Sunday 15 February 2026
Shacabka Yugaandha ayaa 15-kii Jaanayo 2026 u dareeray goobaha codbixinta waxaana dalkaas ka qabsoomay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Sharci dajinta oo isku sidkan kuwaas oo ku dhacay jawi siyaasadeed oo aad u kakan. Tartanka ugu weyni waxa uu dhex maray Madaxweynaha hadda Musefeeni oo Yugaandha ka talinayey tan iyo sannadkii 1985-kii, iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Bobe Wine oo haysta badi taageerada aqlabiyadda dhallinyarada.
Codaynta ayaa ku dhacday jawi adag iyada oo ay jiraan cadaadisyo la saaray mucaaradka iyo, waxaana ciidamo la soo dhoobay fagaarayaasha dadweynaha, halka xayiraado lagu soo rogay Internetka iyada oo ay xukuumaddu dhacdadaas ku sababaysay sugidda ammmaanka. Sida ay tibaaxayaan xogaha la helay, maalintii codaynta waxa uu dib u dhac ku yimid furista goobaha cod dhiibashada, taas oo sababtay in ay guddidu doorashooyinku ku daraan saacado dheeraad ah.
Natiijooyinka hordhaca ah ee laga helayo Xarunta Guddida doorashooyinka ayaa muujinaya in uu hoggaaminayo Musefeeni isaga oo haysta 75%, halka hoggaamiyaha Mucaaradka Bobe wine uu haysto 15%, codadka la tirayey oo gaadhaya 70%. Natiijadan hordhaca ayaa durba uu qaadacay hoggaamiyaha Mucaaradku Bobe wine isaga oo sheegay in la geliyey Xabsi guri, waxaanu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay qaadacaan natiijada oo uu ku tilmaamay “mid la dhoob dhoobay” oo aan dhab ahayn.
Sida warbixinnadu sheegayaan, waxa jira gadood shacab oo ka dhan ah natiijooyinka hordhaca ah, waxaana galabnimadii Jimcaha bilaabmay rabshado ay ku naf waayeen 7 qof , mucaaradka ayaana dawladda xukuumadda ku eedeeyey in ay adeegsatay awood dawladeed iyo xoog.
Iyada oo la tixraacayo dhacdooyinkan, waxa ay falanqeeyayaashu saadaalinayaan in doorashadanna uu ku guulaysan doono Musefeeni oo dalkaas ka talinayey afartankii sanno ee u danbeeyey.