Thursday 5 December 2024
Waxa aynu u baahannahay kasmanafeed dheeraad ah; waxa aynu u baahannahay fahan dheeraad ah oo la xidhiidha dabeecadda insaanka. Halista keli ah ee jirtaa waa insaanka. Waa halis weyn, oo aynu moognahay. Waxba ka garan maynno insaanka, waa in aynu derisno nafsaddiisa, sababta oo ah—waxa aynu nahay seeska shar oo idil.
—Carl Jung (1875 – 1961)
Kasmanafeeddu waxa uu ku abtirsadaa aqoonta derista insaanka, si gaar ah waxa uu dersid, lafagurid, fasirid iyo sharraxaad ku sameeyaa habdhaqanka, habfekerka iyo dareenka qofka. Waa cilmi lagu fahmo isbeddellada qofku maro, waa cilmi soojireen ah oo sees u ah ilbaxnimooyinka insaanka. Saykoolojiga waxa adeegsan jiray ilbaxnimooyinkii hore sida; Giriigga, Shiinaha, Hindida, Beershiyaanka iyo Masaarida. Xilligaas la adeegsanayey waxa uu ka tirsanaa falsafadda, oo ma ahayn cilmi gaarkiis u taagan. Kasmanafeeddu waxa uu cilmi madaxbannaan noqday qarnigii 19aad. Wilhelm Wundt (1832 – 1920) oo ahaa aqoonyahan nafeed oo Jarmal ah ayaa 1879, kasmanafeedda ka soocay qaybihii kale ee aqoonta gaar ahaan falsafadda. Wixii qarnigii 19aad ka dambeeyey kasmanafeeddu waxa uu ku jiray; korid, kobcid iyo fidid. Waxa xilliyadaas dunida Galbeedka ka hirgalay dadaallo cilmibaadhiseed oo la xidhiidha kasmanafeedda, dadaalladaasi wax ay socdaanba waxa ay cirka galeen qarnigii labaatanaad. Kasmanafeeddu qarnigii labaatanaad waxa uu sameeyey kacdoon xooggan oo u gogolxaadhay dadaallo cilmibaadhiseed oo cayn kale ah. Qarnigaas waxa soo shaacbaxay abwaannadii kasmanafeedda casriga ah. Qarnigaas adduunka waxa ka dhacay isbeddello xooggan oo saamayn ku yeeshay gees walba oo nolosha insaanka ah. Waxa dhacay dagaalladii kowaad iyo labaad. Dagaalladaasi waxa ay wax weyn ka geysteen aqoontii iyo habfekerkii bini-aadamka.
Kasmanafeeddu intiisa badan waxa uu ku hanaqaaday waayihii colaadeed ee Galbeedka ka jiray, waxa la sameeyey cilmibaadhisyo la xidhiidha caafimaadka dhimirka iyo nafsadda. Waxa si gaar ah loo dersay shakhsiyaadkii ay saamaynta culus ku yeesheen dagaalladu. Xilliyadaas waxa la ogaaday saamaynta nafeed ee ay colaaddu ku reebtay saykoolojiyadda bulshada. Waxa la allifay wax waagaas loo bixiyey "shell shock", se hadda luuqadda kasmanafeedda casriga ah loo yaqaanno doog (trauma). Xididka baadhitaanka doogta nafsadeed waxa uu ku aroorayaa dadaalladii aqooneed ee kasmanafeedda lagu samaynayey qarnigii labaatanaad. Markii dagaallada laga soo baxay saykoolojigu waxa uu noqday wixii ugu horreeyey ee reer Galbeedka dibudhis nafeed loogu sameeyey, sababta oo ah waxa fiiradheeri iyo dhugmo loo yeeshay eesha nafsadeed, maskaxeed iyo bulsheed ee dagaalladu kaga tagaan saykoolojiyadda insaanka.
Bulshadu marka ay gasho dagaallo sokeeye oo dhan walba ah waxa abuurma bulsho jaad kale ah, waxa isbeddella qaayasoorrada bulsheed, waxa unkama bulsho miyir la', sida uu tibaaxay Erich Fromm. Mudane Fromm buuggiisa "The Sane Society" waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Yurubtii joogtay dagaalkii labaad ee adduunka, taas oo uu ku tilmaamay bulsho miyir-gaddoontay (unsane society). Dagaalladu waxa ay jidka u banneeyaan waalli ummadeed oo gees walba ah, waxa ayna ka tagaan ladh iyo riiq bulsho oo aad u daran.
Sida aynu xusnay kasmanafeeddu waxa uu qaadhaan sheegan ka geystay dibudhiskii nafsadeed ee reer Galbeedka. Docda kale waxa uu saamayn lixaad leh ku yeeshay xidid walba oo nolosha ka mid ah. Kasmanafeeddu waxa uu xidid ku yeeshay; tacliinta, caafimaadka, barbaarinta, siyaasadda, sharciga, ganacsiga iyo bulshada. Intaas oo qaybood waxa uu ku leeyahay door muuqda. Bulshooyinka casriga ah kasmanafeeddu waxa uu ugu jiraa kaalin tiirdhexaad ah, sababta oo ah waxa uu ka hawlgalaa caafimaadka nafsadeed/maskaxeed ee bulshada. Sidaa darteed ayuu ugu jiraa boos lamahuraan ah. Kasmanafeeddu waxa uu innaga caawinayaa in aynu fahanno nafsaddeenna iyo nafsadda dadka kale. Waxa uu tiirdhexaad u noqon karaa ummad walba oo rabta horukac bulsho oo taabbagal ah. Dr. Khascal Maajidi oo ah khabiir ku xeeldheer aqoonta diimaha iyo ilbaxnimooyinka waxa uu xusay in ilbaxnimadu ka unkanto shan iyo toban qodob, saykoolojigu waxa uu ku jiraa qodob kaalingal ah. Mudane Maajidi waxa uu tilmaamay in caafimaadka nafsadeed/maskaxeed uu saamayn weyn ku leeyahay horusocodnimada ilbaxnimo ee basharka. Sidaa darteed ayuu u sheegay in uu yahay qodob muhiimaddiisa leh oo aan laga gudbi karin.
Bulsho nafsad ahaan caafimaad qabta ayaa gaadhi karta horusocodnimo dawladeed. Qodobkan waxa si weyn u lafaguray Dr. Mustafe Xijaasi oo ah qoraa iyo aqoonyahan nafeed oo Lubnaani ah. Mudane Xijaasi waxa uu qabaa in seeska horumarka bulsheed laga bilaabo dibudhiska nafeed ee qofka iyo bulshada. Xijaasi waxa uu si weyn u lafaguray nafsadda bulshooyinka ciillan ee la kulmay cadaadinta. Waxa jira wax uu u bixiyey; "insaanka ciillan/الإنسان المقهور." Insaanka ciillan waa cid kasta oo wayday karaamadeedii insaaniyadeed, waa cid kasta oo aan masiirkeeda gacan ugu jirin. Insaanka ciillan waxa uu ka dhex abuurmaa bulsho dibudhacsan. Bulshadaas tilmaamaheeda waxa ka mid ah; in uu ku badan yahay cunfiga iyo cadaadinta. In ay la ildaran tahay cuqdad nafsi (inferiority Complex), iyo in ay tahay bulsho si walba u lumisay karaamadeedii bulsho. Tilmaamahan waxa leh bulsho walba oo dibudhacsan oo ku jirta burbur ummadeed. Sidaa darteed Soomaalidu waxa ay ku jirtaa bulshooyinka dibudhacsan, ee si walba u lumiyey karaamadoodii bulsho.
Soomaalidu waxa ay wayday karaamadeedii insaaniyadeed, tan waxa si weyn u faaqiday Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. Mudane Bulxan waxa uu buugiisa; "Losing the Art of Survival and Dignity", ku faalleeyey isbeddelka bulsho ee gees walba ah ee Soomaalida ku dhacay, waxa uu faaqiday sida ay Soomaalidu u lumisay; ahaanshaheedii, qabkeedii, kalsoonideedii, ismaamulkeedii iyo dadnimadeedii ummadeed. Waxa jirta weyddiin muhim ah oo qoraagu is weyddiinayo oo odhanaysa: "maxay Soomaalidu maanta u tahay dad u nugul cunfiga siyaasadeed, abaarta, gaajada, dhimashada iyo doogta? Weyddiintaas inta uusan ka warcelin waxa uu tilmaamayaa sida wadciga iyo xaalku yahay, waxa uu qoray; "Soomaalidu waxay maanta ku tiirsan yihiin sadaqada dadka kale waxa ayna filayaan in awoodaha soogalootiga ah ama waageeniga ah ay dhexdooda kala badbaadinayaan." Abwaan Gaarriye (1997), maansadiisa “Dabataxan” waxa uu ku gaalaabixiyey burburka dhaqammeed, bulsheed, akhalaaqeed, diimeed, fekradeed iyo dadeed ee Soomaalida ku dhacay. Meeriska odhanaya; "dal waxaan ku noolahay/saddexdii dalaaqood/lagu furay dadnimadii", waa meeriska soo koobaya uhda burburka Soomaalida ku habsaday halka uu salka ku hayo.
Mar haddii ay Soomaalidu ku jirto bulshooyinka ciillan ee dibudhacsan, hor iyo abbaataba waxa lamahuraan ah in laga hawlgalo habkii iyo hannaankii Soomaalida dibudhis nafeed loogu samayn lahaa. Kaalinta dibudhiska nafeed waxa buuxin kara kasmanafeedda oo ah cilmi u taagan dibudhiska iyo dibuqaabaynta nafsadda insaanka. Sidaa awgeed ayuu saykoolojigu lamahuraan innoogu yahay.
Soomaalidu waxa ay ku jirtaa waayo nololeed oo qadhaadh, dhan kasta nolosha Soomaalida waxa ka muuqda lahankii burburka iyo qaranjabka. Cilmi nafsigu waxa aynu u adeegsan karnaa in aynu fahanno baaxadda nafsadeed ee burburka ka dhashay, waxa uu innagu kaalamaynayaa in aynu ka soo kabanno halista inna gaadhay, waxa uu innoo noqon karaa meel aynu ka helo baanid nafeed. Soomaalidu baahi weyn ayey u qabtaa kasmanafeedda, waxana lagamakacaan ka dhigaya xaaladda dhiillada ah ee ay ku jirto. Qodobkan xagga dambe ayeynu ku faahfaahin doonnaa, waxa se in hoosta laga xarriiqo mudan in la ogaado in kasmanafeeddu mudnaan weyn u leeyahay bulsho walba oo rabta in ay ka kacdo burburka ay gashay. Dunida Galbeedka kasmanafeeddu waxa uu ka mid ahaa arrimihii ugu horreeyey ee dhugmada iyo mudnaanta la siiyey, sababtaas ayey Galbeedku nafsad ahaan u dhismeen burburkii ku habsaday iyo dagaalladii ay galeen kaddib.
Baahida Soomaalida ee Kasmanafeedda
Robert Rotberg oo ah qoraa iyo cilmibaadhe Maraykan ah, waxa uu xusay in Soomaaliya ay tahay tusaalaha ugu mudan dawlad si walba u burburtay (collapsed state). Dr. Afyare Cilmi sida uu ku qorayo buuggiisa, "Understanding the Somalia Conflagration", laga soo bilaabo sannaddii 1978, illaa hadda Soomaalidu waxa ay ku jirtaa dagaallo sokeeye. Dagaalladaasi waxa ay sababeen; xasilloonidarro bulsheed, busaarad, saboolnimo, macaluul, abaaro, qax, cunfi siyaasadeed iyo xagjirnimo diimeed. Intan oo ayaandarro nololeed ah waxa ay Soomaalida ku xukumeen in lagu tilmaamo ummad ifka lagu cadaabay. Cabdiqaadir Shire Faarax buuggiisa, "Matxafka Cadaabta Soomaaliya", waxa uu ku sheegay in Soomaalida arlada lagu cadaabay. Waxa uu qoray, "dulmiga iyo dambiga lagu galay Soomaaliya, welina socda, baaxaddiisu waa weyn tahay. Waxaa lagu galay magac dawladeed, magac jabhadeed, magac beeleed, iyo xataa magac diimeed. Ma jiro wax Soomaalida ku dhici lahaa oo baaqday iyo meel nabad-gashay. Waa la cadaaban yahay! Mar kale Shire waxa uu qoray; ".....arrin kale oo Soomaaliya loo cadaabayo waa in aysan ilaashan khayraadkeedii dabiiciga ahaa ee ahaa webi, bad, dhir, hawo, qorrax iyo halka ay taal ee istiraatiijiga ah, iyo in aysan khayraadkaas ka faa'iideysan ama ku xadgudbtay waa loo ciqaabayaa."
Dibugurashada iyo habowga ummadeed ee ay Soomaalidu gashay waxa uu qaadhaan weyn ka geystay dhataalmidda caafimaadka dhimirka ee Soomaalida. Muddadii burburka lagu jiray waxa si afkalaqaad ah u kordhay jirrooyinka dhimirka. Waxa sare u kacay qayladhaanta ku aaddan xanuunnada dhimirka. Hay'adaha caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah labaduba waxa ay rejobbeel ka qabaan cilladaha/khalkhallada iyo jirrooyinka nafsadeed ee sii kordhaya.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxa ay hore u sheegtay in qiyaastii 40% bulshada Soomaaliyeed ay la ildaran tahay jirrooyin nafsadeed/maskaxeed. Se deraasad dhawaan dhalad ah oo ay iska kaashadeen hay'ado ka tirsan Qarammada Midoobay, Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Xamar, waxa ay sheegtay in qiyaastii in ka badan 76% ummadda Soomaaliyeed ay la nooshahay xaalad nafsadeed/maskaxeed. Taas oo ka dhigan celcelis ahaan afartii qofba in saddex ka mid ah (3/4) ayaa ku sugan yihiin xaaladdan. Deraasadda dadka ugu badan ee ka qaybqaatay (68.1%) waa dhallinyaro 35 jir ka yar. Deraasaddu waxa ay tibaaxday in xanuunnada dhimirka ee Soomaalidu uu aad u kordhay. Waxyaabaha Soomaalida xanuunnada dhimirka ku sababa waxa ka mid ah: dagaallada, abaaraha, maandooriyaha, shaqo la'aanta iyo xasilloonidarrada siyaasadeed. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ah dadka ugu badan ee qaba xanuunnada dhimirka. Waxa la xusay in jirrada PTSD (Post-traumatic stress disorder) ay tahay ta labaad ee ugu badan xanuunnada maskaxeed. Sida la tibaaxay dhallinyaradu waxa ay u jeedaan mustaqbal rejobbeel ah. Nin ka mid ah dadka deraasadda sameeyey waxa uu xusay; in halis loogu jiro in Soomaaliya ay lumiso lod dhan oo dhallinyaro ah oo bulshada ka ah 70%, sababo la xidhiidha nolol xumo iyo xasilloonidarro bulsheed.
Maanta geyiga Soomaalida waxa ka holcaya dagaallo sokeeye, fadqallalo iyo xasilloonidarro siyaasadeed, intan oo idil waxa ay shidaaliyeen jirrooyinka caafimaadka dhimirka. Dr. Maxamed Daahir Afrax buuggiisa, "Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay", waxa uu ku dooday in Soomaalidu ay tahay ummad waalatay. Waallida ummadeed ee Soomaalida waxa uu u cuskaday waayaha qadhaadh ee ay ku jirto. Afrax waxa uu qoray; "haddii aynu qirno waallidu in ay tahay cudur madaxa ku dhufan kara mujtamac dhan, shaki kuma jiro Soomaalida maanta joogtaa in ay tahay; ummad waalatay ama mujtamac maan-doorsoomay. Wadar ahaan iyo waaxid ahaanba sidii aan u dhaqmayney dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey, waa si muujinaysa in aan nahay dad is madax-maray, maskaxdoodu hawl gabtay, maankooduna fayoobi ka fog yahay." Aqoonyahannada dersa Soomaalida waxa ay qabaan in burburka Soomaalidu ay gashay uu keenay jirrooyin maskaxeed iyo in ay isaga qasmaan mafaahiimtii iyo qaayasoorradii nololeed. Tan awgeed waa sababta aynu intaas oo sanno u arki kari la'nahay irrid looga baxo meehannowga innagu habsaday.
Soomaalida waxa isugu tagay: dagaallo, abaaro, busaarad, dawladxumo, burbur qoys, burbur tacliineed, xagjirnimo diimeed/qabiil, jugo gumeyste iyo wax walba oo dibudhac bulsho ah. Kasmanafeeddu waxa uu noqon karaa aqoon aynu kula tacaalno dhibaatooyinkeenna bulsho. Kasmanafeeddu waxa uu sixid iyo dubuhabayn ku samayn karaa burburka waxbarasho ee innagu dhacay, waxa uu baxnaano iyo baanid nafeed ka geysan karaa riiqda iyo doogta maskaxeed ee aynu la daalaadhacayno. Falsafaddeenna barbaarinneed oo ay wax badan ka khaldan yihiin ayuu kasmanafeeddu wax ka tarayaa, waxa uu ka qaybqaadanayaa in aynu dibuhabayn iyo sixid ku samayno falsafaddeenna barbaarinneed, waxa uu innoo sahli karaa in aynu soosaarno lod korniinkooda nafsadeed isu dheellitiran yahay. Cilmi nafsigu waxa uu dersid, faaqidaad iyo lafagur nafsadeed ku samayn karaa halka seeska u ah xagjirnimada diimeed, waxa uu inna siin karaa kansho aynu ku ogaano nafsadda xagjirka. Innaga oo adeegsanayna farsamooyinka casriga ah ee kasmanafeedda waxa aynu caqlicelin (cognitive therapy) iyo dhaqancelin (behavioral therapy) u samayn karnaa shakhsiyaadka xagjirooba. Farsamooyinkan casriga ahi waa hannaan innoo sahli kara in aynaan si cunfi ah u la dhaqmin nafsadda xagjirka. Kasmanafeeddu kaalin mug iyo miisaan leh ayuu ka geysan karaa yaraynta xagjirnimada.
Kasmanafeeddu waxa aynu u adeegsan karnaa in aynu ku faaqidno saamaynta qabiilku ku leeyahay nafsadda ruuxa Soomaaliga ah. Dr. Bulxan buuggiisa "Politics of Cain", waxa uu ku qaadaadhigay saamaynta taban ee qabiilku ku leeyahay saykoolojiyadda Soomaalida. Waxa uu xusay in qabiilku kaalin ku leeyahay shakiga, kalsooni xumada, walaaca, bayrta iyo si guud xasilloonidarrada nafsadeed ee qofka. Qabiilku waxa uu udubtaag u yahay isdhexgal la'aanta bulsho ee Soomaalida ka jirta. Geesta kale na waa caqabad ku horgudban in Soomaalidu hesho astaamo dhaqan-magaaleed xanbaarsan. Soomaalidu ma magaaloobin, tan waxa sabab u ah xaaladda bulsheed ee lagu jiro. Qodobkan waxa si weyn u sharraxay Rashiid Gadhweyne oo ah caalim bulsheed. Mudane Rashiid buuggiisa "Qaran iyo Qabiil Labo aan is Qaban", waxa uu si weyn ugu kala dhigdhigay sida aysan Soomaalidu u magaaloobin, oo aysan u yeelan dhaqan reer magaaleed oo ku abtirsada magaca magaalada. Sababta waxa uu u cuskaday in aanu dhicin isdhexgal iyo isku milan bulsho. Habka magaalo ee ay Soomaalidu u nooshahay waxa uu u bixiyey, "wada-ool." Waa qabaa'il iyo reero wada yaalla, se aan isdhexgelin, sababo la xidhiidha shaki iyo kalsooni darro. Kasmanafeedda waxa aynu ku dersi karnaa nafsadda qabiilka, jeer kalena waxa uu ka qaybqaadan karaa in Soomaalidu isdhexgal bulsho samayso, maaddaama laan kasmanafeedda ka mid ahi ay mudnaan weyn siiso bulshada.
Bulxan (2013), waxa uu xusay in gumeysigu innoo geystay jugo maskaxeed, waxa uu sharraxaad iyo faaqidaad ka bixiyey eeshii bulsheed, nafsadeed, dhaqammeed iyo siyaasadeed ee gumeysigu innagaga tagay. Haddii aynu rabno gumeysi-ka-bixid dhammaystiran, kasmanafeeddu waxa uu innagu kaalmaynayaa in aynu fahanno nafsadda gumeystaha iyo la gumeystaha. Halkan waa meesha ay lamahuraan tahay in uu soo galo Dr. Frantz Fanon—oo ahaa halgamaa, faylasuuf siyaasadeed, aqoonyahan dhimir iyo gumeysidiid mar la'arag ah. Mudane Fanon waxa uu lafaguray nafsadda gumeystaha iyo la gumeysataha. Bulxan (2013), waxa uu qoray, "Samir Amin iyo Walter Rodney waxa ay si wanaagsan ulafagureen saamaynta gumeystihii hore iyo gumeystaha cusubi ku yeesheen dhaqaalaha iyo siyaasadda la gumeystaha, se Frantz Fanon ayaa si heer sare ah u kala dhigdhigay raadka uu xukunkii gumeystuhu ku yeeshay dhaqanka, xidhiidhada bulshada iyo saykoolojiyadda la gumeystaha." Fanon waxa uu ku nuuxnuuxsaday jirrooyinka dhimir iyo riiqda nafsadeed ee la gumeystaha soo gaadhay iyo sida ay raadka ugu yeesheen habdhaqankiisa iyo habfekerkiisa.
Fanon waxa uu muhiimad gaar ah siiyey habfekerka guud ee ruuxa Afrikaanka ah iyo waxa noloshiisa haga ee dhaqaajiya. Waxa uu xusay in khuraafaadka iyo khusacbalaadku ay yihiin arrimaha mudnaanta weyn ku leh caalamka la gumeystaha. Waxa uu qalinka ku sugay; ".......waxa ku badan khuraafaadka, sida sixirka, jinka iyo durrada." Fanon afkaartiisa iyo buugaagtiisu waxa lagu tilmaamaa in ay udubxoog u yihiin waxa la yidhaahdo, kasmanafeedda bulsheed ee gumeysiga (The Social Psychology of Colonialism). Xuseen Tansaaniya (1993), waxa uu tilmaamay in waxsoosaarka aqooneed ee Fanon ay ku arooraan saddex mawduuc oo kala ah; isxoraynta ummadeed, dibudhiska bulsheed iyo dibudhiska qofeed. Afkaarta kasmanafeed ee Fanon waa muhim, haddii aynu rabno gumeysi-ka-bixid dhammaystiran iyo dibudhis nafeed/bulsheed.
Soomaalida waxa lagu ammaanaa hal'abuurka suugaanta, sahmiyayaashii iyo dhulmareennadii shisheeye ee milay hore carrigeenna yimi, markii ay la ashqaraareen quruxda iyo qotodheerida afkeenna iyo suugaanteenna waxa ay innagu magacaabi jireen magacyo isugu jira; “Dhulkii Gabayga iyo Ummaddii Gabayaaga." Suugaanta kaydsan ee Soomaalida lagu ammaano waa mid u badan dabeecadda jiraalka, ma jirto ama way yar tahay suugaan kaydsan oo dersid, lafagurid iyo faaqidaad ku samaynaysa saykoolojiyadda Soomaalida. La'aanta lala' yahay suugaantaas waxa la la xidhiidhin karaa sida aysan Soomaalidu mudnaan weyn u siin nafsadda insaanka. Insaanka oo dhugmo iyo fahan gudoballaadhan loo yeesho waa dawga loo maro horumarka ummadeed, haddii nafsadda insaanka la fahmo, waxa kale waa sahalo in la fahmo. Unkan, hanaqaadka iyo taabbagalka ilbaxnimo waxa sees u ah insaanka. Docda kale burburka iyo anbadka ilbaxnimo ee basharka waxa sal u ah insaanka. Bulshooyinku waxa ay u kala horumar badan yihiin hadba inta ay fahan hagaagsan u leeyihiin insaanka. Gumeystayaashii reer Yurub inta aysan ummadaha kale ku duulin, waxa ay soo diri jireen khuburro aqoonyahanno ah oo deraasad ku samaysa bulshada ay rabaan in ay gumeystaan. Waxa ay dersi jireen nidaamka dhaqan-dhaqaale, iyo bulsheed ee ummaddaas. Intaas marka ay dersaan waxa ay gudbin jireen xogo iyo cilmibaadhisyo ku saabsan bulshadaas. Sababtaas ayey reer Yurub ugu sahlanaatay in dadka kale ay gumeystaan, maaddaama ay aqoon u yeesheen habnololeedkooda bulsho. Ummad aadan aqoon u lahay habnololeedkeeda bulsho; ma xukumi kartid, mana maamuli kartid.
Dr. Mustafe Xijaasi waxa uu dhiirrigeliyey in kasmanafeedda la barto, si aynu waaqaceenna bulsho u derisno isla markaana u fahanno. Soomaalidu waa bulsho saykoolojiyaddooda jaahil ka ah. Cilmibaadhisyada kasmanafeedda casriga ahi waxa ay sees u noqon karaan in aynu fahanno nafsaddeenna. Kasmanafeeddu waxa uu tiirdhexaad u noqon karaa in Soomaalida dibudhis nafeed lagu sameeyo. Bulsho si walba u burbursan, haddii la rabo in horukac ummadeed la gaadhsiiyo, tallaabada ugu horreysa ee la qaadayo waa in ay noqoto hannaankii ummaddaas dibudhis nafeed/bulsheed loogu samayn lahaa. Waxa aan qabaa in kasmanafeeddu qaada karo kaalin dibudhis nafeed, waxana waajibinaya waayaha dhiillada ah ee aynu ku jirno. Kasmanafeeddu waa ku suququl tacliinteenna jaamacadeed, waxa muhim in cilmi nafsiga lagu derso jaamacadaha. Maanta ma jirto waxa aynu uga baahi badannahay kasmanafeedda, waxa aynu nahay ummad gees walba ka burbursan, oo xidid u caafimaad qaba aanu jirin.
Tixraacyo
1. Elmi Afyare Abdi. (2010). Understanding the Somalia Conflagration: Identity, Political Islam and Peace building. London: Pluto Press.
2. Bulhan H. A. (2013). In-Between Three Civilazations: Arche-ology of Social Amnesia and Triple Heritage of Somalis, volume 1. Bethesda: Tayosan International Publishing.
3. Bulhan H. A. (2013). Losing the Art of Survival and Dignity: Transition From Self-Reliance to Dependence and Indignity in Somali Society. Bethesda: Tayosan International Publishing.
4. Adam H. M. (1993). Frantz Fanon As A Democratic Theorist. African Affairs, Vol. 92, No. 369.
5. Afrax M. D. (2004). Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay: Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa? London: Halabuur Communications.
6. F. A. Shire. (2022). Matxafka Cadaabta Soomaaliya. London: Kasmo Publishing.
7. Maruf, Harun. Study: Somali People ‘Highly Traumatized’ After Years of Conflict, Voice of America, Jan. 18, 2023. URL: https://www.voanews.com/a/somali-people-highly-traumatized-after-years-of-conflict/6923368.html.
8. Guudcadde Cabdicasiis (2023). "Dhiillo Ummadeed: Caafimaadka Dhimirka iyo Soomaalida", Aragtixora. Wordpress.
(https://aragtixora.wordpress.com/2023/07/06/dhiillo-ummadeed-caafimaadka-dhimirka-iyo-soomaalida/).