Skip to main content

Geeska Website

Saturday 10 October 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo lagu beegsaday Doolow

Habeennimadii 3-dii Sebtembar, qaraxyo ayaa ka dhacay guriga uu magaalada Doolow ka deggan yahay Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Shub, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ilaa hadda waxa la isku khilaafsan yahay waxa dhab ahaan dhacay iyo cidda ka dambaysay. Warbaahinta maxalliga ahi waxay sheegtay in dad guriga ku sugnaa ay waxyeello soo gaadhay, hase yeeshee wararku way ku kala duwan yihiin inta uu le’eg yahay khasaaruhu, mana jirto tiro dhimasho oo rasmi ah oo la xaqiijiyay. Sidoo kale, si madax-bannaan looma xaqiijin sababta qaraxyada iyo khasaaraha ka…

Wacaal
Somaliland oo ballanqaadday inay door weyn ka qaadato sugidda Baab al-Mandab

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato sugidda amniga Marinka Baab al-Mandab, iyada oo arrintaas kala shaqaynaysa saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee saameeyey isu-socodka maraakiibta Badda Cas. Haariye waxa uu sheegay in Somaliland ay sii xoojinayso awooddeeda dhinaca badda iyo wada-shaqaynta ay la leedahay dhinacyada ku hawlan amniga gobolka. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta…

Wacaal
Faahfaahin Ka Soo Baxday Qodobbada Is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan

Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo la sheegay in uu dhigayo joojinta colaadda iyo bilowga hannaan lagu gaadhayo heshiis kama-dambays ah. Bloomberg ayaa sheegtay in ay heshay qodobbo ka mid ah heshiiska dhex maray labada dhinac, sida ay soo gudbisayna waxa ay u dhigan yihiin sidan: • ​Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ku dhawaaqayaan in ay si degdeg ah oo rasmi ah u soo afjareen dagaalkii ka socday furimaha oo dhan. • ​Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ballanqaadayaan in aanay qaadi doonin wax tallaabo colaadeed ah, kana…

Wacaal
​Somaliland iyo Israa’iil: Kulan Heer Sare ah iyo Heshiisyo Iskaashi

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay mar kale, xidhiidhka labada dal iyo in ay hore ugu sii soconayaan wada shaqeyntii u bilaabantay wixii ka dambeeyey 26kii Diseembar, 2025 oo ay dawladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo ku…

Wacaal
Madaxweynaha Somaliland oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagaya Israa’iil

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho taariikhi ah ku tagaya Israa'iil, waana booqashadii u horreysay ee heer Madaxeed oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, tan iyo markii ay is aqoonsadeen, dhammaadkii sannadkii hore. Marka laga tago in booqashadani ay leedahay mudnaan marxaladeed, haddana muhiimadda ugu weyn ee booqashada ayaa la filayaa in ay dhacdo fiidnimada Isniinta, sida ay tabisay The Jerusalem Post, marka si rasmi ah loo furo safaaradda Somaliland, taas oo calaamad u ah samaynta xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo u dhexeeya labada…

Faaqidaad

Faaqidaad
Francis Fukuyama: Ka dib Aragtida “Dhammaadka Taariikhda”

Sannadkii 1992, aqoonyahanka Mareykanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Jaban, Francis Fukuyama, wuxuu daabacay buuggiisa “The End of History and the Last Man”, Fukuyama oo xilligaas Afartan sano jirsaday, ma uusan filaneyn inuu buuggiisu abuurayo sawaxan weyn oo dabadheeraanaya, oo uu noqonayo mid doodiisu jiridoonto tobbonleydii sano ee soo socotay sabab la xiriirta aragtida uu kusoo bandhigay buuggiisa, taasoo udub-dhexaad u ahaeyd aragtida inuu bini’aadanku uu gaaray dhammaadka horumarka, isla markaasna aysan jirin-ba wax cusub oo la hiigsanayo kadib markii lagaaray figta sarre ee horumurka…

Faaqidaad
R.Ellison iyo Bilowgii Waxbarashada Somaliland

Sida ku xusan, buugga (Taariikhda Farsoomaalida (1880 -1972) ‘’Hore waxbarashadu waxay ku salaysnayd diinta Islaamka oo malcaamadaha ayaa ahaa goobaha waxbarasho.Waxa kale oo jiray dugsiyo lagu baran jiray afcarabiga, Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ay diideen in laga bilaabo dalkooda waxbarasho uu maamulkii Ingiriisku hoggaanka u hayo. Dagaalladii Maxamed Cabdille Xasan ee bilawgii maamulka Ingiriiska la kowsaday iyo odayaashii markii danbe ka diidey iskudaygii furitaannadii dugsiyadii mishanka (diinta masiixiga) ku salaysnaa ayaa sababay in Ingiriisku dib uga joogsado inuu manhaj…

Faaqidaad
Labakaclaynta Budhcad Badeednimada ee Badda Indiyaanka iyo Gacanka Cadmeed

Isbeddelka Amniga Gobolka Indiyaanka Horraantii 2000 illaa 2012-dii oo ahaa xilliyadii budhcad badeedda Soomaaliya ay cirka maraysay, waxa sameysmay ciidamo iyo xoogag iska caabbineed oo ay dawladaha maslaxdaha ka leh gobolka iyo kuwa gobolka dhacaba ay iska kaashadeen in lagu dhiiirritiro kor u kaca iyo xoogeysiga kooxaha hubaysan ee bartilaameedsanaya maraakiibta. Waxaana muuqatay in hawlgalladaasi ay waxtar ballaadhan oo togan ka geysteen yareynta iyo caabbinta weerarrada iyo guud ahaan awoodda hawlgal ee kooxahaas. Intii u dhexeysay 2012 illaa 2019, waxa ay budhcad badeedu ku guuleysatay…

Faaqidaad
Soomaaliya: Xukuumad Hayaan ah

24-kii Juun ee 2026, duhur ka dib, waxa madaarka Nayroobi ee Joomo Kenyaata soo gaadhay Ku-xigeenka Labaad ee Raysalwasaaraha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, isagoo la socday diyaarad Muqdisho kasoo kacday. Madaarka waxa ku joojiyey ciidamada socdaalka ee Kiiniya. Sida xogo dhawr ahi tilmaamayaan, baasabboorkiisa Kiiniyaatiga ah waxa uu ku helay qaab isdabamarin ah. Masuulkan waxa lagu celiyey Muqdisho. Dhacdadani ma aha mid jaadgoonni ah. 26-kii Julaay, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari, horena u aha Kuxigeenka Koowaad ee Sanadka Soomaaliya, waxa loo diiday…

Faaqidaad
Budhcad-Badeednimadu Miyey Soo Laabatay?

Laba markab oo muddo kooban gudaheed la afduubtay, hal marin-biyood oo istaraatiiji ah iyo su'aal dib u soo noqotay: Budhcad-badeednimadii Soomaaliya ma soo laabatay, mise gobolka wuxuu galay weji cusub oo khataraha badda ah? Soomaaliya iyo budhcad-badeednimada dunidu muddo dheer si aan kala go' lahayn ayay isugu xidhiidhin jirtay. Xeebaha dhaadheer ee dalka, kuwaas oo noqon karay il dhaqaale oo ku dhisan kalluumaysi iyo ganacsi, ayaa mar noqday meel ay maraakiibta ganacsigu ka baqaan inay maraan. Weerarro ayaa ka dhici jiray badda, maraakiib ayaa la qabsan jiray, shaqaalahana waxaa loo hayn…

Aragti

Qof la xidhay waa innaga oo wada xidhan

Saxafiga jebiya anshaxa mihnadda waxa loo gudbin karaa hay’ad xirfadeed oo madax-bannaan. Haddii ay jirto waxyeello madani ah oo dhab ahi, maxkamaddu waxay go’aamin kartaa magdhow. Laakiin nidaam sax ahi kama bilaabmo askari iyo qol xabsi. Waxa kale oo khatar ah in dawladda loo daayo inay iyadu go’aamiso cidda ah “saxafi wanaagsan” iyo cidda ay u aqoonsanayso “saxafi xun”. Haddii se xirfadda lagu cabbiro inta ay masuuliyiintu ugu qanacsan yihiin tebinta warbaahinta, saxafiyiinta “ugu wanaagsan” indhaha awooddu waxay noqonayaan kuwa ugu aamusan. Taasina mihnad ma dhisto; mihnadda waxa…

Qaab-cashuureedka JSL: Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka JSL iyo Mabaadi'da Guud ee Cashuuraha?

Dawlad kasta oo casri ah oo dunida ka jirta waxa waajib ka saaran yahay in ay kobciso oo kordhiso dhaqaalaha iyo haynta bulshaddeeda, si taasi midho-dhal u noqoto, waxa ay dadaal badan ku bixisaa curinta Siyaasad Cashuureed (Tax Policy) oo hufan iyo nidaam dhaqaale oo togan, iyada oo lagu salaynayo waaqica dhaqan-dhaqaale ee bulshada. Curinta siyaasad cashuureed oo hufan kama qayb qaadato oo keliya in ay dawladdu hesho maaliyad, ee waxa ay sidoo kale jaan-goysaa maal-galinta adeegyada bulshada, hirgalinta kaabeyaasha dhaqaalaha, koboca dhaqaale ee dadka iyo dalka, dhiirigalinta iyo helista…

Lexjeclada Kalitaliska

Sida la sii qiyaasayay, waxaa markii lixaad, bartamaha bishii April, xilka madaxtinnimada dalka Jabuuti isu caleemasaaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tan oo ka dhigan dib-isu-doorashadiisii shanaad ka dib markii xilka Madaxweynanimo loo caleemasaaray gugii 1999-kii, doorasho uu kaga guulaystay Musharrax Muuse Axmed Idiris oo uu dhowr bilood ka dib, la wareegiddiisii xilka, xabsiga u taxaabay. Madaxweyne Geelle tan iyo imaanshihiisii xukunka, waxa uu qabtay shan doorasho oo uu shantaba isagu isu caleemasaaray madaxtinnimada dalka. Sannadkii 2005-tii ayuu markii u horraysay qabtay…

Adeeg-xumada Caafimaadka Somaliland iyo Cilladaha Nidaamka

Caafimaadku kuma koobna helitaanka dhakhtar, cisbitaal ama dawo; waa nidaam isku xidhan oo qofku ka filayo adeeg la heli karo, la awoodi karo, tayo leh oo ammaan ah. Marka qaybaha nidaamkaasi si wanaagsan isuguma xidhna, saamayntu kuma eka bukaanka iyo qoyskiisa oo keliya, balse waxay taabanaysaa dhaqaalaha qoysaska, sinnaanta bulshada iyo awoodda hay’adaha dawladda ee ilaalinta caafimaadka dadweynaha. Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay ballaadhisay adeegyada caafimaadka, iyada oo la sameeyey xarumo cusub, lana dejiyey siyaasado iyo qorshayaal lagu horumarinayo daryeelka caafimaadka.…

Xal u raadinta xisbiyada xaddidan ee Soomaalilaan

Sida uu xusayo dastuurka Soomaalilaan, qodobka 9aad faqraddiisa 1aad iyo 2aad, dalku waxa uu qaatay hannaanka xisbiyada badan oo ku xaddidan seddex xisbi. Taariikh ahaan xaddidaaddaasi waxa ay salka ku haysay waaqic waayahaa taagnaa iyo waaya-aragnimo la soo maray oo ay ka mid ahayd doorashadii guud ee baarlamaanka Soomaaliya ee 1969-kii. Doorashadaas oo ahayd tii u danbaysay ee gayiga si dimuqraadiya uga dhacda, xilligaa waxa si xad dhaafa u soo ifbaxay kala firidhka qabiilka iyo qaybsanaanta gudaha ee bulshada oo waxa la soo weriyaa in tirada xisbiyada ee ku loollamay kal doorashadaasi ay…

Dhaqan

Buug
Heshiisiinta Salafiyada iyo Sanduuqa Codbixinta: Ekaynta Nawaaf al-Qudaymi ee “Muhashada Xorriyadda”

Doodda ku saabsan iswaafajinta qaayasoorrada iyo mabaadi'da siyaasadeed ee Islaamiga ah iyo dimuqraadiyadda casriga ah, ayaa in muddo ah ahayd gundhigga falanqayn xooggan oo la xidhiidha dhinacyada aqoonta, diinta, iyo bulshadaba ah. Dooddaas qayb ka mid ah ayaan ugu tegaynaa baalasha buugga Muhashada Xorriyadda: Gorfaynta Mawqifka Salafiyadda ee Dimuqraadiyadda oo dhammaadkii 2025 uu Af-Soomaali u turjumay Cabdilaahi Rawje. Buugga asalkiisa waxaa qalinka u qaatay fekeryahanka iyo falanqeeyaha siyaasadeed ee Reer Sucuudi Nawaaf Al-Qudaymi. Buuggani wuxuu ka dhigan yahay, sidii buundo aqooneed…

Feker
Sidee Lenin u Sharraxay Dawladda iyo Kacaanka?

Vladimir Ilyich Lenin wuxuu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiintii iyo mufakiriintii ugu saamaynta badnaa dhaqdhaqaaqii hantiwadaagga ee qarnigii labaatanaad. Wuxuu dhashay 1870, xilli Boqortooyadii Ruushku ay weli ahayd nidaam boqortooyo oo aad u adag, awoodda siyaasadeedna ay ku urursanayd gacanta Tsar-ka iyo dabaqadaha ku hareeraysnaa. Korriimadiisii kaddib, Lenin waxa uu noqday kacaandoon siyaasadeed oo si toos ah uga qayb qaatay dhismaha dhaqdhaqaaqii Bolshevik-ga iyo ugu dambayntii Kacaankii Ruushka ee 1917. Maadaama uu si weyn u aamminsanaa aragtiyihii Karl Marx iyo Friedrich Engels, Lenin…

Tix
‎‎Hadba Gees u Roor: Maanso iyo Milicsi Bulsho

Ka badan rubuc qarni, intii la sheegayay ama la isku mudayay irbadda suuxdinta ah ee Dhulkeenna nimcaa fadhida, hana la sugo inta la faagayo. Haddaba su’aashu waxay tahay: siyaasaddani ma dhab bay inoo waddaa, mise waa iska hadal iyo hawo-beenna? Qarannimadeennu ma leedahay jiho, mise waxay hadba u leexataa halka ay la qummanaato cidda midida daabkeeda haysa? Horumarkan aan weli la gaadhin ee had iyo jeer la sheegaa ma mid aan la arag baa? Mise waa kaadh uu xoqdo marba kii inna maamula? Intaas ka-gadaal, maansadan la magac baxday ‘Hadba Gees u Roor’” waxa ay inna tusinaysaa in aynu hoos…

Buug
Sookoobid Buug: Africa Sick of Its Politicians

Buugga Africa Sick of Its Politicians, oo asal ahaan lagu daabacay afka Faransiiska, waxaa qoray Prof. Robert Dussey, waxaana la daabacay sannadkii 2008. Buuggu wuxuu ka hadlayaa dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee qaaradda Afrika, isaga oo si gaar ah diiradda u saaraya kaalinta hoggaanka siyaasadeed maamulka dawladuhu ku leeyihiin xaaladda qaaradda. Buuggu wuxuu ka kooban yahay 252 bog iyo saddex qaybood. Doodda guud ee buuggu waxay ka bilaabmaysaa su’aal aasaasi ah: Maxaa Afrika, iyadoo leh khayraad dabiici ah, awood dadweyne oo badan iyo fursado dhaqaale, uga hortaagan…

Masrax
Venice 83 - “Naza”: Qasa oo ku hadlaysa afka gacan-ku-dhiiglayaasha

Calaamad geesinimo muujinaysa ma tahay in filim ka hadlaya Qasa lagu soo bandhigo bandhig weyn sida Bandhigga Filimada Venice, xilli Israa’iil iyo dambiyada ay gashay ay caalamka fool ka fool isu hor yaallaan? Waxaa laga yaabaa in geesinimadu, xaaladdan, tahay waxa ay hubka ka dhigteen Yuval Abraham iyo Rachel Zor, oo ah laba Israa’iili oo kamaradda u jeediyey koox ka mid ah dadkooda oo ku lug leh xasuuqa bilaabmay kaddib wixii loogu yeedhay “Duufaanka Al-Aqsa”. Taasi waa waxa uu sameynayo “Naza”, oo ah filim dukumanteri ah oo shalay lagu soo bandhigay “Mostra” (2–12 Sebtembar), waxaana soo…

Dhaqan
Doodaha Maay iyo Maxaa; laba af mise laba lahjadood?

Doodaha ku saabsan "May iyo Maxaa" in ay labo afguri yihiin iyo in ay yihiin labo af oo kala madax bannaan, waa dood soo jirtey afartankii sano ee u danbeeyey, waxayna doodahani ku kala arooraan Dugsiyada Baadhista Soomaalida. In May iyo Maxaa ay yihiin labo afguri oo Af-Soomaaliga hoos taga waxa mabda'iyan qaba dugsiga "Somali exceptionalism". Dugsigani wuxuu qabaa in Soomaalidu af isku mid ah ku hadasho, waxaana doodda May iyo Maxaa dhinaca af-cilmiyeed wax kaga qoray bare-sare Cabdalla Cumar Mansuur. Dhinaca kale, in May iyo Maxaa labo af yihiin, waxa qaba dugsiga kale ee "revisionism".…

Sheeko
Naarta dunida iyo dumarka

“Naa Israay, Israay! Naa maxaad gadhfeedha bannaanka ugu tuurtay, lagu aasye? Huuno, aniga wax baa i helaye, sideen idhaa inan tan haddaba?” ayay tidhi Muna oo dibadda ka soo gashay. “Habo, daaqaddaan saaraye, malaha dabayshaa ka soo ridday.” “Beentay kaga dartay wax walba! Dabayshu ma gacmay leedahay oo daaqadday ka soo dhex saari kartaa? Naa lagu qaadye, gadhfeedha meesha ka qaad oo carruurtiina way soo dhow yihiin e, qadada u sii kala gur,” ayay tidhi iyada oo qolka hurdada sii galaysa. Isri, iyada oo aan juuq dambe odhan, ayay qalfoof qofnimadii ka hadhay ugu dhaqaajisay dhankii…

Buug
Capital in the Twenty-First Century: Maxaa Sii Kordhiya Sinnaan-la’aanta Dhaqaale?

Sinnaan-la'aanta dhaqaale waxa ay noqotay doodda ugu weyn ee qarnigan aan ku jirno, iyada oo is-weydiinta asaasiga ahi tahay sababta hantida adduunku ugu ururtay koox yar oo soocane ah, halka bulshada inteeda badani ay ku jirto rafad iyo qahar nololeed oo joogto ah. Dooddan, oo in muddo ah ku jirtay dhuumasho iyo gabbasho, waxaa si weyn fagaarayaasha culuumta dhaqaalaha u soo geliyay Thomas Piketty, oo ah buuni dhaqaale oo u dhashay dalka Faransiiska, isla markaana ah khabiir ku xeel-dheer kooteysiga hantida iyo taariikhda dakhliga. Piketty waxa uu caan ku noqday baadhitaankiisa qotada dheer…

Galal

header icon

Aqoonsiga Somaliland

Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.

header icon

Arrimaha Soomaalida

Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.

header icon

Falastiin iyo Afrika

Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.

header icon

Colaadda Suudaan

Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.

Maltimiidhiya

Siyaasadda Dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Diblumaasiyadeed: Isbarbardhig Taariikheed (1991–2024) Kulannada Geeska

“Siyaasadda Dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Diblumaasiyadeed: Isbarbardhig Taariikheed (1991–2024)” waa muxaadaro uu jeediyey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo khabiir ku ah maamulka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Muxaadaraddu waxa ay dib u eegaysaa isbeddelladii siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland muddadii u dhexaysay 1991 iyo 2024, laga soo bilaabo maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur ilaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa lagu eegayaa sida maamulladii kala dambeeyey u waajaheen diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah, iyo duruufihii gudaha iyo kuwa gobolka…

Siyaasadda Dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Diblumaasiyadeed: Isbarbardhig Abbaareed (1991 - 2024) Sawirro

Qayb ka mid ah sawirrada hadal-jeedinta: “Siyaasadda Dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Diblumaasiyadeed: Isbarbardhig Abbaareed (1991 - 2024).” Muxaadaradda oo uu jeediyey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo khabiir ku ah maamulka iyo siyaasadda arrimaha dibadda, waxa lagaga hadlay isbeddelladii siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland laga soo bilaabo maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ilaa Madaxweyne Biixi , iyo sida maamulladii kala dambeeyey u waajaheen diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah. Waxa aanu u mahadnaqaynaa dhammaan intii ka soo qaybgashay barnaamijka. …

Amniga Badaha: Khataraha Cusub iyo Jawaabaha Caalamiga ah Kulannada Geeska

“Amniga Badaha: Khataraha Cusub iyo Jawaabaha Caalamiga ah” waa hadal-jeedin uu jeediyay Mubarik Cabdi Ismaaciil, laguna eegayo arrimaha maanta taagan ee amniga badaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin bulshooyinka iyo dawladaha. Muxaadaradu waxa ay dul istaagaysaa dhibaatooyinka ka dhasha khataraha ku xeeran badaha caalamiga ah iyo marin-biyoodyada istiraatiijiga ah, gaar ahaan marin-biyoodka Hurmuz iyo Baab al-Mandab, iyo walaaca amni ee mar kale ku soo cusboonaaday goobahaas. Hadal-jeedintu waxa ay u qaybsan tahay afar qaybood. Qaybta hore waxa lagu eegayaa muhiimadda biyaha iyo baduhu u…

Amniga Badaha: Khataraha Cusub iyo Jawaabaha Caalamiga ah Sawirro

Sawirro ka mid ah muxaadiro uu jeediyay Mubaarig Cabdi Ismaaciil, lagagana hadlay caqabadaha iyo khataraha cusub ee amniga badaha, iyo jawaabaha caalamiga ah ee lagaga falceliyo. …

Nuxurka Dawladda Casriga ah Kulannada Geeska

Geeska Space waxa uu soo agaasimay kulan aqooneed uu marti ku ahaa Barafasoor Cabdi Cali Jaamac. Hadaljeedintan waxa lagu gorfeeyey nuxurka dawladda casriga ah, iyadoo si gaar ah loo eegayo gobonimada, awoodda siyaasadeed iyo nolosha dadweynaha. …

Waraysi

Waraysi
Salmaan Rushdi: Suugaantu way sii jiri doontaa, se qorayaashu way itaal yar yihiin

Hordhac Laba sano oo buuxa kaddib markii la daabacay buuggiisii “Knife” (2024), kaas oo uu qoray kaddib markii uu si mucjiso ah uga badbaaday isku daygii dil ee caanka noqday isagoo ku sugan magaalada New York sannadkii 2022, qoraaga Biritish-ka ah ee asal ahaan Hindiya ka soo jeeda, Salmaan Rushdi, ayaa mar kale ku soo noqday saaxadda qoraalka hal-abuurka ah. Dhawaan ayay ururintiisa cusub ee sheekooyinka gaagaaban, “The Eleventh Hour”, ku soo baxday tiro luqadood Yurub ah, oo ay ka mid yihiin Faransiis, Jarmal iyo Holandays. Rushdi ayaa ka soo muuqday warbaahinno Yurub ah oo dhowr ah si uu…

Waraysi
Marka Sharcigu Xadgudbayo

Waxa uu waraysigani qayb ka yahay wada-sheekaysiyo taxane ah oo daarranaa mas’alladda cunfiga oo lala yeeshay aragti-curiyayaal, faylasuufyo, iyo naqdiyeyaal. Waxa lagu waraystay muggan Gayatri Chakravorty Spivak oo bareefasar ka ah aqoonta aadanaha Jaamacadda Kolombiya. Waxa ka mid ah wax-soo-saarkeeda buugga, An Aesthetic Education in the Era of Globalization (2012). Brad Evans: Waxa aad badi wax-soo-saarkaaga kaga hadashay waayaha haysta looma'ooyaanka dunida, gaar ahaan kuwa ku nool Hindiya, Shiinaha, iyo Afrika. Sidee ayaynu falsafadda ugu adeegsan karnaa in ay kaalin ka geysato…

Waraysi
Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika

Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…

Waraysi
Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?

Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…

Waraysi
“Al-shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay leeyihiin iskaashi Istaraatiiji ah oo firfircoon”, Xuseen Sheekh Cali

Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…