Habeennimadii 3-dii Sebtembar, qaraxyo ayaa ka dhacay guriga uu magaalada Doolow ka deggan yahay Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Shub, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ilaa hadda waxa la isku khilaafsan yahay waxa dhab ahaan dhacay iyo cidda ka dambaysay. Warbaahinta maxalliga ahi waxay sheegtay in dad guriga ku sugnaa ay waxyeello soo gaadhay, hase yeeshee wararku way ku kala duwan yihiin inta uu le’eg yahay khasaaruhu, mana jirto tiro dhimasho oo rasmi ah oo la xaqiijiyay. Sidoo kale, si madax-bannaan looma xaqiijin sababta qaraxyada iyo khasaaraha ka…
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato sugidda amniga Marinka Baab al-Mandab, iyada oo arrintaas kala shaqaynaysa saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee saameeyey isu-socodka maraakiibta Badda Cas. Haariye waxa uu sheegay in Somaliland ay sii xoojinayso awooddeeda dhinaca badda iyo wada-shaqaynta ay la leedahay dhinacyada ku hawlan amniga gobolka. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta…
Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo la sheegay in uu dhigayo joojinta colaadda iyo bilowga hannaan lagu gaadhayo heshiis kama-dambays ah. Bloomberg ayaa sheegtay in ay heshay qodobbo ka mid ah heshiiska dhex maray labada dhinac, sida ay soo gudbisayna waxa ay u dhigan yihiin sidan: • Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ku dhawaaqayaan in ay si degdeg ah oo rasmi ah u soo afjareen dagaalkii ka socday furimaha oo dhan. • Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ballanqaadayaan in aanay qaadi doonin wax tallaabo colaadeed ah, kana…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay mar kale, xidhiidhka labada dal iyo in ay hore ugu sii soconayaan wada shaqeyntii u bilaabantay wixii ka dambeeyey 26kii Diseembar, 2025 oo ay dawladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo ku…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho taariikhi ah ku tagaya Israa'iil, waana booqashadii u horreysay ee heer Madaxeed oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, tan iyo markii ay is aqoonsadeen, dhammaadkii sannadkii hore. Marka laga tago in booqashadani ay leedahay mudnaan marxaladeed, haddana muhiimadda ugu weyn ee booqashada ayaa la filayaa in ay dhacdo fiidnimada Isniinta, sida ay tabisay The Jerusalem Post, marka si rasmi ah loo furo safaaradda Somaliland, taas oo calaamad u ah samaynta xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo u dhexeeya labada…
Sida ku xusan, buugga (Taariikhda Farsoomaalida (1880 -1972) ‘’Hore waxbarashadu waxay ku salaysnayd diinta Islaamka oo malcaamadaha ayaa ahaa goobaha waxbarasho.Waxa kale oo jiray dugsiyo lagu baran jiray afcarabiga, Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ay diideen in laga bilaabo dalkooda waxbarasho uu maamulkii Ingiriisku hoggaanka u hayo. Dagaalladii Maxamed Cabdille Xasan ee bilawgii maamulka Ingiriiska la kowsaday iyo odayaashii markii danbe ka diidey iskudaygii furitaannadii dugsiyadii mishanka (diinta masiixiga) ku salaysnaa ayaa sababay in Ingiriisku dib uga joogsado inuu manhaj…
Isbeddelka Amniga Gobolka Indiyaanka Horraantii 2000 illaa 2012-dii oo ahaa xilliyadii budhcad badeedda Soomaaliya ay cirka maraysay, waxa sameysmay ciidamo iyo xoogag iska caabbineed oo ay dawladaha maslaxdaha ka leh gobolka iyo kuwa gobolka dhacaba ay iska kaashadeen in lagu dhiiirritiro kor u kaca iyo xoogeysiga kooxaha hubaysan ee bartilaameedsanaya maraakiibta. Waxaana muuqatay in hawlgalladaasi ay waxtar ballaadhan oo togan ka geysteen yareynta iyo caabbinta weerarrada iyo guud ahaan awoodda hawlgal ee kooxahaas. Intii u dhexeysay 2012 illaa 2019, waxa ay budhcad badeedu ku guuleysatay…
24-kii Juun ee 2026, duhur ka dib, waxa madaarka Nayroobi ee Joomo Kenyaata soo gaadhay Ku-xigeenka Labaad ee Raysalwasaaraha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, isagoo la socday diyaarad Muqdisho kasoo kacday. Madaarka waxa ku joojiyey ciidamada socdaalka ee Kiiniya. Sida xogo dhawr ahi tilmaamayaan, baasabboorkiisa Kiiniyaatiga ah waxa uu ku helay qaab isdabamarin ah. Masuulkan waxa lagu celiyey Muqdisho. Dhacdadani ma aha mid jaadgoonni ah. 26-kii Julaay, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari, horena u aha Kuxigeenka Koowaad ee Sanadka Soomaaliya, waxa loo diiday…
Laba markab oo muddo kooban gudaheed la afduubtay, hal marin-biyood oo istaraatiiji ah iyo su'aal dib u soo noqotay: Budhcad-badeednimadii Soomaaliya ma soo laabatay, mise gobolka wuxuu galay weji cusub oo khataraha badda ah? Soomaaliya iyo budhcad-badeednimada dunidu muddo dheer si aan kala go' lahayn ayay isugu xidhiidhin jirtay. Xeebaha dhaadheer ee dalka, kuwaas oo noqon karay il dhaqaale oo ku dhisan kalluumaysi iyo ganacsi, ayaa mar noqday meel ay maraakiibta ganacsigu ka baqaan inay maraan. Weerarro ayaa ka dhici jiray badda, maraakiib ayaa la qabsan jiray, shaqaalahana waxaa loo hayn…
Iyada oo ay Xukuumadda Soomaaliya ee xilligani ku jirto marxalado kala-guur ah oo isku dhex jira; siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa ay haddana qaadaysaa tallaabooyin u muuqda in ay hal mar wada fuuli rabto labo faras. Dhawaan, Raysalwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa labadii Ogost Laascaanood ku tagay socdaal daaran xoojinta joogitaanka Muqdisho ee deegaanka bariga Sool waxanu ka furay xero ciidan oo taabacsan ciidanka Soomaaliya. Tallaabadani waxa ay siddaa tilmaamo siyaasadeed iyo kuwo amni oo gaar ah oo ku wajahan Somaliland oo ay magaaladani u tahay qayb ka…
Sida uu xusayo dastuurka Soomaalilaan, qodobka 9aad faqraddiisa 1aad iyo 2aad, dalku waxa uu qaatay hannaanka xisbiyada badan oo ku xaddidan seddex xisbi. Taariikh ahaan xaddidaaddaasi waxa ay salka ku haysay waaqic waayahaa taagnaa iyo waaya-aragnimo la soo maray oo ay ka mid ahayd doorashadii guud ee baarlamaanka Soomaaliya ee 1969-kii. Doorashadaas oo ahayd tii u danbaysay ee gayiga si dimuqraadiya uga dhacda, xilligaa waxa si xad dhaafa u soo ifbaxay kala firidhka qabiilka iyo qaybsanaanta gudaha ee bulshada oo waxa la soo weriyaa in tirada xisbiyada ee ku loollamay kal doorashadaasi ay…
Nelson Mandela oo ah madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimuqraaddi ah loogu doorto Koonfur Afrika (1994 ilaa 1999), waxa uu dunida ku yeeshay saamayn qotodheer. Ma ahayn hadaljeediye muxaadarooyinkiisa lagu bartay, ma ahayn kelitaliyayaasha laga baqo, mana ahayn mufakir lagu bartay waxsoosaarkiisa fikir ee badan. Sidaas oo ay tahay, Qaramada Midoobay waxa ay maalinkiisii dhalasho, oo ku beegan 18-ka Julaay, ka dhigtay maalin caalami ah, sidanna waxa uu ku noqday qofkii ugu horreeyey ee madaxweynanimo soo mara, ee hela maamuus sidaa u weyn oo qaaradaha ka gudbay. Laga yaabee, in maamuuskan la…
14-kii August, waxa maydka Jason Arday laga helay gurigiisa oo ku yaallay London, ninkanoo ahaa, cilmibaadhihii ugu da’da yaraa cilmibaadhayaasha madawga ah, ee derejada borofaysarnimo ka gaadha jaamacadda Cambridge. Markan maydkiisa la helay toddobaad ka hor, waxa uu iska casilay xilkii jaamacadda, ka dib olole ballaadhan oo toddobaaddo socotay oo lagu eedaynayay inuu qoraallo xaday. Warbaahinta Ingiriiska, baraha bulshada iyo koox gorfeeyayaal ah, ayaa baadhitaan ku sameeyey dhinac kasta oo ka mid ah nolosha xirfadeed iyo ta shakhsi ee cilmibaadhahan 41 jirka ahaa. Waxa la baadhay qaab…
Tan iyo goortii ay dhulka Soomaalida soo gaartay caaradda hore ee edegowga dunida iyo barakada intarnaydku, waxaa si tarab-tarab ah u soo baxayay dhalinyaro badan oo si kala duwan caan uga noqonayay baraha bulshada ee Soomaalidu ku kulanto, kuwaas oo aan caannimada waxba uga hoosayn. Dhalinyaradaas waxaa mid walba ku xiran boqollaal kun oo qof oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo ay iyagu jiheeyaan isla markaana u abuuraan wacyiga iyo adduun-araggooda ku aaddan nolosha. Marka laga yimaado marar dhif ah oo maamullada iyo siyaasiyiintu u adeegsadaan dano gaar ah, ma jirto dan bulsho oo looga…
26-kii Diisambar ee 2025, Israa’iil waxa ay noqotay dalkii koowaad ee xubin ka ah Qaramda Midoobay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbannaan, tallaabadan oo keentay soo dhawayn ballaadhan. Warbaahinta caalamiga ahi waxa ay baahisay sawirrada bulsho reer Somaliland ah oo ku dabbaaldagaya calamada Israa’iil iyo Somaliland oo ay wada sitaan, arrinkan oo indhaha dunida kusoo jeediyay Somaliland. Sida Bulshada Somaliland aaminsantahay, aqoonsiga Israa’iil waxa uu ahaa rejo habsaantay oo muddo dheer la sugayey, dareenka dadka wada gaadhayna waxa uu ahaa in go’doonkii siyaasadeed ee 34-ka sanno…
“Naa Israay, Israay! Naa maxaad gadhfeedha bannaanka ugu tuurtay, lagu aasye? Huuno, aniga wax baa i helaye, sideen idhaa inan tan haddaba?” ayay tidhi Muna oo dibadda ka soo gashay. “Habo, daaqaddaan saaraye, malaha dabayshaa ka soo ridday.” “Beentay kaga dartay wax walba! Dabayshu ma gacmay leedahay oo daaqadday ka soo dhex saari kartaa? Naa lagu qaadye, gadhfeedha meesha ka qaad oo carruurtiina way soo dhow yihiin e, qadada u sii kala gur,” ayay tidhi iyada oo qolka hurdada sii galaysa. Isri, iyada oo aan juuq dambe odhan, ayay qalfoof qofnimadii ka hadhay ugu dhaqaajisay dhankii…
Sinnaan-la'aanta dhaqaale waxa ay noqotay doodda ugu weyn ee qarnigan aan ku jirno, iyada oo is-weydiinta asaasiga ahi tahay sababta hantida adduunku ugu ururtay koox yar oo soocane ah, halka bulshada inteeda badani ay ku jirto rafad iyo qahar nololeed oo joogto ah. Dooddan, oo in muddo ah ku jirtay dhuumasho iyo gabbasho, waxaa si weyn fagaarayaasha culuumta dhaqaalaha u soo geliyay Thomas Piketty, oo ah buuni dhaqaale oo u dhashay dalka Faransiiska, isla markaana ah khabiir ku xeel-dheer kooteysiga hantida iyo taariikhda dakhliga. Piketty waxa uu caan ku noqday baadhitaankiisa qotada dheer…
Jimma ayay ahayd halkii aan toddoba sanno ka hor, 2019, ku akhriyay sheekada Aanadii Nageeye. Waxa aan xilli casar ah dhawr maalmood tagi jiray meherad yar oo jaamacadayda ku dhextaal, halkaas oo aan ku akhrin jiray buugga, aniga oo kabanaya faanto ama bun. Toddoba sanno kaddib waxa aan dib u holladay akhrinta isla sheekadii, bilowgiiba waxa aan mooday in aanan horeyba u akhriyin, markii aanse dhex galay ayay maskaxdaydu soo celisay in ay dhacdooyinka muhiimka ah xasuusato. Badi sheekooyinka Ibraahin-Hawd waxa ay iska shabahaan in akhriskooda lagu celcelin karo, iyada oo aanu xiisihii iyo…
Waxaa laga hayaa Sayid Qutb sannadihii ugu dambeeyay noloshiisa, marka la weydiiyo isbeddelka fikir ee ku yimi, laga soo bilaabo shaqooyinkiisii hore ee naqdinta suugaanta, ee la daabacay afartamaadkii, ilaa qoraalladiisii Islaamiga xagjirka ahaa ee la daabacay dabayaaqadii kontomaadkii iyo lixdamaadkii, uu ku jawaabi jiray in wax kasta oo uu qoray ka hor labadiisa buug ee “Fii Dilaali Al Qur’aan” iyo “Macaalim Fii Al-Dariiq” aysan indhihiisa wax qiimo ah ku lahayn; oo uu inkiri jiray, dhinac kasta ha ahaatee, qaab iyo nuxurba. Haddii Qutb uu diiday midhihii afartan sano ee uu ku qaatay…
“War orda oo naga taga waxba ma haynee, iimaanka Alle idinka qaadye,” ayaad ku salaantaa marka ay bidhaantoodu kuu muuqataba! Saaka waxba kama duwana kuwii hore. Markii aad isha ku dhufatay duudkooda gaajadu soo xoodday ayaad kala hortagtay canaantii aad ula baratay. Iyaga, iimaanka Alle kama qaado oo kaama tagaan; adna ma diirnaxdid oo maalinna si qabow ulama hadashid. Maanta waa Jumce. Waa maalinta ay macaamiishaadu u badan yihiin. Sidaas darteed, waa in aad ka fogayso wajahadda meheradda wax walba oo isha jeebwaynta kuu iman doontaa dhibsanayso, oo kuwani u horreeyaan. Dhowr jeer oo aad ku…
Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimaadda daafaha dunida ayaa sannad kasta u xaja Kacbada. Waxay ku wareegaan iyagoo rajaynaya inay helaan fursad ay ugu dhawaadaan taabashadeeda; laakiin qofna kama fikiro ma suurtowdada: albaabkeeda ma furi karaa oo ma ogaan karaa waxa gudaha ku jira? Hal qof oo keliya ayaa haysta furaha Kacbada; wuxuu geli karaa mar alaalle marka uu doono, qofkii uu doonana wuu gelin karaa. Waa saadinka/السادن, oo luqaddu ku qeexdo xijaabaha ama adeegaha Kacbada; saadinka macbadka, oo loola jeedo gaadh-hayihiisa. Taariikhda furaha Kacbada Qoraaga iyo taariikhyahanka…
Maansadan waxa aan u curiyey dareen ka dhashay; jaantusyadiii iyo muuqaalladii naxariis darrada ahaa; in hooyo Soomaaliyeed nin askari ahi laba-dible u xidho, haddana jiido sida ragga oo kale! Waa xaalad uu ka digigixoonayo qof kasta oo in uu damiir leh. Waa xaalad mararka qaarkood qofka ku qasbaysa in uu isweydiiyo: Xaggee ayaynu u soconnaa, maxaase innagu dhacay?! Marka aan eegay waxa hareeraheenna ka dhacaya, waxay ku tusinaysaa waxyaabo badan oo aan laga aamusi karin; dad dhibaataysan oo la sii dhibayo, damiirkeenii oo sii daciifaya, aqoontii oo sidii loo baahnaa aan loo adeegsan,…
Roob yar oo tumay ah ayaa goor dhawayd arlada ka dul qaaday, caadkii uu ka tagayna samada ayuu ku sii kala lumayay, markaas bay cadceeddii oo la moodo in uu roobka yari kulaylkeedii badnaa rusheeyayna falaadhaheedii ka soo dhex dusinaysay qarrida dhibcihii ka dhammaadeen ee moodda ku samaysay duleedka godka ay cadceeeddu ku sii quluulanaysay. Falaadhaha cadceeddu xagal 170 digrii ah ayay kaga soo dhacayeen nabaadka iyo dhirta kale ee ay caleentoodu la sayaxday shuucii roobka yar, mararka qaarkood waxa aad isha ku joojinaysay oo ku cawirayay dhalaalka dhibcaha biyaha ee ka dul baxaya caleemaha…
Aqoonsiga Somaliland
Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.
Faylkan
Arrimaha Soomaalida
Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.
Faylkan
Falastiin iyo Afrika
Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.
Faylkan
Colaadda Suudaan
Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.
Faylkan
Sawirro ka mid ah muxaadiro uu jeediyay Mubaarig Cabdi Ismaaciil, lagagana hadlay caqabadaha iyo khataraha cusub ee amniga badaha, iyo jawaabaha caalamiga ah ee lagaga falceliyo. …
Geeska Space waxa uu soo agaasimay kulan aqooneed uu marti ku ahaa Barafasoor Cabdi Cali Jaamac. Hadaljeedintan waxa lagu gorfeeyey nuxurka dawladda casriga ah, iyadoo si gaar ah loo eegayo gobonimada, awoodda siyaasadeed iyo nolosha dadweynaha. …
Sawirro ka mid ah hadaljeedinta “Nuxurka Dawladda Casriga ah: Gobonimada, Awoodda iyo Nolosha Dadweyne”, oo uu jeediyay Barafasoor Cabdi Cali Jaamac. …
Sawirro laga soo xulay barnaamijka “Taaraabbuun La-ciyaarka iyo Siyaasadda: Hoggaaminta Xilkasnimada leh iyo Hufnaanta Maamul ee Xilligan Dhijitaalka ah”, oo uu marti ku ahaa Dr. Cabdiweli Cabdilahi Suufi. Kulanka waxa lagu lafa-guray isbeddellada siyaasadeed ee Somaliland, saamaynta baraha bulshada ku leeyihiin doodaha siyaasadeed iyo muhiimadda hoggaaminta xilkasnimada leh iyo hufnaanta maamulka. …
Qaar ka mid ah sawirrada barnaamijka “Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah”, oo uu marti ku ahaa Maxamed Muuse Cali (Al-Macarri). Kulanka waxa lagu lafa-guray sida haybta Soomaalidu isu qaabayso dunida casriga ah iyo saamaynta ay ku leeyihiin caalamiyeynta, socdaalka, is-dhexgalka dhaqanka iyo isbeddellada bulsho. …
Hordhac Laba sano oo buuxa kaddib markii la daabacay buuggiisii “Knife” (2024), kaas oo uu qoray kaddib markii uu si mucjiso ah uga badbaaday isku daygii dil ee caanka noqday isagoo ku sugan magaalada New York sannadkii 2022, qoraaga Biritish-ka ah ee asal ahaan Hindiya ka soo jeeda, Salmaan Rushdi, ayaa mar kale ku soo noqday saaxadda qoraalka hal-abuurka ah. Dhawaan ayay ururintiisa cusub ee sheekooyinka gaagaaban, “The Eleventh Hour”, ku soo baxday tiro luqadood Yurub ah, oo ay ka mid yihiin Faransiis, Jarmal iyo Holandays. Rushdi ayaa ka soo muuqday warbaahinno Yurub ah oo dhowr ah si uu…
Waxa uu waraysigani qayb ka yahay wada-sheekaysiyo taxane ah oo daarranaa mas’alladda cunfiga oo lala yeeshay aragti-curiyayaal, faylasuufyo, iyo naqdiyeyaal. Waxa lagu waraystay muggan Gayatri Chakravorty Spivak oo bareefasar ka ah aqoonta aadanaha Jaamacadda Kolombiya. Waxa ka mid ah wax-soo-saarkeeda buugga, An Aesthetic Education in the Era of Globalization (2012). Brad Evans: Waxa aad badi wax-soo-saarkaaga kaga hadashay waayaha haysta looma'ooyaanka dunida, gaar ahaan kuwa ku nool Hindiya, Shiinaha, iyo Afrika. Sidee ayaynu falsafadda ugu adeegsan karnaa in ay kaalin ka geysato…
Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…
Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…
Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…