Saturday 8 November 2025
Meertada noloshu waa gelinba cayn. Nolosha waxa nolol ka dhigaana waa in aysan dheellitirnayn ee ay kala dhiman tahay, had iyo jeer. Sidaa darteed, qofku waxa uu dhashaa qoyskooda oo hodan ah, ama madhnaanta hayn la'aanta oo firaaq kasta oo jiray buuxisay. Hase ahaatee, labadaa midna ma waaro. Hodantinnimada waxa hilfaha u laaba nolosha oo markan abaar iska soo dhigtay, wax la'aantana waxa barabixiya tacab ama deeq Ilaah oo si kadis ah u timi. Muuqaalka guud ee xooladhaqatadu waa sidan. Qofka waayahaa ku dhex dhashay ee ku barbaarayna waxa qaabeeya qallafsanaanta dadka, iyo qorfannimada dhulka uu ku raad dhaqaajiyay. Dabciga kakan, jacaylka loo qabo awoodda, sida loogu hammiyo in rag badan la dhalo, iyo ku tiirsanaanta qof kasta iyo qabiilkiisu; waa astaan ku tolan diirka sare ee qofka reerguuraaga ah.
Adduun magac baa ka hadha. Waa halbeegga waxqabad ee lagu hawlgalo, marka la joogo dhulkan. Waari maysid e, war hakaa hadho, iyana waa la mid. Judhaba, waxa aad halkan ka ogaatay laba wax; in qiraal laga yahay waaritaan la'aanta nolosha, iyo lagamamaarmaannimada in wax la iska reebo. Haa. Waa in wax uun kaa hadhaan, si magacaagu ugu waaro socotada taariikhda ee la isu wariyo. Kaydka xusuusaha ee cid uun waa in lagaa helo. Taariikh xun, mid wacan, ubad ama duunyo foofso, adiga ayey kuu taallaa, waa se in war kaa hadho. Dhanka kale, maangadka halkan ka jiraa waxa weeye, taariikhdu macna ma leh marka aad reerguuraa tahay, waxba lama diiwaangeliyo, waxna lama qoro; dhacdooyinka taariikheed waxa qudha ee lagu kaydiyaa isu werinta suugaanta. Dhacdo weyn oo arlada gilgishay diiwaanka qudha ee laga soo heli karaa waa uun gabay uu qof ku tookhay ama mid ku cataabay, ama dheh, gabyaa afmiishaar ahi ku luuqeeyay, isaga oo cid ku diganaya, ileen sida uu gabyaa Salaan Carrabay sheegay, "Afku wuxu la xoog yahay, magliga xawda kaa jara e." Isku soo wada duub, xusuusta qudha ee la rabo in ay hadho ama ninku iska reebaa waa rag sii waariya magaca tolka si reerku ugu sii jiro taariikhda qori-isudhiibka ah.
Dhulka Hawdka ayaa aan ku dhashay muddo hadda laga joogo labaatan iyo dheeraad sano. Dhuldaaqsimeedka 'Casarqoya' ayaa aan goor fiid ah ku soo biiray qoyska, noloshuna daqiiqadahaas ayay dhul qorfe ah iigu bilaabantay oo igu soo dhawaysay, dabcan, soo dhawayn gacalnimo ma ahayn e, waxa ay ahayd soo dhawayn caado ah. Intii aanan dhalannin ka hor, waxa gayiga ka aloosnaa dagaallo u dhexeeyay dowladda iyo shacabka, gaar ahaan deegaanka aan ku dhashay waxa uu ahaa meelaha ay ugu xumayd colaaddu. Qof la dilay, mid la qafaashay iyo loollanka u dhexeeya jabhadda iyo dowladda ayaa joogto ka ahaa. Marka aan imika dib u eego, labada kooxoodba waxa ay halgan ugu jireen sharaf iyo qab. Qabka reernimada ee loo godgali karo, iyo sharafta dowladnimada ee xeerarka caalamiga ahi dhigayaan in loo xabaal galo. Baroordiiqda qof la jeclaa lagu sagootinayo iyo alalaaska qof dhashay lagu soo dhawaynayo ayaa wax caadi ah ka noqday deegaanka. Marka la eego sida xawliga ah ee ubadku u dhalanayeen, waxay u muuqatay in raggu 'wax iska reebayo' si aan xusuuswadareedda looga waayin. Hase ahaatee, muddo yar dabadeed waxa kacaamay jiil dhan oo agoommo ah talada ay ku dhasheenna ay ahayd 'Wax iska reeb', godob badan ayay tirsanayeen oo koox gaar ah u qabeen, sidii caadada ahayd, iyaguna halgankii hortood bilawday ayay sii ambaqaadeen. Si la mid ah, anbaqaadka geediga, sida awrta loo raro, ayuu u xidhiidhsanaa halgankaasi.
Gobannimada waa la jecel yahay oo la muuneeyaa. Aad bay u meeqaam sarraysaa, laga yaabee in si gob loo noqdo qof iyo qofafba nafta loo dhaafiyo. In la gumoobo waa la neceb yahay, waayo, haddii gun la noqdo wax badan baa la waayayaa, waxa ugu yari waa in 'Gabadhaadu guur beesho' sidaa darteed, gunnimada waa laga ordaa intii la karo, maxaa yeelay, dhadhanka noloshu waa gobannimo. Haddii se aad gumowdo miyaa, dhimashadaa kuu roon, waayo, 'dhaqashiyo mar kaa yihiin dhereggu xaaraan.' Gobannimada waxa ugu yar baad ku hanan kartaa, gunnimadana sidoo kale, tusaale, marti goor xun socota oo aad sooryayso ama ka seexato baad gun iyo gob ku noqonaysaa, mana jiro firaaq u dhexeeya oo aad buuxin kartaa, cudurdaar ma jiri karo.
Dhulkaygu waa qorfe oomane ah. Waa omos biyayarood ah. In kaste oo uu abaaraha soo noqnoqda dhulka kale ee Soomaalida kala mid yahay, haddana, waxa usii dheer in biyuhu ku yar yihiin, dowlad biyaha soo saartana aanu helin. Sidaas oo ay tahay waa dhul hodan ku ah daaqa iyo baadka xoolaha, waa meel ay geellaydu aad u jeceshahay oo geelu ugu dhaqmo, si guudna meesiyada kale oo dhan u wanaagsan. Dhulkani, marba haddii uu noqday meel geela saar u leh, geeluna yahay astaanta Soomaalida ee qabka iyo quruxda siyaadisa; waa dhul hadal-hayn badan leh, dabcanna dadka u dhashay baa in lagu tookho qayb ka ah oo sumcaddiisa aad u weriya. Ciidda cas ee dhabaqguduudka ahi waa astaanta ugu caansan ee Hawd lagu yaqaanno. Dhirta cufan iyo kaymaha jiqda ah ayaa soo raaca. Waxa kale oo ah balliyo xiliga roobka buuxsama sidoo kale ah bar kulmisa barbaarta haasaawe tagga ah.
Dhulkayga, gabaygu waa boqorka suugaanta oo aad baa loo ciseeyaa, waa la isugu tookhaa, ama waa la isu tiriyaa iyada oo lagu kaftamayo; markale nin guurdoon ah baa gashaanti uu calmaday ku beerlaxawsada. Golaha shaah, sheeko iyo gabay la isla helo wax la siistaa ma jirto. Xeerka Gabaygu waa in arrin adagi keentaa, iyada oo taa la jidaynayo ayaa la isla qaatay:
"Haddaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaa keenin
Ama aan olol jacayl iyo xanuun kugu igbaaraynin
Afkuun baad ka leedahay, ee tixuhu arar ma yeeshaan"
Ciyaarta jaandheertu waa mid kale oo ka mid ah astaamaha reer Hawdka, waxa ay dhahaan waa khayraadka dhulkani leeyahay. Waa gole marka roobku da'o aad u aloosma oo laga yaabo in laba sheeko wadaag ahayd jacaylkoodu ku sii bullaalo, ama laba aan hore isu aqoonnin ayaa caashaqoodu ka beermaa oo hadhow mahadhadooda la wariyaa. Dumarku waa ay sitaadsadaan oo gole u gaar ah ayey saarka iskaga ridaan, ku Allabaryaan, kuna sheekaystaan. Sitaadka waxa inta badan lagu xusaa nabiga, waana goob lagu ducaysto ama la isku waaniyo. Tusaale, marka ay suubanaha xusayaan waxa ay dhahaan:
"Waan seexan waayoo,
waan salalayaaye,
Xaggeen Mukhtaaroow,
kuu soo maraa"
Wacdiga iyo waanada kolka ay iyagu isu gudbinayaanna waxa ay luuq qiiro leh ku wada qaadaan:
"Alla dumar miyaa loo xalaaleeyay xan iyo been?
Oo tolow ma qiil bay u haystaan qabriga madaw"
Dhulkayga fanka iyo suugaantuba jaad kasta oo ay yihiin waa laga qaddariyaa. Diintu saamayn muuqata ayay ku leedahay bulshada, oo culimadii hore ee qaadiriyada ayaa ducada iyo dardaarankaba qaabilsan. Qofka ay il qalloocda ku eegaanna ma raaqraaqo, waayo, sida la qabo waxa ay leeyihiin tuf.
Diilinta samaha iyo xumaha u dhaxaysa ayuu dhulkani dhacaa. Mise, nolosha oo dhan baaba labadaa u dhaxaysa? Gu' curtay, iyada oo nabadi jirto ayaad daawasho ugu dhaqaaqi kartaa, adigaa oo sool jiq ah jooga oo cida shinbiruhu yihiin noolaha qudha ee ku weheliya. Marka uu roobku da'o, caanaha oo weel kasta ku jira, ifka waxa ku uuman wixii aad u jeclayd oo geel ah iyo quruxda dhulka iyo cirka naxariistu ka sokayso ayaad markale fiirsi ugu dhaqaaqi kartaa. Inta aad nimcadaa ka bogato, ayaa aad geed weyn hoostii gashaanti xasiloonida raxmaddu sii qurxisay kula shawri kartaa, muddo yar ka dib ayaad guursan kartaaba, yaa og?
Waan kuu sheegay in ay wax yar isu jiraan macaanka iyo qadhaadhka dhulkani. Ha igu eedayn haddii aan kaa qubo quruxdii aan ka soo sheekeeyay, waa wax jira, oo ay muhiim tahay in aad dhulkayga ka ogaatid. Cirka ayaa roob laga waayi karaa, mararka qaar, gu'ga iyo dayrtaba waa la waayi karaa. Foolxumada dhulka ayaa si kama danbays ah u soo ifbixi karta, dhirta soogsoogan, daruuro la'aanta, dhimashada xoolaha oo tarabtarab noqota, nafbaxa iyo nabaadguurka ku dhadha baadka iyo waxa ugu muhiimsan oo la waayo, waa biyaha e. Qofkii shalay degannaa ayaa dabeecaddu ka xumaataa oo nolosha karha. Sidan iyo qaabkii horeba waa ay noqotaa. Waa nolosha, reerguunaanimada iyo reer Hawdnnimada.
Meertada nololeed ee isbedbedasha ee taariikhdu ka dhalato ayaa waayaha iyo duruufaha dhulkaygu ku salaysnaayeen waligood. Tagtadii hore, waxa dadka deegaanku ahaayeen bulsho asalkoodu reerguuraannimo ku arooro, ilbaxnimada iyo casriyowguna aanu u bilaabmin, in kasta oo ay jireen qaayasoorro bulsheed iyo xadad bulshadu ku kala nabad geli jireen, haddana, waxa saamaynta ugu badan lahaa xeerka kaynta oo dadku inta ay si nidaamsan u noolaayeen waxa ka badnayd inta ay habqanka ahaayeen. Dhaca, dilka iyo gardarraduba waxa ay ahaayeen gaashaan la isku ilaaliyo, ama si intaa looga badbaado ayaa loo samaynayay.
Timaadadii dhexe oo ah xiligii Soomaalidu dowladnimada heshay, iyana xili gaar ah bay ahayd oo dadka waxa saaqay neecawda dowladnimada – riyadaasi ma ay sii waarin – hase ahaatee, saamayn xooggan bay ku yeelatay habdhaqankii iyo noloshii reerguuraaga Hawd, ilaa ugu danbayntii dhulkan shisheeye gacanta loo galiyay oo ilaa hadda uu ku jiro gacanta dawlad aanay dooran. Hadda iyo joogtadana, dhulkan waxa uun looga noolyahay sida ay Itoobiya u qaabeysay oo duruufaha ka jiraa waa kuwo ka wacaal bixinaya riiqda laga dhaxlay xukunkaas. Si la mid ah dhulalka kale ee Soomaalida, halkanna, waxa is dhex socda tolliimada iyo qarannimada. Dadku dowladda iyo reerka labada waa ay ku tiirsan yihiin.
Habka dhulkayga looga noolyahay waa wareegto la iska dhaxlo oo la isla yaqaanno. Marka qofku muddo ku dhex jiro geela, adhiga iyo xoolaha kale, sidoo kale uu la bardoodan dhamaysto saaxiibbo kale oo aan isaga wacyi dhaamin; waxa uu isaga oo waayo'aragnimada sabool ka ah si miidaamo ah u galaa arrin guur. Damac guur baa gala. Haddaanu guursan muxuu qabtaa ee kale?
Wuu dhashay oo wuu koray, oo xooloraac buu noqday, waxa kale ee ku xigaa waa in uu qorshahaa galo. Haa, si uu raganimadiisa u tijaabiyo ayuu raadiyaa gabadh hawlkar ah oo garaad badan leh, qoys wacanna ka dhalatay oo lala xididi karo, markan dookhu kaalin muuqata kuma leh doorashada gabadha iyo, dabcan, wiilkaba, waxa la iska rabaa uun tayooyin nololeed sida in gabadhu shaqayn karto, reer wacan ka soo jeeddo, ama in wiilku guri xooloqabeen ah ka dhashay isaguna yahay qof mudakar ah oo naag haysan kara. Qofka jidkaa doortaa waxa uu ku foofaa arrin kasta oo wax ku siyaadinaya; dhaqashada xoolo badan iyo in uu ubad badan dhalo. Ujeedku inta uu yahay in xoolaha la manaafacaadsado waxa ka badan inta la rabo in lagu faano ama ay hadal-hayn dhaliyaan. Dhanka kale, ubad badan in la dhalaa kama dhigna in la rabo, hase ahaatee, waxa looga dan leeyahay in 'la iska reebo' ama qofka si kale u fikiraa waxa uu rabaa in ay usoo duceeyaan marka uu god galo.
Sida marar badan dhacda waxa jira qof ama qofaf baal mara xeerarka ab-kasoo-gaadhka ah ee la isu weriyo, dadyowgaas oo laga yaabo in ay marka hore noqdaan tuke baal cad oo la takooro, haddana, ugu danbaynta ama iyagay noqotaa in la raadiyo si loo maamuuso, ama ugu yaraan, fikirkoodii baa dhadhan iyo macna gaar ah yeesha. Si ka duwan jidka uu maray ninka guurdoonka ah ee iskula faqay in uu reer dhiso, waxa isaguna la arkaa qof qawad ka galo hab nololeedka dadkiisa oo ay ku filaan waydo sida halkan looga noolyahay, qofkaasi waxa uu go'aansadaa in uu tuulada ugu dhow u baxsado si uu shaqo iyo waxbarasho uga helo. Doonista dhabta ah cidi isma hor taagi karto, in kasta oo la isku dayo in qofkaa la celiyo, haddana ugu danbaynta tiisa uun bay ku ururtaa, hase ahaatee, waxa uu ka dhaxlaa erayo deelqaaf ah oo laga soo daba tuuro, sida in 'Dibjir' lagu sheego, laakiin, eedayntaasi ma sii waarto oo inta badan qofkaa waa la martiyaa, ugu danbaynta.
Dhulkan farxadda iyo murugada waxa u dhexeeya inta roobka iyo roob la'aanta u dhaxaysa, taas oo ka dhigan haddii raxmadda Eebbe raagto xasilloonidii dadkuna waa ay maqan tahay. Waxa qudha ee la kaydin karaa waa xoolaha oo ay adag tahay in la cuno ama la iibiyo, baadka iyo biyahana fikraddii lagu kaydin lahaa wali lama helin. Nabadda iyo colaadda midna hishiis laguma aha, tii hadba jirta ayaa lagu gawracan yahay, in waranka la dhiigeeyo ayaa fudud, waanwaantuna waa marka danbe iyo wixii nolol lagu gaadho.
Asalraacnimadu ma aha wax si sahal ah kaga tirma qofka reerguuraaga ah. Magaalo ha galo, ama miyiga xoolo haku foofsado, hubantidu waa in garashada iyo dabciga ay iskaga mid yihiin. Ilaalinta 'sharafta' tolka, dhawrista qabka, iyo jeclaysiga geela iyo xoolahaba waa ay ka siman yihiin. Marka dib loo eego cawaaqib xumada dowladnimada haysata, waxa la ogaan karaa in halka dhibkaasi ka soo fufaa ay tahay dhaqanka geellayda siyaasiyoobay ee xeerkii kaynta raba in uu kula macaamilo dadwaynaha iyo aduunkaba.
Reerguuraannimadaydu dhawr qarni ayaa ay soo taxnayd. Qofkii u horreeyay illaa midka laga yaabo in uu xalay dhashay qaab nololeedkoodu si kasta ayaa uu isugu eeg yahay. Wixii kaa hore cadaw u ahaa ayaa wali aniga ii ah. Wixii uu cisayn jiray ayaa aan wali muuneeyaa oo wayneeyaa. Jacaylkiisii ayaa aan waariyaa. Waxa aan ahay astaan u taagan jire iga horreeyay, markan ayaa aan qirayaa jiil kasta sababtii uu u dhashay in ay ahayd in uu weriyo oo waariyo magacii ka horreeyay, maadaama oo tolniimadu qori-isu-dhiib tahayna waajibkaa hore la gudanayay. Su'aalaha soo noqnoqda waxa ka mid ah: Miyaan ku khasbanahay u noolaanshaha si aanan ku qanacsanayn? Sidii jiilkayga hore u noolaa miyaa ay tahay in aan ka dab qaato oo la mid noqdo? Wayddiimahani mararka qaar waxa ay noqdaan qosol iyo maad, mararka qaarna dhinbiilo feker kale dhaliya ayay isu beddelaan.
Ma laga yaabaa in aan belo jirin, sabab tagtadaa loo naco, jiilalkii hore loo karahsado ama loo inkiraana jirin? Waa wayddiimo kale oo si halhaleel ah ugu soo daata maskaxda.
Noloshaa waxa ugu weyn ee reerguuraagu ka taransaday waa duruufo isku wada jaad ah oo isu wada midab iyo muuq eeg. Nolol kakan. Derajada u weyn ee laga dhaxlaa waa ad'adayg, inkaste oo uu nolol suurta galiyo, haddana sida loo buunbuuniyo uma sii ridna.