Sunday 9 February 2025
MAANSO
Shiikh beri na waaniyay
Wuxu yidhi "billaahiye
Hablahaa barbaarta ah
Inta beladu wadatee
Bixisee dharkii nacay
Waxa bi'iyay waa hee:
Indho lagu bidhiiqshoo
Egmadaa ku faro badan
Asturaadda biliga leh
Si ay ugu badhaadhaan
Boholyoow u laabtaan
Baahidiina daymada
Ciiddiyo la beegsada
Dhulka boodhka weynloo
Bu'da iyo indhaha deda!"
Kol danboon baraarugay
Bartay inu qof jaahila
Iyo beenowaas yahay.
Shiikh beri na waaniyay
Wuxu yidhi "billaahiye
Qorraxdaa buruudkiyo
Nuurkiyo bidhaanta leh
Waxan qayb bakhtiiyee
Dayaxana badh damiyaa
Arrin buuran weeyee
An idiin biniixiyo:
Rabbigii bineeyaa
Cadhadiisu badatoo
Idinkaa wax baasiyo
Fuxshi baahinaayee
Baqdintiisa laasima"!
Kol danboon baraarugay
Bartay inu qof jaahila
Iyo beenowaas yahay.
Shiikh beri na waaniyay
Wuxu yidhi "billaahiye
Bugtadiyo xanuunnadan
Bud-dhigaaya aadmiga
Muslinkiyo bahdaan nahay
Burji iyo wax yaabloo
U bukhuursanaa bay
Ku badbaadi doonaan
Kuna baacsan doonnaa
Bili baynu leenahay
Iyo baalal hoosoo
U bukoonba maynee
Iska wada bulsheeyoo
Ballamuhu sidii hore
Iyo baahi korodhsiya
Niman baadiyoobaa
'Soo baydha' diidoo
Basrin sida u taal iyo
Waa barbaarin gooniya!"
Kol danboon baraarugay
Bartay inu qof jaahila
Iyo beenowaas yahay.
Culimada badh baa jecel
Inay sheeko-baraleey
Diimaha ku biirshaan
Badankoodu xeeshaa
Allifaadda beenaha
Waxay ugu bahoobeen
Si ay kuu busteeyaan
Bajin iyo waxaan jirin
Kugu baraqnugleeyaan
Balse waxay hilmaameen
Waxyigii bayaamiyay
"Inay diintu buuriyo
Tahay buuxsan waafiya"
Waxse ay bannaysteen
Biyo-dhaca gefkoodiyo
Denbi inay baddaasheen
Inan laga badheedhine
Waxan maanso kaga baxay
Qofka baydhay ee lumay
Berri iyo dambaysada
Xogo noqon bar kuma taal
Baydhsanaanta uu rabo
Kaga baaqsan maayee
Runta ugu bushaaree.