Hordhac: Dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo ururka al-Shabaab ee xidhiidhka la leh ururka al-Qaacida ayaa galay marxalad adag, iyadoo kooxda xagjirka ahi ay kordhisay weerarradeeda, si ay u gaadho guul istiraatijiyadeed oo beddeli karta awoodda siyaasadeed ee dalka. Tan iyo bilowgii sanadkan, Xarakada al-Shabaab waxay xoojisay hawlgalladeeda milatari, iyadoo ka faa’idaysanaysa habacsanaanta amniga ee ka jirta gobollada dalka, khalkhalka siyaasadeed, iyo mashquulnimada dowladaha gobolka iyo caalamka oo ku foogan arrimo kale.
Min Suudaanta Koonfureed ilaa Soomaaliya, iyo Tigreega ilaa JDK, sannadka 2025 waxa uu la curtay suuragalnimada in ay colaado cusub oo waaweyni ka qarxaan Afrikada Bari. Ka hortagista dhicistaasi, maaha xal waaraya.
Masuuliyiin aad ugu dhow madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhiirrigeliyey in uu aqoonsado Soomaalilaan. Codsiga ay masuuliyiintani soo jeediyeen waxa kale oo taageersan hoggaanka sare ee Golaha Aqalka Sare. Xaaladahan soo cusboonaaday awgood, safaaradda Soomaaliya ee Maraykanku waxa ay hawlgalisay mid ka mid ah shirkadaha saamaynta leh oo ku taalla Washington, si ay uga hawlgalaan ka hortagidda aqoonsiga Soomaalilaan. Waxa muuqata in Soomaaliya isu diyaarinayso dagaal adag muddada uu xilka hayo Donald Trump.
Sidee al-Shabaab uga falcelin doontaa riditaanka nidaamkii al-Asad? Stig Jarle Hansen oo ah khabiir u dhuundaloola kooxda ayaa falanqaynaya sida warbaahinta al-Shabaab u tebisay tallaabadii Ururka Xorraynta Shaam qaaday iyo saamaynta ay yeelan karto.
Iyada oo muddooyinkii dambe la baahinayey warbixinta ku saabsan in maamulka Trump ka fekerayo in uu Soomaalilaan u aqoonsado dal madaxbannaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Daahir Xasan Cabdi, waxa uu qoray maqaal aragtiyeed uu ku baaqay in Maraykanku taageero midnimada Soomaaliya. Doodda safiirka waxa ku jira khaldaad dhawr ah oo burinaya xujada dooddiisa, sidan hoose ayaanan u faahfaahiyey:
Sheekada Cilmiboodhari iyo Hodan waa mid sooyaalka Soomaalida meel muhim ah kaga suntan, waa sheeko suugaan badan laga halabuuray oo cilmibaadhiso lagu sameeyay, waxa jirta cilmibaadhis ku tilmaantay in uu Cilmi ahaa suufi suugaantiisu tasawuf daaran tahay oo ku dhararinaysa Jalaaladiin Ruumi.
Sannad kasta bisha Febraayo waxa la xusaa dhalashada sahamiyihii reer Marooko ee Ibnu Batuuta. Socdaalkii sahamiyahani, taariikhyahannada, cilmibaadhayaasha iyo turjumaannada Carbeed iyo kuwa dunida kale, kuwii hore iyo kuwa xilligan ba, waxa uu ka helay danayn gaar ah, qiimaha taariikheed, aqooneed iyo bulsheed ee ku duugan awgii.
Tan iyo Markii Madaxweyne Trump ku baaqay hakinta deeqihii calaamiga ahaa ee Maraykanku bixin jiray, gurxan lagu dhega barjoobayo ayaa ka soo yeedhay caasimadaha Afrika, haddana, si kastoo go'aanka xukuumadda Trump u yahay mid arxan daran, masuuliyaddu waxay saaran tahay madaxda Afrika ee in ka badan 70 sanno ku fashilmay in ay bulshooyinkeenna u abuuraan maceeshad waarta.
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxaladda jiilkii saddexaad ee dagaalyahannada ajaanibta ah ee jihaad-doonka ah, waxaana metela dagaalyahannada ajaanibta ah ee hadda ku jira Daacishta ka dagaallamaysa Buntilaan. Hawlgalka milatari ee maamulka Buntilaan ku qaaday ururka Daacish ee ka dagaallamaya buuraha Calmiskaad waxa uu daaha ka qaaday joogitaanka tiro badan oo ajaanib ah oo ka barbar dagaallamaya Daacish, kana soo jeeda dalal Carbeed iyo Bariga Afrika.
Sida aadamuhu u jecelyahay in uu dadka kale u taliyo waa arrin amakaag leh. Ma fahmo sababtiisa, sida aanan u fahmin sababta uu qof u jecelyahay in uu carruur dhalo ama uu ciyaaro shaxda Settlers of Catan. Xitaa mala’awaallada roomaansiga ah ee ku dhisan is jajuubku iima cuntamaan si shakhsi ah. Maxaan ku jeclaan karaa in aan dadka kale madax u noqdo? Maxaan ku khasbi karaa in ay sameeyaan? Ma in ay cashuurtayda bixiyaan? Waa wax u muuqda sabab la’aan, se dhibaato weyn xambaarsan.
Qoraalkani waa soo-koobid laga soo tarjumay warqad ballaadhan oo af Ingiriisi ku qoran looguna tala-galay aqoon-is-weydaarsi lagu magacaabay "Power, Marginality and Oral Literature" oo uu qabanqaabiyaya Dugsiga Darsidda Bariga iyo Africa (School of Oriental and African Studies) ee Jaamacadda London, Jeenawari 1991. Warqaddu waxay ka hadlaysaa maansada dumarka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay sawiridda arrimaha siyaasadda, dhaqanka, iyo guud ahaan nolosha bulshada.
Wargaysyada iyo majalladihii u dambeeyey ee boqortooyada Cusmaaniyiintu waxa ay soo tebin jireen wararka ku saabsan dagaallada Soomaalidu kula jirto gumaystayaasha reer Yurub, waana arrin ka turjumaya sida masiirka Soomaaliya muhiim ugu ahaa.
Waxaan ku dhashay hawd. Wax kale kuma garatide hawd ciid cas leh, qofka ku cusubi u malaynayo inay tahay besbaas case. Halkaasi waxay ahayd meel inkaaran oo nolol habaaran laga ga nool yahay. Sidaas iiguma ay muuqan berigii aan joogay iyo sanooyin badan oo ka dambeeyay oo aan reer magaal isku dhalanrogay. Haa!, dhalanrog baa igu dhacay waliba mid aad u qotodheer.
Qaar ka mid ah mustashriqiinta iyo taariikhyahannada reer Galbeedku waxa ay isku dayaan in ay meel mariyaan hadallo barkumataal ah oo ku saabsan Bariga Dhexe; sooyaalkiisa iyo bulshooyinkiisaba, hadalladaasna u ekaysiiyaan cilmibaadhisyo aqoon laga korodhsanayo. Isku daygoodu waxa uu koobsanayaa guud ahaan ilbaxnimadii Carabta iyo Islaamka, si gaar ahna waxa uu u taabanayaa boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Wil-wille waa ciyaar dhaqameed Soomaaliyeed oo fac weyn, salkana ku haysa dhaqanka cuddud-layliga dagaalyahannada Soomaaliyeed, iyada oo laga soo dheegtay xeeladaha iyo hannaanka dagaalka. Asal ahaanna waxaa la dheeli jiray xilliyada lagu jiro guubaabada dagaalka iyo munaasabadaha lagu xuso guulaha iyo libta laga gaadho cadawga. Ciyaartan, oo ragga gaar u ah, ayaa door muhiim ah ka qaadan jirtay dhiirrigelinta geesinimada iyo xoojinta niyadda dagaalyahannada.
Dedaallada Geesku ugu jiro baahinta xogaha ku saabsan Geeska Afrika dartood, mareegtu waxa ay goonni u soo qaadatay taxane buuggag iyo maqaallo isugu dhafan oo suugaan iyo sooyaal ah, muhiimna u ah dadka danaynaya gobolka. Qaybtan saddexaad oo taxanaha ka mid ah, waxa aynnu ku soo bandhigaynnaa qaab-dhismeedkii Islaamiga ahaa ee Geeska Afrika ka jiray, innaga oo dib u akhrin ku samaynayna maqaal ay qoreen labada cilmibaadhe ee reer Isbayn, Carolina Cornax-Gomez iyo Jorge de Torres Rodriguez, oo ka tirsan Maxadka Culuumta Raadraaca oo raacsan Golaha Sare ee Cilmibaadhista Isbayn.
Inta badan waalidka kala taga ee qoysku ka burburo, waxa ku yimaadda, dhibaatooyin badan, oo saameeya nolasha waalidka iyo ta ubadkaba. Waxa ubadka iyo waalidkaba ku reebma doogo nafsaddeed oo ay la noolaadaan, una gudbi karta jiilasha danbe ee ka tafiirmi doona. Sheekadan waxay si qotadheer u sawiraysaa mid la mid ah burburka qoys ee Soomaalida iyo sida ay saameyn ugu reebto carruurta. Marka waalidku kala tago, carruurta ayay mararka qaar kala qaataan.
Sheekagaaban oo mala-awaal ah, taas oo ka turjumaysa qayb yar oo ka mid ah nolosha magaalada Hargeysa, oo u taal qaab cusub.
Muuqaalkani waxa uu soo gudbinayaa qoraal waraysi ah oo uu Faysal Cali oo ka tirsan bahda Geesku uu la yeeshay Stuard Reid, qoraaga buugga The Lumumba Plot, kaas oo qoraagu dib ugu eegayo dilkii shirqoolka ahaa ee Lamuumba, isagoo si gaar ah diiradda ugu saaraya doorkii uu Maraykanku ku lahaa shirqoolka Lamuumba iyo u jilba dhigista xukuumadda mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ugu haldoorsan.
Hoggaamiyayaasha Geeska Afriki waxa ay aad u hadal hayaan faa’idooyinka badan ee ay leedahay in ay bulshooyinkooda u dhisaan dekado, taas oo saldhig u ah mashaariicaha ay ku hormarinayaan degaannadooda.
Ibraahin Rasool oo danjire u noqday Koonfur Afrika, taliskii midabtakoorkana la dagaallamay, wuxuu Geeska uga warramayaa sababta uu dalkiisu u dacweeyay Israa'iil, waxa ay taasi uga dhigan tahay, iyo sida qadiyadda Falasdiin ay ugu dhowdahay qalbiyada reer Koonfur Afrika.
Muddo-xileedkiisii hore, Donald Trump waxa uu oggolaaday tiro duqaymo cirka ah oo ka badan isu gaynta intii la fuliyey muddo-xileedyada madaxweynayaashii ka horreeyey. Toban maalmood oo ka mid ah muddo-xileedkiisan labaad, waxa uu amray in duqaymo kale la fuliyo. Geesku waxa uu la hadlay weriye Amanda Sperber, oo ah weriye ruugcaddaa ah, soona tebisay warbixinno badan oo ku saabsan duqaymahaas iyo saamaynta ay bulshada rayidka ah ku leeyihiin.
Najma Raage iyo Halgan Daahir waa laba gabdhood oo himilo sare leh. Waa gabdho ka gadoodsan caqabadaha ku gudban haweenka Soomaalida. Waa laba gabdhood oo dhiirran oo diyaar u ah in ay dumiyaan darbigaas, oo ay u halgamaan in gabdhaha Soomaaliyeed noqdaan kuwo leh dhamaan xuquuqda iyo karaamada qofka biniaadanka ah. Najma Raage waa turjumaannada buugga “Ha i oran waan cabsanayaa”.
Farduus Maxamed Dheere oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha dumarka iyo carruurta oo ka midahaldoorka ururada bulshada ee Soomaalilaan (ah aasaasaha Sirad Initiative), ayaa uga warrantay Geeska muhiimadda ay leedahay maalinta caalamiga ah ee haweenku, iyo waxa ay uga dhigan tahay haweenka Soomaalilaan, iyadoo xustay in aanay haweenka reer Soomaalilaan matalaad la sheego ku haysan laamaha dawladda, ilaa haddana ay maqan yihiin xeerarkii ilaalin lahaa xuquuqda iyo ammaanka dumarka..
Fannaanka Soomaaliga ah ee Mustafe Saciid ayaa kala sheekaystay Geeska sida shaqooyinkiisu u weeleeyaan haybta Soomaalida, isagoo isku ladha agabka hiddaha iyo qaababka fanka shacbiga ah ee casriga ah (pop culture) si uu u dhaliyo dood daaran hiddaha iyo casriyawga.
Sucaad waraysigan ay Geeska siisay waxa ay ku soo gudbinaysaa isbeddelada ku yimi shaqooyinka arrimaha gargaarka, musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira iyo hab fekerka dadka hadda ku biira shaqooyinka gargaarka.