Skip to main content

Geeska Website

Wednesday 15 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Wacaal

Wacaal
Faahfaahin Ka Soo Baxday Qodobbada Is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan

Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo la sheegay in uu dhigayo joojinta colaadda iyo bilowga hannaan lagu gaadhayo heshiis kama-dambays ah. Bloomberg ayaa sheegtay in ay heshay qodobbo ka mid ah heshiiska dhex maray labada dhinac, sida ay soo gudbisayna waxa ay u dhigan yihiin sidan: • ​Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ku dhawaaqayaan in ay si degdeg ah oo rasmi ah u soo afjareen dagaalkii ka socday furimaha oo dhan. • ​Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ballanqaadayaan in aanay qaadi doonin wax tallaabo colaadeed ah, kana…

Wacaal
​Somaliland iyo Israa’iil: Kulan Heer Sare ah iyo Heshiisyo Iskaashi

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay mar kale, xidhiidhka labada dal iyo in ay hore ugu sii soconayaan wada shaqeyntii u bilaabantay wixii ka dambeeyey 26kii Diseembar, 2025 oo ay dawladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo ku…

Wacaal
Madaxweynaha Somaliland oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagaya Israa’iil

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho taariikhi ah ku tagaya Israa'iil, waana booqashadii u horreysay ee heer Madaxeed oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, tan iyo markii ay is aqoonsadeen, dhammaadkii sannadkii hore. Marka laga tago in booqashadani ay leedahay mudnaan marxaladeed, haddana muhiimadda ugu weyn ee booqashada ayaa la filayaa in ay dhacdo fiidnimada Isniinta, sida ay tabisay The Jerusalem Post, marka si rasmi ah loo furo safaaradda Somaliland, taas oo calaamad u ah samaynta xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo u dhexeeya labada…

Wacaal
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil oo laga digayo inuu dalka u rogo furin dagaal goboleed

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu ka gudbay arrimo diblomaasiyadeed, isla markaana uu yeeshay waji amni iyo mid milatari oo xasaasi ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqdeen aag ay si xooggan ugu loollamayaan Israa’iil, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Sida lagu sheegay warbixin baadhitaan ah oo ay dhawaan daabacday shabakadda Maraykanka ee CNN, Somaliland ayaa lagu xusay inay qayb ka ahayd shabakad ballaadhan oo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil u adeegsatay…

Wacaal
Dagaallo ka qarxay Muqdisho xilli uu sii xoogeysanayo muranka doorashada Soomaaliya

Dagaallo culus ayaa galabta ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, oo ay ku jirto degmada Howlwadaag, kaddib markii xiisaddu kor u kacday agagaarka meel ay mucaraadku ku qorsheynayeen bannaanbax berri loo ballansanayay. Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, oo saaka u guuray Howlwadaag isaga oo isu diyaarinayay bannaanbaxa, ayaa sheegay in weerar lagu qaaday. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in hoygiisa la weeraray. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay “xubno maleeshiyaad mucaarad ah oo hubeysan” inay weerareen “xarun booliis” oo ku…

Faaqidaad

Faaqidaad
Loollanka Maraykanka iyo Ruushka ee Gobolka Saaxil ee Afrika

Maraykanku waxa uu isku dayayaa inuu dib u dhiso xidhiidhada uu la lahaa dalalka Nayjar, Maali iyo Burkiina-Faaso, xilli Ruushkuna uu ballaadhinayo Unugga Afrika ee gobolka Saaxil ka hawlgala. Waa loollan kor u qaadaya halista amni ee gobolkan qalalaasaha badan, hodankana ku ah khayraadka. Arrinkani waxa uu muujinayaa isbeddel qotodheer oo ku yimi qaabkiii Maraykanku ula dhaqmayay saddexda dal ee uu hoggaanka millatari hoggaamiyo. Dalalkani waxa ay ka xidhiidh furteen Faransiiska, waxaanay xidhiidhka u jareen saaxiibbo dhawr ah oo reer Galbeed. Waxa kale oo ay ku midaysmeen dallad-goboleed…

Faaqidaad
Maxay Jarmalku ugu guulaysan waayeen ku biirista Golaha Ammaanka?

Aniga oo ahaa safiirka Jarmalka u fadhiya Qaramada Midoobay, isla markaana dalkayga matalayay markii ugu dambaysay ee uu xubin ka ahaa Golaha Ammaanka sannadihii 2019-kii iyo 2020-kii, waxaan si weyn ula yaabay natiijadii codbixintii dhacday horraantii bisha Juun. Natiijadu waxay noqotay: Boortaqiiska: 134 cod, Awstariya: 131 cod, Jarmalka: 104 cod. Natiijadani waxay ahayd niyad-jab weyn. Sidee bay arrintani ku suuragashay? Jarmalku wuxuu ka baxay Golaha Ammaanka dabayaaqadii sannadkii 2020-kii isagoo leh rikoodh aad u wanaagsan. Mudadii labada sano ahayd ee uu xubinimada hayay, wuxuu si…

Faaqidaad
Soomaaliya: Dadka la Qafaasho

Galabnimo bishu tahay 26-kii Juun, 2021, Ikraan Tahliil Faarax waxa ay ka baxday gurigooda oo ku yaallay Muqdisho, ka dib markii lambar aanay aqoonin uu soo wacay. Waxa ay fuushay gaadhi, qoyskeeduna waa uu u jeeday marka ay baxaysay. Ha yeeshee, laga soo bilaabo maalinkaas, qoyskeedu ma yaqaannaan meel ay ku dambaysay. Ikraan Tahliil ma ahayn mucaarad siyaasadeed, ma ahayn weriyad, mana ahayn qof arrimaha bulshada rayidka ah u dhaqdhaqaaqda. Waxa ay ahayd sarkaalad sare oo ka tirsan sirdoonka dalka ee NISA, waxaanay haysay xilka ah Madaxa Amniga Saybarka (cyber security). Halbeeg kasta oo…

Faaqidaad
Raacdaynta Giraanta Dhibaatada Hantigoosadka: Qalalaasaha Bariga Dhexe iyo Hirarka Iskacaabbinta — Q. 3AAD

Tamarta, Otomaatiyeynta iyo loollanka sii kordhaya Xoogaysiga tartanka loogu jiro soosaarista agabyada iyo dhisidda kaabayaashu, waa tartan sababaya in dalalka xooggan ee awood fidsiga wadaa ay boobaan khayraadka shidaal, gaaska, macdanaha iyo khayraadka kale ee dhifka ah. Hase ahaatee, si la mid ah sidii uu ahaa imbiryaaligii kalaasigga ahaa ee taxnaa toddobaatanaadka qarnigii 19aad ilaa 1945-kii, sababta koowaad ee tartanka Hantigoosadku ma aha dhul qabsasho iyo lasoo bixidda khayraadka dhuleed. Habraacyada aragtiyeed ee ay labadii Maarkisi ee Ruushka ahaa, Nikolai Bukharin iyo Lenin, u…

Faaqidaad
Raacdaynta Giraanta Dhibaatada Hantigoosadka: Qalalaasaha Bariga Dhexe iyo Hirarka Iskacaabbinta — Q. 2AAD

Loollanka walaalaha colaadda isu beddelay Masuuliyiinta Maraykan iyo shirkadihiisa waaweyn oo dhinac ahi waxa ay tartan kula jiraan Shiinaha, si Bariga Dhexe looga dhigo xuddunta cusub ee kaabayaasha dhijitaalka, cloud computing-ka, garaad-gacmeedka, tiknoolajiyadda bayoolaji iyo soosaarista baytariyada. Trump iyo saaxiibbadiisa gobolku waxa ay aaminsanyihiin in arrinkani uga baahan yahay maalgashi badan oo xuduudaha ka tallowsan iyo raasamaal badan oo la geliyo laga bilaabo Falasdiin ilaa Khaliijka, lagana dhigo mashruuc ku dul dhisma qalfoofka reer Falasdiin. Sida aan ku caddeeyey maqaallo…

Aragti

Maxay tahay Sababta aan Xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil loo Diimayn Karin?

Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tegay Israa’iil, wararka ku saabsan is-aqoonsiga labada dhinac, iyo safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada Qudus, ayaa dood weyn iyo falcelis xooggan ka dhex abuuray bulshada Somaliland, guud ahaan dunida Soomaalida, iyo caalamka Muslimka—gaar ahaan dalalka Carabta. Dad badan ayaa arrintan ku eegaya muraayad diimeed, halka qaar kalena ay u arkaan tallaabo siyaasadeed oo ku salaysan dan qaran iyo raadinta aqoonsiga ay Somaliland muddada dheer ku taamaysey. Doodda maanta taagan waxay u muuqataa in ay ka leexatay su’aashii aasaasiga ahayd…

Sheeko-xariirada Soomaalida: Dacaayadda Ragga iyo Dabacsanaanta Dumarka

"Araweelo dumar oo dhan bay, u aqli roonayd Iyaduna awoowgeed la naar, ma arrin fiicnayne Goortii ugaas laga dhiguu, ololay suurkiiye" — Faarax Xuseen Sharma'arke Sheeko-xariiradu waa mid kamid ah arrimaha dhifka ah ee bulshooyinka caalamku ka simanyihiin lahaanshaheeda. Bulsho kasta waxay u dhigtaa sida ay doonayso iyada oo ku salaynaysa aaminaadeheeda iyo qaab nololeedkeeda. Waa halkii qoraagii reer Hindiya ee Devdutt Pattanaik ka lahaa, "Sheeko-xariiradu waa run aan geed-ka-go'an ahayn, oo bulsho walba u dhigto qaab adduunaraggeeda". Sheeko-xariiradu ma ahan xaqiiqo geed-ka-go'an ah, balse…

Miyuu innaga huleelay hoggaankeennii wanaagsanaa?

Waxaa iswayddiin mudan inaan ogaanno waa kuma hoggaamiyaha wanaagsan ee aan u baahannahay? Hogaamiyaha wanaagsan aa aan baadigoobka ugu jirnaa waa hoggaamiye ay u kala caddahay cidda hoggaanka u dhiibatay iyo cidda uu hoggaaminayo, si hufanna u hagi kara bulshadiisa. Hogaaminta wanaagsani kuma koobna oo kaliya awoodda ama xilka uu hayo, waxa ay ku salaysan tahay awoodda uu qofku u leeyahay inuu ku kasbado kalsoonida dadka uu hoggaaminayo uguna raadiyo fursado nololeed. Kalsooniduna kuma dhalato hal maalin gudeheed, waxa ay ku timaaddaa ficillo joogto ah oo loo muujiyo si daacadnimo iyo…

Saddex-xagalka Gumaynta Gabadha Soomaaliyeed

Waa hubaal in maanta bulshada inteeda xooggani isla qirsantahay in gabadha Soomaalida ahi la nooshahay dulmi badan oo ay tirsanayso ilaa iyo xilli fog oo dib ugu noqonaya unkankii bulshadeeda. Ugu yaraan maanta lagama doodayo gabadha ma xaq baa ka maqan mise way kibirsantahay—sida dhici jirtay sannado ka hor—ee waxaa laga doodayaa sidee lagu xallin karaa oo gabadha xaqeeda laga faramaroojay loogu soo celin karaa! Waa dhab in arrintaasi ay u muuqato amaba tahay wax yar oo aan wax weyn ka goynayn dulmiga gabadha lagu hayo, se waa tallaabo weyn oo inoo dhawaynaysa xaqa iyo runta. Mar haddii la…

Maxamed Xaashi: Siyaasi Dhiggiisa Baahi Loo Qabo

“Illaahayoow dadkayga sidayda ka dhig ama sidooda iga dhig.” “Haddii aad rabto inaad ogaato dabeecadda dhabta ah ee qofka, awood badan sii.” Hadal nuxur ahaan sidaa u dhigan ayaa laga hayay Abraham Lincoln oo ahaa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka, oo xilka hayay intii u dhexaysay 1861 ilaa 1865. Innaga oo ka dhaqaaqayna hadalkaas madaxweynaha oo dabcan uu isaga laftiisa ku keenay khibraddiisa maamul, dabeecadda caadiga ahina inna barayso siyaasiga wanaagsani ma aha ka ugu codka dheer ama ugu ballanqaadyada badan; laakiin waa ka marka awoodda loo dhiibo, danta shacabka ka hormariya tiisa…

Dhaqan

Sheeko
Waayaha Jaaltu

Dhabarkeeda xoodan ee aad mooddo in hilibkii laga feentay ayay darbiga qabow ku tiirisay. Qoorteeda soo jabtay ayay labada low ku caabinaysa. Gacmeheeda dhuudhuubanna waxa ay ku waydaartay labada lugood ee ay lawyohooda maciinsanayso. Si murugo leh ayay u gandoodaa. Waa toddoba iyo toban jir faqrigu ka soo qixiyay dhulkeeda iyo ehelkeeda. Waxa ay waayuhu badeen in ay u soo shaqa doonato dad aysan af iyo dhaqan aqoon. Ma huruddo mana soo jeeddo. Daal aan cidna u ogayn ayay dhacsaal la tahay. Waa abaare kow iyo tobankii habeennimo. Waxa ay qotontaa halkii ay weelka lagu casheeyay ku dhaqday.…

Feker
Muxuu wakhtigu u noqday mid si xawaare leh u socda?

Sannadkii 1871-kii, qoraa aan magaciisa la aqoon ayaa ku qoray xusuus-qorkiisa noloshiisii caasimadda Ingiriiska isagoo yidhi: “Daal aad u baaxad weyn ayaa ku dhaca neerfayaasha iyo maskaxda reer London. Dadku waxay ku nool yihiin degdeg, wax kasta oo hareerahooda ka dhacayana waxay u socdaan si xawaare sare leh oo kooban. Kuwa caga jiidka ah ee aan degdeginna waxay si dhakhsiyo leh u ogaadaan inaanay wax fursad ah haysan; sidaas darteedna waxaa lagu khasbaa inay la qabsadaan laxan aysan hore u aqoon, iyagoo la mid ah faras gaabis ah oo barbar socda gaadhi dheeraynaya.” Waxaa cad in maanta…

Buug
Gorfeynta Buugga Heshiis Bulsho

Waxaa jira buugaag loo akhriyo kordhsi aqooneed, waxaana jira kuwo qofka ku khasba in uu dib u eego fahamkiisa ku saabsan bulshada, dawladnimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo ummadda uu ka tirsan yahay. Heshiis Bulsho waxa uu ka mid yahay buugag taxane turjumaad ah oo luugu magac daray taxanaha Sahan. Nuqulka buuggani waxa uu igu soo gaadhay u diyaar garoow munaasibad ay soo qabanqaabisay Madbacadda Qalinmaal, munaasibaddaas oo lagu soo bandhigayey buugaag turjumaad ah oo afkeenna loo soo raray si ay u gaadhaan akhristaha Soomaaliga ah. Waxa aan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo…

Buug
Faallo Buug: Cries in the Hinterland: Untold Stories of the Somali Region in Ethiopia, 1948–2018

Geeska Afrika waxa uu sooyaal ahaan iyo soojireen ahaanba ahaa mid aad istaraatiiji ugu ah quwadaha dunida iyo nidaamyada dawliga ah, oo waxa ku kulmay ilo khayraad ah iyo marinno lamahuraan u ah geeddi-socodka ganacsiga iyo wixii la halmaala, oo badi xulafooyinkii Yurubbiyaanku iyo kuwii ka horreeyayba waxa ay ahaayeen kuwo isha ku haya oo ku baraarugsan in wadnaha dunida halkani tahay. Waxa uu deeegaan u yahay bulshooyin ku kala duwan diin, dhaqan, af iyo habnololeed ahaanba oo isla jeerkaana loollanno isir ku salaysan oo taariikhi ahi ka dhex oogan yahay. In kasta oo uu Prof. I. M. Lewis…

Feker
Fahamka Hegemoniyadda: Sidee Loo Maamulaa Maskaxda Dadka Iyagoo Aan La Sandullayn?

Marka ay dawladdu u baahato in ay taangi dhigto waddooyinka, waxay ka dhigan tahay inay tahay awood ka welwelsan jiritaankeeda. Hase yeeshee marka ay ku dhex noolaato maanka dadka oo ay ka dhigto inay shacabku difaacaan iyagoon la khasbin, markaas waa awood aan si fudud loo jebin karin, maxaa yeelay kuwa loo taliyo ayaa iyagoon ogayn ilaaliya. Halkan, aaggaas cawlan ee u dhexeeya qancinta iyo sandullaynta, waxa ku jirta su’aashii mashquulisay saddex ka mid ah maskaxdii ugu waaweynayd qarnigii labaatanaad: Sidee dadka loogu qanciyaa inay aqbalaan waxa lagu soo rogay, iyagoo u malaynaya in ay…

Dhaqan
Sooyaalka Aragtida Dadweyne: Xanshaashaqii Sheekobaraleyda ilaa Algorisamyada Kombiyuuterka

Aragtida dadweynuhu waligeed may ahayn codad kala firidhsan oo suuqyada laga maqlo ama sawaxan ku meel gaadh ah oo fagaarayaasha ka dhaca. Waxay ahayd awoodda qarsoon ee hoosta ka dhaqaajisa taariikhda, taas oo boqortooyooyin dhista ama dumisa, sharciyadna siisa ilaahyo, boqorro iyo kacdoonno ama ka qaadda. Tan iyo xilligii ilaahyadii Baabiloon u jabeen gadoodka dadka, ilaa wakhtigan algorithm-ku dib u qaabaynayaan miyirkeenna, aragtida dadweynuhu waxay ahayd tamarta ugu daahsoon uguna saamaynta badan nolosha bulshooyinka aadamaha; ma aha xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah, mana aha been buuxda,…

Buug
Sheekada 1984 ee George Orwell

"Dagaalku waa nabad, xorriyaddu waa addoonsi, jahliguna waa awood." "Walaalka Weyni wuu kula socdaa." Weedho aan sinaba maankaaga uga go'i doonin marka aad sheekadan akhrido. Laakiin marka hore ku soo dhowoow caalamka Orwell, caalam uu fekerku dambi yahay, xaqiiqada oo la ogaadaa ay jariimo tahay, caalam ay beentu runta mar walba hal tallaabo ka horrayso, caalam uu madowgu caddaanyahay, caddaankuna uu madow yahay, waa marka ay danta Xisbigu ku jirto e. Sheekada waxa inoo soo warinaya nin xusuusqor bilaabaya 1984kii, adigu sidaas ayuu u malaynayay, waayo xilligaas uu xusuusqorka bilaabayay cid…

Dhaqan
Baraha Bulshada Afrika: Aalad Aayatiin Leh mise Fawdo Xogeed?

Markii aan ka tagay xirfaddaydii qareennimada oo aan galay waxa maanta loo yaqaan “hal-abuurka dijitaalka”, ujeeddadaydu waxay ahayd mid sahlan oo cad: inaan dadka la wadaago farshaxankayga. Xilligaas, sawir-qaadayaasha Nayroobi waxaa lagu aqoonsan jiray shaqadooda, qaabka ay wax u sawiraan, mowduucyada ay doortaan, mararka qaarkoodna nooca kamaradaha ay isticmaalaan. Markii aan ku biiray goobtan, waxay ahayd arrin iska cad in baraha sida Instagram, Twitter, oo markaas sidaa loo yaqaanay, iyo Facebook ay ahaayeen meelo lagu wadaago shaqooyinka hal-abuurka ah, ee aan lagu wadaagin qofka…

Galal

header icon

Aqoonsiga Somaliland

Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.

header icon

Arrimaha Soomaalida

Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.

header icon

Falastiin iyo Afrika

Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.

header icon

Colaadda Suudaan

Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.

Maltimiidhiya

Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan | Qaybta 1aad

Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan koowaad waxa lagu eegayaa taariikh-nololeedka Prof. Bulxan, sooyaalkiisa waxbarasho iyo waxdhigis, aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa iyo qoraalladiisa, iyo doorkii ballaadhnaa ee uu ka soo qaatay aqoonta, fikirka iyo bulshada Soomaalida. …

Faallo Buug: Siyaasadda Dhagar-walaal

Hadaljeedintan, Cumar Xasan waxa uu ku gorfeeyay buugga Siyaasadda Dhagar-walaal: Boqol Sano oo Soomaalidu ku Jirtay Qalaalaso Siyaasadeed iyo Mid Bulsho. …

Aragtiyaha Amniga, Isbeddellada Cusub iyo Somaliland

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay hadaljeedin cinwaankeedu ahaa: “Aragtiyaha Amniga, Isbeddellada Cusub iyo Somaliland.” Hadaljeedinta waxaa lagu gorfeeyay aragtiyaha cusub iyo isbeddellada amni ee casriga ah ee saameeya xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Waxa kale oo lagu falanqeeyay saamaynta ay isbeddelladani ku yeelan karaan amniga, siyaasadda iyo jihada mustaqbalka Somaliland. Hadaljeedinta waxa jeediyay Eng. Cabdifataax Ibraahim Sheekh, oo ah khabiir ku takhasusay amniga, arrimaha istiraatiijiga ah iyo doorashooyinka. …

Gumeysi-tirka Daraasaatka Soomaalida

Hadaljeedintan waxa uu Muxumed M. Muxumed kaga hadlay Gumeysi-tirka Daraasaatka Soomaalida iyo baahida loo qabo in dib loo eego sida aqoonta Soomaalida loo soo saaro, loo qoro, loona fasiro. Hadaljeedintu waxa ay ku saabsanayd waraaqdiisa aqooneed ee “Rethinking Somali Studies: Towards a Somali-centric Epistemology,” waxaanu ku falanqeeyay sida Daraasaatka Soomaalidu muddo dheer ugu tiirsanaayeen aragtiyo iyo kaydad gumeysi oo reer Galbeed ka yimid. …

Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga

Geeska waxa uu soo qabanqaabiyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga”, taas oo uu marti ku ahaa Dr. Cabdikariin Daahir Xasan, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada hormoonnada iyo caafimaadka dheef-shiidka. Muxaadaradan waxa lagu falanqeeyay sida nolosha casriga ah ee magaalooyinku u beddelayso caafimaadka bulshada, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya cuntada, walbahaarka, hurdo-yaraanta, fadhiga badan iyo korodhka xanuunnada daba-dheeraada sida macaanka, dhiig-karka, dufanka beerka iyo khataraha wadnaha. Dr. Cabdikariin waxa uu…

Waraysi

Waraysi
Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika

Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…

Waraysi
Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?

Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…

Waraysi
“Al-shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay leeyihiin iskaashi Istaraatiiji ah oo firfircoon”, Xuseen Sheekh Cali

Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…

Waraysi
“Dastuur dimuqraadi ah ma shaqeyn karo haddii aysan jirin kala-duwanaansho siyaasadeed” Nathan Brown

Muddooyinkii u danbeeyay mandaqadda ay dhacaan dalalka carbeed waxa ay la kulantay isbeddello waaweyn oo natiijadii ka dhalatayna ay sababtay in dalal badan oo Carbeed dastuurradooda dib u qoraan. Waddamadaas waxa aynu ka xusi karnaa Masar, Tuunis, ilaa ugu danbayn Suuriya oo uu dhammaadkii 2024 ka dhacay isbeddel la yaab leh. Xidhiidhka ka dhexeeya badanka qoraalka dastuuriga ah iyo waaqaca siyaasadeed ee mandaqadda Carbeedi waxa uu ka mid ahaa arrimaha ugu murugsanaanta badan. Iyada oo dastuurka loo dhigay in uu noqdo heshiis bulsheed oo dabar u ah suldada, ilaaliyana xuquuqda dadka, ayey…

Waraysi
Amiir Taaj al-Sir: “Wax Qoristu Waa ii Mashruuc”

Diktoorka iyo qoraaga reer Suudaan ee Amiir Taaj al-Sir waxa uu 1960-kii qoraalka kusoo galay maansada, ka dibna waxa uu sii dhex galay dunida sheekofaneedda. Qoraalladiisu waxa ay la gaar yihiin isku milidda waaqaca Suudaan iyo qaraa’ibnimada, waana qoraallo ku qoran af jaadgoonni ah oo hodan ah, sheekooyinkiisuna waxa ay sal u ah tebin cuddoon. Waa tilmaamo ka muuqda sheekofaneeddiisii koowaadba, Karamakool, oo sannadkii 1988-kii la faafiyey isagoo weli arday caafimaadka barta ka ah Qaahira. Waa sheeko judhiiba ku biirisay safka qoraayada waaweyn ee sheekooyinka, weliba Suudaan oo keliya ma…