Skip to main content

Geeska Website

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Yugaandha oo mar kale gashay Gacanta Musefeeni

Shacabka Yugaandha ayaa 15-kii Jaanayo 2026 u dareeray goobaha codbixinta waxaana dalkaas ka qabsoomay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Sharci dajinta oo isku sidkan kuwaas oo ku dhacay jawi siyaasadeed oo aad u kakan. Tartanka ugu weyni waxa uu dhex maray Madaxweynaha hadda Musefeeni oo Yugaandha ka talinayey tan iyo sannadkii 1985-kii, iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Bobe Wine oo haysta badi taageerada aqlabiyadda dhallinyarada. Codaynta ayaa ku dhacday jawi adag iyada oo ay jiraan cadaadisyo la saaray mucaaradka iyo, waxaana ciidamo la soo dhoobay fagaarayaasha dadweynaha, halka xayiraado lagu…

Wacaal
Madaxweyneha Soomaaliya oo Socdaal Taxaddar badan ku Tagay Laascaanood

Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa socdaal ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo sannadkii hore laga hirgaliyay maamul ay gadaal ka riixaysay Muqdisho si ay cadaadis ugu saarto Somaliland iyo maamulka Puntiland labadaba. Mudane Xasan ayaa la sheegay in uu ka qaybgalayo 'caleemasaarka' madaxweyneha maamulkaas oo la doortay shan bilood ka hor, intaasna u baaqday in uu Madaxweyne Xasan uga baaqday sababo aan si rasmi ah loo shaacin, se lagu sheegay in uu ka cagajiidayay imaanshaha Laascaanood. Sababta u weyn ee imaanshihiisa hadda riixaysa ayaa ah xiisadda…

Wacaal
Musefeeni oo Markii toddobaad Raadinaya Xukunka, Mucaaradka oo Wajahaya Culayso Siyaasadeed

Doorashada Guud ee Yugaandha ayaa loo muddeeyey in ay dhacdo 15 Jeenawari 2026, waxaanu tartan dhex mari doonaa Madaxweyne Musefeeni oo gucle ugu jira in uu talada qabto markii toddobaad iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Bobe Wine oo ay weheliyaan murashaxiin kale. Doorashadan ayaa ah mid isku sidkan oo ka kooban Fulinta iyo Golaha Sharci dajinta. Gudidda doorashooyinka ee Yugaandha ayaa ansixiyey 27 Xisbi siyaasadeed iyo 8 Murashax oo loo ogolaaday in ay u tartamaan jagada Madaxweynaha, waxaana ka mid ah Musefeeni oo xilka hayey tan iyo sannadkii 1986-kii (40 sanno) iyo Bobe Wine oo ahaa fannaan…

Wacaal
Itoobiya oo Bilawday Dhismaha Madaar Cusub oo ku kacaya 12.5 Bilyan oo Doollar

Dawladda Itoobiya ayaa iyada oo adeegsanaysa Shirkaddeeda duulimaadyada waxa ay bilawday fulinta madaar caalamiya oo cusub oo laga dhisayo magaalada Bishufto taas oo caasimadda Addis ababa u jirta ku dhawaad 45 km. Mashruucan oo ah mid ballaadhan oo ku kacaya adduun gaadhaya 12.5 bilyan oo Doollar ayaa ay dawladdu sheegtay in uu noqon doono Madaarka ugu weyn guud Afrika oo dhan, kolka la soo gabo gabeeyo dhismaha madaarka sannadka 2030. Raysal Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed ayaa bartiisa X ku qoray in dhismaha Madaarka Bishoftu uu noqon doono “Mashruucii ugu weynaa ee la fuliyo taariikhda…

Wacaal
Abiye Axmed oo Booqday Jabuuti, Xilli ay Gobolka ka Kacsan Yihiin Dabaylo Siyaasadeed

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, ayaa subaxnimadii Axadda gaadhay magaalada Jabuuti, isaga oo ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu sheegay in looga gol lahaa wadahadallo ‘heer sare ah’ oo uu la yeelashay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kuwaas oo diiradda lagu saaray isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee gobolka, arrimaha nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee rasmiga ah, Madaxweynaha Jabuuti ayaa qaabilay Raysal Wasaare Abiye Itoobiya, ka dibna labada dhinac waxay yeesheen kulan…

Faaqidaad

Faaqidaad
Kulankii Lixaad ee Trump iyo Netanyaahu: Isbahaysi Istaraatiijiyadeed iyo Kaladuwanaan Dusha ah

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, waxa uu 29-kii bishii Diisember ee 2025 la kulmay Raysalwasaaraha Israa’iil, Binyaamin Netanyaahu, iyagoo ku kulmay goob dalxiis oo ku taalla gobolka Falooriida, si ay isula eegaan qaababka loo fulin karo “Qorshaha Nabadda” iyo u gudbidda “Marxaladda Labaad” ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa. Marxaladda koowaad ee xabbad-joojintu waxa ay dhaqan gashay 10-kii Oktoobar, 2025, ka dib laba sanno oo ay Israa’iil xadgudubka wadday, waana xabbad-joojin salkeedu yahay “Qorshaha Nabadda” ee ka kooban labaatanka qodob, oo uu Maraykanku dejiyey, dhammaan…

Faaqidaad
Loobbiyada Muqdisho iyo Hargeysa ee ku Xeeran Trump oo ku Loollamaya Irridda Badda Cas

Waxa ismaandhaaf xooggani ka dhex jiraa kooxaha cadaadiska iyo galaangalka ee Washington, iyagoo isku haya codsiyada iska soo horjeeda ee Federaalka Soomaaliya iyo gooni isu-taagga Somaliland. Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay dhaliilo kulul kala kulmaysaa xubno ka tirsan Jamhuuriga Maraykanka, oo Washington ka codsanaya in ay aqoonsato goonni-isu-taagga Somaliland, iyagoo xukuumadda Soomaaliyana ku eedeynaya fashil amni iyo mid maamul. Xubnahani waxa ay ku doodayaan in Somaliland, oo ku taalla Gacanka Cadan oo aad ugu dhow marinka Baab al-Mandab ee Badda Cas loo maro, uu booskeedan…

Faaqidaad
Muxuu Yahay Heshiiska Abraham?

Maalmihii u danbeeyey waxa bogagga hore ee saxaafadda haystay magaca ‘Abraham Accords’. Haddaba, aynu ka jawaabno waxa uu u taaganyahay heshiiska Abraham? Heshiiska Abraham waa heshiisyo diblomaasiyadeed oo la saxeexay sannadkii 2020-kii, kuwaas oo lagu caadiyeeyay xidhiidhka ka dhexeeya Israa’iil iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta. Heshiisyadani waxay jebiyeen mabda’ muddo dheer jiray oo ahaa in dalalka Carabtu aysan xidhiidh rasmi ah la yeelan Israa’iil ilaa xal laga gaadhayo arrinta Falastiin. Dawladda Maraykanka ayaa door hoggaamineed ka qaadatay dhexdhexaadinta iyo hirgelinta…

Faaqidaad
Qalalaasaha Amniga Gudaha ee Somaliland

Qalalaasaha amni ee marar badna ka dhacay Somaliland waxa uu banyaal ka dhigayaa goldaloollada baaxadda leh ee ka jira heshiiska siyaasadeed ee Somaliland. Tabashooyinka daaran qaybsiga awoodda, khayraadka iyo metelaada ayaa si isa soo taraysa isugu rogaya gacan ka hadal.…

Faaqidaad
Jaahwareerka Xeerarka Somaliland

Hordhac Jamhuuriyadda Somaliland markii ay la soo noqotay xorriyaddeeda 1991-kii, dalku ma lahayn sharci lagu maamulo ee xukuumaddii ugu horraysay ayaa loo igmaday inay dastuur diyaariso muddo 2 sanno ah gudahood. Nasiibdarro, dastuur lama diyaarin maamulkiina ma saldhigin ee Boorama ayaa shirweyne lagu qabtay lagu doortay maamul cusub, axdi-qarameed na lagu sameeyay. Qorshuhu waxa uu ahaa in dastuur la diyaariyo, hayeshee duruufo jiray awgood sannadkii 2001-kii ayaa dastuurkii afti dadweyne lagu ansixiyay oo ay Somaliland yeelatay dastuur shacabku u codeeyay oo dhaqangal ah. Bishii Maaj,…

Aragti

Sababta ay tahay in Maraykanku u Aqoonsado Somaliland

Muddo 30 sano ka badan, Jamhuuriyadda Somaliland waxay dimuqraadiyad taabogal ah ka hirgalisay mid ah dunida gobolada ugu deganaansha yar, isla markaana siyaasad ahaan ugu qalalaasaha badan. Inkaste oo ay Somaliland joogtaysay nidaam dawladnimo oo xasilloon, qabashada doorashooyin xor ah, iyo dhisidda hay'adaha dawladeed oo karti leh, haddana waxa ay ku jirtay go'doon diblumaasiyadeed ilaa laga soo gaadhayay 26 Diisember, markaas oo ay Israa’iil si buuxda u aqoonsatay. Guushaa diblomaasiyadeed taariikhiga ah awgeed, daafaha dunida waxa ka dabbaaldegay malaayiin reer Somaliland ah. Kulankii…

Damaca Madaxweyne Trump ee Dhul ballaadhsiga Jasiiradda Greenland

Doonista Maraykanka ee jasiiradda qaniga ah ee Greenland, iyo Qafaalashadii madaxweynaha Fanisweela, waxa ay dunida u ibo-fureysaa in sannadka cusubi noqon doono mid hawaalahiisa wata. Culimada siyaasadduna waxa ay ku tilmaameen “Jar iska xoor-nimo weyn”. Haddaba waa maxay ujeeddada, damaca, iyo doonista Maraykanka ee Jasiiraddani? Waxa kale oo aynu eegi inta uu soo jirey doonista Maraykanka ee ku aaddan Jasiiraddan? Sooyaalkeeda, iyo xidhiidhka ka dhaxeeya dawladdaha reer Galbeedka, gaar ahaan gacan-ku-haynta waddanka Danmarika. Waxa kale oo aynu eego doonnaa waxyaabaha ay hodanka ku tahay…

Sidee loo Akhrisan Karaa Xadhiga Madaxweynaha Fansuweela Sharci ahaan?

Maraykanku waxa uu soo qabtay Madaxweynihii Fansuweela, Nikaloos Maaduro, tallaabadan oo noqotay mid aan hore loo arag, muran ballaadhanna ka dhex dhalisay dunida iyo qaanuunka, sidoo kalena gilgishay madaxbannaanida iyo xasaanadda la dhawro, sidoo kalena bedka keentay wayddiimaha la xidhiidha siyaasadaynta qaanuunka iyo u adeegsigiisa loollanada siyaasadeed. Haddaba, qabashada Maaduro sidee loo akhrisan karaa qaanuun ahaan? Xadhiga Maaduro waxa uu soo bandhigayaa farqiga u dhexeeya sheegashada iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah. Garyaqaan Maxamed Darwiish, oo shahaadada PhD ka sita…

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Go’aan u Baahan Xeeladeyn Dhisan

26-kii Diisamber 2025, Somaliland waxa ay aqoonsi ka heshay Israa’iil oo noqotay dawaladdii koowaad ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland. Go’aankaas oo ay xukuumadda Somaliland si weyn u soo dhawaysay waxa uu dhaliyey dareenno kala duwan. Gudaha Somaliland, waxa ka bilawday dabbaaldegyo, waxaanay ahayd soo dhaweyn ay ka midaysnaayeen xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, ururrada iyo qaybaha kale ee bulshada, sida culimada, waxaana la arkay Somaliland oo isku duuban oo, dareen ahaan, mid ah. Dhanka kale, tallaabadani waxa ay filanwaa ku noqotay Xukuumadda Federaalka…

Sidee Musefeeni Isuboqraa?

Muddo afartan sanno ku dhow, reer Yugaandha ma yaqaannaan madaxweyne aan ahayn Yoweri Musefeeni, oo 81 jir ah, welina talada gacanta ku haya, si kasta oo uu marar badan u ballanqaaday in uu xilka ka tagayo, se la mid noqda uun ballanqaadyadiisa kale ee ah in uu dalka ka dhigayo dal xooggan. Reer Yugaandha waxa ay bishan 15-keeda u dareeri doonaan sanaadiiqda codbixinta. Mar kale ayaa uu madaxweynahani rabaa in la doorto, halka dhallinyaro badani isbeddel naawilayaan, gaar ahaan murashaxa la tartami doona Yowerina ee Robert Kyagulanyi oo loo yaqaan Bobi Wine, da’diisuna tahay 43 jir, markii…

Dhaqan

Buug
Sidee Mamdaani u Fasiray Xasuuqii Ruwaanda?

Buuggan la magacbaxay "When Victims Become Killers: Colonialism, Nativism, and the Genocide in Rwanda", waxa qoray Maxamuud Mamdaani oo ah mutacallin weyn oo deraasaadka Afrika macruuf ka ah. Waxsoosaarkiisu waxay xoogga saaraan mashruucyada gumaysi ka-saarka (decolonization projects), waxa uuna si habboon u lafaguraa sida gumaysigu Afrika u xukumay iyo cunsurrada go'aamiyey in uu dadka noloshooda si qotodheer saamayn ugu yeesho. Mudane Mamdaani, buuggan waxa uu si hagaagsan ugu kala dhigdhigayaa xasuuqii Ruwaanda ka dhacay sannaddii 1994-kii ee loo geystay qawmiyadda Tutsiga. Waxa uu dul…

Feker
Ibnu Batuuta iyo Magaalooyinka Cadan, Saylac iyo Muqdisho: Falsafadda Socdaalka iyo Isbeddellada Xaddaaradda

Socdaalka iyo sahanku ma noqon karaan agab si qotodheer loogu fahmo aadamaha? Sahamiyuhu se, isagoo ka gudbaya bado iyo xeebo, ma isku beddeli karaa qoraa sooyaaleeya fekerka, dhaqannada dadka iyo dhismaha, halkii uu kaga koobnaan lahaa soo gudbinta muuqaallo duleed? tijaabada Ibnu Batuuta ee xeebaha Soomaalida iyo Yaman tusaale ma u noqon kartaa fahanka xidhiidhka ka dhexeeya jiquraafiga iyo dadka, iyo xidhiidhka ka dhexeeya bulshada, maamulka iyo xaddaaradda? Wayddiimahani waa kuwo dhaafsiisan sohdinta wax iska wayddiinta jiquraafiga iyo tebinta tooska ah, gundhigna u ah fahanka in sahanku…

Feker
Dib u xorraynta Maanka

Hordhac Ngũgĩ wa Thiong’o waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay mid ka mid ah qorayaashii ugu waaweynaa ee kasoo baxay bariga iyo badhtamaha Afrikada madaw. Waxa uu ku dhashay Jannaayo 05, 1938-kii Kamiriithu oo ah degmo ka mid ah Kiiniya. Waxa uu ka soo jeeday qabiilka Kikuyu. Magaciisa saxda ahi wuxuu ahaa James Ngũgĩ, wuxuuna waxbarashadiisii hore ku qaatay dugsiyadii wadaaddada oo ahaa dugsiyo ay sameeyeen, maamulayeenna wadaaddo masiixi ah oo raacsan Ingisriiska kuwaas oo lagu dhigi jiray luuqadiisa hooyo. Laakiin, xaaladda ayaa xumaatay wixii intaa ka danbeeyay. Kacdoonkii Mau Mau ee laga ga…

Buug
Faallo Kooban oo ku Saabsan Sheekada Xilligii Hayaanka Waqooyi

Xilligii Hayaanka Waqooyi waa Sheeko faneed uu qoray qoraagii Suudaaniga ahaa ee ku maammuusnaa Cabqariga Sheekada Carbeed, Dayib Saalax (1929—2009). Marka loo eego qarnigii labaatanaad oo ay soo baxday (1966) waxay ku tirsan tahay sheekooyinka sarsare ee heer caalami gaadhay ee loo turjumay ilaa 20 af, waxaanay noqotay tobankii ugu mudnaa Afrika iyo sheekada koowaad ama labaad ee Carabta. Sheekadu waxay daarran tahay sida taban ee uu gumeystuhu u saameeyo nafsadda, aqoonta iyo si’aragga la-gumeystaha ka dib marka uu ka kaco. Sheekadu waxay ka dhacaysaa agagaarka tuulo ku taalla jiinka webiga…

Masrax
Dib u eegista Fekerka Joorj Oorwel

Raoul Peck, oo ah filinsameeye iyo u dhaqdhaqaaqe siyaasadeed oo Haytiyaan ah lagu na yaqaanno aflaan codka dulmanaha u taagan ayaa gu'gii 2025 la gole yimid bandhigga filimada ee Cannes dhakumentari 'Curis-filimeed/ Essay-Film' ah oo dib u eegis ku samaynaya fekerka noofaliistihii waynaa mudane Joorj Oorwel—si gaar ah noofalkiisii '1984' iyo aydhoolajiyadaha siyaasad-bulsheed ee Oorwel ku iftiimiyay noofalka. Agaasime Raoul Peck, waxaa lagu xusuusan karaa dhakumentarigii uu ka sameeyay qabyo qoraalkii uu ka dhintay Jaymis Baldwin ee 'I Am Not Your Negro' iyo dhakumentarigiisa kale ee uu ka…

Dhaqan
Dib u curashada Itoobiya iyo Dhaxalka Sooyaalka

Sooyaalku waa qodobka iftiimin kara, laguna fahmi karo isbeddellada hadda Itoobiya ka socda iyo hankeeda mustaqbalka. Sidoo kale waa waxa lagu fahmi karo siyaasadaheeda gudeed iyo kuweeda gobolka. Caddaynta ugu mudani waa qaabka uu Raysalwasaare Abiy Axmed, kolkii uu xadhiga ka jarayey Dhaamka Niilka, uu usoo qatay taariikhahaas iyo dagaalkii Itoobiyaanku la galeen gumeysigii Talyaaniga, isagoo ku nuuxnuuxsaday Dagaalkii Cadwa iyo wejigiisa cusub ee hadda u dhigma ku guulaysiga fulinta Dhaamka. Waxa ka mid ah sababihii dagaalkaas dedaalkii Talyaanigu ugu jiray qabsashada marinka koonfureed ee…

Feker
Warcelinta Wayddiintii: “Waa Maxay Iftiimintu?”

Hordhac Qormadani waa tii caanka ahayd ee uu Kaanti soo bandhigay, isaga oo ku qeexaya Iftiimintii oo xilligaa carcarteeda lahayd, falsafaddiisii naqdiga ahayd ayuu faaqidaad bisil oo hiraal ah ka soo dhiraandhiriyay. Qormadani waxay ka soo muuqatay "mareegtii Baarliin ee billaha ahayd" tirsigii bisha Diiseembar, sanadkii 1784. Waxay faallacelin u ahayd fiiro meel hoose kaga soo aroortay qormo uu faafiyay baaderi Burustataani reer Baarliin ah oo la odhan jirey Firidriij Toslaanar, isaga oo gaashaanka u daruuraya diidmadii guurka diiniga ah oo bulsha badan ka gadoodday, — halkudhigga…

Feker
Aragtida Tadawurka iyo Doodda Aragtida Islaamka ee Abuurka

Hordhac Doodda ku saabsan asalka noloshu waxa ay ka mid tahay su’aalaha ugu waaweyn ee bini’aadamka dhex yaalla. Aragtida tadawurka (evolution theory) oo National Geographic-gu ku qeexay inay tahay “aragtida doorashada dabiiciga ah ee nolosha” oo uu soo jeediyeen Jaarles Daarwin iyo Alfared wallace qarniyadii 19aad, ayaa sheegaysa in noocyada nooluhu ay ka soo farcameen nooleyaal hore, kuwaas oo soo sameeyay isbeddello yar-yar oo facba fac u gudbiyey. Haddaba, maqaalkan cilmiyeed waxa uu dib u eegi doonaa asalka aragtida tadawurka, sababta loogu baahday, waxa ay u taagan tahay iyo tusaalooyin…

Maltimiidhiya

Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Dawlad-Dhiska

Wareysigan waxa uu Cabdifataax Barawaani, oo ah qoraa iyo falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo fikirku, ku lafagurayaa dawlad-dhiska, noocyadeeda iyo dabeecadaha dhaqan iyo jiraal ee qofka Soomaaliga ah. Waxa uu ka jawaabayaa weyddiimo gundhig u ah fikirka bulshada iyo dawladnimada oo ku saabsan hanaqaad la'aanta dawladnimada Soomaalida. Wareysigan waxa uu Cabdifataax Barawaani, oo ah qoraa iyo falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo fikirku, ku lafagurayaa dawlad-dhiska, noocyadeeda iyo dabeecadaha dhaqan iyo jiraal ee qofka Soomaaliga ah. Waxa uu ka jawaabayaa weyddiimo gundhig u ah fikirka…

Raila Odinga: Dhaxalkiisii iyo Kaalintii uu ku Lahaa Dimuqraaddiyadeynta Kiiniya

In ka badan afartan sannadood oo uu si firfircoon ugu jiray siyaasadda Kiiniya, waa ay koobnaayeen guulaha shakhsiga ah ee uu ka gaadhay hoggaamin loo doortay. Haddana marna kama uu maqnaan kaalin hoggaamineed, waxa kale oo uu tiir u ahaa in badan oo lagu sheegi karo guulo qaran; waa Raila Odinga ... Dhaxalkiisii ayaa uu dhinacyo dhawr ka eegayaa Liibaan Maxamed Ciise oo ku xeeldheer taariikhda siyaasiga ah iyo dhaqaaleha. …

Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo?

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo? Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay baraha bulshadu u weyneeyaan muuqaallada iyo caannimada halkii ay weynayn lahaayeen xirfaddaha dhabta ah iyo aqoonta. Waxaa kale oo lagu falanqeeyey dib usoo celinta qiimaha aqoontu leedahay si loo gaadho daacadnimo iyo hal-abuur dhab ah oo dhiirigelinaya kartida iyo wax soo saarka qofka iyo bulshada. Barnaamijka waxa marti ku ahaa Saddaam Xuseen Carab, oo ah khabiir tiknoolaji. …

Milicsiga Somaliland: Siyaasadda, Qabiilka, Dhaqaalaha iyo Kaalinta Dawladda

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Milicsiga Somaliland: Siyaasadda, Qabiilka, Dhaqaalaha iyo Kaalinta Dawladda. Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay isku dhexgalaan siyaasadda xisbiyada, dhaqanka qabiilka, xuurtaysiga suuqa dhaqaalaha, kaalinta dawladda iyo si guud waxa ay dhamaan arrimahani uga dhigan yihiin jihada mustaqbal ee dalka. Waxaa barnaamijka marti ku ahaa aqoonyahan Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. …

Gabowga & Hab-nololeedka

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay muxaadiro cinwaankeedu ahaa: Gabowga & Hab-nololeedka – muxuu jidhkeennu degdeg ugu gaboobaa? Maxaan se ka qaban karnaa? Barnaamijkan waxa lagu lafa-guray xidhiidhka ka dhexeeya gabowga iyo hab-nololeedka maalin kasta. Waxa si gaar ah diiradda loogu saarey doorarka ay ka ciyaaraan cuntooyinka, jimicsiga, hurdada, maaraynta walbahaarka, iyo xidhiidhada bulsheed ee caafimaadka iyo cimriga dheer. Waxa kale oo lagu eegay waxa uu saynisku ka yidhaahdo gabowga dabiiciga ah iyo kan degdega ah, iyo xeeladaha caafimaadka iyo nolosha wanaagsan lagu ilaalin…

Waraysi

Waraysi
Maansada Baallaheeda kale

Hordhaca Turjumaanka: Maansadu waa dhaxal laga dheehdo hab-fekerka bulshada, iyo noloshooda dhaqan, siyaasadeed iyo dhaqaale. Maansadu waa humaag samayn. Maansayahanku, isagoo ka warramaya arrin siyaasadeed ama jacayl, waxa uu maansadiisa ku soo gudbiyaa waxyaabaha quruxda iyo qaayaha ugu astaysan dhaqankiisa, qiyamkooda iyo la falgalkooda nolosha, waxaana sunne ah mar kasta oo waayaha bulshadu is beddesho in suugaantooda laga dheehan karo, maansada Carabtu in ka badan suugaanteenna, casriga way la jaanqaaday. Cawaale Deeqsi waraysi uu ka qabtay Abwaan Weedhsame, wuxuu abwaanku ku xusay in…

Waraysi
Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Saamaynta ay ku Leedahay Dawlad-dhiska?

Qaybta 2aad (2/2): Dawlad-Dhiska iyo Dabeecadda Soomaaliga …

Waraysi
Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Saamaynta ay ku Leedahay Dawlad-dhiska?

Qabyta 1aad (1/2): Dabeecadda Qofka Soomaaliga ah iyo Waxyaabaha Saameeya…

Waraysi
Najax Haaruun: “Farshaxamiistuhu waa Jirjirroole “

Wadasheekaysigan uu Geesku la yeeshay Najax Haaruun oo ah farshaxamiiste, waxa uu ku arooraa kolka hore isbarashada Najax iyo Bulshada ay farshaxanka u asasho. Kolka xigta, wuxuu qaadaa dhigayaa guud ahaan farshaxanka iyo aydhiyooliyaddiisa, si gaar ahna waxa uu u sii guda gelayaa farshaxanka Najax iyo aragtida uu u taagan yahay. Kol kale, wuxu daaran yahay kaalinta farshaxamiistaha ee bulshada Soomaalida iyo si gaar ah haweenka iyo kaalintooda. Wadasheekaysigu, waxa uu ku biyo shubanayaa hilaadinta mustaqbalka farshaxanka, iyo waxa uu baahan yahay fankani si loo abuuro danayn hor leh oo ku…

Waraysi
Maxamuud Mamdaani: Xididdada Gumeysi ee Hannaanka Dawladnimada Cusub

Inta badan, sheekooyinka soojireenka ah ee ku saabsan samaysanka dawladnimada cusub ee laga soo bilaabo Heshiiskii Nabadda Westifaaliya, sannadkii 1648-kii, waxa loo arkaa bar kala qaybin, sababtoo ah waa dagaalkii ugu dambeeyey dagaalladii diineed ee Yurub, waana dagaalkii Soddonka Sanno. Sida sheekadani tibaaxdo, dawladnimada cusub kaalinteeda udubdhexaadka ah waxa loo arkaa ta dammaanadqaadaysa nabadgalyada rayidka, iyadoo u maraysa istixgelinta diineed. Hase ahaatee, Maxamuud Mamdaani, mufakirka caanka ah ee reer Yugaandha, waxa uu aaminsanyahay in sheekadani sidato weji ku kooban gudaha…