Skip to main content

Geeska Website

Wednesday 17 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Maraykanku Muxuu ugu Negi Yahay Soomaaliya, Isaga oo ka Baxaya Dalalka Saaxilka Afrika?

Dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah ‘argagixisada’ ee Soomaaliya isma uu beddelin, xilli ay hoos u dhaceen hawlgalladiisii uu ka fulinayay gobolka Saaxiil ee Afrika, iyada oo ay jirto in deegaankaas, oo fidsan inta u dhexeysa dalalka Maali, Neyjar iyo Burkiina Faaso, lagu tilmaamo meelaha ugu halista badan ee argagixisada dunida. In uu Maraykanku ku eegayo labadan gobol indho milatari oo aad u kala duwan waxa ay abuuraysaa su’aalo ku saabsan sida ay ugu kala mudan yihiin Waashintoon, iyo soodimaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka baxsan xayndaabka danaha Maraykanka ee tooska…

Wacaal
Wasiirkii Warfaafinta Somaliland ayaa is Casilay, Ka Dib Go'aannadii Qalalaasaha Horseeday ee uu Xukuumadda ku Metalay

Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Somaliland, ayaa caawa iska casilay xilkii, ka dib markii uu labo cisho ka hor ku dhawaaqay go'aan uu dhiig badani ku daatay. Wasiir Ayaanle ayaa khamiistii ku dhawaaqay go'aankii ay xukuumaddu ku qaadatay qabashada munaasibadda Xeer Ciise, taas oo dhalisay kacdoon bulsho oo ka dhacay magaalada Boorama kuna dhinteen dad ku dhaw labaatan qof, sida ay ilaha qaar xaqiijiyeen, dhaawacuna gaadhay tobannaan qof. Wasiirka ayaa sheegay in uu ka xun yahay waxa dhacay, waxanu is casilaaddiisa ku sababeeyay in 'aanu aqbali karin in…

Wacaal
Madaxweyneha Somaliland ayaa Joojiyay Munaasibadda Xeer Ciise, Si loo Dejiyo Qalalaasaha Boorama

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa markii labaad ka [hadlay] xiisadda Boorama kana soo saaray go’aanno dheeri, muddao 24 saacadood gudahood ah. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ay xukuumaddiisu joojisay munaasabadda Xeer Ciise oo laga qaban lahaa magaalada Saylac waxana uu caddeeyay in uu taageerayo gogol nabadeed oo loo dhigo labada beelood ee gableedka Somaliland, kuwaas oo isku maandhaafsan arrinta munaasabadda Xeerka Ciise. Isku-dhacyo baahsan oo magaalada Boorama ku dhex maray dad ka gadoodsan go’aankii hore ee ay xukuumaddu ku ogolaatay munaasabadda Xeer Ciise ayaa…

Wacaal
Madaxweyne Cirro oo Go'aanno ka Soo Saaray Rabshadaha Boorama

Iyada oo ay ilaa xalay ka socdeen magaalada Boorama bannaanbaxyo rabshado wata oo keenay in tiro badan oo dad ahi ku dhintaan, ka dib markii ay ciidamada amnigu rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, Madaxweyne Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa go'aanno ka soo saaray xaaladda magaalada. Madaxweynuhu waxa uu amray Ciidamada Milatariga in laga saaro magaalada, waxana uu sheegay in aan lagu dhaqaaqi doonin tallaabo aan laga tashan, arrintaas oo u muuqatay in uu hakiyay go'aankii Xukuumaddiisa ee ahaa in ay ogolaatay, isla markaana qabanayso, munaasibadda loogu…

Wacaal
Mudaharaaddo Rabshado Wata oo Ka Dhacaya Boorama ayaa Sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacyo leh

Dhimasho iyo in ka badan toban dhaawac ah ayaa laga soo warinayaa mudaharaaddo rabshado watay oo xalay fiidkii ka qarxay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Mudaharaadkan ayaa lagaga soo horjeeday go’aan ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo lagu ogolaaday in la qabto xaflad loogu dabbaaldegayo 'Xeer Ciise', oo ah xeer dhaqameed qabiil oo ay dhawaan aqoonsatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO). DEG DEGMeelo ay ka Mid Yihiin Bangiga Dhexe ee Magaaladda Boorama oo ay dab la qabadsiiyay. pic.twitter.com/JZmOwt7yPy — Yassin (TUKAALE)…

Faaqidaad

Faaqidaad
Jaahwareerka Xeerarka Somaliland

Hordhac Jamhuuriyadda Somaliland markii ay la soo noqotay xorriyaddeeda 1991-kii, dalku ma lahayn sharci lagu maamulo ee xukuumaddii ugu horraysay ayaa loo igmaday inay dastuur diyaariso muddo 2 sanno ah gudahood. Nasiibdarro, dastuur lama diyaarin maamulkiina ma saldhigin ee Boorama ayaa shirweyne lagu qabtay lagu doortay maamul cusub, axdi-qarameed na lagu sameeyay. Qorshuhu waxa uu ahaa in dastuur la diyaariyo, hayeshee duruufo jiray awgood sannadkii 2001-kii ayaa dastuurkii afti dadweyne lagu ansixiyay oo ay Somaliland yeelatay dastuur shacabku u codeeyay oo dhaqangal ah. Bishii Maaj,…

Faaqidaad
Dhacdooyinka Boorama.. Habqanka Maaraynta Xukuumadda iyo Faragashiga Dibedeed

Magaalada Boorama ee magaalo madaxda u ah gobolka Awdal waxa shantii Diisambar ka dhacay dhacdooyin lagu tirin karo dhibaatooyinkii siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ugu halista badnaa intii ay Somaliland jirtay. Bannaanbaxyo ka dhashay oggolaanshaha xukuumadda ee xafladda bandhigga Xeer Ciise ayaa saacado gudahood isku beddelay iska hor imaaad dhiig ku daato oo u dhexeeya ciidamada amniga iyo dadka bannaanbaxayey, iyadoo lagu qiyaasay dhimashada dad aan labaatan ka yarayn, halka tobanaan kalena dhaawacmeen, bannaanbaxayaashana loo adeegsaday rasaasta nool. Xaalku kolka uu halkan gaadhay,…

Faaqidaad
Awdal iyo Loollanka Istaraatiiji ee Geeska

Ibafur Qoraalkani waxa uu raacsanyahay qoraalkii hore ee ‘Saylac Waa Mindi Laba Af Leh’ oo daarnaa fahmidda xiisadda Saylac ka aloosan saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo jilayaasha kala duwan ee adeegsanaya kooxaha wakaaladeed ee hawsha ku dhexjira. Waxa caddaatay in Soomaalilaan ay go’aanno kale oo aan laga fiirsan, degdeg iyo cabsi badanna ku geddaamanyihiin ay soo saartay 4tii ilaa 6dii Diisenbar. Go’aanka hore oo soo baxay 4tii December, xilli galabnimo ah, waxa uu daarnaa in xafladda Xeer-Ciise la fasaxay taas oo liddi ku ahayd go’aankii hore ee 13kii November. Isla fiidnimadiiba…

Faaqidaad
Raad-gadasho: Gorfaynta Waraysigii Getachew Reda

Waxa muuqata in iskudayga Getachew Reda ee iskudheellitirka xejisashada kaalinta siyaasadeed iyo sarkaxaadinta hadalka ay ku hoos jirto halis dhab ah oo lagu caadiyeynayo ka baxsashada ciqaabta ku habboon burburintii gobolka Tigrayga. Sarkaxaadinta hadalku waa mid masuuliyadda lagu dafiri karo, laguna furan karo albaab cusub oo siyaasadeed, se waa mid loo sadqaynayo xaqii dhibbaneyaasha ilaa hadda dhibtooda aan loo qirin. Barnaamijka “Is-horfadhiisi” ee ka baxa warbaahinta Al-Jasiira, waxa lagu tirayaa mid ka mid ah fagaarayaasha ugu adag warbaahinta casriga ah. Soo horfadhiisiga weriye sida…

Faaqidaad
Saylac Waa Mindi Labo Af Leh

Hordhac Saylac waa magaalo taariikheed aad qaddiimi u ah iyo deked hore. Waa cidhifka ugu shisheeya ee ay Somaliland ka cidhiidhsato marinka Baab Al-Mandab ee isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Waa meel ay dawladihii hore ee Soomaalida, Muslinka, Cusmaaniyiinta, Carabta iyo Yurubiyaankuba ay ku lahaayeen joogitaan macno leh. Waxa ay ahayd goob ay iska soo gaadhaan dawlado dano kala duwan leh, awoodaha duniduna ay isha ku hayaan, ilaa haddana muhiimaddeedii hore isma beddelin oo waa cidhif istaraatiijiyadeed oo kulmiya dalal dhawra. Sibtember 2010, waxa xeebta Saylac dhuumasho kaga soo…

Aragti

Xirfadyahannimadu Waa Aqoonyahannimo

Dhalinyarta somaalida inta u badani waa bilaa camal, inta soo hadhay ee shaqaysana waxay ku shaqeeyaan shaqo aan damaanad lahayn, waxana dhab ah in inyar oo ka mid ahi leeyhin xirfado gaar ah oo aan looga maarmayn in ay shaqeeyaan. Haddaba, maxaa u diidday in ay noqdaan dad weyneeya, isla markaana barta xirfado gaar ah oo ay suuqa shaqada ku soo galaan kuna joogaan? Soomaalida in badan oo ka mid ahi aad ayay u dhayalsadaan in ay bartaan xirfado waxsoosaar leh oo weliba ay meel fiican ka gaadhaan. Iskadaa in ay bartaan e, waxa suuragal ah in ay isku yasaan xirfadaha qaarkood oo, weliba,…

Nidaamka Ilameerayso ee Garsoorka Somaliland

Garsoor lagu kalsoonyahay, madmadow ka madhan oo madax bannaan waxa lagu tiriyaa tiirarka gundhigga u ah bulsho kasta oo dimuqraaddi ah, sidoo kalena waa gundhigga dhismaha dawladnimo hawlkar ah. Kolka maxkamaduhu tixgeliyaan sarraynta qaanuunka, waxa ay ilaaliyaan xuquuqda qofka, waxa ay xakameeyaan si xun u adeegsiga awoodda maamul, waxa aanay dammaanad qaadaan hirgelinta caddaaladda, oo loo fuliyo qaab daahfuran oo loo simanyahay. Haddii aanu jirin garsoor xooggani, distuurka iyo haayadaha siyaasadeed ee qaabka wanaagsan loo dhisay ma awoodayaan in ay u shaqeeyaan qaabkii la rabay.…

Sinigaal ma ka badbaadi doontaa Qalalaase?

Goobollada la isku yidhaa Afrikada Saaxil waxa ay foodda la galayaan marxalad cusub oo fawdo ah. Ka soo bilaw Nayjeeriya oo ay sii kordhayaan falalka rabashadaha ee la la beegsanayo masixiiyiinta dalkaas ilaa laga soo gaadhayo Maali oo ay muddo toddobaadyo ah kooxo hubaysani ay isku hareereeyeen Caasimaddeeda. Mushkiladda ay wajahayaan dalalkani kuma koobna uun argagixisnimo, se badankoodu waxa ay wajahyaan xaalado kala gadisan oo ah is jiidjiid siyaasadeed iyo muran salka ku haya sharciyada maamullada hadda jira. Waxa jira dhufsane yare ay dalalkani wadaagaan ama ka simanyihiin kaas oo ah in…

Doodda Ereyga

“Xarafku isaga ayaanba iska warrami karin, sidee aniga wax iiga werin karaa?” —Mustafe Maxamuud, (Jidhka iyo Ruuxda)…

Miisaaniyadda Somaliland: Faaqidaad iyo Lafagur

Hordhac Miisaaniyadda Somaliland sida uu dhigayo xeerka Maamulidda Maaliyadda Dawladda ee Xr Lr.75/2016 waxa ay diyaarinteedu bilaabantaa 15-ka bisha Abriil. Diyaarinta miisaaniyadda waxa laga soo dheegaa Higsiga Qorshaha Horumarinta Qaran ee 2030. Jaranjarooyinka ay marto miisaaniyaddu waxa ka mid ah oo ugu muhiimsan, waasaradda maaliyadda oo ah halka lagu diyaariyo, daneeyayasha miisaaniyadda, golaha wasiirada, golaha wakiillada oo leh ansixinta iyo wax-ka-beddelka miisaaniyadda iyo ugu dambeyn madaxwaynaha oo leh dhaqangelinta. Si kale haddii loo dhigo, miisaaniyadda kolka ay soo diyaariso…

Dhaqan

Dhaqan
Dib u curashada Itoobiya iyo Dhaxalka Sooyaalka

Sooyaalku waa qodobka iftiimin kara, laguna fahmi karo isbeddellada hadda Itoobiya ka socda iyo hankeeda mustaqbalka. Sidoo kale waa waxa lagu fahmi karo siyaasadaheeda gudeed iyo kuweeda gobolka. Caddaynta ugu mudani waa qaabka uu Raysalwasaare Abiy Axmed, kolkii uu xadhiga ka jarayey Dhaamka Niilka, uu usoo qatay taariikhahaas iyo dagaalkii Itoobiyaanku la galeen gumeysigii Talyaaniga, isagoo ku nuuxnuuxsaday Dagaalkii Cadwa iyo wejigiisa cusub ee hadda u dhigma ku guulaysiga fulinta Dhaamka. Waxa ka mid ah sababihii dagaalkaas dedaalkii Talyaanigu ugu jiray qabsashada marinka koonfureed ee…

Feker
Warcelinta Wayddiintii: “Waa Maxay Iftiimintu?”

Hordhac Qormadani waa tii caanka ahayd ee uu Kaanti soo bandhigay, isaga oo ku qeexaya Iftiimintii oo xilligaa carcarteeda lahayd, falsafaddiisii naqdiga ahayd ayuu faaqidaad bisil oo hiraal ah ka soo dhiraandhiriyay. Qormadani waxay ka soo muuqatay "mareegtii Baarliin ee billaha ahayd" tirsigii bisha Diiseembar, sanadkii 1784. Waxay faallacelin u ahayd fiiro meel hoose kaga soo aroortay qormo uu faafiyay baaderi Burustataani reer Baarliin ah oo la odhan jirey Firidriij Toslaanar, isaga oo gaashaanka u daruuraya diidmadii guurka diiniga ah oo bulsha badan ka gadoodday, — halkudhigga…

Feker
Aragtida Tadawurka iyo Doodda Aragtida Islaamka ee Abuurka

Hordhac Doodda ku saabsan asalka noloshu waxa ay ka mid tahay su’aalaha ugu waaweyn ee bini’aadamka dhex yaalla. Aragtida tadawurka (evolution theory) oo National Geographic-gu ku qeexay inay tahay “aragtida doorashada dabiiciga ah ee nolosha” oo uu soo jeediyeen Jaarles Daarwin iyo Alfared wallace qarniyadii 19aad, ayaa sheegaysa in noocyada nooluhu ay ka soo farcameen nooleyaal hore, kuwaas oo soo sameeyay isbeddello yar-yar oo facba fac u gudbiyey. Haddaba, maqaalkan cilmiyeed waxa uu dib u eegi doonaa asalka aragtida tadawurka, sababta loogu baahday, waxa ay u taagan tahay iyo tusaalooyin…

Feker
Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada? Arrinta Maanso Afeedda Soomaalida iyo Qaranka — Q2.aad

Qormadan waxaa laga soo turjumey halkan, waxaana soo turjumey Shucayb dheeg. Dood maanseeddii Deelley iyo waayihii ay daaranayd (1979- 1980) Ka dib dagaalkii Ogaadeeniya ee sannadkii 1977-kii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray, iyo ka dib isku daygii afgambi ee 1978-kii, xaaladda siyaasadeed ee Soomaalida gudaheedu way kacday, jabhado mucaarid ahina way samaysmeen. Mid ka mid ah jabhadihii mitidka ahaa ee ugu horreeyay waxay idaacadaha ka faafinayeen dacaayado afka ah oo ka dhan ah taliskii Siyaad Barre ee ay dagaalka kula jireen. Sidii lagu yaqaannay dagaallo dhaqameedkii hore ee Soomaalida,…

Feker
Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada? Arrinta Maanso Afeedda Soomaalida iyo Qaranka — Q1.aad

Waxa aan isku dayi doonaa in aan warqaddan daaha kaga qaado xidhiidhka iskeensasho iyo isgo'aamineed ee ka dhexeeya ku dhaqanka maanso afeedda Soomaalida iyo samaynsanka baadisooca qabiilka ku dhisan ee bulshada Soomaalida.…

Feker
Sulaymaan Bashiir Deyaan: U Halganka Falsafad Islaami ah

“Waxa gef ah in aad aamintid in falsafaddu tahay hindise Yurubiyaan oo ku samaysantay mucjisada Giriigga. Joogtaynta falsafaddu waa wax ku abuuran jidhka aadamaha, laga soo bilaabo kolkii uu aasay maydkiisa, ee uu is wayddiiyey macnaha nolosha, sidoo kalena bilaabay in uu farsamooyin faneed ku qurxiyo qabriyada”. Sulaymaan Bashiir Dayaan, waa magac Afrikaan-Muslim ah, oo kaalin sare iyo soo dhaweyn ka kasbaday Galbeedka, siiba Faransiiska, walow uu dhaliil daran oo joogto ah usoo jeediyo sooyaalka gumeysiga Faransiiska, uguna baaqo in dalkani aqoonsado gaboodfalladii uu ka geystay Afrika,…

Masrax
Af-duub iyo Aargoosi

Jacfar Panahi, oo ah agaasime iyo filinqore Iiriinayaan ah ayaa gu'gii sannadkan la gole yimid sheeko ciwaankeeda lamafilaan oo dhami ku dhan yahay 'It Was Just an Accident' tiyaatarka magaalo xeebeedda koonfurta dalka Faransiiska dhacda ee Cannes, laguna qabto bandhig filimeedka shaacsanaha ah oo gu'gii sannadkan loogu madalsanaa bandhigga Toddobaatan Iyo Siddeedaad ee Canes (78th Cannes Film Festival). Jacfar wuxuu hormuud u yahay filinsameeyayaasha farakuturiska ah ee muunadaynta shineemada Iiraan iyo casriyoobiddeeda isu xilqaamay. Mar kale Jacfar waxa uu sooc ku yahay nuxurraddiisa…

Buug
Afrika iyo Sida ay u Saamaysay Dunida Cusub

Marka indhaha dunida kale lagu eego, Afrika waa qaarad weli ay adagtahay in la fahmo, inta badanna doodaha caalamiga ah lagaga bixiyo sawir marinhabaabin ah, oo ay si isku mid ah uga gudbiyaan qoraallada cilmibaadhayaasha Afrikaanka ah, warbixinaha weriyayaasha amaba xasuusqorrada shaqaalaha gargaarku. Dad badani waxa ay doorbideen in ay Afrika u arkaan xaalad jaadgoonni ah oo lagu qeexo jaadgoonninimadeedaas. Waxa kale oo aan is waafaqsanayn qaabka dadku u tilmaamaan Afrikaanka iyo dadka aan Afrikaanka ahayn. Biljimka (oo hirdan joogto ahi ka dhex jiro kuwa ku hadla Faransiiska iyo kuwa…

Maltimiidhiya

Raila Odinga: Dhaxalkiisii iyo Kaalintii uu ku Lahaa Dimuqraaddiyadeynta Kiiniya

In ka badan afartan sannadood oo uu si firfircoon ugu jiray siyaasadda Kiiniya, waa ay koobnaayeen guulaha shakhsiga ah ee uu ka gaadhay hoggaamin loo doortay. Haddana marna kama uu maqnaan kaalin hoggaamineed, waxa kale oo uu tiir u ahaa in badan oo lagu sheegi karo guulo qaran; waa Raila Odinga ... Dhaxalkiisii ayaa uu dhinacyo dhawr ka eegayaa Liibaan Maxamed Ciise oo ku xeeldheer taariikhda siyaasiga ah iyo dhaqaaleha. …

Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo?

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo? Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay baraha bulshadu u weyneeyaan muuqaallada iyo caannimada halkii ay weynayn lahaayeen xirfaddaha dhabta ah iyo aqoonta. Waxaa kale oo lagu falanqeeyey dib usoo celinta qiimaha aqoontu leedahay si loo gaadho daacadnimo iyo hal-abuur dhab ah oo dhiirigelinaya kartida iyo wax soo saarka qofka iyo bulshada. Barnaamijka waxa marti ku ahaa Saddaam Xuseen Carab, oo ah khabiir tiknoolaji. …

Milicsiga Somaliland: Siyaasadda, Qabiilka, Dhaqaalaha iyo Kaalinta Dawladda

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Milicsiga Somaliland: Siyaasadda, Qabiilka, Dhaqaalaha iyo Kaalinta Dawladda. Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay isku dhexgalaan siyaasadda xisbiyada, dhaqanka qabiilka, xuurtaysiga suuqa dhaqaalaha, kaalinta dawladda iyo si guud waxa ay dhamaan arrimahani uga dhigan yihiin jihada mustaqbal ee dalka. Waxaa barnaamijka marti ku ahaa aqoonyahan Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. …

Gabowga & Hab-nololeedka

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay muxaadiro cinwaankeedu ahaa: Gabowga & Hab-nololeedka – muxuu jidhkeennu degdeg ugu gaboobaa? Maxaan se ka qaban karnaa? Barnaamijkan waxa lagu lafa-guray xidhiidhka ka dhexeeya gabowga iyo hab-nololeedka maalin kasta. Waxa si gaar ah diiradda loogu saarey doorarka ay ka ciyaaraan cuntooyinka, jimicsiga, hurdada, maaraynta walbahaarka, iyo xidhiidhada bulsheed ee caafimaadka iyo cimriga dheer. Waxa kale oo lagu eegay waxa uu saynisku ka yidhaahdo gabowga dabiiciga ah iyo kan degdega ah, iyo xeeladaha caafimaadka iyo nolosha wanaagsan lagu ilaalin…

Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika: Somaliland iyo Istiraatiijiyadda Cusub

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay dood furan oo cinwaankeedu ahaa: Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika: Somaliland iyo Istiraatiijiyadda Cusub. Barnaamijka waxa lagu lafa guray kaalinta Somaliland ee Geeska Afrika, ujeedooyinka Maraykanka, saamaynta istiraatijiyadda cusub, aragtida caalamiga ah ee Somaliland, daldaloolada diblomaasiyadeed, diyaar-garowga siyaasiyiinta Somaliland, iyo doorka haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay ee saameynaya siyaasadda dibadda iyo rajada wada hadalada Maraykanka. Waxa barnaamijka marti ku ahaa Amb. Barkhad Kaariye oo ah diblomaasi iyo…

Waraysi

Waraysi
Maansada Baallaheeda kale

Hordhaca Turjumaanka: Maansadu waa dhaxal laga dheehdo hab-fekerka bulshada, iyo noloshooda dhaqan, siyaasadeed iyo dhaqaale. Maansadu waa humaag samayn. Maansayahanku, isagoo ka warramaya arrin siyaasadeed ama jacayl, waxa uu maansadiisa ku soo gudbiyaa waxyaabaha quruxda iyo qaayaha ugu astaysan dhaqankiisa, qiyamkooda iyo la falgalkooda nolosha, waxaana sunne ah mar kasta oo waayaha bulshadu is beddesho in suugaantooda laga dheehan karo, maansada Carabtu in ka badan suugaanteenna, casriga way la jaanqaaday. Cawaale Deeqsi waraysi uu ka qabtay Abwaan Weedhsame, wuxuu abwaanku ku xusay in…

Waraysi
Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Saamaynta ay ku Leedahay Dawlad-dhiska?

Qaybta 2aad (2/2): Dawlad-Dhiska iyo Dabeecadda Soomaaliga …

Waraysi
Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Saamaynta ay ku Leedahay Dawlad-dhiska?

Qabyta 1aad (1/2): Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Waxyaabaha Saameeya…

Waraysi
Najax Haaruun: “Farshaxamiistuhu waa Jirjirroole “

Wadasheekaysigan uu Geesku la yeeshay Najax Haaruun oo ah farshaxamiiste, waxa uu ku arooraa kolka hore isbarashada Najax iyo Bulshada ay farshaxanka u asasho. Kolka xigta, wuxuu qaadaa dhigayaa guud ahaan farshaxanka iyo aydhiyooliyaddiisa, si gaar ahna waxa uu u sii guda gelayaa farshaxanka Najax iyo aragtida uu u taagan yahay. Kol kale, wuxu daaran yahay kaalinta farshaxamiistaha ee bulshada Soomaalida iyo si gaar ah haweenka iyo kaalintooda. Wadasheekaysigu, waxa uu ku biyo shubanayaa hilaadinta mustaqbalka farshaxanka, iyo waxa uu baahan yahay fankani si loo abuuro danayn hor leh oo ku…

Waraysi
Maxamuud Mamdaani: Xididdada Gumeysi ee Hannaanka Dawladnimada Cusub

Inta badan, sheekooyinka soojireenka ah ee ku saabsan samaysanka dawladnimada cusub ee laga soo bilaabo Heshiiskii Nabadda Westifaaliya, sannadkii 1648-kii, waxa loo arkaa bar kala qaybin, sababtoo ah waa dagaalkii ugu dambeeyey dagaalladii diineed ee Yurub, waana dagaalkii Soddonka Sanno. Sida sheekadani tibaaxdo, dawladnimada cusub kaalinteeda udubdhexaadka ah waxa loo arkaa ta dammaanadqaadaysa nabadgalyada rayidka, iyadoo u maraysa istixgelinta diineed. Hase ahaatee, Maxamuud Mamdaani, mufakirka caanka ah ee reer Yugaandha, waxa uu aaminsanyahay in sheekadani sidato weji ku kooban gudaha…