Monday 13 April 2026
Shaqada abwaanka iyo qoraaguba, waa mid la yaab leh. Chesterton baa laga hayay:"Hal wax keli ah ayaa daruuri ah—wax walba!" Qoraaga, wax walba waxay uga dhigan tahay in ka badan eray gudaballaadhan uun; waa mid xarfi ah. Waxay uga dhigan tahay tajribooyinka aadanaha oo ah shayga muhiimka ah ee asaasiga ah. Tusaale ahaan, qoraagu kelinnimo ayuu u baahan yahay oo ku mana faa'iido la'a. Wuxuu u baahan yahay jacayl, oo jacayl la la wadaagay iyo mid aan la la wadaaginba wuu helayaa. Saaxiibtinnimo ayuu u baahan yahay, sidoo kale. Dhab ahaantii, wuxuu u baahan yahay kownka. Si aad qoraa u noqotid, si uun, waa in aad ahaatid dharaarcad-riyoode—in aad nooshahay laba nololood.
Seben sii fogaa waxaan faafiyay buuggaygii kowaad, “Fervor de Buenos Aires”, sannadkii 1923. Buuggaasi ammaan ma ahayn in ka badan inta aan isku deyayay in aan cabbiro dareenka aan u hayo magaaladaa. Waxaan dareemay xilligaa in wax badan ay iga dhiman yihiin, in kasta oo aan ku noolaaday jawi suugaaneed—oo, aabbahay wuxuu ahaa qoraa—misana arrinku ma uu ahayn mid lagu kaaftoomi karo. Waxaan doonayay wax intaa ka badan, waxaanan ka helay dhab ahaantii saaxiibtinnimadayadii iyo wadasheekaysiyadii suugaaneed.
Jaamacad weyni waxa ay tahay in ay siiso qoraa dhallinyaro ah, si aad u qotodher, waa: wadasheekaysi, gorfayn, fanka isku waafaqidda, iyo, ta laga yaabaa in ay aad uga muhiimsan tahay, fanka kala duwanaanshaha. Intaa gebigeedaba haddii aynu si fog uga nimaadno, waxaynu awoodnaa in aynu dhahno in laga yaabaa ilbidhiqsigu uu u yimi qoraaga dhallinyarada ah kolkuu dareemo in uu dareennadiisa ku gudbin karo gabay. Waxa waajib ah in uu bilaabo, dabcan, isaga oo jilaya abwaannada uu jecel yahay. Tani waa dhabbada uu qoraagu isu ahaanayo isaga oo is waayaya— jidkaa qariibka ah ee labadaa nololood, ee noolaanshaha, inta karaankiisa ah, noloshiisa waaqiciga ah iyo isla wakhtigaa noolaanshaha nolosha kale ee waaqaciisa ka baxsan, wuxuu qofku ku jeenigawracan yahay in uu hindisto xaqiiqada riyooyinkiisa.
Tani waa yoolka asaasiga ah ee barnaamijka Dugsiga Funuunta ee Jaamacadda Kolonbiya. Waxaan ku hadlayaa afka dhallinyaro badan oo hablo iyo inammaba leh oo Kolonbiya ku sugan kuwaas oo u hammuun u qaba in ay qoraa noqdaan, welina aan daahfurin codadka gudahooda. Waxaan dhawaan halkan ku qaatay laba toddobaad, oo aan u muxaadaraynayay arday xamaasadaysan oo qoraayayaal ah. Waan dareemayaa waxa ay ugu fadhido dawradani; waanan arkaa muhiimadda weyn ee ay ugu fadhido horumarinta suugaanta. Dalkayga, fursado noocan ah ma helaan dhallinyaradu.
Bal aynu ka fekerno qoraayada iyo abwaannada aan weli soo bixin, iyo suuragal ahaanashaha isugu imaanshahooda hal meel iyo ku ilaalintoodaba. Waxaan rumaysanahay in taasi waajibkeenna tahay caawinta samafalayaasha mustqabalka si loo xaqiijiyo hadafkooda kamadanbaysta ah ee daahfuridda nafahooda, kaas oo u adeegaya suugaanta weyn. Suugaantu ma ahan keliya isu gaynta erayo; waxa macnaha samaynaya runtii waa waxa aan la odhan, ama laga yaabaa laga akhrisanayo sadarrada dhexdooda. Haddii aanu jiri lahayn dareenkaa qotadadheer ee gudaheenna, suugaantu wax kale ma ahaateen ee dheeldheel uun bay ahaan lahayd, dhammaanteenna waynu ogsoonnahay, dabcan, in ay intaa ka ballaadhan tahay.
Raaxada akhristaha dhammaanteen waynu leennahay, balse sidoo kale wuu leeyahay qoraagu raaxadaa, iyo, dabcan, shaqada qoraalka oo u dheer. Tani keli ah ma aha mid qariib ah, balse waa abaalmarin la mahadiyo. Dhammaan qoraayada dhallinyarada ah abaalkaa waynu ugu haynaa fursadda si wadajir ah isu la kulmiddeenna, iyo fursadda isku waafaqitaanka iyo kala duwanaashaha, iyo ugu danbayn xaqiijinta xirfadda qoraalka.
Qoraaga Arjentiiniyaanka ee Jorge Luis Borges, ayaa ku sameeyay qoraalkan casriyayn la xidhiidha weedhihiisii Dugsiga Funuunta ee Jaamacadda Koloonbiya. Waxa uu qoray 8 May, 1971. Waxaana turjumay Cabdicasiis Daahir.