SIYAASAD
Sannadkan dhammaaday waxa uu ahaa sannadkii doorashooyinka Afrika, ku dhawaad saddex meelood oo ka mid ah dawladaha Afrika waxa ka qabsoomay doorashooyinka madaxtooyada iyo xeerdajinta, doorashooyinkaas qaar koodkood waa lagu hunguubay. Dadka u dhuun daloola siyaasadda dawladaha Afrika waxa ay filayeen doorashooyinka ka dib in ay dawladahaas ka dhaci doonaan isbeddello waaweyn oo xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, laakiin nasiib xumo filashadaasi ma ay dhaboobin.
Qaddiyada aqoonsi raadinta Somaliland waxa ay sannadka 2024-ka la kulantay isbeddelo waaweyn oo si dhakhso ah u dhacay. Dhacdada koowaad ee aqoonsiga Somaliland boodhka ka jaftay waa isafgaradkii Somaliland la gaadhay dalka Itoobbiya, dhacdada labaad waa in madaxweynaha Maraykanka ee Donald J. Trump mar labaad loo doortay madaxweynannimada Maraykanka, dhacdada saddexaadna waa in Somaliland ku guulaysatay in ay qabato doorashooyinkii isa-saarka ahaa ee madaxtooyada iyo ururrada.
Booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emanual Makroon waxa ay dhalisay wayddiimo doora oo la xidhiidha u jeedooyinka safarkiisa marka loo eego hoos u dhaca weyn ee ku yimid joogitaanka Faransiiska ee waddamadii uu hore u guumaysan jirey gaar ahaan badhtamaha iyo galbeedka qaaradda. Maakroon waxa lagu tilmaamaa hoggaamiyayaasha galbeedka ee ugu tugtugta roon marka la joogo Qaaradda Afrika.
Maanta oo Axad ah, bulshada Suuriya waxa u beryey waa cusub oo ka duwan sidii ay u barteen muddo dheer oo sooyaalkooda ka mid ah, ka dib markii madaxweynihii taliska Suuriya Bashaar al-Asad uu dalka uga baxsaday jiho aan xog laga hayn, xoogagga mucaaridkuna gacanta ku dhigeen inta badan magaalooyinka waaweyn ee Suuriya. Waa dagaal socday 11 maalmood oo keli ah, laguna riday talis dad badan dhuunta u galay, dad badanina ka quusteen in uu dhaco, hase ahaatee dhicitaankani waa mid ka fududayd sidii ay in badani filayeen.
Maalmahan waxaa la wareejinayay warbixinno dhawr ah iyo qoraallo kale oo sheegaya in xidhiidh dhex mari karo amaba dhexmaray Israa’iil iyo Soomaalilaan. Suhayb Maxamuud ayaa lafaguraya sheegashooyinkan oo meel fog la gaadhsiiyay iyadoo sugnaantooda uu mugdi badan ku jiro.
Aragti
Dumarka ka shaqeeya guryaha dalalka Khaliijku waxa ay wajahaan laba dhibaato oo is huwan: marka koowaad in ay tahay shaqaale shisheeye ah oo u hoggaansan xeerarka Kafaalada, marka labaadna in ay tahay gabadh u hoggaansan nidaamka raggu dumarka ilaaliyo/ wilaaya.
Toddobaadkii la soo dhaafay, waxa si lama-filaan ah u burburay Taliskii Suuriya ee uu hoggaaminayay Bashaar al-Asad oo muddo ku dhaw rubuc qarni xukumayay dalkaas, isaga oo ka dhaxlay aabbihii, Xaafid al-Asad, oo isna dalkaas u talinayay soddon sannadood, waxana sidaa ku soo xidhmay xukun qoys oo gacaan kulul ku soo maamulay Suuriya in ka badan nus qarni. Waxa lama-filaanka ahi ma aha in uu dhacay.
HordhacMarkii ay duntay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa bilaabmay qalalaase iyo dagaallo sokeeye, badi dadkii Soomaaliyeedna waa ay qaxeen oo waxa ay galeen dalal shisheeye.
Dhaqan
Waxa aan fadhinay makhaayad shaah oo ku taalla Hargaysa, lana dhaho Foolge, waxa ay ka furnayd aagga laga raaco basaska Xera Awr u baxa, koox dhallinyara ah oo falanqaynayey qoraallada Yusuf Garaad ayaa aanu ahayn, aakhirkiina waxa ay falanqayntu nala gashay qoraallada Cabdi Faarax Juxa, waxaana si aada ay dhallinyaro buugga Qab iyo Quursi akhriday ugu tiiqtiiqsadeen qaybo ka mida buugga oo xiisa gaara ku abuuraya qofka aan akhrin, xiise gaar ah oo akhrintiisa ah ayaa i qaadday, maadaama aan ka mid ahaa kuwa aan akhrin ee kulankan fadhiyay.
Iskudhoon, waxa uu ka mid yahay buugagga si la fahmi karo u sharraxaya nafsadda qofka Soomaaliga ah dhaqan ahaan iyo aragti ahaanba. Waa buug tooshka ku bidhaaminaya sababaha keenay qaranjabka iyo bulsho-burburka Soomaalida ku habsaday. Waxa uu sidoo kale darsayaa xaglaha ay ka soo karaar qaateen dhibaatooyinka ay bulshada Soomaalidu la daaladhacayso, isaga oo mid mid u dul istaagaya. Waxaa kale oo buuggu xoogga saarayaa dhaqan-siyaasadeedkii kacaanku bulshada Soomaalida ah kaga tagay iyo saameynta taban ee uu ku yeeshay hab maamuulka dawladnimada iyo hoggaanka bulshada.
Markii ugu horraysay ee aan boostarka filinkan, The Iron Claw (2023), arkay danayn sidaas ah ma siin oo durtadiiba waan iska dhaafay, laba sababoodba awgood: in inanta Soomaaliyeed ee boggeeda Tiwiitarka soo dhigtay boostarka filinkan ay ku soo dul qortay eray kooban oo aan af Soomaali ugu turjumi karo, “haddaan daawanayaa” iyo qofafka sawirka boostarka filinka ka muuqday oo iila ekaa niman ciyaaraha Musaaracada dheela.
Shaqada abwaanka iyo qoraaguba, waa mid la yaab leh. Chesterton baa laga hayay:"Hal wax keli ah ayaa daruuri ah—wax walba!" Qoraaga, wax walba waxay uga dhigan tahay in ka badan eray gudaballaadhan uun; waa mid xarfi ah. Waxay uga dhigan tahay tajribooyinka aadanaha oo ah shayga muhiimka ah ee asaasiga ah. Tusaale ahaan, qoraagu kelinnimo ayuu u baahan yahay oo ku mana faa'iido la'a. Wuxuu u baahan yahay jacayl, oo jacayl la la wadaagay iyo mid aan la la wadaaginba wuu helayaa. Saaxiibtinnimo ayuu u baahan yahay, sidoo kale. Dhab ahaantii, wuxuu u baahan yahay kownka.
Buugga “From Tyranny to Anarchy: The Somali Experience” ee uu qoray Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania), waa mid ka mid ah buuggaagta ugu caansan ee ka hadla taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan burburkii dowladnimada iyo safarkii adkaa ee uu waddanku u soo maray sidii uu dib ugu soo kaban lahaa. Xuseen, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah, waxa uu buuggan ku soo bandhigayaa falanqeyn qotodheer oo ku saabsan sababaha keenay burburka Soomaaliya iyo caqabbadaha hortaagan dib-u-dhiska dowladnimadeeda.
Cabdiraxmaan al-Kawaakibi buuggiisa “Dhaqammada Kelitalisnimada” waxa uu ku iftiiminayaa kelitalisnimada siyaasadeed, isaga oo ku ladhay tilmaamo aad u liita. kelitaliyaha waxa uu gaadhsiinayaa heer marka uu kursigiisa uu dhaxlay ku fadhiisto, madaxiisana taajka la saaro uu isu arko in uu dadnimada ka baxay oo uu ilaah la caabudo gaadhay.
Kolka laga warramayo dadka ugu saamaynta badnaa ee ilaalinta deegaanka iyo ololayaashii ugu waa weynaa ee dunida ka dhaca kaas oo lagu beerayay dhir, waxaa khasab ah in magaceeda la xuso Wangari Muti Maathai oo ah haweenayda hindistay ololihii lagu beeray tiro ka badan konton milyan oo geed, kaas oo loo yaqaano Green Belt Movement. Wangari waxa ay ku dhalatay tuulo ku taalla dalka Kiiniya, Abriil 1, 1940. Waxa ay ka dhalatay qoys beeralay ah, waxa ayna ku dhalatay deegaanka ay qoyskeedu beeralayda ku ahaayeen oo waqtigaas ahaa dhul doog ah oo quruxda iyo cagaarku indhuhu u bogayaan.
Dr. Afyare Cabdi Cilmi sannaddii 2015, waxa uu daabacay deraasad la yidhaahdo, "Decentralized Unitary System: A Possible Middle Ground Model for Somalia." Deraasaddu waxa ay abbaaraysay nidaamka maamul ee Soomaaliya ku habboon, midkaas oo dalka ka samatabixin kara burburka iyo khilaafka siyaasadeed. Waxa ay ahayd deraasad qiime badan, oo lafagur hagaagsan ku samaynaysay, nidaamyada dawladeed ee kala duduwan ee Soomaaliya ku hirdamaya.
Maltimiidhiya
Muuqaalkani waxa uu soo gudbinayaa qoraal waraysi ah oo uu Faysal Cali oo ka tirsan bahda Geesku uu la yeeshay Stuard Reid, qoraaga buugga The Lumumba Plot, kaas oo qoraagu dib ugu eegayo dilkii shirqoolka ahaa ee Lamuumba, isagoo si gaar ah diiradda ugu saaraya doorkii uu Maraykanku ku lahaa shirqoolka Lamuumba iyo u jilba dhigista xukuumadda mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ugu haldoorsan.
Hoggaamiyayaasha Geeska Afriki waxa ay aad u hadal hayaan faa’idooyinka badan ee ay leedahay in ay bulshooyinkooda u dhisaan dekado, taas oo saldhig u ah mashaariicaha ay ku hormarinayaan degaannadooda.
Ibraahin Rasool oo danjire u noqday Koonfur Afrika, taliskii midabtakoorkana la dagaallamay, wuxuu Geeska uga warramayaa sababta uu dalkiisu u dacweeyay Israa'iil, waxa ay taasi uga dhigan tahay, iyo sida qadiyadda Falasdiin ay ugu dhowdahay qalbiyada reer Koonfur Afrika.
Geeska - Hir cusub: Mareeg ku hawlan qaabaynta warbaahinta dhaqameed ee Geeska Afrika.
Waraysi
Axmed Ismaaciil Samatar sannadii 2008 ayuu wadasheekaysi mawduucyo badan daarran la yeeshay Nuuraddiin Faarax, waxay ka sheekaysteen sooyaalkiisa suugaaneed ilaa burburkii dawladdii Soomaaliya, waxay wax iska wayddiiyeen doorka indheergaradka Soomaaliyeed.
Cabdillaahi Qarshe waxa uu ahaa foolaadka muusigga iyo masraxa Soomaalida, kaas oo ka tagay dhaxal ballaadhan oo gumeysi la dirir ah.
Tarjumaadda waraysi uu farshaxamayste Cali Banii Sadri la yeeshay qoraaga Turkiga ah ee Orhaan Bamuuk oo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya farshaxanka iyo qoraalka.
Markii ay burburtay dawladnimada Soomaaliya, shacabkii ku noolaa caasimadda Muqdisho waxa ay u kala firdhadeen deegaannadii ay qabiilladoodu ka soo jeedeen, sidoo kale waxaa jiray dadyow u baxsaday dalka dibadiisa, balse, badidood waxa ay sii mareen nolol qaxootinimo.