Skip to main content

Friday 17 May 2024

Waraysi

“Qof wixii tegay aan ogayni waxa soo socdana ka ma tabaabushaysto”

7 April, 2024
Image
minawi
Mostafa Minawi
Share

Barofeesar Mustafe Minaawi ayaa Geeska uga warramay cilmibaadhista uu ku sameeyay taariikhdii Cismaaniyada iyo qodobbo la xidhiidha.

 

“Si aan kutalagal ahayn baan u galay deraasadaynta Cismaaniyada,” ayuu yidhi Mustafe Minaawi. Markii hore wuxuu bartay injineerniyada dhismaha, ka dib isaga oo bangi ka shaqaynaya ayuu goostay in uu habeennimada is qoro casharro ku saabsan taariikhda Cismaaniyada oo fiidkii ah, isaga oo ku nool Toronto. “Waxaan ka faa’iday waxyaabo badan oo aan markii hore iguba soo dhici jirin, qof ahaanna micne badan ayuu ii sameeyay,” ayuu iigu sheegay wadahadal maqal iyo muuqaal ah oo na dhex maray. Tusaale ahaan, awoowihii labaad wuxuu ka mid ahaa ciidanka Cismaaniyada.

Kolkii uu fahmay ee uu dabadeed si rasmi ah u deraaseeyay taariikhda Cismaaniyada, wuxuu Barofeesar Minaawi la yaabay in xasuusta dadweynaha ee mandiqadda ay ka maqan tahay qayb dhan oo ku aaddan kaalintii boqortooyadu ku lahayd sooyaallada dalalka isticmaarka ka danbeeyay ee soo baxay qarnigii 20aad. “Laga ma hadlaba, dugsiyada Bariga Dhexe ku yaallana na loogu ma dhigo, Turkidana waxa sida guud loo arkaaba dad qalaad oo ku nool dal deriska ah.”

Wuxuu aad uga muraaradillaacsan yahay in cutubkan laga tirtiray xasuusta dadweynaha. Qoraal uu dhawaan ku faafiyay degelka Al Jazeera English ayuu si kulul ugu baaqay in kor loo qaado aqoonta asaasiga ah ee ku aaddan raadkii ay boqortooyadu ku lahayd mandiqadda, isaga oo ku dooday in “dadweynaha mandiqadda laga salkiciyay xaqiiqadadooda taariikheed oo loo baylihiyay dabuubta beenabuurka ah ee ay ku yeedhaan siyaasiyiinta iyo taariikhyahannada qoomiyiinta ahi.”

Soomaaliyana dhankaa waxba kaga ma duwana, ayuu qabaa, maaddaama boqortooyadu ay marar badan kaalin muhiim ah ka ciyaartay taariikhda gobolka. Sida ku dhacday dalalka Carbeed ee ay deriska yihiin, ayaan hoosba loo deyin raadka taariikhdaasi ku leedahay Soomaaliyada xilligan.

Wuxuu noqday taariikhyahan hormuud u ah wixii ku saabsan boqortooyada, wuxuuna ka qoray labo buug. Midi wuxuu ku saabsan yahay kaalintii ay boqortooyadu ku lahayd Boobkii Afrika – The Ottoman Scramble for Africa (2016) – kan kalana waa buug u dhabbagelaya sida uu waayahoodu isu beddelay qoys Carab ahaa oo ku noolaa Cismaaniyada markii ay boqortooyadu kala daadanaysay horraantii qarnigii 20aad, cinwaankiisuna yahay Losing Istanbul (2022). Hadda wuxuu gacanta ku hayaa buug ku saabsan saldhigashadii boqortooyada ee waqooyi-bari Afrika.

Halkan waxaannu ku soo gudbinaynaa waraysi ku saabsan boqortooyada, kaalintii ay Afrika ku lahayd, iyo sababta ay muhiim u tahay in kaalinteeda lagu fahmo taariikhdeenna guud, oo aan la yeeshay Barofeesar Minaawi.

 

Faysal Cali (FC): Aynu ku furfuranno maqaalka aad dhawaan ku daabacday Al Jazeera ee dood badan oo boqortooyada Cismaaniyada ku saabsan ka oogay Bariga Dhexe. Dadka qaar baa ka gedooday, kuwo kalana baaqaaga way soo dhaweeyeen. Maxaad u arkaysay in ay muhiim tahay in maqaalkaa la qoro?

Mustafe Minaawi (MM): Waxaan u arkayay in marxaladdan aan mihnaddayda ka marayo aanay ahayn mid aan keli ah kaga jawaabayo su’aalo aqooneed oo aan ka haysto Boqortooyada Cismaaniyada, waxaanan doonayay in aannu dadweynaha is gaadhno oo aan la wadaago wax ka mid ah arrimaha aan ku shuqlanahay. Wax badan oo hawshan ka mid ah ayaa raad weyn kaga tegay sida ay dalalkaa kala duwani isu arkaan una qiimaynayaan halka ay mandiqadda kaga hagaagayaan, iyo sidoo kale mushkiladaha laga dhaxlay waagii gumaysiga Yurub oo ilaa hadda sii qoyan.

Waxa jirta odhaah qadiim ah oo tibaaxaysa haddii aanad tagtadaada aqoonin, timaaddadaada mugdi uun baad dhex kuududaysaa maxaa yeelay waxba ka garan maysid halka aad kaga beegmaysid isle’egta taariikhdaadu ku salaysan tahay.

Waxaan rabey in dadku ay u kuurgalaan taariikhdooda. Taariikhda Cismaaniyada ee Bariga Dhexe inta badan waa taariikh maxalli ah, waxaanan rabey in ay isa siiyaan, fahmaan oo mayalka u qabtaan sida qisooyinkaas loo tebinayo.

 

FC: Boqortooyada Cismaaniyada waxa loo sawiraa in ay tahay boqortooyo hoobad ku jirtay ilaa qarnigii 18aadba, hubaalna waxa ah in wixii qarnigii 19aad loo soo gaadho ay suugaanta qoran badankeedu sheegayso in dhammaadkeedu uu lamahuraan ahaa oo xataa uu kaabiga ku hayay. Buuggaagii kowaad se wuxuu tibaaxayaa in ayba ilaa qarnigii 18aad isku fidinaysay Afrika oo ay la tartamaysay boqortooyooyinkii Yurub. Halkaa ma noo sii faahfaahin kartaa?

MM: Bilawgii, boqortooyada Cismaaniyadu si joogto ah kor ugu may kacayn, waxana hubaal ah in aanay sidaas oo kale si joogto ah hoos ugu soconayn markii ay dhacaysay, xataa intii lagu jiray waagii ay boqortooyooyinka Yurubta Galbeed fagaaraha caalamka ka soo muuqdeen. Kacaakuf bay ku jirtay, oo marar bay guulo waaweyn gaadhaysay kolalka qaarna guuldarrooyin laxaad leh, waxayna xataa isku dayday in ay qarnigii 19aad hirgeliso mashruucyo isbeddello waaweyn higsanaya oo ku beegnaa xilli ay taariikhyahannadu ku tilmaamaan waagii Tanzimat (Tanzimat waa eray Turki ah oo la micne ah Dibuhabaysan).

Iyadoo ay run tahay in boqortooyadu aanay Yurub ku dhex korayn, haddana in la dhaho gebi ahaanba korriinkii way joojisay waa aragti dunida ku eegayso indho Yurubbiyaan. Guud ahaan, si loo dhaho boqortooyadaasi way koraysaa ama ma korayso waa in lagu qiimeeyo in ay ladan tahay iyo in ay liidato. Haddii se aynu fiirinno qarnigii 19aad, boqortooyada Cismaaniyadu waxay boqortooyooyinkii Yurub tartan ballaadhan kula gadhay sidii ay raciyad iyo gacankuhayn uga hanan lahayd Afrika. Waa arrinta lagu magacaabo “Boobkii Afrika” ee aan wax ka qoray aniga oo ka soo eegaya dhanka Cismaaniyada.

Cismaaniyiintu waxay ka cabsiqabeen haddii aanay ciyaartaa qayb ka noqon in aanay waxba ka sii ahaanayn nidaamka siyaasadda dunida ee ay noqonayaan ugaadh ay quwadaha kale kala goostaan. Markaa xaaladdu waxay u ahayd meel ka muuqo ama ka maqnow.

 

FC: Sadik Azmzade waa shakhsiyad fure u ah labadaada buugba. Wuxuu safar ku galaabixiyay Afrika isaga oo ah sarkaal sare oo Cismaaniyada ka tirsan, wixii u soo baxayna xasuusqor buu ku kaydsanayay. Maxaad isaga u dooratay, fekerradiisuna maxay kaaga sheegayaan sidii ay waagaa Cismaaniyadu u arkaysay Afrika?

MM: Marka dhinacyo badan laga eego, Sadik Azmzade oo ka mid ahaa haldoorkii Cismaaniyada ee asalkiisu Carabta ahaa, waxa lagu sheegi karaa Forrest Gump-kii[1] boqortooyada Cismaaniyada. Wuxuu isagoo hadba jago gaar ah metelaya igaga soo dhex baxay dhacdooyin muhiim ahaa oo aan baadhayay, dabadeed il gaar ah baan ku eegay.

Kolkii hore wuxuu isu arkayay in uu qayb ka yahay dabaqad boqortooyo oo gaar ah oo ku baahsan min Istanbuul ilaa St. Petersburg ilaa Baariis, laakiin markii Yurubbiyaanku ay boqortooyada Cismaaniyada ku soo dayriyeen in ay tahay wax ka duwan oo aan iyaga meteli karin taasi isaga aad bay u saamaysay.

Dabadeed Azmzade wuxuu safar ugu baxay Afrika, halkaas oo uu kula kulmay Muslimiin kala isir iyo sinjiyado duwan oo ku filiqsan Saxaaraha ilaa Geeska Afrika, walaaca uu ka qabey in loo arko qof aan Yurubbiyaan ahayn ayaana raad weyn ku yeeshay sida uu dadyawgaa u arkayay. Wuxuu ku baraarugay sida ay Yurub u “shisheeyaynayso” boqortooyada Cismaaniyada, iyo sidoo kale sida haldoorka boqortooyada Cismaaniyada qudhoodu ay u “shisheeyaynayeen” Carabnimada oo ay si sidaa Yurubbiyaanka u eg ugu arkayeen wax aan la soo dhawaysan karin.

Waaya’aragnimadaa shisheeyaynta ah ee uu la kulmay ayuu ku wajahayaa sida uu u arkayo dadyawga uu kula kulmayo Afrika isaga oo isku deyaya in uu iyaga iska fogeeyo, oo wuxuu ku sifaynayaa luuqad cunsuriyadi ku jirto. Wuxuu isu arkaa qof Carab-Cismaani ah oo Caddaan ah, dadka uu la kulmayana kuwo ka duwan maaddaama ay madow yihiin.

Kolka Yurubbiyaanku ay dhaleeceeyaan boqortooyada Cismaaniyada waxay u badan tahay in uu ku hoos u odhan jiray: “Annaguba caddaan baannu nahay, ee waxa laga yaabaa in aad nagu khaldaysaan dadyawgaa kale ee meeshaa kale yaalla, waayo annagu idinkaannu idin nahay.”

 

FC: Cilmibaadhistaadu maxay kaaga sheegtay sida ay boqortooyada Cismaaniyadu u maaraysay iimaanka ay wadaagaan beelaha walaalaha ah ee Afrika kolka ay diblomaasiyad ahaan ula macaamilayso?

MM: Cismaaniyiintu aad bay ishiiqaatayaal uga ahaayeen sida ay arrintan u wajahayaan. Nuxurkuna, haddii aad si ballaadhan u eegtid, wuxuu ahaa in marleyba ay jirayso muquunin imbaraaddooriyadeed, kolkaa ay tahay in dadyawgaasi ay kala doortaan imbaraaddoor Muslim ah oo fahansan dhaqankooda una oggolaanaya in ay arrimaha gudahooda gacankuhayn ku yeeshaan, ama boqortooyooyinka reer Yurub ee sida lagu yaqaanno meeshii ay qabsadaanba sida ba’an u dhiigmiirta.

 

FC: Sidee bay taasi kaalin uga qaadatay doorkii jaadgooniga ahaa ee boqortooyada Cismaaniyadu dunida markaas ku lahayd kolka loo fiirsho in ay ahayd xaruntii Khaliifada iyo sidoo kale dawladdii ugu danbaysay ee Muslim ah ee madax bannaan ee ka jirta duni gebi ahaanteedba ay u sarrayso boqortooyo Yurubbiyaan ahi?

MM: Si adag bay arrintan laabta u gashadeen. Boqor Cabdulxaamidkii Labaad ayaa, gaar ahaan, go’aansaday in uu kaadhka islaamnimada u adeegsado hawlaha diblomaasiyadeed ee heer caalam ah. Waxay garwaaqsadeen in arrintani tahay jid ay kaga sedroonaanayaan boqortooyooyinka reer Yurub, sida boqortooyadii Ingiriiska, Ruushka iyo Faransiiska oo dad badan oo Muslimiin ahi ay ku hoos noolaayeen.

Boqortooyooyin badan ayaa ka shakiqabey in Suldaanka Khaliifka ah ee Cismaaniyadu uu dadweynaha ku kicin doono, Cabdulxaamidna si gaar ah ayuu gooddiskaa uga dhigtay xajarkii ugu danbeeyay ee uu ciyaarta ku badinayay. Boqortooyada Cismaaniyadu ma ay lahayn karaan ay kula tartanto boqortooyooyinka reer Yurub ee wershado ahaan horumarsan, dhan dhaqaale ama dhan ciidanba, hasayeeshee sidan baa ahayd qaab ay sharcinnimadooda su’aal ku gelin karaan.

 

FC Waxaad sidoo kale gacanta ku haysaa buug ku saabsan kaalintii boqortooyada Cismaaniyada ee Afrikada Bari. Maxaad iiga sheegi kartaa?

MM: Boqortooyada Cismaaniyadu waxay qaybo dhan oo Afrikada Bari ka tirsan u arkaysay dhul ka mid ah suldada Cismaaniyada. Waa dhul fidsan min jasiiradda Sawaakin iyo Masawacda Badda Cas ilaa koonfurna u gaadhaya xeebta Afrika Bari ee ku u siman Berbera. Dabcan Cismaaniyiintu ku may cusbayn Afrikada Bari waxayna ku leeyihiin taariikh taxan ilaa qarnigii 16aad. Waxay aaggan joogeen sannaddii 1517 iyo ilaa dabayaaqadii 1800ladii. 

Dabayaaqadii 1800ladii waxa caqabad ku noqday Ingiriiska oo bilaabay in uu dhulalkan ku siqo, kolkaa marka dhinac laga eego waxaan dersayaa masalooyin la xidhiidha sida aynu u fahmayno suldada iyo madaxbannaanida iyo sida xeerka caalamiga ah, CIsmaaniyiinta, iyo dhiggooda reer Yurubba ay u qeexayaan.

Waxaan sidoo kale danaynayaa sidii ay Cismaaniyadu ula macaamilaysay dhiggeeda boqor Miniliggii Labaad ee Itoobbiya, si aan isbarbardhig iyo kalasoocid ugu sameeyo sidii ay ula macaamilaysay boqortooyooyinkii reer Yurub ee dhulalkeeda halista ku ahaa. Kolkaa, fari ka ma qodna!

***
 

[1] Forrest Gump waa shakhsiyadda kowaad ee sheekada isla magacaa leh ee uu 1986 soo saaray qoraa Winston Groom, isla markaana sannaddii 1994 loo rogay filinka uu jilayo Tom Hanks. Haddaba, halkan sida uu magacu ugu jiraa waa si sarbeeb ah. Waxa suugaanta Ingiriiska caadi ku ah in magacan loogu yeedho qof kasta oo aan sidaa u sii ridnayn laakiin niyad wanaagsan oo xaalad murugsan oo muhiimad taariikheed leh si sibiq ah ugu dhex dhaca dabadeed ka soo dhex baxa. Nuxurkaa afmaldahanaha ah ayuu Mustafe Minaawi dibaaqayaa, taas oo ka dhigan Azmzade si shil ah buu taariikhda Cismaaniyada magac ugu dhex yeeshay oo ayaanka ayaa wax isugu beegbeegay [Turjubaanka].