan 

Mixnaddiyo dhibaatada 
Mutuh ku ma sameeyee 
Wakhtigaa masiibiyo 
Mahlakada nabdiga faray

Xasan Ganayba maansiyo
Murti buu ku sheegoo
“Wax kastoo xun maalmiyo
Waxay bara mushkiladaha”

Waxan mooganaadaa 
Hawlahan mutaxan iyo 
Nololahan mashquulkaa
Sidaan madiga ugu ahay 

Gar qudhaan mudducigiyo  
Ninka maragga furayiyo
Milad laysla sugayiyo 
Mufti xeer ku naqayiyo 
Muddaacale ka wada ahay 

Ninkaygii u madax noqo
Lagu yidhi marlaydiyo
Muslinka iyo gaalada
Waxa maati dagan nool

Waxaan toban malkhabadood
Masar iyo saraawiil
Ku dhex gadanayaa mool
Kuna ihi mabsuud taas. 

Qawdhan meerisyadu yidhi 
“Miidaama dhega ma leh 
Haduu malag dhawaaqiyo” 
“Magansaday wadkaygii”
Ruuxdan meehanowga ah
Misaal bay u yiin dhaba 

In kastoon mahwiga iyo 
Madalaha ka sheeg nahay 
Naftaydani ma murantoo 
God yar oo mitira iyo
Mugdi bay ku idishahay

Mishiinnada is dhaafiyo 
Middiyaha wax gawraca 
Ayaa midigta ugu jira
Malag aan cidnow nixin 

Gaalka macatab sheegtiyo
Mu'minniinta qaniga ah 
Muhashada ikhlaaskiyo
Muxibaddu ha joogtee 
Geeri iyo mag li'idaas 
Hal sibay u wada mari