Skip to main content

Tuesday 14 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Yaa Ka Macaasha Dahabka Afrika?

30 June, 2026
Image
Pelumi Salako
Share

Kolka lasoo hadal qaado dahabka Afrika, waxa judhaba la xasuustaa Mansa Muusa, boqorka Boqortooyadii Maali ee qarnigii 14aad. Kolka la eego hantidiisii baaxadda ballaadhnayd ee laga markhaati kacay, marar badan waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ninkii ugu hodansanaa sooyaalka dunida, sababtuna waa khayraadkii dahab ee boqortooyadiisu lahayd.

Ha yeeshee, qarniyo ka dib Mansa Muusa, xidhiidhka Afrika la leedahay dahabku waa mid sidaa ka duwan. Walow qaaraddu leedahay dahabka ugu badan ee adduunka, haddana inta badan hantida laga sameeyo dahabkaas waa mid lagu hayo goobo ka baxsan qaaradda. Sida laga xigan karo Haayadda Qaramada Midoobay u Qaabbilsan Deegaanka (UNEP), Afrika waxa ay haysataa ku dhawaad boqolkiiba afartan kaydka dahabka dunida.

Ka sokow in Afrika ay tahay mid ka mid ah deegaannada dunida ugu hodansan dhanka dahabka, haddana waxa ay kaalmaha ugu hooseeya ka gashaa taxanaha qiimaha caalamiga ah. dahabka laga soo saaro daafaha qaaradda waxa loo dhoofiyaa dibadda, siiba Ingiriiska, halkaas oo lagu shiilo, lagu kala iibsado, oo qiimahiisana lagu jaangooyo. Arrinkan dartiina, marxaladaha ugu macaashka badan dahabku waxa ay ka dhacdaa meelo ka baxsan Afrika, oo ah waxa sababaya farqiga weyn ee u dhexeeya soosaaridda dahabka iyo hanti ka samayntiisa.

Kate Collett, oo ah falanqeeye ka tirsan Africa Practice, waxa ay shabakadda Aljaziira u sheegtay in “kaalinta Afrika ku jirto dhanka dahabka ay ka tarjumayso caqabado qaabdhismeed: waxa ka mid ah awoodda warshadaynta oo xaddidan, suququlka raasamaal iyo habdhaqannada ganacsi ee soojireenka ah Afrika gudaheeda oo doorbida in dahabka la dhoofiyo, arrinkan oo suuqyada ka baxsan Afrika u saamaxaya jaangoynta qiimahiisa”.

Se haddana, waxa soo badanaya xukuumado Afrikaan oo kordhinta heerka soosaarista dahabka garab wada inay inta badan dahabkaasna iyagu gacanta ku dhigaan. Waa hiraal ka fog siyaasadaha macdan qodista; oo hadda madaxda Afrika iyo dadka go’aanka lihi waxa ay dahabka u arkeen sal maaliyadeed oo istiraatiiji ah, laguna xoojin karo kaydadka, xoojinta meelaha siyaasadda dibadda ay kaga liitaan iyo ku taageeridda madaxbannaanidooda dhaqaale.

Isbeddelka ku dhacay kaydadka caalamiga ah

Dahabku waa uu soo laba kacleeyey, isagoo dib u muujinaya kaalintiisii ahayd seeska kayd istiraatiiji ah oo dhaqaalaha caalamiga ah ka mid ah. Si ka duwan lacagaha waraaqaha ah, dahabka waxa loo arkaa wax ilaashanaya qiimahiisa xilliyada sicirbararka, xiisadaha jiquraafi-siyaasadeed iyo khalkhallada maaliyadeed.

Inta badan dalalka Koonfurta Dunida, bangiyadooda dhexe waxa ay kordhiyeen kaydinta dahabka sannadihii u dambeeyey, arrinkanoo qayb ka ah badinta noocyada kaydad iyo dhimista u bandhignaanta nidaamyada maaliyadeed ee khaarijiga ah. Jihadan cusubi waxa ay si cad uga muuqataa dhaqaalayaasha soo kobcaya ee waaweyn, sida Shiinaha, Ruushka, Hindiya iyo Turkiga, sida ku xusan xogta Golaha Caalamiga ah ee Dahabka.

Iyagoo ururinaya dahabka, bangiyada dhexe waxa ay yaraynayaan ku tiirsanaanta lacagaha qalaad, waxaanay ilaashanayaan kaydad dahab oo ka baxsan xakamaynta nidaamka kasta oo maaliyadeed. Dalalka Afrika ayaa kusoo biiray isbeddelkan iyagoo isku dayaya xoojinta xasilloonida dhaqaale, dhisidda kayd iyo kordhinta madaxbannaanida maaliyadeed. Gudaha Afrika, Gaana oo ka mid ah dalal soo saara dahabka oo qaaradda hormuudka u ah waxa ay kordhisay heerka dahabka gudaha lagu soo saaro iyo xaddiga dahab ee uu bangigu iibsado oo raacaya barnaamijka dahab urursi ee loo dhigay, sida lagu xusay warbixinta Bangiga Gaana.

Sidoo kale, Nayjeeriya ayaa raacday istiraatiijiyado ballaadhan oo lagu kala duwayo noocyada kaydadka, waxaana lagu soo daray kordhinta dedaalka lagu bixinayo kaydka dahab, sida ku xusan warbixinaha Bangiga Dhexe ee Nayjeeriya iyo warbixinaha haayadaha maaliyadeed ee caalamiga ah, sida Bangiga Dunida iyo IMF.

Tansaaniyana waxa ay shirkadaha macdan qodista iyo ganacsatada ku waajibisay inay boqolkiiba labaatan waxsoosaarka dahabka u gaar yeelaan ka iibinta Bangiga Dhexe, iyadoo la raacayo habraaca kayd ee la dejiyey. Gini ayaa sidoo kale adkaysay shuruudaha ku xidhan rukhsadda dhoofinta macdanta, arrinkan oo qayb ka ah tallaabooyin ballaadhan oo lagu kordhinayo korjoogtaynta dawladda.

Sida ay xusayso falanqeeye Thea Fourie, oo ah Madaxa Falanqaynta Gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika ee S&P Market Intelligence, kor u kaca ku yimi qiimaha dahabku waxa uu xoojiyey isbeddelladan. Waxa ay Aljazeera u sheegtay: “Isbeddelkan jihadi dahabka ku timi waa isbeddel la jaanqaaday isbeddel jiquraafi-siyaasadeed oo ballaadhan, lana xidhiidha in meesha laga saaro doolaraynta, sida in la samaysto nidaamyo lacag bixin oo beddel u noqota kuwii hore iyo kordhinta adeegsiga lacagaha maxalliga ah kolkay ganacsi noqoto”. Kolka la eego soosaarayaasha Afrikaanka ah, isbeddelkan ku dhacay deegaankii maaliyadeed ee caalamiga ahaa waa wax dardar geliyey in dahabka loo adeegsado agab laga dhigto madaxbannaani dhaqaale.

La wareegidda xaddi dheeraad ah oo taxanaha qiimaha ah

Xukuumadaha qaaradda Afrika waxa ay isku dayayaan inay sidoo kale gacanta ku hayaan in ka badan intii hore oo ah qiimaha waxsoosaarka gudeed, iyagoo u maraya adkaynta dabagalka iyo korjoogtaynta macdan-qodista, iyo dib u qaabaynta qaabka dahabku ugu kala gudbo marxaladdii soosaarista iyo marxaladdii dhoofinta.

Gaana waxa ay kordhisay barnaamijka iibsiga dahabka oo ka mid ah siyaasadda Bangiga Dhexe. Tansaaniya waxa ay xoojisay korjoogtaynta iibka dahabka ee gudaha dalka, halka Gini ay adkaysay bixinta rukhsadaha iyo shuruudaha dhoofinta dahabka, iyadoo tallaabooyinkan looga dan leeyahay xal u helidda gudaha iyo ilaashiga qiimaha dahabka. Sidoo kale, macdan-qodista soojireenka ah ee inta badan ka shaqaysa meelo ka baxsan nidaamyada rasmiga ah, waxa loola dhaqmay qayb ka mid ah dhaqaalaha dahabka oo rasmi ah, halkii loo tixgalin lahaa mid u dhigma dhinaca rasmiga ah oo aan rasmi ahayn. Collett waxa ay leedahay: “Waxa suurogal ah in barnaamijyadani dalalka ka caawiyaan xakamaynta qiimaha khayraadkooda macdaneed, iyagoo hoos u dhigaya tahriibinta, oo rasmi ka dhigaya macdan-qodista soo jireenka ah, dhiirrigelinna u samaynaya warshadaynta gudeed”.

Si iskudheellitirku weli ma dhamma, oo macdan qodayaasha yaryar intooda badani weli waxa ay ku shaqaynayaan meelo iyo nidaamyo ka baxsan janallada rasmiga ah, sababtuna waa xaddidnaanta helitaanka maalgelin, suuqyo ama kaalmo farsamo.

Qaramaynta khayraadka ee Galbeedka Afrika

Gobolka Saaxil ee Afrika, xukuumadaha millatarigu hoggaaminayo ee Maali iyo Burkiina Faaso, waxa ay ku dhaqaaqeen in inta badan xukuumaddu ay gacanta ku dhigto macdan qodista, dib u habayntanina waxa ay qayb ka tahay dedaal ballaadhan oo ay ugu jiraan dhimista ku tiirsanaanta dhaqaale ee dalalkii gumaysiga. Madaxweynaha Maali ayaa bud dhigay dib u qaabaynta dhinaca macdanta iyo ballaadhinta ka qayb qaadashada dawladda iyo xoojinta awoodaha warshadayn. Ka dib markii Ruushku soo galay kaalintii isbahaysi ee uu banneeyey Faransiisku, dawladdu waxa ay hirgalisay warshadda dahabka Bamako oo ay dawladdu maamusho.

Sidoo kale, Burkiina Faaso ayaa kordhisay ka qaybqaadashada dawladda ee macdan qodista, waxaanay ku dedaashay ballaadhinta kaydka dahabka ee maxalliga ah. Sidoo kale, iyadoo qayb ka ah “Isbahaysiga Dalalka Saaxil” ee ay ku jiraan Nayjar iyo Maali, waxa ay hirgaliyeen nidaam dhaqaale oo intan ka qotodheer. Waxa laga dooday qorshayaasha ah in la iska kaashado lacag xooggan, oo hadda gacanta lagu hayo. Sidaas oo ay tahay, haddana inta badan hogagga macdanta ee gobolka ku yaalla waxa weli gacanta ku haya shirkado ajnabi ah, sabab la xidhiidha awoodda farsamo ee xaddidan awgeed.

Sida ay Fourie ay xusayso, isbeddelkani waa mid ka tarjumaya mawjad ballaadhan oo qaramaynta khayraadka ah, dabadana ay ka riixayso cadaadiska maaliyadeed iyo caqabadaha amni. Waxa ay tidhi: “Xukuumadahaasi waxa ay xoojiyeen xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka saaxiibka la ah ee aan reer Galbeedka ahayn, arrinkan oo dib u qaabayn ku ah xidhiidhada ganacsi iyo diblumaasiyadeed ee muddada fog”. Ha yeeshee, falanqeeyayaashu waxa ay ka digayaan in adkaynta korjoogtaynta dawladdu ay sababi karto hoos u dhigidda maalgashiga haddii aanay habraacyada maamul caddayn ama aan si joogto ah loo raacayn.

Jidka dheer ee ka horreeya gacan ku dhigidda dahabka

Ka sokow sawaxanka siyaasadeed iyo tallaabooyinka kordhaya, haddana gacan ku dhigid dhamaystiran oo lagu dhigo silsiladda qiimaha dahabku waa mid aad u fog. In laga guuro soosaaridda, oo loo gudbo warshadayn iyo qiime jaangoyn oo gudaha dhaqaalayaasha Afrika ka dhex dhacaa waa wax u baahan maalgashi joogto ah oo lagu sameeyo kaabayaasha, xirfadaha iyo awoodaha warshadeed.

In la dhiso warshado sifayn oo caalami ah iyo soojiidashada raasamaal muddada dheer ahi waa wax qaadan doona wakhti, xitaa haddii xukuumaduhu kordhiyaan korjoogtayntooda. Beverly Ochieng, oo rugcaddaa falanqeeye ka ah Control Risks, waxa ay tidhi: “Kolka qaababka maaraynta iyo maamulka loo fuliyo qaabab madmadow ku jiro, danlayda kalena aan laga qayb gelin, waxa si dhimaya kalsoonidii maalgashadayaasha”. Qaar ka mid ah xukuumadaha ayaa ku guulaystay iskudheellitirka korjoogtaynta xooggan iyo kalsoonida maalgashadayaasha, iyagoo u maraya la tashiga danlayda iyo dejinta qaabab cad cad oo maamul. Waqti xaadirkan, in badan oo ka mid ah qiimaha laga dhaliyo dahabka Afrika waa mid ku qulqula dibadda. Ka sokow tallaabooyinka iskudayga ah, haddana falanqeeyayaashu waxa ay aaminsanyihiin in tobannaan sanno ay qaadanayso xakamaynta dhamayska tirani.