Thursday 15 May 2025
Isaga oo shaqo ka soo baxay buu si degdeg ah u soo koray baska xaafadooda u baxa. Waxa uu salka la helay kursi laba qof loogu talagalay. Baska oo in cabbaar ah u kala socda suuqa iyo xaafadooda waxa uu caado u leeyahay inta uu saaran yahay, in uu dhagaysto inta badan barnaamij ama hees. Haddii jawigu uu dagganyahay waxa uu shitaa barnaamijka BBC-da ee world book club ee ay daadihiso saxafiyada marwo Harriett Gilbert. Haddii kalana hees macaan oo codka fannaanadaha uu luuqdooda jecelyahay, laxan macaanna loogu hagarbaxay.
Aalaaba marka ay asxaabtiisa arrimaha fanka ka wada sheekaysanayaan wuxuu halhays u leeyahay markuu hees qalbigiisa ku weyn u ammaanayo: "Heesi waa laxan ee laxanka heestan maanad dhadhansan".
Isaga oo markaas uun bilowdey barnaamij lagu gorfeynayo sheekadii uu qorey sheeko qorihii cabqariga ahaa ee Ruushka u dhashey Fyodor Dostoyevsky ee ladhkeedu ahaa 'Crime and Punishment` baskana ay ka dhiman tahay intii uu ku dhaqaaqi lahaa tiro koobani, ayaa la soo fadhiistey kursigii ku xigey. Isaga oo moobilka ku foorara ayuu eegay geesta la soo fadhiistay mise waa inan is uruurinaysa oo buug nooca madaarista culuumta diinta la xidhiidha lagu barto u eeg dhabta u saaran yahay.
Oday waayeel ah timihiisana aan tin cad lagu ogayn oo xidhan lebbis safaari isku joog ah, jaraa'idada maxalliga ah midkoodna gacanta bidix ku sita ayaa soo koray. Wiil dhallinyaro ah baa judhiiba ka booday kursigiisii oo odayga waayeelka ah u baneeyay. Duqii baa wiilkii kula kaftamay si xushmad iyo mahadnaq aannay ka madhnayn in uu yahay nin xoog ah sidiisa oo kale.
"Eeyaahee iska fadhiiso da'dii isgiijintu idin dili jirtay baad maraysaaye" maamo waayeel ah baa hadalkaas odaygii oo sii fadhiisanaya ku tuurtay, dhallinyaro badan oo maqlayay baa qosal la dhacay. Mar keliya waxa baskii ka dhex istaadhmay doodaha salka ku haya isgarbinta ragga iyo dumarka oo mid walba kan kale ku eedaynayo in ay xuquuqi kaga maqan tahay. Dhowr dumar ah oo kuraas isku dhow fadhiyay ayaa in cabbaar ah ku dheeraystay inay soo faqaan sida ragga xilligani aannu xilkaska u ahayn ee ay kaalintoodi ugu bannaan tahay. Sida ay kala dhigdhigidda ceebaha ina rag iskula qaateen waxaad moodaysaa in ay dhuuxeen oo ruugeen doodihii Gloria Steinem, ama ay cadad badan oo majaladeedii Ms. Magazine ay u ahaayeen akhristayaal heellan oo aan tirsi keliyaana dhaafin. Waxa se waaya-arag ka dhigay duurafaha nololeed ee ay la noolyihiin. Kana hiiliya dumarka.
Badanaa sheekooyinka basaska kolba halkay marayso ayuu qofkii soo koraa uu ka qabsadaa ama isagaaba mid kale ka dhinac bilaaba. Nin da'aada afartameeyada ah oo rakaabka ku soo biiray ayaa mar keliya beddelay majarihii ay sheekadu ku socotey. Siyaasad muxaafid iyo mucaarid ah oo markay sii yara socotana reer hebel iyo reer hebel kale saldhiganaysa ayuu rakaabkii u bilaabey. Mucaaradaddu salkeedu waxa uu ku aroorayaa in wax la saxo, oo la toosiyo aragti ka duwan oo wax lagu toosinaya bulshadooda soo hordhiga. Lakiin, fahanka bulshadan mucaaradnimadu waa in kursiga la gaadho oo keliya. Sidaas baana siyaasigu taageerada tolkii ku hantaa.
Waxa uu dhugtey in inanta ag fadhidey aannay ku socon sheekadan uu rakaabka cusubi la soo koray baska. Sursuurta oodan ee uu geliyay haasaawihii iyo sheekadadii waayeelka ee ay dhegaysanaysay. Malayntiisa ayaa run noqotay, markay si hoose u tidhi: waa hore ayaa la inna faray inay urayso oo ay tahay in aan iskaga tegno.
Halkaas ayay sheeko cusub iyo isbarasho uga bilaabmatay, wiilkii Fyodor Dostoyevsky gorfaynta sheekadiisa lagu samaynayay dhegaysanayay iyo inantii kitaabka caqiidada ee Maxamed Cabdiwahaab dhabta u saarnaa. Durba waa maalmo ka dib, wayba isa soo waceen. Durba midba midka kale ayuu nolashiisa wax ka ogaaday. Durba sheekadu way iskugu baxdey. Durba waxa ay is arkeen iyaga oo dareen ka weyni isku jiidayo labadooda.
Waxa uu iskula faqaa marka uu Nooleeya ka fekerayo in aan garashadu ku xidhnayn da` iyo waxbarasho midna ee ay tahay intii Ilaahay qofka siiyo. Weel walba wixii ku jira ayaa dusha ka muuqda. Wuxuu is arkay isaga oo kolba ku jalbeebinaya haasaawe ay tiirdhaxaad u yihiin qoraayo waawayn oo uu ku saamoobay buuggaagtooda. Qoraaga reer Ingriis George Orwell ee ku astaysan foolaadkii qarnigii 20-aad ee curintiisu shaamareerka ku riday dunida wax akhrida ayuu saacado badan ku qaatay sida uu qalinkiisu ugu dhiiranaa waxkasheega nidaamyada dowliga ee aaran dubatada ah. Caankana ku ah adeegsiga fooshaxun ee awooda, cadaaladdarada bulshada iyo sida walaalkii weynaa uu cagta hoosteeda u geliyay dalkii iyo dadkii uu maamulayay. Doonistiisii ay shidaalinisay nafsadiisa buktaana uu diin uga dhigay shacabka.
Dhaxalka suugaaned ee iinsaanka uga tegay ay xataa raad ku leedahay siyaasada waqtigan taagan, oo talisyada jidka madow ku sii socda ama ku taaganba lagu shaambadeeyo: kelmadaha “Orwellian” iyo “Walaalka weyn”.
Waxa uu sheekada isaga iyo inanta jacaylkeeda laabtiisa lagu daabacay ka dareemay in ay akhriska iyo kala sheekaysiga arrimaha la xidhiidha daneyn weyn u hayso. Waxa xasuustiisa ku soo degdegay hadal uu muddo ka hor meel ka akhriyay oo xitaa qofkii yidhi aannu haddeer saxayn: “Two people in love don’t just share emotions; they shape each other’s minds, thoughts, and even dreams.” Labada qof ee is joogaa keliya dareenkooda ma wadaagaan; laakiin waxa midba kan kale qaabeeyaa maskaxdiisa, fekerkiisa iyo xataa riyooyinkiisa.
Sheekagaaban oo ay qortey Chimamanda Ngozi Adichie ayaa cinwaankeedu ahaa “A Private Experience”, sheeko ay dulucdeedu tahay gacankahadalka diimaysan ee dalkaas ka dhaca. Chika gashaanti la yidhaah oo ka soo jeeda qoomiyada Igbo oo Masiixiyad ah, ayaa dhibbane u noqoneysa xasarado diimeed oo u dhexeeya Masiixiyiinta iyo Muslimiinta koofurta Nayjeeriya. Iyada oo barakac ah oo nafta meel ay kula eerato doonaysa ayay soo magangelaysaa gabadh muslimad ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Xawsaha, labadan dumarka ah ee duruuftu isbaddey waxa ay mid weliba leedahay ahaansho midda kale ka duwan: isir, diin iyo dabaqadda nolasha. Sida ay teedadkaas oo dhan u jabiyee wehel rumaad isdhagaysta oo isuna ogolaada in mid weliba sida uu yahay isku cabbiro ayay si suugaamaysan oo farshaxannimo leh kuu dhex geynaysaa Chimamanda.
Nooleeya, waxa ay lahayd dabeecad isku dhafan oo ka madhan matalaada iyo isyeelyeelka. Waxa uu wax walba ka jeclaa isna asalnimada. Wuxuu durba is arkay iyada oo erayadeedu ay u leeyihiin xoog iyo xiise nafta meesha ugu fog kaga dhacaya. Wuxu la shaamareeray jacaylka daran ee durba naftiisa buuxdhaafiyay iyo waqtiga kooban ee ay Nooleeya isyaqaaneen. Sababtaas ayuu dareenka laabtiisa cimidhka ka ah ugu garaabi la’ yahay. Weydiimo badan oo madaxiisa wareegaya oon afkiisa ka soo baxayn in uu la ciirciirayo ayuu is arkay.
Labadooduba xilligii ballanta way isa soo xaadiriyeen. Laba qof oo laabaha iska ogal siday isku salaamaan ee isku marxabaysiiyaan ayay yeeleen judhay indhaha iska qaadeen. Hilow iyo boholyow karkaarada jabsaday sheeko ay shidaalinayaan ayay in cabbaar ah wada liseen. Mar keliya ayay Nooleeyi inta ay laacdey boorso yar oo nooca garabka la saarto ah midabkeeduna madow tahay ka soo saartay moobilkeedii.
Hees macaan oo ay u sheegtey inay ku soo shubatey mimariga moobilka ayay daartay oo weliba codkana dalacdey, si haddii qof kale u dalici lahaa uu u dhibsan lahaa; iyada se dhibteedu waa raaxo. Qof diimeed bay ahayd Nooleeya, haddana qof fanka, sheekooyinka iyo waayo kasta xog ka haysa bay ahayd. Waa sababtaa iyada oo kitaab diineed wadata misana ay hees dookheeda ugu daartay si ay haasaawaha ugu qurxiso. Kolkii ay gaadhey waqtigii la kala hoyanayay, ayuu halhalleel laabta iskaga duubay oo isku cadaadiyay! Isaga oo ka wesheshanaya adduunkan iyo habeenka dheer ee aammusan. Cadowsanaa habeenku, gacalsanaana dumarku ayuu si baraad la’ u yidhi. Sida magaceedu Nooleeya u ahaana, daqiiqadahaas haasawaheeda wuu ku noolaaday.