Skip to main content

Sunday 14 July 2024

Siyaasad

Bannaanbaxyada Kiiniya: Cashuurdiid mise Dimuqraaddiyad-doon?

1 July, 2024
Image
Mudaharadaadada Nayroobi
Nayroobi, Kiiniya, 25-kii Juun, isku dhacyo ka dhex dhacay shacab ka gadoodsan cashuuraha la kordhiyay iyo booliiska. (sawirka: Gerald Anderson/Anadolu)
Share
Bannaanbaxyada ay da’yarta Kiiniyi waddaa maxay inaga barayaan taariikhda, waayaha iyo aayaha dalka iyo dimuqraaddiyadda?

Kiiniya waxa mar kale gilgilay bannaanbaxyo dadweyne oo tan iyo Juun 18 socdey, kana kacay hindisa-sharciyeedka cashuurta oo dhigaya in la kordhiyo cashuuraha waxsoosaarka iyo adeegyada maalinlaha aha sida interneedka, shidaalka, xawilaadaha bangiyada, baabuurta gaarka ah, iyo xataa roodhida, kaas oo ah korodh aan hore loo arag oo ku yimi qarashka quutalyoomka, iyo hoosudhac ballaadhan oo ku yimi awoodda iibsiga ee reer Kiiniya.

Markii barlamaanka oo xisbiga taladaa hayaa u badan yahay uu Salaadadii (Juun 25) ansixiyay xeerka, ayay arrintu faraha ka sii baxday, taas oo keentay in kumannaan dadweyne ahi ay isugu soo baxeen wajahadda aqalka barlamaanka iyaga oo sita boodadh ay ku taallo “Annaga ha cashuurin,” iyo “Diidnay kelitalisnimo dhaqaale.” Arrintu way kululaatay, meel dhismaha ka mid ah ayaana dab la qabadsiiyay, taas oo qasabtay in xildhibaannada loola cararo meel aamin ah oo dhulka hoostiisa ah, arrintan oo ugub ku ah taariikhda Kiiniya tan iyo dharaartii ay xorriyadda heshay 1963.

Boolisku dadkii rasaas buu ku furay, waxana ku dhintay 22 qof, boqollaal kalana way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Kiiniya oo dhaleeceeyay sida ba’an ee laamaha amnigu ay arrinta u soo farageliyeen iyaga oo wata gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo tuunbooyinka biyaha tuura, iyadoo bannaanbaxu uu ahaa mid salmi ah oo kaba gudbay gudaha caasimadda Nayroobi oo gaadhay ilaa 30 degmo oo kale oo ka tirsan 47-da gobol ee dalka.

Cashuuraha: gedood sannadle ah

Xagaagii hore ayay reer Kiiniyi ku kaceen Wilyan Ruuto, madaxweynaha oo markaa cusbaa oo xilkaba la wareegay Sibteembar 13, 2022, kolkii ay ka soo baxeen warar sheegaya in xukuumaddiisu ay u baahan tahay lacago badan oo ay wax kaga qabato sicirbararka (oo 8% ah sannadkiiba) koboca dhaqaalahana ay ku dhaqaajiso, kobocaas oo sannadkii 2022 hoos ugu soo dhacay 4.8% gaadhay, isaga oo sannadkii 2021 ahaa 7.6%, isla markaana ay iskaga bixiso deymaha is biirsaday ee laga dhaxlay muddaxileeddii Madaxweyne Uhuuru Kiinyaata (2013–2022), oo gaadhay $69 bilyan.

Madaxweynuhu tallaabooyin door ah ayuu ka qaaday Xeerka Maaliyadda, sida in uu si weyn u korrhiyay cashuuraha si loo xoojiyo khayraadka maaliyadeed ee dawladda. Isaga oo xariifnimo siyaasadeed maraya ayuu meelmarsaday xeerkaas, iyaga oo ay socdaan bannaanbaxyo ay mucaaradku wadeen, in kasta oo qaybaha cashuuraha ee xeerkaa ku jiray qaarkood — sida cashuurta guryaha — ay weli maxkamadi ka garnaqayso oo aan lagu kala bixin.

Isla sidaas ayaa xagaaganna soo laabatay, iyada oo dabada ku haysa Xeerkii Maaliyadda ee 2024 ee xukuumadda Ruuto ay rabtey in la meelmariyo, iyadoo higsigu yahay in cashuuraha la qiyaastay la soo xereeyo, sida uu sheegay Njuguna Ndongo oo ah wasiirka maaliyadda, taas oo lagu qiyaasay 346 bilyan oo shilinka Kiiniya ah ($2.71 bilyan). Waxa lagu sharxay si hoos loogu dhimo culayska dhimaalka miisaaniyadda ku jira, xilli deymaha dalku gaadheen $82 bilyan oo dakhliga guud ka noqonaysa 68%, kana badan heerka celceliska ah ee dunida laga aqbalsan yahay oo ah 55%. Qiimaha lacagta waddankuna waxay tan iyo 2022 hoosmartay doolarka Maraykanka 22%.

Xukuumaddu si weyn bay tallaabadeedan u difaacday, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Miisaaniyadda Barlamaanka Ndindi Nyoro oo u hadlay ayaana sheegay in cashuur-kordhintan la soo jeediyay oo laga noqdaa ay ka dhigan tahay isdhimid ku timaadda khayraadka oo dhan 200 bilyan oo shilin ($1.6 bilyan), taas oo illawba illaw xukuumadda ku qasbi doonta in ay jarto oo yarayso qarash-galkeeda.

Ruuto: Madaxweynihii danyarta oo “hoojinaya” 

Madaxweyne Ruuto, oo 2013 ilaa 2022 ahaa madaxweyna-ku-xigeen, waxa qiyaastii labo sannadood ka hor lagu doortay ajande ah caawinta dabaqadda saboolka ah ee Kiiniya. Saxaafadda gudaha iyo ta debadduba waxay xataa ku tilmaameen musharrax u taagan danyarta iyo dabaqadaha hoose ee bulshada, maaddaama uu laftiisu ka yimi bulshada qaybaheeda saboolka ah.

Bannaanbaxyadan iyo cunfiga faraha ka baxay waxay madaxweynaha ku kellifeen in uu Juun 26 jeediyo khudbad oo uu dadweynaha dibadbaxayay la hadlo una sheego in uu saxeexi doonin sharcigan buuqa dhaliyay, in kasta oo Barlamaanku ansixiyay kolkii saddex fadhi uu ku akhriyay. “Dalababaadka shacabka diidmadooda muujiyay waan dhegaysanayaa, sidaa darteedna ma saxeexi doono hindisa-sharciyeedkaas waana laga laabanayaa,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa ku daray in uu diyaar u yahay in uu da’yarta Kiiniya la xaajoodo, isaga oo aan faahfaahin dheeri ah bixinin: “Maaddaama aynu tuurayni Xeerka Maaliyadda ee 2024, waa daruuri in wadatashiyo dalka laga yeesho mustaqbalka ku saabsan sida aynu u wada maaraynayno deymaheenna. Waxaan soo jeedinayaa in aannu is gaadhno da’yarra waddanka, inammadeenna iyo hablaheenna.”

Tallaabadan wuxuu Ruuto ku muujiyay cabsida laga qabo in uu ku laabto jidkii ballanfurka iyo tuhunka ee uu bilawgii ku wajahay bannaanbaxayaasha, maaddaama uu hore u yidhi: “Wax habboon ama maangal ah ma aha in denbiilayaasha iska dhigaya dad hagaagsani ay argagax geliyaan dadweynaha, wakiillada la doortay, iyo haayadaha uu distoorkeennu asaasay, dabadeed ay iska fishaan in ay caddaaladda ka baxsan karaan.”

Waxa xusid mudan in dalabaadka da’yarta Kiiniyi sii kordhay oo aanay ku istaagin in laga laabto cashuuraha uu jidaynayo Xeerka Maaliyaddu. Waxay hadda u gudbayaan in ay dibaxbaxyada sii wadaan xataa iyadoo xeerkii laga noqday. Xubnaha firfircoon ee dhaqdhaqaaqani waxay ku baaqeen in muddaharaadyo salmi ah la isugu soo baxo si loo xuso dadkii ku waxyeelloobay kuwii hore: “Hindisa-sharciyeedkii waa laga laabtay, laakiin miyaad soo noolayn kartaa dadkii inaga dhintay? ... Ha hilmaamina, hana cafinina.”

Kiiniya: Dimuqraaddiyad cisi raadinaysa

Dhacdooyinkan Kiiniya ka taagani indhihii dunida ayay qabsadeen. Beryahan danbe waxa la hadalhayey dedaallada ay Kiiniyi ugu jirto sidii ay u mandiqadda Geeska Afrika u hoggaamin lahayd, iyadoo ka faa’idaysanaysa waayaha heer gobol ee iyada u danaynaya sida in kaalintii Itoobbiyi ay hoos u dhacday maaddaama xiisado iyo khilaafyo ay ka dhammaan weyday oo gude iyo debadba ay qulqulatooyin kaga furan yihiin ama ay iskaga furtay. 

Qarammada Midoobay, Midawga Yurub, iyo caasimadaha waaweyn ee dunida (12 dal oo Yurub ah) ayaa dhacdooyinka ku soo durkay, iyaga oo dhaleeceeyay cunfiga meesha ka socda. Heer gobolna, Bobi Wine oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ee Yugaandha horana madaxweynannimo isugu sharraxay ayaa taageeray bannaanbaxayaasha. Waxa hiilkaas oo kale ka yimi Julius Malema oo ah madaxa xisbiga Halgamayaasha Xorriyadda Dhaqaale ee Koonfur Afrika.

Waxa gedoodka da’yarta reer Kiiniya xiisaha u sii yeelayaa, sida dad badan oo indha’indhaynayay ay isla qireen, waa in si ka duwan dibadbaxyadii hore ee waddanka, kani waa dhaqdhaqaaq dhallinyaro oo “siyaasadaysnayn” kaas oo bilawgiisii ka soo aloosmay baraha interneedka oo lagaga soo horjeeday go’aanka lagu kordhinayo cashuuraha, dabadeed si degdeg ah isugu rogay bannaanbaxyo dadweyne oo aanay jirin cid si rasmi ah uga danbaysaa, taas oo xukuumadda Kiiniya khalkhalisay cidda ay toos u saari lahayd.

Xamaasaddu waxay degaysaa kolka aad arrinta la akhridid waayaha gudaha, maaddaama Kiiniyi ka mid tahay dalalka taariikhdooda ay ka buuxaan dibadbaxyo siyaasadeed tan iyo xilligii madaxweynihii kowaad ee Jooma Kenyaata (1964-1978). Waxa intaa dheer, danaynta isa soo taraysa ee waayaha siyaasadeed oo gaadhsiisan heer caalami iyo mid gudeed oo isku dhafmay dabadeed soo saaray wax gudaha Kiiniya looga yaqaan “doorashooyin isiraysan”; taas oo ah mid ku suntan hoggaansanaanta isirka iyo qabiilka ee aan ku salaysnayn is’ahaansho aydiyoolajiyadeed ama xisbi.

Waxa la xusi karaa in Kiiniyi ahayd dalkii kowaad ee Afrika ee Maxkamadda Sare ay laashay natiijada doorasho madaxweyne oo qabsoontay Ogos 8, 2017, oo ay amartay in doorasho cusub loo dareero muddo lixdan cisho gudahood ah, maaddaama sida garsoorayaasha maxkamaddu qabeen aanay “waafaqsanayn Distoorka.” Intaa waxa dheer, doorashadii madaxnimo ee u danbaysay oo uu Ruuto ku soo baxay waxa lagu kala badiyay 50.49% oo uu madaxweynuhu helay, iyo 48.85% oo uu mucaaradkii ugu weynaaa helay.