Skip to main content

Sunday 19 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Yaa Xiga Liiska Israa’iil?

14 June, 2025
Image
Yaa Xiga Liiska Israa’iil?
Share

Dowladda israa’iil waxay xalay [habeenkii 12-ka Juun 2025] beegsatay meelo muhiim ah oo ka tirsan gudaha dalka Iiraan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: saraakiil ciidan oo heer sare ah, saynisyahanno ka shaqaynayey barnaamijka nukliyeerka, iyo xarumaha nukliyeerka laftooda. Weerarkan ayaa lagu dilay saraakiil culus oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Guud ee Ilaallada Kacaanka Xuseen Salaami, iyo Madaxa Taliska Guud Maxamed Baaqiri, iyo sidoo kale tiro ka mid ah saynisyahannadii ku lugta lahaa mashruuca nukliyeerka.

Waxa la ogaa in Israa’iil muddo dheer qorsheynaysay weerar sidan oo kale ah oo ay ku qaaddo Iiraan. Marka la eego bartilmaameedyada la duqeeyey, si cad ayaa loo garan karaa in Israa’iil ay si faahfaahsan u qorshaysay hawlgalkan. Xarrumaha nukliyeerka ee Iiraan ma aha wax sir ah, waxayna muddo dheer hoos imanayeen kormeerka hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga IAEA. Sidaas awgeed, Israa’iil umay baahnayn xog sirdoon oo gaar ah si ay u ogaato meesha xarrumahaasi ku yaallaan.

Laakiin waxa layaabka leh ayaa ah beegsiga tooska ah ee lagu bartilmaamsaday taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka iyo madaxa taliska guud iyo weliba saynisyahannada kale, kuwaas oo lagu dilay gudaha guryahooda. Marka si dhow loo falanqeeyo sawirrada laga helay gudaha Iiraan, waxa muuqata in guryaha dadkaasi loo beegsadey si hubanti ah, balse aan si nasiib ah lagu duqeyn.

Tanina waxay tusinaysaa in Israa’iil ay si weyn ugu tiirsanayd xogo sirdoon oo rasmi ah, si ay u ogaato goobaha ay ku sugnaayeen hoggaankaasi iyo saynisyahannadaa mashruuca nukliyeerka Iiraan. Waxaa suurto gal ah in xogahaasi ay qaateen hawlgal sirdoon oo socday bilooyin, waxana adag in la qiyaaso in heerkaas xog-ogaalnimo la gaadhi karo iyadoon la helin iskaashi lala yeesho gudaha dadka reer Iiraan.

Istiraatiijiyadda Israa’iil ee Weerarka

Tallaabada Israa’iil ee ah in aanay kaliya duqeynin xarrumaha nukliyeerka, balse ay si gaar ah u beegsato madaxda iyo saynisyahannada mashruuca nukliyeerka Iiraan, waxay muujinaysaa istiraatiijiyad la mid ah tii ay hore ugu adeegsatey dagaalka ka dhanka ah Xisbullaahi ee Lubnaan. Israa’iil waxay Lubnaan ku billowday weerar ay ku bartilmaameedsatay hoggaanka sare ee Xisbullaah kuwaas oo ku sugnaa shir, waxa ay ka dibna ku xigsiisey weerar ay ku qaadday qalabka isgaadhsiinta (cyber) oo lala beegsaday nidaamyada gudaha ee isgaadhsiinta, ugu dambaynna waxay beegsatay xoghayaha guud ee Xisbullaahi Xasan Nasrulla iyo ninkii loogu talogalay in uu xukunka ka dhaxlo, Haashim Safi Addiin.

Dhanka Iiraan, Israa’iil waxay si la mid ah midkii lubnaan u wada qaadday weerar milatari iyo mid sirdoonba. Inta duqeymaha lagu hayey xarrumaha muhiimka ah, waxaa isla xilligaas la bartilmaameedsaday madaxda iyo saynisyahannada. Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Katz, ayaa si cad u sheegay in qaybta ugu weyn ee qorshahani tahay in la beegsado Hogaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullahi Cali Khumayni. Katz wuxuu yidhi: "Ka dib markaannu goynay laamaha Iiraan, hadda waxaan beegsaneynaa maska madaxiisa."

Haddii loo eego qaabkii hore ee ay Israa’iil u fulisay weerarradeeda Xisbullah, waxay u bartilmaameedsatay goobo kala duwan si isdaba joog ah iyadoona muddo yar u kala dhexaysiisay, isagoona weerarkii ugu dambeeyay ahaa kii lagu qaaday Xasan Nasrullah. Laakiin farqiga keliya ee u dhexeeya weerarrada Israa’iil ee Iiraan ayaa ah in aanay u beegsan si isdaba joog ah iyo waqtiyo kala duwan, balse ay ku qaadday weerarro isku mar ah. Sidaas darteed, haddii la raaco hadalkii wasiirka gaashaandhiga, waxay u badan tahay in bartilmaameedka ugu weyn ee hadda la sugayaa yahay Khumayni laftiisa, waana suurto gal in la beegsado goor dhow ama xitaa saacadaha foodda innagu soo haya.

Qorshaha Jawaabta Iiraan

Iyadoo ay weerarrada Israa’iil weli socdaan, ayuu hoggaamiyaha Iiraan Aayatullaahi Cali Khumayni si degdeg ah bayaan ugu jeediyay shacabka Iiraan. Wuxuuna yidhi: “Waaberigii hore ee maanta, waxa uu nidaamka Sahyuuniga ahi danbi ka geystay dalkeenna qaaliga ah. Wuxuu mar kale si aan hore loo arag gacantiisa wasakhda ah ee dhiigga leh ugu muujiyey shakhsiyaddiisa xun, isagoo si badheedh ah u beegsaday xaafado rayid ah. Nidaamkanina waa in uu sugaa ciqaab aad u daran. Gacanta xooggan ee ciidamada qalabka sidda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ahina kama hadhi doonto, haddii Alle idmo.

Hadalkan waxaa kale oo la socday bayaan rasmi ah oo ka yimid milatariga Iiraan iyo Ilaallada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) kuwaas oo ballan qaaday in ay si xooggan oo aad u ba’an uga aar-gudan doonaan Israa’iil.

Wasaaradda Sirdoonka Iiraan ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay hayso kumannaan dukumenti oo ka kooban warbixinno xaasaasi ah kuwaas oo ku saabsan goobaha nukliyeerka ee Israa’iil iyo sidoo kale liis caddaynaya meelaha uu hubkoodu ku qarsoon yahay. Waxaanu taliye Xasan Salaami, oo maanta lagu dilay weerarkani, ku tilmaamay hawl-galkan sirdoon: “Dufaan al-Aqsaa 2”.

Sidoo kale, Muxsin Ridaa’i, taliyihii hore ee IRGC, ayaa ka hadlay howlgalka isagoo yidhi: “Ma jirto meel qarsoon, meel difaac leh ama meel ammaan ah oo hadda ku taal dhulka la haysto.”

Xildhibaan Mojtaba Zarei, oo ka tirsan Guddida Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa sidoo kale sheegay inay heleen in ka badan 10 milyan oo dukumenti. Wuxuu yidhi: "Hadda waxaan ognahay nooca bambooyinka uu haysto nidaamka Sahyuunigu, halka ay yaallaan, iyo godadka lagu keydiyay; waxaan ognahay qoto-dheeraanta godadkaas, awoodda difaacooda, waxyaalaha laga sameeyay, iyo xisaabtooda ku aaddan Iiraan. Faafinta qayb kasta oo ka mid ah xogtanina waxay dhalin kartaa qalalaase ka dhaca Aasiya, Yurub, iyo Maraykanka!"

Haddii ay run tahay in ay Iiraan hayso xog dhab ah oo ku saabsan xarrumahaas qarsoodiga ah ee nukliyeerka Israa’iil, islamarkaana ay go’aansato in ay weerar ku qaaddo goobahaas, waxaynu markhaati ka noqon doonnaa billowga taariikh cusub, oo aan kaliya ku koobnaandoonin Bariga Dhexe, balse saameyn ku yeelan doona caalamka oo idil. se haddii xogahaasi aanay gaadhin heerkaas muhiimka ah, Iiraan waxay weli leedahay fursad ay ku beegsan karto mashiinka nukliyeerka (Dimona) ee Israa’iil ama saldhigyada ciidan ee la ogyahay ama xitaa xarrumaha dowladda sida Wasaaradda Difaaca.

Dhammaan calaamadahaasi waxay muujinayaan in jawaabta Iiraan aanay raagi doonin, sidoo kalena ay ku dhici karto saacadaha soo socda ama ugu dambayn maalmaha foodda innagu soo haya.

Saldhigyada Maraykanku Ma yihiin Bartilmaameed?

Kadib markii ay weerarrada Israa’iil ka bilaabmeen gudaha Iiraan, waxaa isla markiiba soo baxay hadallo ka yimid madaxda Maraykanka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa shaaciyey in dalkiisu aanu ku lug lahayn weerarrda Israa’iil, sidoo kalena Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay hore usoo wargelisay, balse aanuu Maraykanku si toos ah uga qeyb qaadan howlgalka. Dhawaanahan iyo imikaba, Iiraan si isdaba joog ah ayey u sheegaysay in haddii Israa’iil ay soo weerarto ay saldhigyada ciidan ee Maraykanku ku leeyahay gobolku noqon doonaan bartilmaameedyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan aaminsanahay in suuragalnimada ah in Iiraan aanay beegsan saldhigyada Maraykanka ay tahay mid aad u xooggan, si looga hortago in Maraykanku si toos ah uga qeyb qaato weerarrada lagu beegsanayo Iiraan oo ay ku garab siiso Israa’iil.

Beegsiga Dahraan ee saldhigyada Maraykanka ee gobolku wuxuu keeni karaa laba dhibaato oo waaweyn oo ay Iiraan kala kulmi karto:

  1. In Maraykanku si toos ah ugu lug yeesho dagaalka

  2. In wadammada gobolka ee ay ku yaallaan saldhigyada Maraykanku u arkaan Iiraan in ay tahay ku cadow toos ah.

Marka laga eego dhinacyadaas, waxay u badan tahay in ay Iiraan dooranayso inay marka hore si toos ah u beegsato bartilmaameedyada ku yaalla gudaha Israa’iil.

Sharciga Caalamiga ah

Shaki kuma jiro in weerarrada Israa’iil ee ay ku qaadday gudaha Iiraan ay si cad uga hor imaanayeen sharciyada caalamiga ah. Tan iyo 7-dii Oktoobar, Israa’iil waxay si isdaba joog ah u jebinaysay sharciyada caalamiga ah iyadoo weerarro ka fulisay Qasa, Lubnaan, iyo dilkii ay u geysatay Ismaaciil Haniyya ee gudaha Iiraan. Weerarradaa sharci darrada ah ee Israa’iil ku qaaddayso jabhado badan tan iyo 7-dii Oktoobar waxay gaadhsiisey nidaamka caalamiga ah ee hadda jiraa heer uu ku burburi karo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, oo ka hadashay weerarrada Israa’iil, waxay sheegtay in "Israa’iil ay ku xadgudubtay qodobka 2aad, faqraddiisa 4aad ee Axdiga Qaramada Midoobay" markii ay weerartay Iiraan. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan waxay ku adkaysanaysaa in Iiraan ay xaq u leedahay inay ka aargudato Israa’iil iyadoo la raacayo qodobka 51aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Fashilka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu wax ka qabto hawlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo gobolka  gaar ahaana Qasa iyadoo si cad u jabinaysa sharciga caalamiga ah, wuxuu su’aal gelinayaa sharciyadda xeerarka caalamiga ah iyo jiritaanka Qaramada Midoobay lafteeda.

Weerarrada Israa’iil ee socday labadii sano ee la soo dhaafay waxay dunida gelinayaan halis ah burburka nidaamka caalamiga ah, taasoo la mid noqon karta burburkii Ururkii Qaramada (League of Nations) ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Howgalkan cusub ee billowday kadib weerarkii Israa’iil ku qaadday Iiraan wuxuu leeyahay awood uu ku ciyaari karo door khatar ah oo horseedi kara burburka nidaamka caalamiga ah. Sidoo kale, mowqifka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ee ku aaddan jawaabta Iiraan ka bixisay weerarka Israa’iil ayaa noqon doona mid muhiimad weyn leh oo arrintan la xidhiidha. Haddii la isku dayo in la furo kitaabka xeerarka caalamiga lana dhaqan geliyo kaddib jawaabta ay Iiraan ka bixisay Israa’iil, isagoo hore uga xidhnaa dhammaan xadgudubyada Israa’iil, arrintaasi waxay dhiirrigelin u noqon doontaa Israa’iil si ay u sii waddo hawlgalladeeda gobolka.

Wejiga Labaad ee Qorshaha Israa’iil

Warar ay tabiyeen ilo warbaahineed oo Israa’iili ah ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ay socon karaan ugu yaraan muddo laba toddobaad ah. Iyadoo la eegayona jawaabaha Iiraan, waxaa suuragal ah in uu dagaalkani sii dheeraado.

Waxaan ku aragnay weerarradii maanta in bartilmaameedyadu ay ahaayeen xarrumo nukliyeer, saraakiil ciidan iyo saynisyahanno. Weerarradani si toos ah saamayn ugumay lahayn nolol maalmeedka shacabka. Waxaana la filayaa in Israa’iil ay wejiga labaad ee weerarrada u beddesho talaabooyin si toos ah u taaban doona nolosha dadka shacabka ah. Taasi micnaheedu waa in la filayo in Israa’iil ay beegsato xarrumaha laydhka, goobaha gaasta dabiiciga ah, iyo warshadaha sifaynta shidaalka. Beegsiga Israa’iil ee meelaha sida tooska ah u saamaynaya nolol maalmeedka shacabk ah, waxa shaki la’aan ah inay uga dan leedahay inay kiciso shacabka si ay waddooyinka u soo galaan iyagoo dibadbaxaya.

Israa’iil waxay sidoo kale isku dayi kartaa inay dhiirrigeliso kacdoon dadweyne iyadoo adeegsanaysa weerarradaa iyo taageerrada kooxo gudaha ah.