Skip to main content

Geeska Website

Saturday 6 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Dagaallo ka qarxay Muqdisho xilli uu sii xoogeysanayo muranka doorashada Soomaaliya

Dagaallo culus ayaa galabta ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, oo ay ku jirto degmada Howlwadaag, kaddib markii xiisaddu kor u kacday agagaarka meel ay mucaraadku ku qorsheynayeen bannaanbax berri loo ballansanayay. Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, oo saaka u guuray Howlwadaag isaga oo isu diyaarinayay bannaanbaxa, ayaa sheegay in weerar lagu qaaday. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in hoygiisa la weeraray. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay “xubno maleeshiyaad mucaarad ah oo hubeysan” inay weerareen “xarun booliis” oo ku…

Wacaal
Somaliland oo safaarad ka furanaysa Quddus, xilli xidhiidhka Israa’iil uu dood gudaha ah ka abuuray Hargeysa

Somaliland ayaa sheegtay in ay dhawaan safaarad ka furanayso magaalada Quddus, halka Israa’iil-na la filayo in ay safaarad ka furato Hargeysa, tallaabo sii xoojinaysa xidhiidhka cusub ee labada dhinac kaddib markii Israa’iil ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in safaaradda Somaliland laga furi doono Quddus, isaga oo intaas ku daray in Israa’iil ay iyaduna safaaraddeeda ka furan doonto Hargeysa. Hadalka danjiraha ayaa yimid kaddib markii uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog,…

Wacaal
Somaliland: 35 Guuro Leh Tilmaamo Gooni ah

Waxa maanta Somaliland looga dabbaaldegay munaasabadda 18-ka May ee sannadkan 2026, oo ku beegan 35 guurada ka soo wareegtay 1991kii, markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya, 1dii Juulaay 1960kii. Munaasibaddan oo la xuso sannad kaste, waxa ay hadda leedahay miisaan ka duwan sannadihii hore, marka loo eego isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa diblumaasiyadeed ee u dambeeyay. Sannadkan, waxa ay Somaliland xusaysaa iyada oo, markii ugu horreysay haysata dal ka mid ah Qaramada Midoobay oo aqoonsaday, arrintaas oo jidka u furtay filashooyin xooggan iyo…

Wacaal
Wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo ku dhammaaday heshiis la’aan

Wadahadalladii sida weyn loo sugayay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka mucaaradka ayaa burburay Jimcihii, kaddib markii laba maalmood oo xidhiidh ah oo wada-xaajood ah lagu guul-darraystay in wax natiijo ah laga gaadho. Wadahadalladan, oo ka dhacay Muqdisho ayaa ujeeddadoodu ahayd in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka dastuurka dalka, muddada xil-haynta Madaxweynaha, iyo tubta doorashooyinka 2026-ka. Inkasta oo ay jireen wada-tashiyo xooggan iyo cadaadis sii kordhayay oo ka imanayay dhinacyada gudaha iyo saaxiibbada caalamka, haddana labada…

Wacaal
Soomaaliya: Duqeymo loo Geystay Mucaaradka, Xilli ay Xiisadda Siyaasadeed sii Cakirantay

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay weerarro ku qaadday kooxo hubeysan oo ay ku sheegtay in ay 'isugu jireen Alshabaab iyo maleeshiyaad nabad-diid ah oo u daacad ah Cabdicasiis Lafta-gareen' oo ay ula jeeddo hadhaaga mucaaradka ah ee ciidankii Koonfur Galbeed oo daacad u ah Madaxweynihii maamulkaas ee awoodda lagaga qabsaday Baydhabo, bishii la soo dhaafay. Waxa ay Gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay in ay weerarradaas ku dileen in ka badan 50 qof oo ka tirsan xooggaas ka soo horjeeday. Dagaalkan maanta oo ay wararku sheegayaan in ay qayb ka ahaayeen weerarro cirka ah…

Faaqidaad

Faaqidaad
Muqdisho: Magaalo u Nugul Cabsi iyo Colaad

Muddo ka badan labaatan saacadood ayaa ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku jirtay qas, oo uu ka socday dagaal la is weydaarsanayey madaafiic iyo hubka culus, una dhexeeyey Xukuumadda Federaalka iyo hoggaanka mucaaradka, arrinkan oo keenay in gebi ahaan dhaqdhaqaaqii magaaladu istaago. Muddo todobaaddo ahba, xiisadda Muqdisho kor ayay usii kacaysay, dadkuna arrinkan waa ay ku baraarugsanaayeen. Xiisaddu waxa ay ka kacday dhaleecaynaha mucaaradku usoo jeedinayeen Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku dhaliileen in uu maroorsaday maamulkii doorashooyinka, waxaanay ku hanjabeen inay abaabulayaan…

Faaqidaad
Itoobiya Waxa ay u Baahan tahay Wax Doorasho ka Badan oo Dejiya Gudaha iyo Gobolkaba

Itoobiya waxa ay qabsan doontaa, 1-da Juun, doorashooyin, iyada oo ay jiraan qulqulatooyin aan damin iyo xiisado goboleed oo sii kordhaya.…

Faaqidaad
Imaaraadku Ma Aqoonsan Doonaa Somaliland?

Waxa suurogal ah in ay Somaliland qarka u saarantahay in ay aqoonsi caalami ah ka hesho dal labaad, dalkaasina uu noqdo Imaaraadka Carabta, ka dib shan bilood aqoonsigii ay Israa’iil siisay, oo ahaa go’aan muran badan dhaliyey, falcelinno badanna laga sameeyey. Filashooyinku waxa ay kor usii kaceen ka dib markii masuul Imaaraati ah, Dherar Belhoul al-Falasi, uu u caddeeyey kanaalka Israa’iiliga ah, i24, in aqoonsiga uu Imaaraadku siin doono Somaliland uu yahay wax dhacaya, horrayso ama dambayso. Al-Falasi oo madax ka ah shirkadda Cruisank and Dean Global Intelligence, horena uga tirsanaa…

Faaqidaad
Saamaynta Garaadka Macmalka ahi ku yeelan karo Doorashooyinka

Horraantii 2025, Dawladda Faransiiska ayaa ku eedaysay ninka adduunka ugu maalqabeensan, Elon Musk, ahna mulkiilaha barta caanka ah ee X oo hore loo odhan jiray Twitter, in uu faragaliyay doorashooyinka isaga oo isticmaalaya Algooriisamka iyo aaladda garaadka macmalka ah. Xeer-ilaaliyeyaasha Faransiiska ayaa, bishii Feebarwari 2026, baadhitaan ku sameeyay xafiisyada shirkaddiisa ee Baariis. Isla bishii Feebarwari ayaa maxkamad looga yeedhay Elon Musk, laakiin kamuu soo xaadirin. Kiiskan ayaa ka weyn qof kaliya oo la dacweeyo, waxa uu ina tusayaa sida garaadka macmalka ah, baraha bulshada iyo…

Faaqidaad
Mabda’a Dheefta: Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee 2018 Ka Dib

Geeska Afrika weligiiba waxa uu ahaa gobol isdiiddooyin badan kulmistay; dhinac waxa uu ahaa bar kulmisa jidad kala duwan oo jiho-siyaasadeed, muhiimad badanna u leh ganacsiga caalamiga ah, dhinac kalena, waxa uu ahaa fagaare ay gudahiisa ka socdaaan dagaallo gudeed iyo xasillooni la’aan. Sannad kastaba, tiro ku dhow afartan kun oo markab ayaa ka gudba Badda Cas, oo sida ku dhawaad boqolkiiba 40 shidaalka caalamiga ah, iyo alaab ganacsi oo qiimaheedu gaadhayo toddoba bilyan oo doollar. Marinkan ganacsi ee boqolkiiba 12 ganacsiga dunidu maro iyo saddex meelood meel ganacsiga ay is…

Aragti

Hirdanka Quwadaha Waaweyn ee Afrika: Faa’iido iyo Khasaare Is-barkan

Saamaynta sii laba jibbaarmaysa ee Shiinuhu ku leeyahay qaaradda Afrika waxa ay noqotay mid ka mid ah isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee ugu qotada dheer ee dhaca qarnigani 21aad. Xidhiidhkani ma aha mid ku kooban is-dhexgal ganacsi iyo mid maalgashi oo keliya, balse waxa uu u xuubsiibtay istiraatiijiyad awood-qaybsi oo dunida dib u qaabaynaya; hannaan ay waddanada Afrika kaga baxayaan kaalintoodii soo jireenka ahayd kuna suntanayd inay gees ka joogaan la-falgalka nidaamka caalamiga ah, iyagoo taa beddelkeedana noqonaya xuddunta loollanka qarnigan ee quwadaha waaweyn. Waxa aan odhan…

Culeyska Haybta: Dhugashada Sawraca Isir ee Soomaaliga

In badan oo ka mid ah buugagga iyo diraasadaha antaraboolajiga, cilmibaadhaha ku abtirsada isla bulshada uu daraasaynayo waxa ay u arkaan cilmibaadhe mudnaan gaar ah leh; sababtoo ah waxa uu garanayaa afkii, waxa uu fahmayaa dhaqankii iyo soojireenkii bulsheed, waxaanu awood u leeyahay inuu dadka la xidhiidho oo uu dunidooda si fudud ku galo. Se, maqaalka ay qortay cilmibaadhaha Soomaaliyeed ee Ayaan Yaasiin Cabdi, ee cinwaankiisu yahay “The Gaze and the Gesture: Hypervisible Insiderness and the Politics of Recognition in Somali Ethnography”, waa mid gebi ahaan fikraddaa hore beddelaya. Waa…

Qadiyadda Somaliland lama diimayn karo

18-ka Mey 2026, Somaliland waxa ay xustay 35 sanno ka dib kala soo laabashadeedii midowga ay la yeelatay Soomaaliya. Sannad-guurada sannadkani si bay uuga duwanayd 34-kii kale ee ka horreeyey. Markii ugu horreysay, Somaliland waxa ay u dabaaldegaysaa maalinta madax-bannaanideeda iyada oo ah dawlad ay aqoonsatay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay; Israa’iil, oo aqoonsi buuxa oo diblomaasiyadeed siisay 26-kii Diseembar 2025-kii, taas oo noqotay dalkii ugu horreeyey dunida ee sidaas sameeya. Jawaabta Muqdisho waxa ay noqotay in ay arrinta ku tilmaanto “duullaan qaawan” qaylo-dhaanna u dirto…

Laab Ka Xajinta: Sida Hiyiga Looga Xajo Kolkii Tegistu Cuslaato

“Reer Atenisow, mu’min baan ahay, balse waa iimaan ka duwan kan dhammaan kuwa i eedaynaya.” Suqraad.…

Dal Heshiis La’aan Laguma Hoggaamin Karo

Maanta khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ma aha oo kaliya Al-Shabaab ama amni-darro, balse waa burburka ku socda kalsoonidii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka dowladnimo. Soomaaliya waxay maraysaa marxalad siyaasadeed iyo mid sharci oo aad u xasaasi ah. Odayaashii hore waxay dhihi jireen “Lug jiis ah waa lagu socon karaa, balse sharci jiis ah laguma socon karo.” Khilaafyada ku saabsan dastuurka, doorashooyinka, federaalka, muddo xileedka dowladda, iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ayaa sii kala fogeeyey dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka. Kadib burburkii dowladdii dhexe 1991-kii,…

Dhaqan

Feker
Garaad Gacmeedka: Halis Qarsoon mise Fursad Cusub?

Waxaan ka mid ahay ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka wax ku barata, khaasatan aqoonta kombuyuutarka iyo barnaamijyadiisa. Markii aan arkay ardayda Soomaaliyeed ee kumanaanka ah ee jaamacadaha ka baxay casrigan, aragtidaydu waxay ila tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay heehaabayaan laba mowjadood oo is hareer socda. Waxaan is weydiiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee hiigsigoodu ahaa takhasuska cilmiga casriga ah, rajadoodu sidee ku dhammaan doontaa? Dhalinyaro badan oo cilmiga dijitaalka ah xirfad u leh ayuu maanta suuqii shaqadu ciriiri ku yahay, mana ay u suurto galin inay gaaraan…

Feker
Milicsi: Bookoob, Irridda Caalamka Akhriska

Habdhaqanka akhrisku waa astaan ilbaxnimo. Waa rootiin iyo dabeecad ay tahay in qof walba lahaado, waa na daruuro iyo lagama maarmaan nololeed. Sidaas oo ay tahay Soomaalida dhexdeeda weli si xooggan ugama hanaqaadin. Waa mid ka mid ah meelaha u baahan dedaal wadareed heerkasta leh in lagu bixiyo. Mid ka mid ah moodeellada ganacsi ee aan is leeyahay qaadhaan fiican bay ku darsanayaan dedaalka looga baahan yahay in lagu abuuro caadada akhriska, ayaan dhawaan la kulmay. Waa madasha buugta soo koobta ee turjunta, Bookoob. Bookoob waa madal loogu talagalay in lagu daabaco nuxurka buugta caalamiga…

Buug
Kalkii Hayaanka Waqooyi

"Waa aan soo noqday madaxeey. Sannado badan oo aan maqnaa ka dib, waa i kan... laakiin tani waa sheeko kale." Waa bilowga sheekada "Kalkii Hayaanka Waqooyi" mid ka mid ah fanka ugu heerka sarreeya ee uu aadanuhu curiyey. Bilawga sheekadu waa barbaar ka soo laabanaya qurbaha, gaar ahaan magaalada Landhan oo uu sannado badan ku maqnaa oo uu arday ka ahaa, kuna soo laabanaya tuuladiisa ku taallay dacalka webiga Niil. Barbaarku waxa uu u soo laabanayaa ehelkiisa oo sugayay oo ay in badan isu hiloobeen. Si weyn ayay u soo dhoweynayaan, oo ugu soo xoomayaan, iyagoona u riyaaqaya. "Markii aan is…

Masrax
The Walking Dead: Taxane Saamayn Fikir Igu Yeeshay

Taxanaha The Walking Dead, muddo badan ayaan daawashadiisa ka meermeerayay maadaama aan necbaa filimada uu zombie-gu — ama orgobuhu — qaybta ka yahay. Dabayaaqadii sannadkii hore 2025, ayaan si cago-jiid ah ula soo degay kalka koowaad ee taxanaha, kadibna masraxiyad cajiib ah iyo qaabilaad wanaagsan ayaan kala kulmay oo keentay in aan durtaba dhammeeyo, aniga oo weli sii jeclaan lahaa in uu sii socdo. Taxanuhu waxa uu ku bilaabmayaa dunidii oo ay qiyaamo ku dhacday. Ma aha qiyaamihii ay diimuhu sheegeen, ee waa mid kale oo aan hore loo sawiran, dadkiina ku noqotay musiibo ay la fajacaan. Waxa…

Feker
Cidhibtirka Bulshooyinka Dhaladka ah: Dhufsanyareha Taariikheed ee Maraykanka iyo Israa’iil ay Wadaagaan

Maraykanka waxaa lagu aasaasay, welina uu ku taagan yahay, dhul laga dhacay dadka asaliga ah, kaas oo lagu qabsaday xasuuq qaran oo aan weli joogsan. Sidoo kale, Israa’iil waxaa lagu aasaasay, welina ay ku taagan tahay, dhul Falastiiniyiin laga dhacay, laguna qaatay xasuuq qaran oo sii socda. Labada dalba, xasuuqu wuxuu u yahay tiir kamid ah tiirarka qaab-dhismeedka gumaysiga deegaamaynta. Sida xagga dambe ee maqaalka aynu ku arki doonno, taariikhyahanka iyo baraha sare ee daraasaadka Maraykanka ee Jaamacadda Cornell, Eric Cheyfitz, wuxuu ku doodayaa in fekerka aasaaska u ah gumaysiga…

Feker
Juliis Nayreere: Qarandhise Guulaystay

Juliis Nayreere (1922—1999) waxa uu ahaa siyaasi iyo indheergarad isticmaardiid ah. Waxa uu ka mid yahay midhadhka hoggaanka Afrika ee xaqiijiyey qarandhis la taaban karo, isla markaana curiyey falsafad dawladeed oo wax badan ku biirisay hawlgalkiisii qarandhiska. Waa asaasaha jamhuuriyadda cusub ee Tansaaniya, taas oo ku sifaysan isdhexgal bulsho, muwaaddinnimo loo siman yahay, iyo xuquuq shacab oo aan la kala xigin. Nayreere qarnigii labaatanaad waxa uu ku astaysnaa tiirarka hoggaanka Afrika ee aragti-curinta, casriyeynta hay’adaha dawladnimo iyo is-ahaanta Afrika aad ugu shuqlan. Saqaafo…

Feker
Falsafadda Ubuntu: waan jiraa waayo innagaa jirna

Falsafad ku dhisan fikradda ah in qofku aanu dhammaystirnayn keligii, balse uu ku samaysmo xidhiidhada uu la leeyahay dadka kale. Ereyga “Ubuntu” wuxuu ka soo jeedaa afafka Bantu-ga ee badhtamaha iyo koonfurta Afrika, waxa uu ka kooban yahay laba qaybood: “Ubu” oo looga jeedo xaaladda jiritaan, iyo kan labaad “Ntu” oo looga jeedo aadanaha. Falsafadda Ubuntu waxay ka muuqataa nidaam ka kooban qodobbo aasaasi ah oo dhisa qaab-dhismeedkeeda dhaqan iyo ruuxeed ee bulshada, waxa ugu horreeya dareenka bulsho ee isku xidha sawraca qofka iyo ku xidhnaanshihiisa bulshada, iyo sidoo kale dareenka wada…

Feker
Naasnuujinta iyo Kasma-caaneedka: Takhasus Cilmiyeed La Dayacay

​Cilmiga Caafimaadku waa maado si wanaagsan u kala habaysan. Laga bilaabo madaxa ilaa lugaha, dhammaan xubnaha muhiimka ah ee jirku waxay leeyihiin takhasus u gaar ah: takhasuska cudurrada wadnaha (cardiology), takhasuska kaadi-mareenka iyo xubnaha taranka (urology), takhasuska neerfaha (neurology), iyo xitaa takhasuska dhimirka (psychiatry) ee maskaxda iyo dabeecadaha. Xubin kasta waxay leedahay laan aqooneed oo ku takhasustay, marka laga reebo hal xubin. Qanjidhada caanaha soosaara (naasaha), in kasta oo ay leeyihiin kala badh ka mid ah aadamuhu, badhka kalena ay la dhacsanyihiin, haddana…

Galal

header icon

Aqoonsiga Somaliland

Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.

header icon

Arrimaha Soomaalida

Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.

header icon

Falastiin iyo Afrika

Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.

header icon

Colaadda Suudaan

Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.

Maltimiidhiya

Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga

Geeska waxa uu soo qabanqaabiyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga”, taas oo uu marti ku ahaa Dr. Cabdikariin Daahir Xasan, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada hormoonnada iyo caafimaadka dheef-shiidka. Muxaadaradan waxa lagu falanqeeyay sida nolosha casriga ah ee magaalooyinku u beddelayso caafimaadka bulshada, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya cuntada, walbahaarka, hurdo-yaraanta, fadhiga badan iyo korodhka xanuunnada daba-dheeraada sida macaanka, dhiig-karka, dufanka beerka iyo khataraha wadnaha. Dr. Cabdikariin waxa uu…

Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyey barnaamij cinwaankiisu ahaa: Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah. Barnaamijka waxa lagu lafa-guray sida haybta Soomaalidu u samaysanto, mararka qaarna dib loogu qaabeeyo dunida casriga ah. Kulanku waxa uu si gaar ah u eegay waayo-aragnimada Soomaalida, saamaynta caalamiyeynta, socdaalka, is-dhexgalka dhaqan, isku-xidhnaanta dhijitaal, iyo isbeddellada bulsho ee ku xeeran qofka, qoyska iyo bulshada. Kulanka waxa marti ku ahaa Maxamed Muuse Cali (Al-Macarri), oo soo bandhigay aragti milicsi leh oo ku saabsan haybta, dhaqanka, casriga iyo mustaqbalka…

Taaraabbuun La-ciyaarka iyo Siyaasadda

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyey barnaamij cinwaankiisu ahaa: Taaraabbuun La-ciyaarka iyo Siyaasadda: Hoggaaminta Xilkasnimada leh iyo Hufnaanta Maamul ee Xilligan Dhijitaalka ah. Barnaamijka waxa lagu lafa-guray isbeddellada siyaasadeed ee Somaliland, kor u kaca hadalka shacbiga lagu kasbado, iyo sida baraha bulshadu u saameeyeen doodaha siyaasadeed, hoggaaminta xilkasnimada leh, hufnaanta maamulka, iyo kalsoonida dadweynaha. Kulanka waxa marti ku ahaa Dr. Cabdiweli Cabdilahi Suufi, oo ah aqoonyahan iyo khabiir ku xeel dheer siyaasadda guud iyo maamulka. …

Werwerka: Shidaalka Nolosha ee ku Gubi Kara

Hadal-jeedintani waxa ay ku saabsan tahay mawduuca werwerka (Stress) oo ah culeysyada nafsadeed kuwaas oo marar badan ah awoodda qofka riixda ee uu ku shaqeeyo, in badanna noqon karta culeyska uu ka noolaan la’ yahay. Sidee loo maareeyaa werwerka? Waxaa marti ku ahaa barnaamijka Dr. Maxamed Xirsi, oo ah khabiir caafimaad, qoraa iyo cilmi-baadhe. Hadal-jeedintani waxa ay ku saabsan tahay mawduuca werwerka (Stress) oo ah culeysyada nafsadeed kuwaas oo marar badan ah awoodda qofka riixda ee uu ku shaqeeyo, in badanna noqon karta culeyska uu ka noolaan la’ yahay. Sidee loo maareeyaa werwerka?…

Soomaalida iyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Indho-indhayn iyo daraasado guud oo laga sameeyay isticmaalka baraha bulshada ayaa muujinaya in dadku ku kala duwan yihiin ujeeddada ay u adeegsadaan iyo sida ay ula falgalaan qoraallada, muuqaalada iyo doodaha ka socda mareegahaas. …

Waraysi

Waraysi
Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika

Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…

Waraysi
Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?

Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…

Waraysi
“Al-shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay leeyihiin iskaashi Istaraatiiji ah oo firfircoon”, Xuseen Sheekh Cali

Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…

Waraysi
“Dastuur dimuqraadi ah ma shaqeyn karo haddii aysan jirin kala-duwanaansho siyaasadeed” Nathan Brown

Muddooyinkii u danbeeyay mandaqadda ay dhacaan dalalka carbeed waxa ay la kulantay isbeddello waaweyn oo natiijadii ka dhalatayna ay sababtay in dalal badan oo Carbeed dastuurradooda dib u qoraan. Waddamadaas waxa aynu ka xusi karnaa Masar, Tuunis, ilaa ugu danbayn Suuriya oo uu dhammaadkii 2024 ka dhacay isbeddel la yaab leh. Xidhiidhka ka dhexeeya badanka qoraalka dastuuriga ah iyo waaqaca siyaasadeed ee mandaqadda Carbeedi waxa uu ka mid ahaa arrimaha ugu murugsanaanta badan. Iyada oo dastuurka loo dhigay in uu noqdo heshiis bulsheed oo dabar u ah suldada, ilaaliyana xuquuqda dadka, ayey…

Waraysi
Amiir Taaj al-Sir: “Wax Qoristu Waa ii Mashruuc”

Diktoorka iyo qoraaga reer Suudaan ee Amiir Taaj al-Sir waxa uu 1960-kii qoraalka kusoo galay maansada, ka dibna waxa uu sii dhex galay dunida sheekofaneedda. Qoraalladiisu waxa ay la gaar yihiin isku milidda waaqaca Suudaan iyo qaraa’ibnimada, waana qoraallo ku qoran af jaadgoonni ah oo hodan ah, sheekooyinkiisuna waxa ay sal u ah tebin cuddoon. Waa tilmaamo ka muuqda sheekofaneeddiisii koowaadba, Karamakool, oo sannadkii 1988-kii la faafiyey isagoo weli arday caafimaadka barta ka ah Qaahira. Waa sheeko judhiiba ku biirisay safka qoraayada waaweyn ee sheekooyinka, weliba Suudaan oo keliya ma…