Skip to main content

Geeska Website

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil oo laga digayo inuu dalka u rogo furin dagaal goboleed

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu ka gudbay arrimo diblomaasiyadeed, isla markaana uu yeeshay waji amni iyo mid milatari oo xasaasi ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqdeen aag ay si xooggan ugu loollamayaan Israa’iil, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Sida lagu sheegay warbixin baadhitaan ah oo ay dhawaan daabacday shabakadda Maraykanka ee CNN, Somaliland ayaa lagu xusay inay qayb ka ahayd shabakad ballaadhan oo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil u adeegsatay…

Wacaal
Dagaallo ka qarxay Muqdisho xilli uu sii xoogeysanayo muranka doorashada Soomaaliya

Dagaallo culus ayaa galabta ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, oo ay ku jirto degmada Howlwadaag, kaddib markii xiisaddu kor u kacday agagaarka meel ay mucaraadku ku qorsheynayeen bannaanbax berri loo ballansanayay. Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, oo saaka u guuray Howlwadaag isaga oo isu diyaarinayay bannaanbaxa, ayaa sheegay in weerar lagu qaaday. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in hoygiisa la weeraray. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay “xubno maleeshiyaad mucaarad ah oo hubeysan” inay weerareen “xarun booliis” oo ku…

Wacaal
Somaliland oo safaarad ka furanaysa Quddus, xilli xidhiidhka Israa’iil uu dood gudaha ah ka abuuray Hargeysa

Somaliland ayaa sheegtay in ay dhawaan safaarad ka furanayso magaalada Quddus, halka Israa’iil-na la filayo in ay safaarad ka furato Hargeysa, tallaabo sii xoojinaysa xidhiidhka cusub ee labada dhinac kaddib markii Israa’iil ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in safaaradda Somaliland laga furi doono Quddus, isaga oo intaas ku daray in Israa’iil ay iyaduna safaaraddeeda ka furan doonto Hargeysa. Hadalka danjiraha ayaa yimid kaddib markii uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog,…

Wacaal
Somaliland: 35 Guuro Leh Tilmaamo Gooni ah

Waxa maanta Somaliland looga dabbaaldegay munaasabadda 18-ka May ee sannadkan 2026, oo ku beegan 35 guurada ka soo wareegtay 1991kii, markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya, 1dii Juulaay 1960kii. Munaasibaddan oo la xuso sannad kaste, waxa ay hadda leedahay miisaan ka duwan sannadihii hore, marka loo eego isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa diblumaasiyadeed ee u dambeeyay. Sannadkan, waxa ay Somaliland xusaysaa iyada oo, markii ugu horreysay haysata dal ka mid ah Qaramada Midoobay oo aqoonsaday, arrintaas oo jidka u furtay filashooyin xooggan iyo…

Wacaal
Wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo ku dhammaaday heshiis la’aan

Wadahadalladii sida weyn loo sugayay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka mucaaradka ayaa burburay Jimcihii, kaddib markii laba maalmood oo xidhiidh ah oo wada-xaajood ah lagu guul-darraystay in wax natiijo ah laga gaadho. Wadahadalladan, oo ka dhacay Muqdisho ayaa ujeeddadoodu ahayd in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka dastuurka dalka, muddada xil-haynta Madaxweynaha, iyo tubta doorashooyinka 2026-ka. Inkasta oo ay jireen wada-tashiyo xooggan iyo cadaadis sii kordhayay oo ka imanayay dhinacyada gudaha iyo saaxiibbada caalamka, haddana labada…

Faaqidaad

Faaqidaad
Muqdisho: Magaalo u Nugul Cabsi iyo Colaad

Muddo ka badan labaatan saacadood ayaa ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku jirtay qas, oo uu ka socday dagaal la is weydaarsanayey madaafiic iyo hubka culus, una dhexeeyey Xukuumadda Federaalka iyo hoggaanka mucaaradka, arrinkan oo keenay in gebi ahaan dhaqdhaqaaqii magaaladu istaago. Muddo todobaaddo ahba, xiisadda Muqdisho kor ayay usii kacaysay, dadkuna arrinkan waa ay ku baraarugsanaayeen. Xiisaddu waxa ay ka kacday dhaleecaynaha mucaaradku usoo jeedinayeen Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku dhaliileen in uu maroorsaday maamulkii doorashooyinka, waxaanay ku hanjabeen inay abaabulayaan…

Faaqidaad
Itoobiya Waxa ay u Baahan tahay Wax Doorasho ka Badan oo Dejiya Gudaha iyo Gobolkaba

Itoobiya waxa ay qabsan doontaa, 1-da Juun, doorashooyin, iyada oo ay jiraan qulqulatooyin aan damin iyo xiisado goboleed oo sii kordhaya.…

Faaqidaad
Imaaraadku Ma Aqoonsan Doonaa Somaliland?

Waxa suurogal ah in ay Somaliland qarka u saarantahay in ay aqoonsi caalami ah ka hesho dal labaad, dalkaasina uu noqdo Imaaraadka Carabta, ka dib shan bilood aqoonsigii ay Israa’iil siisay, oo ahaa go’aan muran badan dhaliyey, falcelinno badanna laga sameeyey. Filashooyinku waxa ay kor usii kaceen ka dib markii masuul Imaaraati ah, Dherar Belhoul al-Falasi, uu u caddeeyey kanaalka Israa’iiliga ah, i24, in aqoonsiga uu Imaaraadku siin doono Somaliland uu yahay wax dhacaya, horrayso ama dambayso. Al-Falasi oo madax ka ah shirkadda Cruisank and Dean Global Intelligence, horena uga tirsanaa…

Faaqidaad
Saamaynta Garaadka Macmalka ahi ku yeelan karo Doorashooyinka

Horraantii 2025, Dawladda Faransiiska ayaa ku eedaysay ninka adduunka ugu maalqabeensan, Elon Musk, ahna mulkiilaha barta caanka ah ee X oo hore loo odhan jiray Twitter, in uu faragaliyay doorashooyinka isaga oo isticmaalaya Algooriisamka iyo aaladda garaadka macmalka ah. Xeer-ilaaliyeyaasha Faransiiska ayaa, bishii Feebarwari 2026, baadhitaan ku sameeyay xafiisyada shirkaddiisa ee Baariis. Isla bishii Feebarwari ayaa maxkamad looga yeedhay Elon Musk, laakiin kamuu soo xaadirin. Kiiskan ayaa ka weyn qof kaliya oo la dacweeyo, waxa uu ina tusayaa sida garaadka macmalka ah, baraha bulshada iyo…

Faaqidaad
Mabda’a Dheefta: Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee 2018 Ka Dib

Geeska Afrika weligiiba waxa uu ahaa gobol isdiiddooyin badan kulmistay; dhinac waxa uu ahaa bar kulmisa jidad kala duwan oo jiho-siyaasadeed, muhiimad badanna u leh ganacsiga caalamiga ah, dhinac kalena, waxa uu ahaa fagaare ay gudahiisa ka socdaaan dagaallo gudeed iyo xasillooni la’aan. Sannad kastaba, tiro ku dhow afartan kun oo markab ayaa ka gudba Badda Cas, oo sida ku dhawaad boqolkiiba 40 shidaalka caalamiga ah, iyo alaab ganacsi oo qiimaheedu gaadhayo toddoba bilyan oo doollar. Marinkan ganacsi ee boqolkiiba 12 ganacsiga dunidu maro iyo saddex meelood meel ganacsiga ay is…

Aragti

Afrika ma ku Baraarugi Doontaa Dagaalka Iiraan?

Dagaalkii afartanka maalmood ku socday Iiraan, waxa uu dhaliyey saamayno dunida oo dhan gilgilay, oo laga yaabo inuu gaadhay heer aanay filaynin gorfeeyayaasha dagaalka iyo istiraatiijiyiintu. Waxa uu noqday dagaal nabarro waaweyn u gaystay dhaqaalihii caalamiga ahaa ee awalba hoobadka ku jiray, waxaanu ku sigtay inuu dhaqaale burbur gaysto. Waxa uu noqday mid fayda dakanooyinka halista ah ee ku maqan xidhiidhada caalamiga ah, oo ah dakanooyin uu sababay loollanka awoodaha waaweyni ugu jiraan khayraadka awoodaha yaryar ee la tunjileecsado. Iyada oo aan weli toddobaadkii koowaad ee dagaalku…

Sidee ayaa uu kusoo Afjarmi Karaa Dagaalka Iiraan?

Xilli saddex bilood kasoo wareegeen dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan, 28-kii Feeberweri ee 2026, xaaladda istiraatiijiyadeed waxa ay noqotay mid sugan oo taagan, si la yaab lehna u cad. Tallaabadii koowaad ee Maraykanka iyo Israa’iil dagaalka ku bilaabeen waxa ay ahayd isku day in nidaamka Iiraan lagu beddelo, se maalinkii koowaadba waa ay fashilantay. Laga soo bilaabo kolkaas, xaqiiqooyinka gundhigga ahi ismay beddelin. Maraykanka iyo Israa’iil ma jabin karaan Iiraan, muddo kasta oo ay dejistaan iyo kharash kasta oo ay galaan oo ay ugu diyaar garoobaan. Dhinaca kalena,…

Hirdanka Quwadaha Waaweyn ee Afrika: Faa’iido iyo Khasaare Is-barkan

Saamaynta sii laba jibbaarmaysa ee Shiinuhu ku leeyahay qaaradda Afrika waxa ay noqotay mid ka mid ah isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee ugu qotada dheer ee dhaca qarnigani 21aad. Xidhiidhkani ma aha mid ku kooban is-dhexgal ganacsi iyo mid maalgashi oo keliya, balse waxa uu u xuubsiibtay istiraatiijiyad awood-qaybsi oo dunida dib u qaabaynaya; hannaan ay waddanada Afrika kaga baxayaan kaalintoodii soo jireenka ahayd kuna suntanayd inay gees ka joogaan la-falgalka nidaamka caalamiga ah, iyagoo taa beddelkeedana noqonaya xuddunta loollanka qarnigan ee quwadaha waaweyn. Waxa aan odhan…

Culeyska Haybta: Dhugashada Sawraca Isir ee Soomaaliga

In badan oo ka mid ah buugagga iyo diraasadaha antaraboolajiga, cilmibaadhaha ku abtirsada isla bulshada uu daraasaynayo waxa ay u arkaan cilmibaadhe mudnaan gaar ah leh; sababtoo ah waxa uu garanayaa afkii, waxa uu fahmayaa dhaqankii iyo soojireenkii bulsheed, waxaanu awood u leeyahay inuu dadka la xidhiidho oo uu dunidooda si fudud ku galo. Se, maqaalka ay qortay cilmibaadhaha Soomaaliyeed ee Ayaan Yaasiin Cabdi, ee cinwaankiisu yahay “The Gaze and the Gesture: Hypervisible Insiderness and the Politics of Recognition in Somali Ethnography”, waa mid gebi ahaan fikraddaa hore beddelaya. Waa…

Qadiyadda Somaliland lama diimayn karo

18-ka Mey 2026, Somaliland waxa ay xustay 35 sanno ka dib kala soo laabashadeedii midowga ay la yeelatay Soomaaliya. Sannad-guurada sannadkani si bay uuga duwanayd 34-kii kale ee ka horreeyey. Markii ugu horreysay, Somaliland waxa ay u dabaaldegaysaa maalinta madax-bannaanideeda iyada oo ah dawlad ay aqoonsatay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay; Israa’iil, oo aqoonsi buuxa oo diblomaasiyadeed siisay 26-kii Diseembar 2025-kii, taas oo noqotay dalkii ugu horreeyey dunida ee sidaas sameeya. Jawaabta Muqdisho waxa ay noqotay in ay arrinta ku tilmaanto “duullaan qaawan” qaylo-dhaanna u dirto…

Dhaqan

Buug
Sirta Siraha: Maxaa Geerida ka Danbeeya?

Ka dib siddeed sanno oo uu maqnaa, qoraaga Maraykanka ah ee Dan Brown — boqorka furfurista summadaha taariikhda iyo halxidhaalaha farshaxanka — ayaa dib u soo laabtay isagoo soo bandhigaya su’aashiisii ugu weynayd ilaa hadda: maxaa dhacaya marka aynu dhimanno? Buuggiisa cusub ee “Sirta Siraha”, oo ah ka lixaad ee taxanaha mala’awaalka ah ee borofaysar Robert Langdon, Brown wuxuu ku dhex socdaalayaa safar xamaasad badan oo dhex maraya luuqyada magaalada Prague, isaga oo ku jira tartan lagu doonayo in lagu helo “furaha xikmadda ugu dambaysa”, oo ah sirta waxa ka dambeeya dhimashada. Sidii…

Feker
Garaad-Gacmeedku caqabad ma ku noqon karaa hal-abuurkaaga shakhsiga ah?

Barnaamijyada luuqadeed ee waaweyn sida ChatGPT waxay noqdeen kaaliye degdeg ah oo ay adeegsadaan ardayda, qoraayaasha iyo hal-abuurayaashu. Hal gujin gudaheed ayaa maqaallada lagu qoraa, jawaabahana lagu diyaariyaa, cilmi-baadhis iyo dadaal saacado badan qaadan lahaana la soo koobaa. Laakiin iyadoo aynu la dhacsan nahay fudaydkan yareynaya dadaalka iyo culayska garasho ilaa heerkiisa ugu hooseeya, daraasado cilmiyeed oo casri ah ayaa durba garaacaya badhanka digniinta, waa qiimo qarsoon oo laga yaabo inaynu mustaqbalka bixinno, kaas oo loo yaqaan “deynta garashada”. Sida ay “deynta farsamo”…

Feker
Bini’aadamku waxay canjilayaan luuqadda garaad-gacmeedka iyaga oo aan ku baraarugsanayn

Daraasad cusub ayaa daaha ka fayday in ay bini’aadamku durtaba bilaabeen inay qaataan hab luuqadeed si weyn ugu eg kan garaad-gacmeedka, sida ChatGPT. Isbeddelkan aamusan, oo ay ogaadeen cilmi-baadhayaal ka tirsan Machadka Max Planck ee Horumarinta Aadanaha ee Barliin, kuma koobnayn ereyada oo keliya, balse wuxuu gaadhay qaab-dhismeedka weedhaha iyo guud ahaan codka hadalka. Arrintani waxay dhalinaysaa su’aalo qoto dheer oo ku saabsan mustaqbalka luuqadda iyo kala-duwanaanta dhaqameed, xilli uu sii xoogaysanayo hab-fekerka mashiinnadu. Ka soo dheegashada sheekaysigeenna maalinlaha…

Dhaqan
Safarka Sheeko-xariirada Juxa

Juxa waxa uu ka mid yahay sheeko-xariirooyinka ugu faca weyn ee ay curiyeen dad la dulmay. Sheekooyinkiisu waa kuwo dunida ku baahsan, laga bilaabo Shiinaha ilaa jasiiradda Sisiliya, iyo Badhtamaha Aasiya ilaa maqaaxiyaha Anatoliya iyo Qaahira. Waxayna u muuqdaan inay yihiin dhaqanka ugu ballaadhan ee majaajillada iska-caabbinta ku dhisan ee dunidu taqaan. Waa sheekooyin bilawga u muuqda kuwo qosol leh, kuna saabsan nin nacas ah oo dameerkiisa dib-dib u fuushan, se aragtida cilmibaadhaha antarboolajiga ee Maraykanka ka soo jeeda, James C. Scott, xagal kale ayey ka taagantahay, “qoraal…

Buug
ka xoroobidda Saamaynta Gumaysiga: Siyaasadda Afka ee Suugaanta Afrika

Buuggan aynu faallaynayno waxa qoray Ngũgĩ wa Thiong'o (1938-2025) oo lagu tibaaxo in uu ka mid yahay suugaanyahannada culus ee ay Afrika hindistay. Waxqabadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo daarran sheeko-faneedda iyo aqoonta guud. Waxa uu ka mid yahay qoraayada ugu culus ee uguna magaca dheer wixii ka danbeeyay madaxbannaanidii Afrika iyo sida oo kale mid ka mid ah aragti-curiyayaasha deraasaadka gumaystaha ka dib. Waxa la isku raacsan yahay in uu ahaa qoraa gaamuray oo qalinkiisa cuddoon keliya aan ugu adeegin dadkiisa balse ku naqdiyay oo hilfaha ugu laabay gumaystaha iyo tabihii kala duwanaa…

Feker
Garaad Gacmeedka: Halis Qarsoon mise Fursad Cusub?

Waxaan ka mid ahay ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka wax ku barata, khaasatan aqoonta kombuyuutarka iyo barnaamijyadiisa. Markii aan arkay ardayda Soomaaliyeed ee kumanaanka ah ee jaamacadaha ka baxay casrigan, aragtidaydu waxay ila tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay heehaabayaan laba mowjadood oo is hareer socda. Waxaan is weydiiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee hiigsigoodu ahaa takhasuska cilmiga casriga ah, rajadoodu sidee ku dhammaan doontaa? Dhalinyaro badan oo cilmiga dijitaalka ah xirfad u leh ayuu maanta suuqii shaqadu ciriiri ku yahay, mana ay u suurto galin inay gaaraan…

Feker
Milicsi: Bookoob, Irridda Caalamka Akhriska

Habdhaqanka akhrisku waa astaan ilbaxnimo. Waa rootiin iyo dabeecad ay tahay in qof walba lahaado, waa na daruuro iyo lagama maarmaan nololeed. Sidaas oo ay tahay Soomaalida dhexdeeda weli si xooggan ugama hanaqaadin. Waa mid ka mid ah meelaha u baahan dedaal wadareed heerkasta leh in lagu bixiyo. Mid ka mid ah moodeellada ganacsi ee aan is leeyahay qaadhaan fiican bay ku darsanayaan dedaalka looga baahan yahay in lagu abuuro caadada akhriska, ayaan dhawaan la kulmay. Waa madasha buugta soo koobta ee turjunta, Bookoob. Bookoob waa madal loogu talagalay in lagu daabaco nuxurka buugta caalamiga…

Buug
Kalkii Hayaanka Waqooyi

"Waa aan soo noqday madaxeey. Sannado badan oo aan maqnaa ka dib, waa i kan... laakiin tani waa sheeko kale." Waa bilowga sheekada "Kalkii Hayaanka Waqooyi" mid ka mid ah fanka ugu heerka sarreeya ee uu aadanuhu curiyey. Bilawga sheekadu waa barbaar ka soo laabanaya qurbaha, gaar ahaan magaalada Landhan oo uu sannado badan ku maqnaa oo uu arday ka ahaa, kuna soo laabanaya tuuladiisa ku taallay dacalka webiga Niil. Barbaarku waxa uu u soo laabanayaa ehelkiisa oo sugayay oo ay in badan isu hiloobeen. Si weyn ayay u soo dhoweynayaan, oo ugu soo xoomayaan, iyagoona u riyaaqaya. "Markii aan is…

Galal

header icon

Aqoonsiga Somaliland

Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.

header icon

Arrimaha Soomaalida

Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.

header icon

Falastiin iyo Afrika

Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.

header icon

Colaadda Suudaan

Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.

Maltimiidhiya

Gumeysi-tirka Daraasaatka Soomaalida

Hadaljeedintan waxa uu Muxumed M. Muxumed kaga hadlay Gumeysi-tirka Daraasaatka Soomaalida iyo baahida loo qabo in dib loo eego sida aqoonta Soomaalida loo soo saaro, loo qoro, loona fasiro. Hadaljeedintu waxa ay ku saabsanayd waraaqdiisa aqooneed ee “Rethinking Somali Studies: Towards a Somali-centric Epistemology,” waxaanu ku falanqeeyay sida Daraasaatka Soomaalidu muddo dheer ugu tiirsanaayeen aragtiyo iyo kaydad gumeysi oo reer Galbeed ka yimid. …

Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga

Geeska waxa uu soo qabanqaabiyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga”, taas oo uu marti ku ahaa Dr. Cabdikariin Daahir Xasan, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada hormoonnada iyo caafimaadka dheef-shiidka. Muxaadaradan waxa lagu falanqeeyay sida nolosha casriga ah ee magaalooyinku u beddelayso caafimaadka bulshada, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya cuntada, walbahaarka, hurdo-yaraanta, fadhiga badan iyo korodhka xanuunnada daba-dheeraada sida macaanka, dhiig-karka, dufanka beerka iyo khataraha wadnaha. Dr. Cabdikariin waxa uu…

Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyey barnaamij cinwaankiisu ahaa: Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah. Barnaamijka waxa lagu lafa-guray sida haybta Soomaalidu u samaysanto, mararka qaarna dib loogu qaabeeyo dunida casriga ah. Kulanku waxa uu si gaar ah u eegay waayo-aragnimada Soomaalida, saamaynta caalamiyeynta, socdaalka, is-dhexgalka dhaqan, isku-xidhnaanta dhijitaal, iyo isbeddellada bulsho ee ku xeeran qofka, qoyska iyo bulshada. Kulanka waxa marti ku ahaa Maxamed Muuse Cali (Al-Macarri), oo soo bandhigay aragti milicsi leh oo ku saabsan haybta, dhaqanka, casriga iyo mustaqbalka…

Taaraabbuun La-ciyaarka iyo Siyaasadda

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyey barnaamij cinwaankiisu ahaa: Taaraabbuun La-ciyaarka iyo Siyaasadda: Hoggaaminta Xilkasnimada leh iyo Hufnaanta Maamul ee Xilligan Dhijitaalka ah. Barnaamijka waxa lagu lafa-guray isbeddellada siyaasadeed ee Somaliland, kor u kaca hadalka shacbiga lagu kasbado, iyo sida baraha bulshadu u saameeyeen doodaha siyaasadeed, hoggaaminta xilkasnimada leh, hufnaanta maamulka, iyo kalsoonida dadweynaha. Kulanka waxa marti ku ahaa Dr. Cabdiweli Cabdilahi Suufi, oo ah aqoonyahan iyo khabiir ku xeel dheer siyaasadda guud iyo maamulka. …

Werwerka: Shidaalka Nolosha ee ku Gubi Kara

Hadal-jeedintani waxa ay ku saabsan tahay mawduuca werwerka (Stress) oo ah culeysyada nafsadeed kuwaas oo marar badan ah awoodda qofka riixda ee uu ku shaqeeyo, in badanna noqon karta culeyska uu ka noolaan la’ yahay. Sidee loo maareeyaa werwerka? Waxaa marti ku ahaa barnaamijka Dr. Maxamed Xirsi, oo ah khabiir caafimaad, qoraa iyo cilmi-baadhe. Hadal-jeedintani waxa ay ku saabsan tahay mawduuca werwerka (Stress) oo ah culeysyada nafsadeed kuwaas oo marar badan ah awoodda qofka riixda ee uu ku shaqeeyo, in badanna noqon karta culeyska uu ka noolaan la’ yahay. Sidee loo maareeyaa werwerka?…

Waraysi

Waraysi
Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika

Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…

Waraysi
Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?

Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…

Waraysi
“Al-shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay leeyihiin iskaashi Istaraatiiji ah oo firfircoon”, Xuseen Sheekh Cali

Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…

Waraysi
“Dastuur dimuqraadi ah ma shaqeyn karo haddii aysan jirin kala-duwanaansho siyaasadeed” Nathan Brown

Muddooyinkii u danbeeyay mandaqadda ay dhacaan dalalka carbeed waxa ay la kulantay isbeddello waaweyn oo natiijadii ka dhalatayna ay sababtay in dalal badan oo Carbeed dastuurradooda dib u qoraan. Waddamadaas waxa aynu ka xusi karnaa Masar, Tuunis, ilaa ugu danbayn Suuriya oo uu dhammaadkii 2024 ka dhacay isbeddel la yaab leh. Xidhiidhka ka dhexeeya badanka qoraalka dastuuriga ah iyo waaqaca siyaasadeed ee mandaqadda Carbeedi waxa uu ka mid ahaa arrimaha ugu murugsanaanta badan. Iyada oo dastuurka loo dhigay in uu noqdo heshiis bulsheed oo dabar u ah suldada, ilaaliyana xuquuqda dadka, ayey…

Waraysi
Amiir Taaj al-Sir: “Wax Qoristu Waa ii Mashruuc”

Diktoorka iyo qoraaga reer Suudaan ee Amiir Taaj al-Sir waxa uu 1960-kii qoraalka kusoo galay maansada, ka dibna waxa uu sii dhex galay dunida sheekofaneedda. Qoraalladiisu waxa ay la gaar yihiin isku milidda waaqaca Suudaan iyo qaraa’ibnimada, waana qoraallo ku qoran af jaadgoonni ah oo hodan ah, sheekooyinkiisuna waxa ay sal u ah tebin cuddoon. Waa tilmaamo ka muuqda sheekofaneeddiisii koowaadba, Karamakool, oo sannadkii 1988-kii la faafiyey isagoo weli arday caafimaadka barta ka ah Qaahira. Waa sheeko judhiiba ku biirisay safka qoraayada waaweyn ee sheekooyinka, weliba Suudaan oo keliya ma…