Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Xusuusta aan Tirmayn ee Macallin Cali Jimcaale

9 April, 2026
Image
Xusuusta aan Tirmayn ee Macallin Cali Jimcaale
Share
Suugaanta Afriki waxa ay u baroordiiqaysaa geerida aqoonyahan iyo gabyaa baarka sare ahaa: geerida borofaysar Cali Jimcaale Axmed, oo dhaxal waaraya ka tagay.

Geerida borofaysar Cali Jimcaale Axmed waxa ay ka dhigantahay luminta aqoonyahan, gabyaa iyo nin dadnimo leh, oo fekerkiisa iyo deeqsinnimadiisa qofeed ku hodmiyey nolosha dad badan oo kala takhasusyo ah, qaaradaha dunida ee kala duwanna kasoo kala jeeda. Waxa uu ahaa qof si sharfan uga dhex muuqda suugaanta Afrika, suugaanta gumeysiga ka dib iyo suugaanta caalamiga ahba. Cilmibaadhisaha uma arki jiri goosan aqooneed oo aan la fal gelid lahayn, ee waxa uu u arkayey la falgelid nool oo lala falgelayo sooyaalka, xusuusta iyo masuuliyadda anshaxa. Borofaysar Cali waxa uu ku caanbaxay waxa loogu yeedhi karo “nadqinta naawilaadda wadata”, oo waxqabadyadiisa iyo waxsoosaarkiisu waxa ay ka turjumayaan sida uu ugu hanka weynaa weyneynta iyo kor u qaadidda codka dadka dulman iyo hogotusaalaynta mustaqbal sida hadda caddaalada dhaama oo ka dadnimo wanaagsan.

Waxa uu ahaa mufaker caalami ah, oo aragti ballaadhan leh, oo saamaynteedu xuduudaha iyo takhasusyada isaga tallawday, sida laga dheehan karo muxaadarooyinkiisa, sida: “Dib-u-sawiridda Soomaaliya: Tagtadii Gumeysi iyo Mustaqbalka Gumeysiga-ka-dib”, oo uu Jaamacadda Harvard ka jeediyey sannadkii 2016-kii. Borofaysar Cali Jimcaale waxa uu ahaa bare iyo hage khibrad sare leh, isagoo sannado badan Isbarbardhigga Suugaanta ka dhigayey Kuliyadda Kuwiinis iyo Xarunta Deraasadaha Sare ee Jaamacadda Magaalada New York. Waxa uu ku caan baxay qaab wax u dhigidda raacsan manhajka Soqraadiga ah, waxa uu lahaa hannaan wax u dhigis oo ay ardayga iyo macallinku islafalgalayaan, waxaanu hoolalka waxbarashada u arkayey fagaarayaal wada xidhiidhid feker iyo doodwadaag ah.

Borofaysarku waxa uu si adag u diiddanaa nooc kasta oo kalaqaybin ah oo dunida lagu sameeyo, isagoo ardaydiisa ku hagi jiray “aragtida iskuxidhnaanta” ee ka dhaxaysa dadka iyo dhaqamadooda (sida lagu xusay mareegta Kulliyadda Kuwiinis), waxaanu tix gelin weyn u hayey kala duwanaanta. Waxa uu awood sare oo dhif ah u lahaa inuu soosaaro awoodaha dadka kale, oo uu si nafhurnimo ah u daneeyo. Kuwo badan oo annaga ah oo borofaysarka garanaya, dhaxalkiisiina sidaa, keliya waxsoosaarradayada feker uun dhaxalkiisii kama metelno, ee sidoo kale waxa uu tusaale noogu noqday qaababka dabbaqaadda manaahijtayada waxbarasho iyo dhisidda bulsho cilmibaadhiseed.

Kolka aan shakhsi ahaan iska hadlo, wanaag badan baan u hayaa borofaysarka. Wakhti udubdhexaad u ah sooyaalkayga akaadami, waxa uu i siiyey fursad kaalin weyn ku yeelatay horumarka xirfaddayda, waana inuu faafiyey qoraalkaan kaga qaybqaatay buugga “Aamusnidu Dahab Ma aha”, waana qoraalkaygii koowaad ee akaadami ah ee aan ku faafiyo Maraykanka gudihiisa. Bogaadintan iyo aqoonsigan uu I siiyey ma ahayn wax kedis ah, ee waa caddaynta dedaalkiisa joogtada ah ee ahaa ilaalinta codadka cusub. Markii aan u guuray Jaamacadda Ohaayo, anigoo ka tagay Jaamacadda Asmara, 2005-tii, markasta waxa uu ila garabjoogay taageero. Waxa uu qoray farriimo iyo ammaan uu igu metelayey, waxaanu hadaljeedintii ugu mudnayd ka jeediyey kulan ka dhacay Jaamacadda Ohaayo, oo aan anigu soo qabanqaabiyey, si loo xuso Kassahun Checole (2012), sidoo kalena waxa uu gorfayn iyo faallo qotodheer ka qoray buuggaygii ugu horreeyey ee akaadami, kuna saabsan “Suugaanta Eretariya ee Gumeysiga Ka Dib” – faallo qurxoon, qotodheer, oo dhab abbaar ah. kaalmadiisu waxa ay kalsooni gelisay waxqabadkayga, oo ah kalsooni qaabaysay jidkayga xirfadeed.

Kolka laga yimaaddo fagaarayaasha akaadami, borofaysar Cali waxa uu si weyn ugu hawlanaa ka shaqaynta nabadda, siiba nabadaynta Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Fekerkiisu waxa uu qayb aan lagamaarmin ka ahaa aragtidiisa anshaxa. Farriin iimayl, oo uu la wadaagay nin labadayadaba saaxiib la ahaa, qoraa iyo borofaysar Charles Cantalupo, borofaysar Cali waxa uu cabbiray rejo ilaa hadda saamaynteedii iyo hagitaankeedii jiro: waa in la laabo bogga sooyaalka bahalnimadaa ah ee gobolka ka jira, laguna beddelo mustaqbal ka dhibirsan, oo ah mustaqbal la widhwidhaya “daruuraha nabadda… oo mahiigaanno nabadeed wada, una diyaarsan cokinta dhulka”. Sida uu aaminsanaa, nabaddu keliya ma aha hal-ku-dhigyo laga gudbo, ee waa mabda’ dhab ah—waa nabad caddaalad la socoto, oo lagu taageero dhabar’adayg iyo rejo joogto ah.

Waxa adag iswaafajinta murugada geeridiisa, iyo joogitaanka waxsoosaarkiisii iyo saamayntiisii. Sidaas oo ay tahay, xus kasta oo Cali Jimcaale loo sameeyo, waxa aynnu xusuusnaynaa in aanu ku koobnayn waxsoosaarkiisii qoraal, ee waa xusuus koobsanaysa bulshooyinkii uu dhismahooda ka qaybqaatay, noloshii uu saamaynta ku lahaa, iyo mustaqbalkii uu nagu dhiirrigeliyey sawirashadiisa. Codkiisii waxa uu kusoo noqnoqon doonaa wayddiimaha aynnu keenno, waajibaadka ay tahay inaannu ilaalinno iyo shaqada ay tahay inaannu sii wadno.

Waxsoosaarkiisa aqooneed baa caddayn waaraysa u ah aragtidiisii. Waxsoosaarradaas waxa ugu caansan: “Daahfurka Soomaaliya”, “Waagu Wuu Dhawyahay”, “Aamusku Dahab Ma aha”, “Tiiraanyada Qurbaha” “Waddo Aan la Marin”, “Cabsidu Waa Sac” iyo “Kolka Dameeruhu Weylo Dhalaan”. Waa waxsoosaar kala mawduucyo duwan se ujeeddo midaysan leh, oo ka tarjumaya danayntiisa joogtada ah ee arrimaha sooyaalka, haybta ummadeed iyo qurbaha, iyo sidoo kale anshaxa lagamamaarmaanka u ah fikirka gumaysiga ka dib ah.

Si weyn baynu u tebi doonnaa, jacayl kastana waynu ku xusuusan doonnaa, innaggoo hagitaankiisii awgii, ku dedaalayna ku noolaanta iyo ka shaqaynta mustaqbal sidan hadda ka caddaalad wanaagsan, ka caalamisan, oo ka nabdoon.