Skip to main content

Geeska Website

Tuesday 24 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin

SIYAASAD

Siyaasad
Falanqayn: Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan

Maqaalkan oo xuquuqdiisa ay leedahay Al-Jasiira isla mar ahaantaana madasha Geesku ay soo turjuntay waxa uu ka faalloonayaa nooca isbahaysi ee u dhexeeya saddexda dawladood ee kala ah; Shiinaha, Ruushka iyo Iraan.

Siyaasad
Deegaanka Tigraygu Dagaal Dambe Diyaar uma aha

Jid cidhiidhi ah, boodh badan oo qarfo ah waxa dhinac teedsan teendhooyin ay ka muuqato astaanta buluugga ah ee Qaramada Midoobay, oo muddo afar sanno ka badan hoy u ah 28 kun oo qof oo qaxoonti ah. Xerada Adi Mehameday waxa ay 82 km u jirtaa magaalada Shire, ee gobolka Tigray, waqooyiga Itoobbiya. Waa xero hoy u ah qaxoonti tiradiisu koobantahay, kolka la barbardhigo halkii milyan ee barakacay, welina aan kusoo laaban guryahooda, walow uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey TPLF iyo ciidamada dawladda Itoobbiya 2dii Noofambar ee 2022-kii. 

Siyaasad
Fatahaadaha Soomaaliya: dhibaato aan dhammaad lahayn

Iyada oo ay joogto noqdeen dhibaatooyinka siyaasadeed iyo nabadgalyo ee Soomaaliya, waxa kale oo jira dhibaatooyin bini’aadamnimo iyo bulsho oo aan ka halis yarayn. Dhibaatooyinka kuwa ugu mudan in la sheego waxa ka mid ah fatahaadaha soo noqnoqda, ee dhaca xilli roobaad kasta, iyagoo ka dhasha kor u kaca heerka biyaha qulqula labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee kasoo bilaabma dhulka sare ee Itoobbiya.

Siyaasad
Geerida Madaxweynihii ugu saboolsanaa dunida

Dhawaan waxa dunida ka baxay Jose Alberto Mujica (1935 – 2025), oo madaxweyne ka noqday Urugway muddadii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015. Waa madaxweynaha lagu tilmaamo, laguna tilmaami doono madaxweynihii dunida ugu saboolsanaa. Dunidan hadda ee wax kasta degdegga yihiin, laguna koobsado cinwaannada soo jiidashada leh, weedhaas kooban ninkan iyo sooyaalkiisaba lagu soo koobaa, laguna aasaa aragtidiisii iyo falsafaddiisii. Intaas baa lagaga koobsadaa madaxweynahan lagu bartay isdhuldhigga, boqolkiiba sagaashan mushaharkiisana u qaybin jiray saboolka.

Siyaasad
Dal ku Galka iyo Khariidadda Cusub ee Dunida

Waxa soo dhawaaday xilligii safarka, madaarka Baariis ee Charles de Gaulle-na waxa laba saf oo siman taagan dad sugaya xafiiska shaambadaynta baasaaboorrada. Waa laba saf oo dadka taagani galayaan hal safar oo hal meel tagaya; hal meel bay u wada socdaan oo ah caasimadda Aljeeriya. Farqi weyn baa u dhexeeya labada saf, oo midkood baa midka kale aad uga dheer. Judhaba waxa aad is wayddiinaysaa sababta qof ku khasbi karta in uu doorto safka dheer. Waxyar kaddib mid ka mid ah socotada safarkan galaya ayaa ogaanaya in uu taaganyahay saf khaldan, walow hal safar uun yahay.

Aragti

Maxaa ka dhigaya shaacsanaha baraha bulshada mid saameyn xooggan leh?

Haddii aad akhriyeysid maqaalkan, waxa suurogal ah in aad lingaxa maqaalka kasoo heshay baraha bulshada, oo uu kaaga soo horbaxay qoraallada tirobeelka ah ee baraha bulshada is weydaaranaya, kuna saabsan hal mawduuc. Wakhti xaadirkan waxa suurogal ah in la qaadaadhigayo mawduuca [dagaalka Israa’iil iyo Iiraan] amaba laga faalloonayo mawduuc kale oo wax kusoo cusboonaaday nolosha lagaga hadlayo, adeegsadayaasha baraha bulshaduna ku wada jeedaan.

Israa’iil Waxa ay Duminaysaa Tiirkii Jiraalkeeda

Bishii Ogos ee sannadkii 1945-kii waxa uu Maraykanku ku dhuftay Jabbaan labo bambo oo nukliyeer ah. Labo magaalo, Heroshiima iyo Nagasaaki, ayaa uu ka dhacay wax u eeg qiyaamihii waxana ku dhintay dad ku dhaw rubuc malyan. Waxa ay ahayd dhacdadii ugu saameynta badnayd qarnigii tagay taas oo muddo dheer dunida cabsi ku sii xukuntay. Waxa ay soo afmeertay Dagaalkii 2aad ee Dunida oo waxa ay taladii adduunka gacanata u galisay Xulafadii uu Maraykanku hoggaaminayay.

Maraykanka oo Soomaaliya ka baxaa waxa ay sii xoojinaysaa Argagixisada

Sida muuqata, wax badan oo togan iskama beddelaan habka uu Maraykanku ula dhaqmo Soomaaliya. Tobannaan sanno, xidhiidhka Maraykanku la leeyahay dalkan goobta istiraatiijiga ah ku yaallaa waa xidhiidh iska daba wareeg ah oo aan isbeddel badan lahayn. Waa faragelin dardar leh billawga, se ku dhammaata faro ka qaadis iyo dhabar u jeedin iyo in uu muddo is moogaysiiyo.

Yaa Xiga Liiska Israa’iil?

Dowladda israa’iil waxay xalay [habeenkii 12-ka Juun 2025] beegsatay meelo muhiim ah oo ka tirsan gudaha dalka Iiraan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: saraakiil ciidan oo heer sare ah, saynisyahanno ka shaqaynayey barnaamijka nukliyeerka, iyo xarumaha nukliyeerka laftooda. Weerarkan ayaa lagu dilay saraakiil culus oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Guud ee Ilaallada Kacaanka Xuseen Salaami, iyo Madaxa Taliska Guud Maxamed Baaqiri, iyo sidoo kale tiro ka mid ah saynisyahannadii ku lugta lahaa mashruuca nukliyeerka.

Dhammaadka boqortooyada Maraykanku kama dhigna dhammaadka adduunka

Xilligan oo awooddii maraykanku furfurmayso, Koonfurta Dunida waxa ku waajib ah in ay iska caabbiyaan u hilowga tagtadii. Awoodo badan oo isu dhigma dunida si iskood ah ugama hirgali karaan, ee waa wax ay tahay in lagu dhiso halgan.

Dhaqan

Buug
Falaasifada iyo Jacaylka

Si ka duwan suugaanyahannada oo  jacaylku u yahay mawduuc weyn oo kaalin weyn ku leh qoraalladooda gabay iyo sheekoba, falaasafadu dhankooda mawduuca jacaylku waa mid ay ka labalabeeyaan, oo badhkood yasaan, kuwo kalena aad uga gaabsadaan ka hadalkiisa. Inta badan jacaylku waa mid iska caabbiya hababka kala duwan ee maangalnimada. Qodobkani waa sababta uu faylasuufkii reer Jarmal, Shoobnehawar uu ula yaabay in “mawduuc kaalintaas weyn kaga jira nolosha aadamaha, aanay falaasifadu u kuurgelin ilaa hadda”.

Masrax
Taxanaha “Severance”: Kala Qaybinta Murugada iyo Kadeedka

Billawgaba waad liqaysa fikradda taxanaha kolka aad aragto Maark (Adam Scott) isaga oo baabuurkiisa saaran oo ilinta iska tiraya. Waxa uu hortaaganyahay shirkadda Lumon oo uu ka shaqeeyo. Ilbidhiqsiyo kaddib marka uu ilinka xafiiskiisa cagta saaro waa qof kale, gabi way is beddelayaan xariijimaha wajigiisu, isaga oo wahabkii saarnaa ka tirmayo, oo hal mar dhoolla caddayn layaab leh muujinaya, tallaabo fir-fircooni lehna qaadaya.

Masrax
Faallo Filin: Cabsidu Ruuxday Cuntaa

Hordhac

Dhaqan
Sooyaalka Lacagta shalay iyo maanta

Goortu waa bilowgii hore ee aadamaha. Goobtuna waa meel uu ka baxaayo dab ay koox dadkii hore ka mid ahi kulaalayaan. Mid ka mid ah ayaa yidhi: “Waxarkaa yar ma i siin kartaa hebelow ?” Dabadeedna gacanta ayaa laga saaray. Qiimihiisa muu wayddiinin, lacagna laga ma codsan; waayo noloshu waxa ay ku dhisnayd iskufilnaansho iyo deeqsinnimo, dhaqaaluhuna mid ay bani’aadnimimo ku dheehan tahay oo ku turjumaaya haybta qofka iyo karaamadiisa ayaa uu ahaa.

Feker
Istanbuul: Magaaladii Dunidu ay Jeclayd

Magaalada Qusdandiiniya (magacii hore ee Istanbuul) waxa ay caasimad u ahayd dawladdii Cusmaaniyiinta, dunidana waxa ay kaga jirtay kaalin weyn, waxaanay magac weyn ku lahayd magaaloyinka kulansada jinsiyadaha iyo diimaha kala duwan.

Dhaqan
Cidlada iyo Kelinimadu maxay ku kala duwanyihiin?

Hadda oo aan jiro siddeetan iyo toddoba sanno, keligay baan noolahay. Waxa aan keli ku ahay guri yar oo beer ku yaalla, lana dhisay 1803-kii. Halkan buu qoyskaygu ku noolaa waxii ka dambeeyey Dagaalkii Sokeeye [ee Maraykanka]. Geeridii awoowgay kaddib, ayeeyday Kate ayaa halkan kelideed ku noolayd, saddexdeeda habloodna marar soo booqan jireen. 1975-kii ayaa ay Kate dhimatay iyada oo sagaashan iyo toddoba sanno jir ah, anigaana ka dhaxlay oo booskeedii galay. Afartan sanno iyo dheeraad baan halkan ku noolahay, oo aan maalintayda ku qaataa laba kursi midkood.

Dhaqan
Ngugi wa Thiong'o: Curiyihii Riyooyinka

28-kii May waxa la shaaciyey geerida qoraagii reer Kiiniya ee Ngugi wa Thiango, oo lagu ladho hormuudka suugaanta Afrika, muddo dheerna u sharraxnaa helidda abaalmarinta Noobal-ka, walow aanu helin. Waa nolol dhereran 87 sanno ah oo kusoo idlaatay dhaxal feker iyo suugaaneed oo aad u xeeldheer, jaadgoonnina ah, iyo nolol aanu marna ka tanaasulin waxa uu rabo, riyadii u hiraysay iyo hankiisii ahaa in laga xoroobo gumaystaha.

Feker
Suugaantu waa daawada Maanka

Guud ahaan akhrinta iyo dhegaysiga suugaanta, gaar ahaan suugaanta soo-jireenka ah (classical literature), sida diiwaannada gabayada iyo sheeko faneedyadu waxay leeyihiin faa’idooyin badan oo la xiriira horumarinta garaadka iyo caafimaadka dhimirka. Si gaar ah waxay waxtar badan u leedahay da'yarta.

Maltimiidhiya

Abwaan Weedhsame: Dhallinyarada & Siyaasadda

Barnaamijkan Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) waxa uu kaga hadlay suugaantiisa ku saabsan kaalinta siyaasadda fashilka ahi ku leedahay rejada iyo mustaqbalka dhallinyarada. Weedhsame waxa uu ku cabbiray aragtidiisa maansooyin xambaarsan fariin bulsho oo dheelli tiran kuna saabsan waddaniyadda, dawladnimada, iyo mas’uuliyadda jiilka cusub.

Somaliland Halkee ayey Taagantahay 34 Sannadood Kadib?

Bisha May waxa ay umadda reer Somaliland uga dhigantahay bil halgan, bil madaxbannaani iyo bil dabaaldeg. Waxa loo soo maray jid dheer oo qodxo leh si loo helo maalintaas qaranimada, taas oo maanta lagu naaloonayo nabad iyo dawladnimo. 13-ka May 2025, waxa qabsoomay barnaamij gaar ah oo cinwaankiisu ahaa: “Somaliland Halkee Ayay Taagantahay 34 Sannadood Kadib?” kaas oo ay Geesku qabanqaabisay. Barnaamijkan waxa si qoto dheer loogu falanqeeyey sooyaalka 34-jirsaddey ee Somaliland, halka ay maanta taagan tahay, iyo halka la filayo in ay u socoto.

Saamaynta Dhaqaala-Siyaasadeed ee uu Qaadku ku Leeyahay Somaliland

Cilmi baadhistan ayaa lagu soo bandhigay xarrunta ‪@GeeskaPlatform‬ , taas oo cinwaankeedu ahaa Saamaynta Dhaqaalo-Siyaasadeed ee uu Qaadku ku Leeyahay Somaliland.

Waraysi

Waraysi
Soo Afjaranka Hindisihii ‘Dhammaadka Taariikhda’

Mashruucii La Dagallaanka Argagixisadu waxa uu daaha ka qaaday xuduudda Libiraaliyadda, waxaanu isbeddel ku keenay siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, isaga oo muujinaya in loo guuray xilli cusub oo dib u qaabaynta hannaanka dunida ah. Faysal Cali waxa uu Murtada Xuseen kala sheekaysanayaa sida heerkan lagu soo gaadhay iyo sababaha keenay.

Waraysi
Samiira Gaydh: “Muqdisho halis kuma jirto, se waa ay ku hareeraysantahay”

Samiira Gaydh oo ah falanqeeye amni ayaa Geeska uga warrantay caqabadaha iyo dib u dhacyada ay xukuumaddu kala kulantay al-Shabaab muddooyinkii u danbeeyey, iyo sidoo kale hubanti la'aanta mustaqbal ee hawl galka Nabad ilaalinta Midawga Afrika.

Waraysi
Cabdullaahi M Cawsey: "Xaaladda Soomaaliyi ku jirto waxay qofka ku sababi kartaa cillado nafsadeed”

Sidii qarankii Soomaaliyeed u burburay waxa laga bixi la'yahay xasilloonidarro bulsheed. Waxa abuurmay bulsho nooc kale ah. Waxa macruuf ah kolka ay ummaddu gasho hoobad bulsheed oo dhan walba ah in isbeddel weyni ku dhaco qaayasoorradeedii, sida oo kalana xadhgalo qaabdhismeedkeedii bulsheed. Buuggiisa "Losing the Art of Survival and Dignity", Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa uu ku gaalaabixiyey is dhalanrogga bulsheed ee Soomaalida ku dhacay.

Waraysi
Kulanka Saddexda Tiir ee Sayniska, Falsafadda iyo Suugaanta

Marcelo Gleiser: bare sare oo ka dhiga fiisigiska, xiddigmaalka iyo falsafadda dabeecadda jaamacadda Dartmouth ee ku taalla Maraykanka. Tiroba shan buug ayuu daabacay. Wax ay asaaskeeda dhigeen isaga iyo Adam Frank boloogga 13.8 kaas oo taabacsan degelka Big Think, iyaga oo u kuurgalay kor u qaadista quruxda aqoonta, fiisigiska gaar ahaan.