Skip to main content

Friday 17 May 2024

Waraysi

Fiqi tolkii ma ka janno tegi karaa? Indheergaradka Soomaalida iyo Haybta Qabiilka

7 February, 2024
Image
Ali Mumin Ahad
Share

Cali Muumin Axad waa aqoonyahan akadeemig ah oo taariikhdiisa aqooneed ay hodan tahay, dhinacyo bandanna ay taabanayso. Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, ee Xamar, ayuu shahaadadiisa kowaad ee dhaqaalaha ka qaatay, intii aanu uga gudbin shahaadada heerka labaad oo isla dhaqaalaha ah ee Jaamacadda Sacred Heart ee Milano.

Shahaadada PhD ayuu maaddada culuunta insaanka (humanities) ka dhammaystay Jaamacadda La Trobe ee Ustareeliya. Iminka wuxuu jago sare ka joogaa Jaamacadda Melbourne. Cali, oo waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku qaatay Talyaanigu wuxuu raadkiisu si xooggan uga muuqdaa deraasaadka Soomaalida. Wuxuu qoray maqaallo badan iyo dhawr buug. Waxqabadkiisunu wuxuu inta badan diiradda saaraa taariikhda iyo suugaanta Soomaaliya, iyo sidoo kale u-taariikhaynta waayaha gumaysiga.

Waxqabadkiisa muhiimka ah waxa ka mid ah buugga Somali Oral Poetry and the Failed She-Camel Nation State: A Critical Discourse Analysis of the Deelley Poetry Debate (1979-1980) [Suugaan-afeedda Soomaalida iyo Qarannimadii Maandeeq ee ka Fashilantay: Lafagur Naqdineed oo ku aaddan Silsiladdii Deelley (1979-1980)], oo 2015 ay daabacday shirkadda Peter Lang Academic Publishing ee New York, Maraykanka.

Waraysigan oo aan Geeska u qaaday baan la yeeshay mudane Cali Muumin Axad, aadna waan uga mahadcelinayaa waqtiga uu inoo huray.

 

Suhayb: Kaydka taariikheed xejiye uun u ma aha sooyaalka ummadi leedahay ee sidoo kale wuxuu ilaaliyaa xasuusteenna wadareed. Ayaandarro, kaydkaa taariikheed waxaynu ku weynnay Dagaalkii Sokeeye, sida aad ila waafaqi kartidna kaydka taariikheed waa alaabta ceedhin ee taariikhdu ku tamariso, waana kaydgalka inoo saamaxa in aynu tagtada fahanno oo waaya’agnimadii basharka quusno. Waxaan rabaa in aan ku bilaabo muhiimadda curiskaaga “Gurigeenni-Away” (aadna waan uga shaamareeray kolkii aan akhriyay, walow aan filayo in taxanahaasi weli qabyo yahay). Waxaan sidoo kale u bogay raadka weyn ee uu ku yeelan karo faca cusub ee qurbaha ku nool. Haddaba, sidee baad u aragtaa in aqoonta caynkaas ah kolka la isla wadaagaa ay wax uga geysan karto sidii aad loogu sii fahmi karaa waayaha ka danbeeya iyo raadcada loogu jiro jawaab-u-helista masalada “guriga/hoyga”—micnihiisa muuqda iyo kiisa dahsoonba—gaar ahaan marka xisaabta lagu darsado caqabadaha gaarka ah ee ay wajahayaan faca qurbajoogta ahi?

Dr. Cali: Gurigeenni-Away wuxuu hordhac u ahaa curisyo taxane ah oo ay igu dhalisay inantayda Faatimo, oo ii soo jeedisay bilaabidda mashruuc dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah lagu barayo dhaqanka gurigii waalidkood ka yimi. Cinwaanka taxanahani waxa sidoo kale uu tixraacayaa siminaar ay soo qabanqaabisay ardayad Soomaaliyeed oo da’yar, Kaytsen Jama, oo iminka shahaadada PhD wadda [Jaamacadda Melbourne]. Ujeeddada taxanahan curisyada ahi waxa weeye in, waa mar e, dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha loo suurageliyo sidii ay mar kasta u xasuusan lahaayeen dalkaa durugsan ee dhaqankoodu ka soo jeedo, iyo dhanka kale in uu ka caawiyo baadigoobka ay ugu jiraan hanashada guri/hoy ay yeeshaan (Cinwaanku waa Gurigeennii Aaway oo Soomaaliga ku ah “Gurigeennii Meeyay?”; mar kalana waa erayga Ingiriisiga ah ee “Away” oo lagu tasarrufay: Gurigeennii wuu Fog yahay). Gurigaa ay raadiyaan oo ah meel ay isugu arki karaan muwaaddiniin la siman cid kasta oo kula dhaqan dalkan ay dhab ahaan ku nool yihiin. Tusaale ahaan, dhallinyaradaa badankoodu maaddaama ay ku dhasheen oo ku soo kacaameen meel Soomaaliya ka baxsan, may helin fursad ay ugu baraarugaan eelka xun ee ay leedahay haybta iyo is’ahaanshiyaha qabiilnimada ku dhisani. Kolkaa yoolasha curisyadan laga lahaa waxa ka mid ah in dhallinyaradaa jaanis la siiyo ay ku fahmaan sababaha hoose ee ka danbeeya khilaafka qabiileed ee Soomaaliya.

Faatima iyo Kaytsen waxay ku kala dhasheen Talyaaniga iyo Ustareeliya, waxayna labadooduba ku koreen Ustareeliya. Hammuunta xooggan ee ay u qabaan in ay wax ka bartaan dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale xirfadahooda qayrucaadiga ah ee abaabulka iyo xidhiidhinta ay u leeyihiin, ayaa horseeday siminaarka Kaytsen iyo soojeedinta Faatima ee ahayd in la bilaabo curisyo taxane ah oo ujeedku yahay in dhallinyarada laga caawiyo sidii ay u yeelan lahaayeen mooqif wax kala shaandhaynaya oo ay ku eegaan aydiyoolajiyadda qabaliga ah. 

Sida aannu fahansannahay ee rumaysannahay, in dhallinyarada lagu hubeeyo aqoon ku aaddan dhaqanka muwaaddinnimadu wuxuu u beddelayaa in qabiilka laga dhigo haybta qofka qeexaysa. Maxaa yeelay haybta lagu qeexo qaab qabali ahi waxay hordhac u tahay loollan qabiileed oo maantaba si fiican looga arki karo Soomaaliya. Taa beddelkeeda se, haybta lagu qeexo muwaaddinnimadu waxay dhallinyarada ku beeri kartaa in ay ka xuubsiibtaan oo xididdada u siibaan qabyaaladda oo ah aydiyoolajiyadda qabaliga ah.

 

Suhayb: Waxa laguu tixgeliyaa aqoonyahannada sida gaarka ah u daneeya maansada Soomaaliyeed. Soomaalidu maaddaama ay gabayga iyo maansada aad ula falgasho waxa loo bixiyay magacyo uu ka mid yahay “Umaddii Gabayaaga” sida ay xuseen shakhsiyaad ay ka mid tahay Margaret Laurence. Adiguna waxaad qortay maqaal xiisagelin leh oo la dhaho “Could Poetry Define Nationhood? The Case of Somali Oral Poetry and the Nation.” Bal faahfaahin ma naga siin kartaa qodobkan?

Dr. Cali: Magacyada uu ka mid yahay “Umaddii Gabayagaa” ee ay xustay Margaret Laurence, sidaan jecelahay laga ma soo dheegan baan filayaa sadarradii caanka ahaa ee ku jiray khudbaddii Mussolini ee 1935: Waa sadarradii lagu xardhay wajahadda dhismaha weyn ee Waagii Faashistaha ee Roomaa oo ilaa hadda halkaa lagu arki karo: “[Talyaanidu waa] Dadkii Halyeyada, Awliyada, Gabayaaga, Fannaaniinta, Naakhuudayaasha, Gumaystayaasha iyo Safarrada.” Wuxuu si daran uga soo horjeeday dhaleecayntii Ururkii Qarammadu uu ku canbaareeyay cadaawaddii uu Talyaanigu Itoobbiya kula kacay 1935. Waxaan filayaa xuska Margaret Laurence in uu ka turjumayo erayadaa Mussolini.

Hasayeeshee, waa dhab in maansadu agab asaasi ah u tahay gudbinta dhaqankeenna, waana run in maansadu ay bulshada Soomaaliyeed ku dhex haysato metelaadda codka shacabka. Shacab horana u ahaa ilaa haddana u ah mid jifooyin u kala qaybsan, oo haysta aydiyoolajiyad (qabyaalad) si weyn uga hor imanaysa muwaaddinnimada. Qabyaaladdu waa aydiyoolajiyad dadka kala qaybisa oo bulshada ay ka dhex jirto ku sababta kala-jajab abadi ah, sidaas baanay ilaa haddana indhaheenna ugu muuqataa.

Aqoonyahannada gumaystuhu waxay u allifeen wax ay u bixiyeen bulsho lakabyo ah. Marka waayahaa lagu dhex fiiriyana, su’aali ka ma taagnayn in halabuurka faneed ee gabayaaga ay inta badan dabada ka riixaysay mooqif iyo hiil uu ugu danaynayo qabiilkiisa iyo reerkiisa. Qaybsankaa bulshadii Soomaaliyeed ay qabiillada, jifooyinka ilaa lafaha hoose ugu kala jajabtay wuxuu saldhigtay waagii gumaystaha oo waxa rasmi ka dhigay aqoonyahannadii antaraboolajiga ee isticmaarka oo uu u ahaa wax umadda Soomaaliyeed si weyn ula hadhay ummad ahaan iyo qaran ahaanba. Waa sifadaa ay maansada Soomaaliyeed leedahay waxa dhaliyay su’aasha ciwaanka u ah maqaalkaygaa aan 2008 qoray: “Maansadu ma Qeexi kartaa Ummadnimada?”

 

Suhayb: Kolkii danbe, hoos baad ugu daadegtay maansada Soomaaliyeed iyo xidhiidhka ay la leedahay ummadnimada/dawladnimada/qabyaaladda, waxana aynu tusaale mudan u soo qaadan karnaa buuggaaga (2015) Somali Oral Poetry and the Failed She-Camel Nation State. Ma nala wadaagi kartaa aragtidaada ku aaddan sida suugaanta afka la isaga tebiyaa u raadaysay xidhiidhada bulsheed, gaar ahaan kolka la eego fekradda “dawladnimada Maandeeq lagu metaalay” ee aad waxqabadkaaga ku qaadaadhigtay? Waxaad taabatay reerguuraaga iyo sida uu u muquuniyay dawladda, oo waxaad soo kordhisay eraybixinta muhiimka ah ee “dawladnimada Maandeeq”; ma noo faahfaahin kartaa ujeeddadii aad uga socotey eraybixintan? Sidoo kale, silsiladdii Deelley maxay inooga sheegi kartaa dhaqankii siyaasadeed ee Soomaalida ee ku salaysnaa mulkiyadda hasha Maandeeq ee dawladdiiba taa lagu metaalay?

Dr. Cali: Kolka xoolaraacatada la joogo, gabayga iyo gabayaagu waxay sida caadiga ah ka dhashaan falgalka bulsheed ee dhex mara qabiillada. Xuddunta falgalladanina waxay ahayd geela, oo ahaa raasamaalka ugu weyn iyo qiimaha ugu sarreeya ee degaankaas. Si geel loo yeesho ayaa dagaallo loogu qaadi jiray reeraha deriska, oo waa la kala dhici jiray. Maaddaama geelu uu bulshada dhexdeeda qiime culus ku lahaana, lahaanshihiisu wuxuu qabiilka iyo qofafkaba u ahaa astaan u qiraysa hanti iyo muhiimad ay bulshada ku dhex yeelanayaan. Sidaa awgeed, geela in lagu dhex sunto oo lagu dhex carrabaabo maansadu wuxuu bulshada xoolracaatada Soomaaliyeed uga dhignaa hanti iyo geesinnimo.

Bulsho sida Soomaalida afka wax isugu gudbisa, waxsoosaarka dhaqan wuxuu la guuraa geeddiga dadka ee masaafooyinka durdurugsan, afka ayaana la isugu gudbiyaa oo lagu wadaagaa. Xilliyadii ay dadyaw badani u hayaameen dhulalka aan xoolaraacatada ahayn ama degaanka ah, waxsoosaarkaa dhaqan ee xoolaraacatadu qudhiisuna weji kale ayuu u guuray oo wuxuu ka mid noqday aqoonta la wadaago. Idacaadaha ayaa kaalin jaadgooni ah ka ciyaaray in dhaqanka reerguuraaga xoolaraacatadu uu dhexgalo degaannada magaalooyinka, isaga oo u soo dhex maraya heesaha, hummaagga iyo maansada ku salaysan geeljirannimada iyo qiimaha reerguuraaga iyo habnololeedkooda. Raadyaw Hargeysa iyo Raadyaw Muqdisho waxay ahaayeen goobo ay ka dhacaan halabuurka faneed, madaddaalada, iyo xog-isgaadhsiintu, iyo sidoo kale metelaadda siyaasadda dhaqan ee dalka.

Xilliyo kala duwan ayay xeebaha Soomaaliyeed iyo tuulooyinka guduhuba la kulmeen magaalaw aan hore loo arag oo ku dhacaya dadyaw ka soo hayaamaya noloshoodii reerguuraannimo oo u soo digaroganaya mid magaalannimo. Gaar ahaan waagii gumaystaha, oo wiilal da’yar oo reerguuraa ah la qortay askartii maamulka isticmaarka Talyaaniga.

Mawjaddii kowaad ee magaaloobidda maleeshiyadu waxay figta gaadhay wixii ka danbeeyay dagaalkii Xabashida iyo jabkii ciidammada isticmaarka Talyaaniga. Askar badan oo Soomaaliyeed oo Talyaaniga u soo dagaallantay ayaa soo degay magaalooyinka. Intaa waxa dheer, askar kale oo ka tirsanaa ciidankii Ingiriiska ee Talyaaniga ku jebiyay Dhulkii Soomaaliyeed ee Talyaanigu Gumaysanayay ayaa iyaguna ka daba yimi kuwii Talyaaniga u dagaallamayay oo ka shaqagalay meelo kala duwan oo Maamulkii Ciidanka Ingiriiska ee Xamar ka mid ah. Kolkii Talyaaniga lagu jebiyay Dagaalweynihii Labaad, Ingiriiska oo awelba hhaystay Maxmiyaddii Somaliland wuxuu ku maamulkiisa ku darsaday Mustacmaraddii Soomaalida ee Talyaanigu Gumaysanayay oo wuxuu sii joogay 1941 ilaa 1949, kolkaas oo Qarammada Midoobay ay go’aansatay in ay Talyaaniga u gacangeliso dhulkii uu isticmaarsan jiray isaga oo markan ah maamul wasaayo oo 10 sannadood dalka ugu diyaariya gobannimada Lixdanka.

Mawjaddii labaad ee magaaloobidda reerguuraagii soo hayaamayayna waxay dhacday xilligii Maamulkii Wasaayada Talyaaniga ee 1950nadii. Shaacsanahan magaaloobiddu wuxuu dooriyay qaabkii dadku ugu cufnaayeen magaalamadaxda iyo magaalooyinka yaryar ee kale ee Mustacmaradda Soomaalida ee Talyaanigu Gumaysanayay.  Mawjaddan labaad ee magaaloobiddu waxay ku soo beegantay xilli ay qaabaysmayeen nidaamka xafiiseed ee dawladda iyo sidoo kale haayadaha siyaasadeed ee Soomaalidu yeelan doonto. Sidaa darteed, curashadii madaxbannaanida Soomaalidaba waxa magaalooyinka u batay dad reerguuraa iyo xoolaraacato ahaan jiray. Dabadeed dadyawgan reerguuraaga/xoolaraacatada ahaa waxay markii kowaad magaalooyinka keeneen xidhiidho cusub oo dhaqan-bulsheed, oo ah nidaamkii qabiilka iyo abtirsiga ee miyiga aadka looga adeegsan jiray.

 

Suhayb: Waxa jirta su’aal aan dhanna u dhicin oo ka taagan masalada qaranka iyo dawladnimada ee Soomaalida, laga soo bilaabo Jamhuuriyaddii Midawga ilaa xaaladda maanta ee Soomaaliya/Somaliland. Sideed u aragtaa arrintan?

Dr. Cali: Madaxbannaanidii Soomaalidu waxay ku soo aadday wax loogu yeedho Gugii Afrika oo dalal badan oo Afrikaan ah oo reer Yurub mustacmarado u ahaa ay gobannimadoodii ka qaateen gumaystayaasha, oo ay noqdeen dalal madax bannaan. Hasayeeshee, xaaladda Soomaaliya quwado kala duwan oo gumayste ayaa gobolladeeda u kala talinayay: Faransiiska, Itoobbiya, Ingiriiska, iyo Talyaaniga. Maxmiyaddii Ingiriiska (Dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku Gumaysanayay) iyo Mustacmaraddii Talyaaniga ayaa noqday labadii ugu horreeyay ee xorriyadda hela Juun 26 iyo Luulyo 01, 1960. Hoggaamiyayaashii xisbiyada qoomiga ah ee labada gobol ayaa isku waafaqay in ay wada samaystaan dawlad madax bannaan oo mid ah. Isla kolkii la xoroobay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed dhalatay 1960, hoggaamiyayaashii Waqooyigu saluug bay muujiyeen, ay ugu wacan tahay sedka kaga soo hagaagay haayada dawladeed ee lagu midoobay. Wixii ay filanayeen ayaan dhaboobin. In kasta oo dadweynaha labada mustacmaradood ay isku mid ahaayeen, haddana waaya’aragnimadii gumayste ee kala duwanayd ee ay la soo kulmeen ayaa u abuurtay labo nidaam oo dhanka xafiisyada, ciidanka iyo qaabdhismeedka haayadeedba ah, kuwaas oo ay adkayd in la isku daro.

Dhanka kale, afafka labada nidaam xafiiseed way kala geddisnaayeen, waxana sidaas oo kale ahaa caqliyadda hawlwadeennada ee ku aaddan shaqada, maaddaama uu Af Talyaanigu sii ahaa afka maamulka lagu isticmaalo. Kolkii danbe, dawladda Soomaaliyeed way garawsatay muhiimadda uu Af Ingiriisigu u leeyahay shaqada xafiisyada dawladda. Intaa wixii ka danbeeyayna, xafiisyada dawladdu waxay fursado badan oo wanwanaagsan u abuureen dadyawga ka soo jeeda gobolladii Waqooyiga kolka loo eego shakhsiyaadka wax bartay ee ka soo jeeda gobolladii Waqooyi-bari iyo Koonfurta. Waqti baa jiray, qaarkii danbe ee 1960nadii, ay macallimiin iyo saraakiil reer Waqooyi ahi u badnaayeen dugsiyada iyo goobaha tacliinta guud ahaan. Halkan baa iyaga u dan ahayd, oo Af Ingiriisigu wax ka tarayay, marka la barbardhigo wasaaradaha iyo waaxaha dawladda ee Af Talyaanigu rasmiga u ahaa. Xaaladdu sidaas bay sii ahayd ilaa 1972 laga meelmarinayay farta Af Soomaaliga oo intaa wixii ka danbeeyana laga dhigayay afka rasmiga ah ee haayadaha dawladda.

 

Suhayb: Gebagebadii, waxaan rabaa in aan wax kaa wayddiiyo kaalinta indheergaradka Soomaaliyeed. Waxaad mar carrabawday in erayga indheergarad ama aqoonyahan uu ku micnabbeelay Soomaaliga oo maantana cid kasta lagu sheego, waxaanad tidhi: “Anigu, marka aan adeegsiga erayga fiiriyo, waxaan u aqaan qof kasta oo dareensan xilka ka saaran cid kasta, ee aan ka saarnayn koox gaar ah. Kolkaan sidaa leeyahayna waxaan, ugu horrayn, ka fekerayaa cid kasta oo aragtiyaheeda ku caddaysa qoraal; waxaanan ka dibaaqayaa cidda karta in ay akhrido oo ixtiraanto aragtiyaha dadka kale.” Miyay kuu muuqataa in indheergaratada/aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ku fashilmeen in ay noqdaan indheergarato xubneed (organic intellectuals), kolka la qaato micnaha uu Gramsci u jeeday? Ma se u aragtaa in kaalintoodu suuragal ka tahay waayaha macquulka ka dhex ah faca cusub?

Dr. Cali: Indheergaratada Soomaaliyeed, tabtii gabayaagu ka dhex ahaa reerguuraaga ayay u muuqdaan in ay la saf yihiin qabiilladooda, oo aanay kuba shuqlanayn gudashada kaalintooda indheergaradnimo oo ah in ay xil iska saaraan qaranka/umadda guud ahaan. Sababtaas ayaa indheergaratada Soomaaliyeed ka dhigaysa in ay xubno[1] u yihiin qabiilka ay is xigsiiyaan. Iyagu waxba ma horkacaan ee waxay ku daba faylaan siyaasiga, ama oday-dhaqameedka reerka oo ah xil abuurmay oo xoogaystay waagii isticmaarka, oo saamaynta uu qabiilka ku dhex leeyahay uu gumaystuhu u adeegsan jiray muquuninta waddanka iyo dadkiisaba.


 

[1] Halkan waxaan eraybixintii Gramsci ee indheergarad xubneed u adeegsanayaa xidhiidhka dhiigga iyo xigtada, si ka duwan micnihii uu u jeeday ee ahaa xidhiidhka ay la leeyihiin baarnaamishyada iyo aragtiyaha xisbiyada.

Qoraallada kale ee qoraaga